Author: Jibril Qoobey.

Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Kulankan ayaa yimid toddobaad kadib qaraxii Zoobe ee shacabka badan lagu laayey, waxaana socda dadaallo dowladda ku dooneyso inay dagaal ku qaaddo kooxda Al-Shabaab. Gabagabadii shirkaasi ayaa taliyayaashu ay la hadleen saxaafadda,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BjpcjWRkNL0

Read More

Labada Madaxweyne waxa ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.   Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.   Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.   Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, Waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada AddiAbba Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale.   Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ayaa lakulmi doona Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalen,iyagoo la filayo in ay kawada Hadli doonaan sidii loo dardar galinlahaa ladagaalanka Alshabaab. Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ,ayaa lugtiisan uu ku marayo wadamada dariska ah ee ay Somaliya ka joogaan Ciidamadu waxuu ksuoo gabagabayn doonaa sida ana ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo Dalka…

Read More

Hay’ada Saado oo ka Shaqeeysa horumarinta bulshadda ayaa maanta Magaaladda Kismaayo 50. Dhalinyaro ah oo laga soo xulay 5-ta xaafad ee Magaaladda tababar ku Saabsan mamulka iyo Maareynta oga furtay Hotel Kismaayo ee Magaaladda Kismaayo. iyadoona furitaanka tababarkaan ay ka soo qeyb Galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Xilibaano ka tirsan Dowlad Goboledka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Masuliyiinta Ururka Dhalinyarada.   Cali Cabdi Bootan oo ka mid ah masuliyiinta Hay’ada Saado oo ugu horeytii gobta ka hadlay ayaa Shegay inay ku dadaali doonan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo sidii loogu abuuri lahaa fursado shaqo.   Xildhibaan Cali Cabdi Waaxid Cali Xoog oo furitanka…

Read More

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Lr. 126 , soona baxday shalay oo taariikhdu ahayd 22 October 2017 , ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa e G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Shaqo-joojinta taliyaha ayaa la xiriirta ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal labo habeen ka hor ku dhexmaray Hotelka Jubba ee Garoowe taliyaha booliiska Gen Ereg iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farweyne. Ismadhaafkan ayaa sababay in rasaas uu…

Read More

Wasiirka Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo tagnoolajiyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo la hadlayey Warbaahinta waxa uu sheegay wararka ah in uu is casilay inay yihiin been aan sal iyo raad midna lahayn. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in baraha bulshada  lagu faafiyo warar aan jirin labada Wasaarad ee Gadiidka iyo Wasaarada Warfaafinta in  lakala qaaday warqadihii been abuurkana timbaraha saarnaa  uu ahaa kii wasaradda Gaadiidka. Wasiir Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa ku tilmaamay qoraladii la soo galiyay baraha bulshada kuwo looga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka jubbaland. Wasiirka Wasarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada jowhar ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle. Safarka Maaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah labada gole ee dowlad goboleedka soomaaliyeed ee jubbaland.

Read More

Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ka bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka sare, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano, Senataro. Xaflada oo ka socota Hoolka shirarka Xarunta Farjano ayaa waxaa socota khudbadaha bilowga ee furitaanka Xaflada caleema saarka, iyadoo lagu wado inay khudbado ka jeediyaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZbaBd4YNXlI

Read More

Wafti uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar iyagoo ka qaybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.   Waftiga uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.   Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.   Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war…

Read More

Afhayeenka Ciidanka Booliska Muqdisho Qaasim Axmed Rooble oo goor-dhaw Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka uu ka baxsaday Askarigii Labo maalin ka hor qof shacab ah ku dhax dilay Saldhigga degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.   Afhayeenka ayaa sheegay in Askariga ay marka hore qabteen Ciidanka ka dibna uu rasaas ku furay kana fakaday waxa uuna sheegay in ay maalmahaan ku raad joogeyn balse ay waayeen.   Booliiska ayaa dalbaday in lala soo wadaago Xogta Askarigaan gudo iyo Dibadba sidoo kalane waxa ay cadeeyeen in ay la wadaageyn Booliska Caalamiga ah ee Interpol laguna raad joogo…

Read More

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelada hoose Cali Nuur Maxamed oo la hadlay warbaahinta ,ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay bilabeen in miinooyin ay ku aasaan Deegaanada ka Tirsan Gobalkaas. Sidoo kale waxaa uu Xusay in labo miino dhawaan laga soo saaray inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo Xaawo Cabdi oo kawada Tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.   Gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelada Hoose ayaa Waxaa uu faahfaahiyay Sababta keentay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aasan Gobalka Shabeelada hoose,Waxaa uuna Sheegay in Taasi ay keentay kadib markii dowlada federaalka soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.…

Read More

Prof Hodon Isse ahna marwada madaxweynaha puntland oo ka mid noqotay 200da boqol ee haweenka ah uguna saameynta badan dunida. ” Hodan Isse was born in Hargeisa, Somalia. She holds a PhD in economics from George Mason University in Virginia and two master’s degrees in economics and international development from Ohio University. She is a clinical assistant professor emeritus at the University at Buffalo School of Management. Isse is a cofounder and board member of the UnitedStates–based Somali Mental Health Foundation, a member of the board of directors for the Central Bank of Somalia and a founder of H.E.A.L., a…

Read More

Madaxda qaar ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaasoo ay uga qeyb galayaan Caleema saarka Madaxweyne Waare.   Madaxweyne Gaas iyo waftigisii ayaa gaaray Jowhar daqiiqado ka hor,sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed. Jubbaland,ayaa goor dhow gaaray Jowhar, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Waare iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.   Waxaa kaloo gaaray Jowhar Senatoro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.   Waxaa goor dhow lagu wadaa inuu ka dego garoonka diyaaradaha Jowhar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.   Ra’iisul Wasaaraha…

Read More

What happened?  On 14 October 2017, twin truck bombings in Somalia’s capital, Mogadishu, killed upwards of 300 people. Al-Shabaab, an Islamist insurgency, was almost certainly behind the attack, but has not claimed responsibility. Why did it happen?  Al-Shabaab has been fighting the government since 2007. The targets of the attack are unclear, though may have been government buildings and the base of African Union forces fighting Al-Shabaab.   Why does it matter?  The attacks have united Somalis in disgust at Al-Shabaab and may shore up support for Somali President Farmajo’s government. They also illustrate the challenges he faces: not just…

Read More

Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri. Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam. Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam. Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcday collaada Boko Xaraam ee ka taagan magaalada Maiduguri. Xigasho BBC.

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u anba baxaya Magaalada Jowhar,halkaas oo ay ka dhacayso caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Hir-Shabelle.   Madaxweyne Gaas oo dhawaan madashii madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka loogu doortay Madaxweynaha Madasha,ayaa saacadaha soo socda u bakhooli doonaa Magaalada Jowhar.   La soco wararkayaga danbe

Read More

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabelle,ayaa sheegaya in saaka ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee Munaasabadda Caleemo Saarka Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.   Magaalada maalmahan waxaa ku sii qulqulayay Wafuud kala duwan oo Munaasabadda lagu casuumay, waxaana laga dareemayaa diyaar garow aad u balaaran,   Wufuud kala duwan ayaa ka qaybgalaysa caleemo saarka Madaxweyne Waare.waxaana ugu horeeya Madaxweynaha Madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraaalka ahna Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,sidoo kale waxaa madaxda imaanaysa ka mid ah Madaxweyne Axmed Madoobe,Shariif Xasan iyo Xaaf.   Dhanka Fadaraalka ayaa la filayaa in uu ka yimaado…

Read More

Doodii Aqalka Sare ayaa maanta lagu kala aragti duwanaaday. Senator Goonjeex oo ay Madaxweynaha isku hayb yihiin iyo Senator Dhagdheer oo RW isku hayb yihiin ayaa si indho la’aan ah ula saftay Dowladda Dhexe. Labadan Senator waxaa laga soo doortaa Galmudug balse waxay ka shaqeeyeen in la rido Madaxweyne Xaaf ayagoo dulaalay lacagtii ka timid waddanka Qatar ee loogu talo galay in Dowladaha xubnaha ak ah Dawlada Fadaraalka lagu dumiyo. Nasiib waxaa fikirkooda guracan ka hor yimid inta badan xubnaha Aqalka sare ee Matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalada. Halkan…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa xaqiijiyay inay soo gaartay martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda maamul-goboleedyada Somalia, kuwaasoo lagu Casuumay inay kasoo qayb-galaan shir-wadatashi ah oo dhamaadka bishan ka dhacaya Muqdisho. Axmed Ducaale ayaa xusay inuu ka qeyb galayo shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho, taasoo la micno ah in dowladda ay aqoonsan tahay, kaddib markii bishii hore warqad ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray xil ka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug. Madaxtooyada ayaa kasoo dabacday Mowqifkeeda arrimaha maamullada ka jira dalka oo horay loogu eedeeyay inay fara gelin ku heyso. Sidoo…

Read More

Degmadda #GARYAQAAN (Yoombeys) waa mid ka mid ah magaalooyinka fara ku tiriska ee Gobolka Nugaal oo uu ka socdo horumar xawli leh   Ka sokow dadka ku nool deegaankaas waxaan qirayaa in ay door muhiim ah ka geysteen horumarkan dhaayaha bini’aadamka u roon dhalinyaro ay ka mid yihiin Hon Saacid Cismaan Salaad iyo Cabdale Geedgale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3oD44zkrlGA

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28ka Oktoobar, 2017.   Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla Qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday Magaalada Muqdisho 14 kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali lahaa midnimo Qaran. qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoojin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.   Sidoo kale, waxaa shirkaas looga…

Read More

Shir looga hadlayay amniga caasimadda Garoowe oo ay ka qaybgaleen Wasiirka amniga Puntland, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha Booliiska Puntland,Talyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Talye xigeenka Booliska,ayaa rasaasi ka dhacday. Rasaasta dhacday,waxaa ku dhaawacmay Taliye xigeenka Booliiska Puntland Bile Faarax Cali waxayna xabadu ka haleeshay lugta,iyadoo dhaawaciisa lagu dabiibayo isbitaalka guud ee caasimada. Rasaastaas uu ku dhaawcmay Talye Bile ayaa si lama filaan ah oo ogaansho la’aan ah waxay uga dhacday Buskoolad u xirnayd Talyaha Booliska Puntland Jeneral Ereg. Shirka looga xaajoonayay amniga ayaa ahaa mid lagu dajinayay qorshaha amniga caasmada kaasoo ugu danbaynta laga soo saari lahaa qorshe dhamaystiran oo…

Read More

HAG NATIONAL HAWIYE STRATEGY (HAG) Position regarding the Darod clan Hawiye action Group seeks to effectively sideline the Darod clan by working with the central government by implementing certain political strategies. This includes but not limited to the empowerment of the Isaak and Rahanweyne clans, ensuring that Somalia’s  federal presence stays largely in Mogadhishu, emphasizing the importance for the International community to directly deal with only the central government, working with Somaliland in containing the terrorist threat in eastern Somailand as well as providing limited federal funds to Darod regional administrations.

Read More

FARMAAJO IYO 21st Oct. 21st Oct.1969 yuu afwayne ku dhawaaqay afgambi iyo xaalad deg deg ah inuu dalku ku jiro, arinkaas oo ahaa dhacdo lagu maja xaabiyey dastuurkii, sharciyadii, iyo dimoqraadiyaddii cardunka ahayd ee dalku lahaa. Maantaas taariikhdii madoobayd ee dalku galay ilaa maanta yey Somali la dhakafaarsan tahay waxii ka dhashayna si loo maareeyo la la’yahay, hadaba maqaalkan waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo dambiyadii waawaynaa ee ummadan laga galay iyo in kacaan kusheegii kaligii taliyuhu uu sababay maalmaha mugdiga ah ee aan wali ku jirno. Siyaad Barre oo ka mid ahaa dictators-kii aduunka soo maray kuwii ugu…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray magaalada Garoowe, isagoo ka soo laabtay safar uu ku joogay magaalada Boosaaso ee xudunta Ganacsiga Puntland.   Madaxweynaha ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha Madashii wadatashiga ee lagu dhisay magaalada Kismaayo, looguna doortay Hogaamiyaha madashaas, wuxuu sheegay in ay ka shaqeynayso wada tashiga iyo horumarka Soomaaliya.   Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin sidda looga turjumay ama loo buun-buuniyey, balse ay tahay madal Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu qabo sameynteeda oo sharciyad ku dhisantay.   Mr, Gaas ayaa kusifeeyey warsaxaafadeedkii maanta soo baxay mid muhiim ah, kuna…

Read More

Iyadoo laga duulayo xasuuqii ka dhacay Muqdisho 14kii bishaan oo in ka badan 300 qofood oo rayad ah oo aan waxba galabsanin lagu xasuuqay islamarkaana in ka badan 300 kalana lagu dhaawacay iyo saameynta ay tani ku yeelatey arimaha amniga iyo siyaasadda dalka; ayey Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, Soomaaliya waxay soo saareen war murtiyeedkan: 1. Golaha Iskaashiga wuxuu umada Soomaaliyeed la wadaagayaa murugada iyo tiiranyada ka dhalatey xasuuqii ka dhacay Caasimada Muqdisho, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan eheldii, qaraabadii iyo guud ahaan umada Soomaaliyeed, inta dhimateyna waxay ilaahay uga baryayaan in janadiisa ugu deeqo inta dhawaca ahna cafimaad deg dega…

Read More

Dawlada soomaaliya oo soo bandhigtay macluumaad saabsan qasaaraha qaraxii zoobe. Dowladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay macluumaad ku saabsan Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe. Goobta waxaa tagay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Gobolka. Wasiirka Amniga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu hayo dad lala xiriirinayo Qaraxa, sidoo kalena uu socdo baaritaan. Wasiir Yariisow oo soo bandhigay xogta Qaraxa ayaa sheegay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof. Wasiir Yariisow ayaa sheegay dadka lagu…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoona Madaxweynuhu ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.   Madaxweynaha dawladda Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan…

Read More

Shir ku saabsan habka maareynta dhulka magaalooyinka Puntland, waxaana ka qeybgalay Madaxda Wasaarada Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Gadiidka,Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasaaradda Deegaanka,Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka,Masuuliyiin ka socda Dowladaha hoose.   Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gadiidka Dowlada Puntland oo ka warbixiyay ujeedada kulanka ayaa sheegay inuu daba socdo shirar taxane ahaa oo mudooyinkii u dambeeyay lagu dejinayay habka nidaaminta magaalooyinka Puntland. Wuxuu sheegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Shan Wasaaradood oo ka tirsan Dowlada Puntland inay ku hawlanaayeen in muddo ah sidii loo heli lahaa xeer magaalooyinka lagu maamulo oo la socda habka casriga ah oo maanta lagu dabakhi karo dunida.hoos…

Read More

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir – ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaadheen  5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa wadada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km,hoo ska daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pjREAcUhaM0

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ka reebay Guddiga Gurmadka QARAN labo wasiir oo muhiim u ahaa hawsha gurmadka sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid “Juxa” iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmad . Guddiga Raysal wasaare Kheyre u magacaabay arrimaha gurmadka ayaa isugu jira Wasiiro iyo Ururada bulshada, waxaana gudoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducale). Wasiir Juxa iyo Raysal wasaare Kheyre mudooyinkii dambe waxaa u dhaxeeyay khilaaf salka ku haya arrimaha Federaalka iyo xilka qaadistii Xogyahihii Joogtada Wasaarrada Arrimaha Gudaha, oo markii xilka laga qaadey Raysal wasaare Kheyre uu geeyay xafiiskiisa…

Read More

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay dilkii ka dhacay Kismaayo ee loo geestay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland. Al-Shabaab ayaa sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen waxayna sheegeen in dilkaas uu yahay kii ugu horeeyay oo loo geesto Xildhibaan ka tirsan Jubbaland. In kastoo Al-Shabaab ay sheegteen dilkaasi ayaa warar kale oo lagu kalsoonaan karo waxay xaqiijinayaan in dilka Xildhibaanka uu salka ku hayo muran kala dhaxeeyay Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland murankaas oo ka dhashay is qab qabsi la xariira dhul ku yaala Magaalada Kismaayo.

Read More

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacadii sheegay in gaboodfallada dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyaddeeda qaadi doonaan hogaanka millatari ee dalkaasi. Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine. In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay. Dadkan ayaa lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Rohingya, Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo…

Read More

Wasaaradda gaashnaadhigga Afghanistan ayaa sheegtay in ugu yaraan 43 askari la dilay kadib markii Daalibaan ay maanta weerar ku qaadeen saldhiga milatari oo ku yaalla koonfurta dalkaas. Sagaal askari oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan saaka aroortii lagu qaaday saldhigga ku yaalla gobolka Kandahar, ayada oo lix kale la la’ yahay. Wasaaradda ayaa sheegtay in 10 dagaalyahan oo Daalibaan ah la dilay. Bayaan ay soo saareen oo ay ku sheegtay mas’uuliyadda, ayey Daalibaanka waxay ku sheegeen in 60 askari ay ku dileen weerarka. Weerarka ayaa ka billowday qarax baabuur oo ismiidaamin ah, waxaana xigay dabley ku xoomay saldhigga. Waa weerarkii…

Read More

Madxweynaha Soomaaliya oo galabta la hadlayay banaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa dhinaca kale fariin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay dalal shisheeye xiriir la leeyihiin. Fariintaas ayaa madaxweynaha waxa uu ku yiri “waxaa la joogaa waqtigii aan siyaasadda meel iska dhigi laheyn oo aan gacmaha isqabsan laheyn.” Inkastoo uusan madaxweynaha carabaabin magac, hadana fariintaasi ayaa loo turjuntay inay ku socoto siyaasiyiinta ay dowladdu isku hayaan mowqifka dhexdhexaadnimo ee ay ka qaadatay Khilaafka wadamada Khaliijka Carabta. Siyaasiyiintaa waxaa ka mid ah Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke. Wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayuu khadka taleefanka ee dalka Talyaaniga ugu…

Read More

Waxaa gor dhow Magaalada Kismaayo lagu dilay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Gobaleedka Jubnaland. Xildhibaanka la dilay ayaa lagu Magacaaba Cabdixakiin Tima Faras waxaana la dilay Saladii maqribka iyo Cishaha inta u dahaxaysay. Dilka Xildhibaan Cabdixakiin ayaa waxa gaystay Nin ku hubaysan Ake 47 qoriga lo yaqaano waxaana Xabadaha ay kaga dhaceen Xildhibaanka qaybta sare jirka. Ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa gaaray Xaafada Calanleey oo dilka Xildhibaanka uu ka dhacay waxayna dhamaan xireen wadooyinka Xaafadaas so galo.

Read More

Nin Libin kaa Xasdiyey Xumihii Waa Yaab! Kaalamada Dawladda Puntland, Ee Somaliya Manta Ma bilaaban, Maantana Kuma Eka, Ee Way sii socon Illaa Laga helayo Waxa Puntland loo Dhisay ee ah Somaliya Oo Fakhriga, iyo Dib udhaca ka baxda, Gaartana Horumarka Ay u wadaan Somaliya. Sanadihii 2004 – 2008, Waxaan Xasuustaa Puntland Oo 7,000 Oo Ciidanka Dalaayadaha Ku Booda, Saad, Saanad, Maal iyo Moodba la Dul istaagtay Dawladdi Kumeel gaarka ahayd, Ciidanka Waxaa Ka So Nabad Noqday Gen Saciid Dheere Taliyaha Guud ee Ciidan ka Puntland Inkasto qudhiisa la Sumeeyey, Has Yeeshe Waxay Suurto Geliyeen in Villa Somaliya Ay noqoto…

Read More

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-122 October, 18, 2017 Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Dastuurka dawladda Puntland. Markuu arkay:                      Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo. Markuu Tixgeliyey:              Baahida loo qabo in la magacaabo Wasiir Ku-xigeenka                                                                     Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Wuxuu Xeeriyey:                                                Waxaa Abshir Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dibu-dhiska iyo Horumarinta Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu. =DHAMMAAD= XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Read More

Waxaa muqdisho gaaray Deeqdii ka koobnayd dawada,dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha Caafimaadka ee ka tagtay garowe caasimada Puntland. Deeqdan oo gaaraysay 4-tan ayaa waxaa qaaday wafti uu hogaaminayo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1hZ300FMPN8

Read More

Deeqdan maanta u anba baxday Muqdisho ayaa gaaraysa 4-tan oo dawo ah,sidoo kale waxaa qayb ka ahaa gurmadka Dawlada Puntland ee ku wajahan Muqdisho 10-qof oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal Caafimaad.   Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland oo waftiga iyo kaalmada Puntland hogaaminaya ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay hordhac,balse ay jiri doonaan kaalmooyin kale oo ka imaan doona Dawlada iyo shacabka Puntland oo sikugu jiri doona dhaqaale,dawo iyo agab kale.   Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Dawlada Puntland ayaa markale Tacsi udiray dadkii ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kale kuwii ku dhaawacmay rabi uga baryay in uu u sahlo dhaawacooda.…

Read More

The man who killed more than 300 people with a truck bomb in the centre of Mogadishu on Saturday was a former soldier in Somalia’s army whose home town was raided by local troops and US special forces two months ago in a controversial operation in which 10 civilians were killed, officials in Somalia have said. The death toll from the bombing now stands at more than 300, making it one of the most devastating terrorist attacks anywhere in the world for many years. On Tuesday remains of victims were still being brought out of rubble spread over hundreds of square metres. Investigators believe…

Read More

Masaajidka weyn ee Rowda ee magaalada Bosaso,ayaa caawa lagu qabtay kulan balaaran oo kaalmo loogu ururinayo shacabkii Somaliyed ee ku waxyeeloobay Qaraxii Soobe ee Magaalada muqdisho. Kullanka gurmadka ee ka dhacay Masjidu Rawdo,ayaa hormuud waxaa ka ahaa masuuliyiinta Dawlada Puntland. Masuuliyinta ka qaybgalay ayaa kala ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ah madaxda guddiga gurmadka ee dowladda C/laahi Cali Xirsi (Timacade), Guddoomiyaha gobolka bari Yuusuf maxamed Wacays (dhado), Duqa degmadda Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud, Guddiga culuma’udiinka Puntland, Ganacsato, Aqoonyahano iyo dadweyne aad u farabadan, waxaana toos looga dhagaysanayay Idaacadaha maxaliga ah ee Puntland. Kulanka ayaa lagu ururiyay dhaqaale gaaraya 100,000…

Read More

Isbahaysi Kurdiyiinta Suuriya ah oo Maraykanku taageero iyo dagaallamayaal Carab ah ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen halkii xarunta u ahaan jirtay kooxda dawladda Islaamiga ee magaalada Raqqa. Afhayeen u hadlay xoogagga SDF, Talal Sello, wuxuu sheegay in xoogagooda ay guushan ku qaadatay shan bilood oo dullaan ah. Hawlgal nadiifin ah ayaa iminka socda sida uu Talal sheegay, si dibadda loogu soo saaro miinooyin aan weli qarxin, iyo jihaadiyiinta magaalada ku dhuumaalaysanaya. Dhawaan ayaa la filayaa in la soo saaro hadal rasmi ah oo ku saabsan guusha laga gaaray magaaladan, iyo soo afjaridda seddex sano oo kooxda IS…

Read More

Maanta ayaa ugu dambeysa sadex maalmood oo Somalia ay ku jartay baroordiiq qaran oo loo sameeynayay dadkii ku dhintay qaraxiii sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Waxaa dhinaca kale la soo gabagabeeyay baadi goobkii lagu baadi goobayay meydadka iyo haddii ay jirto cid ka badbaaday qaraxaasi oo ku hoos jirtay burburka dhismayaasha uu qaraxa dhulka dhigay. Dowladda ayaa shaacisay in tirada dadkii ku dhintay qaraxaasi ay korodhay oo ay gaartay 281 qof, halka dhaawacana uu yahay ilaa 300. Dhinaca kale, waxaa sii socda gurmadka caalamiga ah ee gaaraya magaalada Muqdisho, iyadoo ay maanta gaareen dayuurado sida dawo iyo…

Read More

Waxaa isa soo taraya cambaareynta caalamiga ah ee loo soo jeedinaya kuwi ka danbeeyay qaraxi uu dhiiga badani ku daatay ee 14-ki October. Bayaan xalay kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaan Mareykanka ayaa si xoog leh loogu cambaareeyay weerarkaasi. Qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas ay dadka badani ku le,deen lagu beegsaday dad aanan waxba galabsan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur. Waxaa sidoo uu Aqalka Cad sheegay in dadka ku dhingtay weerarka ay ku jireen muwaadiniin u dhashay Mareykanka. Dhanka kalana, magaalada Paris, xalay saqdii dhexe waxaa la damiyay nalalka taalada caanka ah ee Eiffel Tower…

Read More

U.S Mission to Somalia delivers a planeload of relief supplies to Somali government in Mogadishu on Tuesday, October 17. Charge d’Affaires Martin Dale handed over the aid to #Mogadishu mayor Thabit Abdi Mohamed. It is part of U.S government response to help Somali government following the terrorist attacks. #GurmadQaran. #Somalia,

Read More

Inaa lilaahi wa inaa ilayhe raajicuun Boqor burhaan boqor muuse ayaa umada soomaaliyeed ugu tacsideeyey qaraxii Soobe. Sidoi kale Boqorku wuxuu shacabka ugu  baaqay inay u gargaaraan walaalahooda dhibaatada kasoo gaadhay Qarxi Zoobe. Boqorka wuxuu sidoo kale u mahadceliyay intii ka qayb-qaadatay gurmadka oo ay ugu horeeyaan shacabka, Maamulada iyo dowladihii soo gurmaday wuxuna ugu dambayn ku baaqay Roob doon Caam ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/G_jLcCAMhjU

Read More

Hadalka wasiirka arimaha dibada Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani laga sheegay inuu yiri ee isugu jiray labada qaybood ee kala ah in weerarkii KM5 Zoobe -Muqdisho ka dhacay 14 Oktoobar lagu beegsaday safaaradooda ku taalla agagaarka KM4 iyo kan kale ee ah ah in Soomaaliya dawlado kale ka aargoosanayaan, iyo Dhanka kale fariin lagu qoray barta twitter-ka TV-ga aljazaara ee isla dalkaas laga leeyahay in Alshabaab ay dafireen weerarkii sabtida dhacay ayagoo dabadhigay su’aal ah cidda ka danbeysay? Hadalkaasi sida kala duwan loo yiri wuxuu dhammaantiis ku soo biya-shubanayaan marin habaabin iyo siyaasadayn weerarkii dhiigga badan ku daatay ee…

Read More

Kulan Caawa ka dhacay Vila Somalia ayaa la isugu yeeray ku dhowaad 20 ruux. Dadkan oo u badnaa qaaqlayaal taageersan Dawlada iyi dad kaloo tiro yar oo culimo iyo odayaal isugu jira ayaa looga hadlay sida ugu haboon oo ay Dawlada uga falcelin lahayd xasuuqii Muqdisho ka dhacay maalintii Sabtiga ah. Kulanka oo uu gudoominayey Fahad Yaasiin ayaa rag waxgarad ah soo jeediyeen in fursadan looga faa’iidaysto baadi goob midnimo iyo isku soo dhowaynta Dawlada, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Maamulada Goboladda si ay u fududaato abaabulka Shacabka iyo la dagalaank Alshabaab. Laakiin qaaqlayaal ay ka mid yihiin Awliyo, Cali Daacuun,…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 October 2017 kulan aan caadi ahayn la qaatay golaha wasiirada Puntland, kulankaas oo looga arrinsanayey qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho 14 october 2017 iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaadhsiin lahaa dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka gadaal shirkaasi warbaahinta la hadlay ayaa marlabaad uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen dhammaan dadkii ku nafwaayey qaraxaasi, waxaana Madaxweynuhu uu Alle uga baryey inuu u naxariisto denbigoodana dhaafo samir iyo iimaana Alle kasiiyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed. “Waxaa maanta halkan isugu yimid shir…

Read More