Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminyo ayaa maanta 08 Nov 2017 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka gadaal muddo laba todobaad ah oo ay Muqdisho kaga qayb galeen shirkii wada tashi ee DFS iyo dawladdaha Xubnaha ka ah. Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabullaahi Cumar Camey, Guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha dawladda Puntland…

Read More

Cabdi Warsame oo xajistay kursigii golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo uu hore ugu fadhiyay. Mursharaxa Cabdi Warsame ayaa ka guuleystay Maxamuud Nuur oo ay xisbiga dimuquraadiga ka wada tirsanaayeen iyo Faadumo Yusuf oo matalaeysay xisbiga Jamhuuriga. Cabdi Warsame ayaa helay 3603 cod halka Maxamuud Nuur codadka uu helay ay noqdeen 3370 cod. Doorashada Cabdi Warsame iyo Maxmaud Nuur ayaa ahayd mid aad loo hadal hayey,Maxamud ayaa loolankiisa aad u adkeeyay bilahii danbe iyagoo warbaahinta isku adeegsan jiray hadalo aad u  adag, dhanka Maxamud oo ay taageerayaan Xildhibaano aqalka Gobolka looga taliyo ay Cabdi ku eedeeyeen inuu ka soo horjeedo guursiga…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo.   Madaxweyne ku xigeen Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha shacabka.   Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay si fiican u fal galaan.   Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa kula kulmay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku simaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka.   Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.   Saraakiisha Ciidanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa muujiyey yididiillo iyo kalsooni, iyaga oo tilmaamay in ay durba guula ka soo hoyeen jiidda hore ee dagaalka hallaas oo ay ka xoreeyeen argagixisada deegaanno ku yalla Shabeĺlada Hoose.   Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyey Saraakiisha Ciidanka ayaa kula…

Read More

Waaxda Caddaaladda Magaaladda MINNEAPOLIS Ee Dalka Mareykanka ayaa Dhalashada kala noqday Afar Muwaadiniin Soomaaliyeed oo iyagu lagu Eedeeyay in ay ka Been Sheegay Codsigoodii visa ama Dal ku Galka ay ku Dalbanayeen Deganaanshaha ama ku noolaanshaha Dalka Mareykanka.   Afartan ruux ayaa Galay Mareykanka iyagoo umaray Nudaamka Barnaamijka Baqtiyaa Nasiibka Ee uu Dhawaan Mamnuucay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Wuxuuna joojinta iyo Mamnuucidda uu Mr Trump u Cuskaday in Habkaan ‘lottery visa’ ama Baqtiyaanasiibka uu Salka ku hayo Argagaxiso oo ay ku soo dhex-dhuuntaan Kooxo Argagaxiso ay isticmaalaan Habkan Baqtiyoonasiibka.   Fosia Abdi Adan, oo 51-sano jir ah ayaa ka been…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyey warar sheegayay in wasaaraddiisu ay kordhisay canshuuraha la qaado. Cabdiraxmana Ducaale Bayle ayaa warbaahinta Soomaalida u sheegay in dawladdu damacsan tahay inay hirgeliso canshuurta iibka ee laga qaado alaabooyina la qaado, waxaana uu sheegay in bixinta canshuurta iibka ay lagama maarmaan u tahay jiritaanka dawlandimada,hoos ka dhagayso codka Wasiirka. Halkan ka dhagayso codka Wasiirka

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Kuuriyada Waqooyi ugu baaqay “in ay timaado miiska wada hadalka” ayna ka hadasho baabi’inta hubkeeda nukliyerka.   Isagoo ku hadlayay cod ka duwan kuwii xanaaqa ahaa ee horey loogu yaqiinay, wuxuu sheegay in “Alle uu ka filayo” in uusan militariga Mareykanka u adeegsan maamulka Pyongyang, inkastoo Mareykanka uu militari badan geeyay gobolka.   Mr Trump wuxuu hadalkaasi ka sheegay shir jaraa’id oo asaga iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed ay ku wada qabteen magaalada Seoul.   Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku maraya qaaradda Aasiya, wuxuuna horey u muujiyay “Xaqaaq kulul” oo ka dhan ah maamulka…

Read More

Hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in la dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya ilaa 1000 askari dhammaadka sannadkan. Madaxa hawlgalka AMISOM Franscisco Madeira ayaa maanta ugu sheegay weriyayaasha magaalada Muqdisho dhimista ciidanka darted uu jiri doono dhaqdhaqaaq badan oo ciidamada AMSIOM ah waxaase uu ka digay inaysan arrintaasi noqonin mid keenta argagax. Maderia waxa uu mar kale ku celiyey in ka bixitanaka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ay u dhici doonto qaab wejiyo leh, isla markaana ay ku xirnaan doonto xaaladda ka jirta gudaha Soomaaliya. Haaruun Macruuf ayaa warbxiintan ka diyaariyey,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka…

Read More

Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo lix qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.   Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay.   Gawaarida gurmadka…

Read More

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ayaa ku baaqay in la joojiyo shir la sheegay in horraanta sannadka soo socda lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayo saliidda, gaaska iyo macdanta Soomaaliya. Wasiirka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa warqad uu u qoray shirkad lagu magacaabo International Research Network oo la sheegay inay shirkaasi qabanqaabinayo ugu sheegay  in wasaaraddu aysan waxba ka ogayn, waxna ka qorshaynin shirkaasi loona baahan yahay in degdeg looga noqdo. Wasiirka ayaa sidoo kale cadeeyay in waxba aysan ka ogayn shirkaas la sheegay iyo warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha taasoo…

Read More

Ururka Al-Shabab ayaa maanta sheegay inay afar nin ku toogteen magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.   Wararka ayaa sheegaya inay Al-Shabab raggaasi ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen. Afarta qof ee la toogtay ayaa la sheegay in saddex ka mid ah ay ka tirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab halka mid kalena uu ahaa shacab.   Eedaha ay Al-Shabaab usoo jeediyeen raggaasi ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin maadaama maxkamadaha Al-Shabaab aysan ahayn kuwo u furan dadweynaha.   Al-Shabaab ayaa deegaannada ay gacanta ku hayaan ka fuliya xukunno iskugu jira dil, xabsi iyo jirdil kuwaasi oo ay cambaareeyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Read More

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii ku qaadeen buuralayda Gobolka Bari.   Madaxweynaha Puntland ayaa VOA u xaqiijiyey in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin, xogta ay ka heleen hay’adhooda amnigana ay sheegayso inuu ka badbaaday weerarkaas,hoos ka dhagayso codka Madaxweynaha . Halan ka dhagayso codka Madaxweyne Gaas

Read More

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta ka qaybgalay fadhigii 15-aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare  baarlamaanka fadaraalka ah. Madxaweynayaasha ayaa fadhiga ka horjeediyay khudbado taabanayay dhinacyo badan,waxaana kusoo dhaweeyay xarunta Gudoonka Aqalka iyo Xildhibaanada Golaha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/QMvR-jEU_2g Halkan ka daawo muuqaalka khudbadaha madaxda https://youtu.be/9KESsh8DmLw

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho kaga qayb galay fadhiga shan iyo Tobnaad ee golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo lagu casuumay Dowladaha Xubnaha ka ah JFS. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu amaanay soo dhawaynta ay golahu u sameeyeen isagoo sheegay in uu rajo badan ka qabo in Aqalka Sare uu helo matalaad rasmi ah si loo helo jawi xasiloon oo ay ku wada shaqeeyaan Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadu. Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in awoodaha dastuuriga ah ee Aqalka sare ay tahay in la adkeeyo oo la…

Read More

Agaasimeyaasha Telefishannada Qaranka (SNTV), PuntlandTV (PLTV), Jubaland TV iyo Koofur Galbeed Soomaaliya (KGSTV) waxa ay ku heshiiyeen arrimaha soo socda: 1- In ay is dhaafsadaan wararka iyo barnaamijyada 2- In Telefishanka Qaranku ka taageero Telefishannada Dawladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka dhanka Tababarrada, farsamada iyo Qalabka. 3- In Telefishanka Qaranku siiyo telefishannada dawladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka xafiisyo ay ku shaqeeyaan, telefishannada dawladladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalkuna ay sidoo kale xafiisyo siiyaan wakiillada SNTV. 4- In Telefishanadu ay wadaagaan farriimaha iyo barnaamijyada wacyigelineed ee dowlad dhisidda xoojinaya heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleedba, sidoo kalena ay baahiyaan farriimo iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Somaliyed Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Fadaraalka Soomaaliya kaga qayb galay gaba-gabada shirka Madasha Madaxda DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.   Shirkan oo qaatay muddo 8 cisho ayaa ugu dambeyn Madaxda ku heshiiyeen qodobadii la isku hayay ee sababay in shirka dheeraado.

Read More

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay shirkii Madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka dowlada fadaraalka uga socday magaalada Muqdisho,   Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qaatay waqti ka badan intii uu qorshuhu ahaa in lagu soo gabagabeeyo, madaama uu ku soo beegmay xili khilaaf adag uu ka dhax jiray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka. Warmurtiyeedka shirka kasoo baxay ayaa uqornaa sidatan soo socota:- 1. Siyaasadda   a. In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnimo, Dulqaad, Isu-tanaasul, Wadatashi iyo Mas’uuliyad wadareed. b. In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta Dowladda Federaalka,…

Read More

Xubno kasocday Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka Dowlada federaalka soomaaliya oo sedexdii maalmood ee udanbeeyay kusugnaa magaalada kismaayo ayaa Wasaarada haweenka jubbaland waxay iska kaashanayaan xog uruurin ku saaabsan heshiiskii Qaramada Midoobey ay la gashay Dowlada Fadaraalka soomaaliya bilowgii kii sanadii 2015-kii kaasoo ku saabsanaa dhawrista xaquuqda caruurta Gudigaan isku dhafka ah ayaa maanta shaqadoodii ka bilaabay Magaalada kismaayo iyagoona booqday xarun lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah iyo kuwa danyarta ah ee Waamo Children Care ama xarunta xanaaneynta caruurta ee Waamo.   Caruurtan ayay gudigan la yeesheen xog waraysi ku saabsan noloshooda iyo tacadiyada ay kala kulmaan bulshada dhexdeeda.…

Read More

Waxaa goor dhow la soo gaba gabeeyay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uga socday magaalada Muqdisho, iyadoo lagu saxiixay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda. Munaasabadda saxiixa heshiiska oo goor dhow soo dhamaatay ayaa waxaa saxiixa kaddib khudbado jeediyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.. Shirkan oo qaatay muddo 8 cisho ayaa ugu dambeyn Madaxda ku heshiiyeen qodobadii la isku hayay ee sababay in shirka dheeraado. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa akhriyay War murtiyeedka ay ku heshiiyeen Madaxda…

Read More

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa dhagax dhigtay Biyo-xireen cusub oo ay wasaaradu ka samaynayso Togga Dhoosaaley gaar ahaana Deegaanka Beer-dhagaxtuur oo ka tirsan degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxaana dhagax dhiga Biyo-xireenkan ka qaybgalay madax katirsan Wasaarada Deegaanka, Maamulka gobolka Mudug, Maamulka degmada Xarfo, odayaasha Deegaanka iyo qaybaha kaladuwan ee Bulshada. Madaxda dhagax-dhigga togga u tagtay deegaanka Beer-dhagaxtuur ayaa ugu horayn la kulmay qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaankaas waxaana ay uga warbixiyeen marxaladihii uu soo maray Biyo-xireenka, habka ay tahay in looga faa’iidaysto iyo muhiimadu uu deegaanka u leeyahay Biyo-xireenka waxaana ay dadka deegaanku soo dhaweeyeen biyo xireenka…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somaliya ee Doolow ee Gobolka Gedo.   Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho.   Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxey ku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah…

Read More

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga,ayaa saaka tababarka xog ururin ah lagu qabatay,   Tababarka oo ku saabsan sidii loo ogaan lahaa saamayntii abaartu ay ku yeelatay xoolo dhaqatada ayaa lagu tababari doonaa xubno ka kala socda laamaha kala duwan ee dowladda.   Tababarkan ayaa socon doona mudo labo maalmood ah,iyadoo lagu baran doono sida loo ururiyo xogta iyo tuuliska kala duwan ee ay isticmaali doonaan.   Tababarkan ayaa markuu dhamaado waxay tababarayaashu aadi u kala anba bixi doonaan Gobolada kala duwan ee Puntland.   Sargaal ka socday hay’adda UNICEF ayaa ka hadlay tababarka sheegayna sida ay muhiim u tahay ina…

Read More

Dhaqaalaha uu qaaday waftigaas ee gargaar laga ururshay shacabka iyo xukuumada Puntland ah looguna talagalay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii isgoyska Soobe 14-kii Oct ee sanadkan ayaa gaaraya Nus Malyuun lacagta Maraykanka ah.(500,000 oo dolar).   Puntland ayaa ah halkii ugu horeysay ee dhul Somaliyed ah ee looga gurmado dadkii masiibada Soobe ay ku dhacday, Dowlada Puntland ayaa si deg-deg ah maalmo gudahood ku gaarsiisay muqdisho Diyaarad siday dawo iyo agab kale.   Gurmadkan maanta anba baxay ayaa ah wajigii labaad ee ugurmashada shacabkaas kana yimid shacabka iyo xukuumada Puntland.   Reer Puntland ayaa caan ku ah u istaagida iyo ugurmadka…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04 Nov 2017 madaxtooyada Soomaaliya kaga qayb galay shir looga hadlayey guud ahaan amniga qaranka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa. Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Inta…

Read More

Jamaal Maxamed Xasan wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka. Wasiirka ayaa ka jawaabayay su’aalo xildhibaanada baarlamaanka ay ka weydiinayeen dhismaha hay’adda Tirakoobka qaranka Soomaaliya. Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dhismaha hay’addan ay wax badan dalka kusoo kordhin doonto, haddii xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyaan. Hay’addan oo qaban doonto tirakoobka shacabka Soomaaliyeed ka hor doorasho cod iyo qofkii ayaa xarumo ku yeelan doono gobolada dalka Soomaaliya, waxaana xarunta ugu weyn ay noqoneysaa magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaarada qorsheynta ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal  Maxamed Xasan ayaa ka jawaabay Su’aalihii ay xildhibaanada weydiiyeen wuxuuna sheegay in talooyinka ay…

Read More

Waxaa goor dhawayd ka anba baxay Magaalada Bosaso wafti iskugu jira Wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland iyo Culumo,kuwaasoo sida Gurmadkii dhaqaale ee loogu tabarucay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii 14-kii Oct ee isgoyska Soobe.   Waftigan ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaardaha ee magaalada Bosaso waxayna ka koobnaayeen Wasiiro iyo Culumo reer Puntland ah,kuwaasoo kala ahaa:-   -Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade   -Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje   -Mareeyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid   -Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire. -Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf -Sheekh Fuaad Aflow -Shiikh Yaasiin iyo Madaxa Dalada Manhaaj Shiikh Maxamed  …

Read More

Taliska ciidamada maraykanka ee Afrika ayaa qoraal uu soo saaray waxay ku xaqiijiyeen in diyaaradaha maraykanka ay fuliyeen weerarkii dhinaca cirka ahaa ee lagu qaaday fariisimada kooxda argagixisada ah eee Daacish,kuwaasoo ku yaala deegaamo hoos taga gobolka Bari ee Puntland.   Dukhayntaas ayuu Talsiku sheegay in uu rumaysan yahay in lagu dilay xubno ka tiran kooxdaas.   Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay, in iyadoo iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka, Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer dukheeyeen saldhig kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.   Warkan ayaa meesha ka saaraya warar ay qoreen warbaahinta qaar oo…

Read More

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayay u bilaabatay booqasho uu ku marayo wadamada qaarada Eeshiya. Booqashada Trump oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine. Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah. Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi. Mr Trump ayaa lagu wadaa in Kuuriyada Waqooyi iyo Japan uu u muujiyo midnimo iyo in ay hal dhinac ka soo wada jeedaan. Sidoo kale madaxwayne Trump ayaa…

Read More

-Muqdisho mahan meel dib loogu soo celin karo Qaranimadii Somaliya ee waa in Caasimada laga badalaa oo Dowladu ka guurtaa…   -Xilka qaadis Taliye waxaa ka hoboon in Reysal-ware Kheyre waa fashilmaye asna baxaa..   -10 nooc oo ciidan ah oo 10 NGO oo kala duwan maamulaan ayaa xamar jooga Dowladuna waxba kama qaban karto, waayo beesha caalamka ayaa sidan rabta..   -DF ma iska garab mari karto madaxda DG waayo ayaga Xamar mahane inta kale dalka jooga.. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Magaalada Muqdisho wali waxaa ka socda shirka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka kaasoo dhaafay xiligii loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo.   Shirkan oo ah mid xasaasi ah oo ku soo beegmay xili khilaaf siyaasadeed oo adag uu ka dhex jiro Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, ayaa u muuqda in aan wali is afgarad buuxa laga gaarin qodobada qaar.   Inkastoo ay adag tahay in la wada helo dhamaan xogta ku saabsan shirka, ,balse warar hoose oo soo baxaya,ayaa sheegaya in leysku mari la’yahay qodobo muhiim ah,kuwaasoo kala ah:-…

Read More

Twitter-ka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee @realDonaldTrump, ayaa dhowr daqiiqo hawada laga saaray habeenkii khamiista.   “Ma jiro” ayaa ahayd fariinta ay arkayeen dadkii isku dayay inay galeen cinwaanka Trump uu ku leeyahay Twitter, waxaana uu hawada ka maqnaa 11 daqiiqo.   Shirkadda Twitter ayaa markii hore sheegtay in cinwaanka madaxweyne Trump uu ku tirmay qalad ay sameeyeen shaqaalaheeda.   Hase yeeshee, Twitter ayaa goor dambe bayaan ku sheegtay in cinwaanka madaxweynaha uu hawada ka saaray mid ka mid ah shaqaalaheeda, oo ku guda jira maalintii ugu dambeysay ee shaqadiisa.   “Waxaan arrintan ku sameeneynaa baaritaan buuxa” ayaa lagu yiri…

Read More

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax duqeeya ayaa saacadihii la soo dhaafay dukheeyay deegaano ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish-ta Puntland.   Duqeynta ayaa la sheegay in ay lagu bur buriyay Saldhigyo ay kooxda ku leedahay deegaan la yiraahdo Buqa oo ka tirsan Buuraha Gal-gala ee Puntland.   Sidoo kale deegaankaan ayaa ku dhaw degmada Qandalla ee Gobalka Bari ee puntland.   Dadka degaanka ayaa sheegay in la maqlay dhawaaqa Qaraxyo ka dhacaya diyaaradaha wax duqeeyay kuwaas oo lala eegtay Fariisamaha Daacish.   Diyaaradaha wax duqeeyay ayaa ka soo dul ka cay Maraakiib nooca dagaalka ah oo…

Read More

Kulanka casho sharafta ah oo ka qabsoomay Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Casho sharaf kadib Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin. 1. Isxog waraysi. 2. Isku xidhka iyo wada shaqaynta dawladda Puntland iyo DFS. 3. qaybsiga khayraadka dalka. 4. Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka 5. kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya. Kunlanka oo ahaa kulan wada…

Read More

Waxaana La sheegay in la soo gaba-gabeeyay Khilaaf u dhaxeeyay Ganacstada iyo Shirkadda P&O oo Puntland ay 12-kii Bishii Hore ku Wareejisay Maamulka Dekedda. Ilaa Saaka Boosaso Waxaa Ka socda Shirar u dhaxeeya Ganacstada iyo Dowladda iyadoona ay ka soo baxeen Qodobo Ay Kamid yihiin In dekedu ku shaqayso nidaamkii hore, Ilaa Muddo 10 Cisho Ah , In khidmaha laga qaadayo gaadiidka ay noqdaan sidii hore & In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekeda, shirkaasi oo lagaga niqaashi doono isbedelka ku yimid nidaamka dekeda iyo khidmadaha,hoos ka daawo muuqaalka.…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 Nov 2017 ka qayb galay kulan loogu gobol xaadhayey shirka amniga qaranka Soomaaliyeed. Kulanka oo  ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS. Kulankan maanta ayaa ah kulankii labaad oo ay Madaxda DFS iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah DFS ay ku yeeshana Muqdisho kaas…

Read More

Kadib  War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska  Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadda ayaa lagu sheegay in uu jiro Walaac xoogan oo  laga  qabo in lacagta la siiyo dowladda Soomaaliya loo leexiyo Dhanka Dagaalamayaasha Al-Shabaab. Laantaan,ayaa waxaa ay sheegtay in  sababta aysan ugu soo laaban warbixinnada la xiriira kaalmada Mareykanka  ee Soomaaliya iyada oo aan laheyn warbixin ku saabsan Nidaamka loo maareeyay gar-gaarka  Mareykanka ee Soomaaliya,cidda qaadatay oo aan la caddeyn iyo sababaha ay ku baxaan oo aan soo laaban,sida lagu sheegay warbixin ka kooban 34 Page Ama Bog oo lagu qiimeynayay Habka loo maamulo kaalmada uu soo dhiibo…

Read More

Xaflad ka dhacday xarunta akademiyada booliiska ayaa xilkii Talyanimo ee ciidanka booliiska lagu wareejiyay kusimaha Talyaha ahna Talye xigeenka koowaad ciidanka Booliiska sareeye guuto Muqtaar Xuseen Afrax.   Jen. Saacid ayaa ku sheegay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, islamarkaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidamada.   Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.   Waxaa lagu wadaa in dhawaan Taliye cusub la soo magacaabo, waxaana xilka Taliyaha Booliska ugu jira loolan Saraakiil ciidan oo horay…

Read More

Wasaarada Amniga Koonfur Galbeed ayaa Daqiiqado ka Hor Waxaa ay sheegtay In Ciidamadeeda ku sugan Degmooyinka Gobolada bay bokool iyo shabelaha Hoose La Galiyay Heeganki ugu dambeeyey.   Ciidamadan ayaa saaka la arkayay ayagoo sameynaya diyaar garow weyn kaasi oo ku wajahan Deeganada Shabaab Ka joogaan Koonfur-galbeed.   Wasiirka Wasaarada Amniga Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelay)ayaa sheegay in dhamaan degmooyinka Koonfir galbeed Ciidamada ku sugan ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay Lana Doonayo in ciidanka ay bilaaban Dagaal ka Dhan ah Dagaalamiyaasha Shabaab.   ”Ciidankeena maanta laga bilaabo waxey Sameeyn doonaan howlgal lagu sifaynayo Shabaab wasiir xildhibaan…

Read More

Muqdisho, November, 01, 2017. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.   Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay deeganadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahayeen.   Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adage e ay ku jiraan wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan…

Read More

WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH? Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan  halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca…

Read More

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo lagu qiyaasay ilaa iyo kun askari oo wata ilaa iyo 30 gaari oo Ethiopian ah ay shalay iyo maanta ka soo gudbeen xuduuda Somalia ee Doolow ee Gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka caawin doonaan ciidamada Soomaaliya duulaan cusub oo uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka dhan ah al-Shabaab, kadib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii October ka dhacay Muqdisho. Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hase yeeshee waxeyku gaabsadeen in ciidamo Ethiopian ah ay horey u…

Read More

Koox ka mid ah hogaamiyayaasha gobolka Catalonia ee dalka Spain, ayaa maanta kasoo muuqday laba maxkamad oo ku taalla magaalada Madrid, si ay uga jawaabaan eedeymo ku saabsan kacdoon, qiyaano qaran iyo xatooyo la xiriira xoriyadda uu doonayo gobolka.   Xubnaha maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa waxaan ku jirin hoggaamiyihii la eryey ee Catalonia Carles Puigdemont, kaasi oo toddobaadkan ku sugnaa magaalada Brussels, kadib markii uu diiday amarkii maxkamadda ee ahaa inuu horyimaado.   Waxa uu ku gacan seeray eedeymaha oo uu ku sheegay kuwa siyaasad ay ka dambeyso, wuxuuna sheegay inuu Spain kusoo laaban doono kaliya haddii loo damaanad…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu kala shaqeyn doono Koongareeska sidii loo joojin lahaa barnaamijka bakhtiyaa-nasiibka ee sanad walbaa ay kumannaan ruux ku yimaadaan Mareykanka. Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki la sheegay in ninki Talaadadi baabuurka dadka ku jiirsiiyay gudaha magaalada New York uu ku yimid barnaamijkaasi loo yaqaano Lottery Visa. Haddaba wariyaha gobolka Minnesota ee VOA Maxamuud Mascadde, ayaa muhiimada barnaamijkan iyo cidda ku timaada Mareykanka weydiiyay, Amin Harun oo ah sharciyaqaan dagan magaalada Minneapolis,hoos ka dhagayso codka . Halkan ka dhagayso codka Harun

Read More

Hay’adda Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah ayaa dalalka adduunka ugu baaqday in aanan la hilmaamin bini’aadanimada marka lala macaamilayo maxaabiista tirada badan ee laga qabtay kooxda Daacish.   Ku xigeenka madaxa ICRC ee Bariga Afrika Patrick Hamilton ayaa sheegay in adduunyada ay ku qasbantahay in la raaco sharciga caalamiga ah ee la dhaqanka maxaabiista dagaalka, wuxuuna diiday baaqyada ah in maxaabiista Daacish lagu dilo gaas.   ICRC ayaa durbaba xabsiyada ku booqanaysa illaa 1,300 dumar iyo caruur ah oo ka mid ah qoysaska dagaalyahanada Daacish meel u dhow magaalada Mosul, waxaana la rumeysanyahay in la qaban doono kuwa kale oo…

Read More