Gurmadka Baladweyne ayaa wali ka socda magaalada Gaalkacyo, ardayda Jaamacadaha,yaa ka qayb qaadanaya Gurmadka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Waa nasiib daro in Dowlada Fadaraaku meeshay juhdi iyo dhaqaale waxay heli karto ay gelin lahayd Dadka geedaha korkooda saaran ee Hiiraan in ay ku abaabusho dagaal iyo Ciidan ay ku qabsato Galmudug,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wasiir Sabriye ayaa sheegay in Ahlusuna ay markii dambe arrinka ku soo xirtay wax u dhigma 35% in laga siiyo Baarlamaanka ama albaabka wada hadalka uu xiran yahay, isagoo xusay in arrintaas ay keentay inay ka eegaan danta in haddii Ahlusuna albaabka xirato ay adkaato in la dhiso Galmudug oo mid ah iyo in dalabkooda loo fuliyo, isla markaana markii dambe la huri waayay in tooda in loo fuliyo. “Fahamkeyga wareegtada ay baraha bulshada ku faafiyeen Ahlusuna ee ay rabaan in caddeyn uga dhigtaan in laga balan-qaaday 35 ka mid ah in laga siiyo 89-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiilada Galmudug…
Aqalka Hoose ee Koongareeska Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah u furay baaritaanka lagu samaynayo haddii uu Madaxweyne Donald Trump ku kacay falal ka baxsan awoodihiisa dastuuriga ah. Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in mar uu bishii Luulyo ee aynu soo dhaafnay uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ku cadaadiyey inuu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden. Biden ayaa hogaaminaya musharraxiinta xisbiga Dimuqraadiga ah ee u baratamaya ku guuleysiga musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinimo ee sanadka danbe.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka xilli dhawaan ay ka dhaceen halkaas dibadbaxyo rabshado watay oo ay dad badan ku dhinteen. “Abiy iyo Pompeo waxay ka wadahadleen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee harreeyay gobolka Oromiya iyo sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhalatay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha qaar” ayaa lagu yiri bayaan lagu daa boggay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Itoobiya waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha qaar ee wada dego halkaas. Rabshadihii ugu dambeeyay waxay ka dhasheen markii Jawaar Maxamed oo kamid ahaa dadkii garwadeenka ka ahaa…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
When I was a young scientist working on the fledgling creation that came to be known as the internet, the ethos that defined the culture we were building was characterized by words such as ethical, open, trusted, free, shared. None of us knew where our research would lead, but these words and principles were our beacon. We did not anticipate that the dark side of the internet would emerge with such ferocity. Or that we would feel an urgent need to fix it. How did we get from there to here? While studying for my doctorate at MIT in the…
Ciidamada Badda Puntland waxay isku fidiyeen goobaha muhiimka ah ee Magaalada Bosaso,kuwaasoo ay ka mid yihiin.. 1.Garoonka diyaaradaha. 2.Taliska guud ee Ciidanka Badda. 3 Dekeda. Ciidamadu waxay ka digtoon yihiin warar sheegaya in Magaalada lasoo galiyay Maleeshiyo iskugu jirta Burcad-badeed iyo Daacish,balse magac qabiil wata. Maleeshiyaadkan waxaa maalgalinaya Nimankii lahaa shirkada PDG ee laga qaaday Mashruucii adeega Ciidanka Badda,kuwaasoo kala ah.. 1.Ina Cabdullaahi Saalax Deer.2.Senatar Mashruuc.3.Ina Shire Quube.4.Ciise Yulux. Inkastoo xaalada magaaladu degan tahay xiligan hadana saakay waxay ku aadan tahay maalinkii ugu danbaysay ee shaqada shirkada PDG,iyadoo todobaad ka hor lasiiyay dhaqaale ka maqnaa.
In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey. Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Lebanese Prime Minister Saad Al Hariri resigned on Tuesday. He was expected to give speech from his official residence in Beirut at 4 pm (1400 GMT) on Tuesday, the official Twitter account of the prime minister’s office said. “No one is bigger than his country,” he said in announcing his intention to quit his post. Earlier two official sources told Reuters that Hariri was heading towards resigning, amid two weeks of unprecedented anti-government protests that have paralysed the country.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Garowe waa caasimada Puntland oo loo siman yahay cdi gaar ulehna aysan jirin”ayay yiraahdeen waxgarad markooda gaalkacyo ka hadlay kadib kuwii shalay ka hadlay Garowe. Waxgaradka Mudug ka hadlay waxay canbaareeyeen Maamulka Gobolka Nugaal iyo Odoyaasha sida gaarka ah usheegtay caasimada kuan hanjabay in ay ka saraayaan cidii ana taageersanayn Madaxweyne Deni,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Ilo-wareedyo ku sugan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan ayaa maanta oo Axad ah sheegay in la aaminsan yahay in hoggaamiyaha ururka Dowladda Islaamka ee Daacish Abuubakar Albaghdaadi lagu dilay howlgal Milatari oo uu Mareykanku fuliyay oo ka dhacay Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan jeedinay hadal uu arrintan ugu talo-galay. Sarkaal Mareykanka ah oo magaciisa in la qariyo dalbaday ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Baghdaadi lagu bartilmaameedsaday howlgal xilli habeen ah dhacay, hase yeeshee ma aanu xaqiijin in weerarkaasi uu guuleystay iyo in kale. Hoggaamiyaha mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee fadhigoodu yahay Idlib oo ku…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal,waxuu ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ugu waa weynaayeen Gudiga Doorashooyinka,arinka Col.Caare iyo Safarka Cali Khaliif ee Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan. “Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,” “Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.” Abiye Axmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu…
Madaxweyne Kuxigeenka 1-Aad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,ayaa ka warbixiyay kormeer uu galinkii danbe ee shalay ku tagay deegaanada dhaca Waqooyiga degmada Kismaayo sida Buula-Guduud,Yoontay iyo Baarsanguuni,hoos ka daawo muuqaalka. Halkanka daawo muuqaalka
Kalfadhigii golaha baarlamaanka Puntland ee shalay furmay waxuu saakay uguda galay ajandihiisii caadiga ahaa.Xildhibaanada,ayaa ka dooday ajnadaha oo ay ku jireen qodobo xasaasiya ,kuwaasoo ay kamid ahaayeen.. 1.Arinka DP World.2.Arinka ku wareejinta garoomada shirkado gaar loo leeyahay.3.Arinka Dastuurka iyo arimaha Fadaraalka. Xildhibaano ay isku garab yihiin Gudoomiye Dhoobo,ayaa soo jeediyay in sidiisa lagu ansixiyo ajandaha,balse waxaa ka hor yimid inta badan Xildhibaanada oo soo jeediyay in qodob-qodob looga doodo kadibna lagu ansixiyo ama lagu diido,waxaana ugu danbayn laysku raacay in ajandaha golaha horyaala qodob-qodob looga doodo. Goluhu saakay intaas,ayuu kusoo xirmay,waxaana maalinka beri ah bilaaban doona ka doodista ajandaha,hoos ka…
Way kulmeen Deni iyo Dhoobo maanta oo way isla qadeeyeen,balse laysma afgaran. Maalinka beri foog ah kalfadhiga Baarlamaanka waxaa horyaala Mooshin xilka looga xayuubinayo Gudoomiye Dhoobo. Xarunta Baarlamaanka waxaa la geeyay Ciidamo xoojin amaan ah,balse Dhoobo oo ka cawday darteed dib ,ayaa looga soo qaaday. Masuuliyiin aan la xiriiray waxay iisheegeen in Ciidamadu utageen xarunta Baarlamaanka xoojin amaan markii hore dibna loogu soo celin doono beri subax. Xaalada caasimada way degan tahay kalfadhiga Baarlamaankuna waxuu ufurmi doona si caadi ah hadii rabi idmo.
Nasiibdaro kale oo ku dhacday Wadada Garowe iyo Galkacyo. Midowga Yurub waxay laaleen lacagtii ay ugu talagaleen dhismaha Wadada Galkacyo iyo Garowe,taasoo gaaraysay Toban Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun dolar markale. Midowga Yurub oo lacagtan dib u ogolaaday doorashadii Madaxweyne Deni kadib,ayaa hada joojiyay bixinteedii. Sababta loo joojiyay lacagtaas,ayaa timid kadib markii Dowlada Puntland ay ku guuldaraysatay soo dhamaystirida shuruudiihii laga rabay dhankeeda. Shuruudaha ay ku xireen Midowga Yurub Puntland,ayaa waxay kala ahaayeen.. 1.In Shirkadii horay uhaysatay qandaraaska ee isxilqaan laga saaro meesha. 2.In tartan furan dib loogu galo qandaraaska dhismaha Wadada si daahfurnaan leh. Dowlada Puntland waxay ku…
Madaxwayne Erdogan,ayaa ka hadlay arimaha Dalka Suuriya,Ruushka Iyo xaaldo guud oo xiiso leh Halkan ka daawo muuqaalka
Magaalada Addis Ababa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka jirey qalalaaso ay ku naf waayeen saddex qof oo u dhexeeyey ciidamada amaanka iyo dad taageersan Jawar Mohamed oo ah u dhaqdhaqaaqe danaha Oromada. Dibad-baxyada ,ayaa billowday kadib markii Jawar Mohamed sheegtay in gurigiisa ay hareeyeen ciidamada amniga, islamarkaana laga qaaday ilaaladiisa. Jawar Maxamed waxuu khatar ku yahay hamiga dib udoorasho ee ra’isalwasaare Abiye. Abiye oo aad uga walaacsan saamaynat xooga badan ee Jawar Maxamed,ayaa isku dayaya in uu meesha ka saaro Jawar. Balse waxaa muuqata in ay adag tahay in Jawar meesha laga saaro Abiye si fudud ugu guulaysto markale hogaaminta…
Shirkadaha shidaalka ee Shell iyo ExxonMobil ,ayaa ogolaaday in ay bixiyaan lacagtii kirada ahayd ee blocks-kii Dowladdii Siyaad Barre ay ku siisay Hal Dolar ($1) per Kilometre. Lacagtaas,ayaa Wadarteeda Guud waxay noqotay $1.7 million. Maahan lacag badan,balse waxaa la filayaa in heshiiska cusub ay ku bixin doonaan lacagtaas mid ka badan oo gaaraysa $6 million Dollar afartii biloodba,taasoo ka bilaabanaysa Janaayo 2020. Lacagtaas qaybsigeeda waxay ku salaysnaan doontaa heshiiskii kheyraadka ee Baydhabo. 1. Dowladda Dhexe2. 5-ta Maamul Goboleed3. Gobolka Banaadir Lacagtan,ayaa ku kooban oo kaliya Shidaalka dhanka Badda kumana jiro kan dhulka ee aan weli laga heshiin. Sida la filayo…
Bulshada Puntland oo aad udhaliishay magacaabista Agaasimayaasha loo magacaabay Madaxtooyada Puntland. ”Uma qalmaan dhamaan agaasimayaasha Madaxtooyada loo magacaabay in ay maqaamka Puntland matalaan”ayuu yiri mid ka mid ah haldoorka Puntland oo ana wax ka waydiinay. Sidoo kale aqoon yahan Jamaac Faarax Aadan,ayaa yiri isna”Waxba ma dhaanto Madaxtooyada Madaxweyne Deni hogaaminayo xiligan tii ka horaysay ee dhaliisha badnayd oo Gaas hogaaminayay”. In lagu soo xulo masuuliyiinta madaxtooyada ku matalaya Umada taageero olale waxay muujinaysaa faashil soo socda. Bulshadu waxay ka siman yihiin dhaliisha Madaxweyne Deni ee ku aadan xulashadiisa agaasimayaasha,waxayna u arkaan shaqsiyaad ilhaamo ku ah maqaamka Puntland iyo muraayadii laga…
Warbixinta guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq-maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta guddiga oo loo gudbiyey Golaha,ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay laaluushtay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay u doortaan musharaxii ay wadatay [Cabdicasiis Lafta-gareen]. “Xubnaha baarlamanka ayaa helay lacag u dhaxeysay 20 illaa 30 kun oo dollar midkiiba, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda ay dooneysay” ayey tiri warbixinta. 82 ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayay warbixinta sheegtay in bishii November 2018 la geeyey magaalada Muqdisho, oo midkiiba la…
Marka aad akhrido qorshaha dowladda Puntland u dejisay dalka 2017-2019, waxaa kUu soo baxaya, in dadka diyaariyey ay yihiin kuwo aan la socon baahiyaha dalka ka jira oo qurba joog u badan. Waa su’aal ku soo noq noqota maskaxda dad badan oo aqoon u leh qiimaha qorshuhu u leeyahay Jiritaanka iyo horumarka dowladnimo ee dalka kasta adduunka ? Puntland oo 21 sano jirsatay waxay ku socota waddo aan la xaqiijin karin inay waafaqsan tahay qorshaha dowladuhu u sameeyaan dalalkooda si ay u hormariyaan . Qorshahana micnihiisu wuxuu yahay meesha aad joogto inaad horay uga dhaqaaqdo, iyadoo qorshuhu u qaybsamo: 1)…
Ujeedka Xafiisyada ay ka furanayaan Puntland Wasiirada Nabad iyo Nolol waa qorshe ku aadan doorashada 2021. Wasiir Jamaal iyo Wasiir Saadiq Warfaa labada Xaafiis ee ay ka kala furteen Goldogob iyo Dhahar mahan kuwa iska caadi ah oo sida bulshada loo sheegay ku kooban adeega Dadweynaha. Waa Xaafiisyo ka khatar badan inta loo jeedo kana ujeedo fog inta la malayn karo. Qorshaha Xafiisyadu ma ahan isku xire ama mid ugaar ah Wasiirada ee waa qorshe Dawladda N&N ay uga dan leedahay in ay ka samaystaan gudaha Puntland xarumo sidii Satarlaydkii toos looga hago Villa Somaliya fuliyana hawlo badan. Ujeedka ugu…
Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ay ubadan tahay in loo magacaabo Cabdisamad Abwaan.sida xogo lagu kalsoonaan karo sheegayaan. Abwaan,ayaa badali doona Dhado oo mudo soo ahaa Gudoomiyaha Gobolka,balse hada xanuunsan. Cabdisamad Abwaan waxuu horay usoo noqday Wasiir Dowladii Madaxweyne Cadde rabi ha unaxariistee. Mudooyinkan danbe waxuu ku noolaa Abwaan dalka imaaraadka Carabta,waxaa lagu tilmamaa Nin degan oo hogaamin leh.
CJ Werleman argues that the Ethiopian Prime Minister’s genocide against ethnic Somali Muslims in Ogaden should have been taken into account by those awarding him the international peace prize. Identifying the conditions that spark inter-state conflict is a tricky business, hence why an entire academic field – international relations – is devoted to understanding the triggers for war and the foundations of peace. It is against this backdrop that a panel of five members appointed by Norway’s Parliament determine which individual is most deserved of the Nobel Peace Prize each year. If a panel consisting of a mere handful of…
Aadbay uga naxeen shacabka Somaliyed meel uu joogaba warkan soo yeeray ee sheegaya in mudo Hal sana ah markale dib loo dhigay go’aan ka gaaristii Dacwada Badda. Maalmahan waxaa si hoose laysula dhexmarayay in madaxda Dowlada Fadaraalku aqbaleen wada xaajood ay ka galaan arinta Badda. Wada xaajoodkaas,ayaa waxaa horboodaya Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed sida warku sheegayo. Go’aanka galabta soo baxay waxuu xoojinayaa warkaas horay usoo baxay, Dowlada Fadaraalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,ayaa laba barnaamij xooga saaraysay in ay ka miro dhaliso si ay magac ugu hesho,labadaas oo kala ahaa.. 1.Dacwada Badda 2.Barnaamijka dayn cafinta. Barnaamijka dayn cafinta,ayaa waxaa caqabad…
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada fadaraalka Soomaaliya,ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay xubno ka tirsan sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF. Wasiirka iyo xubnaha uu la kulmay waxa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira qorshayaasha deyn cafinta. Wasiir Cabdiraxmaan Beyle,ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay xubnahan ka tirsan IMF uu ahaa mid ay ka soo baxeen natiijo wax ku ool ah. Isagoo intaa ku daray in xubnuhu ay ku amaaneen Dowlada Fadaraalka Soomaaliya dadaallada iyo hawsha ku bixinayso habka dayn cafinta. Markii laga soo tago sheegashada Wasiirka majirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya in kulankaas…
Xarunta Gobolka Mudug,waxaa isku day dil uu ka badbaaday Taliyaha Saldhiga Magaalada Gaalkacyo Cabdiqani Xabuun. Taliyaha ayaa la sheegay in Gaarigiisa uu ogaaday in qarax uu ku xiran yahay,kadib markii uu ka shakiyey xilli uu doonayey in uu ku aado goobtiisa Shaqada,waxaana la sheegay in uu qarxay mudo 15-daqiiqao kadib markii la ogaaday. Markii Talyaha uu ogaaday Gaariga in uu qarax ku xiran yahay,ayaa 15-daqiiqo kadib waxaa qarxay Gaarigii. Wararka,ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin taliyaha iyo qoyskiisa, kadib markii dhamaantood ay ka baxeen Guriga oo uu dhex yaallay Gaariga miinada lagu…
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey Saadiiq Maxamuud Dhogor oo ah taliyaha ciidanka amniga garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland,ayaa darajada Gaashaanle Dhexe loogu xiray Saadiiq Dhogor oo ka mid ahaa sarakiishii sida gaarka aheyd uga shaqeysay amniga doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo waliba caleema saarkii ku xigay. Talye Dhogor,ayaa lagu tilmamaa mid ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Jubaland.
Taliska Ciidanka iyo Wasaaradda deegaanka Puntland,ayaa magaalada Garowe ku soo bandhigay dhowr iyo toban Gaari oo lagu soo qaqabtay xaalufin Deegaan gaar ahaan jarista dhirta iyo shidista dhuxusha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Ethiopia postponed by a week a referendum on self-determination for its ethnic Sidama community that would have created the country’s 10th autonomous region, Fana news agency reported on Tuesday. The new date for the vote is Nov. 20 instead of Nov. 13, the delay caused by referendum preparations lagging behind, Fana cited an electoral board statement as saying. Ethiopia’s nine regional states enjoy a level of autonomy where they are able to choose their official language and have limited powers over taxation, education, health and land administration. Emboldened by reforms introduced by Prime Minister Abiy Ahmed since he came to…
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday. Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska ayaa loo Magacaabay Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde. Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley. Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde. Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska ayaa loo Magacabay Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed. Taliyaha Daraawiishta Booliska,ayaa laga dhigay Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad. Taliyaha qaybta Galbeed,ayaa loo magacaabay Maxamuud Xuseen. Taliyaha Laanta socotada…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala…
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh, ayaa si wadajir ah xariga uga jaray qaybo Cusub oo lagu kordhiyay Madaxtooyada Jubbaland. Sidoo kalena Geedka Nabada ku beeray Xarunta Madaxtooyada ka hor intaysan dib ugu anba bixin Magaalada Muqdisho. Madaxweynayaashii hore,ayaa qayb ka ahaa madax ka kala timid gudaha Somaliya iyo Dowladaha dariska ah oo kasoo qaybgalay caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Xarunta Dowlada Hoose ee Burtinle waxaa lagu dhaariyey ugu danbayn dhawr beri oo madaxa layskula jiray kadib 22-Xubnood oo ah Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Burtinle Xubnaha Golaha Deegaanka waxaa dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamda Darajada 1-aad ee Degmada Burtinle. Dhaarintan Golaha cusub,waxaa Goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, Wasiiro kale iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland. Burtinle oo ka mid ah Degmooyinka muhiimka ah ee Puntland,ayaa waxaa si xoog leh uag socda loolanka loogu jiro hanashada kursiga Duqa Magaalada,waxaana ilaa iyo hada sharaxan sadex musharax oo ku jiro Duqa Kmg ah ee…
Dowlada Turkiga, ayaa ka dhaga adaygtay cadaadiska caalamiga ah ee looga dalbanayo in ay joojiso hawl-galka militari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Siiriya. Dagaal xooggan,ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Siiriya ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan in ay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Siiriya ee Turkiga uu taageero. Weriye ka tirsan AFP,ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr mar sheegtay in ay gacanta ku dhigtay magaalada. Tan iyo markii dagaalka uu billowday 9-kii Oktober, ciidamada Turkiga uu taageerayo…
50 sano ka hor oo ku beegnayd October 15 1969, waxaa toogasho uu fuliyey Nin lagu soo dhex qariyay Ilaaladii ugeeriyooday Madxaweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Dilka ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Laascaanood Gobolka Sool oo markaas ka tirsanaa Gobolka Togdheer. Dilkiisa Kadib dhowr cisho waxaa taladii dalka la wareegay ciidamadii Militariga ee uu hoggaaminayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre,waxaana god ku dhacay Dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee Somaliya. Haddaba, sidee ayuu u dhacay dilka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xaalka dalkuna sidee ayuu noqdey?,hoos ka daawo muuqaal aad kaga bogan doonto xogta dilka Madxaweynaha. Halkan hoose…
Deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed,ayaa isgaarsiintii laga jaray. Wararku waxay sheegayaan in isgaarsiinta hawada laga saaray ay ka danbayso hawlgalo amaan oo ay samaynayaan Ciidamada itoobiya ay Deegaamadaas ka bilowdeen. Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhaka iyo Deegaamada ku xeeran ayay hawlgaladu ka socdaan. Ciidamada Itoobiya,ayaa ka mid ah kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga Somaliya,waxayna si gaar ah uga hawlgalaan Deegaamada Koonfur-Galbeed. Lama xaqiijin karo hawlgaladan ilaa iyo hada qorshaha ka danbeeya iyo guusha laga gaaray.
Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaaray doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah. Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray. Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”. Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25…
On the second anniversary of the deadly October 14, 2017 suicide bombings in Somalia, the United Nations envoy to the country today remembered the victims of the attack and reaffirmed the world body’s solidarity with and commitment to all Somalis. “Two years have passed since the tragic events of 14 October 2017, in which so many innocent civilians were killed and injured in a senseless attack by violent extremists. The memory is still fresh in our minds. Our thoughts go out to the families of those lost in the attack, as well as to the survivors. Their resilience and strength…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta ballanqaaday “cunaqabateyn weyn” oo la saarayo Turkiga sababo la xiriira weerarka ay ciidamada dalkaas ku qaadeen Waqooyiga Syria ee ka dhanka ah Kurdiyiinta. Si kastaba, Trump ayaa mar kale difaacay go’aankii uu dalkaas uga saaray ciidamada Mareykanka oo dagaalka ka dhanka ah Daacish kula jiray dagaalyahannada Kurdishka. “Dad ma waxaa jira ay runtii la tahay inaan dagaal la galno Turkey oo xubin ka ah NATO?” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter. “Dagaallada aan dhammaadka lahayn way dhammaan doonaan. Dadkii lugaha noo geliyey qaska Bariga Dhexe ayaa ah kuwa hadda doonaya inaan halkaas sii joogno.”…
Madaxweyne Deni waxuu xalay la kulmay waxgaradka beelaha Koombe iyo Meheri ee Jubaland. Kulankan,ayaa waxuu qayb ka ahaa dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada bulshaweynta Jubaland. Iswaraysi iyo xog kala qaadasho dheer kadib,waxay waxgaradku usoo gudbiyeen Waftigii Puntland ee Madaxweyne Deni hogaaminayay cabashooyin ay ka qabaan maamulka Jubaland. Arimaha ay kaga cawdeen beelahaas maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa ukala qaybsanaa sadex qaybood oo kala ahaa.. 1.Qayb ay kaga cawdeen arimo masiiriya oo ay ugu waynaayeen saami qaybsiga Wasiirada,Talyayaasha Ciidamada iyo Maxkamadaha. 2.Qayb ay kaga cawdeen arimo dhaqaale oo u badnayd lacag fara badan oo kaga maqan maamulka oo dayn ahaan looga sii…
Xaalad adag oo dhanka Nolasha ah,ayaa ka taagan Gobalka Doollo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, taas oo isugu jirta dhinacyada Arrimaha Bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Horumarada dhanka dhaqaalaha. Dadka kunool Degaanada Gobalka Doollo, ayaa bilaabay sanadihii ugu dambeeyay in ay isaga Barakacaan dhulkoodii, sidoo kalena ay hayaan dhanka Nolasha ah u soo galaan Degaanada Puntland-Somaliya, si ay uga helaan waxyaabaha aas aasiga u ah Nolasha aadamaha. Dadkan,ayaa sidoo kale ka Barakacaya Cadaadis iyo handadaado joogta ah oo ay kala kulmayaan Ciidanka Itoobiya, gaar ahaan LIYUU POLICE, oo mararka qaar kula kaca falal xad-gudub ku ah Aadamaha. Maamuladii kala danbeeyay…
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Somaliya,ayaa arrimo amni uga baaqday munaasabadii saaka ka dhacday Isgoyska 14 Oktober ee Xuska loogu sameeyay boqolaalki qof ee ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor ka dhacay Isgooyskaas. Ammaanka goobta,ayaa walaac laga muujiyay,taasi oo sahli ay suurtagal noqon wayday in ay ku soo dhiiradaan Madxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha,waxaana kaliya tagay oo dadweynihii isugu soo baxay Taalada 14ka Obtober la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish”. Saraakiisha qaabilsan amaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku wargeliyay in eysan ka qeyb geli karin munaasabada ka socotay isgoyska Soobe. Waji gabax…
Waa nasiibdaro aad u niyad jabisay Shacabka Somaliyed in lagu xuso xasuuqii Soobe Xayaysiin. Madaxda Dowlada Fadaraalka waxaa meel walba la gashay igu sawir,iyadoo bulshada Somaliyed meel walba ay joogto saakay la amakaageen markay ku arkeen goobtii Qaraxu ka dhacay ee ay ku xasuuqmeen 316-qof ee shacabka ah Gawaari ay isku xayaysiinayaan Farmaajo iyo Khayre. Waa mid ka mid ah dhaqamada aadka uhooseeya ee ay caanka ku yihiin kooxda Nabad iyo Nolol ee xiligan horbooda Villa Somaliya.
Guddoomiye Taabit oo xilliga qaraxaas dhacayay ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhaawicii maskaxda iyo niyadda ee gaaray shacabka Soomaaliyeed maalintaas, isagoo xusay in gurmad lagu guuleystay ay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay muujiyeen. Waxaa uu sheegay in dowladda ay lumisay fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan kartay dareenka shacabka ee maalintaas, si loogu midoobo, loona soo afjaro dagaalka Al-Shabaab, ama aysan mar dambe dhacdadan oo kale u dhicin. “Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas…
Muuse Cali Jaamac oo maalin ka hor ay Ciidamada amaanka Puntland ay utaxaabeen Xabsiga,ayaa maanta la horkeenay Maxkamada Gobolka Bari ee darajada koobaad. Xeer ilaalinta,ayaa Muuse kusoo eedaysay gaf uu ugaystay garsoorka,waxaana dib loo dhigay Maxkamadayntiisa markale. Muuuse oo qabsaday Qareen,ayaa iska diiday eedaynta loosoo jeediyay,waxaana Qareenkiisa codsaday inta laga gaarayo Maxakamadayntiisa danbe in damiin lagu sii daayo. In Maxkamad la horkeeno shaqsi ay xireen laamaha amaanka 48-gudahood,waxay muujinaysaa hanaanka uu ushaqeeyo Garsoorka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Maxkamada Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Hadalka 4-ta Xildhibaan ee kasoo kala jeeda Nugaal iyo Sanaag labo Mid ka mid ah ay yihiin Ciise Maxamuud midna Madhibaan midna Warsangeli waa dhaqdhaqaaqyada lacagtii 2-Milyan oo dolar ahayd ee lasoo galiyay Puntland maalmo ka hor. Nabad iyo Nolol oo ku jira maalmahoodiii gabagabada,ayaa dhaqaalahaas usoo daabulay Puntland. Ujeedka Nabad iyo Nolol,ayaa ah in shacabka si khaldan looga faa”idaysto oo laga horkeeno Xukuumada Puntland. Qorshahan,waxaa fulinaya Xildhibaanada Puntland ku matala Fadaraalka qaar ka mid ah oo kala ah.. Gobolka Nuugaal,waxaa qorshahan uxilsaaran fulintiisa Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh,isagoo fursad wax kicineed ka dhex raadinaya carada Islaan Ciise ee cayrinta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, Kulanku intuu socday waxaa looga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka ee ka shaqeynta illaalinta amniga,waxuuna kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleemasaarka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,siyaasiyiin iyo madaxda si loosii xoojiyo…
Kenya ayaa ku dhawaad 40 wufuud ah u direysa magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, sida uu BBC u xaqiijiyay hogaamiyaha aqlabiyadda Kenya, Aadan Barre Ducaale. “wafddi culus ayaa u hogaaminaya Kismaayo oo ka qeyb geli doono caleemo saarka Axmed Madoobe” ayuu yiri Ducaale. Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Kenya ay horey u aqoonsatay doorashadii lagu doortay Axmed Maxamed Islaam halka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah. Shaley, waxaa Kismaayo gaaray madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed xilli la filayo in ay qabsoonto…
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa u dhiibtay safiirka Kenya ufadhiya Soomaaliya warqad cabasho ah oo sheegaysa in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya kadib markii diyaarad ka diiwaangashan Kenya ay ka degtay magaalada Kismaayo 5-tii bishii Oktoobar 2019-ka iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowlada dhexe ee Soomaaliya. Wasiiru Dawladaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi,ayaa la kulmay safiirka Kenya Lucas Tumbo waxaana uu u dhiibay cabashadaas. Soomaaliya ayaa warqadda ku sheegtay inaysan aqbalayn in lagu xadgudbo xuduudaha hawada, badda iyo dhulka ee Soomaaliya, waxayna Kenya ugu baaqday in ay ka jawaabto xadgudubkan iyadoo ciidamadeedu ay joogaan Gobolka Jubbada…