Author: Jibril Qoobey.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin degaanka Soomaalida sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso.   Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan.   Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay.   Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.   Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.

Read More

Guddiga Joogtada ah ee Golaha barlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka siiyay xubnaha gollaha baarlamaanka Puntland  waxqabadkii Guddiga mudadii u dhaxaysay kalfadhigii 40-aad iyo kan 41-aad ee hadda socda. Xoghayaha Barlamaanka Puntland Cali Axmed Saalax oo warbixinta waxqabadka guddiga joogtada ka hor akhriyay gollaha wuxuu sheegay in warbixinta ay koobayso waxqabadkii guddiga joogta ay sii qabteen mudadii uu fasaxa ku jiray barlamaanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VkQwKBjdSec

Read More

Wafti heerkiisu sareeyo oo ka socda Boqortooyada Imaaraadka Carabta,ayaa soo gaaray Puntland. Waftigan oo uu hogaaminayo mid ka mid ah Amiirada dalkaas,ayaa booqasho dhaqan ku yimid Puntland,isagoo kula kulmay xarunta dhaqanka Puntland ee Qardho Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.   Boqor Burhaan ayaa waftiga si maqaam sar leh usood haweeyay kadibna usameeyay qado sharaf iyo dalxiis maalin joog ah oo lagu geeyay Beerta Boqorka ee duleedka Qardho.   Sidoo kale waftiga Carbeed waxay ugudbeen xarunta labaad dhaqanka Puntland ee Badhan fariisinkana u ah Saldanada labaad ee ugu faca weyn Saldanooyinka beelweynta Daarood.   Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Suldaanka…

Read More

Madaxweynaha maamulka United Somaliland Mustafe martin oo maalmahan booqasho ku marayay dalalka Geeska Africa haatana ku sugan caasimada Puntland ee Garowe,ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Puntland waxuu kaga hadlay arimo fara badan. Madaxweyne martin,ayaa faahfaahiyay ujeedka maamulkiis aloo dhisay hadafyada uu utaagan yahay iyo qorshahaooda mustaqablka,sidoo kale waxuu ka hadlay ujeedka socdaalkiisa ee Puntland,hoos akd aawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lD0iu6v4yqw

Read More

Wasiir dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya C/llaahi Bile Nuur ayaa ka hor yimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan. Qoraal uu Wasiir dowlaha uqoray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan. Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys…

Read More

Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu geeriyooday hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Diiriye Abu Cubayda. Sarkaalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo u warramay idaacadda ku hadasha codka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Abu Cubayda uu ku dhintay degaanka Jubbada Dhexe. Hase yeeshee mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al-Shabab oo sheegtay inay la xiriirtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabab oo ku tilmaamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona alahayn. Sarkaalka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya inay warkan ay ku daboolayaan heshiiskii lala gaaray Itoobiya, sida uu hadalka…

Read More

Madaxweynaha JF Soomaalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaasi lagu maamuusayay 58 guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay Xorriyadda ka qaateen Gumeysigii Ingriiska 26-ka Juun 1960-kii. Munaasabadaas Ubax dhigga aheyd ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqatay farxadda ciidda xorriyadda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirro, Xildhibaannno iyo Xubno ka tirsan Ciidamadda baandeyda. Dadweynaha isaga kala yimid qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si raxan raxan ah u socday, iyagoo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka,…

Read More

Cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland,gaar ahaan Guutada 48-aad ee fadhigoodu yahay Gobolka karkaar,ayaa maanta kasoo ruqaansaday halkaas.   Ciidamadan oo aad u gaashaaman,ayaa gaaray Degmada Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamada difaaca Puntland iyo maleeshiyada Jeegaanta Muuse Biixi.   Guutada 48-aad ee daraawiishta Puntland,ayaa qayb ka noqon doonta hawlgalak dib u xoraynta Sool,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sAI6RFJqJdU

Read More

Madaxweynahaa Dowladda Puntland Hamblyo oo diray ku aadan 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed. Madaxweynahaa Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Taariikdu tahay 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbka gobolada Waqooyiga Soomaaliya, maalintaas oo ay ka soo wareegtay sanad guuradeeda 58 sano kuna weyn umadda Soomaaliyeed dhammaantood.   Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 June 2018 waxaa uu ka qayb galay bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabtay Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya dhammaan Wasiirada Wasaaradaha isgaarsiint Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya  oo lagu qabta Caasumadda Dowladda Puntland ayaa waxaa…

Read More

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa meelmariyey Ajendaha ay ka wada hadli doonaan 45 maalmood ee nagu soo aadan, waxaana qodobada ka dhex muuqda kuwa ku aadan dhanka Ammaanka, gaar ahaana in loo yeero Madaxweynaha Puntland. Ajandaha Rasmiga ah ee Golaha wakiilada Puntland uga doodayaan kal-fadhigooda 41aad ayaa lagu ansixiyey qodobadaan. 1.Furitaanka Kal-fadhiga 42-aad 2.Ansixinta Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 41-aad 3.Warbixinta Guddiga Joogta ah 4.Warbixinta Guddiga Golaha Wakiilada PL. 5.Amniga, Difaaca Dalka Puntland iyo Xog Waraysiga Madaxweynaha Puntland 6.Xaalada Qulqulka Tahriibayaasha(Dhaqangalinta Xeerka Tahriibta) 7.Habka Shaqaalayta Shaqaalaha Rayidka ah. 8.Hab raaca loo maro iibinta Hantida ma guurta ah 9.Mashruuca wadada Garoowe iyo…

Read More

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsges oo ku magac dheer (Jeneral Gabre). Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD. Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo. Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale…

Read More

Waxaa Puntland ku soo qulqulaya tahriibayaal badan oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, safarkooduna ku beegsanaya magaalo xeebeedka Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan.   Safarka muhaajiriinta ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka.   Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa maanta waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso.   Labadii bilood ee udanbaysay waxaa Puntland soo gaarey Dad ka badan toddoba kun oo qof.

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleystay xilka madaxtinnimo ee dalkiisa doorasho cusub oo waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo madaxtooyada siineysa awood dheeraad ah. Warbaahinta Turkig aayaa ku warantay in Erdogan uu ku guuleystay doorashada boqolkiiba 53 codadkii la dhiibtay Axaddii. Muharrem Ince oo ah hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka ah ee Xisbiga Dadweynaha ee Jmahuuriga, ayaa kaalinta labaad galay, isagoo heley codadka boqolkiiba 31. Afti laga sameeyay dalkaasi sanadkii 2017, ayaa isbaddalo loogu sameeyay nidaamka siyaasadeed ee waddankaasi, waxana meesha laga saaray xafiiskii ra’iisual wasaaraha, madaxweynaha ayaa awood loo siiyay in uu kala diri karo baarlamaanka, wasiirada magacaaban iyo…

Read More

Wasiirku wuxuu beeniyay eedaymihii uu soo jeediyay Xisaabiyihu, isagoona sheegay in xisaabiyaha la doonayo wixii uu ku hadlay Caddayntooda. Xisaabiyihii Gobolka Mudug oo maanta is casilay, wuxuu sheegay inuu musuq maasuq ka jiro Wasaarada Maaliyadda Puntland. ” Waxaan shacabka iy dowladda Puntland la socodsiinayaa in xisaabiyihii hore ee gobolka udug ku guul daraystay shaqadii loo igmaday, sida ku cad Dekeratoo Lr W/WM/DGPL/688/2018, taasoo shaqada lagaga joojiyay, kuna wada cad yihiin xil-gudasho la’aanta xisaabiyihii hore” ayuu yiri Wasiirka Wasiirku, wuxuu kaloo uu been abuur ku tilmaamay  Akoon uu xisaabiyuhu sheegay inuu Wasiirku ku leeeyahay Bangiga Dahabshil qaybtiisa Qardho, isagoo wasiirku sheegay in…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),ayaa cafis u fidiyay ku dhawaad 50-maxaabiis oo ku jiray Xabsi ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland.   Maxaabiistan oo dhamaantood Rag ahaa ayaa loo haystay dambiyo kala duwan laakiin madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u fidiyay cafis iyadoona laga siidaayay xabsigii ay ku xirnaayeen.   Waxaa wali jira maxaabiis kale oo ku jira xabsiyada ku yaala deegaanada Jubaland uu ka arimiyo.iyadoo ay socoto dib uqiimayn ay wasaarada cadaalada jubaland kuwado xaalada Maxaabiista ku xirna Xabsiyada.

Read More

Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa taageeray go`aan ay horay u gaartay Dowlada dhexe ee Fadaraalka Soomaaliya kaas oo ku aadanaa in la hakiyo deeqaha kala duwan eesida gaarka ah loo siiyo Somaliland.   War qoraal ah oo ku qornaa luuqada English-ka ayna ku wada saxiixan yihiin madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka sida Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa loo diray Beesha Caalamka, iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ee Somaliland loogu qoondeeyay deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya sida gaarka ah uu yahay mid halis ku ah qaranimada Soomaaliya. Halkan ka…

Read More

Xisaabiyihii Gobalka Mudug ee Wasaarada Maaliyada Puntland, Barkhad Aadan Muuse,ayaa saakay ku dhawaaqay in uu iska casilay masuuliyadii uu u hayay Wasaarada iyo bulshada Gobolka. Barkhad,ayaa ku sheegay war saxaafadeedkiisa in ay sababtay iscasilaadiisa,kadib markii uu la shaqayn waayay Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe (Dhaqaaje). Barkhad,ayaa yiri”Wasiirku markii loo magacaabay Wasaarada waxuu isla markiiba iigu yeeray xarunta,anoo islahaa waxuu kuugu yeeray kulan isbarasho iyo dhiirigalin shaqo ah,ayaan kala kulmay wax ka badalan taas oo ah in uu iwaydiistay lacag 10.000 oo dolar ah bil walba in aan gooni ugu keeno maadaama kharashkiisu badan yahay,ana taas waan ka diiday”ayuu yiri xisaabiyihii…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Sool Abuukar Cabdi Geele oo warbahinta la hadlaya ayaa sheegay in Magaalagada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay ka sameyeen ciidanka Puntland howlgalo.   Hawlgaladaas oo sababay in ciidanku xabsiga kasii daayaan Maxaabiis kala duwan oo ay horay ay xabsiyada u dhigeen Maleeshiyada maamulka Jeegaanta Muuse Biixi.   Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ciidanku qabsadeen labo xabsi oo ay ku xirnayeen dadweyne aad u fara badan oo markii hore loo xiray kasoo horjeedida Maamulka Jeegaanta,waxaana xabsiyada kasii daayeen dhamaan dadkii ku jiray.   ”Howlgalkaasi wuxuu bilaamay 2:30 habeenimo, wuxuuna soconayay ilaa 5:00 subaxnimo, ciidamadda Puntland waxay weerareen oo…

Read More

Qarax kale aya isna ka dhacay dalka Zimbabwe, meel uu ka qudbeynayay madaxweynaha dalkaasi Emmerson Mnangagwa, oo dad isku soo baxay u lahadlayay. Markii qaraxa uu dhacyaay ayuu madaxweynuhu ku guda jiray ololihiisa doorashada madaxtinnimo ee dalkaasi oo la filayo in bisha soo socoto ay dhacdo. Weerarkaasi oo dhaawacyo ay sababeen, ayaa waxa si diqri ah uga badnaaday madaxweynaha, kaas oo ku tilmaamay in uu ahaa mid fuleynimo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/RANpCxR1uK0

Read More

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr Axmed Daahir ayaa lagu sheegay baaritaano lagu hayo dhoofka dhuxusha ee Soomaaliya, baaritaankaas oo lala kaashanayo hay’adda booliiska adduunka ee Interpol iyo tan Afrika ee Afripol.   Qoraalkan ayaa fariin lagu gaarsiiyay ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka baaqsadaan dhoofinta dhuxusha si toos ah iyo mid dadbanba, iyada oo looga digay in dhoofka dhuxusha uu yahay fal dambiyeed kusoo baxay qaraar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeedba.   Ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee ay ka midyihiin kuwa badaha waardiyeeya…

Read More

Labo qof oo Dumar ah ayaa xalay saq dhexe waxaa lagu diley. xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo,sidoo kale waxaa lagu dhaawacay labo Nin oo kale.   Dilkan xalay saq dhexe dhacay lama xaqiijin karo cida fulisay ilaa iyo hadasidoo kale laamaha amaanka Gobolka kama hadlin mana bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sida wax udhaceen..   Gaalkacyo xaaladeeda amaan ayaa aad u wanaagsanayd bilihii lasoo dhaafay ,waxaana hawlgalo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amaankeeda fulinayya Ciidamada isku dhafka ah ee dhawaan loo sameeyay Magaalada.   lasoco wararkayaga danbe iyo waxii kasoo kordha dilkan.

Read More

Wakiilka qaramada midoobey ee Somaliya Michael Keating, ayaa sheegay in dacwadii ay Somaliland ka gudbisay isaga uu xoghayaha guud ee qaramada midoobey uwakiishay in uu jawaab celin ka siiyo maamulka Somaliland isla dacwadaas.   Jawaabta wakiilka qaramada midoobey Michael Keating ayay jawaabtiisu uqoranyd sida tan soo socota:-   Xoghayaha guud waxuu iga codsaday in aan kaaga soo jawaabo warqadaadii 28 May 2018 ee la xiriirtay colaada Tukaraq.   Xoghayaha guud waxuu ka niyad jabsan yahay,xili horukac la taaban karo laga sameeyay geedi socodka nabadaynta iyo dhismaha dowladnimada Somaliya,in ilihii yaraa ee Milatari qiimahana lahaa ,in halkii ay ka ahayd in…

Read More

Dowlada Ethiopia ayaa xirxirtey ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin. Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa. Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shaley lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed. Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah. Dhinaca kale Raysalwasaaraha…

Read More

Former President Barack Obama will travel to his father’s homeland of Kenya next month as part of a trip that will include stops in South Africa, Spain and Portugal.   Obama will visit Kenya from July 15-16, where he’ll attend the inauguration of a youth sports center founded by his sister, Auma Obama.   The vocational center in Siaya County aims to provide educational and economic opportunities to help young people serve their communities, and shares a similar mission as the former President’s Obama Foundation.   “Given that his own mission under the Obama Foundation is to inspire and empower…

Read More

Maamulka Somaliland,ayaa qaadacay ka qaybgalka shirka Belgium ee looga xaajoonayo arimaha amaanka ee Somaliya.   Casuumad ka timid shirkaas,ayaa lasoo gaarsiiyay madaxda maamulka Somaliland ugu saraysa balse way qaadaceen sidaa waxaa noo xaqiijiyay masuul ka tirsan madaxtooyada maamulkaas.   Somaliland ayaa ku andacootay in aysan qayb ka ahayn Somaliya,isla markaana uusan qusayn shir loo qabanayo qaybaha Somalida.   Somaliland ayaa isku aragta in ay tahay Jamhuuriyad ka madax banaan Soamliya inteeda kale.   Shirka Belgium oo qorshuhu ahaa in bishan 26-keeda la qabto,ayaa dib u dhac ku yimd ka gadaal markii codsi dib u dhigid ah uu ka yimid madaxda…

Read More

Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi,ayaa dacwad ka dhan ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ka gudbiyay, isla markaana ku eedeyay inuu dhinac u xagliyey colaada Tukoraq ee udhaxeeya Puntland iyo Somaliland. Qoraalkan Madaxweyneaha maamulkaasMuuse  Biixi uu qoray ayuu u diray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr: Antonia Guterres, waxaanu sheegay in Tukoraq ku taallo gudaha Somaliland, isla markaana xadkii uu gumaystihii ingiriisku dhigay uga harsan tahay toddobaadan killomitir. Sidoo kale,waxa uu sheegay in Somaliland dalalka la jaarka ah kula nooshahay nabadgalyo, taas oo muddadii 27-sanadood ahaa xuduudaha ay la wadaagto dalalka kale nabadgalyo. Sidoo…

Read More

Mudanayaal, Maanta waxaan ku jirnaa dagaal mana aha dagaalkaan la ina kusoo qaaday mid la mid ah kuwii aan horey ku geli-jirnay, waa mid saameyn ku leh diinteena, dalkeena, jiritaankeena iyo Dawladnimadeena, waa dagaal dhaafay Anshaxa suuban, Soomaalinimada iyo jaarnimadii Soomaalida lagu yiqiin, waa dagaal salka ku haya been,Argagixiso iyo Isir-nacayb. Mudanayaal, Gobolka Sool maaha meel kawada dhaxaysa SL iyo PL, Gobolka Sool maaha gobol aan la garanayn cida iska leh oo qolo walba markeeda sheeganayso, Gobolka Sool maaha weel lagu dawarsado oo Hargeyso Mushaar looga raadsado, Gobolka Sool maaha meel uu ilaahay u qoray in shacabkeedu ilmadu gobo’leyso oo…

Read More

Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka. Warbaahinta Itoobiya iyo Ra’isulwasaaraha laftiisa ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dad kala duwan. Dadka inta badan waxa ay ku dhaawacmeen isbuurasho dadka ay sameeyeen. Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa markiiba meesha lagala cararay, wuxuuna markii dambe hadal ka jeediyay xafiiskiisa, hadalkaas oo toos looga baahiyay taleefishinka qaranka Itoobiya. Faahfaahin lagama bixin cidda ka dambeysay qaraxa, balse…

Read More

Madaxweyne Dowlada Puntland waxaa la filayaa in uuberi hortago Baarlamaanka ,isla markaana ka jeediyo khudbad xasaasiya oo ku aadan hawlgalka dib u xoaraynta Sool.   Fadhiga Baarlamaanka Puntalnd ee beri la filayo in uu dhaco,ayuu Madaxweynuhu sidoo kale hor dhigi doona Doorashada Madaxtooyo ee 2019.   Baarlamaanka,ayaa looga fadhiyaa in ay tagaeeraan hawlgalak dib u xoraynta Sool,sidoo kale waxaa la filayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan xiliga doorashada madaxtooyo ee Puntland ay dhacayso.   Doorashada Madaxtooyo ee puntland,ayaa xili wlaba dhici jirtay 8-da Janaayo,absle hada duruufaha jira awgood waxaa Baarlamaanka Puntalnd la filaya ain ay dib u eegis…

Read More

Qoraal ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka Somaliya,loona kala diray Madaxda Dowlada Fadaraalka,ayaa lagu sheegay in dhinacyada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ay isla garteen sanadkii 2013 heshiiskii New Deal in Somaliland si gaar ah loola macmiilo si ay si ay u hesho saamigeeda kaalmada loogu talogalay guud ahaan Somaliya.   Beesha Caalamka,ayaa ku adkeystay mowqifkeeda ah gooni ula macaamilka Somaliland.   Waa muhiim tahay inay soo sii socoto qaabkii gaarka ahaa ee deeqaha lagu siin jiray Somaliland”ayaa lagu yiri qoraalka.   Beesha caalamka ayaa soo jeedisay,isla markaana ku dardarsiisay Madaxda Dowlada Fadaraalka in lagu socdo nidaamkii New Deal inta xal…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,aya amarkale ku celiyay in ay ka go’an tahay xoarynat dhulka maqan ee Puntland. Madaxweynaha oo la hadlayay saxaafada,ayaa sheegay in ay galayaan dagaalka Jhaad ah oo looag xoiraynayo dhulka Dastuuriga ah ee Puntland maamulka Muuse Biixi,hoso akd haagsyo codka Madaxweynaha. Halkan ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas

Read More

Horaantii Todobaadkan,ayaa markale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlada Fadaraalka waxuu sheegay in Hawada Somaliya hagideeda si toos ah loogus oo wareejiyay magaalada Muqdisho. Wasiirka,ayaa sheegay in qalab muhiim ahaa oo xayirayay in Hawada Dalka toos loogu soo wareejiyo guda Dalka uu hada gacanta Dowlada soo galay,isla markaana la rakibay,hoos ak daawo muuqaalka oo faahfahasan. Halkan hoose ka daawo muuqalka https://youtu.be/E9mQNdU7RQs

Read More

Ra’isalwasaare khayre iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa ku wajahan dhawaan dalka isutaga Imaaraadka Carabta.   Booqashada la filayo in khayre ku gaaro Imaraadka,ayaa ka danbaysay socdaalkii ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye uu ku yimid Muqdisho.   Warar lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Abiye ku guulaystay isku soo dhawaanshaha labada Dal.   Abiye ,ayaa sidoo kale ku guulaystay ka saxiixida madaxda Dowlada Fadaraalka ah Dekedo door ah oo Dowlada Imaaraadka Carbat aad udanaynaysay in ay maalgashato,balse ay si toso ah ugu suurtoobi wayday in ay kala heshiiso Madaxda Dwolada Fadaraalka Somaliya.   Maalgalinta Dekeadahan ee Imaaraadka,ayaa hada si dadban usoo mari doonta Dowlada Itoobiya,hoos…

Read More

Dhammaan ammaan oo dhan waxa ay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubbanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxa aan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.   Asallaamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.   Waxa aan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray” XAFIISKII HOWLGABKA AHAA”. Waxa aan qormadan ugu talo galay in kaliya aan caddayno in ay jiraan gaabis hawleed, walow haddana aan la dhayalsan Karin hawlkarnimada xafiisyo badan oo aynu leenahay. Waa aan uga mahadnaqayaa iyagana hawlkarnimadaas. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna. Aan u niyeysanno…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo qayb galay shirka 32aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.   Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofurta-Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.   Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo waftigiisa ayaa markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.

Read More

Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa ay ku dileen horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.   Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi Yare ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA in Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay deegaan ku dhow Araare.   Sarkaalkan ayaa u qaabbilsanaa kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab in uu lacagaha iyo xoolaha si khasab ah ugu qaado shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.   Sidoo kale ciidamada xoogga dalka Somaliyed ee gobollada…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum oo looga doodo nabada caalamka.   Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.   Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.   R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa,ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan,sidoo kale waxuu la kulmay masuuliyiinat…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaas oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan. Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa. Madaxweynaha oo shirka kaddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay…

Read More

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Jubaland ayaa Maanta xukun dil ah ku fulisay saddex Askari oo laba ka mid ah ay horay u dileyn Askar ka tirsaneed Ciidamada Dowlada halka midka kalane uu dilay Xaaskii uu qabay.   Saddexda Askari ee Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxa ay kala yihiin, Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray marxuumad Muxubo Maxamed Guure, C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay Marxuum Cawil Colow Xasan.   Goobta uu lagu fulinayay xukunka dilka toogashada ah…

Read More

Ciyaaryahanka Britain u dhashay ee baalka ka ciyaara Raheem Sterling ayaa sheegay inaa aanu wewel ka qabin dhaleecaynta warhaahinta ee la xiriirta qaab nololeedkiisa sare iyo siliska hodantinimada muujiya ee uu xirto.   Sterling, oo 23 jir ah ayaa marar badan dareemay in aad loo danaynayo inta uu kujiro, shaqo maalmeedkiisa, tii ugu dambaysay ayaa ahayd moodo cusub oo ah qori uu lugta ku sawirtay.   Waxaa intaas u dheer dhaliilo loo soo jeedinayey oo la xiriira in saaxiibtii uu guur usoo bandhigay, asagoo dhar uga iibiyey dukaanka high-street chain Primark, iyo asagoo xataa hooyadiis guri u iibiyey.   “…

Read More

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.   Agaasimaha xafiiska ra’iisulwasaaraha Fistum Arega ayaa Twitterka ku qoray “xoriyadda xogta ayaa aas aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo masuuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga salgaaraa.   Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.   In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xireen maxaddado TV, kuwaasoo loo…

Read More

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha gobolka Minnesota, ayaa baaritaanno uu muddo wadey kadib waxaa uu dembi kan ugu weyn uu yahay “Naceyb” ku helay,   Saddex nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen weerarka bombaanada loo adeegsadey ee lagu qaaday xarunta Dar al-Farooq oo ah Masjid iyo xarun Islaami ah oo ku taalla gobolkaasi horaantii bishii Agoosto ee sanadkii 2017.   Saddexda Nin oo kasoo jeedo gobolka Illinois ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa lagu qaadey dambi heer Federal ah oo ah inay weerareen xarun diimeed ayna muujiyeen naceyb.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Ethiopia iyo Eritrea ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xiriirkooda uu dhiirigelinayo. In ka badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa colaadda ka dhex oogneyd labada waddan ay hor istaagtay degenaanshaha iyo kobaca dhaqaale ee gobolka. War-qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in nabad waarta aysan barwaaqo u horseedeyn shacabka Ethiopia iyo Eritrea kaliya balse guud ahaan dalalka deriska la ah, gobolka, Mareykanka iyo good ahaan dunida. Qoraalka ayaa lagu yiri “Mareykanku waxa uu bogaadinayaa qoraalki ka soo baxay Ethiopia 5-tii…

Read More

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, siyaasadda ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo ilaalinta gaadiidka Dawladda. Amniga Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo warbixin ka dhageystay  Wasaaradda Amniga ayaa sheegay  in Amniga guud ee Puntland wacan yahay, iyadoo Goluhu caddeeyeen in dalku galay heegan dibu-xoreyn ah iyo soo celinta xuduuddaha  dastuuriga ah ee Dawladda Puntland. Golaha Xukuumada oo ku dheeraaday Amniga dalka ayaa  faray shacabka Puntland  inay gacan mugleh siiyaan  ciidammada qalabka sida, kuwaas oo u taagan sugida Amniga iyo xasiloonida dalka.…

Read More

Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa u gudbay wareega 16-ka ee Koobka Aduunka, kadib marki ay maanta 1-0 uga badiyeen kooxda qaranka ee Peru. Ciyaartan oo ka tirsaneyd Group-ka C isla markaana ka dhacday garoonka Ekaterinburg Arena ee magaalada Yekaterinburg ayaa waxaa goolka guusha xulka France u saxiixay Kylian Mbappe daqiiqadii 34-aad ee qeybti hore ee ciyaara. Mbappe oo 19 jir ah, ayaa noqday laacibki ugu da,da yaraa ee Faransiika gool u dhaliya tartanka ciyaaraha Koobka Aduunka. Goolkiisa ayaa yimid kadib marki kubad uu Olivier Giroud ku shuuday goolhayaha Peru Pedro Gallese uu kadaba tagay Mbeppe kadibna ku taabtay shabaqa. Peru,…

Read More

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiratay in ay sax tahay warqad deeqbixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, sida ku xusan heshiiska “new deal”.   Warqadda,ayaa ka soo baxday xafiiska Wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, 9kii Juun, ayaa lagu sheegay in heshiisku uu muhiim yahay, tan iyo 2013-na la gaaray guulo wax ku ool ah, balse weli ay jiraan tiro caqabado ah.   Caqabadaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan sidii xukuumadda Faderaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Faderaalka ay u wada dhisi lahaayeen qaab…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafti uu hogaaminaya ayaa goor dhow gaaray magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa ka furmi doona shir ay yeelanayaan Madaxda wadamada ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo maalmo ka hor shirkaan si deg deg ah ku iclaamiyay. Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arimo ku aadan xaalada siyaasadeed ee wadanka Koofurta Suudaan. Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis-Ababa wuxuu si gooni gooni ah ula kulmi doonaan madaxda kale ee ka soo qeyb gali doono shirka IGAD.

Read More

Madaxweynaha United Somaliland Musafe Martin Mohamed oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa kaso kicitimay dalka Maraykanka oo haatan u ah farisin Kmg ah. garoonakd iyaaradaha ee Jeneral Maxamed Abshir waxaa kusood haweeyay madax ka tirsan Puntland ,isimo iyo Haween.hoos ka daawo muuqaalka. Hakan hooose ka daawo muuaalka

Read More

Ugu horayn waxaa heshiiskan ka hadlay Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Dekedaha Somaliya ay muhiim tahay in la maalgashto cidii diidan heshiiskaasina ay noqonayso horumar diid. Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Fadaraalka Daahir maxamuud Geelle,ayaa xoojiyay hadalkii Madaxweynaha ,isagoo sheegay in heshiiskaasi ku saabsan yahay maalgashiga Dekdo afar ah oo ku yaala Somaliya. Waxaase hadal ka hor imaanaya hadalada Madaxweynaha iyo Wasiirka Warfaafinta sii daayay ra’isalwasaare khayre,isagoo cadeeyay in uusan jirin wax heshiis ah oo ku saabsan dekedaha oo ay la gashay Dowladiisu tan Itoobiya.waxa soo baxayna waa Warmurtiyeed lagu soo naba bixinayya ra’isalwasaaraha Itoobiya ee martida ahaa.. Waxaa xusid mudan…

Read More

Khayre si adag uga hor yimid,isla markaana sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo ay Dowladiisu la gashay Dowlada Itoobiya,sidoo kale Dekedo Somaliyed oo lagu wareejinayo dalal kale aysan jirin. ”Waxaan soo dhawaynay ra’isalwasaaraha Itoobiya oo kaliya ,kadibna booqashadisii ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed ee majirin heshiis lawada galay”ayuu yiri Khayre. Waxaa xusid mudan in uu farqi weyn u dhexeeyo Heshiis iyo War-murtiyeed Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho ra’isalwasaaraha Itoobiya Attoo Abiye. Kulanka labada hogaamiye kadib,waxay shaaciyeen heshiis ay kala saxiixdeen. Heshiiskaas oo ka koobnaa 16-qodob ayay saxaafada ka hor akhriyeen…

Read More

Boqorka wuxuu xabsiga ku jiray muddo laba bilood ku dhow,ayaa lagu soo daayey cafis madaxweyne.   Boqor Buurmadow oo magaalada Hargeysa ku xirnaa tan iyo wakhtigaas ayaa maamulka Jeegaanta ee Muuse Biixi waxay ku eedeeyeen in munaasabad dhaqameed uu boqorku kaga qayb galay Puntland bartamihii Abriil “oo uu kaga hadlay khudbad wiiqaysay gooni isutaagga Somaliland iyo ciidamadeeda.”   Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo markii la soo daayey ka dib hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sii deyntiisa, uuna ka mahad naqaayo sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga ku jiray, laakinse hadal intaa dhaafsiisan ma uusam sheegin.   Maxkamad…

Read More