Dab ka kacay bakhaarka ugu wayn ee la dhigo waraaqaha codaynta doorashada Ciraaq ayaa la xakameeyay, iyadoo lagu baaqayo in dib loo tiriyo codadka doorashada. Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarka gubtay. Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin. Doorashadii baarlamaanka ee bishii hore waxaa ku guulaystay is bahaysi u hogaaminayo wadaadka Shiicada ah ee Muqada Sadr. Iyada oo bartanka lagaga jiro eedaymo ku saabsan in ay wax isdabomarin dhacday,…
Author: Jibril Qoobey.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta burburiyay dhismo shirkadda ECO ay ka dhistay barxadda Piazza Libera ee degmada Xamar Jajab, kaasoo muran badan uu ka taagnaa sharci ahaantiisa. Amar kasoo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu burburiyay dhismaha Piazza Libera maadaama goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore. Duqa Muqdisho ayaa horay u hakiyay dhismaha goobtan, kadibna amray in baaritaan lagu sameeyo, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha ee lagu joojiyay bixinta dhulalka danta guud. “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, kaddib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga…
Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka,ayaa shaacisay sawirka iyo magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose. Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander W. Conrad oo 26 jir ah,waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka u tababaran. Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka iyo taageerida Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Xarakada Al-Shabaab. Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii…
Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi. Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qur ah oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay. Xiriirkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah. Trump oo ku sii jeeda Singapore si…
Meelaha laga soo galo Muqdisho waxaa la dhigay kontaroolo adag waxaana guud ahaan ay ciidamdu joojiyeen gaadiidka soo gala magaalada waxaana abuurmay goobo gaadiidku ay ku kala wareegaan. Dowladda ayaa xalay furtay qayb ahaan magaalada iyadoo xirnaanshaha magaaladuna ay saamayn ku yeelatay nolosha dadka,hoo ska daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirk aka soo tagay. Trump, ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray, “waa qof aan daacad aheyn oo aad u liita,” isagoo u jawaabayay hadalka Trudeau ee ku aaddan canshuurta cusub ee Mareykanka ee alamuniyamta iyo biraha inay yihiin kuwa aflagaaddo ah. “Marka loo eego, hadalka beenta ah ee uu ka sheegey Justin shirkiisa jaraa’id iyo xaqiiqda ah in Kanada ay…
Hakan hoose ka daawo muuqaalka
Ciidamada Jubaland oo garab ka helaya kuwa Maraykanka,ayaa ku sii siqaya Fariisamo ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyin hoos yimaada deegaanka Baar-Sanguuni ee gobalka Jubada Hoose. Ciidamada isgarabsanaya,ayaa Al-shabaab waxay ka qabsadeen Tuulooyin muhiim ah oo ka tirsan Deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose. Deegaanka Baar-Sanguuni,waxaa ka dhacay dagaalo Shalay Gelinkii dambe iyo Qaraxyo Ismiidaamin ah. Madaxweyne Axmed Madoobe ,ayaa gaaray goobta kadib markii halkaa lagu dilay askari Maraykan ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/B4XN7_ShWXQ
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taarikhdu tahay 10 June 2018 ayaa waxa uu xadhiga ka jaray waddada Wasaaraddaha ee Dowladda Puntland, waddadaas oo laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa ku weheliyey xafladda furitaanka waddada Wasaaraddaha Dowladda Puntland maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha xukuumadda, saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland, Ganacsato iyo Marti sharaf kale. Waddadan cusub ee Wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.5 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona ay dhistay shairkad laga leeyahay Dowladda Turkiga,shirkaas oo ah shirkadii dhistay Garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Gen.…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Waxaan ku bilabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh. Dawladda Ethiopia oo gashan khamiiska IGAD ayaa soo qaaday olole iyo duulaan siyaasadeed, olohaas oo ay golleeyihiin sidii cabaadkii iyo cabashadii maamulka Soomaaliland ee ku saabsanayd in ciidanka Puntland looga horago…. Kadib markay Somaliland ku andacootay in Lascaano ay hor fadhiyeen Jabhadda ONL, Puntland hadday qabsatana ay noqon doonto Laascaano waddo u furan Jabhaddaas ONL maaddaama ay isku Isir Yihiin… Arintaana waxaa sii xoojiyey Ismaciil Cumar Geelle oo in mudda ah qabay cudur la yiraahdo IRIR…. Ethopia iyadoon ka fiirsan dhagaysanna dhankii kale ayeey waxay cabbaysay Ururka IGAD iyadoo…
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo akhrinayey war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in maamulka Soomaaliland uu caddaystay xiriirka uu laleeyahay Alshabaab kadib markii uu sheegay in raggii weeraray Saldhigga Balli-khadar iyo kuwii ciidanka Puntland laayeen ay ahaayeen dhalinyaro aan waxba galabsan. Mudane Timacadde ayaa sheegay in wiilka uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo katirsanaa Alshabaabkii loo soo diray Puntland oo ka cararay uu ugu dambayntii isku qarxiyey wadanka Suuriya, iyadoona dowladda Puntland ay ugu baaqday caalamka inay baaritaan ka furaan xiriirka Alshabaab iyo Soomaaliland,hoos ka daawo muuqaalka. …
Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay xaaladda in ka badan 900 oo arday reer Puntland ah oo wax ka barta jaamacado kuyaal magaalooyinka, Sheekh, Hargaysa iyo Boorama, kadib markii maamulka Hargaysa uu ugu hanjabay in la u gaarsan doono. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in haddii xaaladdu ay sidaasi ku sii socoto aysan ka baaqsan doonin inay ardaydu deegaamadooda ku soo laabtaan. Quraan Jecel ayaa ardayda ugu baaqay inay Puntland ku soo laabtaan haddii caqabado dhanka ammaankooda ah ay soo wajahaan, inkastoo bulshada kunool magaalada Boorame, maamulka jaamacadda…
Madaxweyne Gaas oo dhaga adayg ka muujiyay codsiga IGAD ee ah in ay Puntland aqbasho wada xaajood ay ka gasho Laascaanood. IGAD waxay soo jeediyeen in maamulka Jeegaanta uu dib ugu laabto Laascaanood korkeeda aaga Ganbadhe,sidoo kale Puntland ay horay usoo ruqaansato Taliskeeduna fariisto inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Ganbadhe. Aragtidaas waxaa si deg-deg ah u aqbalay maamulka Jeegaanta ee uu hogaamiyo Muuse Biixi oo xaalku ku ciirsanaa taagnaana alow ur kuu bixi, Dowlada Fadaraalka ayaa iyaduna soo dhawaysay taageerana umuujisay qorshaha IGAD. Beri waxaa kusoo wajahan Muqdisho wafti balaaran oo ka socda Urur Goboleedka IGAD,kuwaasoo…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay Puntland iyo Somaliland in ay joojiyaan colaadda Gobolka Sool,isla markaana ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, Sidoo kale Qaramada midoobey waxay ku boorisay in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo. Hadalkan ayaa shalay kasoo baxay fadhigii Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka sheegay arimaha Somaliya. Puntland ayaa horayba u tixgalisay baaqyo iyo codsiyo uga yimid beesha caalamka ,kaasoo lagu dalbanayay in la hakiyo colaada Puntland iyo Somaliland,balse Muuse Biixi ayaa noqday Nin wax walba oo xal ah ka dhago adaygay. Musse Biixi ayaa todobaadyadii lasoo…
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federaali ah oo si wanaagsan u shaqeysa. Warkan ayaa kasoo baxay fadhiga Golaha amaanka ee Qaramada midoobey uu ka yeeshay arimaha Somaliya . Waa fariin si toos ah ugu socota Dalalka,kooxaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh hagardaamaynta dib usoo kabashada qaranimada Somaliya. Fariintan waxay si gaar ah ugu socotaa quwadaha shisheeye ee faragalinta tooska iyo mida dadban ku haya arimaha Somaliya iyo kuwa gudaha ee diidan in nidaamka dowliga ah…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix ruux oo masuul ka ah hawlgallada dadka lagu tahriibiyo ee Liibiya. Waa markii koowaad ee dad wax tahriibiya lagu daro liiska cunaqabataynnada caalamiga ah. Dadka liiskaas lagu daray waxaa ka ka mid ah afar Liibiyaan ah oo uu ka mid yahay nin madaxa ka ah qayb ka mid ah ciidammada ilaalada xeebaha iyo labo ruux oo dalka Eritrea u dhashay. Dadka wax tahriibiya ayaa ka faa’iidaystay ammaan xumida Liibiya iyaga oo boqolaal kun oo ruux badda mariyay si ay Yurub u geeyaan. Qaar badan oo…
Ugu yaraan 35 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tobaneeyo kale oo ay caruur ku jiraanna ku dhaawacmeen, weerar dhinca cirka ah oo lagu qaaday deegaannada ay maamulaan mucaaradka ee gobolka Idlib ee dalka Suuriya. Kooxda dhinaca xuquuqda aadanaha ee kor kala socota dagaalka sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska, ayaa ku warrantay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday xaafadda Zardana oo ku taalla waqooyigalbeed ee gobolka Idlib. Wariye ka tirsan wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo ku sugan Idlib ayaa sheegay in isbitaallada la geeyay dhaawacyada dad isugu jira dumar, caruur, waayeello iyo waliba qaar ka…
Jeneraal Samora Yunis ayaa laga bedelay taliyenimadii ciidamada Itoobiya. Nin la taliye sare u ah ra’isal wasaarahacusub, Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaaday “shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga” Itoobiya. Fariin uu u qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Jeneraal Seare Mekonen noqon doono ninka bedeli doona Samora. Dhanka kalana taliyihii ciidanka Cirka, Jeneraal Adem Mohamed, ayaa isna loo magacaabay in uu noqdo taliyaha nabadsugidda oo waxa uu bedelayaa Getachew Asefa oo xilkaa hayey 17 sanadood. Talaabadan waxa la qaaday dhawr bilood uun ka hor markii uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora. …
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/uaKC83PQ8gg
Borama waa magaalo dadka Somalidu usiman yahiin ku noolaan karaan,dhisan karaan, ka ganacsan karaan,waxna ka baran karaan. Ma lahin Dakad iyo il dhaqaale oo aan ahayn inaan umada Soomalida ka iibino Aqoon iyo Amni taasi oo keentay in maanta 40% dadka dagan Borama ay yahiin dad Gobolkasta oo Soomaliya ah ka yimid, dibada ka yimid jeclaaday Borama sababta oo ah waa meel loo siman yahay . Borama maanta waxaa dhisay oo dhaqaalaheeda kor u qaaday ardayda waxbarashada usoo doonatay iyo qoysaska usoo guuray si halkan ugu noolaadaan kuwaasi oo jeclaaday nabada, waxbarashada iyo jawiga magaalada iyo Borama oo ah…
Faysal Cali Waraabe Oo Digniin Udiray Reer Puntland Una Hanjabay Ardayda Reer Puntland ee Waxka Barta Gobolka Awdal,gaar haan Jaamacada Camuud ee Boorame. Faysal Cali Dhurwaa,ayaa Sheegay in 500 Oo arday reer Puntland ah in ay Boorama joogaan.isagoo ka hadlaya ardaydaas fariina udiray shacabka Reer Boorama, waxuu yiri”Reer Awdal ogaada waa cadaw giina Ardaydaas”. Dhanka kale waxaa Caawa u jawaabay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo sheegay hadii ay xagtini gaarto Ardaydaas in ay kala xisaabtamayaan Beesha Godaybiirsay ee Ardaydaas ay martida u yihiin. “Reer Boorama Faysal Cali Waraabe waxba nama yeeli karee yuusan gacantiina wax nagu yeelin Ardayda…
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad fadaraali ah oo si wanaagsan u shaqeysa. War kasoo baxay Golaha Amaanka ee qaramada midoobey,ayaa waxaa si buuxda u wada taageerey 15-ka wadan ee xubnaha ka ah golahaasi oo kala ah:- -Ruushka………Guddoonka sanadkan haya. -Maraykanka, -China, -France, -UK, -Bolivia, -Côte d’Ivoire, – Equatorial Guinea, -Ethiopia, -Kazakhstan, -Kuwait, -Netherlands, – Peru, -Poland -Sweden. Warka uu Golaha shalay kasoo saaray arrimaha Soomaaliya qeybta looga hadlay Midnimada & Madaxbanaanida dalka ayaa lagu yiri; …
PRESS STATEMENT 07/2018 The United Nations Under-Secretary-General (USG) for Political Affairs, Rosemary DiCarlo, visited the Somali capital today and held a series of meetings with the country’s leadership to reiterate the UN’s support to the people and Federal Government of Somalia, as well as to discuss issues of mutual interest and priority. The Under-Secretary-General was welcomed by the President of the Federal Government, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo. During her visit, she was accompanied by the Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Michael Keating. Speaking at Villa Somalia after meeting with the President, Ms. DiCarlo said the aim of her first field visit…
The UN Under-Secretary-General for Political Affairs Rosemary DiCarlo concluded a day-long visit to Somalia today, her first field trip since her appointment to the position one month ago. Ms. DiCarlo’s visit to Somalia is part of a regional tour of three countries in the East Africa. The Under-Secretary-General met with Federal President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and senior federal government officials at the Presidential Villa in the Somali capital, and they reviewed the political, security and economic situation in the country. “I wanted to come to show how important Somalia is to the United Nations. It’s a…
Maalmahan waxaa saxaafada qaarkeed ay qoraysay warar ay sheegeen in ay kasoo xigteen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyada,kuwaasoo sheegaya in wada hadal ubilowday Puntland iyo Somaliland,wada hadalkaas oo ay gar wadeen ka tahay Dowlada Itoobiya Hadaba xiriir aan la samaynay Madaxtooyada Puntland ayay warkaas si adag ugu beenisay. Madaxtooyada ayaa sheegtay in uusan warkaasi sal iyo raad toona lahayn,isla markaana aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid hawlgalkii difaaca dalka. ”Puntland waa wadaysaa difaaca dalka inta Taako kamid ah dhulkeeda uu ku jiro gacanta cadawga”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah shaqaalaha sar-sare ee Madaxtooyada Puntland. …
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay Amniga Puntland, Safarka Madaxweynaha ee Magaalada Baydhabo, Xeerka Biyaha Puntland iyo Warbixino Kale. Amniga Puntland: Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyay xaaladda amniga guud ee Puntland iyo duulaanka qaawan ee lagu hayo gobolka Sool, waxayna goluhu caddeeyeen inaan la fiirsan karin qaylo dhaanta iyo caburinta shacabka Laascaanood lagu hayo ee lulaya Calanka Buluuga ah, iyagoo u taagan astaan midnimo iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed. Safarka Madaxweynaha ee Baydhabo: Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa uga warbixiyay golaha xukuumadda shirkii Aminga Soomaaliya ee…
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka ee fadhiya magaalada Washington. Danjirayaal 50 kor u dhaafaya ayaa afurka ka qeyb galay, walow warbaahinta ay sheegtay in afurkaasi sanadkan aan loo joogin sida kuwii sanadihii hore, waxaana ka maqnaa hogaamiyeyaal muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray kuwaas oo sanadkan ka soo qeyb galin. Kulankan afurka ah ayaa u muuqday mid cidlo ah marka loo eego kii sannadkii hore ee uu madaxweynihii hore ee Obama u sameeyay muslimiinta. Shucuubta Islaamka…
President Abdi Mohomud Omar a visionary leader of Somali regional state of Ethiopia: Abdi Mohamud Omar, president of Somali regional state is the mastermind visionary leader behind the tremendous achievements in the region. In this short piece I will ruminate the political disorder and security failures that Ethiopian Somali region had experienced before the current administration led by Abdi Mohamed Omar come to power and I will share with you the current political development and socioeconomic achievements. When the ruling party EPRDF comes to power in 1991 Ethiopia cemented a new era of justice and equality among all…
Maxamed Aadan Xirsi Terra rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxuu ahaa hormuudka saxaafada Somaliya.daqiiqaddo ka hor ku geeriyooday Isbitaal ku yaal magaaladda London,Marxuumka ayaa maalmihii ugu dambaysay xanuunsanaa. Taariikh iyo door muhiim ah oo lama ilaawaan ah,ayuu ku lahaa saxaafada Soomaaliya. Bahda idil News Waxay Tacsi udirayaan guud ahaan Umada Somalida,gaar ahaan Qoyskiisii iyo eheladisii. Wax ka xasuuso taariikhdiisii saxaafadeed. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hv3fXKCpdK0
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran loona yaqaan Danab ee Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka. Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay bur buriyeen Saldhigyo ee Alshabaab deegaanadaasi ku lahaayeen. Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab ku dhawaad 20-qof oo la xiriirinayo in ay ka mid yihiin Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro. Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la haday…
Dagaalamayaasha Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanka Deynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo xarunta KMG-ah ee maamulka Koonfur-Galbeed sida ay ku qoreen bar ay wararkooda ku baahistaan kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegay in Jihada Koofureed ay ka weerareen deegaankaas,kadibna ay kala wareegeen Maleeshiyadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa. Sidoo kale Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in uu jiray dagaal waqti kooban qaatay oo halkaasi ka dhacay. Saraakiisha Maleeshiyada maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa iyaguna xaqiijiyay in deegaankan oo qiyaastii 26-KM u jira magaalada Baydhabo ay uga baxeen dib ugurasho dagaal ayna dib ugu soo laaban doonaan…
Ra’isalwasaare Abiye oo ah masuul dhalinyaro ah furfuran oo leh aragti bisayl ku fadhida,ayaa la yimid isbadal hogaamineed oo ay shacabka Itoobiya ilaa iyo hada ku faraxsan yihiin.. Abiye isbadalada ilaa iyo hada uu la yimdi waxaa laga xusi karaa.. 1.Qaadida amarka deg-deg ah ee saarnaa dalka. 2.Aqbalida go’aanka Xuduuda ee Qaramada midoobey. 3.Ku dhawaaqis furfurida ganacsiga sida Taleefoonada iyo Internet-ka. Dowladda Ethiopia ayaa talaadadii ku dhawaaqday in ay Eritrea siin doonto dhul muddo lagu murunsanaa. Guddiga fulinta ee isbaheysiga talada haya ee EPRDF ayaa sheegay inay u hogaansami doonaan heshiiska Algiers ee lagu…
Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xariga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qabqabtey Labadii Cishe ee lasoo dhaafay magaalada Jigjiga. Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xoogan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aanan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda. Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ku waraysatey khadka telefoonka ee dalkaasi Ethiopia. Dhinaca kale, masuuliyiinta dowlada deegaanka Somalida Ethiopia, ayaa ayaguna sheegay in arinkaan uusan waxba ka jirin. Wasiirka Warfaafinta maamulka Somalida Ethiopia Idiris Ismaaciil oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay eedayntan,hoos…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa dib ugu soo laabtay caasimada Garowe. Madaxweynaha oo markii uu diyaarada kasoo dagay ay kusoo dhaweeyeen Garoonka madaxsare oo ka mid ah Xukuumada,ayaa loo galbiyay qaybta Nasashada ee garoonka. Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa oo Baydhabo uga qaybgalay shirka amniga Qaranka Dalka oo socday mudo sadex cisho ah,ayaa saxaafada uga waramay qodabadii shirkaas kasoo baxay iyo doorka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PYjhvzppjto
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Maanta 6 June 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka kasoo kicitimay magaalada Baydho ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir Guddoomiyaha Barlamaanka Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay markii uu soo gaadhay Caasimada Dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey shirkii Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Xubnaha…
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo dib ugu soo laabtay xarunta Kmg-ah ee Kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay qaybta VIP-da ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxuu ku faahfaahiyay shirkii amniga qaranka dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay uga socday madaxda Somalida Magaalada Baydhabo. Shirka ayaa xalay saqdhexe lasoo gabagabeeyay lagana soo saaray Warmurtiyeed ay ku midaysan yihiin madaxda Somalida oo idil.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/27Pm9kTL6FQ
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PoBqgtI6wlc
Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay xaafad ka mid ah degamda Howl-wadag ee gobolka Banaadir ku dileyn Nin Nabaddoon ah oo degmadaasi Caanka ahaa. Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Cali Shire oo ka tirsan degamda Howl-wadaag,waxaana nabadoonka la dilay lagu Magacaabi jiray Xuseeen Geedi Jimcaale. Qofka mid ah Dadka ku nool Xaafada Cali Shire ayaa sheegay in Nabadoonka lagu dilay Albaabka hore ee gurigiisa,iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan in ay Gacanta ku dhigaan dadkii ka…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa5 June 2018 uga qayb galay soo xiritaanka shirka amniga Soomaaliya oo Baydhabo ka socdey 3-5 June Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo. Golaha Amniga Qaranka ayaa kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo, 3-5 Juun 2018. Shirkaas oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Qaranka, waxaana shir-guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Ra’isal Wasaarha Dowladda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Waxaa Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga socda maalinkii labaad shirweynaha amniga qaranka oo ay iskugu yimaadeen madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Qodobka kali ah ee ilaa iyo hadeer isfahanka laga gaaray dhamaan qodobadii ilaa shalay laga doodayay,ayaa ah qaybsiga khayraadka dalka,waxaana udhigan yahay sidatan. 1.Wadaaga Kheyraadka Dalka.(Shidaalka):- Arrimaha soo saarista shidaalka ayaa la isaga soo dhawaadey sida loo qeybsanayo haday noqon lahayd Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Qodobada laysku mari la yahay ee taagan,ayaa kala ah:- 1.Amniga. 2.Habka Doorashada 2020 3.Siyaasadda Hadaba dood iyo falanqayn kadib qodobada…
Baarlamaanka dawladda Itoobiya ayaa laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka sarnayd tan iyo bishii Maarso. Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in la qaado xaaladdii degdega ahayd ee dalkaas la galiyay dibad baxyadii iyo Isbadalkii siyaasadeed ee dhacay ka dib. Ra’iisulwasaarahii hore ee Itoobiya ayaa is calisay dhawaan, isaga oo sheegay in uu waddada u xaarayo in dalka ay ka dhacaan isbadallo siyaasadeed lana dhagaysto dalabka shacabka,hoos ka daawo muuqaalka. https://youtu.be/NFGv2HcQoQA
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/nqgLVd9G3tY
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/67Zx6Pqg7xM
Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1-million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee ku nool Soomaaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed. Lacagtan halka Milyan ah ee Ra’isalwasaare xigeenka Dowlada Fadaraalka gudoon siisay maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxaa qayb ka ah…
Talyaha Ciidamada Badda Puntland Arminal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ,ayaa ka warbixiyay weerarkii saldhiga Ciidamadaas ee Balikhadar. Talyaha ayaa sheegay in weerarkaas ay si adag iskaga difaaceen,isla markaana 50-kamid ah Maleeshiyada Alshabaab ay ku dileen goobta. Talyaha ayaa sidoo kale sheegay in waagu markuu baryay ay ka daba tageen kuna gaareen maleeshiyadii argagixisada meel u jirtay Saldhigooda 14-km,halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoog leh oo dhawr saac socday ugu danbayna guushu ku raacday Ciidamada Badda Puntland ,sida uu sheegay Talye cabdirisaaq,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Hakan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/V1oQ5qQVJRM
Tv-ga Dowlada Puntland ee PLTV ,ayaa warbixin uu ka diyaariyay weerarkii argagixisadu ay kusoo qaaday fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada difaaca Puntland ee Balikhadar. Warbixinta ayaa sheegaysa in Ciidamada difaaca Puntland ay ka gaareen guulo waa weyn ka hortaga weerarka argagixisada iyo ka daba tag ay sameeyeen Ciidamada,hoos akd aawo muuqaalka- Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/erPaKmXrENc
Mas’uuliyiinta gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ku matala Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ay ku taageerayaan go’aankii isimada goboladaas ku dhawaaqeen ee ahaa in ay Puntland lagu garab istaago xoraynta iyo soo celinta deegaamada maqan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zavbEocOGAs
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 4 June 2018 uga qayb galay magaalada Baydhabo uga qayb galay shirka amniga qaranka Soomaaliya, shirkaas oo maanta ka furmay xarrunta Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, islamar’ahaantaana ay ka soo qayb galeen Madaxda Dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo Madaxweynayaasha Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda DF Soomaaliya iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada iyo masuuliyiin kale. Shirkaan oo ah kii Afraad oo ay yeeshaan madaxda Dawladda DFS iyo madaxa Dawladdaha xubnaha ka ah DF ee Soomaaliya ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Amniga Soomaaliya, Khayraadka Badda, Caddaalada iyo doorashada 2020. Sidoo kale Shirka ayaa…
Ilo xogogaal ah oo ku sugan Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sheegay in xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya uu qalab xafiiseed uu galabta oo Taariikhdu ku beegan tahay 03/06/2018 ka diray Magaalada Muqdisho. Qaabkaas,ayaa la gaarsiiyay Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland. Qalabkan wuxuu ka kooban yahay mashiinada faraha iyo sawirada qaada iyadoo ujeedada loo geeyayna ay tahay in halkaas laga furo xafiiska socdaalka iyo jinsiyadaha Somaliya. Maxaa keenay in Soomaliland xiligaan ogolaato in xafiiskan laga furo Hargeysa? Kadib dagaalkii ka dhacay gobalka Sool gaar ahaan Tukaraq ee u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland waxay Dowladda puntland joojisay dadkii reer Somaliland ee…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qpG-WZP0Dqo
Gudiga difaaca Puntland oo ka hadlay dhalinyaradii u dhalatay Hargaysa ee laga soo celiyay tahriibta dibna looga soo dajiyay Muqdisho,isla markaana diyaarad looga soo qaaday,balse Muuse Biixi udiiday in ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Hargaysa. Sidoo kale Gudigu waxuu sheegay in hawlgalkii Sool uu wali sii socdo,dhibaatayntii shacabka Laascaanood ee maamulka Jeegaantuna uu sidiii wali usii jiro. Gudigu waxuu shacabka Puntland gudo iyo dibadba ku baraarujiyay in ay ogaadaan dullaanka lagu soo qaaday sharaftooda iyo dowladanimadooda. Ugu danbayn gudigu waxuu hanbalyo iyo bogaadin udiray Ciidamada difaaca Puntland ee har iyo habeen u taagan difaaca dalka,gaar ahaan kuwii…
Maalin ka hor weerarka Alshabaab ee Puntland,ayuu Baarlamaanka hortiisa ka sheegay in Puntland hubka laga dhigo oo weerar lagu qaado. Mahan hadal fudud,sidoo kale mahan hadal la oran karo waa iska yiri,xile gubahan horay uhaan jiray Xildhibaanka . Dalxa hadalka uu sida cad ula soo istaagay waa in lagula xisaabtamaa,iyadoo loo marayo sharciga dalka uyaal. Si gaar ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah waa in ay Dalxa ka mamnucaan in uu qayb ka noqdo dhamaan qorshayaasha loo diyaarinayo horusocodnimada dalka,sidoo kale waa in uusan cag soo dhigin deegaamada ay ka arimiyaan. Dalxa hadalkiisu waxuu gaarsiiyay in loo aqoonsan…
Ugu yaraan 50-Xildhibaan ayaa Puntland ku matala labada Aqal ee baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. 50-kaas Xildhhibaan marka laga saaro dhawr kamid ah oo noqday Wasiiro iyo ku xigeeno ama dulaaliin sare intooda kale waa asal madoorshe igu buuxso utaagan. Intooda badan Xildhibaanadan waa kuwo ku cusub siyaasada oo aan lahayn hiigsi iyo aragi dan guud. Dhawrka iyagu gadmay ee jagooyinka kala duwan helay waxaa laga xusi karaa… 1.Xildhibaan Xuseyn Ciid. 2.Xildhibaan Xayir. 3.Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh. Labada Wasiir ee Xayir iyo Xuseyn Ciid waxay uqaateen in Puntland ay leeyihiin beelaha Maxamuud Saleebaan oo kaliya masuuliyada ka shaqaynta danaheedana ay iyaga saaran…
Cabdiqaasim Sallaad wuxuu ka soo jeeday deegaanka Gobolka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan Farmaajo wuxuu kasoo jeedaaa Deegaanka Galguduud dhalasho iyo dhaqan ahaan. Cabdiqaasim wuxuu aad ugu aragti dhawaa Maxamed Siyaad Bare wuxuuna aad uga soo horjeeday nidaamka Federaalka Farmaajo wuxuu aad iyo aad aamisan yahay in Siyaad Bare uu ahaa taliskiisii mid an maanta u baahan tahay Dawlad oo federaalka yahay wax qaldan Cabdiqaasim Sallaad wuxuu aamin sanaa beelaha uu ka dhashay Cabdullahi Yuusuf iyo Caydiid ama Cali Mahdi in yihiin kuwa soomaali ka dagi la’day loona baahan yahay in la caburiyo Farmaajo wuxuu Aamin…
Landlocked Ethiopia is planning to build a navy, Prime Minister Abiy Ahmed said during a briefing of the heads of the country’s National Defense Force. “Following the efforts made to build capacity of our national defense, we built one of the stronger ground and air forces in Africa,” the ruling party-funded Fana Broadcasting Corp. reported Abiy as saying on Friday. “We should build our naval force capacity in the future.” Two calls to the mobile phone of Abiy’s national security adviser, Abadula Gemada, didn’t connect. Ethiopia currently has a civilian Ethiopian Maritime Training Institute on Lake Tana.…
Shacabka Sarmaanyo iyo Awrboogays,ayaa dhigay mudaaharaad xoog leh oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Jeegaanta,isla markaana ay taageersan yihiin Puntland. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku dhawaaqayay sida ay ugarab taagan yihiin hawlgalka dib u xoraynta Sool ee ay ku guda jiraan Ciidamada difaaca Puntland. ”Dooni mayno Somali diidka,waxaan taageersanahay Puntland ,sidoo kale waxaan garab taaganahay Ciidamada Puntland”ayay ku dhawaaqayeen shacabka soo banaan baxay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BSWYZjzHeFw
Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah iyo wafti uu hogaaminayo in ayaa gaaray magaalada Baydhabo si ay halkaas ugaga qaybgalaan shirka muhiimka ah ee looga xaajoonayo amniga qaranka dalka,hoos ka daawo muuqaalka sida loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Baydhabo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hI1c2MaQixA