Author: Jibril Qoobey.

Ururka dhakhaatiirta Puntland ay ku midaysan yihiin ayaa ku doortay Hogaan xaflad ka dhacday Magaalada Bosaso. Doorashadan oo ahayd mid si hufan loosoo abaabulay una qabsoontay,ayaa waxa ku tartamay ugu yaraan lix masuul oo isku soo taagay jagooyinka Gudoomiya iyo ku xigeenkiisa. Hadaba hoos ka daawo muuqaalka Doorashada iyo siday u qabsoontay…. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/CrwEn_Wb6Ec

Read More

Talaabo wax ku ool ah ayay ahayd in Duqa kmg ah ee Bosaso dhawaan loosoo magacaabay uu ku dhaqaaqo dib u dayactirka wadada dheer ee dhexmarta Bosaso. Maanta waxuu soo bandhigay kuna wareejiyay gudiga horumarinta Magaalada 25000 oo dolar oo laga soo ururshay lacag yar oo la saaray Gaadiidka kabaxaya iyo kuwa soo galaya Magaalada. Bosaso waxay baahi uqabtaa wadooyin gudaheeda dhexmara oo si casriya loo dhisay. Madaxweyne Gaas ayaa magacaabay gudi loogu magcadaray soo celinta bilicda magaalada Bosaso. Bosaso waa magaalo muhiim ah si kale markii loo yiraahadana waa Hooyada Puntland.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose…

Read More

Waa markii ugu horraysay oo Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax warkiisa si rasmi ah loo maqlo tan iyo markii tobon bilood ka hor loo dhiibay dowladda Itoobiya.   Cabdikariim Qalbi-Dhagax ayaa ku jira xabsi-guri ku yaalla Addis-Ababa waxaana shalay halkaasi ku booqday madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.   Sawirro si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Axmed Madoobe iyo Qalbi-dhagax oo mar wada taagan marna kuraas kuwada fadhiya.   Muqaalka sidoo kale wuxuu muujinayaa in goobta lagu sawiray aysan ahayn xabsi calaamad xabsina aysan ka muuqan goobtu.   Sawirrada waxa ay sidoo kale muujinayaan saansaan kasta oo ah in…

Read More

Aqalka Sare ee Fadaraalka waxaa kulan ku leh Senatarada Aqalka Sare kulankaas ayay uga hadli doonaan Amniga xaruntooda.   Gudoominayo Aqalka sare C/Xaashi C/llaahi ayaa kulanka shir guddoominaya,waxana sida shalay la sheegay lagu soo bandhigi doonaa qodobadii ka soo baxay shirkii guddiga joogtada ah ay shalay yeesheen.   Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya Senator Axmed Macallim Cumar “Nadiir”ayaa kulankii shalay ka sheegay in sidii la rabay aan loo sugin amniga Xarunta Golaha Shacabka.   Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa horay Warqad ugu diray Taliska Amisom oo ku aadan iney Ciidamo usoo diraan, si ay amnigooda…

Read More

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa booqday xabsiga uu ku xiran yahay Cabdikariim Muuse Qalbidhagax oo katirsanaa Jabhadda ONLF.   Qalbidhagax ayaa dowlada federaalka Soomaaliya u dhiibtay dowlada Itoobiya bishii Augusto ee sanadkii hore, kaas oo lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Addis abbab ee xarunta dalka Itoobiya.   Axmed madoobe oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa mas`uuliyiinta dowlada Itoobiya kala hadlay xariga C/kariim Muusa Qalbidhagax, wuxuuna ka dalbaday in la sii daayo Qalbidhagax.   Wararka soo baxa ayaa tilmaamaya in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu siidaayo C/kariim Muuse Qalbidhagax…

Read More

Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan lix iyo toban qof ay ku dhinteen labo gobood oo laga qodo dhuxusha, kadib markii uu qarxay gaas ku dahaaran godka ay dhuxusha ka qodoyeen. Dhacdadan ayaa ka dhacday gobolka Balochistan ee galbeedka dalka Pakistan. Kooxaha gurmadka ayaa wali isku dayaya inay soo badbaadiyaan afar qof oo kale oo wali ku dhex xayiran godka, kadib markii uu burburay godkii ay dhuxusha ka qodayeen. Xaaladda dadka qodo dhuxusha ayaa la sheegay inay aad u adagtahay, waxaana dhacdo tan lamid ah oo ka dhacday magaalada Kariz ku dhintay afar qof oo kale, kuwaasi oo…

Read More

Shiinaha ayaa beeniyay in ciidankiisa jooga saldhigga uu ku leeyahay Djibouti ay ileyska laysarka ku shiisheen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee isicmaalla saldhigga Maraykanka ee Djibouti. Leysarradani waxaa loo adeegsadaa sidii loogu cawari lahaa indhaha dadka la rabo in la bartilmaameedsado muddo kooban. Pentagon-ka ayaa sheegay in qof ku sugnaa meel u dhaw saldhiga milatari ee uu Shiinaha ku leeyahay Djibouti uu adeegsaday leysaro si uu u carqaladeeyo diyaaradaha milatari ee Mareykanka. Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in diyaaradahani ay si nabad ah u caga-dhigteen saldhiga Lemonnier ee dalka Djibouti, balse waxaa dhaawacyo fududi soo gaareen laba askari. Afhayeen u hadashay wasaaradda…

Read More

Shirkada duulimaadyada ee Freedom Airlines ,ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hawlgalisay diyaarad cusub oo Jet ah,sidoo kale bishan dhamaadkeeda ay hawlgalin doonto diyaarad kale oo weyn oo Boyn ah,taasoo qaadi karta halkii mar 200 oo qof.   Diyaaradan cusub ee shirkada Freedom Airlines ay hawlgalisay maanta ayaa waxay todobaadkii 5-bari ay ku samayn doontaa duulimaad Garowe -Nairobi.   Talaabadan ayaa shacabka Puntland si weyn usoo dhaweeyeen waxayna u arkaaan horumar soo kordhay iyo baahi xoog leh oo taagnyad oo xal loo helay.   Puntland ayaa hada yeelatay labo garoon diyaaradeed oo heer caalami ah,inakstoo ay hirgaleen garoomadaas hadana wali…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 5 May 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saaka ka soo anbabaxay magaalada Qardho xarunta gobolka Kar-Kaar, halkaas oo uu ku sugnaa tan iyo maalinimadii shalay. Madaxweynaha Dowldda Puntland ayaa markii uu soo gaadhay Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, maamulka Degmada Garoowe, kan gobolka Nugaal, ganacsato, saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dowladda Puntland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, kuwaas…

Read More

Mudane Madaxweyne dadku waxay kuugu yeeraan magacyo badan,Khadar,daldhis,isku tash, marka hadii ay kaa codsadaan in aad markale dalka hogaamiso ma aqbalaysaa oo ma isa soo sharaxaysaa” Waa mid kamid ah su’aalihii maanta Madaxweyne Gaas la waydiiyay,muxuuse ka yiri Madaxweyne Gaas su’aashaas.? Jawaabta afkiisa ka maqal markale…… Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/KbcsveLj8KA

Read More

A battle for access to seaports is underway in one of the world’s unlikeliest places: Somalia, now caught up in a regional struggle between Saudi Arabia and the United Arab Emirates on one side, with Qatar backed by Turkey on the other.   At stake: not just the busy waters off the Somali coast but the future stability of the country itself.   Somalia has been at war for decades and until the last few years it has struggled to attract foreign investment. But rivalries in the nearby Arabian peninsula are resulting in serious inflows into Somalia.   A year…

Read More

Halakaan waxaan kusoo bandhigayaa suqadara taariikhdeeda wixii aan ka arkay iyo wixii aan ka maqlay… Waxaana igu kalifay in aan wax uga iftiimiyo dadka soomalida ah oo inta badan ka haysta waxyaaba khaldan xaga tariikhdeedii hore …Sida gabayaa soomaliyeed horay u yiri (hal kaa maqan nin kuu mariyay waa magan ilaaheye )Suqadara waxa lagu qeexaa jasiiradii CARBEED ee quruxda badnayd ee juqraafi ahaan Africa ka go,day oo wadanka BAXRAYN kawaynayd dalka QADARNA barkiis ahayd dhul ahaan … Suqadara dhulkeedu waxa uu dhan yahay 3652 KM`2 ………… Dadka suqadra waxa lagu sheegaa 65000 ilaa 55000 / oo qof .. qiimayntii ugu…

Read More

Madaxweyne Gaas ayaa maalmo ka hor xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Kaluumaysiga,Agaasimihii guud iyo 5-shaqaale oo ka tirsan isla Wasaarada.   Madaxweynaha ayaa xilka qaadista masuuliyintan u cuskaday khiyaamo iyo lunsasho hanti Umadeed oo ay ku kaceen.   Sababta xilka looga qaaday Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Kaluumaysiga,Agaasimihii guud iyo 5-shaqaale kale oo kamid ah Wasaaradaas.waxaa ka hadlay oo maanta shir jaraa’id oo uu qabtay banaanka kusoo dhigay guud ahaan sidii ay wax u dhaceen mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada.   Ninkan oo Lagu Magacabo Cabdi Salaad Maxamuud, wuxuu Fidiye ka ahaa Degmooyinka Qandala iyo Xunbays mudo labo bilood…

Read More

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ku tilmaamay Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska in ay tahay furin dagaal.   “Mar dhowayd waxaan akhriyay sheeko ku saabsan in London ay leedahay sharci adag oo aan la rumeysan karin oo ku saabsan hubka, kadibna waxaa dhacday in isbitaal ahaan jiray kan ugu wanaagsan oo bartamaha ku yaala uu isu badalay sidii furin dagaal oo kale dhaawacyada la keenayo ee mindida ah” ayuu yiri Trump.   “Qoryo ma heystaan, balse waxa ay helayaan mindiyo, dhiig ayaana qubanaya isbitaalka gudihiisa, waxaa la sheegay in uu u egyahay isbitaal ciidan dagaal ku jira oo kale, tooreey, tooreey,…

Read More

Madaxweyne Cabdiwali maxamed Cali Gaas ayaa markale faahfaahiyay hadalkiisii ahaa..” Muqdisho waa qayb ka mid ah Soomaliya laakiin Soomaaliya ma ahan kaliya Muqdisho”. Madaxweynuhu waxuu sheegay in dalku Fadaraal yahay awooda la wadaago,masuuliyada la wadaago,dhaqaalaha la wadaago,mashaariicda horumarineed la wadaago. Dalku hal magaalo,hal Gobol iyo hal Deegaan waa waxii uu ku burburay mana ahan in aan dib ugu laabano. Hadal cad oo qeexan ayuu Madaxweynuhu ku faahfaahiyay waxa ay tahay dowladnimada Somaliya ee maanta lawada qaatay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay Saldhigga Ciidanka Cirka ee Balli doogle ee ku yaalla Gobolka Shabeellada hoose ee Soomaaliya.   Wargeyska Vice News,oo warkan qoray ,ayaa sheegay in uu kasoox igtay xogtan qandaraalayaal milatari oo Maraykan ah,waxuuna faahfaahin uu ka bixiyay balaarinta Sldhigaas ku yiri…   Wargayska ayaa intaas ku daray in ballaarinta Garoonka Balli doogle ee Gobolka Shabeellada hoose ee Somaliya ujeedada uu ka leeyahay Maraykanku ay tahay la dagaallanka Argagixisada.   Mid ka mid ah Qandaraaslayaasha Dhismahaasi, ayaa u sheegay Wargeyska in Waaxda Difaaca Maraykanka ay maalgelinayso Dhismahaas.   Ugu yaraan 800 oo…

Read More

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu ka qeyb galay Shir looga hadlayo amaanka Soomaaliya iyo ka bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya. Sidoo kale Khayrre ayaa Istanbuul Turkiga ku soo xiray Shirka Ganacsiga ee u dhaxeeyay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga, waxaana la sheegay uu diyaarada Turkish Airline ka soo raacaday Dalkaasi. Khayrre iyo Wafdigiisa ayaa Garoonka Diyaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana la filayaa inuu ka hadlo natiijada Soomaaliya ee Shirkii ka dhacay Dalka…

Read More

Yariisow oo Bartiisa Facebook ku soo qoray Qoraal kooban ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta, sidaas darteedna uu ka raali gelinayo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.   “Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” sidaas waxaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow.

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka dhowaanna ka soo degey Boosaaso ayaa saaka safar kaga soo ambabaxay magaalada Qardho isagoo ku soo wajahan magaalada Garoowe. Madaxweyne Gaas oo ay safarkiisa dhulka ah ku weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil madaxtooyada Puntland katirsan ayaa waxaa lagu soo dhoweyn doonaa deegaanka Laanta-hawada ee duleedka Garoowe. Dr Gaas madaxweynaha dowladda Puntland ayaa warbaahinta kula hadli doona gudaha aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe uuna si qoto dheer uga hadlo safarkiisii dalka Imaraadka Carabta iyo arrimo kale oo muhiim u ah

Read More

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta Jubbaland Shukri Weeraxi Kaariye,ayaa maanta xariga ka jaray garoonakd iyaaradaha ee Degmada Afmadow. Diyaaradii ugu horeysay oo dad shacab wadda ayaa maanta caga dhigatay Magaalada Afmadow intii lagu guda jiray Xafladda dib u furitaanka Garoonka. Wasiirka Howlaha Guud ee Jubbaland Shurki Weeraxi Kaariye ayaa sheegay in Adeegga Garoonka Diyaaradaha uu ka qeyb qaadanayo hormarka Degmada, waxa uuna Ganacsatada iyo cid waliba oo isticmaaleyso uu u sheegay in ay garab istaagayaan. Degmada Afmadow ayaa mid taariikhiya muhiimna u ah jubaland ,isal markaana…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa Maanta waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya ee dhawaan la Magacaabay Abiyi Axmed.   Kulanka oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee itoobiya,ayaa waxaa Madaxweyne Axmed madoobe ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta Aadan Aw xirsi.   Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Jubbaland sidii loo xoojin lahaa,   Labada hogaamiye ayaa saxaafada usheegay in ay si dhow isula Shaqeyn doonaan.   Ra’iisul Wasaaraha…

Read More

Cabduweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale waxa uu ka hadlay nooca doorasho ee loo loo qorsheeyey in ay Puntland ka dhacdo Sanada 2019 markii uu waqtigiisa dhamaado.   Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland uu ka dhici doono isbedel doorasho sidii ay horay ugu dhacday oo kale,sidoo kalena ay wax dooran doonaan 66 Xubnood ee uu ka kooban yahay waqtigaan Baarlamaanka Maamulka Puntland.   Sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka sugayaan jawaabta nooca doorashada ee ka dhici doonto,isla markaana ay xilligaan ku mashquulsan yihiin guddigaas.   Hadalka Madaxweynaha Puntland Cabduweli Gaas,ayaa ku soo…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo saaka ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweynaha ayaa magaalada Qardho waxa uu ka daahfuray mashaariic horumarineed oo isugu jirey waddooyin laami ah iyo xarumo kale oo isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa kale ee dadweynaha Qardho loogu adeego isagoona booqday kuwa shaqo ku socoto. Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta qardho gaaray ayaa wax laga waydiiyay eedayn uu madaxweynaha usoo jeediyay wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka…

Read More

Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday shaqaale ka mid ah kuwa qodaya carra-kaawada ee guryaha lagu dhiso, gobolka waqooyi bari Kenya. Weerarkan ayaa dad xogogaal ah oo deegaanka ah ay noo sheegeen inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku yaalla Koonfurta Mandera. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegay in la aamisan yahay ugu yaraan laba qof oo rayid ah inay ku dhinteen weerarkan, ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka…

Read More

Dhaawac fudud ayaa soo gaaray talye xigeenkii Booliska Puntland  Bile Faarax Cali ka gadaal markii ay is rasaaseeyeen ilaaladiisa iyo ciidamo Boolis ah oo fadhiyay bar kayntarool oo taalay inta u dhaxaysa Garowe iyo Buurawadal.   Talyaha ayaa hada xaalkiisu wanaagsan yahay,iyadoo dhaawaciisa alagu dabiibayo isbitaalka Qaran ee garowe.   Mahan markii ugu horaysay oo dhaawac soo gaaro Talyayaasha Booliska Puntland.   Ilaa iyo hada Taliska Booliska Puntland kama hadlin dhaawaca talye xigeenka Booliska Puntland soo gaaray,sidoo kale masuuliyiin ay warbaahinta idil News la xariirtay ayaa ka gaabsaday ka hadalka dhacdadan.

Read More

Macno gaar ah waxaa samaynaya deegaan aysan ka jirin wax nolol magaalo oo macno leh labaatan sano ka hor oo maanta gaaray heerkan. Caasimada Puntland ee Garowe maanta waa mid kamid ah caaismadaha Geeska oo waliba si xawliya ugu sii socota in ay noqoto mid soo jiidata dalxiisayaasha iyo maalgashadayaasha. Guushan waxaa iska leh oo gaarsiiyay heerkan shacabka Puntland oo si hagar la’aan ah u maalgashaty uguna istaagay abuurida magaalo leh astaamo u gaar ah oo ay caan ku tahay. Garowe caaismada qurxoon,amaan ah oo jawi degan. Puntland deegaan balaaran oo hodan ah haysta shacab fahansan nabada iyo nidaamka. …

Read More

Dowlada jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegtay guud ahaan dhulka banaan ee Magaalada kismaayo. Dowladu waxay soo saartay amar qeexaya habka kala iibsiga dhulka iyo lahaanshaha dhuleed. Waxay amar cad ku bixisay cida iibsan karta ama laga iibin karo dhul in ay tahay cida haysata sharci cadaynaya lahaansho dhuleed oo ka horeeyay burburkii dowlada dhexe ama si kale hadii loo yiraahdo qofkii haysta sabarloogo ay bixisay dowladii hore oo ka horaysa 1991. Qorshahan ayay dowlada Jubaland uga gol leedahay xakamaynta dhibaatooyinka xooga leh ee ka yimaada muranka dhulka,kaasoo mararka qaar sababa gacan ka hadal keena dhimasho iyo dhaawac. nafeed.…

Read More

Prime Minister Abiy Ahmed and President Reuven Rivlin of Israel held talks on further consolidating the bilateral relationship of the two countries. President Reuven Rivlin’s three-day official visit to Ethiopia, which is also the first-ever state visit by an Israeli President, is aimed at strengthening the two countries relationship. After the discussion, Middle East Affairs Director-General at the Ministry of Foreign Affairs, Ambassador Suleiman Dedefo said both leaders discussed on how to heighten the existing relationship. “So now the leaders discussed on how to boost this relationship and transform it into development from which people of both countries can benefit…

Read More

Masuuliyiintii Wasaarada Kaluumaysiga ee maalmo ka hor uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Gaas kaidb musqmaasuq baahsan oo lagu eedeeyay,ayaa been abuur ku tilmaamay eedaha Xilka looga qaaday,waxayna iska fogeeyeen in ay musuq-maasuq sameeyeen,   Sidookale waxay ka codsadeen in Gudiga loo saaray baaritaanka musqmaasuqa lagu soo eedeeyay ay soo bandhigaan Cadeynta Baaritaankooda.   Madaxwayne Gaas ayaa Maanta shaqadii ka eryey Wasiir ku xigeenkii & Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo 5 shaqaale ah oo Musuq maasuq iyo maamul xumo lagu eedeyeeyay,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/yKTB-3t8eTE

Read More

Garsoore dhex dhexaadinayay labo kooxood oo ku ciyaarayay shalay garoonka Addis Ababa ayaa naftiisa halis gashay kadib markii kooxda Welwalo Adigrat University oo gool la haleyd lagu ansixiyay goal barbaro ah oo ay keensadeen kooxda madasha ciidamada milateriga Itoobiya.   Goolka muranka dhaliyay ayaa iska dhaliyay difaaca Welwalo Adigrat, waxaana markaasi ay ciyaartoydii kooxda ku xoomeen garsoorihii oo siday feer iyo laad ugu wadeen ka saaray garoonka iyagoo dhulka ku jiiday.   Xiisaddan ayaa waxay dhalisay inay soo farageliyaan ciidamadii amaanka garoonka ku sugnaa.   Xiriirka kubadda cagta Itoobiya ayaa si kmg ah u joojiyay ciyaaraha dalkaasi iyadoo guddiga anshaxa…

Read More

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Hay’ado caalami ah oo ka howlgala gudaha Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dowladda Soomaaliya.   Waxaa uu ka hadlayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu u jeediyo Shacabka Kenya,waxaa uu sheegay in Hay’adaha ku sugan Soomaaliya ay doonayaan in ay dhabarka ka jebiyaan guulihii xanuunka laga maray ee ay gaartay AMISOM.   Waxaa kale oo uu sheegay in hay’adahaas ay ka shaqeynayaan kala qeybinta Soomaaliya,shacab ahaan,dowlad ahaa iyo gobol ahaamba.   Waxa uu Madaxweyne Kenyatta sheegay in amni soo celinta Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ay yihiin waxyaabaha ugu weyn ee ku jira qorshahiisa…

Read More

Faah faahino dheeraad ah ayaa kas oo baxaysa dil Caawa kooxo hubeysan ay degmada Boondheere ee Magaalada muqdisho ay ugu geysteen Nin la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Xamar..   Dilka ayaa waxa uu ka dhacay kazoo horjeedka Isbitaalka Kulmiye ee degmada Boondheere.   Guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Wehliye ayaa xaqiijisay dilka Ninkaas oo ka tirsanaa Saldhigga Galbeed e degmada Dharkeenley.   Amniga Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan laysku halayn karin ,maalin ka hor waxaa lagu afduubtay Gabar kalkaalisa oo u dhalatay dalka Jarmalka ,sidoo kale waxaa iyadana lagu dilay Gabar ka shaqaynaysay mid kamid…

Read More

Marking World Press Freedom Day, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, today commended the courage and dedication of the country’s journalists who operate in one of the world’s most dangerous environments for media workers. “I salute the hundreds of Somali journalists who risk their lives on a regular basis to do their job,” said Mr. Keating. “A truly free and independent news media is indispensable in all democratic societies, an essential means to hold the powerful to account. An essential component for the media to do its job is ending the culture of impunity that, unfortunately, prevails for…

Read More

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimha Soomaaliya Keating ayaa u hambalyeeyay wariyaasha Soomaaliyeed asigoo sheegay in ay ku shaqeeyaan mar xalad adag. “Waxaan soo dhaweynayaa boqolaal saxafiyiin Soomaali ah oo Gudanaya waajibaadkooda shaqo oo ay dhici karto iney halis la kulmaan mararka qaar, Warbaahinta saxda ah ee madaxbannaan waa mid lagama maarmaan ah, waa habab muhiim ah oo lagu xoojiyo awoodda si loo xisaabtamo ayuu yiri Wakiilka. Sidoo kale wakiilka ayaa yiri saxafada waa muhiim si ay u qabato shaqadooda waa in la soo afjaraa dhaqanka ciqaab la’aanta, Nasiib darro, dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta way sii fidayaan. Kooxda Xuquuqda…

Read More

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay magaca shakhsiga ka dambeeya afduubka gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Jarmalka, una shaqaysa hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ICRC, taasoo lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho. Afhayeenka wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa magac dhebey ilaalada xarunta ICRC oo uu sheegay in uu hogaaminayey nin uu magaciisa ku sheegay Maxamuud Maxamed Calas oo uu sheegay inuu ka mid yahay ilaalada xarunta. C/casiis xildhibaan oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo dadaal ay doonayaan in ay ku soo furtaan gabadhaas la afduubtay Wuxuu intaa ku daray in ciidanka amaanka ay xabsiga…

Read More

Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas maanta yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.   Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Hadalkan kasoo baxay shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, QM iyo Midowga Afrika.   Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadi shalay mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sannadki 2016-kii. Dhaleeceynta ka soo baxday Trump ayaa timid kadib markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Mareykanka heleen su’aalo dhowr ah oo madaxa guddiga gaarka ah ee baaraya kiiska Ruushka, Robert Mueller ku doonayo inuu weydiiyo Madaxweyne Trump. Su’aalahan oo la sheegay in ay ka badan yihiin 40 su’aal ayaa waxaa loo dusiyay wargeyska New York Times . Trump ayaa dusintan ku tilmaamay arrin ceeb ah. Isaga…

Read More

Xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda WHO ee Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho. Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdullaahi, waxaana la sheegay inay dhinaca saadka u qaabilsanayd adeegyada tallaalka dabaysha ee gobollada Koonfureed. Gabdhan ayaa la sheegay in fadhigeeda dhinaca shaqada uu ahaa magaalada Baydhaba, balse ay xilliga la dilayey ku sugnayd magaalada Muqdisho.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka waxaa loo doortay Mufariyat Kaamil oo ka soo jeedda qowmiyadda Silte oo ka mid ah qowmiyadaha shucuubta Koonfureed. Mufariyat waxay horay u soo qabatay xilal ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha haweenka iyo la taliyaha arrimaha jinsiga ee ra’iisal wasaaraha. Golaha Wakiillada Shacabka oo ah aqalka ugu sarreeya dalka wuxuu ka kooban yahay 547 xildhibaan oo laga soo kala doorta 9-ka dowlad deegaan iyo 2 ismaamul magaalo. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Federeedhiinka waxaa loo doortay Kheyriya Ibraahim oo ka soo jeedda qowmiyadda Tigreega. Waxay badeleysaa afhayeenkii hore ee golaha federeeshiinka Yalew Abate oo xilka iska casilay.…

Read More

Taliska Asluubta Puntland Oo tababar usoo xiray Ciidamo ka kala socda dowlada Fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.   Mahan markii ugu horaysay ee Taliska Asuubta Puntland ay tababraan Ciidamo ka kala socda guud ahaan Somaliya.   Ciidanka Asluubta Puntland ayaa leh khibrad aad usaraysa,isla markaana ku shaqeeya qalab casriya iyo xarumo loo diyaariyay,waxaana lagu tilmaamaa Ciidamada ugu diyaarsan guud ahaan Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/0yOpfJEXHpw

Read More

Xeer Madaxweyne Lr. 54 May 2, 2018, kuna saabsan shaqo ka eryid. Madaxweynaha Dawladda Puntland Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Baarista ka soo baxday guddiga baarista iyo soo bandhigista xogta musuqmaasuq iyo maamul xumo ee lagu magacaabay digreetada Madaxweyne MW/DPS/247/04/04/2018 Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta Guddiga 1. Waxaa shaqadii laga eryey Madaxda iyo shaqaalaha hoos ku qoran:- 1. Maxamuud Maxamed Cali (gabax) Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda 2. Cali Xirsi Faarax Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda. 3. Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda. 4.…

Read More

Dhibaatada haraysay Soomaaliya markii la soo qaado waxaa madaxaaga ku soo dhacaaya is haysiga fikirka qabyaalada, hase ahaatee arinku intaa waa ka qoto dheer yahay, waana sababta nus qarni looga gudbi la’ yahay dhibaatada. Fikirada siyaasadeed waa waxa ka socda dunida oo dhan waxaana u dhaxeeya loolan mararka qaarkood sababa gacan ka hadal. Waa dhab in fikir siyaasadeed kastaaba doonayo inuu ahaado kan guulaysta oo looga dameeyo danaha siyaasadeed ee wax lagu hogaaminayo, hadaan tusaale kuu soo qaado anoon aadayn qarniyo horuu tagay loolankii fikirkii Nansiga ee Hitler ee la jabiyay isaga iyo xulufadiisii hadna weli waad arkaysaa in raadkiisii…

Read More

Dagaal dhinaca dekedaha ah ayaa ka socda Somalia, oo muddo dheer aheyd meel dunidu iska illowday, hami badan oo maalgashina aan loo heyn, dagaallo, bur-bur iyo dowlad la’aantii ay soo martay awgeed. Haatan Somalia waxey dhexda kaga dhacday hardan u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo dhinac ah iyo Qatar oo taageero ka heyleysa Turkiga oo dhinac kale ah. Warbixin dheer oo ay arrintan ka qortay wakaaladda Wararka ee Reuters hoos ka dhagayso codka Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda WHO ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho. Sarkaal ka tirsan hay’adda WHO ayaa VOA u xaqiijiyey dilka xubin ka tirsan shaqaalaha hay’adda oo ah qof dumar ah. Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabaa Maryan Cabdullaahi, waxaana la sheegay inay dhinaca saadka u qaabilsanayd adeegyada tallaalka dabaysha ee gobollada Koonfureed. Gabdhan ayaa la sheegay in fadhigeeda dhinaca shaqada uu ahaa magaalada Baydhaba, balse ay xilliga la dilayey ku sugnayd magaalada Muqdisho.

Read More

NAIROBI (Reuters) – A battle for access to seaports is underway in one of the world’s unlikeliest places: Somalia, now caught up in a regional struggle between Saudi Arabia and the United Arab Emirates on one side, with Qatar backed by Turkey on the other. At stake: not just the busy waters off the Somali coast but the future stability of the country itself. Somalia has been at war for decades and until the last few years it has struggled to attract foreign investment. But rivalries in the nearby Arabian peninsula are resulting in serious inflows into Somalia. A year…

Read More

Waxa- garoonka ku soo dhoweeyeen Gudoomiyaha Gobalka Benaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Eng: Yariisoow iyo R/wasaare Khayre kadibna inteey isku soo sawireen ka soo dhaqaajiyay taasoo noqotay hadal heynta ugu weyn.   Maamulka Gobalka Banaadir oo u Gudoomiyaha ka yahay Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow Eng: Yariisow ayaa loogu baahna in ugu yaraan basas soo qaado u diyaarshaan Xidigahaasi niyad jabka lagu riday inkasto tallaabo laga xumaado Maanta sameeyeen.   ” Waxaa sidoo kale la xaqiiyay in xiddigaha markii ay baxayeen loo diiday in la siiyo baasaboor, lamana garanayo sababta keentay, dhawr jeer ayaan isku daynay balse Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa…

Read More

Hanbalyo iyo bogaadin ayay Dowlada Puntland udirtay dowlada Imaaraadka Carabta,kadib fududaynta bulshada Somaliyed ay ufududaysay dalka ku galka (VISA) iyo Deganaansha loo yaqaan (RESIDENT PERMIT).ee dalkeeda. Dowlada Imaaraadka ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan galisay talaabadaas ay dhanka sharciga kaga fududaysay Somalida culayskii ka haystay. Talaabada ay ku fududaysaydowlada Imaaraadka Carabta Visa iyo deganaanshaha dalkeeda shacabka Somaliyed,ayaa waxay kamid ahaayeen arimihii ay kawada hadleen Madaxweyne Gaas iyo madaxda dalkaas booqashadsii dhawayd. Dowlada Puntland ayaa uga mahadcelisay dowlada Imaaraadka Carabta talaabadan ay maanta qaaday. Halkan ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan xubno golayaasha dowladda katirsan iyo gudiga soo celinta bilicda magaalada Boosaaso ayaa maanta waxa ay kormeereen shaqada soo celinta bilicda magaalada Boosaaso. Wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland ahna gudoomiyaha gudiga soo celinta bilicda Boosaaso Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in shacabka Boosaaso ay siweyn ula shaqeeyeen howshuna meel wanaagsan marayo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Faderalka ee Soomaaliya oo Qorshaynaysa in Gobolka Mudug si toos ah loo hoos geeyo Dowladda Faderalka masuuliyada gobolkana lagala wareego Puntland iyo Galmudug,taas oo ujeedooyin badan laga leeyahay.   War hor dhaca oo si hoose nooga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Gobolka Mudug oo ah Shan dagmo xiligii Soomaaliya kuwaas oo kala ah Dagmooyinka Jariiban,Galdogob,Hobyo,Xaradheere iyo dagmada Galkacyo oo lawada dagan yahay,Waxaana qorshan oo uu hormuud u yahay Agaasimaha Madaxtooyadda iyo xubno kamid ah Kooxda Nabad iyo Nolal ayaa looga gol leeyahay in hab sir ah la iskaga horkeeno Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali cali Gaas iyo Shacabka Puntland.…

Read More

Ciidamadii dowlada Imaaraadka tababartay,isla markaana ay gacanta ku haysay ee dhawaan cidlada kusoo dhacay kadib markii Imaaraadku dalka ka baxay,ayaa hada si rasmi ah waxaa loogu wareejiyay dowlada Maraykanka.   Maraykanka ayaa mushuhaarkooda iyo daryeelkoodaba si toos ah gacanta ugu haynaya waxayna noqon doonaan sida Ciidamada loo yaqaan Alfa Group ee tooska uga amar qaata Taliska Africom ee Maraykanka.   Dowlada Maraykanka,ayaa arintan soo faragalisay kadib markii ciidamadan ay dayacmeen qarkana ufuuleen in ay suuqa kala galaan ama gacmo kale u adeegaan.   Saraakiil ka tirsan Ciidamadan waxa ay sheegeen in dhawr mar ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan ciidamada…

Read More

Roob ka da’ay Magaaladda Hargeysa ayaa sababay qasaare Nafeed, kadib markii daadku uu galay Xaafado dhowr ah.   Ugu yaraan laba caruur ah ayaa dhimatay oo mid ka mid ah meedkiisa la`ayahay halka Hooyadii dhashay caruurtaasina ay dhaawac oo loo dhigay isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa.   Caruurtaan ayaa ku dhintay Roobkii da’ay saacadihii u dambeeyay magaalada Hargeysa, sidoo kale dad badan ayaa ka baxay guryihii ay daganaayeen kadib markii ay biyuhu ugaleen, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Taliyaha guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan.   Caruurta dhimatay ayaa da`adoodu lagu sheegay Ilmo yar oo 40 habeen dhalan…

Read More

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambasdr Micheal Keating ayaa hambalyo waxa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay. Ambassador Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daahfurnaanta leh ee ku guteen waajibkooda,waxana uu Micheal Keating mahadnaq ayuu usoo jeediyay gudoomiyihii hore ee Barlaamanka Pro Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaa oo soo hogaaminayay Barlamaankii 9-aad iyo kan tobnaad ee xiligan shaqeeya. Ambasador Keating ayaa kula darmaamay dhinacyada hardanka siyaasadeed ee Soomaliya uu ka dhaxeeyo in ey had iyo jeer ilaaliyaan sareenta sharciga, taana ey muhiim utahay baraaraha iyo horu-usocdka…

Read More

The UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating, congratulates Mohamed Sheikh Abdirahman Mursal on his election today as the new Speaker of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia. Mr. Keating commends the members of the House of the People for electing the Speaker through a transparent process. He expresses his appreciation to the former Speaker, Mohammad Sheikh Osman “Jawari,” for his extraordinary commitment to state-building in Somalia, including his achievements as a leader of the ninth and tenth parliaments. With the election of the Speaker now completed, the United Nations urges the country’s legislative and executive branches to…

Read More

Rai’sul wasaaraha Israa’iil , Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iiraan “in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka. Waxa uu Netanyahu sheegay in cadeyn ay u hayaan in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah. Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumannan fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamjkeeda Niyukleerka. Isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabahani , waxa uu sheegay in dikumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijkaa Niyukleerka Iiraan. Rai’sul wasaaraha Israa’iil ,Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyada oo ay…

Read More

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas,uuliyadda laba qarax Isniintii shalay lagu dilay ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jireen sagaal saxafi gudaha magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afganstan. Ugu yaraan 50 ruux oo kale ayaa la xaqiijiyay in ay weerarkaasi ku dhaawacmeen. Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa eel ala eegto wariyaasha ka howlgalka dalka Afganstan. Ururka ay ku mideysanyihiin saxafiyiinta Afganstan ee AJSC ayaa si adag u cambaareeyay weerarka. Wariyaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ah ahaa laba dumar ah oo ay ku jirto Maharram Durrani oo u shaqeyneysay Radio Free Europe/Radio Liberty. Wakaalada wararka Faransiiska ee…

Read More

Xildhiban Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.   Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay.   Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow.   Maxamed Mursal ayaa wareeggii labaad helay 147 cod, halka Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod. Waxaa codeeyey 265 xildhibaan.   Maxamed Mursal ayaa beddelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilka afhayeenka baarlamaanka iska casilay 12-kii April.   Gudoomiyaha la doortay ayaa ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ka…

Read More