Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»26 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mareykanka
    Somalia

    26 ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay dalka Mareykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 6, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Mas’uuliyiinta gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in labaatan iyo lix qof lagu dilay kaniisad ku taala magaalada Sutherland Springs ee gobolkaasi, kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan. Wararku waxaa ay sheegayaan in shan iyo labaatan qof oo kale ay ku ku dhaawacmeen weerarka.
     
    Magaalada uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaasti konton kilomitir dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada San Antonio. Booliska gobolka Texas ayaa warbaahinta maxaliga ee dalkaasi uu sheegay in raggii weerarka geystay la dilay, waxaana la arkayay muuqaalo muujinaya ciidamada ammaanka oo soo buux dhaafiyay goobta uu weerarka ka dhacay.
     
    Gawaarida gurmadka degdega iyo kuwa dab damiska ayaa sidoo kale soo gaaray goobta, waxaana sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in dadkii halkaasi ku sugnaa lasoo daad gureeyay. Barasaabka gobolka Texas Mr Greg Abbot ayaa sheegay in hadda la tacaalayaan xaalada.
     
    BBC
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    October 14, 2026

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.