Author: Jibril Qoobey.

Beesha Isaaq waxay rabtaa in ay hesho Jamhuuriyad madaxbanaan oo iyagu ay ka yihiin Dadka ugu badan,sidoo kale ay leeyihiin caasimadeeda iyo isha dhaqaalaheeda. Hadii ay waayaan Jamhuuriyadaas waxaa qorshahooda labaad yahay in ay helaan wax qaybsi laba Jamhuuriyadood ama laba dhinac oo Somaliya oo midoobay. Tusaale” Hadii Koonfur ay qaadato Madaxweynaha Jamhuuriyada in Waqooyigu helo Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada . Sidoo kale Awoodaha dalka sidaa iyo si la mid aha loo qaybsado. Beesha isaaq hadafkeedu waa in ay awood dheeriya iyo sad bursi hesho,iyadoo labadaa qorshe midkood adeegsanaysa. Beesha Isaaq walwalka ugu badan ee haysta ayaa ah hadii beel beel wax…

Read More

Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha. Ciidamada ammaanka ugu danbeyntii soo afjarayay weerarka xarunta oo ay ku ay wadda degan yihiin Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga. Xaruntan ayaa markii hore lagu weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysan oo gaarayay saddex dagaalame ay gudaha u galeen. Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay…

Read More

Ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen hawlgal ay dib ugu qabsanayeen dhismaha Otto Otto oo xarun u ah wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga kadib markii saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhismaha weerar ku galeen.   Dad goobjoog ah ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen qaraxyada iyo rasaastii xigtay ee ka dhacay dhismaha.   Madax gaadiidka gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance, Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden, ayaa sheegay in 21 qof oo dhaawac ah oo 5 kamid ahi yihiin haween ay ka qaadeen goobta weerarku ka dhacay.   Al-Shabaab…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xadhigga Ka Jaray Hospital Cusub. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta oo taariikhdu tahay 06-july 2018 xadhiga ka jaray Hospital casri ah oo laga hirgaliyey magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka Hospitalka Wasiirka caafimaadka Puntland, qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir, isimo iyo bulshada qaybeheeda kala duwan. Hospitalkan casriga ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Carafaad Hospital waana Hospital si casriya loo dhisay lehna adeegyo baahi wayn ay u qabeen shacbka Puntland, wuxuuna kakoobanyahy qaybaha qaliinka, shaybaarka , hooyada iyo dhalaanka iyo qayba badan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah. “Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed. “Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.” “Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa…

Read More

Dowlada Jubbaland ayaa Dowladda Fadaraalka Soomaaliya u qortay warqad cabasho ah oo ku aadan dhibaatooyinka amniga iyo Siyaasadda halista ku ah ee laga wado degaamada Jubbaland, kuwaasoo ay ku eedeeysey in ey waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya.   Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in hub ay wadeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somaliya uu ugalay gacanta Al-Shabaab.   Maamulka ayaa sheegay in hubkaas loogu tallo galay lagula dagaalamo al-shabaab balse hadda uu iyaga gacanta u galay, iyagoo xusay in arintaas ay ku timid la tashi la’aan.   Qodobada cabashada ah ee kasoo baxay Jubbaland ayaa…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuur 25% ah kusoo rogay in ka badan 800 oo ah badaceedo ay China soo saarto. Canshuurtan ayaa dhaqan gashay jimcihii, markii saacadda ay hal daqiiqo dhaaftay 12-kii aroornimo, xilliga Washington. Beijing ayaa ka digtay inay si xooggan uga aargudan doonto canshuurtan la saaray alaabha ay sameyso, oo gaareysa 34 bilyan oo dollar. Afhayeenka wasaaradda ganacsiga China, Gao Feng ayaa weriyayaasha u sheegay khamiistii in China aysan ridi doonin xabadda koowaad, hase yeeshee aysan u furnaan doonin wax aan ka ahayn inay difaacdo danta China iyo dadkeeda. Gao waxa uu sheegay in China aysan madaxa…

Read More

Degmada Moyale oo ku taalla xadka Ethiopia iyo Kenya waxaa lagu soo warramayaa inay ka dhaceen dagaallo iyo qul-qulatooyin dhexmaray Soomaalida iyo Oromada. Wararka ayaa sheegaya in dagaalladan ay dhaliyeen barakac. Haddaba sida ay wax u dhaceen iyo xaaladdu siday imiaka tahay, ayaa weriyaheena Ibraahim Daanduray wuxuu ka wareystay nin cod-saday inaan magaciisa la sheegin oo ku sugan gudaha Moyale,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka warka

Read More

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa toddobaadkan meel mariyay qaraar ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Qaraarkan ayaa waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somalia ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo lagu sheegay uu dhaliyay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Somalia, iyagoo ku ciqaabaya go’aanka Somalia. Baarlamaanka ayaa dhinaca kale dowladda Imaaraadka ku booriyay inay joojiso falal xasilooni-darro ka abuuri kara Somalia, sidoo kalena ay ixitiraanto madaxbannaanida dhuleed iyo qaranniamada Somalia,hoos ka dhagayso codka. Halkan hoose ka dhagayso codka warkaas

Read More

Shirweynaha ururka ONLF ee Asmara ayaa weli ka socda magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ethiopia. Shirka oo la filayo in dhowaan lasoo geba gebeeyo, ayaa waxaa mar kale guddoomiyaha ururka loogu doortay Mohamed Omar Osman, oo xilkaasi hore u hayay. Shirweynaha ayaa sidoo kale wax looga baddalay qaab dhismeedka JABHADDA. Wararkii ugu dambeeyey ee shirka iyo arrimo kale oo quseeya ururka ONLF ayaa Axmed Cali Shiikh waxa uu ka wareystay afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo ku sugan Asmara,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Ciilmooge

Read More

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif oo loo haysto eedeymo musuq maasuq.   Waaxda la dagaalanka musuq maasuqa Pakistaan ayaa in badan dib u dhigtay dacwdaha loo haysta Nawaz Sharif.   Sharif ayaa horraan dacwad uu ka codsanaya in dib loo dhigo go’aanka u gudbiyay maxkamadda isagoo ku sugan magaalada London halkaaso looga dawaynaya cudurka Kansarka.   Nawaz Sharif ayaa ku tilmaamay dacwadaha ka dhanka ah isaga kuwo la siyaasadeeyay.

Read More

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed will travel to the United States at the end of July to meet with members of the Ethiopian diaspora, state-affiliated media Fana said, citing the foreign minister.   The statement did not mention whether Abiy would meet with U.S. government officials.   Since taking office in April, the 41-year-old former intelligence officer has announced plans for sweeping economic and political reforms.   He came to power after his predecessor resigned earlier this year amid protests against abuses by security forces and public anger over perceived ethnic marginalization of many groups in the racially diverse country.

Read More

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya Birtukan Ayano ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu la kulmi doono Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Mareykanka, Wakiilada ururada caalamiga iyo jaaliyaddaha Itoobiya oo ka mid ah kuwo ugu ballaaran ee Mareykanka ku nool   Bulshada Itoobiyaanka ee ku nool Mareykanka ayaa ahaa kuwo ugu badan mucaaradka ku ahaa dowladda Itoobiya iyo qaabkii dalkaas u xukumeysay 20-kii sano ee u dambeeyay.   Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagayo Mareykanka ayaa la filayaa inuu xoojiyo wada hadalo dhex mara dowladda iyo bulshada Itoobiyaanka oo lagu tilmaamo kuwo ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee…

Read More

Qaraxan oo ahaa miino Wadada dhinacaceeda lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo ku yaalla Wadada aada degmada Deeyniile ee ka tagta Kulliyada Jaale Siyaad ee degmadaas.   Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayeen gaari ay wateen ciidamada dowladda Fadaraalka Soomaaliya balse aysan gaarin wax khasaaro ah.   Qaraxa kadib ayaa waxaa Ciidamadii saarnaa gaariga waxay fureen rasaas fara badan,iyadoo ay goobta gaareen markii danbe Ciidamo kale kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.

Read More

Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.   ku dhawaad ilaa 10 Hoobiye ayaa ku soo dhacay deegaanka Fax Fax-dhuun ee duleedka degmada Baardheere.   Majirto xog dhab ah oo laga hayo inta uu la egyahay Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.   Al-shabaab ayaa sheegtay in ey dukheeyeen Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayna Gaarsiiyeen Khasaaro..

Read More

Xubnaha Baarlamaanka ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, markii maalin ka hor Golaha Wasiirada Itoobiya isku raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qeyb ka ah qorshaha is bedelka uu qaaday Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Boqolaal maxaabiis oo u xirnaa siyaasadda ayaa dhowaan laga sii daayay xabsiyada Itoobiya, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka. Itoobiya ayaa horay u aqoonsatay ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin ururo argagixiso ah oo qatar ku ah Ammaanka Qaranka Itoobiya.

Read More

Nin iyo Naag is-qaba ayaa ku jira xaalad khatar ah dalka Britain, kadib markii loo adeegsadey sun la mid ah tii lagu weeraray nin hore uga tirsanaa Sirdoonka Ruusha iyo gabadhiisa. Warkan ayaa laga soo xigtey sarkaal sare oo ka tirsan la dagaalanka argagaixisada ah dalka Britian. Ninka iyo naagtan ayaa loo aqoonsadey Dawn Sturgess oo 44 sano jir ah iyo Charlie Rowley oo 45 jir ah, kuwaasoo saxiibadood ay heleen ayagoo miyir doorsoon meel 13 KM u jirto Salisbury oo aheyd halkii lagu waxyeeleeyey Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia oo la helay bsihii March. Hay’adda la dagaalanka argagixisada ayaa…

Read More

Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu qabtay carwo lagu kireynayo xabsigii uu mudada dheer ku xirnaa madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela, waxaana habeenkii lagu seexanayaa lacag dhan $250,000 ama rubuc malyuun doolar.   Waxaa halkii habeen ku hoyanaya xabsigan illaa 67 qof , halkaas oo ahayd xabsi si weyn loo illaaliyo.   Mandela ayaa 18 sano ku jiray xabsiga, isaga oo wadarta guud xirnaa 27 sano, muddooyin kalena kusoo qaatay xabsiyo kale.   Hay’ad lagu magacaabo CEO Sleepout , taas oo doonaysa in ay xusto maalinta Mandela oo ku beegan 18-ka bishan .   Mandela oo u xirnaa, lana dagaalamay…

Read More

Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa faafaahin ka bixinaysa sida ciidamada Ammaanka Itoobiya ay jirdilka ugu gaystaan islamarkaana ay u kufsadaan maxaabiista siyaasadda ee gobolka Soomaalida Itoobiya. Warbixinta oo ka kooban 88 bog islamarkana ay soo saartay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeynaysa tacadiyo saraakiisha Itoobiya iyo booliiska deegaanka ee loo yaqaano Liyuu ay ka geysteen “jeel ogaadeen” . Inta badan maxaabiista ayaa xabsiga la dhigay iyaga oo aan wax maxkmad ah la soo taagin sida ku cad warbixinta. Hay’adda Human Rights Watch ayaa warbixinteeda ku sheegtay in inta badan dadka lagu xiro…

Read More

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee dowladda Fadaraalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dalka Shiinaha.   “Waxaa maanta heshiis kalluumeysi oo hal sano ah la saxiixannay madaxa ugu sarreyo shirkadaha dibadda ee dalka shiinaha mr Davy Chen, si aan ugu faa’ideysano kheyraadka baddeena waxaanan si dhaw ula socon doonaa kalluumeysiga shirkadaha dalka shiinaha ee imaanaya dalkeenna”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.   Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shatiyada kalluumeysiga la siinayo shirkadaha dalkaasi shiinaha ee ka shaqeeya kalluumeysiga, isla markaana ay si dhow ula socon doonaan kalluunka ay…

Read More

Cabdikariim Sh.Muuse Qalbi dhagax oo ay horey DF Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya August 2017, lagana sii daayay Xabsiga Itoobiya 26-kii June 2018 ayaa goor dhaw ka dagaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Boqolaal kamid ah taageerayaashiisa ayaa dhooban wadooyinka Garoobka diyaaradaha ee Jomo kenyata, Xildhibaano katirsan baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo aad u diidanaa dhiibitaankiisii ayaa kusugan garoonka qaybna ka ah sood haweyntiisa.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ju15-UQK4r8

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka. “Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”…

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa digniin kama dambeys ah ka soo saaray Xoolaha ku nool magaalada Muqdisho ee wareegaya Suuqyada, Wadooyinka iyo Xaafadaha Muqdisho kuwaas uu sheegay in ey wax u dhimayaan Nadaafadda iyo Bilicda Gobalka Banaadir.   Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Milkiilayaasha Xoolaha ee aan ka ilaalin Gudaha magaalada isagoo kula taliyay iney Guryahooda iyo xeryaha gaarka ee loogu talagalay ay ku heestaan Xoolaha ay mulkiyadooda leeyihiin.   Arintaan ayuu ku sheegay in ey tahay mid wax looga qabanayo Nadaafadda Muqdisho…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.   Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.   “Howsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno”…

Read More

Waxaa xalay la soo gabagabeeyay ciyaartii u dambeysay ee wareega 16-ka, iyadoo xulka Ingiriiska uu rigoorayaal ugu soo baxay wareegga 8-da , kaddib markii uu ka adkaaday xulka Colombia.   Ciyaartii dhex martay xulalka Ingiriiska iyo Colombia ayaa la isla dhaafi waayay 90-kii daqiiqo 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeraad ah, hase ahaatee wax goolal ah ma aanay iska gelin.   Intaas kaddib ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaa, waxaana Ingiriiska uu rigoorayaashii la dhigay ku badiyay 4 iyo 3, waxaana xulka Colombia iska lumiyeen fursad soo martay oo ay kaga faa’ideysan lahaayeen rigoore ay iska khasaariyeen Ingiriiska, balse Colombia…

Read More

Wiilka hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa ku dhintay howlgal ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Homs ee galbeedka dalka Syria, sida ay baahisay warbaahinta Daacish ee al-Nashir News. Ayada oo soo bandhigtay sawirka wiilka yar oo lagu magacaabo Hudhayfah al-Badri, ayaa warbaahinta waxa ay sheegtay inuu ku dhintay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa dowladda Syria ee jooga Homs. “Hudhayfah al-Badri (Allaha aqbalee), wiilka khaliifka (Allaha xifdiyee), waxaa lagu dilay howlgal ka dhan ahaa ciidamada Russia iyo kuwa Syria ee jooga Wilaayada Homs” ayaa lagu yiri qoraalka al-Nashir. Si madax banaan looma xaqiijin karo dhimashada Hudhayfah…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo oogay dacwado lala xiriira fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah. Najib ayaa waxaa maanta lasoo taagay maxkamad hosoe ayada oo lagu eedeeyey saddex kiis dambiyeed oo ku saabsan inuu lumiyey kalsoonidii lagu aaminay iyo hal kiis oo musuq maasuq ah. Najib ay shalay gurigiisa ay ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia. Najib ayaan qiran wax dambi ah markii maanta maxkamadda la horkeenay. Waxaa lagu sii daayey damaanad ah 250,000 oo dollar, waxaana lagu amray inuu dhiibo laba baasaboor oo uu haystay. Maxkamadeyntiisa…

Read More

Ugu yaraan 10 qof oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dad tuulo-joog ah ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada xagjirka ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Caad oo galbeed ka xiga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Weerarkan ayaa wararka ka imanaya dadka degaanku sheegayaan inuu ka dambeeyay markii dadka degaanku diideen codsi uga yimid Al-Shabaab oo ahaa inay keenaan wiilal ka mid noqda ururka Al-Shabaab. Halkan ka dhagayso warbxinta dagaalka

Read More

Waxaa isa soo taraya tirada dalalka danaynaya in ay maamulaan dekada Soomaaliya , taas oo mararka qaar horseeday xasarad dublamaasiyadeed maadaamaa dalalka ka mid ah kuwa dekadaha raba aad isugu dhacsanyihiin.   Dalkii ugu dambeeyay ee soo bandhigay damaca ay uu ka qabo dekedaha waa Qatar, kaas oo wafti heer sare ah oo wasaaradda dekadaha ka socday usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la qaatay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre.   Sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda, socdaalka waftiga ayaa ahaa mid kormeer ah kadib heshiisyo ay horey u wada galeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda Qatar mar uu madaxweynaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 04 july 2018 waxaa uu xafiiskiisa ku sagootiyey madaxa UNFPA Puntland mudane Bakhtior Kadirov, kadib markii loo bedaley dalka Bakistan. Hay’adda UNPFA ayaa Puntland shaqoyin baaxad leh ka fulisa sida, daryeelka Hooyada iyo dhalaanka, taageerada Hospitalada shaybaarka DNA iyo shaqooyin kaloo farabadan oo muhiim ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Hay’adda UNFPA iyo mudane Bakhtior Kadirov ku ammaanay ugana mahad celiyay Shaqada wanaagsan ee ay dalka ka fuliyeen intii uu xafiiska UNFPA madaxda ka ahaa Mudane Bakhtior, isla mar’ahaantaana madaxwaynayaa ayaa sheegay inuu…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo diidmada Shilinga Soomaaliga. Banaanbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Bulshadda kunool Magaalada Gaalkacyo, waxaana ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ganacsatadda magaalada ay diideen in ay qaataan lacagta Shilinga Soomaaliga. Qaar kamid ah Ganacsatada haweenka ah ayaa hormuud u ahaa dadka dibaxa dhigayey kuwaasoo muujinayey sida ay uga xunyihiin diidmada shilinka Soomaaliga ah gudaha magaalada Gaalkacyo. Maamulka Gobolka Mudug ayaa arinkan ka hadlay,shir jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Abgaaloow ayuu ku shaaciyay amaro  uu soo saaray,hoos…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 3 July 2018 xafiiskiisa Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socdey hay’adda ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa ICRC Soomaaliya MR. Simon Brooks. Wafdiga hay’adda ICRC ee uu hoggaaminayey MR. Simon Brooks ayaa waxaa ka mid ahaa kuxigeenka madaxa ICRC Mr. Gauthier John Lefevre, isu duwaha hay’adda ICRC Soomaaliya Peter Lick iyo Madaxa hay’adda ICRC xafiiskeeda Puntland Abdifatah Fandhaal. Kulanka Madaxweynha iyo hay’adda ICRC oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa looga hadley halka ay marayaan mucaawinooyinka bani’aadaminimo iyo mashaariicda kale ee ay Hay’adda ICRC ka fuliso deegaanada Puntland…

Read More

Ugaaska Mareexan ugaas Mohamed wali oo farmaajo ugu baaqay inuu is casilo wuxuu yiri Farmaajow waad fashilantay ee xilkaan iskaga tak waxan kuu maleenenay inaa tahay kii Somalia Samata bixin lahaa lkn waxad noqotay kii ugu liitay Ugaaskii Ku qabiilka ahaa Farmaajo haduu qarin waayya qaladadkiisa soo lama dhihi karo Farmaajo waa ku fashilmay Hogaanka dalka,Hoos akd aaow muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/habargidirnews/videos/1875962015759525/

Read More

Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho. Hubkan ayaa ka kooban qoryaha AK47 oo la ii sheegay inay gaadhayaan 300 qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo milatari. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda. Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya. Waxaa kale oo su’aali…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta la xiray ayada oo lala xiriirinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Najib ay maanta gurigiisa ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia. Xarigiisa ayaa waxa uu xiriir la leeyahay lacag lagala baxay hay’adda horumarinta dhaqaalaha dalkaas ee 1MDB. Ra’iisul wasaaraha hore ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dacwad loogu soo oogo maalinta arbacada. Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in 4.5 bilyan oo dollar laga xaday hay’adda 1MDB, ayada oo qeyb ka mid ah lacagtaas ay ku dhacday sanduuqyada lacageed…

Read More

Waxaa jira ceelal shidaal ah oo aysan wax war ah ka hayin Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida uu sheegay madaxweynaha Cabdi Maxamuud Cumar. Muuqaalkan oo baraha bulshada dhex socda ayuu madaxweynuhu ku qirayaa in uu jiro aag shidaal dhooban yahay oo uusan waxba kala soconin hawsha ka socota. Isaga oo arrintaas ka hadlaya ayuuna yiri “gobolka Jarar oo cobole ah akabaabigeeda (waa eray Amxaari ah oo macnihiisu yahay agagaarkeeda) mid baa iska haysta Tewadhros la dhoho, mooji kaasu”. Madaxweynaha ayaa intaas sii raaciyay “haddase waa la isaga daba yimid” mana cadda waxa uu ula jeedo. Madaxweynaha ayaa hadalkaas ka jeediyay…

Read More

Waxaa la nasakhay dhammaan heshiisyadii lagu bixiyay dhulka Jardiinooyinka ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Injineer Yariisow. Dhulka jardiinooyinka ayaa ah dhul ay dawladdu u qoondaysay in ay magaaladu ku kala neefsato, shacabkuna ku nastaan oo indhaha u roon. Dhulkaas ayaa ku kala yaala isgoysyo badan, balse maamulladii xukuumadda hadda jirta ka horreeyay ayaa shaqsiyaad ku wareejiyay. Dhulkaas ayaa laga dhigtay, kaalimo shidaal, makhaayado iyo dhismeyaal. Duqa Muqdisho ayaase hadda u qabtay muddo 30 maalmood ah si ay hantidooda uga daldashaan maadaama oo la joogo wakhti…

Read More

Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili. Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen…

Read More

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan waxayna kawada hadleen xiriirka aan wanaagsaneen ee u dhaxeeya Labada dowladood ee Soomaaliya AUE Labada Dhinac ayaa Intii uu socday kulanka waxay isla soo qaadeyn is faham darrada u dhaxeysa labada Dal taas oo saameysay dhamaan xiriirkii Labada Dowladood oo muddo iskaashi xoog leh ka dhaxeeyay. Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida…

Read More

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Nouakchott ee caasimadda dalka Mauritania uga qeyb galay shir madaxeedkii Midawga Afrika, ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Moussa Faki Mahamat ayaa ka wada halay nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo sida Midawga Afrika ay usii wadi lahaayeen taageerada Dawladda Soomaaliya la siiyo iyo hannaanka Soomaaliya ay amnigeeda kala wareegayso ciidamada nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM). Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ethioipia Hailemariam Desalegn,…

Read More

Wasiirka ayaa sheegay in dhismaha guddigan uu yimid muddo 6 bilood ah ka dib oo ay Wasaaraddu wada-tashiyo caddeymo leh la yeelanaysay dhinacyada uu sharcigu dhigayo oo kala ah dawladda, dhinacyada isgaarsiinta (sectorka), iyo xubno ka kala imanaya bulshada rayidka iyo bahda sharci-yaqaannada, si loo dhiso guddi dhammeystiran. Wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnaha guddigan ka dib markii uu la kulmay dhammaadkii bishii hore, isagoo intaasi ku daray in guddigan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse uu yahay mid farsamo oo aqoon iyo waayo-aragnimo lagu xushay. Wasiirka oo uu dhinaciisa fadhiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, ayaa sheegay in…

Read More

Dowladda Puntland oo war saxaafadeed goor dhoweyd oo maanta ah warbaahinta u qabatay ayaa war ka soo saartay xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo hadalo dhowaan ka soo yeeray maamulka Soomaaliland oo gacanta kuhaya Tukaraq,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/1834392209974883/

Read More

Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay.   Ceelashan oo daboolka laga feeday 28-dii June, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.   Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.   Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo…

Read More

Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan caqabado waa weyn oo keenay dib u dhacyada xooggan ee dib uu eegsita dastuurka xilligan. Gudoomiyaha guddiga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in caqabadahaas ay ka midyihiin Gacmaha ajaanibta, madaxda Soomaalida iyo miisaaniyad la’aanta. Guddiga ayaa maanta Mqudisho kaga dhawaaqaya in ay bilaabayaan dib u eegsita dastuurka KMG ah. Warbixintan waxaa noo soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle,hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka Daahir Afrax

Read More

Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya. Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax. Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax, islamarkaana VOA weli kuma guuleysan inay khadka teleefonka ku hesho mas’uuliyiinta dowladda,hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka

Read More

Xulka Brazil ayaa gaaray wareega sideeda ee Koobka Aduunka kadib marki 2-0 uga badiyeen xulka qaranka ee Mexico, ciyaar ka dhacday garoonka Samara Arena ee magaalada Samara. Guusha ay gaartay Brazil oo aheyd mid ay u qalantay waxaa door weyn ka ciyaaray xidigooda Naymar oo dhaliyay goolka koowaad daqiiqadii 51-aad, goolka labaadna wuxuu ahaa mid uu baasay isla Naymar, balse uu shabaqada ku hubsaday daqiiqadii 88-aad ciyaaryahan Firmino oo dhamaadki ciyaarta baddal kusoo galay. Waa marki todobaad oo ay Mexico ku dhacdo in ay u gudubto wareega sideeda koox ee ciyaaraha aduunka. Halka Brazil ay taasi caksigeeda markeedii todobaad oo…

Read More

ayiraddii saarnayd xoolahii loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga ayaa la qaaday kaddib markii mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya ay kulan arrintaasi looga arrinsanayo ay kala yeesheen Sucuudiga.   Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Sheikh Nuur Maxamed Xasan wuxuu sheegay in hadda lagu guulaystay in xayiradda laga qaado xoolahii loo dhoofan jiray Sucuudiga   Dalka Sucuudiga ayaa sannadkii 2016-kii sheegay inaysan qaadanaynin xoolaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegen in xoolaha ay qabaan xumada Riftvalley.   Wasiirka ayaa intaasi ku daray in wasaaradda xannaanada xoolaha ay xaqiijisay in xoolaha aysan qabin cudurka.   Wasiirka ayaa hadalkani sheegay xilli uu la hadlayay…

Read More

afiya oo ah robot sidii qof banii’aadan ah loo qaabeeyay ayaa ugu dambayntii kulan la qaadatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib markii dhawaan qaybo kamid ah robotka oo lumay dib loo helay. Safiya waxay kala hadashay Abiy Axmed arrimaha teknooloojiyadda iyo sidii loo ballaarin lahaa curinta fikaradaha casriga ah ee waxtarka u leh dunida halka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu dhankiisa sheegay in uu taageerayo sare u qaadidda barnaamijyada teknooloojiyadda ee qaaradda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/rhsJMemrMb8

Read More

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Askari la sheegay in uu ka tirsan Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa goor dhow ku Qarxay meel aan ka fogeyn Isgoyska Siinay ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi lagu xiray Gaariga uu watay Askariga ka tirsan Ciidamada Dowlada. Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helyo Qaraxaasi goor dhow ka dhacay Isgoyska Siinay ee magaalada Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta Xorriyadda wadanka ee 1-da Luulyo. Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay: Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda. Dowladda Mareykanka waxaa ay naawileysaa in ay jaal la ahaato shacabka iyo dowladda federaalka Soomaaliya si ay u gaaraan mustaqbal ifaya. “Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran,…

Read More