Author: Jibril Qoobey.

Agaasimihii Mashruuca Abay waxaa maydkiisa laga dhex helay gaari uu watay bartamaha caasimada Adis-ababa.   Ilaa iyo hada laamaha amaanka Itoobiya war kama soo saarin waxayna wadaan baaris sida dilku udhacay iyo cida lagu tuhmayo ah,   Dhanka kale waxaa jira shaki weyn oo ku aadan in dilka agaasimaha biyo-xireenka Abay ay fuliyeen laamaha sirdooonka ee Masar.   ”Wax walba oo aan ku burburin karno dhismaha mashruuca Abay waa samaynaynaa”sidaa waxaa tiri Masar.   Dilka agaasimihii mashruuca biyo-xireenka itoobiya ee Abay iyo hanjabaadan madaxda Masar ay horay ugu dhawaaqeen waxay dhalisay in lagu tuhmo dilkaas.   Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya…

Read More

”Waa ka baxaynaa xubinimada Dolwada Fadaraalka Itoobiya hadaan nalaga dayn faquuqa nalagu hayo”sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha TPLF. Markii si dhab ah loo eego majirto wax khatar ah oo xiligan ku wajahan Bulshada Tigreega ee soo xukumaysay Itoobiya 25-kii sano ee lasoo dhaafay. Wali awooda dhaqaalaha iyo Mida Ciidamada ee Itoobiya waxay gacanta ugu jirtaa Tigreega,mana jirto khatar xiligan si gaar ah ugu socota ama ugu soo socota,basle ujeedka hadalkan ayaa ah fariin handaada oo ay udirayaan xukuumada uu hogaaminayo Wiilka reer Oromo. Dhanka kale waxaa la qorshaynayaa in Dastuurka Itoobiya dib uhabayn lagu sameeyo wax weyna laga badalo. …

Read More

26/08/ 2018- Tababar kor loogu qaadayo tayada macalimiinta Puntland ayaa lagu soo gabagabeyey xarunta kulliyadda macalimiinta GTEC oo ku taala magalada Garowe Tababarkaa oo loo qabanayey Macalimiinta Dugsiyada hoose/dhaxe ka howl gala. Ujeedada Tababarkan ayaa in macalimiinta lagu Tababaro maadooyinka kala duwan ay dhigaan aqoontoodana kor lagu soo qaado iyo xirfada Macalinku leeyahay Tababarka oo ahaa Wajigii labaad ay qabato Wasaaradda Waxbarashada iyo kuliyada Tababarka Macalimiinta. Xiritaankan tababarkan waxaa ka qayb galay ku simaha wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Dr Maxamed Cali Faarax iyo madaxda kale ee Wasraadda, waxaana goobta laga…

Read More

Maxkamadda Darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta la soo taagay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya. Horjoogayaasha Maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabay Mahad Maxamuud Cabdi oo loo yaqaano (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo isagana loo yaqaanno  (Dr. Raage). Mahad Maxamuud Cabdi ayaa Xafiisk Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay inuu dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah, kuwaasoo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin. Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu Soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxaana uu heysta dhalashada Ruushka…

Read More

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Fulinta  Dallada Waxbarashada ee SAFE Kayse Mayow  Abo Xuseen ,ayaa waxaa uu kaga hadlay Natiijada Imtixaanaadkii ay Dowladda Federaalka   ka qaadey Ardeydii dhameysatey Dugsiyada Sare ee  Dalka  sannadka 2017-2018. Mudane Keyse waxaa uu sheegey in Hay’adda SAFE ay Cabasho weyn ka tahay qaabkii loo qaadey Imtixaanaadka iyo Weliba  qaabkii loo saxay Imtixaanaadkaas waxaana uu sheegey in Hay’adda Waxbarashada ee SAFE aaney Wasaarada Waxbarashada  wax la tashi ah kala  sameeyn Habkii loo saxay Imtixaanaadkaas. “Muddo Dhowr  Sanno ah ayaa soo diyaarineyney Ardeydaas sidaa darteed Wasaarada Waxbarashada  Wax Xil ah ama Masuuliyad ah   kama muujin  Habkii  loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Mxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hogaaminayey wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya Dr. Mohamed Guyo iyo kuxigeenja Arrimaha Siyaada Soomaaliya UNSOM Mr. Raisedon Zenenga. Madaxweynaha Dowladda Puntland kulanka uu la qaatay IGAD iyo UNSOM waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo horumarinta ree miyaga, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland. kulankan ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafti ay hogaaminayeen wakiilka gaarka ah ee  IGAD ee arrimaha Soomaaliaya ayaa waxaa looga ahadlay amniga guud ee gobolka,…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea, halkaasi oo muddo saddex cisho ah uu joogi doono. Magaalada Asmara, waxaa hadda ku sugan madaxda Jabhadda ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Ethiopia, sidoo kalena ay dowladda Somalia ku tilmaantay inay argagixisada xiriir la leedahay. Haddaba jabhadda ONLF siday u arkaan safarka madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ku tagay Asmara. Su’aallhaasi ayaa Jaamac wuxuu weydiiyay, afhayeenka jabhadda ONLF, Caddaani Hirmooge.,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/D34gpNUKCnk

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta booqasho uga bilaabatay dalka Eritrea.   Farmaajo oo muddo saddex cisho ah dalkaasi joogi doono ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki.   Booqashada Farmaajo ee Asmara ayaa timid, kadib markii heshiis taariikhi ah uu dhexmaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia, kaasi oo ay ku soo afjareen colaadda gaamurtay ee 20 sano ku dhawaad ka dhaxeysay.   Dad falanqeeya siyaasada Geeska Africa,ayaa u arka booqashada Farmaajo ee Eretereya in aysan ahayn mid kasoo fushya maskaxda madaxda Somalida,isla markaana dan Somaliyed ku qotonta.   Eritereya ,ayaa taageero siisay maxkamadihii Islaamiga ahaa ee…

Read More

Cabdirashiid Xasan Xaashi (Gebigebi),ayaa goor dhawayd lagu dilay Magaalada gaalkacyo.   Gebigebi,ayaa waxaa toogtay Dabley hubaysan salaad Cirshe kadib  xiliga Geeska Africa.   Ilaa iyo hada ma cada cida ka danbaysay dilka Gebigebi,balse waxaa dilalkan oo kale fulin jiray ururka argagixisada Alshabaaab.   Gebigebi ayaa soo noqday talyihii Ciidamada Birmadka Gobolka Mudug.waxuuna ka mid ahaa saraakiisha muhiimka u ah Puntland.   Xaalada amaan ee Mudug,ayaa soo kabanaysay mudooyinkan danbe,iyadoo ay yaraadeen dilalkii iyo qaraxydii ka dhici jiray halkaas.

Read More

Ethiopians in Washington are expected to turn out in large numbers Thursday to greet Prime Minister Abiy Ahmed, who is making his first U.S. visit after instituting a series of transformative reforms in his homeland.   Upon arriving in Washington, Ethiopia’s foreign minister, Workneh Gebeyehu, said the delegation’s trip was historic. “This is the first-ever visit by [an] Ethiopian prime minister to visit diaspora Ethiopians … we are so excited,” Workneh told a VOA Amharic reporter at Dulles International Airport.   Earlier this year, Ethiopia faced widespread unrest and violent protests against a government that appeared unresponsive and entrenched.  …

Read More

Hawlgal ay xalay ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ay ka sameeyeen agagaarka Degmada Waajid ayey ku dileen sarkaal ka tirsanaa hogaamiyeyaasha ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Macalin Deerow. Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa  sheegay, in hawlgal kaasi ay ciidamadu ku dileen lix qof oo uu ka mid yahay Macalin Deerow,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Madax-weynaha dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah booqasho taariikhi ah ku tagaan magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo xogta arintan ku saabsan la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu hogaamin doono wafdi ballaaran oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay taariikhda maalinta berri ah booqasho rasmi ku tagi doona magaalada Asmara. ‘’Booqashadan waxaa ay ku saleysan tahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo raba oo ay dowladdu-na muddo dheer-ba ka shaqeyneysa in Soomaaliya ay dib u soo ceshato maqaam-kii ay ku laheyd…

Read More

Golaha Wasiirada dowlada fadaraalka Somaliya oo galabta kulankoodii caadiga ah ku yeeshay magaalaada Muqdisho ayaa magacaabay Saddex safiir oo cusub. Safiirada la magacaabay ,ayaa kala ah C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada kaasoo ka mid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka mid ah safiirada la magacaabay. Waxaa sidoo kale safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili toban ka mid ah safaaradaha Somalia ee caalamka ay muddo badan yihiin safiir la’aan.

Read More

Sugida ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u ahaa dowlada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre mid ka mida waxayaabihii ugu horeeyey ee ay dooneysey in ay ka mira dhaliso. Inkastoo marar badan lagu sameeyey isbedel dhinaca hoggaanka ah, haddana ma noqon mid lagu guuleysto. Magaalada ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo xilli inta badan ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, waxaana ay taasi keentey in hay’adaha ammaanka wax laga weydiiyo sababta qaraxyadan looga hortagi la’yahay xataa hadii wadooyinkii la xirey. Su’aashaas ayaase banaanka soo dhigtey khilaaf markii horeba jirey, balse aanan si baahsan loogu wada jeedin. Hadaba muxuu yahay khilaafkaas, muxuuse sababi karaa? Maxaase…

Read More

Faysal Cali Waraabe oo maanta dib ugu soo laabtay Hargaysa,kadib maalmo uu ku maqnaa safar dibada ah,ayaa ujawaabay Muuse Biixi,isla markaana faahfaahin ka bixiyay kulankii dhexmaray isaga,Cali Khaliif iyo Madaxweyne Farmaajo. Faysal oo ay hareeraha iyo gadaalba ka taagan yihiin beeshiisa Garxajis oo markii horaba ucaraysnayd Muuse iyo Jeegaanta,ayaa hadalo ad adag hawada umariyay Muuse.. ”Waan la kulanay Farmaajo waxana kala hadalnay in uu joojiyo taageerada uusiiyo cabdiweli ee Daaroodiismka ah ,waana naga qanciyay oo ka dhaartay”ayuu yiri Faysal mar uu ka hadlayay kulankii isaga iyo Farmaajo.. Markale isagoo sii wada ka hadalka kulankaas ayuu yir”Waxaan Farmaajo ku heshiinay in…

Read More

Waa inaan wax iska waydiinno shacabka Soomaaliyeed ee ku dhex nool gudaha dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ma waxay ku sugan yihiin intooda badan xaalad u dhaxaysa “Geeri iyo Gaajo” oo ay keeneen caqabadihii ka dhashay muddada dalku soo ahaa dawlad la’aanta jirta iyo codaadda dheeraatay taasoo iyana kumanaan shacab ah barakisay.   MACNAHA NABAD IYO NOLOL!   Xaggee ka yimaadeen erayada maanta dowladdu ku weerarisay dhagaha dadweynaha ee Nabad iyo Nolol?   Erayadaan waxaa Afka qalaad lagu yiraahdaa “Peace and Life”, xaqiiqada dhabta ah waxaa weeye inay la macno yihiin Geeri iyo Gaajo ) ama (Death and Hunger) xaaladdani ay shacabku…

Read More

The project manager of a $4 billion Ethiopian dam was found shot dead in his car on Thursday, police said.   “We have confirmed that engineer Simegnew Bekele was shot dead,” Zeinu Jemal, head of Ethiopia’s Federal Police Commission, told reporters. “He had a bullet wound behind his right ear,” Zeinu said, adding a Colt pistol was found inside the car.   Asked if the gun belonged to the victim, he said: “That has not been confirmed.”   Simegnew project-managed the Grand Renaissance Dam that is being built along the Nile river. Talks with Egypt, whose main source of water…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka hadlay doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka waxku baratay iyo Macalimiinta tan iyo bur burkii dalka waqtigooda u hurey in ay dhalinyaradaas wax baraan.   “Doorka waxbarashada dalka marna lama xaqiri karo. Macalimiinta iyo aqoonyahanada dalka joogay tan iyo burburkii, waxay soo saareen dhalinyaro farabadan oo aqoonyahano ah”.   Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xilli Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya xilkii laga qaaday,balse xilka qaadusta ka hor Waeysi uu bixiyey ku sheegay in Wasaaradu aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha dalka ka jira,hoos ka daawo muuqaalka Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0SiaheY8Hos

Read More

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah. Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen. Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas. March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir,…

Read More

Qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow Safaaradda Mareykanka ee magaalada Beijingee dalka Shiinaha sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Shiinaha. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow Safaaradda Wadada laga galo Kadib waxaa la arkay qiic ka baxaya safaaradda. Booliska Shiinaha ayaa wakaalada AP u sheegay in qofka looga shakisan yahay in uu qaraxan ka danbeeyey uu yahay 26 jir kaas oo ku dhaawacmey qaraxa, lama oga sida dhaawiciisu yahay. Joornaalka dowliga ah ee Global Times ee dalka Shiinaha ka soo baxa ayaa qoray in Boolisku qabteen haweeney dooneysey in ay dab isku shido banaanka hore ee…

Read More

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey ku tagaya dalka Mareykanka, halkaasi oo uu booqan doono qurb-joogta dalkiisa ee magaalada Washington DC. Booqashada ayaa imaneysa waqti sare oo ka mid ah muddada kooban ee uu xilka hayo Abiy Ahmed, balse wadatay dhacdooyinka badan. Horraantii sanadkan, dalka Ethiopia ayaa waxaa ka dhacay degenaansho la’aan iyo dibadbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday xukuumadda. Si kastaba, wax ka yar afar bilood, oo uu xukunka hayey, Abiy Ahmed ayaa sameeyey isbeddel weyn. Isbeddeladiisa ayaa dejiyey kacdoonkii, islamarkaana sare u qaaday xuquuqda madaniga ah, ayada oo dalka uu hadda kasoo…

Read More

Imran Khan Gudoomiyaha Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa Wararka sheegayaa in uu hogaaminayo tirarada Codkii la tiriyey goobaha codeyna ee wadanka Pakistaan   Waxay u muuqataa in Xisbiga dhalinyaradu sida weyn u taageerto ee PTI ee uu hoggaamiyo Imran Khan in uu ku guuleystey doorashadii Arabacdii ka dhacdey dalka Bakistaan, iyada oo la tiriyey codad gaaraya 30% ayuu si weyn ugu horeeyey xisbigiisu, haddii ay dhacdo in Xisbiga PTI guuleysto ayey noqoneysaa in la afjarey labadii Xisbi ii 30 sano ee udanbeysey talada Pakistaan isaga daba noqonayayey,   Marka laga reebo Inqilaabkii Milateri.Xisbiga talada haya ee PML-N ayaa durba sheegay…

Read More

Safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, Michael Raynor ayaa sheegay inay Dowladiisa ka walaacsan tahay xaalladda Amni-xumo ee haatan ka jirta dalka Ethiopia, taasi oo horseeday in ay barakacaan in ka badan Hal million oo qof.   Waxa uu tilmaamay inay weli helayaan warar sheegayo inay jiraan Muwaadiniin doonaysa inay dhacaan Hantida Khaaska loo leeyahay iyo inay isku dayayaan sidii ay Sharciga gacmahooda ugu qaadan lahaayeen.   Ambassador Michael Raynor waxa uu si gaar ah uga hadlay dagaalka u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramadda, wuxuuna Maamulayaasha Ethiopia ku booriyeen inay wax ka qabtaan Xiisadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Coladahaasi dhabar-jab…

Read More

Maanta duhurkii soo bilaawday ayaa waxa uu weli ka socdaa Xaafada Kaawa godeey qeybta degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.   Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda balse u qaab beeleed u abaabulan,waxana la sheegay in dagaalka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.   Goobjooge ku sugan halka dagaalka uu ka socdo oo ah Kaawa Godeey gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Dhanaanoow ayaa Dalsan u sheegay in Ciidamada dagaalka uu dhexmarayo ay isku-heystaan dhul halkaasi ku yaalla.   Shalay ayuu dagaalku ka bilaawday xaafadaas,balse xalay ayuu istaagay waxuuse dib ubilwoday maanta Duhurkii.   Rasaas xoog leh,ayaa…

Read More

Laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Militiriga Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.   Rag ku hubeysan bistoolado ayaa la sheegay in ay geysteen falkaasi dilka ah ee loo geystay Askarta ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.   Ciidamo Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray daqiiqado ka dib, kuwaas oo baaritaano muddo kooban socday halkaasi ka sameeyay

Read More

Wasiirkii Waxbarashada dowlada Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan,ayaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre Xilkii Wasiirnimo loogu qaaday.   Wasiirka ayaa sheegay in sixun loo fasiray hadal uu horay u sheegay oo ahaa in Wasaarada Waxbarashada Fadaraalka Soomaaliya aysan aqoonsanayn dhamaan Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay Jaamacada Umadda Soomaaliyeed.   Wasiirka Waxbarashada ee xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa hadalkaas sheegay ka hor inta aan xilka laga qaadin.   Dhanka kale waxaa jira warar kale oo ay helayso warbaahinta idilnews,kuwaasoo tilmaamaya in xilka qaadista lagu sameeyay Wasiirka aysan shaqo…

Read More

Waxaa warbaahinta Soomaalida hadal haysaa hadal kasoo yeeray wasiirka wasaaradda waxbaarshada ee dawladda federaalka kaas uu ku tibaaxay in aanay jirin jaamacad ay si buuxda u aqoonsanyihiin wasaarad ahaan ee kaliya ay siiyaan jaamacadaha aqoonsi ay ku sii shaqeeyaan (defacto recognition). Hadalka wasiir marka dhinac laag eego , waa ka gar oo dalka waxaa ka jira tobanaan jaamacadood o intooda badan ku yaalla Caasimadda Muqdisho ee uu joogo,kuwaas oo in badan oo ka mida aanay buuxin shuruudaha laga doonayo jaamacad iyaga oo ka faa’iidaysanaya awood la’aanta wasaaradaha waxbarashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed. Qaarkood jaamacadahaan iyaga oo la…

Read More

Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa xarunta Puntland ee Garowe shir kula qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland. Keating ayaa Isimada iyo odoyaasha dhaqanka kala hadley sidii xal loo demin lahaa colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.   Isimada ayaa Keating la wadaagey khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimahan oo kale iyo sidii la isaga kaashaan lahaa nabadda Soomaaliya.   Keating ayaa kulanla qaatey isla maanta Madaxweynaha Puntland, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo demin lahaa colaada Tukaraq, sidoo kale waxa uu la kulmayaa ururada haweenka.   Madaxweyne Gaas,ayaa markale ku celiyay in mawqifka Puntland…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay  25 July 2018 waxaa uu xafiiskiisa kulan kula qaatey wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Danjire Michael Keating. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa   kulanka uu maanta laqaatey Danjire Michael Keating waxaa ku wehelinayey, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Wasiirka Deegaanka iyo isbedalka Cimilada, Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxeynaha Dawladda oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo booqashada uu Danjire Michael Keating ku yimi Caasimada Dawladda Puntlan ee Magaalada Garoowe, “Waxaan maanta…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax lala beegsaday baabuur ay wateen ciidamada milatariga Soomaaliya oo marayey degaanka Ceelasha Biyaha. Qaraxan ayaa lala helay baabuur, uu saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhinaca amniga ah. Sarkaalka saarnaa baabuurka iyo saddex askari oo kale ayaa la sheegay in dhaawacyo fudud ay kaoso gaareen qaraxaasi. Ma jirto cid sheegatay qaraxan illaa hadda. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaan weli wax war ah kazoo saarin qaraxa.

Read More

Cajalad sir ah oo laga duubay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laga baahiyay taleefishinka CNN ee dalkaasi, waxayna arrintan sare usii qaadaysaa fadeexadihii markii hore ku furnaa.   Cajalka ayaa waxa uu ku saabsanyahay wada sheekeysi dhex maray Trump iyo garyaqaankiisa Micheal Cohen , waxayna ka sheekeysanayeen sidii lacag loo siin lahaa haweenay uu Trump la seexday oo lagu magacaabo Karen McDouga.   Waxaa cajalka la duubay sanadkii 2016-kii markii uu Trump u tartamayay xilka madaxweynenimada ee uu markii dambe ku guulaystay.   Garyaqaanka hadda ee Trump mudane Rudy Giuliani ayaa sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo la…

Read More

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa isagoo waraysiinaya Tv-ga Somali Caple sheegay in Wasaaradda Waxbarashada aysan aqoonsaneyn dhammaan jaamacadaha dalka oo ay qayb ka tahay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd mar haddii aysan Jaamacad ahaan u aqoosanneyn sababta ay ruqsada u siiyeen ayuu yiri’’ Waxna waa diiwaan-galin, waxna waa aqoonsi, marka annaga sabab aan u diidi karno in ay ka shaqeeyaan dalka ma jirto, sidaa ayaan u diiwaan-galinnay’’ ayuu yiri Wasiirka waxbarashada.   Hadalkan ayaa ah mid dad badan ku noqday fajiciso,iyadoo la ogsoon yahay in boqolaal kun oo arday ah waxna ku bartay jaamacadaha…

Read More

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aaney u soo safrin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.   Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga gudaha Soomaaliya isaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth, Hargeysa iyo Berbera xataa qofkii aan ku qasbaneyn waa in ay ka baxaan.   Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aaney tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirada.   Qoraalka waxaa lagu sheegay in…

Read More

Xukuumadda Fadaraalka Somaliya ayaa wafti uu hoggaaminayo ku-simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda u dirtay Sacuudiga, iyadoo qoraal ka socday Ra’iisal wasaare Kheyre la gaarsiiyey Wasaaradda Arrimaha Xajka Sacuudiga, waxaana ugu danbeyn lagu heshiiyey in Shan shirkadood oo Soomaali ah ay ka qeyb qaataan dhoofka xajka sanadkan. Labadii Shirkadood ee hore u heysatay Xajka iyo tegista Sacuudiga ee Jubba iyo Daallo ayaa qaadi doona Xujey gaareysa 6000, halka shirkadaha danbe ee saddexda ah Freedom, Ocean iyo African ay qaadi doonaan 3300 xaaji, laakiin waxay rakaabka geyn doonaan garoomada Nairobi iyo Jabuuti, halkaasoo ay ka qaadi doonto…

Read More

Kala duwanaasnho aragtiyeed oo mudo soo jiitamayay kadib waxuu isku badalay khilaaf aan caadi ahayn oo ka dhex qarxay labo masuul oo ku faani jiray in aysan marna is khilaafin wakhtigoodana ku dhamaysan doonaan wada shaqayn wanaagsan. Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre waxuu marayaa khilaafkoodii meel xiiro xiiro ahaa,iyadoo saacadba saacada kasii danbaysa ay sii kala irdhoobayaan labada masuul. Ra’isalwasaare Khayre waxuu ciyaarayaa kubad siyaasadeed oo adag,waxuuna wadaa diyaar garow dhan walba ah.waxuu bilaabay urursi siyaasiyiin mugleh,dhaqaale iyo Ciidan,sidoo kale waxuu ugacn haatiyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka. 29-ka bishan waxuu gaari doonaa isaga iyo wafti balaaran uu…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta daah-furay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo diiradda lagu saarayo hannaanka waxbarashada sare ee bulshooyinka colaadaha kasoo kabanaya.   Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto, qaban-qaabadiisana ay leedahay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada waxbarashada iyo qorshaynta, xildhibaanno, Safiirro, xeer ilaaliyaha qaranka iyo aqoonyahnno ka socda jaamacadaha gudaha iyo dibadda, waxaana laga filayaa natiijo wanaagsan oo ka qayb qaadanaysa horumarinta hanaanka waxbarashada sare.   Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed qaban-qaabada kulankaan muhiimka ah, waxa uuna…

Read More

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu hore u soo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda degmada Waaberi waxaana lagu diley goob laga raaco gaadiidka dadweynaha. Raggii ka dambeeyay dilka sarkaalka ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen iyadoo ay gaareen ciidamada ammaanka. Mana aha markii ugu horeysay ee bartamaha suuqa Bakaaraha lagu dilo ciidamo ka tirsan dowlada federalka.

Read More

Magaalada Abu-Dhabi waxaa maanta ka dhacay kulan saddex geesood ah oo dhexmaray madaxda, Imaaraadka, Ethiopia iyo Eritrea.   Dhaxalsugaha Imaaraadda Abu-Dhabi, Maxamed Bin Zaayid,ayaa qasriga madaxtooyada kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Afwerki.   Sida uu qoray wargeyska The Gulf-News, Bin Bin Zaayid ayaa amaanay heshisika dhexmaray Eritrea iyo Ethiopia.   Dhaxal Sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed ayaa abaal marinta ugu sareysa ee dalkaas guddoonsiiyay, labada hogaamiye,isla markaana ku faaney in ay dawlada imaaraadka ay door muhiim ah ka qaadatay Nabada Geeska Afrika.   Dawlada imaaraadka ayaa waxaa uga baxay heshiisiiinta labadan dowladood ee itoobiya…

Read More

Ciidamo gaaraya 71-askari oo tababar loogu soo xiray Xerada Nuurshirbow ee udhow talsika dhexe ee hay’ada sirdoonka iyo nabadsugida Fadaraalka NISA.,ayaa Agaasimaha hay’adu kala diray.   Ciidamada oo mudo Todobo bilood ah uu usocday tababarkan ,ayaan la garanayn sababta kaliftay in uu kala diro agaasime Xuseen Cismaan Xuseen .iyadoo waxa kaliya ee uu cuskaday ay tahay in aan loo baahnayanx iligan.   Mudaahaaraad ay kaga soo horjeedaan talaabada agaasimuhu qaaday,ayay Ciidamadu ka horsameyeen afaafka hore ee xarunta NISA.inkastoo laga hor istaagay in ay la kulmaan masuuliyiinta hay’ada.   Maalmo ka hor ayay ahayd markii shaqada uu ka joojiyay agaasimaha labadisii…

Read More

Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa saacadihii hore ee saaka waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Dowladda Fadaraalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka baar Sanguuni ee gobolka jubadda hoose.   Weerarku waxaa uu ku billowday Labo gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray, waxaana xigay dagaal toos ah oo Maleeshiyada Al-shabaab ka tirsan ay ku qaadeen Ciidankii fadhiyay Saldhigga baar sanguuni   Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka dowlada iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ayaa si buuxda ula wareegey buundada Araare,iyagoo xiligan ku sugan meel ujirta Degmada jamaame 9-km,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka…

Read More

Wadada Ceel-daahir-Ceerigaabo,ayaa hada maraysa 88-km ,waxayna gaartay magaalada Baran ee xarunta Gobolka Sanaag.   Waxaa halkaas ku eg wajigii koowaad ee dhismaha wadada kaasoo ah Caro-tuurka,waxaana bisha 9-aad bilaabanaya wajiga labaad ee dhismaha Wadada,kaasoo ah isaguna noqon doona Jay iyo laami wada socda.   Hawsha dhismaha wajiga labaad ee Jayga iyo laamiga,ayaa waxaa dhigaya oo wadada saaraya qalab cusub oo hada loosoo iibshay,kaasoo ka yimid dalka Hindiya.   Waxaa soo socda oo soo maraya Dalka Cumaan labadii Warshadood ee Daamurka iyo Jayga.   Shaqaalaha wadada dhismaheeda gacanta ku haya,ayaa iskugu jira Somali iyo ajaanib.   Dowlada Puntland iyo shacabka oo…

Read More

Haweenka ganacsatad ah ee Puntland ayaa maanta shir soconaya labo maalmood uag furmay garowe.   Shirkan,ayaa wxaa daahfuray Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey,waxaana kasoo qaybgalay xubno ka tirsan golaha Wasiirada,hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf.   Dalada ganacsatada Haweenka Puntland,ayaa soo qabanqaabisay Carwadan waxaana lagu soo bandhigay agabka ganacsi ee ay haweenka ay ka shaqaystaan.   Camey oo shirka furay,ayaa madasha uga hanbalyeeyay haweenka ,isla markaana qiray doorkooda muhiimka ah.   Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhoguran ayaa sidoo kale madasha ka hadlay bogaadiyayna Haweenka iyo horumarka ganacsi ee ay muujiyeen.   Waa markii ugu horaysay oo…

Read More

Xog laga helayo  ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in uu shirqool loogu tala galay in lagu dilo Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo 14kii July 2018. Xogtu waxay intaas ku daraysaa in shirqoolkaas la qorsheeyey in uu dhaco xiliga uu Madaxweyne Farmaajo u safri lahaa ka qaybgalka shirkii looga hadlayey arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay magaaladda Brussels ee dalka Beljimka. Nooca shirqaaolkaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid la xiriiray qaraxyo mataano ah oo la doonayey in lagu burburiyo gaariga uu Madaxweynuhu la socdo. Sirdoon dowlad ajnebi ah ayaa xogtu sheegaysaa inay Madaxweynaha uga digtay shirqool la doonayo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 July 2018 waxaa uu dib ugu soo laabtay Puntlnad, kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalda Brussels ee Dalka Belgium. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka koobnaa qaar kamida Golaha Xukuumadda iyo Saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Aripot ee Magaalada Garoowe, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, kan Gobolka Nugaal, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, ganacsato iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa magaalda Brussels…

Read More

Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta ka hadlayay madal ay soo qabanqaabisay Ururka Warbaahinta Qaranka ee NUSOJ ayaa sheegay in Mustaqbalka Soomaalida uu ku jiro gacanta Soomaalida. Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socota waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin. “Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Danjire Keating waxana uu amaanay qodobka…

Read More

Ka dib howlgal ciidamada Maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Abaanduulaha Guutada labaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Maxamed Axmed Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Howlgal ay ka sameeyeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Badhaadhe ay ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Mid ka mid ah labada Sarkaal ee Al-Shabaab laga dilay ayuu ku sheegay Abaaduulaha inuu ahaa dhaqtarkii guud Al-Shabaab ee Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada hoose magaciisana loo soo gaabiyo Suheyb Khaalid. Shaqsiga kale ee Al-Shabaab looga dilay weerar ka…

Read More

Booliska Canada ayaa sheegay in nin hubeysan uu Axadi 14 ruux ku toogtay magaalada Toronto, kuwaas oo laba ka mid ahi ay geeriyoodeen. Ninka toogashada geystay ayaa la sheegay in lagu dilay is-rasaaseyn dhexmartay isaga iyo booliska. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa rasaas gaareysa ugu yaraan 20 ilaa 30 xabbadood, oo uu ridayay ninka weerarka qaaday, gudaha xaafadda Greektown ee magaalada Toronto. Taliyaha ciidanka booliska magaalada Toronto Mark Saunders, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan sababta keentay in ninka dadka dilay uu weerarka qaado. Duqa magaalada Toronto John Tory ayaa wariyaasha u sheegay in magaalada…

Read More

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weerar ku ekeeyay xero ay si wada jir ah u degenaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland, waxaana weerarkaas kasoo baxaya warar dheeraad ah.   Waa markii sedexaad oo xaruntaasi weerar lagu qaado muddo bilo ah tan iyo intii ciidamada ay saldhig ka dhigteen halkaas.   Weerarkii saakay waxaa loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal fool ka fool ah oo culus.   Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah oo Jubbaland ka tirsan, Alshabaab ayaa gabi ahaanba la wareegay xerada Baar Sanguuni, iyaga gubay teendhooyinkii ay ciidanka…

Read More

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xirsi Cali (TIMA-CADDE) ayaa waxaa looga hadlay dhismaha golayaasha deegaanka ee Puntland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal, ku-simaha gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo dhammaan isimada gobolka Nugaal ayaa wasaaraddu fartay inay 22-ka July ilaa 22 Agoosto ku soo xulaan xubnaha golaha deegaanka ee degmada Garowe. Halkan hoose ka akhriso:-

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay hubka hoobiyaha ah ku weerareen markab taagan xeebta magaalada oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuw adalwdada Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha. Warar aanu ka helnay dadka deganaka ayaa sheegaya in ilaa saddex hoobiye ay maleeshiyada Al-Shabab ku tuureen badda, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo ku saabsan weerarkaasi.

Read More

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya Micheal Keating iyo Talyaha Ciidamada Booliska Fadaraalka,ayaa maanta soo gaaray Gaalkacyo. Waftiga Keating hogaaminyay,ayaa u yimdi Gaakacyo qiimaynta qorshaha xasilinta ee hopray layskula qaatay. Waftigu waxay booqdeen Xarumaha Ciidamada Booliska isku dhafka ah iyo goobaha ganacsiga Magaalada. Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee Gaalkacyo oo ah kuwo ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan amniga Magalaada soona celiyaan kalsoondiii shacabka,ayaa Qaramada Midoobey waxay qorshaynaysaa in ay si buuxda utagaeerto hawlgaladooda. Gaalkacyo oo soo martay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaalo soo noqnoqday,ayaa hada waxaa ka muuqda isbadal xoog leh oo dhinacyo badan leh,kuwaasoo ay ka…

Read More

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay inay lacag 1.5 million oo Dollar ugu deeqday Somalia, si wax loogu qabto dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda webiyadda Shabelle iyo Jubba ee ku habsaday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia. Danjiraha Shiinaha u jooga Somalia, Qian Jian ayaa sheegay inay dowladiisa go’aansatay inay  dowlada ku wareejiso lacagtaasi, si loogu taageero Dadka waxyeelladda kala kulmay daadadka Webiyadda. Shiinaha ayuu sheegay iney ka go’an tahay inay Soomaalida is-garab taagaan xilliga adag oo ay ku jiraan, maadaama uu labada dal ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah. Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka hawlaha samafalka  Somalia…

Read More

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa saaka ka furmaya shirweyne ballaaran oo lagu soo afmeerayo dagaalo soo noqnoqday oo dhexmaray beelo ood wadaag ah oo wada degan gobolkaasi.   Gogosha nabadeynta beelahan walaalaha ah ee Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan oo uu dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse ,ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan kuwaasoo kamid ah isimo,madax dhaqameed, masuuliyiin heer dowladeed iyo wufuud kale oo kamid ah beelaha la heshiisiinayo.

Read More

Ku dhawaad 200 oo qof oo Soomaali ah ayaa ku xayiran degaanka Guji oo ku yaalla Xadka ay wadaagaan Soomaalida iyo Oromadda ee dalka Itoobiya.   Dadkaan ayaa kasoo barakacay degaano u dhow halka ay ku sugan yihiin ciidamada Oromadda, waxaana ay ku jiraan saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.   Dadkaan ayaa sheegay in aysan heysanin meel ay u baxaan,islamarkaana hadii ay banaanka u soo baxaan in ay halkaasi ay ku dili doonaan ciidamada Oromadda.   Bilihii udanbeeyay waxaa si xoog leh usocda colaad u dhaxaysa Somalida iyo Oromada Itoobiya,taasoo hada maraysa heerkii ugu sareeyay.

Read More

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa degmada Kaaraan oo ah meel aad u mashquul badan, iyadoo qofka la dilay uu ahaa Nin waday gaari ka shaqeeya Waqooyiga Magaalada Muqdisho.   Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dilka ka hor ay jirtay muran u dhexeeyay askariga iyo qofkii gaariga waday, waxaana muranka uu salka ku hayay bixinta lacag baad ahaa.   Wararka ayaa intaa ku daraya darawalka uu iska diiday bixinta lacagtaas, taasoo keentay in markii dambe uu askariga rasaas ku furo, dabadeedna uu goobta ku dhintay.   Ciidamo Boolis ah oo ka tagay saldhiga degmada Kaaraan ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu dilka…

Read More