Author: Jibril Qoobey.

Muhiimada uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo doorka badbaadinta ee Madaxweyne Gaas” Madaxweyne Gaas ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii loo soo celin lahaa. xiriirkaas muhiimka u ah Somaliya,waxuuna todobaadkan u baqoolay dalka Imaaraadka Carabta si uu iskugu dayo in uu ka dhaadhiciyo masuuliyiinta dalkaas in aysanaku deg-degin khilaaf xoog leh oo kala dhexgala labada dhinac. Madaxweyne Gaas ayaa qaatay door shariif ah oo dhex-dhexaadin ah ,waxayna ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo sheegeen in uu ku guulaystay ka dhaadhicinta masuuliyiinta imaaraadka dhex-dhexaadin uu kaa dhex sameeyo dowlada Fadaraalka Somaliya iyo dowlada Imaaraadka Carabta,sidoo kale…

Read More

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Bosaso,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland,masuuliyiinka Gobolka Bari.iyo dadweyne aad ufara badan. Madaxweyne Gaas ayaa ka warbixiyay safarkisii dalka imaaraadka carabta waxuuna sheegay in arimihii uu u tagay dalkaas ee kala ahaa arimaha amaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in ay guul ugu sood hamaadeen. ”Imaaraadku waa dal iyo dad aan walaalo nahay oo si walba iskugu xiranahay sinaan aanan ukala maarmin si walba oo uu xaalku yahayna wa ain laga gudbaa oo layska afgartaa caqabadaha yimaada”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas ayaa baaq ka diray fatahaada…

Read More

Waxaa soo dhamaatay wareegii koowaad ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartameen ilaa 10 musharax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa wareega labaad isugu soo haray ilaa Afar Musharax oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo helay 83 cod, Ibraahim Isaaq Yaroow oo helay 69 cod, Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareed oo helay 55 cod iyo Shariif Maxamed Cabdalla oo helay 19 cod. Akhriso sida 10 musharax u kala helleen codadka : 1- Xildhibaan Maxamed Mursal Sh 83 Cod 2-Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow 69 Cod 3- Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen 54 cod 4- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla…

Read More

Inaa lilaahi wa inaa Ileyhim Raajucuun Geeridu waa Xaq, Allaha u naxariisto Maama Xaaliimo Soofe Faarax Xassan Warsame (Khalaf), ayaa saaka waabarigii ku geeriyootay Maagalada Garoowe kadib markii ay tukatay Saaladii Subax. Maama Xaali Soofe oo aan halkaan lagusoo koobi karin Tariikh Nololeedkeedii dheer ayaa waxaa aad loogu yiqiinay kaalmeynta dadka dhibaateysan iyo sama falkooda, Mamada ayaa ka mid aheyd Halyeeyadii Gobonimadda Soomaaliya dhaliyay, waxeyna dhalatay 1929-kii waxeyna Geeriyootay 30-04-2018 Sacada Geeska Afrika Markey ahed 05:40 Subaxnimo Maalin Isniin ah. Maamulka iyo Howl wadeenada Bogga Caalamiga ee allidamaale waxey Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Caruurtii iyo Caa’iladii ay ka…

Read More

Rabi ha u naxriisto janadiina haka waraabiyo samir iyo iimaan hanaga wada siiyo suldaan Maxamuud Geele Cumar oo saakay ku geeriyooday Copenhagen.   Suldaan Maxamuud oo ka mid ahaa Isimada Puntæland iyo Jubaland ayaa maalmihii udanbeeyay ku xanuunsanaa Dalka Danmark.   Suldaanka ayaa maalinak beri ah lagu aasayaa Magaalada Copenhegen ee caasimada Wadanka Danmark.   Bahdi idilNews waxay Tacsi udirayaan guud ahaan Umada Somaliyed oo uu Suldaanka ka baxay,gaar ahaan qoyskii iyo eheladii oo ugu horeeyo Cabdinuur Maxamuud Geelle.

Read More

The United Nations Mission in Somalia (UNSOM) condemns today’s suicide bombing in the city of Gaalkacyo, which reportedly killed government security officers and civilians. “This attack occurred because extremists feel threatened by the progress that is being made with reconciliation efforts in Gaalkacyo,” said the head of UNSOM, the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Michael Keating. “The country has suffered enough violence and bloodshed; it is time for reconciliation,” he added. “The people and authorities in Gaalkacyo are courageously finding a way forward; they should not be derailed by this assault on their chances of a peaceful future.’’ According…

Read More

Hoggaamiyaha Kuuriyda Woqooyi Kim Jon Un ayaa wacad ku maray inuu xirayo xarunta hubka nukliyerka ee dalkiisa bisha May oo uuna hanaankaasi u furan yahay khubarada iyo wariyayaasha kuuriyda Koofureed iyo Maraykanka, sidaasna waxaa lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee kuuriyada koofureed.   Kim ayaa hadalkan sheegay intii uu socday kulan isaga iyo hoggaamiyaha kuuriyda koofureed Moon Joe maalintii Jimcaha ku dhex maray magaalada Seol, halkaas oo uu kaga hadlay rajada wanaagsan ee uu ka qabo kulanka la filayo in dhowaan uu dhex mar Kim Jon Un iyo madaxweynaha maraykanka Donald Trump. Isagoo sheegay in madaxweynaha Maraykanka…

Read More

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da,doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuldarreystay inuu qaado koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CECAFA, kadib marki ciyaarti kama danbeysta aheyd ay 2-0 ku khasaareen dhigooda Tanzania. Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Gitega ee dalka Burundi ayay ciyaartooyda Tanzania goolasha kala dhaliyeen labada gelin ee ciyaarta.Dhalinyarada Soomaalida ay keenay laba gool hase yeeshee garsoorihi ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa ogolaan waayay sababo la xiriira qaar ka mid ah ah ciyaartooyda oo ku jiray offside. Qeybtyi hore ee ciyaarta ayaa waxaa carqaladeeyay roob xoog leh oo sababay in ciyaarta la hakiyo marki…

Read More

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa howlgal culus oo lagu soo celinayo bilicda magaalada laguna burburinayo dhismayaasha sharci darrada ah iyo kuwa aan bilicda magaalada ku haboonayn looga bannaynayo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso. Howlgalkaani ayaa waxaa bilowgiisa goob joog ka ahaa, wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ahna gudoomiyaha gudiga soo celinta bilicda Boosaaso Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo xubnaha kale ee guddigaasi ka kooban yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TIJPeIgqp6Q

Read More

Waxaa shaqadii ay ka hayeen Xaafiiska ra’isalwasaraha dowlada Fadaraalka ah laga eryay laba muwaadin oo Soamliyed gaar ahaan kasoo jeeda Puntland. Labadan masuul ee shaqada laga eryay ayaa kala ah Xarbi Cali Kulane oo ahaa Communication Director iyo Ahmed Faarax Yare oo ahaa Policy delivery director. Haba yaraatee ma jirin wax danbiya oo ay galeen ama khalad shaqo oo ay ku kaceen sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka mid ah shaqaalaha Xaafiiska Ra’isalwasare Khayre oo aan wax ka waydiinay cayrinta masuuliyiintan. Waxa kaliya ee ay eersadeen labadan masuul ee shaqada laga eryay,ayaa ah in ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan Puntland.…

Read More

Waxaa sii kordhaysa saameynta iyo khasaaraha ka dhashay fatahaado iyo daadad xoogan ee ay sababeen roobabkii ka da’ay qaybo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo wareysi gaar ah laanta AfSoomaaliga ee BBC siiyey ayaa wuxuu sheegay in inka badan 80% dadkii ku noolaa magaalada Baladweyne ay iminka ku sugan yihiin dhulka bannaanka ah ee magaalada ka baxsan ka dib markii biyihii daadku dhaliyeen ay ku soo rogmadeen guud ahaan magaalada ayna galeen guryahii. “Magaaladda haatan waa laga soo baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay roobabkiina way…

Read More

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalkaah ayay waxay  ugu  Baaqeen  Xukuumada Federalka  Soomaaliyeed,  Ganacsatada,  Soomaaliyeed,  Qurba Joogta  Soomaaliyeed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed,     Hay’adaha Samafalka,Qaramada midoobey iyo Deeq Bixiyaasha in  ay  gurmad  degdega oo  bani’aadanimo la gaaraan  dadka  ku  nool  Dowlad  Goboleedka Hirhabelle ee    waxyeelada bi’ni aadannimo ka soo gaartey fatahaada Wabiga Shabelle. Halkan hoose ka akhriso:-

Read More

Hay’adda Atlantic Council Warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in kooxo Dano siyaasadeed leh ay ku dul Hardamayaan madaxweyne Farmaajo , ayna dawladda soomaaliya ka muuqato Habacsanaan .. Wariyaha warbixintan diyaariyay Cabdirisaaq Juba ayaa si faahfaahsan u iftiinshay saamaynta Fahad Yaasiin ee Vila Somaliya iyo khatarta isa sii taraysa ee Ictisaam ay kuhayaan dowladnimada Somaliya. icitisaam waa Uurur ay ku midoobeen kooxo kasoo kala baxay ururada Alshabaab,Alitixaad,iyo Al Islaax,kuwaasoo hadafkoodu yahay in ay gacanta ku dhigaan hogaaminta dalka Somaliya. Ictisaam waxay si gaar ah u qorsaynayaan in ay gacanta ku dhigaan hogaaminta Ciidamada,isla markaana maleeshiyo iyaga taageersan oo tiro…

Read More

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.   Waxaa uu sheegay in marka laga reebo Soomaliland inta kale ay waddaan kulamo ballaaran oo ku aadan mideynta canshuuraha dalka.   Wasiiradda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ayuu sheegay in yeeshaan kulamo joogto ah oo ku aadan sidii loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, maadaama hadda dowladda ay canshuur ka qaado magaalada Muqdisho oo kaliya.   Hadalkan ayaa umuuqda mid Wasiirku la oran karo waa ku…

Read More

Xarunta dabdamiska magaalada u ah Puntland xarunta Ganacsiga,ayaa maanta la dhagax dhigay dhismaheeda. Dhismaha xarunta dabdamsika Bosaso waxaa maalgalinaysa hay’ada UNHCR. Dhagaxdhiga dhismaha dabdamiska Bosaso waxaa ka qaybgalay una mahadceliyay hay’ada UNHCR Duqa Kmg ah ee Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. Dhismaha xaruntan dabdamiska ayaa ah miday Bosaso baahi xoog leh ay uqabtay hirgalinteeduna waxay u tahay talaabo horay loo qaaday,. Shacabka qaybihiisa kala duwan ayaa si weyn usoo dhaweeyay hirgalinta xarunta Dabdamiska Bosaso. Bosaso oo ka mid ah magaalooyinka ugu camiran geeska Africa,isla markaana si xawliya u kobcaysa ganacsigeeduna siix oogaysanyo ayaan lahayn waax dabdamis oo ku filan magaalada.hoos ka…

Read More

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa la filayaa in maalinka barri foog ah ukicitimo dalka Burindi si uu qayb uga noqdo daawadayaasha ciyaarta Kubada Cagta ee dhexmari doonta xulalka Somaliya iyo Tansaaniya,   Ciyaartaas ayaa ah Finalka CECAFA U-17 jirada.   Hadaba shacabka Somaliyed qaybihiisa kala duwan,ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin iyadoo qaybo kamid ah dalka ,gaar ahaan Gobolka Hiirraan dad lagu qiyasaay 420,000 oo qof ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay Wabiga shabelle , waxaana magaalada Beledweyne oo kaliya ka barakacay dadka ka badan 100,000 oo qof oo qiyaastii gaaraya 26 -kun oo Qoys.   Dad badan ayaa qaba in…

Read More

Xildhibaan Khaliif Shiikh Cabdullahi Khaliif (Duureey) ayaa ku geeriyooday isbitaalka Madiina halkaas oo loo geeyay si loogu dabiibo maadaama uu xanuunsanaa.   Allaha u naxariistee xildhibaanka ayaa lagu waday in qalliin lagu sameeyo isagoo caawa fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.   Xildhibaanka oo xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay ehelladiisa sheegeen in galabta la geeyay isbitaalka Madiina.   Xildhibaan Khaliif Shiikh Cabdullahi ayaa kasoo jeeday deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee Somaliya.

Read More

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay gaareen dalka Jabuuti.   Ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa waxaa soo dhoweeyay madaxda dalka Jabuuti oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti.   Safarka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu ugu baxo dalka dibadiidiisa,waxaana la filayaa inuu madaxda dalka Jabuuti kala hadlo arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso xoojinta xiriirka labada dal.   Abeye ayaa loo arkaa siyaasi furfuran oo door muuqda ka qaadan kara xoojinta amniga iyo horumarkaWadamada Bariga…

Read More

Maalmihii ee la soo dhaafay ayaa dibadbaxyo looga soo hirjeedo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay ka dhacayeen deegano kamid ah kuwa uu ka arimiyo maamulkaasi.   Deegaanada ugu badan ee dibadbaxyada ay ka dhaceyn ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shiniile la yiraahdo.   Wargeyska laga leeyahay dalka Itoobiya ee la yiraahdo Addis Standard ayaa qoray in madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeynkii maamulkaas C/Kariin Cigale kuna badalay booskaasi Xamdi Aadan Cabdi oo sida la sheegay ka soo jeeda Deegaanka Shiniile ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.   Xamdi oo lagu…

Read More

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa lagu sheegay in dastuurka hadda sida KMG ah loogu shaqeeyo yahay kan saxda ah ee lagu soo dhisay hay’adaha dowladda.   Guddiga ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan in dastuurka hadda lagu dhaqmayo yahay kan saxda ah ee hay’adda dowladda lagu soo dhisay.   Dastuurka la xaday ayaa la sheegay in uu qorayo in Madaxweynaha uu kala diro karo baarlamaanka isla markaana uu haynayo xilka muddo shan sano ah.   Hoos ka akhriso War Saxaafadeedka:-

Read More

Dawladda Kanada ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 Million oo dollar, oo loogu talogalay dadka abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyarta ah. “Barnaamijkan waa barnaamij aad u muhiim u ahaa waa barnaamij ku saabsan dowlada Canada oo ugu deeqday dadka Soomaaliyeed oo dhibaateysan 18 milyan oo dollar oo loogu talo galay 5 milyan oo dad soomaaliyeed oo soomaliya ku dhax nool oo u baahan cunto u baahan daawooyin u baahan biyo iyo ciyaalka in laga caawiyo xaga wax barashada lacagtaan waa lacag aad u muhiim u ah waxaana saa’id ku sii ah 1 milyan oo…

Read More

Xildhibaan hore hadana ah Wasiiru dowlaha Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed oo xalay qayb ka ahaa madaxdii ka hadashay daahfurida wajiga labaad mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku ka fulinayo Puntland,ayaa fariin udiray Baarlamaanka Fadaraalka. Wasiir Seed waxuu yiri”Shirkada maamusha Dekeda Muqdisho Baarlamaanka Fadaraalku waxuu ku amray in ay dalka ka baxdo,balse nasiib daro kama bixin dalka amarkii Baarlamaankana waa iska dhaga tirtay ilaa maanta waxay joogtaa dalka oo maamushaa Dekeda,iyadoon baarlamaanka soo marin.” Wasiir Seed oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri”Sidoo kale shirkada dhistay oo maamusha Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lagu amray in ay joojiso shaqada ay hayso maadaama aysan si…

Read More

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug. Dadka dhintay Badankooda oo Askar ka tirsan ciidamada Isku dhafka ah ee Gaalkacyo ka howlgalayay Bilihii  lasoo dhaafay. Cabdiqani Axmed Geyre. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa  C/qani Axmed Geyre oo asna Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Milatariga ee Isku dhafka ahaa ee gobolka Mudug ka howlgalayay  bilihii lasoo dhaafay. Talye Xoreeye. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah  Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) oo…

Read More

Puntland President Abdiwele Mohamed Ali says autonomous region is counting on Bosaso port development The UAE’s engagement with Puntland is crucial to development and security in the impoverished Somali state, its president said. Abdiwele Mohamed Ali said the Bosaso port being developed by Dubai-owned P&O would be the cornerstone of the state’s economic future, despite the current diplomatic crisis between Abu Dhabi and Somalia’s central government in Mogadishu. The country as a whole needs the expertise and investment of the UAE and others to heave itself out of poverty, Mr Ali told The National in an exclusive interview. “We have the longest coast in Africa, we have…

Read More

Boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Burco,kuwaas oo ka careysan xukunkii shalay maxkamada gobolka Maroodi jeex ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ahaa Madax dhaqameedyada Somaliland.   Maxkamada ayaa boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah.   Dadka dibaxa dhigayay ayaa dalbanayay in xabsiga laga saaro Boqor Buur-madow oo horay ciidamada Booliiska Somaliland ay ku eedeeyeen, in uu jeediyay hadal dhaawaca ah ku ah madax banaanida Somaliland.   Ciidamada Booliiska Somaliland ee magaalada Burco ayaa rasaas ku furay dadkii dibadbaxa dhigayay,iaydoo ugu danbayntii dadkii dibad baxa dhigayay xoog lagu kala eryay.

Read More

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen inaan loo baahneyn xubno korjoogto ka noqonaya Doorashada lagu balansan yahay in ay dhacdo Isniinta, 30-ka bishan April.   Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka ayaa sababta arrintan ay ku timid waxa uu ku sheegay in aysan muhiim aheyn dad badan oo hadana aanay muuqan waxqabadkooda.   Wuxuu sheegay Doorashadan in ay ka qeyb galayaan Xubnaha Baarlamaanka oo codeynaya, wuxuuna tilmaamay Musharax walba in loo gol yahay keliya Hal qof oo codadka u tiriya.   Sidoo kale Nuur Iidow Bayle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in…

Read More

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in ay ka adkaadeen awoodii siyaasadeed ee Iran ku laheyd wadamada Africa iyo dalalka deriska la ah. Wareysi uu siiyay Wargeyska US Times ee Mareykanka laga leeyahay, Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay hoos dhigeen saameyntii Iran ay ku laheyd dalalka Qaaradda Africa , iyadoo awood ahaan loo wiiqay dowladda Iran waxaana uu xusay in 95% in ay hoos u dhigantay. Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Sacuudiga uu ka dambeeyay mamnuucisata Ururka Shiicada dalka Nageira oo uu hogaaminayay Sheekh Ibrahim Zakzaky oo markii…

Read More

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-Un ayaa ballanqaaday “taariikh cusub” oo ku saasban xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya dalka deriska ah ee Kuuriyada Koonfureed. Kim Jong-Un ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Woqooyiga oo abid cagta saara dhulka Kuuriyada Koonfureed tan iyo sanadkii 1953, xilligaasi oo uu dhammaaday dagaalkii labadaasi dal. Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-Un iyo dhiggiisa koonfurta Moon Jae-in ayaa ku kulmay gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaa oo ay gacanta isku salaameen. Kim Jong-Un ayaa markii uu ka tallaabay xariiqa kala qeybiya labada dal, waxa uu sheegay in la gaaray billowga nabad dhex marta labadani dal. Kulanka…

Read More

Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa maanta xildhibaannada Baarlamaanka u qeybiyay Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday.   Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka.   Nuqulka Dastuurkan uu manta soo bandhigay guddoomiye Muudeey ayaa qodobada ku qoran qaarkood waxaa ka mid ah in muddada xil heynta madaxweynaha 5-sano, halka Dastuurka KMG ee xilligan lagu dhaqmayo uu yahay 4 sano.   Sidoo kale qodobka kale ayaa ka mid ah in madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka. Halkan ka akhriso:-

Read More

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Jubbaland ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay maxkamadeyna Askari ka tirsanay ciidamada Jubbaland oo horay u dilay Xaaskiiska 14-kii bishaan Abriil. Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee ubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid Maxkamadeynta Cabdulaahi Asad Ismaaciil oo horay u dilay Xaaskiisa. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kiisaska Maxkamada la horkeenay aysan soo dhameystirmin, sidaas daraadeedna aysan haynin caddeymo ku filan. Waxay maxkamadda sheegtay in la isku soo laaban doono 15-ka bisha May ee soo socota lana gudageli doono dhageysiga dacwadda,hoos ka…

Read More

1 Xildhibaan Iimaan C/llaahi Nuur 2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal 3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla 4- – Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye 5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye. Maalintii shalay ayaa waxaa xildhibaanadu ay dhageysteen khudbadaha ilaa 6 musharax oo xilkaasi u taagan,kuwaasi oo qofkasta uu soo bandhigayay siyaasadiisa xambaarsan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka. Guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa galidoona khudbadaha ka dib maalmo is xog wareysi iyo nasiino ah,iyadoo la isku diyaarinayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo sida la qorsheeyay dhici doonta 30 April oo ku began Isniinta soo socota,sida ku…

Read More

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya Meles Alem, ayaa sheegay in Itoobiya ay dooneyso in howlgalka nabad ilaalinta caalamiga ee midowga Afrika uu sii joogo Somalia.   Afhayeenka oo wariyayaasha la hadlay ayaa waxa uu sheegay in howlgalka loo baahanyahay inuu sii joogo Somalia ilaa laga wiiqayo awoodda Al-Shabaab.   Midowga ayaa ku dhawaaqayay qorshe lagu dhimayo ciidamada AMISOM taasoo ugu dambeyn keeneysa in ciidamada AMISOM ay guud ahaan isaga baxaan dalka mas’uuliyadda amnigana ay ku wareejiyaan ciidamada Somalia.   Meles Alem, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Al-Shabaab cagta la mariyo aadna loo wiiqo, ciidamada AMISOM ay sii joogaan Somalia…

Read More

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta ka dhacay kullan looga hadlayay amaanka guud ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Shirkan ayaa Diiradda lagu saaray  amniga Dalka iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka  Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka. Kulankan,ayaa u dhexeeya Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah iyo Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tJ-8j7cUFPg

Read More

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Abu-Dhabi ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka. Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka Soomaaliya isaga oo yiri ‘’ Awooda dalka Soomaaliya oo dhan ma’aha mid ku Urursan Muqdisho, ‘Soomaaliya ma’aha Muqdisho ‘ Muqdisha-na ma’aha Soomaaliya. Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya ee saaran…

Read More

Prof Abdiweli M Ali Gas madaxweynaha Dowlada Puntland,ayaa heshiisyo dhaqaale iyo kuwo Amni la saxiixday dawladda UAE .   Xukuumadda Puntland iyaada oo gacan ka helaysa UAE iyo Saudi Arabia ayay dagaal kula jirtaa la dagaalanka argagixisada , sidoo kale waxay ku hawllan tahay horumarinta degaanada Puntland .   Xukuumadda Puntland iyada oo dhiirragelin ka haysata xukuumadda Imaaraadka waxay ka shaqayn doontaa xallinta Isfahan waagii ka dhexdhashay dawladda Imaaraadka iyo DF. Waxaa nasiib darro ah inaan weli khilaafkii xal loo helin.   Nidaamka Muqdisho wuxuu dawladda Qatar ka gudoomay 200 oo Milyan oo loogu talagalay mashaariic Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo 30…

Read More

Ethiopia is not yet ready for foreign investments in its telecoms and banking sectors, but is interested in developing its manufacturing, Ethiopian President Mulatu Teshome Wirtu said on Tuesday. The country, which has one of the last state telecoms monopolies on the continent, has let foreign companies including fashion chain H&M set up factories in a decade-long push to change the economic focus from agriculture to manufacturing. “Ethiopia is not ready yet for accepting investments in telecoms and finance,” Mulatu said during a joint news conference with his Polish counterpart Andrzej Duda. “Our priority is manufacturing sector. Ethiopia opens door…

Read More

War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baaris ku sameyneyso hab raaca loo maray heshiiskaas la sheegay in lala galay Shirkada SKA,isla markaana hadii uu noqon waayo mid sidii loogu talo galay u dhacay uu heshiiskaas noqon doono mid aan waxba ka jirin. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedkla oo uu ku saxiixan yahay Siihaya xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/raxmaan Iidaan Yoonis. Halkan ka akhriso:-

Read More

Muuqaalka uu soo duubay Xasan Daahir Aweys ayuu ku sheegay in ay Al-Shabaab meel walba dagaal ku qaadeen,waxuuna tusaale u soo qaatay Muqtaar Rooboow oo uu sheegay in uu ka mid ahaa hogaamiyaashii u gacan geliyey gobolada Bay iyo Bakool laakin ay ka abaal dhaceen. “Runtii waxad tihiin dad khilaaf badan oo aan abaal laheyn muqtaar roobow oo howshaan idin soo bilaabay waad ku jisaarteen,Ummada waa la ilaashaadaa laakin cadawgi ayaa idinka yeeshay dadkii,waxad dhahdaan ciddii idinka hortimaado waa gaalo ama gaalo ayay la hadashay laakin waxan idin leeyahay war dadka si wanaagsan ula dhaqmo oo joojiya falalka aad sameyneysaan…

Read More

Qeybo ka mid ah muqdisho waxaa lagu kala iibsanayaa hubkii ay Ciidamada dowladda Soomaaliya ugu talo gashay dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan uu Saraakiisheedii tababaraasha ahaa kala baxday Soomaaliya.   Sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters Hubkaan oo u badan qorayaha fudud ayaa ka mid ah Hub maalma kahor laga bililiqeystay xerada Imaaraadka uu ciidamada ku tababari jirtay ee Gen,Golden oo ku taalla degmada hodan ee Gobolkan Banaadir.   Sawirro ay Reuters soo bandhigtay ayaa muujinayay Hubka oo ah Qoriga loo yaqaano AK47,isla markaana la sheegay in suuq Madoow lagu kala iibsanayo.   Arrintaan ayaa daba socotay kadib markii…

Read More

MOGADISHU, April 25 (Reuters) – At least 600 weapons were stolen in the past week from a former United Arab Emirates-run training centre in Somalia’s capital Mogadishu and are for sale in the city, weapons dealers said on Wednesday.   The weapons, including new Kalashnikov assault rifles and Chinese versions of them, were stolen by Somali National Army soldiers who had been trained by the UAE at its facility, three Somali men who purchased weapons from the soldiers told Reuters.   The Gulf nation has trained hundreds of Somali troops since 2014 as part of an effort boosted by an…

Read More

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool ayaa soo sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay qayba ka mid ah degmadaasi kadib markii ay Al-shabaab weerarayn Ciidamada Koonfur-galbeed. Afhayeenka maamulka Koofur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa sheegay in dagaalka uu wali socdo hadana aan laga bixin karin faah faahin  ku aadan dagaalkaasi. Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa koofur Galbeed oo ku socday howlgal kormeer ah jidka ay u galeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab halkaasna uu dagaal ka bilaawday. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka uu…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey ayaa furay shir gaar ah oo looga hadlayo Ammaanka guud ahaan Soomaaliya, kaas oo ay ka soo qeybgaleen wasiiro ka socda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo Wasiiro  dawladda Faderaalka ka socda. Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa khudbad gaar ah ka jeediyay shirka, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa xogaha dhanka Ammaanka ah iyo sidii Iskaashi dhameystiran loo sameyn lahaa. Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Fadaraalka Soomaaliya oo madasha kusugan ayaa ka jeediyay khudbad gaar ah oo ku saabsan ammaanka dalka iyo sidda ay wasaaraddiisu u doonayso in…

Read More

Qaar ka mid ah murashixiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta khudbado ay ku soo bandhigayeen barnaamijkooda siyaasadeed ka jeediyay golaha shacabka. Golaha ayaa dhageystay lix ka mid ah 11 murashax oo u taagan doorashadan la qorsheeyay in ay dhacdo 30-ka bishan April,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Vm1yqyiGVBM

Read More

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.   Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow. Sidoo kale, xulka Uganda ayaa iska khasaariyay gool ku laad ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.   Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.  …

Read More

Kadib talooyin iyo cadaadis xoog leh oo Madaxweyne Farmaajo la kulmay maalmihii udanbeeyay waxay ubadan tahay in uu ku dhiirado in uu Umada iyo qaranimadeeda ka hor leexiyo hagardaameeye Fahad Yaasiin. Xogtu waxay tilmaamaysaa in Madaxweyne Farmaajo lamoodo in uu hada soo baraarugayo oo kasoo laabanayo Wasaaradii lagu lugooyay ee Gaashaandhiga. Madaxweyne Farmaajo waxuu ka fakarayaa in uu isku dayi karo badalaada Agaasimhiisa madaxtooyada ,kaasoo laga yaabo hadii Madaxweynuhu ku dhiirado in loo badalo Hay’ada Saadaasha Hawada Somaliya. Dagaal xoog leh oo kaga imaanaya gudaha iyo dibada Villa Somaliya ayuu sababay Fahad Yaasiin. waxuu is toos ah iyo si dadban u…

Read More

Hay’adda caalamiga ah ee Atlantic Council oo uu fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa qoraal dheer oo ay baahisay waxay ku sheegtay in habacsanaani ay ka muuqato dawladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo. Waxa kale oo ay warbixntani daaha ka qaaday kooxo ku hirdamaya Mr. Farmaajo dushiisa oo leh dano siyaasadeed oo mustaqbal. Atlantic Council ayaa ah urur caalami ah oo talooyinkiisa ay ku go’aan qaataan Baarlamaanka Maraykanka, wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda gaashaandhiga iyo weliba hay’adda CIA. Warbixintu waxay tidhi “Sida lagu baahiyiyey warbixin ay soo saartey xarunta ciidamada dawladda Mareykanka ku leeyihiin dalka Jabuuti ( AFRICOM)…

Read More

Waxuu ka dhigay qasrigii Madaxtooyada dalka laanta sirdoonka Qatar ku leeyihiin Geeska Africa.   Waxaa si toos ah iyo si dadban uga hawlgala Madaxtooyada dalka ilaa 200 oo qof oo sirdoonka Qatar ay maalgaliyaaan,   Waxaa dhex yaala gudaha Madaxtooyada dhaqaale xoog leh oo cadaan ah,kaasoo lagu qiyaaso 30 ilaa 50 Milyan oo dolar. oo lagu malagaliyo hawlaha sirdoonka Qadar.   Xildhibaanada Baarlamaanka waxay noqdeen kuwa isaga toos ugu xiran iyo kuwo rcle ugu jira in ay xiriir la yeeshaan.   Guud ahaan hagardaamooyinka joogtada ah ee lagu hayo siyaasiyiinta aan qaybta ka ahayn Nabad iyo Nolol waxay si toos…

Read More

Al Arabiya has obtained footage showing the moment an Arab coalition raid struck and killed the Houthi militias leading political leader.   Houthi militias have announced the death of the head of their political council Saleh Ali al-Sammad after a coalition raid.   Sammad headed the Houthi-led Supreme Political Council and was the second on the Arab Coalition’s list of wanted people in Yemen.   Al Arabiya sources said Sammad was killed in an air raid near the suburb of al-Buraihi, south of al-Hudaydah province.   Sources who spoke to Al Arabiya said Sammad was under house arrest in the…

Read More

Telefishinka Al-carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga, balse Xaruntiisa Dhexe ku taallo Imaaraadka Craabta ayaa maanta soo bandhigay Muuqaalka Duullaankii Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ee fuliyey duqeyntii lagu dilay Madixii Golaha siyaasadda ee xuutiyiinta, Saalax Cali Al-samad.   Telefishinka ayaa sheegay inay heleen Muuqaalka muujinaya isla daqiiqadii ay Duqeyntaasi dhacday.   Xogta Telefishinka Al-carabiya ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyahaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday meel ku dhow Deegaanka Al=burayhi ee Koonfurta Gobalka Xudeydah.   Al-carabiya waxay kaloo sheegtay inuu Hoggaamiyahaasi xabsi guri lagu hayey dhowrkii isbuuc ee la so odhaafay, kadib, markii uu khilaaf soo dhex galay isaga iyo HOGGAANKA Sare ee…

Read More

Maxamed Mursal Siiekh Cabdiraxmaan Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga xukuumadda fedraalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Wasiirka Gaashaandhiga. Maxamed Mursal ayaa isku casilay sidii uu ugu tartami lahaa qabashada xilka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka ay sharuud ugu dhigeyn in wasiirkii doonaya in jagadaasi u tartamo marka hore is casilo. Sida ay sheegeyn qaar ka mid ah guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka waa wasiirkii Afaraad ee isku casila Ka qeyb galka doorashada guddoomiyaha golaha shacabka. Galinka dambe ee maanta ayaa la soo gaba gabeyn doonaa isdiiwaan gelinta musharaxiinta u…

Read More

Dawladda Kenya ayaa maanta joojisay inuu qabsoomo isu imaatin la filayey inuu ka dhaco magaalada Nairobi, kaasoo uu ka hadli lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.   Cabdiraxmaan oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa lagu waday inuu kulan qado kula yeesho jaaliyaada Soomalida fagaaraha sir Cali Club Muslim ee magaalada Nairobi.   Arrintaas waxaa BBC-da u xqiijiyey hogaamiyaha aqlabiyadda baarlaamaanka Kenya oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee, Aadan Barre Ducaale.   ”Waxaa kulankan joojiyay qolyaha qaabilsan amniga dalka. Wayna la hadleen dadkii qabanqaabinayay kulanka. Qofkii doonayo inuu u ololeeya xisbigaas, waa inuu ku sameeyaa gudaha Soomaaliya. Dowladda Kenya…

Read More

Guddigii dhowaan madaxweynaha dowladda Puntland u saaray dibu habaynta iyo soo celinta bilicda iyo hantida dowladda ee magaalada Boosaaso ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inay maalinimada berri ah si rasmi ah u bilaabi doonaan hawshooda. Gudoomiyaha gobalka Barri Yuusuf Max’ed Waceys (DHEDO), Duqa magaalada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan & Gudoomiyaha guddiga Dibu habeynta magaalada ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo shir jaraa`id qabtay ayaa sheegay in ay berri tahay maalin shaqo oo ay arrintan ka shaqeyn doonaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaaka https://youtu.be/la-O4i3fb6I

Read More

Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.   Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soofe, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya iyo dhammaan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’adaha ka faa’iideysanaya Mashruuca.   Shirka waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay Mashruuca sannadkii tegey ee 2017-ka, waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay qorsheyaasha sannadkaan 2018-ka u…

Read More

Jubaland Oo qaadacday shirka baqabka Wariyaha Ee dowlada fadaraalka ku qabatay Xamar.   Jubaland kali kuma ahan qaadicida shirkan ,balse waxaa Guud ahaan qaadacay dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka.   Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ayaa ku eedeeyay Wasaarada Warfaafinta Fadaraalka in ay wax isdaba marisay,   Waxay qariyeen ajandihii shirka oo anagana ay wax noo sheegeen mid kalana hoosta ka wateen,sidoo kale waxay madasha keeneen dad aan matalin dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka oo suuqyada Xamar laga soo uruuriyay,hoos akd aawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ReUTL2O-o4I

Read More

In Addis Ababa on first official visit to Africa, Ayelet Shaked says she will do everything in her power to help estimated 8,000 remaining Jews Israel’s Justice minister vowed to help Ethiopia’s Jews immigrate to Israel as soon as possible during a rare visit to Ethiopia. Ayelet Shaked visited the synagogue in Addis Ababa on Sunday. “These programs that will eventually reunite Ethiopian Jews with their families in Israel are not generally easy,” said Shaked to the group gathered in the synagogue. “But I will try everything within my power to work with relevant offices to make this happen in…

Read More

Senior United States official for African Affairs Ambassador Donald Y. Yamamoto, the country’s Principal Deputy Assistant Secretary, is making a rare visit to the politically isolated Eritrea Monday before moving on to Djibouti and Ethiopia. In Asmara, Yamamoto is meeting with U.S. embassy staff as well as the wider diplomatic community, and visiting with Eritrean government officials. A U.S. congressional commission on human rights held a hearing last week on Eritrea, calling new attention to the country, which remains under sanctions in place since December 2009 when Eritrea was accused of support for al-Shabaab in Somalia. Eritrea’s Ministry of Information denies…

Read More

Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay. Darwalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn xabsiga ayaana loo taxaabay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto. Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku…

Read More