Author: Jibril Qoobey.

Xoghayaha difaaca ee dalka Britain Gavin Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaaladda Muqdisho. Mr. Givin ayaa la kulmay madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Inkastoo kullankaasi aan loo ogolaan saxaafadda hadana, illo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in looga wada hadalay nabadda Geeska Africa, siyaasada iyo isbadaladda amni ee Soomaaliya. Mr. Gavin ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan miltariga Soomaaliya oo uu wehliyay wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha military-ga Soomaaliya General Cabdiweli Jaamac Gorod. War kooban oo uu ku qoray bartiisa twitter-ka ayaa wasiirka difaaca ee UK waxa uu ku sheegay…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Jabuuti Magaalada Muqdisho maanta ayaa lagu sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay si weyn uga naxeen hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya intii uu booqanayey magaalada Asmara ee ahaa baaqii uu QM kaga codsaday inay cunaqabteynta ka qaado dalka Eritrea. “Shaki kuma jiro inay in Soomaaliya ay tahay dowlad xor ah xaq u leh iney xiriir diblomaasi la yeelato dalalka gobolka, balse ma aha wax la aqbali karo in walaalaheen Soomaaliyeed ay taageeraan Eritrea oo heysata dhul ay leedahay Jabuuti, welina diidan in heyso maxaabiis Jabuutiyaan ah ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay…

Read More

Press Release (For Immediate release) Arbaca, August 1, 2018. 1 Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen. 2 Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo…

Read More

Waxaa maanta si dhamaystiran loo dhagax dhigay Dekada cusub Garacad,sidoo kale la dhagax dhigay wado laami ah oo isku xiridoonta Garacad ,Galkacyo iyo Goldogob   Dhagax dhiga labadaan mashruuc oo aysan ukala harin Isimida iyo Xukuumada Puntland.   Mashruucan ay ku bixidoonto lacag dhan 50-million oo dollar,waGanacsato reer Puntland ah,iyadoo mashruucan uu socon doono mudo laba sano ah   Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo isimada Puntland oo uu hogaaminayo islaan Bashiir Islaan Cabdiile,ayaa dhagax dhigey dekeda cusub oo laga dhisayo deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.   Dhagax dhigida dekedan oo hore loogu qorsheeyay in uu si rasmi ah u…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo ku wehlinayay booqasho qaadatay sedax Cisho oo ay ku joogeen dalka Erateriya ayaa maanta  dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu joogay dalka Eretrea wuxuu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Eretrea waxay kawada hadleyn qodobo ay ka mid yihiin in Soomaaliya iyo Ereteriya dardar geliyaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca, amniga iyo in labada dal yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed oo ay yeeshaan labada dowladood iyaga oo is dhaafsada danjireyaal. Wuxuu sidoo kale madaxweyne Farmaajo uu la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed…

Read More

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ayaaa waraysi uu siiyay mid ka mida telefishinada Soomaalida { RTN TV } waxaa uu ka hadlay arimaha doorashada puntland 2019 oo ay ka dhiman tahay 5 bilood, dagaalada Tukaraq, xiriirka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, Musuqmaasuqa iyo hankiisa la xiriira in uu markale u sharaxan yahay xilka madaxweynaha Puntland, waraysiga oo dheer waxaan warbixinteena diirada ku saaraysaa qodobada muhiimka ah ee Mdaxweynuhu taabtay. Nuxurka Waraysiga: Madaxweyne Gaas waxa uu ka sheekeeyay xaalada guud ee puntland, sidoo kale shacabka reer puntland waxa uu ku tilmaamey dadka ugu wanaagsan, waxa uuna sabab uga…

Read More

Kulan ay yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan uu sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Qalb-dhagax. Admiral Maxamed Cumar ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur xaq u dirir ah. Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sannadii hore dowladda Somalia u gacan gelisay Ethiopia, balse dhammaadkii bishii hore ayaa xabsiga Ethiopia laga sii daayay. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3IKQTtqdRBc

Read More

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo saddexdii maalmood ee tagey ay wada-hadallo uga socdeen magaalada Asmara ayaa kala saxiixday heshiis afar qodob ka kooban, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Eritrea. Afarta qodob ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Isaias Afwerki ay ku heshiiyeen ayaa kala: 1-Soomaaliya waxaa lagu maneystay inay ku taal bar istaraatiiji ah, waxayna leedahay kheyraad daabiic ah iyo mid aadami. Si kastaba, waxaa ka faa’iideysasha kheyraadkaas ka hor-istaagay dhibaato gudaha ah iyo faragelin dibedda ah. Sidaas darteed Eritrea waxa ay si xooggan u taageereysaa madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimo iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya iyo sidoo kale dadaallada dadka iyo dowladda…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre ayaa kormeerka kadib waxaa ay tageen Jaamacada Bariga Africa halkaasi oo ay kula hadleen boqolaal ardayda Jaamacadaha Garoowe dhigta kamida. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban u jeediyey ardayda Jamacadaha caasumada Dowladda Puntland ee Magalada Garoowe ayaa waxa uu yiri “Waan idin salaamayaa dhammaantiin aad iyo aad ayeey noo farxad galinaysaa inaan idinkala soo qayb galno xafladdan bahda waxbarashadu ay kusoo dhoweeynayaan Ra’iisul-wasaarahooda, runtiin aad baan ugu faraxsanhay Jaamacada Bariga Africana aad bay u mahadsan tahay Khayr Alle…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo taariikhdu tahay 29 July 2018 waxaa uu casho sharf ugu sameeyay Hotelka AJJ PALACE Ra’iisul-wasaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo weftigii balaadhnaa ee la socday. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa casho sharftan uu u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa iyaguna ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, Goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale. Dhinaca kale Casho Sharaftan uu madaxweynaha Dowladda…

Read More

Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Askari ka tirsanay Ciidamada dowlada ku dilay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo uwaramay warbaahinta idilnews,ayaa uxaqiijiyay in ragii dilka geystay oo ku hubeysnaa Bistoolado ay goobta ka baxsadeen,waxaana Cgoobta gaaray ciidamo ka tirsan dowlada fadaraalka Somaliya. Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa  Ciidamada Booliiska ee Saldhiga degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Read More

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dowladdiisa ku xadgudubtay, markii ay la wareegtay lacag ay u wadeen ciidanka Soomaaliya. Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka. “Waxaan dowladda Soomaaliya ka sugeynaa inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka oo ka hadlayay Xarunta Cilmi Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London. Mr Gargash ayaa xaqiijiyay inay jiraan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo aanu sheegin cidda wada dadaalada. Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goor dhowayd gaaray magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada caasimada u ah Puntland. . Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxweyne Gaas ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland. Ra’isalwasaare Khayre ayaa Barxadda Garowe kula hadlay oo Kumanaan ruux oo isugu soo baxey, kuwaas oo ka qeybqaadannaya soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha,kaddibna waxaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uJ0Tio78zcs

Read More

Agaasimihii Mashruuca Abay waxaa maydkiisa laga dhex helay gaari uu watay bartamaha caasimada Adis-ababa.   Ilaa iyo hada laamaha amaanka Itoobiya war kama soo saarin waxayna wadaan baaris sida dilku udhacay iyo cida lagu tuhmayo ah,   Dhanka kale waxaa jira shaki weyn oo ku aadan in dilka agaasimaha biyo-xireenka Abay ay fuliyeen laamaha sirdooonka ee Masar.   ”Wax walba oo aan ku burburin karno dhismaha mashruuca Abay waa samaynaynaa”sidaa waxaa tiri Masar.   Dilka agaasimihii mashruuca biyo-xireenka itoobiya ee Abay iyo hanjabaadan madaxda Masar ay horay ugu dhawaaqeen waxay dhalisay in lagu tuhmo dilkaas.   Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya…

Read More

”Waa ka baxaynaa xubinimada Dolwada Fadaraalka Itoobiya hadaan nalaga dayn faquuqa nalagu hayo”sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha TPLF. Markii si dhab ah loo eego majirto wax khatar ah oo xiligan ku wajahan Bulshada Tigreega ee soo xukumaysay Itoobiya 25-kii sano ee lasoo dhaafay. Wali awooda dhaqaalaha iyo Mida Ciidamada ee Itoobiya waxay gacanta ugu jirtaa Tigreega,mana jirto khatar xiligan si gaar ah ugu socota ama ugu soo socota,basle ujeedka hadalkan ayaa ah fariin handaada oo ay udirayaan xukuumada uu hogaaminayo Wiilka reer Oromo. Dhanka kale waxaa la qorshaynayaa in Dastuurka Itoobiya dib uhabayn lagu sameeyo wax weyna laga badalo. …

Read More

26/08/ 2018- Tababar kor loogu qaadayo tayada macalimiinta Puntland ayaa lagu soo gabagabeyey xarunta kulliyadda macalimiinta GTEC oo ku taala magalada Garowe Tababarkaa oo loo qabanayey Macalimiinta Dugsiyada hoose/dhaxe ka howl gala. Ujeedada Tababarkan ayaa in macalimiinta lagu Tababaro maadooyinka kala duwan ay dhigaan aqoontoodana kor lagu soo qaado iyo xirfada Macalinku leeyahay Tababarka oo ahaa Wajigii labaad ay qabato Wasaaradda Waxbarashada iyo kuliyada Tababarka Macalimiinta. Xiritaankan tababarkan waxaa ka qayb galay ku simaha wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax iyo madaxda kale ee Wasraadda, waxaana goobta laga…

Read More

Maxkamadda Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta la soo taagay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya. Horjoogayaasha Maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabay Mahad Maxamuud Cabdi oo loo yaqaano (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno  (Dr. Raage). Mahad Maxamuud Cabdi ayaa Xafiisk Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay inuu dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah, kuwaasoo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin. Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxaana uu heysta dhalashada Ruushka…

Read More

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Fulinta  Dallada Waxbarashada ee SAFE Kayse Mayow  Abo Xuseen ,ayaa waxaa uu kaga hadlay Natiijada Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka   ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018. Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo Weliba  qaabkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE aaney Wasaarada Waxbarashada  wax la tashi ah kala  sameeyn Habkii loo saxay Imtixaanaadkaas. “Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga. Madaxweynaha Dowladda Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland. kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka,…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea, halkaasi oo muddo saddex cisho ah uu joogi doono. Magaalada Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxda Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, sidoo kalena ay dowladda Somalia ku tilmaantay inay argagixisada xiriir la leedahay. Haddaba jabhadda ONLF siday u arkaan safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagay Asmara. Su’aallhaasi ayaa Jaamac wuxuu weydiiyay, afhayeenka jabhadda ONLF, Caddaani Hirmooge.,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/D34gpNUKCnk

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea.   Farmaajo oo muddo saddex cisho ah dalkaasi joogi doono ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki.   Booqashada Farmaajo ee Asmara ayaa timid, kadib markii heshiis taariikhi ah uu dhexmaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo ay ku soo afjareen colaadda gaamurtay ee 20 sano ku dhawaad ka dhaxeysay.   Dad falanqeeya siyaasada Geeska Africa,ayaa u arka booqashada Farmaajo ee Eretereya in aysan ahayn mid kasoo fushya maskaxda madaxda Somalida,isla markaana dan Somaliyed ku qotonta.   Eritereya ,ayaa taageero siisay maxkamadihii Islaamiga ahaa ee…

Read More

Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi),ayaa goor dhawayd lagu dilay Magaalada gaalkacyo.   Gebigebi,ayaa waxaa toogtay Dabley hubaysan salaad Cirshe kadib  xiliga Geeska Africa.   Ilaa iyo hada ma cada cida ka danbaysay dilka Gebigebi,balse waxaa dilalkan oo kale fulin jiray ururka argagixisada Alshabaaab.   Gebigebi ayaa soo noqday talyihii Ciidamada Birmadka Gobolka Mudug.waxuuna ka mid ahaa saraakiisha muhiimka u ah Puntland.   Xaalada amaan ee Mudug,ayaa soo kabanaysay mudooyinkan danbe,iyadoo ay yaraadeen dilalkii iyo qaraxydii ka dhici jiray halkaas.

Read More

Ethiopians in Washington are expected to turn out in large numbers Thursday to greet Prime Minister Abiy Ahmed, who is making his first U.S. visit after instituting a series of transformative reforms in his homeland.   Upon arriving in Washington, Ethiopia’s foreign minister, Workneh Gebeyehu, said the delegation’s trip was historic. “This is the first-ever visit by [an] Ethiopian prime minister to visit diaspora Ethiopians … we are so excited,” Workneh told a VOA Amharic reporter at Dulles International Airport.   Earlier this year, Ethiopia faced widespread unrest and violent protests against a government that appeared unresponsive and entrenched.  …

Read More

Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ay ka sameeyeen agagaarka Degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow. Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa  sheegay, in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macalin Deerow,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Madax-weynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xogta arintan ku saabsan la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maalinta berri ah booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara. ‘’Booqashadan waxaa ay ku saleysan tahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo raba oo ay dowladdu-na muddo dheer-ba ka shaqeyneysa in Soomaaliya ay dib u soo ceshato maqaam-kii ay ku laheyd…

Read More

Golaha Wasiirada dowlada fadaraalka Somaliya oo galabta kulankoodii caadiga ah ku yeeshay magaalaada Muqdisho ayaa magacaabay Saddex safiir oo cusub. Safiirada la magacaabay ,ayaa kala ah C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada kaasoo ka mid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka mid ah safiirada la magacaabay. Waxaa sidoo kale safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili toban ka mid ah safaaradaha Somalia ee caalamka ay muddo badan yihiin safiir la’aan.

Read More

Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso. Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto. Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey. Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase…

Read More

Faysal Cali Waraabe oo maanta dib ugu soo laabtay Hargaysa,kadib maalmo uu ku maqnaa safar dibada ah,ayaa ujawaabay Muuse Biixi,isla markaana faahfaahin ka bixiyay kulankii dhexmaray isaga,Cali Khaliif iyo Madaxweyne Farmaajo. Faysal oo ay hareeraha iyo gadaalba ka taagan yihiin beeshiisa Garxajis oo markii horaba ucaraysnayd Muuse iyo Jeegaanta,ayaa hadalo ad adag hawada umariyay Muuse.. ”Waan la kulanay Farmaajo waxana kala hadalnay in uu joojiyo taageerada uusiiyo cabdiweli ee Daaroodiismka ah ,waana naga qanciyay oo ka dhaartay”ayuu yiri Faysal mar uu ka hadlayay kulankii isaga iyo Farmaajo.. Markale isagoo sii wada ka hadalka kulankaas ayuu yir”Waxaan Farmaajo ku heshiinay in…

Read More

Waa inaan wax iska waydiinno shacabka Soomaaliyeed ee ku dhex nool gudaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ma waxay ku sugan yihiin intooda badan xaalad u dhaxaysa “Geeri iyo Gaajo” oo ay keeneen caqabadihii ka dhashay muddada dalku soo ahaa dawlad la’aanta jirta iyo codaadda dheeraatay taasoo iyana kumanaan shacab ah barakisay.   MACNAHA NABAD IYO NOLOL!   Xaggee ka yimaadeen erayada maanta dowladdu ku weerarisay dhagaha dadweynaha ee Nabad iyo Nolol?   Erayadaan waxaa Afka qalaad lagu yiraahdaa “Peace and Life”, xaqiiqada dhabta ah waxaa weeye inay la macno yihiin Geeri iyo Gaajo ) ama (Death and Hunger) xaaladdani ay shacabku…

Read More

The project manager of a $4 billion Ethiopian dam was found shot dead in his car on Thursday, police said.   “We have confirmed that engineer Simegnew Bekele was shot dead,” Zeinu Jemal, head of Ethiopia’s Federal Police Commission, told reporters. “He had a bullet wound behind his right ear,” Zeinu said, adding a Colt pistol was found inside the car.   Asked if the gun belonged to the victim, he said: “That has not been confirmed.”   Simegnew project-managed the Grand Renaissance Dam that is being built along the Nile river. Talks with Egypt, whose main source of water…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka waxku baratay iyo Macalimiinta tan iyo bur burkii dalka waqtigooda u hurey in ay dhalinyaradaas wax baraan.   “Doorka waxbarashada dalka marna lama xaqiri karo. Macalimiinta iyo aqoonyahanada dalka joogay tan iyo burburkii, waxay soo saareen dhalinyaro farabadan oo aqoonyahano ah”.   Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya xilkii laga qaaday,balse xilka qaadusta ka hor Waeysi uu bixiyey ku sheegay in Wasaaradu aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ka jira,hoos ka daawo muuqaalka Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0SiaheY8Hos

Read More

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah. Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen. Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas. March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir,…

Read More

Qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow Safaaradda Mareykanka ee magaalada Beijingee dalka Shiinaha sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Shiinaha. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow Safaaradda Wadada laga galo Kadib waxaa la arkay qiic ka baxaya safaaradda. Booliska Shiinaha ayaa wakaalada AP u sheegay in qofka looga shakisan yahay in uu qaraxan ka danbeeyey uu yahay 26 jir kaas oo ku dhaawacmey qaraxa, lama oga sida dhaawiciisu yahay. Joornaalka dowliga ah ee Global Times ee dalka Shiinaha ka soo baxa ayaa qoray in Boolisku qabteen haweeney dooneysey in ay dab isku shido banaanka hore ee…

Read More

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ku tagaya dalka Mareykanka, halkaasi oo uu booqan doono qurb-joogta dalkiisa ee magaalada Washington DC. Booqashada ayaa imaneysa waqti sare oo ka mid ah muddada kooban ee uu xilka hayo Abiy Ahmed, balse wadatay dhacdooyinka badan. Horraantii sanadkan, dalka Ethiopia ayaa waxaa ka dhacay degenaansho la’aan iyo dibadbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday xukuumadda. Si kastaba, wax ka yar afar bilood, oo uu xukunka hayey, Abiy Ahmed ayaa sameeyey isbeddel weyn. Isbeddeladiisa ayaa dejiyey kacdoonkii, islamarkaana sare u qaaday xuquuqda madaniga ah, ayada oo dalka uu hadda kasoo…

Read More

Imran Khan Gudoomiyaha Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa Wararka sheegayaa in uu hogaaminayo tirarada Codkii la tiriyey goobaha codeyna ee wadanka Pakistaan   Waxay u muuqataa in Xisbiga dhalinyaradu sida weyn u taageerto ee PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan in uu ku guuleystey doorashadii Arabacdii ka dhacdey dalka Bakistaan, iyada oo la tiriyey codad gaaraya 30% ayuu si weyn ugu horeeyey xisbigiisu, haddii ay dhacdo in Xisbiga PTI guuleysto ayey noqoneysaa in la afjarey labadii Xisbi ii 30 sano ee udanbeysey talada Pakistaan isaga daba noqonayayey,   Marka laga reebo Inqilaabkii Milateri.Xisbiga talada haya ee PML-N ayaa durba sheegay…

Read More

Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, Michael Raynor ayaa sheegay inay Dowladiisa ka walaacsan tahay xaalladda Amni-xumo ee haatan ka jirta dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in ay barakacaan in ka badan Hal million oo qof.   Waxa uu tilmaamay inay weli helayaan warar sheegayo inay jiraan Muwaadiniin doonaysa inay dhacaan Hantida Khaaska loo leeyahay iyo inay isku dayayaan sidii ay Sharciga gacmahooda ugu qaadan lahaayeen.   Ambassador Michael Raynor waxa uu si gaar ah uga hadlay dagaalka u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramadda, wuxuuna Maamulayaasha Ethiopia ku booriyeen inay wax ka qabtaan Xiisadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Coladahaasi dhabar-jab…

Read More

Maanta duhurkii soo bilaawday ayaa waxa uu weli ka socdaa Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.   Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda balse u qaab beeleed u abaabulan,waxana la sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.   Goobjooge ku sugan halka dagaalka uu ka socdo oo ah Kaawa Godeey gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Dhanaanoow ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamada dagaalka uu dhexmarayo ay isku-heystaan dhul halkaasi ku yaalla.   Shalay ayuu dagaalku ka bilaawday xaafadaas,balse xalay ayuu istaagay waxuuse dib ubilwoday maanta Duhurkii.   Rasaas xoog leh,ayaa…

Read More

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Militiriga Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.   Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay geysteen falkaasi dilka ah ee loo geystay Askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.   Ciidamo Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray daqiiqado ka dib, kuwaas oo baaritaano muddo kooban socday halkaasi ka sameeyay

Read More

Wasiirkii Waxbarashada dowlada Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan,ayaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre Xilkii Wasiirnimo loogu qaaday.   Wasiirka ayaa sheegay in sixun loo fasiray hadal uu horay u sheegay oo ahaa in Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka Soomaaliya aysan aqoonsanayn dhamaan Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.   Wasiirka Waxbarashada ee xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa hadalkaas sheegay ka hor inta aan xilka laga qaadin.   Dhanka kale waxaa jira warar kale oo ay helayso warbaahinta idilnews,kuwaasoo tilmaamaya in xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirka aysan shaqo…

Read More

Waxaa warbaahinta Soomaalida hadal haysaa hadal kasoo yeeray wasiirka wasaaradda waxbaarshada ee dawladda federaalka kaas uu ku tibaaxay in aanay jirin jaamacad ay si buuxda u aqoonsanyihiin wasaarad ahaan ee kaliya ay siiyaan jaamacadaha aqoonsi ay ku sii shaqeeyaan (defacto recognition). Hadalka wasiir marka dhinac laag eego , waa ka gar oo dalka waxaa ka jira tobanaan jaamacadood o intooda badan ku yaalla Caasimadda Muqdisho ee uu joogo,kuwaas oo in badan oo ka mida aanay buuxin shuruudaha laga doonayo jaamacad iyaga oo ka faa’iidaysanaya awood la’aanta wasaaradaha waxbarashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed. Qaarkood jaamacadahaan iyaga oo la…

Read More

Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa xarunta Puntland ee Garowe shir kula qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland. Keating ayaa Isimada iyo odoyaasha dhaqanka kala hadley sidii xal loo demin lahaa colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.   Isimada ayaa Keating la wadaagey khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimahan oo kale iyo sidii la isaga kaashaan lahaa nabadda Soomaaliya.   Keating ayaa kulanla qaatey isla maanta Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo demin lahaa colaada Tukaraq, sidoo kale waxa uu la kulmayaa ururada haweenka.   Madaxweyne Gaas,ayaa markale ku celiyay in mawqifka Puntland…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay  25 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe, “Waxaan maanta…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha. Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah. Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kaoso gaareen qaraxaasi. Ma jirto cid sheegatay qaraxan illaa hadda. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaan weli wax war ah kazoo saarin qaraxa.

Read More

Cajalad sir ah oo laga duubay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laga baahiyay taleefishinka CNN ee dalkaasi, waxayna arrintan sare usii qaadaysaa fadeexadihii markii hore ku furnaa.   Cajalka ayaa waxa uu ku saabsanyahay wada sheekeysi dhex maray Trump iyo garyaqaankiisa Micheal Cohen , waxayna ka sheekeysanayeen sidii lacag loo siin lahaa haweenay uu Trump la seexday oo lagu magacaabo Karen McDouga.   Waxaa cajalka la duubay sanadkii 2016-kii markii uu Trump u tartamayay xilka madaxweynenimada ee uu markii dambe ku guulaystay.   Garyaqaanka hadda ee Trump mudane Rudy Giuliani ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo la…

Read More

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa isagoo waraysiinaya Tv-ga Somali Caple sheegay in Wasaaradda Waxbarashada aysan aqoonsaneyn dhammaan jaamacadaha dalka oo ay qayb ka tahay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd mar haddii aysan Jaamacad ahaan u aqoosanneyn sababta ay ruqsada u siiyeen ayuu yiri’’ Waxna waa diiwaan-galin, waxna waa aqoonsi, marka annaga sabab aan u diidi karno in ay ka shaqeeyaan dalka ma jirto, sidaa ayaan u diiwaan-galinnay’’ ayuu yiri Wasiirka waxbarashada.   Hadalkan ayaa ah mid dad badan ku noqday fajiciso,iyadoo la ogsoon yahay in boqolaal kun oo arday ah waxna ku bartay jaamacadaha…

Read More

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aaney u soo safrin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.   Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga gudaha Soomaaliya isaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth, Hargeysa iyo Berbera xataa qofkii aan ku qasbaneyn waa in ay ka baxaan.   Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aaney tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirada.   Qoraalka waxaa lagu sheegay in…

Read More

Xukuumadda Fadaraalka Somaliya ayaa wafti uu hoggaaminayo ku-simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda u dirtay Sacuudiga, iyadoo qoraal ka socday Ra’iisal wasaare Kheyre la gaarsiiyey Wasaaradda Arrimaha Xajka Sacuudiga, waxaana ugu danbeyn lagu heshiiyey in Shan shirkadood oo Soomaali ah ay ka qeyb qaataan dhoofka xajka sanadkan. Labadii Shirkadood ee hore u heysatay Xajka iyo tegista Sacuudiga ee Jubba iyo Daallo ayaa qaadi doona Xujey gaareysa 6000, halka shirkadaha danbe ee saddexda ah Freedom, Ocean iyo African ay qaadi doonaan 3300 xaaji, laakiin waxay rakaabka geyn doonaan garoomada Nairobi iyo Jabuuti, halkaasoo ay ka qaadi doonto…

Read More

Kala duwanaasnho aragtiyeed oo mudo soo jiitamayay kadib waxuu isku badalay khilaaf aan caadi ahayn oo ka dhex qarxay labo masuul oo ku faani jiray in aysan marna is khilaafin wakhtigoodana ku dhamaysan doonaan wada shaqayn wanaagsan. Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre waxuu marayaa khilaafkoodii meel xiiro xiiro ahaa,iyadoo saacadba saacada kasii danbaysa ay sii kala irdhoobayaan labada masuul. Ra’isalwasaare Khayre waxuu ciyaarayaa kubad siyaasadeed oo adag,waxuuna wadaa diyaar garow dhan walba ah.waxuu bilaabay urursi siyaasiyiin mugleh,dhaqaale iyo Ciidan,sidoo kale waxuu ugacn haatiyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka. 29-ka bishan waxuu gaari doonaa isaga iyo wafti balaaran uu…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.   Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.   Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna…

Read More

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu hore u soo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda degmada Waaberi waxaana lagu diley goob laga raaco gaadiidka dadweynaha. Raggii ka dambeeyay dilka sarkaalka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen iyadoo ay gaareen ciidamada ammaanka. Mana aha markii ugu horeysay ee bartamaha suuqa Bakaaraha lagu dilo ciidamo ka tirsan dowlada federalka.

Read More

Magaalada Abu-Dhabi waxaa maanta ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea.   Dhaxalsugaha Imaaraadda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid,ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Afwerki.   Sida uu qoray wargeyska The Gulf-News, Bin Bin Zaayid ayaa amaanay heshisika dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia.   Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa abaal marinta ugu sareysa ee dalkaas guddoonsiiyay, labada hogaamiye,isla markaana ku faaney in ay dawlada imaaraadka ay door muhiim ah ka qaadatay Nabada Geeska Afrika.   Dawlada imaaraadka ayaa waxaa uga baxay heshiisiiinta labadan dowladood ee itoobiya…

Read More

Ciidamo gaaraya 71-askari oo tababar loogu soo xiray Xerada Nuurshirbow ee udhow talsika dhexe ee hay’ada sirdoonka iyo nabadsugida Fadaraalka NISA.,ayaa Agaasimaha hay’adu kala diray.   Ciidamada oo mudo Todobo bilood ah uu usocday tababarkan ,ayaan la garanayn sababta kaliftay in uu kala diro agaasime Xuseen Cismaan Xuseen .iyadoo waxa kaliya ee uu cuskaday ay tahay in aan loo baahnayanx iligan.   Mudaahaaraad ay kaga soo horjeedaan talaabada agaasimuhu qaaday,ayay Ciidamadu ka horsameyeen afaafka hore ee xarunta NISA.inkastoo laga hor istaagay in ay la kulmaan masuuliyiinta hay’ada.   Maalmo ka hor ayay ahayd markii shaqada uu ka joojiyay agaasimaha labadisii…

Read More

Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii hore ee saaka waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka baar Sanguuni ee gobolka jubadda hoose.   Weerarku waxaa uu ku billowday Labo gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Maleeshiyada Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni   Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka dowlada iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ayaa si buuxda ula wareegey buundada Araare,iyagoo xiligan ku sugan meel ujirta Degmada jamaame 9-km,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka…

Read More