Ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah jinsiga ayaa ah mid looga soo horjeedo in la dhibaateeyo Haweenka iyo Caruurta islmarkaana Bulshada laga wacyi galiyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Cirib tirka tacdiyada loo geysto xaquuqda Caruurta iyo Haweenka. Wasiirka wasaradda Haweenka iyo Horumarinta qoyska maryam axmed cali oo ka hadlaysay Ololahaan 16-ka maalmood ee tacdiga ka dhanka ah jinsiga ayaa sheegtay in Wasaaradda Haweenka ay dar dar galin doonto Barnaamijiyo wacyagalineed oo Bulshada looga wacyagalin doono sidii loo Ciribtiri lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Bulshada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.youtube.com/watch?v=DawB0dkZ5a4
Author: Jibril Qoobey.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Maanta Ehellada Qoyskii Madaxweynihii hore eeSsoomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed Ku Wareejiyay Guri xoog Looga Haystay in Mudda ah Kaas oo Ku yaal Magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Tilaabadaan Qaaday Waxa uuna sheegay in aan Loo dul Qaadan doonin Guryaha La kala haysto. Ehellada Marxuum C/llaahi yuusuf Axmed ayaa umahadceliyay Gudoomiyaha Gobalka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed. Waxaa jira dad aad u tiro badan oo guryahoodii xoog looga haysto magaalada muqdisho kuwaasoo aan helin cadaalad iyo dawladd awood leh oo dib ugu soo celisa hantidoodii .
Dowladnimadu waa nidaam iyo go’aammo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka soo jireenka ah kana reebban isbarbaryaac iyo isqabqabsi. Isbarbaryaaca iyo isqabqabsigu waa astaamaha ugu horeeya ee lagu garto dowlad xumida iyo fashilka dowlad wanaagga. Xukuumadihii soo maray dalka 10kii sano ee la soo dhaafay waxaa wada saameeyey xasilooni darro siyaasadeed oo salka ku haysay khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda iyo Madaxweynaha. Balse, Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre nasiib wanaag illaa hadda ma dhicin khilaaf dhanka Madaxweynaha tan iyo goortii la magacaabay. Laakiin waxa uusan ka badbaadin xasilooni darro siyaasadeed, nidaam xumo, karti la’aan dhanka waxqabadka, isbarbaryaac iyo isqabqabsi u dhexeeya…
Walaalayaal waxaa laydinku wargelinayaa in daahfurka Buugga Gabayada Cismaan Yuusuf keenadiid rabi ha unaxariistee uu dhici doono maalinka AXADDA ah ee taariikhdu ku beegan tahay 04.12.2017 Saacada” laga bilaabo..17 :00 ilaa 21:00. Ciwaanka” 1-2 lismore circus London NW5 4QF London Tell : 07438511233 Yuusuf Tell : 07804440664 Sharmarke Kasoo qaybgal wanaagsan.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, Halkaas uu ka socdo tababar la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo. Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababarka bixineyso, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo. Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiil Soomaali oo ka mid ah Macalimiinta bixineysa Tababarka, waxayna warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka Siiyeen sida tababarka u socdo, Guddoomiyaha wuxuu u Sheegay Saraakiisha in howl wanaagsan ay u…
Hargaysa – Maxkamada Sare ee Soomaaliland ayaa manta go’aan kama dambeys ah ka gaartay doorashadii 13-kii Bishaan ka dhacday deegaanada maamulkaasi, oo uu ku geelaystay Muuse Bixii Cabdi. Shir Jaraa’id oo ay war-fidiyeenada ugu qabteen Madaxda Maxkamada Sare Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ku aqbaleyn natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka iyaga oo sheegay in aan wax dacwo ah loo soo gudbin. Xisbiga Mucaaradka ee Wadani oo uu u tartamayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mar sii horaysay sheegay in doorashada la musuq-maasuqay wallow markii dambe uu aqbalay. Daawo Shirka jiraa’id. https://youtu.be/tV0-oFHNniU
Muqdisho – Xukuumada Federalka Somalia iyo Qadar ayaa ku kala saxiixday goor dhow magaalada Muqdisho heshiis horumarineed oo ku kacaya 200 oo Milyan (Laba boqol oo Milyan oo dollar) iyadoo saxiixa heshiiskana uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre. Heshiiskan oo ah mid mashaariic horumarineed loogaga hirgelinayo wadanka Somalia ayaa yimid, kadib markii uu saaka soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi uu horkacayo Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar Khalifa Jassim Al Kuwari. Dowlada Somalia ayaa uga mahadcelisay dowladda Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalkani iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayso gayiga Somalia,hoos ka daawo muuqaalka. …
Indonesia – Masuuliyiinta talada dalka Indonesia haysa ayaa dadalo dheerada ugu jira daad-gureynta dadka diiday inay ka fogaadaan jasiiradda Bali taasi oo la filan karo inay ka qaraxdo foolkaano. Dad tiradooda lagu sheegay 70-kun oodegan jasiiradda ayaa waxay galeen xaalad diyaar garow kuwaasi oo ka digtoon halsita foolkaanada. Gabi ahaanba waxaa iridada laysugu dhuftay garoonka diyaaradaha eek u yaal Jasiiradda Bali, iyadoona la xayiray socdaalka dadka u soo dalxiis taga jasiiradda. Reer Bali ayaa la dhibaateysanyihiin daadadka uga yimaada buurta Agongo, waxaana hadda ku harsan goobta dad gaaraya 40 ku oo ruux, Buurta Jasiiradda Bali ayaa bishii Sebtember bilowday gariir,…
Nairobi – Markii labaad ayaa loo dhaariyay talada dalka Kenya Madaxwayne Uhuru Kenyatta, halka ku xigeenkiisa loo raadiyay William Ruto, iyadoona weli ay socoto xafladda caleema saarka, isla markaana ay ka qayb-galeen in ka badan 10 hoggaamiye oo African u badan. War-qoraala oo ka soo baxay madaxtooyada Isra’iil ayaa waxaa lagu sheegay in Benjamin Netanyahu uu khudbad ka jeedin doono munaasabdda Caleema saarka Kenyatta, ka dibna waxaa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda dowladaha ka qeyb-galaya xafladda. Netanyahu ayaa dhankiisa saakay warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka soo duulin Tel Aviv waxaa uuna yiri “Africa waa markii sadexaad…
Ciiddanka Ammaanka Dalka Australi ayaa sheegay inay shalay gacanta ku dhigeen 20- jir dhalashada wadankaasi haysta, asal ahaana ka soo jeeda Somalia, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu weerar geysan rabay, xilliga lagu guda-jiro dabaal-degga sannadka cusub ee Milaadiga ee 2018-ka. Shabakadda Wararka Australia The Eepoch ayaa manta qortay in eedeysanaha shalay lagu qabtay degaanka Werribee ee galbeedka magaalladda Melbourne. HALKAN KA AKHRISO. Taliye-xigeenka ciidamada Birmadka Gobalka Victoria, Shane Patton ayaa u sheegay Warbaahinta inay qabteen nin Muslim ah oo ay waalidkiisu Somali yihiin, kaasi oo ay ciiddan ka tirsan Police-ka la-dagaalanka Argagixisadda su’aalo weydiinayaan. Shane, wuxuu cadeeyay in shaqsigan…
Nairobi – Police-ka dalkaasi Kenya ayaa la sheegay inay adeegsadeen sunta dadka ka ilmiyeysiisa, isku-day ay ku doonayeen inay ku xakameeyaan kumanaan qof oo isku dayey inay xoog ku galaan garoonka ciyaaraha Kasaraani oo ay ka dhacayso munaasabadda lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Taageerayaasha hoogamiyaha Mucaarka Raila Odinga, ayay Police-ka Kenya u adeegsadeen sugta ka ilmaysiisa dadka, si ay u kala eryaan shacabka banan-baxa samaynayay, oo sidoo kale qorsheynayay inay kulan kale qabsadaan, balse laga horjoogsaday inay gaaraan goobta ay ku shiri lahaayeen. Gawaarida gaashaaman oo ay leeyihii ciidamada Police-ka Kenya ayaa sidoo kale la geeyay afaafka hore ee…
Wafdigan ka socday Dowladda Qatar oo ka kooban illaa iyo shan xubnood waxaa madaarka diyaaraha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qaar kamida Golaha Wasiirada Somalia, iyadoona loo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre si ay uga wada hadlaan arimaha khuseeya labada dal. Ma cada waxyaalaha rasmiga ah ee ay ka wada hadli doonaan masuuliyiinta labada dal, balse warar qaar ayaa sheegaya inay ka wada xaajoon doonaan cilaaqaadka siyaasadeed ka dhexeeya Qatar iyo Somalia. FG- Wixii soo kordha kala soco Warbaahinta Idil News.
Seychelles – Madaxweynaha Jasiiradda Seychelles Mr. Danny Faure ayaa Qasriga ayaa madaxtooyada ku qaabilay wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar, iyagoona ka wada hadlay arimo dhowra. Danny iyo Garaad ayaa si qoto dheer uga hadlay qodobo ay ugu muhiimsanayd soo celinta maxaabiista Somalida ah ee ku xiran xabsiyada Seychelles, kuwaas oo inta xukumani ay wakhtigooda ku idlaysan doonan gudaha dalkooda hooyo. Labada masuul ayaa isku raacay inay muhiim tahay xoojinta iskaashiga amniga badda Indean Ocean oo ka dhaxaysa labada dal iyo marinada biyaha ee ganacsiga aduunku isaga goosho, lagana hortago falalka…
https://youtu.be/IfA6ej1-CpU
Nairobi- Amaanka guud ee Dalka Kenya ayaa la adkeeyay ,iyadoo xilli dhow ay si toosa u bilaami doonto caleema saarka Madaxwaynaha cusub ee Dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Caleemasaarka Kenyatta waxaa bar bar socday banaanbax ay ku baaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka Kenya oo sheegay in Nairobi iyo Gobollada kale ee dalka ay ka dhici doonaan dibadbax ka dhan ah Kenyatta. Madaxweynayaasha ka qaybgelaya caleemasaarka Kenyatta waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalayba ku hoyday Nairobi. Madaxda kale ee ka qaybgaleysa waxaa ka mid ah:- Uganda – Yoweri Museveni Botswana – Ian Khama, Rwanda -Paul Kagame Tanzania- John Pombe Magufuli…
Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Maraykanka u qaabilsan Afrika ‘AFRICOM’ ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya oo iskaashanaya ay dukheeyeen deegaanada ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda Daacish. Dukhaynta oo ka dhacday deegaan ka mid ah Puntland ayaa qoraalka lagu sheegay in lagu diley mid kamid ah horjoogayaasha kooxda Daacish. Qoraalkan ayaa lagu cadeeyay in weerarkan uu dhacay casar liiqii maanta oo Talaado ah,sidoo kale Taliska Maraykanka ee Africom uu sii wadi doono dukhaynta ay ka geysanayaan deegaano ka mid ah Somaliya. Halkan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Taliska Africom:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabduaahi Farmaajo,ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata. Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Kenya. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Magaalada Nairobi ee caasimada dalkaas,ayaa waxaa ku sii qulqulaya madax ka socota caalamka kuwaasoo ka qeybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo…
Gaza – Ururka falastiiniyiinta ee Xamas ee maamula magaalada Gaza, ayaa diiday in ay hubka dhigaan taasoo qeyb ka mid ah wadahadalada dib u heshiisiinta Qaran ee dhowaan ay la galeen dhaqdhaqaaqa Fatah, iyaga oo sheegay in hubkoodu uusan wadahadal ku jirin. Hogaamiyaha sare ee Xamas Khalil Al-Hayya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaza ayaa sheegay ilaa uu ka dhammaanayo khatarta iska caabbinta howlgalka Israel, in kooxdu xaq u leedahay inay hubkooda iskaga difaacaan cadawga gumaystaha ah. Al-Hayya ayaa walaac ka muujiyay hadal dhowaan ka soo yeeray saraakiisha sare ee Fatah, balse waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Xamas “Sii…
Garowe – Maamulka Gobolka Nugaal oo kashanaya laamaha amaanka ayaa howl-galo dhul banayn ah ka sameyay inta u dhaxaysa dooxada Buura-wadal iyo magaalada caasumada ah ee Garowe. Howl-gal oo looga hortagayo dad cabirtay dooxadani xoola daaqeenka ah, waxaa qayb- lixaad leh ka qaatay Gudoomiyaha Gobolka Nugal Cumar Cabdilaahi Farawayne iyo laamaha amaanka, iyadoona maamulku adeegsanayo gawaadhida Cagacagafta iyo Iskurogooyin. Cumar Farawayne Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa amar ku soo saaray inaan la degi Karin dooxadaasi, wuxuuna dad waynaha ugu baaqay in laga waantoobo dhulka laga cabinayo dhul daaqsimeedka Buura-Wadal iyo inta u dhaxaysa Garowe. Amarka lagu filanayo howl-galka dooxo banaynta ahay…
Somalia- Wasiirka cusub ee loo dhaariyay Wasaarada Difaaca Qaranka Somalia Maxamed Mursal ayaa ka hadlay qorshaha uu ku doonayo inuu ku wiiqo awooda Al-Shaab. Mursal oo Waraysi gaara siiyay VOASomali ayaa si cad u sheegay inay ka go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo kaashanaya ciidamada midowga nabad ilaalinta Africa. Wasiir Maxamed Mursal ayaa sheegay inay sii laba jibaari doonaan duqaynta lagu beegsanayo dagaalyahanada Al-Shabaab ee Maraykan-ku wado, wuxuuna cadeeyay in la tayayn doono awoodda xoogga Dalka Somalia. Dhagayso waraysiga Wasiir Mursal. https://av.voanews.com/clips/VSO/2017/11/26/e9cef18e-e442-462c-a124-ed8aae4df86a_16k.mp3
Ethiopia – Xukuumada talada Dalka Ethiopia haysa ayaa markii ugu horaysay sheegtay in dad ka badan 20 ruux ay ku dhinteen dagaal todobaadkii hore dhexmaray qowmiyadaha Somalida iyo Oromada. Afhayeen u hadlay Dowlada Ethiopia oo lagu magacaabo Negeri Lenco, ayaa sheegay in deegaanka Oromada laga soo xiray 98-ruux halka dhulka Kililka Shanaad laga soo qabtay 5-ruux, kuwaas oo lalal xiriirinayi inay ka danbeeyeen colaadda dib uga soo cusboonaatay labdan qowmiyadood. Labadan Maamul ee ka dirsan Ethiopia ayaa muddo dheer ku muran sanaa soohdinta ay wadagaan, iyadoona Xukuuma Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn ay deeganada dagaalku ka dhacay u daad-guraysay ciidamada Military-ga…
Hay’ada Somali Social Forum (SSF) oo isu Xilqaantay gargaarka dadkii ay raadka xun ku reebtay Abaartii guud ahaan geyiga Soomaaliyeed saameysay ayaa maanta waxa ay deeq Raashin gudoonsiisay dad ay tiradoodu ahayd 90qoys, deeqdan Raashinka ah ayaa waxaa maalgelinaysay Hay’ad lagu Magacaabo Forum SYD oo laga leeyahay Sweden iyo waxaana deeqdan soo gudbisay Hay’ada Somali Social Forum. Agaasimaha Hay’ada (SSF) Axmed Xasan Cartan oo deeqda raashinkan ka dib xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlay ayaa ka warbixiyey inay muddo 6 bilood shaqaynayso hay’adan ayna ka faaideysteen 540 qoys oo ay xoolahoodi dhaafeen . Madaxa Hay’ada Forum SYD ee Puntland Xasan Daahir Maxamuud…
Garowe – Digreeto ku suntanayd L. No. 7 oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Puntland Cabdulaahi Cali [Tima-cadde] waxaa lagu magacaabay xog-hayaha cusub ee degmada Garowe. Wasiir Dhaga-cadde ayaa xog-haye cusub u magacaabay Maxamuud Cali Xassan, kadib muddo labo sano ah oo xilkaasi hayay Cabdiqafaar Cabdirahmaan, isla markaana dhawaan shaqadii ka joojiyeen golaha deegaanka Garowe, iyagoona ku eedeeyay shaqo gudasha la’aan. Xog-hayahan cusub ayaa horay u soo noqday Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda wadooyinka Puntland [PHA]. Hoos ka akhriso digreetada lagu magacaabay Xog-haye Maxamuud.
Gudoomiyaha degmada goldogob ayaa beeniyey eedaymo uga yimid golaha deegaanka ee degmada goldogob . Ayaxle faarax maxamuud gudoomiyaha goldogob ayaa beeniyey in xil ka qaadis lagu sameeyey. HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiin Bin Axmed Al-Tani oo khadka isgaarsiinta ku wada xiriiray ayaa ka hadlay xaaladda dalka Suuriya iyo qadiyadaha caalamka sida laga soo xigtay Madaxtooyada dalka Turkiga. Sidoo kale Labada hoggaamiye ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,xiisadda mandiqada iyo waxyaabaihii ka soo baxay kulankii todobaadkii tagay dhex maray iyo waxyaabihii ay ku heshiyeen hoggaamiyeyaasha labada dal Turkiga iyo Ruushka. Waxayna labada dhinac ugu baaqeen mucaaradka Suuriya inay ka qeyb galaan shirka dhexdhexaadinta dhinacyada dagaalka isaga soo horjeeda Suuriya oo la filayo inuu dhawaan ka dhaco dalka Ruushka.…
Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay Gacanta ku hayaan mid ka mid ah Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Dronis-ka Waxa ay sheegeen in Diyaradaan oo ah Nooca wax basaasa ay ka qabteen Buuraha Calmadoow ee duleedka Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari . Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay hadda Gacanta ku hayaan burburka Diyaarada oo ku sheegeen in ay leedahay dowladda Mareykanka wallow ilaa iyo hadda aan loo heyn waxyaabo cadeyn ah. Weli dowladda Mareykan kama jawaabin hadalka ka soo baxay Al-Shabaab ee ku aadan…
Madaxweynaha Dawladda dhexe ayaa berri u ambabaxaya magaalladda Nairobi, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda berrito lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta . Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Kenya, Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey inuu Madaxweynaha Somalia ka mid yahay Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Munaasabdaas . Madaxda Caalamka ee lagu casuumay Caleema-saarka waxaa ka mid ah Hoggaamiyaayasha dalalka Djibouti, Uganda, Tanzania, Ethiopia, Zambia, Botoswana, Togo, Namibia iyo Rwanda. Waxaa kaloo Munaasabadaasi lagu casuumay Madaxweyne-ku-xigeeno ama Ra’isul-wasaarayaal ka kala socda dalalka Nigeria, Angola, Kongada Dimquraadiga, Burundi, Yemen, Gini, Senegal iyo Yuhuudda. Wafuudda Heerka Wasiirka ee ka qeyb geli doono Calaeema-saarka…
Dowladda Japan ayaa maaliyad ay deeqsinimo ka muuqato ku biirisey Deeq Gargaarka Degdegga ah, si ay taageerto hawsha UNICEF ee socota ee lagu badbaadinayo nolosha haweenka iyo carruurta ay saameysey abaarta xooggan ee ku dhufatey Soomaaliya. Deeqda 3 milyan ah waxaa lagu maalgelinayaa adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, fayadhowrka iyo nadaafadda iyo nafaqada oo la siiyo qaar ka mid ah bulshooyinka ay sida ugu weyn ay abaartu usaameysey. Maaliyadda la bixiyey waxaa mudddo lix bilood ka badan ka faa’iideysan doona 175,000 qof oo ku nool Soomaaliya waxaana ay UNICEF u oggolaaneysaa in ay si joogto ah u bixiso ayna kordhiso…
Gaalkacyo saakay waxaa la filayaa in uu dib u furmo ganacsigii Magaalada ka gadaal waan waan socotay labadii maalmod ee udanbeeyay. Odoyaasha labada dhinac iyo maamulada ayaa maalinkii shalay ahaa waxay shir ku yeesheen Magaalada Galkacyo shirkaas oo uu kasoo baxay heshiis hor dhac ah. Gaalkacyo oo ah magaalada Afraad ee ugu balaaran Somaliya,isla markaana ah Magaalo ku taal goob muhiim ah Puntland u ah Magaalada labaad ee Ganacsiga waxay nasiib uyeelatay in ay kusoo laablaabtaan colaado. Colaadahan ayaa intooda badan waxay ka yimadaan dhanka beelaha dega koonfurta Mudug ama Baraxley kuwaasoo aan lahayn maamul dhisan iyo…
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah. Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo…
Munaasabadan ayaa ka dhacday Magaaladda Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar ,isla markaana Xilka uu kula wareegayeey Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka karkaar Cabdulahi Maxamed barre (caato) waxaana munaasabada kasoo qayb galay masuuliyin,Taliska Booliska Gobalka Karkaar,iyo qaar kamid ah Ururuarada Bulshadda Rayidka ah. https://www.youtube.com/watch?v=BFyZaXfFacs
Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso Cayaartoy Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Australia. Cayaartoydan ayaa maanlinta berry ah la cayaari doonta Kooxda FC Bari oo dhawaan kusoo guuleysatay koobka Horyaalka Puntland. Cayaartoydan Melbourne Somali Team ayaa lagu wadaa inay sidoo kale gaaraan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Weriye Cumar Siciid Maxamed oo ka mid ahaa hawl wadeenada Telefishanka Somali Cable ayaa maanta lagu xiraya magaalada boosaaso. Weriye Cumar Dheere ayaa sheegay inuu xiray gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo. Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamad Waceys Dhedo ayaa sheegay in waaran Maxkamadeed uu ka yaalo maxkamadda weriye Cumar Dheere sidaana lagu xiray. Weli dowladu ma faah faahin wax lagu eedeeyey suxufiga. Cumar dheere ayaa horay loo xiray bishii August ee sanadkan kadib markii lagu eedeeyey inuu qoray warar lidi ku ah dawladda puntland .
Garowe : Duqa caasimada puntland ee Garowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa shaqadii ka Joojiyey Xoghayaha Dowlada hoose ee Garowe Abdiqafar Abdirahman . Waraaqda shaqa joojinta ayaa la ogaysiiyey Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Madaxwayne Ku xigeenka Ahna Ku simaha Madaxwaynaha Puntland . Duqa caasimada iyo xoghayaha dawladda hoose xiriirkoodu ma fiicnayn mudooyinkii ugu dambeeyey Sida ay dad xog ogaal ahi Idilnes.com u sheegeen .
Xukuumadda Washington ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii Dowladda ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai. Ninka la doonayo oo ah Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo. Sarah Sanders oo ah Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka , ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada,Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay. Waxaa…
Bosaaso : Magaalada ee xarunta gobolka bari ayaa la geeyey dheeraad ah kuwaasoo sugaya amaanka magaalada sida ay shegeen duqa magaalada boosaaso iyo gudoomiyaha gobolka bari . https://www.youtube.com/watch?v=zzh1-NjCy5k&feature=youtu.be
Garowe : The Media Association of Puntland (MAP), supported by the Free Press Unlimited (FPU) held a two-day Media and Judicial training for Journalists and Judges from across the Puntland State of Somalia. The training which focused on the topics of International legal frameworks on freedom of expression, Puntland Media law, Puntland Constitution on rights of freedom of expression, opinion – took place from 23 to 24 November at the New Rays Hotel in Garowe. In number present were 40 participants drawn from the Puntland Judiciary, prosecutors and media executives operating in the Puntland State regions. Seven (7), among them,…
Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 26 Nov 2017 magaalada Yubbe ka dhagax dhigay Saldhiggii Afraad ee gobolka Sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag kusoo dhoweeyey Boqorka Ibraahin Maxamed Xasan Isdeldel [ Gamacma Yare], Nabadoon Cige Jaamac Shire, Nabadoon Saciid Faarax Xasan, aqoon yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa ugu horayn shacabka magaalada Yube, isimada, Nabadoonada iyo masuuliyiinta kale ee soo dhoweyseyba…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Warfaafinta,Dhalinyarada iyo Maalliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka, intooda badan Wasiirradii hore ee Warfaafinta,Agaasimeyaasha Warbaahinta gaarka iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay 66 sano guurradii kasoo wareegatay aas aaska Radio Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/fghYeqvZ5wA
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka. Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay. Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay. Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo. Dhaqaalaha…
Howlgal ay sameeyeen xalay Ciidamada Booliiska degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay u suurtagashay in ay ku soo qabtaan waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay. Howlgalkaan ayaa la sameeyay xalay waxaana Ciidamada sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Raggii watay iyo kuwo isticmaalayay Maan dooriyaha Intaba. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaas uu qeyb ka ahaa kan lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa Iibiya waxyaabaha Maanka dooriya,hoos ak dhagayso codka. HALAKAN HOOSE KA DHEGAYSO CODKA
Dowladad Ethiopia ayaa xirtay 103 qof oo lala xiriirinayo Iska-horimaadkii Maamullada Soomalida iyo Oromada ku dhex maray Xuduudka labad dhinac u dhexeeya . Wasiirka Xafiiska Isgaarsiinta ee Dowladda Ethiopia, Negeri Lencho oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in 98 Eedeysanayaal Oromo ah iyo 5 Soomaali ah ku lug lahaa iska horimaadkaasi. Waxa uu intaasi ku daray inay xaalladda Xuduudka Labadaasi Maamul uu haatan deggan yahay, isla markaana ay Ciiddamo Fedetal ah ku sugan yihiin Bishii September ee la soo dhaafay waxa uu dagaal xooggan dhex maray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda ku nool Bariga dalkaasi, iyadoo dad badan…
Afhayeenka u hadlay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Libya , Kolonel Abu Ajila Cabdul-baari ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 200 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ay Doonidii ay ku socdaalayeen ku degtay meel ka baxsan Xeebta Degmadda GARABULLI oo 60-KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Tripoli. Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Ilaaladu heleen 30 mayd iyo 60 ka badbaaday Doonida 1-aad ee degtay, halka la soo badbaadiyeen dhamaan 140 Tahriibe ee la socday Doonidii 2-aad ee ay u gurmadeen. Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Badda Libya, Ayuub Qaasim oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in maydadka la…
Raisul Wasaaraha Somliya ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga u magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii looga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali Magacaabista xilka Wasiirka Gaashaandhigga,ayaa ka danbaysay kadib markii Rw Khayre uu kala tahstay Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Shariif Xasan. Maxamed Mursal ayaa horay u soo noqday Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumaddii hore, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiirka u horeeyay ee Soomaaliya u magacawday dalka Turkiga, kaddib burburkii dowladdii Dhexe,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wvQ-BwPGu20
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Fadaraalka Soomaliya,ayaa Maanta waxaa ka soo hor muuqday Rag lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab islamarkaana sahmin jiray qaraxyada Maqaaxiyaha Magaalada Muqdisho laga gaysto.hoos ka daawo muuqaalka. HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=Iqn26kB0s30
Madaxweyne kuxigeenka dawladda puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey,ayaa ka qayb galay ololaha ka hortaga tacadiyada haweenka ,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=NmxHULBhf8c
Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/e9euWpVgncg
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay dhigiisa Turkiga in Mareykanka uusan sii hubeyn doonin dagaalyahanadda Kurdiyiinta ee Syria. Hadalkan ayaa sida laga soo xigta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu Trump ku sheegay wada hadal dhinaca taleefanka ah oo ay labada madaxweyne yeesheen Jimcihii shalay. Sida uu sheegay Cavusoglu, Trump ayaa sheegay inuu bixiyay awaamiir cad cad oo ku aadan in aan la hubeyn karin kooxda YPG. Waxaa kaloo uu soo xigtay madaxweynaha Mareykanka inuu yiri – arrintan macno darada ah waxey aheyd in waqti hore ay joogsato. “Wey naga farxisay inaan maqalno si cad inaan la…
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa Maanta khudbad ka hor jeediyay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku lahaayeen Xaruntooda Magaalada Muqdisho taasi oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah. Guddoomiyaha ayaa u sheegay Golaha Shacabka Fadaraalka Soomaaliya in Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin Shacab walaalo ah oo aan marna kala maarmin Dowladda Jabuutina ay tabtay Garabkeeda Soomaaliya. Xildhibaanada Fadaraalka Somaliya ayuu ka dalbaday in qof kasta uu is bar bar taago Dowlada Fadaraalka Soomaaliya iyo in dalka ay ka dhalato Xasilooni siyaasadeed iyo mid amni,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-Wlfy0ZwZYg
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka yeeshay Xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Askarigii dilay Wasiir cabaas Siraaji iyo sababta loo fulin waayay. Senotar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibanada Aqalka Sare ayaa kulanka kadib waxa uu warbixiyay qodobadii ay isla soo qaadeen iyo wixii ka soo baxay. Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid dabagal loogu sameynayay kiiskii dilka ahaa ee loo Geystay Wasiirkii howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Cabaas Siraaji iyo in cadaalad loo helo. HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO
Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 25 Nov 2017 magaalada Xingalool ka dhagax dhigay saldhiggii sadexaad ee gobolka sanaag laga dhagax dhigo. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxaa magaalada Xingalool kusoo dhoweeyey maamulka degmada Xingalool, saraakiil ka tirsan Booliska gobolka, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon -yahano iyo guud ahaan shacabka magaalada Xingalool, shacabka Magaaladaasi iyo weftiga Agaasimaha ayaa dhex lugeeyey shaaricyada waaweyn ee magaalada illaa ay ka gaadheen…
Wasiirka wasaaradda maaliyada puntland cabdulaahi siciid dhaqaaje ayaa casho sharaf hotelka Grand Ee Magaalada Garowe casho sharaf ugu sameeyey dhalinyarada isxilqaamay ee waan awoodnaa oo Qayb ka ah ololaha Dhalinyaradu deegaanada puntland wax uga qabanayaan . Wasiirka Maaliyada iyo ku-xigenkiisa ayaa sheegay in ay xafladan u qabteen in madaxda Puntland la Socdaan Waxyaabaha wanaaga ah ee dhalinyaradu wadanka ka sameeyeen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/SGFE4TM0KDg https://www.youtube.com/watch?v=R4Yn9kF__4c
Dalxiisayaal Cadaan ah oo booqday Puntland halka ay iska galaan Badda Cas(Redsea) iyo Badweynta Hindiya (Indian-Ocean: Soomaaliya oo leh Dhul Qurux badan oo ku wanaagsan Dalxiiska ayaa waxaa dhawaan booqday koox dalxiisayaal ah oo la magac baxdey kooxda Nabada ee (Extreme East). Waxay safar dalxiis ku mareen degaano ka tirsan Somaliland iyo Puntland, iyagoo booqday xeebta degaanta Xaafuun ee gobolka bari oo ah meesha ay ku kulmaan badda cas iyo Badweynta Hindiya. Kooxdan dalxiiseyaasha ah oo u dhashay dalka South Afrika ayaa waxay ku soo daabaceen bartooda Facebook in meelaha Somalia ka tirsan ee ay booqdeen ay ka muuqatay calaamado…
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethio oo uu kulamo gaar gaar ah la lahaa, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Mr. Workneh Gebeyehu. Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi Ethiopia ayaa waxa ay kawada hadleen xoojinta Xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland iyo arrimo la xidhiidha furitaanka Custom ka Tuur-dibi ee xuduudda Puntland iyo Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan Puntland leeyihiin xidhiidh tariikhiya kaas oo ku…
Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa khudbad ka jeediyay garoon ciyaareed oo ay dad soo buuxdhaafiyeen, wuxuuna wacad ku maray in uu u shaqayn doono dhammaan muwaadiniinta Zimbabwe. Wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu jagadan qabto. Wuxuu ammaan kala dul dhacay madaxweynihii uu badalay Robert Mugabe, isaga oo ugu yeeray, Aabo, ababiye, nin ay ciidammada ka soo wada shaqeeyeen iyo hogaamiye, dadkii ayaana aad ugu sacabeeyay. Mugabe ayaa si layaableh xafiiska u banneeyay ka dib 37 sano oo uu xukun kaligitalisnimo ah dadka ku maamulayay. Xil katagitaankiisunu wuxuu dabo socday awood isku qabqabsasho horseeday in…
Dad looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa weerar bam iyo rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda. Dad goobjoogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha. Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas…
Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (PMPF) ayaa la geeyay deegaanka Garacad ee gobalka Mudug. Ciidamadaan ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo Habeen iyo Maalin ka fuliya Badda iyo Bariga, waxaana amaanay dadka ku nool deegaanka Garacad. Ciidamada Bada Puntland ayaa ah ciidan aad udiyaarsan dhan walba ,isla markaana ay ku ladaan shacabka Puntland tagistooda garacad ayaa kalsxooni xoog leh galisay Dadka deegaanka. Garacad ayaa ka mid ah deegaanada xeebaha Puntland dhaca ee horumarka ku talaabsanaya, waxaana hadda ku sugan dad u yimid ganacsi iyo dalxiis,sidoo kale waxay ku taal…
Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ka mid ah Duubabka dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameedyo ayaa waxay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ugaaska oo mudo 9-sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa waxaa soo dhoweeyay Ra,iisul Wasaarhii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ,Wasiirka Qorsheynta,Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka. Soo dhaweynta Ugaaska kadib,Ugu horeyn waxaa warfidiyeenada la hadlay Xildhibaanada kala ah Burhaan Aadan Cumar & Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waabari…
Barnaamijkan ayaa lagu falanqeeyey taariikhda isgaarsiinta Puntland, Caqabadaha soo wajahay, Sababta ay u burbureen shirkadihii Puntland laga hirgeliyay qaar kamid ah ? iyo dhibaatada ay Leedahay in suuqa Isgaarsiintu uu u xirnaado shirkad kaliya iyo muhiimada ay soo kordhisay in suuqa Isgaarsiintu uu noqdo mid tartan furan uu ka jiro,hoos ka daawo muuqaalka. HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA https://www.youtube.com/watch?v=dx7rgFI6R8I