Author: Jibril Qoobey.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo bandhigayey Waxqabadka Xukuumadda iyo qorshaha Geeddi socodka hannaanka dawladnimada. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, bulshada rayidka, oday dhaqameedyada, haweenka iyo bulsho weynta Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa si toos ah halkaasi ugu soo bandhigay wax-yaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqeynayeen iyo qorshaha u dagsan dhowrka sano ee soo socda. Waxana wasiiradii goobta ka hadlay ay soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay. Halkan ka daawo muuqalka https://youtu.be/AewUcs9XrNU

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah. Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee qaybta ka ahaa shirkan ayaa iyaguna madaxda qaranka u soo bandhigay halka ay marayaan qorshayaasha dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xogta ku saabsan howlgallada socda ee dalka lagaga sifaynayo Alshabaab. Shirkan waxaa ka qayb galaya xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka,…

Read More

QM iyo Hay’addaha Samafalku warbixin ay soo saareen ayay ku muujiyeen in ku-dhawaad 76 million oo qof oo ku nool 45 Waddan ay u baahnaan doonaan Gargaar sannadka soo socda. Dalalka sida aadka ah looga deyriyey xaalkooda dhinaca Ammaanka Cuntada ayaa kala ah Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria. Warbixinta ayaa si gaar ah loogu sheegay in ku-dhawaad 3.3 million oo Somali ah u baahnaan doonaan Kaalmo Degdeg oo Naf-badbaadin ah sannadka soo socda. Xiriiriyaha QM ee Hawlaha Samafalka ee Somalia, Peter de Clercq ayaa sheegay in Abaaraha iyo Colaadaha ka sii socda Somalia ka dhigtay mid ay dadka badankooda ku tiirsanaadaan Gargaarka Caalamiga.…

Read More

Munaasabad Shahaadooyinka lagu Gudoonsiinayey Xisbiyo Siyaasadeed kuwaasi oo  ah kuwii ugu horeeyey Xisbi ahaan loo aqoonsado ayaa Maanta ka dhacday Magaaladda Muqdisho, waxaana Shaahaadooyinka Gudoonsiiyey Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee dawladda dhexe ee soomaaliya .. Tiradda Xisbiyadda ayaa ah 7-Xisbi, waxaana Ruqsadda lasiiyey ay tahay mid ku-meel-gaar ah. Munaasabadda Shagaadooyinka lagu guddoonsiinayay Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano labadda Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshadda Rayidka iyo Marti Sharaf kale.. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa…

Read More

Sarkaalkaan ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe kadib markii gaari uu la socday ay Al-Shabaab  wadada u galeen. Sarkaalkaan oo ahaa taliyihii Ururka 2,aad ee guutada 1,aad Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya waxaa lagu magacaabi jiray Col,Maxamed Raage Tifoow kaas oo gaarigiisa la weeraray. Sidoo kale waxaa  weerarkaas la sheegay in ay ku dhinteen Ciidamo kale oo la socday Gaarigiisa oo uu haleelay Qoriga Baasuukaha xili ay marayeen halka loo yaqaano Hansheekh oo u dhaxeysa tuulada Gololeey iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Weerarkan ayaa noqonaya weerarkii afraad oo ay kooxda shabaab ku…

Read More

Maxkamad ku taalla magaaladda Milan ee dalka Talyaaniga aya shaacisay in Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Cismaan Maxamuud la ogaaday inuu dalka Libya ku soo dilay  ugu yaraan 13 qof sida ay Maxkamadda horey u shaacisay. Eedeysanaha oo 20-jir waxaa bishii hore lagu xukumay Xabsi Daa’im, kadib, markii lagu helay inuu la shaqeyn jirey Ma-gefayaasha Libya, isla markaana uu Kufsi, Jirdil iyo dilal u geystay Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu haystay Libya. Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA  ayaa qortay inay Maxkamadda Milan ku heshay  Cismaan Maxamuud inuu 2 nin oo ka mid ah Tahriibayaasha uu ku daldalay gudaha dalka Libya, Sidoo kalena uu Kufsi u geystay Haween…

Read More

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegtay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay mooshin ka keenaan Madaxweynaha oo ay ka soo bilaabaan kor. Khadiijo oo xalay ka hadleysay munaasabad lagu soo bandhigay Waxqabadka Xukuumadda ayaa ka sheekeysay taariikhda uu soo maray Mooshinadii lagu ridi jiray Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka. Xildhibaan / Wasiir Khadiija ayaa ugu horeyn sheegtay in aan Baarlamaanka marna bedeli jirin Ra’iisul Wasaaraha, balse ay aheyd mid ka imaan jirtay Madaxweynihii Ra’iisul Wasaaraha keena. “Waxaa maalmahan socda waa wax cusub, beeni raad ma leh, mooshinka waxaa caado aheyd…

Read More

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu siiyay shahaadooyinka aqoonsiga 8 xisbi kadib markii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka uu diiwaangeliyay. Xisbiyadan la siiyey Shahaadooyinkan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen shuruudihii loogaga baahnaa in loo aqoonsado xisbi siyaasadeed. Munaasabaddan waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Qadar, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale. Diiwaangelinta xisbiyada madaxa banaan ayaa imanaysa 48 sano kadib waxaana lagu wadaa in doorashooyin xisbiyo ay ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2020.

Read More

Caasumadda Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac. udu Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa. Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Idil News u xaqiijiyay in qodobaddii ay isku hayay labada dhinac badankood heshiis Horudhac ah laga gaaray.

Read More

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in ay weli taagan tahay musiibadii qaraxii Zoobe ay hadane jiraan dad doonaya in ay mooshin ka gudbiyaan Madaxda Qaranka. Waxa uu sheegay in tani aysan suurtagal aheyn isla markaana aan loo adkeysan doonin in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uu dalkaan u afduubnaado. Sidoo kale waxa uu hadalkaas intaas ku daray in hadii dadka mooshinka wada ay joojin waayaan iyo Siyaasiyiinta qalalaasaha wada dhuunta laga qaban doono lagana matajin doono laaluushki iay soo qaateen sida uu hadalka u dhigay. https://youtu.be/PPZuH-kKmqg

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu soo bandhigay waxqabadka Xukuumadda iyo Geedi socodka hanaanka dowladda oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goobta Ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo Markii la magacaabay iyo howlaha u qorshayeysan waqtiyada soo socda . Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadda ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii ka qabsoomay Amniga,Waxbarashada, Maaliyadda Dalka, Socdaalka,Qorshaha Qaranka iyo Arimaha bulshada. Daawo- https://www.youtube.com/watch?v=tssHSkawNEc

Read More

Garowe – Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen deegaano ka tirsan gobolkaas, iyadoo diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya la soo sheegayo inay dul heehaabayaan deegaanadaas. Dagaalyahanada Shabaabka ee gaaray Gedo ayaa la sheegayaa inay ku dhowaad labo kun oo dagaalyahan oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana tani dadka deegaanka ay ku dhalisay cabsi iyo shaki badan. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada ay gaareen dagaalyahanada ay ka mid yihiin Ceel Cadde iyo deegaano kale oo hoos taga Garbahaarey oo leh dhul buuraley ah. Dagaalyahanadan oo ka yimid dhanka Gobolka…

Read More

Garowe – Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa ka jawaabey hadal ka soo yeeray madaxda ugu sarraysa hayadda AIDS-ka ee PAC oo ku aadanaa inay joogaan dalka haween jirkooda ka ganacsada. Eng Camey ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin haween iyo xarumo la ogyahay oo ka ganacsada jirkooda oo ku sugan deegaamada Puntland. Hay’adda PAC ayaa shaaca ka qaaday inay baaritaan ku samaysay haween jirkooda ka ganacsada kuwaasi oo muran badan ku abuurtay bulshada Puntland. https://youtu.be/4kDbtPAaPR4

Read More

Muqdisho – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia. Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan ayaa wafdiga Madoobe kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada. Madaxweynahu wuxuu sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga…

Read More

Garowe – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Somalia Maxamed Mursal Shiikh ee dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in qorshayaasha Wasaaradda Difaaca Dalka ay tahay dhismaha iyo qalabaynta  Xoogga Dalka. Wasiir Maxamed ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Wwsaaradda Gaashaandhiga in guuda ahaanba dalka laga saaro Al-Shabaab. Mursal ayaa soo hadal qaaday qorshaha iskudhafka ciidamada Qaranka ee ay bilowday Dowladda Federaalka Somalia in uusan dalka caqabad ku noqon doonin. https://youtu.be/sEUIe_cqWo8

Read More

Muqdisho – Magaalada Muqdisho ayaa manta la filayaa in lagu qabto kulan dadwayne, kaasi oo lagu soo bandhigi doono Miisaaniyadda 2018, waxaana soo qaban-qaabiya Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka. Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa kulankaan ku marti qaaday qeybaha kala duwan ee Bulshada,kuwaas oo ka qaadi doona xog uruurin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka oo Baarlamaanka guda galay aqrinteeda. Miisaaniyada dowladda ee sanadkan ayaa ka badan miisaaniyadii dowladihii hore, waxna qeyb ka ah khaliga, warsahda dharka ciidamada Dowladda Somalia. Miisaanaiyadda faraha badan ee dowladda ayaa qorshuhu yahay in wax looga qabto, Caafimadka, Waxbarashada, iyo dhismaha Xarunta…

Read More

Muqdisho – War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in warbixin dhameystiran oo xog baaris ah laga keeno xaaladda wadiniintiisa dalka Libya ku dhiban. Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibada Somaliya ayaa wuxuu u qornaa— “Kadib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Somalia, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Somalia u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi,…

Read More

Baydhabo – Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa gaaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud. Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameedyo iyo qaybaha bulshada, ayaa Sheekh Roobow iyo xubnihii la socdayba ku soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud. Abuu Mansuur oo safarkan uu ku wehlinayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in muddo dheer ka dib uu ku soo laabto Magaalada Baydhabo. Mansuur ma sheegin ujeedada uu xilligan u yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, hase ahaatee uu dib dadka…

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay Idaacadda iyo Tv-ga BBCSomali, ayaa ka hadlay arimo la xiriira heshiiskii ay wada galeen Ethiopia, duqaynta Daacish iyo muranka taagan Dekedda Bosaso. Heshiiska Ethiopia iyo Puntland. Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia oo hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi ay kala sixiixdeen, in la dar-dar galiyo heshiisyadii horay ay u galeen, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen, arrimo la xiriira iskaashiga ganacsi, dhaqalaha,  amniga iyo sidii laysaga kaashan lahaa soo afjaridda argagixisada. “ Majirto wax heshiis cusub oo aan kala saxiixanay, lakiin wixii horay looga wada hadlay fulintoodii iyo meel-marintoodii…

Read More

Maxkamad ku taalla Magaalada Mandheera ee Bariga Dalka Kenya, ayaa 30 Sano oo xabsi ah ku riddaay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan Cabdi Taakoow, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab. Ninkan oo 22 jir ah ayaa laga qabtay gudaha xabsi ku yaalla Magaalada Mandheera, iyadoo loogu shakiyay inuu wararka iyo sirta Ciidamada u dusin jiray Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya. Ciidamada Boliiska Magaalada Mandheera ee Dalka Kenya ayaa Gacanka ku dhigay C/raxmaan Taakoow 14-kii Septembar ee Sanadkan 2017-ka, wuxuuna tuhmanuhu iska fogeeyay inuu wax lug ah ku leeyahay dembiyada lagu soo eedeeyay. Xigasho/Daily Nation

Read More

Ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen Kolonyo galbinaysay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cusman oo ku sii Jeeday Degmada Maxaas ee gobolkaas. Col,Axmed Maxamed Tareedisho oo ah taliyaha ciidamada la weeraray ayaa sheegay in Al-Shabaabkii weerarka ku soo qaaday ay iska difaaceen isla markaana ay ka dileen ilaa 12 Askari sida uu hadalka u dhigay. HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO

Read More

Garowe – Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa manta 01 December 2017 dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland, kadib safar shoqo oo ay ugu maqnaayeen dalka Ethiopia. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ethiopia isaga iyo weftigiisu uu haa casumaad rasmi ah oo ay…

Read More

Garoowe: Xoghayaha cusub ee caasimada dawladda puntland ayaa maanta xilka kala wareegay xoghayaha cusub ee uu dhowaan soo magacaabay wasiirka arimaha gudaha ee dawladda puntland . Xoghayihii hore ayaa kawaramay waxyaabihii u qabsoomay intuu xilka haya ,halka xoghayaha Cusubna cusubna sheegay inuu qorshe la imaanayo isagoo kaashanaya masuuliyiintii ka horeeeyey,hoos ka daawo muuqaalka. HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA https://www.youtube.com/watch?v=Rb6vHleZg6c

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Somaliya ayaa kaga qaybgalay magaalada Abidjan e Dalka IvoryCoast shirweynaha iskaashiga hogaamiyayaasha Africa iyo Midawga Yurub. Shirkan oo ah kii 5aad ayaa waxaa Madaxweynaha ku wheliyay wafti balaaran oo uu kamid ahaayeen Gudoomiyaha Golaha shacabka Cabdixaashi Cabdulaahi iyo Wasiirka Arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar. Hadaba shirkaas oo aan wali soo gabagaboobin,ayaa Tv-ga caalamiga ah ee Idil Tv waxuu wax ka waydiiyay arimiha looga xaajooday ilaa iyo hada Wasiir Yuusuf Garaad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/DyUKamGBMqg

Read More

Taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida Ahlusuna Waljamaaca Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa xaqiijiyay in ay deegaankaas Al-Shabaab ka saareen kadib markii ay damceen in ay joojiyaan Xuska Dhalashada Nabiggeena(NNKH) Waxa uu sheegay in ay dadka deegaanka u diideen in ay xusaan dhalashadii nabigeenna (NNKH) Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan weli uu holwgalku socda,isla markaana ay uga dabategi doonaan halkii ay aadeen shacabkana looga baahan yahay in ay ciidamada la Shaqeeyaan. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliyaha  Nabad sugida

Read More

Bosaso – Warbixin ay baahisay warbaahinta ku hadasha af-ka Al-Shabaab, ayaa cadaysay inay ka danbeeyeen weerarkii bam-gacanka ahaa oo lagu qaadey ciidamo watey gaari nooca tiknikada ah, isla markaana dhexmarayay gudaha magaalada Boosaaso. Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex Askari, kuwaasi oo saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay. Gudoomiyaha  Yaasiin Mire Maxamuud oo warbaahintala hadlay ayaa sheegay  inaysan jirin cid ku dhimatay falkaansi, balse jiraan dhaawac soo gaaray askartii gaariga tiknikada saarnaa.  Yaasiin ayaa shacabka reer Bosaso u diray inay ka qayb-qaataan adkaynta nabad-galyada magaalada, si logo hortago falalka lidiga ku ah amaanka mandiqadani. https://youtu.be/_AsQ9al0OL4

Read More

Garowe – Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay xirnaanshaha dekadda magaalada Boosaaso iyo muranka u dhexeeya ganacsatada qaar iyo dowladda, kaasoo ku aaddan sharuudo ay soo rogtey shirkadda la wareegtay maamulka dekadda ee P&O oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Garowe ayaa sheegay in dekadda Boosaaso ay fowdo ku hayaan wakiiladii doomaha al-waaxa ah oo keliyah. Wasiirka ayaa eedayn kulul u jeediyey wakiiladaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan doomo aan caymis lahayn,islamarkaana halligaya naf iyo maal wixii la saaro. https://youtu.be/ZEytn9-83RY

Read More

Cabdirahmaan Bayle Ducaale Wasiirka Maaliyadda Dowlada Federalka ayaa maanta daah-furay diwaangalinta ciidamada xoogga dalka oo markii ugu horeysay taariikhda Somalia, askari walbo mushaarkiisa uu ku qaadan doono Akoonkiisa gaarka ah. Tilaabadan casriga ah oo horsed u yahay Beyle ayaa ujeedkeedu waxa uu yahay in laga gudbo nidaamka lacagaha kaashka ah gacanta loogu qeybiyo ciidamada taasoo mudooyinkii lasoo dhaafay la isticmaalayay. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay haddii tilaabadan  si rasmi ah loogu guuleysto in ay noqondoonto mid waxbadan ka badasha baahida Ciidanka ay u qabaan helida mishaar joogta ah. Diiwaangalinta Ciidamada Xoogga Dalka ee Xisaabta shaqsiyadeed waxaa si gaar ah maanta loogu…

Read More

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiim Cemay oo wareejiyay xogta 2,400-oo askari  ayaa sheegay in dowladda Somalia looga fadhiyo xuquuq-siinta ciimadanka, maadaama ay ka wareegeen Puntland oo ay horay uga tirsanayeen, wuxuuna ciidamada kula dar-daarmay inaysan ka qayb-qaadan dagaal qalbiil ku salayn, balse ay noqdaan kuwo u adeega Qaranka Somaliyed,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/5i4t2GkNV28

Read More

Ciidamada amaanka Bosaso ayaa saakay waxaa lagu weeraray qarax kaasoo dhaliyay khasaare soo gaaray Ciidanka iyo shacabka. Dhaawaca lix Askari iyo laba qof oo shacab ah ayaa la geeyay isbitaalka Guud ee Bosaso,kuwaasoo xaaladooda caafimaad aysan aad uliidan sida dhakhaatiirtu u xaqiijiyeen idil News. Dhanka kale Idil News oo wax ka waydiisay Saraakiisha amniga Qaraxan saakay Ciidanka lala eegtay ayay u sheegeen in aan ilaa iyo hada aan cid loo qaban,sidoo kale cid si cad usheegatay aysan jirin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LCVcQ8i9Jbc

Read More

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Somalia  Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo warbaahinta la hadlay ayaa markalle soo saaray go’aamo ku socota saxafiyiinta, ,milkiilayaasha hotelada iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda gaar ahaan kuwa wata ilaalada ka badan 4 askari. Islow, ayaa mar sii horaysay sheegay in marnaba aan la aqbali karin in masuuliyiinta ay ilaaladooda ka badiyaan afar ruux, wuxuuna fariin gaara u diray mulkiilayaasha hotelada Muqdisho. “Waxaan ognahay in shirar aan dowladda ka warqabin lagu qabto hotelada Muqdisho, hadaba waxaan uga digeyna milkiilayasha hotelada in taasi aysan ogolaadaan,waxana uga gol leenahay in aan ilaalino amniga ee maahan in aan…

Read More

Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaas oo soo maray heerar iyo qaabab kala duwan , dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee dowlad goboleedyadu la soo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan ku yihiin kuraastooda, taas oo halis galin karta dadaalada iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay ugu jirto la kali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka.   Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan hormarka dowladda dhexe ay ku jirto in xiriir dhow ay lasamayso dowlad goboleedyada ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran…

Read More

USA- Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku weeraray bogiisa Twitterka ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Theresa May, kadib markay eedaysay  in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig. “Theresa May ha igu mashquulin aniga ee diiradda saar Falalka argagixisada ah ee ka dhacaya Boqortooyada Ingiriiska. anaga waxaan sameyneynaa wax fiican, “ayuu Trump ku soo qoray Twitterka. https://twitter.com/realDonaldTrump/status/936037588372283392 Madaxwaynayaashii soo maray aqalka Cad oo horay looga bartay in arintan oo kale u wajahaan si hoose, ayaa Trump wuxuu ka doorbidaa inuu adeegsado warbaahinta bulshada si uu u gaarsiiyo dareenkiisa Theresa May. Madaxwayne Trump ayaa…

Read More

Garowe- Dowladda Puntland ayaa manta waxay Dowladda Federalka Somalia ku wareejisay ciidan tiradoodu gaarayso 2,400 [ Laba Kun iyo Afar Boqol],  kuwaasi oo kamid noqon doonaa ciidamada isku dhafka xoogga Dalka Somaliyed. Munaasibadan ciidamada loogu wareejinayo dowladd Federalka Somalia  oo ka dhacday xerada tababarka ciidamada ee 54-aad waxaa goob jog ka ahaa Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland, Wasiiradu dowlaha Wasaarada Gaashandhiga Qaranka , xildhinaano ka tirsan golaha shacabka Somaliya iyo taliska ciidamka daraawiishta Puntland. Taliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Genr. Siciid Maxamed Xirsi [ Siciid Dheere] oo sharaxaad ka bixiayay sida loo soo xulay ciidamada kamid noqonaya xooga dalka Somalia ayaa…

Read More

Waxaa maanta xilkii Xoghayaha Dowladaha hoose ee Garowe lakala wareegay Xoghayihii hore iyo xoghayaha cusub.   Xafladan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf ayaa ka qabsoontay hoolka xarunta Dowlada hoose ee Garowe.   Xoghayaha maanta xilka wareejiyay Cabdiqaffaar Shiikh Cabdiraxmaan,ayaa maalmo ka hor waxaa shaqo joojin ku sameeyay Duqa Magaalada mudane Goodir oo uu kala dhaxeeyay khilaaf mudo soo jiitamayay.   Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland,ayaa shaqo joojintaas kadib waxay maalin ka hor usoo magacawday Maxamuud Cali Gurey in uu noqdo Xoghayaha cusub Dowldaha Hoose ee garowe,kaasoo maanta si rasmiya xilka ula wareegay.   Kala soco wararkayaga…

Read More

Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Puntland oo marayay Wadada Netko ee Magaalada Bosaso.   Bambkaas lagu tuuray Ciidanka ,ayaa waxaa ku dhaawacmay Sadex Askari iyo laba qof oo shacab ah.   Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo ay amaanka ku xaqiijinayaan.   Bam gacmeedkan,ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo Dowlada, walina uu hakad ku jiro maalinkii 2-aad ganacsiga magaalada Bosaso..

Read More

Nairobi : Dhalinyaradan soomaalida ah ee lagu eedeeyey weerarkii Westgate ayaa beri la horkeenayaa maxkamada ku taala Caasimada kenya ee niarobi . Dhalinyaradan kuma eedaysna inay weerarka fuliyeen balse waxaa lagu soo eedeeyey inay gacan siiyeen raggii fuliyey weerarkii westgate sanadkii 2013,hoos ka daawo muuqalka Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=nkdyeXkXMVQ

Read More

Garoowe : Shirweynihii dib u eegista xeerka shaqaalaha rayidka ee soomaaliya ayaa garoowe lagu soo afmeeray caawa . Shirkan waxaa kasoo qayb galay dhamaan madaxda dawladaha xubnaha ka ah Dawladda federaalka iyo Dawladda Dhexe ,waxaana looga hadlay sidii loo heli sharci maidaysan oo soomaliya oo dhan ah,hoos ka daawo muuqaalka. HALKAN HOODE KA DAAWO  https://www.youtube.com/watch?v=Vez1D3NrQWw

Read More

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda siciid maxamed raage ayaa kahadlay xaalka dekeda magaalada Boosaaso . Siciid raage ayaa beeniyey eedaymo ay ganacsatadu usoo jeediyeen dawladda puntland gaar dhinaca Qiimaha wax soo dejinta oo ay ganacsatadu sheegeen in aad loogu kordhiyey,hoos ka daawo muuqaalka.                                                                HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=V52UKxDFgJA

Read More

Azeb Mesfin oo ah Xaaskii hore ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa lagala laabtay Xubinimada Xisbiga TPLF oo ah xisbiga talada dalkaas hadda haya. Arrinatan waxay ku timid kadib markii ay kulamo badan oo wadatashi ah ay yeesheen Madaxda Xisbigaas taas oo keentay Xubinimadii Xisbiga TPLF in lagala laabto. Sidoo kale waxaa hoos loo dhigay xilalkii ay ka hayeen xisbigaas Beyene Mikru iyo Abay Woldu  oo ahaa kaaliyayaashedii,iyada oo Xubin ka aheyd Guddiga fulinta ee Xisbiga TPLF. Kala noqoshada Xubinimda Azeb ayaa timid xili eedeyn kala duwan ay uga imaaneysay Madaxda Xisbiga taas oo ku saabsaneyd in kulamo…

Read More

Ismaaciil Maxamed Culusow Wasiiru Dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta uu saacado ka hor umagacaabay Madaxweyne Waare,ayaa sheegay in uu xilkaas iska casilay ,isagoo ku sababeeyay iscasilaadiisa in uusan Madaxweynaha Hirshabelle uusan kala tashan magacaabistaas.   Ku dhowaaqistan is casilaada ee Ismaaciil Culusow,ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu ku dhowaaqo mid kamid ah golaha Wasiirada saacado ka hor lagu dhawaaqay ee Hirshabelle.   Madaxweyne Waare ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ka kooban 57-xubnood,waxaana wali harsan oo aan masuul loo magacaabin Wasaaradii Haweenka.

Read More

Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa manta ku guulaystay dib u soo celinta dhul uu lahaa Eebe ha Naxariistii Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdilaahi Yuusuf Axmed caruurtiisa, kaasi oo ku yaala Degmada Wadajir,wakhti dheerna laga haystay. Thaabit Cabdi Maxamed Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaan xoog lagu haysan Karin qof muwaadina dhulkiisa iyo hantidiisa, wuxuuna nalan ku qaaday Gudoomiyaha Banaadir in aan loo dulqaadan doonin shaqsi guri uusan laheyn si aan sharci aheyn ku heysto. Goobta ay wareejinta ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Maamulka Degmada Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay Eebe ha…

Read More

Xudur – Wararka warbaahinta Idil News ka soo gaarya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay. Roobow oo xilliyadii ugu danbeeysay ku sugnaa Caasumadda Dalka Somalia, waxaana safarka uu ku tagay Xudur ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Qaranka Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, iyadoona si wayn loo dhaweeyay. Ma cada, waxa uu salka ku hayo safarka Wafdiga uu hogaaminayo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. FG – Wixii ku soo kordha safarka wafdiga gaaray Xudur dib ayaan idin…

Read More

Muqdisho – Howl-gal ciidamada Nabad Suggida ay ka sameeyeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo xubno Al-Shabaab ka tirsanaa. Ragga la qabtay oo tiradooda lagu shegay 3-ruux ayaa habeen hore dil ka gaysatay deegaanka Garasbaaley, waxaana ay dileen haweenay da’ aheyd. NISA ayaa gacanta ku dhigtay dhagar qabayashan ka tirsan Shabaab, waxayna ciidamadu sheegeen inay  hadda lagu haayo xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Axmed [Garyare] Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay inaysan u dulqaadaneyn dilalka loo gaysanaayo haweenka ku nool deegaanadaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan u gaysta…

Read More

Xukuumada Kim Jong Un ee Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballistic ah, markii ugu horraysay tan iyo bartamihii bishii Sebtembar, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Maraykanka. Saraakiisha Miletry-ga Kuuriyada Koonfured oo la hadlay wakaaladda wararka ee South Korea Yonhap ayaa sheegay in gantaal aan la aqoonsan uu dul maray bariga dalkaasi, kadib markii laga soo tuuray mel u dhaw magaalada Pyongyang, mana jirin wax hadal ah oo ka yimid North Korea. Itsunori Onodera Wasiirka Difaaca Japan ayaa sheegay in gantaalka uu gaaray heer sare oo lagu qiyaastii 4,000Km,  iyadoona uu burburay ka hor inta uusan kusoo dhicin…

Read More

Jowhar – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa goordhow ku dhowaaqay liiska Golaha wasiirada xukuumadiisa oo ka kooban 47-xubnood. Golaha wasiirada ayaa waxa ay isugu jiraan qaar hore uga tirsanaa dowladii Cali Cabdulaahi Cosoble iyo kuwo cusub. Golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka kooban yihiin 20 wasiir, halka wasiirk ku-xigeenadu yihiin 20,  iyo 7 Wasiiru Dowle. FG-  Mar dhow fillo magacyada Golaha Wasiirada, Hadii Alle Idmo.

Read More

Jowhar – Xarunta maamulka Hir-Shabeele ee Jowhar waxaa xalay laga dareemayay dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, kaasi oo la xiriira liiska magacaabista golaha wasiirada Xukuumadda Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare oo wakhti dheer lasu gayay. Madaxweynaha Hir-shabeele oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Balad-wayne ayaa shalay galab ku laabtay Jowhar, si kulamo wadatashiya ula yeesho odayaasha dhaqanka , isla markaana dhakhso lagu soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi. Il wareedyada aan manta ka helayno Jowhar ayaa waxay sheegayaan in weli uu Madaxweyne Waare uu wado wadatashiyadii u dambeeyay ayna macquul tahay in saakaba uu ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada. Magaalada Jowhar waxaa ku…

Read More

Guud ahaan dalka Somaliya waxaa ku yaal afar dakadood oo si toos ah u shaqeeya.   Dekedahaas ayaa kala shaqo badan waxaaana loo kala isticmaal badan yahay sidatan soo socota:-   A.dekeda Muqdisho. B.Dekeda Berbera. C.Dekeda Bosaso. D.Dekeda kismaayo.   Dekedahan qaybtood waxaa maamula shirkado gaar loo leeyahay oo shisheeya ah waxayna ukala maamulaan sida tan:-   A.Dekeda Muqdisho Shirkad turkiga laga leeyahay. B.Dekeda Berbera shirkad imaaraadka laga leeyahay. C.Dekeda Bosaso shirkad Imaaraadka laga leeyahay.   Hadaba Dekadda Bosaso ayaa ah mid dhawaan lagu wareejiyey maamulkeeda shirkadda P&O Ports Limited oo la mataaneysan shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka carabta,…

Read More

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Puntland,ka dib safar shaqo labo maalmood ah ay ku joogi doonaan Garowe. Wasiirka ayaa berito ka qaybgeli doona  Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11) oo garoowe ka furmi doona,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=c2IIaxAJzYc

Read More