Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda. “Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.” “Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn…
Author: Jibril Qoobey.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyaha ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018,waxayna Dowladda Federaalka tacsi tiiraanyo leh direysaa Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo. Sidoo kale,Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida deg deg ah ay uga jawaabeen dhacdada. Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkaan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya,maalin ay farxad iyo damaashaad u ku jiro Qarankeenna iyo dadka intaba. Dowladda…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda…
Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay inuu xilkaas ka tagayo, tallaabadan ayuu sheegay iney ugu wacan tahay siyaasadaha Trump uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midowga Yurub oo uu ku soo rogay canshuuro dheeraad ah. Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, isla markaasna aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay, waxaana ka mid ah safiirkii Maraykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire…
Qalbidhagax sii dayntiisii kadib maanta ayuu meel dad badan iskugu yimaadeen si furan uga hadlay. Qalbidhagax waxuu si cad usheegay in uu ka shaqaynayao midnimada iyox ornimada Umada Somaliyed. Mujaahid Qalbidhagax waxuu sheegya in usoo dhiibistisii Itoobiya ay hayd Danbi weyn oo laga galay Umada Somaliyed,. Qalbidhagax waxuu si aan caadi ahayn ugu mahadceliyay Umada Somaliyed meel kasta oo ay joogto. Qalbidhagax waxuu baaq udiray Qawmiyadaha Somalida iyo Oromada oo ugu baaqay in ay Nabada kawada shaqeeyaan,isla markaana ay xasuustaan quluubtana ku haystaan mar walba in ay yihiin Dad wada dhashya oo uu ka dhaxeeyo Dal,Diin iyo Dhalasho. Isku soo…
Ethiopia’s nascent energy industry is gathering pace, with a unit of China Poly Group Corp. starting test output of crude oil in a volatile border region and the government estimating initial annual income of $1.2 billion when gas exports begin from the area. Oil and gas income will be a major boost to the landlocked Horn of Africa nation’s economy, bringing in much-needed foreign exchange as well as saving on imported fuels, Prime Minister Abiy Ahmed said late Wednesday in a televised address. The United Arab Emirates this month pledged $3 billion in aid and investments to Ethiopia. …
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda. Kooxaha kala duwan ee Fanaaniinta ayaa ku sugan, sidoo kale Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ayaa ka qeyb galaya. Toos u daawo Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo. Halkan ka daawo muuuqaalka https://youtu.be/1uiPOUnV_Qk
Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaanada Koonfur Galbeed. Raggii dilka ka danbeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo aysan u suura gelin in ay soo qabtaan kooxihii dilka geystay. Al-Shabaab,ayaa bishii hore baraha Bulshada kusii daysay muuqaalo muujinaya xubno ka mid ahaa ergooyinkii soo doortay baarlamaanada Dalka oo lagu tooganayo meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhimashada tiro ka badan Shan ruux oo ay carruur ka mid yihiiin. Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan oo sidoo kale ku dhacay isla qeybo kale oo ka mid ah degmada Wadajir.
“Waa waajib ina wada saaran dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.” “Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed ee naafoobay. Waxaan ka shaqeynaynaa inaan gacanna ku ciribtirno argagixisada, gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen argagixisada Al Shabaab.” Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan…
Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana Dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas. “Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin. Hadalka safiirka Itoobiya Muqdisho u fadhiya,ayaa dadka wax odorasa waxay u arkaan mid xaqiiqda aad uga fog,isla markaana ah qorshe Dowlada Muqdisho looga fududaynayo culayska iyo wajigabaxa ka soo gaaray dhiibistii Qalbidhagax ee Itoobiya. Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye,ayaa maanta qaabilay Qalbidhagax,isagoo usheegay in uu dalkiisii joogo xor…
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay martigelisay kulankii Shanaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirada Darstuurka ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalkaiyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoolagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 29-30 Juun 2018. Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Dr. Xuseen Cabdi Cilmi waxaana soo xiray Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil UJEEDOOYINKA KULANKA SHANAAD EE MADASHA: Kala warqaadasho iyo soo jeedin warbixino ku saabsan howlaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS, Wasaaradaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka…
Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa Baarlamaanka dalkaasi u gudbiyay qaraar looga codsanayo in Liiska Kooxaha Argaxisada ah looga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7, oo kamid ah Ururada mucaaradka ku ahaa dowlada Itoobiya. Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa horey u ansixiyay in cafis loo fidiyo Ururada iyo shaqsiyaadka loo heestay in dambi qaran galeen , waxa ayna Wasiirada sidoo kale meel mariyeen qaraar looga saarayo liiska argaxisada kooxahan ka dagaalama Itoobiya. Go’aankan kasoo baxay Xukuumada Itoobiya ayaa ah mid lagu doonayo in lagu soo afjarto colaada dalkaasi qeybo kamid ah ka aloosneyd, waxa ayna dowlada dooneysaa in ay heshiis la gaarto kooxaha…
Jamaaludiin Mustafa oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiga dowladda Soomaaliya, isla markaana dowladda Itoobiya ay tixgelisay codsigaas. “Sii deynta Qalbi Dhagax waxay ku timid wada hadal dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya,dowladda Federaalka Itoobiyana waxay tixgelisay codsigaas, waana la sii daayay”ayuu yiri Danjire Jamaaludiin. Dhinaca kale Safiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal si qaldan loo fasiray, kaasoo ahaa hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed ee ahaa in la mideynayo labada dal, waxaana uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin labo dal oo la mideynayo, balse ujeedada tahay sidii…
Guddoomiyaha Maamulka Shabeelada-Hoose Maxamed Ibraahim Barre,ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho iyo dhaawicii soo gaaray. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda uu Isbitaalka ka baxay ayna jirin wax xanuun ama dhaawac Culus ah culus ah uu qabo, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya inuu soo gaaray dhaawac halis ah. “Waa caafimaad qabaa hada ayaana ka sii baxayaa Isbitaalka, dhaawac maqabo ee firirka Muraad ka soo dhacday Gaarigii aan saarnaa ayaa isha hoosteeda iga garaafaysay hadana wax dhib ahna ma qabo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeelada-Hoose. Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dhaawac…
Maamulka Koonfur-Galbeed,ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Buundo muhiim u aheyd marinka iyo isku socodka dadweynaha oo ay qarxiyeen Al-shabaab. Buundadan la qarxiyay ayaa la sheegay in ay muhiim u aheyd isku socodka deegaannada Qoryooley, Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Shabeellada-Hoose. Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al-shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay. Waxay sheegeen masuuliyiintaa in halkaas ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowlalada. Sidoo kale masuuliyiinta Maamulka Shabeelada Hoose,ayaa sheegay iyaga oo ka hortagaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley ay si deg-deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi muhiimk…
Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan laba ruux oo Falastiiniyiin ah ay dhinteen kadib isku-dhacdyo Jimcihi shalay Marinka Gaza ku dhexmaray ciidamada Israel iyo dad Falastiiniyiin oo mudaaharaad ka dhigay xadka Gaza. Ashraf Al-Qudra oo ah afhayeenka wasaarada caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in labada ruux ee ay dileen milatariga Israel ay kala yihiin wiil 13 jir ahaa oo lagu dilay meel u dhaw magaalada Khan Yunis iyo wiil kale oo 24 jir ahaa oo isna lagu toogtay agagaarka Rafah. In ka badan 130 ruux oo Falastiinyiin ah ayay wasaaraddu sheegtay in Jimcihi shalay lagu dhaawacay xadka Gaza…
Safiya oo ah Robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa gaartay dalka Itoobiya. Boorso ay ku jiraan qaar kamid ah qalabka Robotka Safiya ayaa ku lumay garoonka diyaaradaha ee Frankfurt. Waxay arrintani dhalisay in la baajiyo shir jaraa’id oo maanta lagu qaban rabay matxafka qaran ee magaalada Addis Ababa sii lagu soo dhaweeyo Robokta lagu magacaabo Safiya. Robotka sida qof haween loo sameeyay waxay ku hadli kartaa luqadda qaranka Itoobiya ee Axmaarik. Waxaana la filaya in Robotka Safiya lala kulansiiyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo u casho la qaadan doono saddexda maalmood ee booqashada…
Xukuumadda Nigeria ayaa sheegaysa in horraanta bishaan ay bilaabayso in qoysaska saboolka ah ay u qaybiso lacag ka badan saddex boqol oo milyan oo dollar, taas oo dhawaan ay dib usoo celiyeen masuuliyiinta dalka Switzerland, kadib markii uu lacagtaas lunsaday taliyihii militariga Sani Abacha sanadihii sagaashamaadkii. Waxaa lagu wadaa in lacagtaan lasiiyo in kabadan saddex boqol oo kun oo qoys kuwaas oo bil walba lasiinayo 14 dollar qoyskiiba. Dawladda federaalka ah ayaa goor horeba bilowday in ay xawisho oo ay u qaybiso lacago caddaan ah dadka saboolka ah iyo kuwa taagta daran ee ku dhaqan 20 gobol oo…
Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Corneal Indhasheel, waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa magaalada Buuhoodle si rasmi ah ugaga dhawaaqay inay taageersan yihiin howlgalka ciidanka difaaca Puntland Soomaaliland kaga xoraynayaan goboladaasi,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/V_xRZERP9zU
Maxkamadda derajada 1aad ee gobolka mudug ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland Barkhadle Aadan Muuse oo lagu soo eedeeyay inuu dhacay musharkii ciidamadda iyo shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug iyo hanti kale oo dawladeed. Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Xasan Aw- Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garoowe, wuxuu sheegay in uu dalka ka baxsaday Xisaabiyuhu, wuxuuna ka codsaday Laamaha amniga ee dowladda federaalka, Maamul goboleedyada iyo wadamada deriska in loo soo gacan galiye Eedaysane Barkhadle. “ Qoraalkaasi markuu soo gaaray xafiiska xeer ilaalinta, Xogta na soo gaaraysa ee hay’adda Sirdoonku na soo gaarsiiyeen…
Wafti ka socday Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuti ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in waftigan oo ka koobnaa afar xubnood ay la kulmeen Saraakiil Mareykan ah oo ka tirsan Taliska Mareykanka Africom ee fadhigooda ahaa dalka Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in waftigan oo ka wakiil ahaa Mukhtaar Roobow ay kala hadleen Saraakiisha Mareykanka sidii ay isaga kaashan lahaayeen howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa abaabulka dagaal uu wado Mukhtaar Roobow. Mukhtaar Roobow ayaa wada abaabul…
Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Sarkaalka ka tirsan Jabahadda ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kaasi oo bishii September 2017-kii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya kadib markii lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyaha ururada Argagixiso. Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Itoobiya, hadana uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay. Wuxuu sheegay in labaatan maallmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan…
Warar aanu ka helnay hay’adaha amniga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab. Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in sarkaalka la bartilmaameedsaday uu yahay Bashiir Maxamed Qoorgaba oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab. Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaadhay dhaawac. Waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka dareewalkii Bashiir Qoorgaab. Hawlgalkan ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo ay iskaashi leeyihiin.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdulcasiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in 83 qof oo laga keenay Maraykanka ay soo gaadheen garoonka maanta kadibna ay xaaladda dadkaasi la wareegtay dawladda Soomaaliya. Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Soomaaliya ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal. Dadka saarnaa diyaaradaasi ayaa ku dacwooday in la xirxiray oo si xun loola dhaqmay. Madaxweynaha Maraykanka ayaa mid ka mid ah…
Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Itoobiya. “Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge. Dawladda Itoobiya ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya. Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana…
Hay’adda ka faalloota Xasaradaha Caalamka ee ICG ayaa qortay warbixin ay kaga hadlayso cabsi laga qabo dagaal dhex mari kara Somaliland iyo Puntland. Warbixinta ayaa qortay in labada dhinacba ay ciidan badan ku soo daabulayaan meel u dhow dhulka lagu dagaalamayo ee Tukaraq, iyaga oo albaabkana ka xirtay waan-waan ay Qaramada Midoobay wadday,hoos akd hagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PVgRu2gM2uE
Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, isla markaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan C/qaadir Hirmooge oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan is bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay inay weli dhowrayaan in is bedeladaas ay noqdaan kuwo aas-aasi ah. “Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa, waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, waxyaabaha waa weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is…
Qof hubeysan,ayaa ku dhaawacay Gabar Wariye ah oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.isgoyska dabka ee Magaalada Muqdisho. Gabadha la dhaawacay ayaa la sheegay in ay ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda dhowr xabadood aya ka haleelay Caloosha iyo Lugta. Lama oga sababtay keentay toogashada uu qofkan hubeysan u geystay gabadha wariyaha ah, hasse ahaatee goob joogayaasha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhaxmaray muran kaddib-na sidaa uu rasaasta ku furay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland. Xaqiijinta kulanka oo ay sameeyeen labada dhinac ayaa yimid maalin kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Trump John Bolton uu la kulmay saraakiil sare oo Russian ah oo uu Putin ku jiro, si loogu gogol xaaro kulanka. “Madaxweyne Trump ayaa I weydiistay inaan imaado oo aan mas’uuliyiinta Ruushka kala hadlo kulanka labada madaxweyne” ayuu yiri Bolton oo weriyayaasha kula hadlay Moscow. “Waxaa jira waxyaabo badan oo Trump iyo Putin ay si wada-jir ah…
Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa Gelinkii dambe Maanta magaalada Kismaayo waxa ay ku soo bandhigeen 12 dhallinyaro oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ku sugnaa Goobta raggaasi lagu soo bandhigayey ayaa waxa ay sheegeen in ay Ciidamada isku-soo dhiibaan 12 kaas ruux ee dhalinyarada u badan. Ragga maanta la soo bandhigay ayaa Saraakiishu waxa ay sheegeen in ay ahaayeen kuwa maamulayey tuulooyinka qaar ee Gobolka Jubbada Hoose.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/eQ52G5YNrJc
Dowlada Itoobiya ayaa maanta siideysay C/kariim Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo in mudda ah u xirnaa, kaas oo loo haystay in uu ka mid ahaa Jabhadda ONLF oo ka dagaalanta deegaanada Soomaalida Itoobiya. Mid ka mid ah Xubnaha Jabhadda ONLF oo ka mid ah,ayaa xaqiijiyay in la siidaayay saaakay 8-dii aroornimo Qalbi dhagax, Qalbidhagax,ayaa caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay,soo deyntiisa,ayaa lla sheegay in ay ku timdi wada xaajood dhexmaray jamhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya. Majirto wax door ah oo ay ku lahayd Dowlada Fadaraalka Somaliya sii daynta Qalbidhagax oo ay iyadu horay ugu wareejisay Dowlada Itoobiya. …
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/IoS89BIici4
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Tt9Qz5n3jQA
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/t62LivBj1K0
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka. Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PkVG3TGrUfc
Shirkan ayaa sadexdii Maalmood ee la soo dhaafay waxuu ka socday caasimada Garowe waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Boostada iyo isgaariinta Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, iyo Garyaqaanka Guud Dowlada Cismaan Cilmi Guuleed . Shirkan,ayaa waxaa qodobadii looga xaajooday ka Mid ahaa:- 1.Wax ka badalka Xeerka isgaarsiinta Qaranka, qodabada sida Weeyn loga dooday waxay kala ahayeen,Qodobka – aad.6 -aad,10-aad iyo Qodobka 35-aad . Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo heli lahaa xeer isgaarsiineed oo ay ku midaysan yihiin guud ahaan Somalida.kaasoo salkiisu yahay nidaamka Fadaraalka ah. Dhamaan madaxdii ka soo qeeyb gashay…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha. Xeer Madaxweyne Lr.73 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha. Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay: Muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta shaqada maamulka iyo maaliyadda ee Wasaarddaha Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarddaha Dawladda Puntland. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta Waxaa Maxamuud Axmed…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. kuna saabsan Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha wasaaraddaha Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka. Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,ayaa sheegaya in saacadda geeska Africa markay ku beenayd 1:30 saq dhexe oo habeenimo iska hor imaad la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka bilaamay gudaha Magaalada. Iska hor imaadkan oo socday mudo xoogaa ah,ayay Ciidamo Deegaanka ah oo taabacsan Puntland waxay ku weerareen fariisimo ay fadhiyeen maleeshiyada Jeegaanta ee Muuse Biixi. Wararka laga helayo magaalada,ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaaqa rasaasta la isku adeegsanayo ,taasoo iskugu jirta Hubka waaweyn iyo kan yar-yar. Maleeshiyada Deegaanka,ayaa weerarka ku ekeeyay saldhiga Bartamaha Magaalada oo fariisin u ah qayb ka mid ah…
A high-level Eritrean delegation led by foreign minister Osman Saleh arrived in the Ethiopian capital, Addis Ababa for talks on ending the decades-long conflict between the two countries. The delegation – which was received by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Tuesday – also included Eritrean President Isaias Afwerki’s right-hand man Yemane Gebreab. It is the first time in more than two decades that a top-level delegation from Asmara visits Ethiopia. The visit comes a week after President Afwerki said the East African country would dispatch a delegation to Addis Ababa to “gauge current development” in the…
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisa uu bilaabi doono Khamiista inuu ka soo saaro shidaal cayriin degaanka Soomaalida sida ay warbaahinta gudaha ku warramayso. Mr Abiy wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Itoobiya, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan. Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay. Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo. Mr Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhawaan billaaban doonto.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha barlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka siiyay xubnaha gollaha baarlamaanka Puntland waxqabadkii Guddiga mudadii u dhaxaysay kalfadhigii 40-aad iyo kan 41-aad ee hadda socda. Xoghayaha Barlamaanka Puntland Cali Axmed Saalax oo warbixinta waxqabadka guddiga joogtada ka hor akhriyay gollaha wuxuu sheegay in warbixinta ay koobayso waxqabadkii guddiga joogta ay sii qabteen mudadii uu fasaxa ku jiray barlamaanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VkQwKBjdSec
Wafti heerkiisu sareeyo oo ka socda Boqortooyada Imaaraadka Carabta,ayaa soo gaaray Puntland. Waftigan oo uu hogaaminayo mid ka mid ah Amiirada dalkaas,ayaa booqasho dhaqan ku yimid Puntland,isagoo kula kulmay xarunta dhaqanka Puntland ee Qardho Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Boqor Burhaan ayaa waftiga si maqaam sar leh usood haweeyay kadibna usameeyay qado sharaf iyo dalxiis maalin joog ah oo lagu geeyay Beerta Boqorka ee duleedka Qardho. Sidoo kale waftiga Carbeed waxay ugudbeen xarunta labaad dhaqanka Puntland ee Badhan fariisinkana u ah Saldanada labaad ee ugu faca weyn Saldanooyinka beelweynta Daarood. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Suldaanka…
Madaxweynaha maamulka United Somaliland Mustafe martin oo maalmahan booqasho ku marayay dalalka Geeska Africa haatana ku sugan caasimada Puntland ee Garowe,ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Puntland waxuu kaga hadlay arimo fara badan. Madaxweyne martin,ayaa faahfaahiyay ujeedka maamulkiis aloo dhisay hadafyada uu utaagan yahay iyo qorshahaooda mustaqablka,sidoo kale waxuu ka hadlay ujeedka socdaalkiisa ee Puntland,hoos akd aawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lD0iu6v4yqw
Wasiir dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Fadraalka Soomaaliya C/llaahi Bile Nuur ayaa ka hor yimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan. Qoraal uu Wasiir dowlaha uqoray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan. Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_oE8PlM-Z_s
Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu geeriyooday hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Diiriye Abu Cubayda. Sarkaalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo u warramay idaacadda ku hadasha codka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Abu Cubayda uu ku dhintay degaanka Jubbada Dhexe. Hase yeeshee mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al-Shabab oo sheegtay inay la xiriirtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabab oo ku tilmaamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona alahayn. Sarkaalka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya inay warkan ay ku daboolayaan heshiiskii lala gaaray Itoobiya, sida uu hadalka…
Madaxweynaha JF Soomaalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaasi lagu maamuusayay 58 guuradii ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay Xorriyadda ka qaateen Gumeysigii Ingriiska 26-ka Juun 1960-kii. Munaasabadaas Ubax dhigga aheyd ayaa waxaa ka qeyb galey dadweyne aad u fara badan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqatay farxadda ciidda xorriyadda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirro, Xildhibaannno iyo Xubno ka tirsan Ciidamadda baandeyda. Dadweynaha isaga kala yimid qaar ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si raxan raxan ah u socday, iyagoo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka,…
Cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland,gaar ahaan Guutada 48-aad ee fadhigoodu yahay Gobolka karkaar,ayaa maanta kasoo ruqaansaday halkaas. Ciidamadan oo aad u gaashaaman,ayaa gaaray Degmada Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamada difaaca Puntland iyo maleeshiyada Jeegaanta Muuse Biixi. Guutada 48-aad ee daraawiishta Puntland,ayaa qayb ka noqon doonta hawlgalak dib u xoraynta Sool,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sAI6RFJqJdU
Madaxweynahaa Dowladda Puntland Hamblyo oo diray ku aadan 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed. Madaxweynahaa Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Taariikdu tahay 26 june kuna beegan maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago dhul Soomaaliyeed hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacbka gobolada Waqooyiga Soomaaliya, maalintaas oo ay ka soo wareegtay sanad guuradeeda 58 sano kuna weyn umadda Soomaaliyeed dhammaantood. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/dAmkd8oxhB0
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 June 2018 waxaa uu ka qayb galay bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabtay Caasumadda Dowladda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya dhammaan Wasiirada Wasaaradaha isgaarsiint Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaarda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo marti sharaf kale. Bandhigga Xeerka isgaarsiinta Soomaaliya oo lagu qabta Caasumadda Dowladda Puntland ayaa waxaa…
Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa meelmariyey Ajendaha ay ka wada hadli doonaan 45 maalmood ee nagu soo aadan, waxaana qodobada ka dhex muuqda kuwa ku aadan dhanka Ammaanka, gaar ahaana in loo yeero Madaxweynaha Puntland. Ajandaha Rasmiga ah ee Golaha wakiilada Puntland uga doodayaan kal-fadhigooda 41aad ayaa lagu ansixiyey qodobadaan. 1.Furitaanka Kal-fadhiga 42-aad 2.Ansixinta Ajandaha Rasmiga ah ee Kal-fadhiga 41-aad 3.Warbixinta Guddiga Joogta ah 4.Warbixinta Guddiga Golaha Wakiilada PL. 5.Amniga, Difaaca Dalka Puntland iyo Xog Waraysiga Madaxweynaha Puntland 6.Xaalada Qulqulka Tahriibayaasha(Dhaqangalinta Xeerka Tahriibta) 7.Habka Shaqaalayta Shaqaalaha Rayidka ah. 8.Hab raaca loo maro iibinta Hantida ma guurta ah 9.Mashruuca wadada Garoowe iyo…
Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsges oo ku magac dheer (Jeneral Gabre). Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD. Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo. Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale…
Waxaa Puntland ku soo qulqulaya tahriibayaal badan oo ka imaanaya dhinaca Itoobiya, safarkooduna ku beegsanaya magaalo xeebeedka Boosaaso oo ay si dhuumaaleysi ah uga tahriibaan. Safarka muhaajiriinta ayaa ku soo beegmaya xili ay cimilada magaalada Boosaaso aad u kulushahay, safarka badduna uu adag yahay maadaama lagu guda jiro bilihii bad xiranka. Tiradii ugu badneyd ee tahriibayaasha ayaa maanta waxay lug ku mareen waddada dheer ee laamiga ah ee dhex marta degmada Carmo oo 100 Km u jirta magaalada Boosaaso. Labadii bilood ee udanbaysay waxaa Puntland soo gaarey Dad ka badan toddoba kun oo qof.