Author: Jibril Qoobey.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ciidamo isku-dhaf ah oo ka kala yimid Waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ama Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ayaa maanta loosoo xiray tababar in mudo ah uga socday Gaalkacyo.   Mas’uuliyiin fara badan oo ugu horeeyo Madaxweyne xigeenka Puntland mudane Camey,Talyaha Booliska Fadaraalka,Talyaha Booliska Puntland,saraakiil ka socotay AMISOM iyo Qaramada Midoobey,Ku xigeenka Xaaf ee maamulka Cadaado ayaa kasoo qaybgalay munaasabada.   Camey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in muddo lix bilood ah ay bixin doonaan mushaaraadka ciidamadan,waxuuna ku booriyay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in ay lixdaa bilood gudahood ku soo diyaariyaan…

Read More

Waxaa goor dhow soo xirmay goobaha cod-bixinta doorashada ee dalka Kenya, iyadoo meelaha qaarna ay ka bilaabatay tirinta codadka. In ka badabn 19 milyan oo qof ayaa u diiwaan gashanaa inay codeeyaan, oo ay kala doortaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo 55 jir ah oo u ordaya in mar kale dib loo soo doorto, iyo Raila Odinga oo hoggaamiya mucaaradka ahna 72 sano jir.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/291fj8Fud4U Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/U5mmqebxsJI

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 08 August 2017 kulan Qado sharaf ah u sameeyey ganacsato Soomaaliyeed oo ka kala yimid 12 degmo oo ka tirsan gobolada dhexe ee Soomaaliya. Munaasibadda qado sharafta ah oo ka dhacday xarunta dhaqanka iyo dalxiiska ee Hiddo Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Ganacsatadan Soomaaliyeed ee ka kala timid 12 ka degmo ee ka tirsan golbolada dhexe ee Soomaaliya iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynaha Dawladda Puntland u xilsaaray wadda hadalada Puntland iyo ganacsatadaasi ayaa maanta wada…

Read More

Waxaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe maanta 08 August 2017 lagu dhaariyey todoba Wasiir oo isugu jirey Wasiir, Wasiirru Dawleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno, kuwaasi oo kamid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay. Munaasibada lagu dhaarinayey Wasiirada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Masuuliyiin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland. Wasiirada, Wasiirru Dawlayaasha iyo Wasiir Ku-xigeenada maanta loo dhaariyey xilaalkaasi ayaa waxaa kamid ahaa. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta Boostada, Dhaqanka  iyo Isgaadhsiinta Cabdiweli Maxamed Yuusuf Wasiirru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta…

Read More

Wariye Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maalintii labaad ku jira xabsi ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Garowe ee caasimada Puntland kadib markii habeenkii Axadda ay qabteen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.   Wariye Cumar Dheere ayaa waxaa markii ay qabteen ciidamada waxay markiiba u kexeeyeen saldhig ku yaalla kontaroolka koonfureed ee magaalada Garowe, halkaasoo uu ku yaalla xabsi ay ciidamadu ku xiraan dadka lagu tuhmayo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.   Xarigga wariye Cumar Dheere ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa amar ka soo baxay madaxtooyada Puntland.   Illaa hadda ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay…

Read More

Buuq iyo gacan ka hadal ayaa ka dhashay fadhigii Baarlamaanka Somaliland, maalin kaddib doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka loogu doortay Baashe Maxamed Faarax. Xildhibaan Saleebaan Cali Koore iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa dhex maray gacan ka hadal ka dhalatay buuq ka dhashay natiijadii doorashadii dhacday Axadii la soo dhaafay. Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay gudaha xarunta Baarlamaanka Somaliland, iyadoo markii dambe ay deg deg u soo fara geliyeen Ciidamada Booliska, kuwaasoo la wareegay ammaanka Xarunta. Darawalka Xildhibaan Koore ayaa lagu eedeeyay inuu rasaas furay, taasoo uu ku dhaawacmay Xildhibaan lagu magacaabo Nacnac. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha…

Read More

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyey codbixiyayaasha dalkiisa inay codkooda u dhiibtan si nabad ah, isla markaana ay qadariyaan sharaftii aasaasayaasha dalka Kenya. Doorashadan ka dhacaysa Kenya ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo, waxaana si aada ugu tartamaya Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee Raila Odinga. Doorashada Kenya ayaa isugu jirta illaa lix qaybood oo kala duwan, inkasta oo doorashada ugu xamaasadda badani ay tahay tan madaxtooyada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hx_nukIHagE

Read More

Dadweynaha Kenya ayaa maanta oo ah Talaado, 8-da August 2017, u dareeray goobaha cod-bixinta doorashooyinka guud ee dalkaas. Waxaa si weyn isugu soo baxay taageerayaasha madaxweynaha talada haya ee Uhuru Kenyatta iyo ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Raila Odinga. Safaf dhaadheer ayaa loo galayaa afaafka hore ee goobaha codbixinta dalka oo dhan, iyadoo dadka intooda badan ay ilaa xalay saqdhexe dhoobnaayeen goobahaas. Amniga ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey. Waxayna codbixintu ka bilaabatay inta badan goobaha dooarshooyinka 6-dii subaxnimo, ayada indhaha oo dhan ku foogan yihiin xaqiijinta Aalladda Elektoroonikada ee diiwan gelinta iyo nidaamka tirinta codadka ay…

Read More

Mogadishu: Monday 07/08/2017 NUSOJ condemns the arbitrary arrest of a journalist in Garowe. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns – in the strongest terms possible – the arbitrary and detention of a Somali journalist on late Sunday, 6 August, 2017 in Garowe, Puntland. The reason behind the arrest of the editor of Horseed media in Puntland Omar Said Mohamed isn’t yet clear but Puntland authority seems to be furious about some of the news stories he recently wrote to his website including an interview with a local MP who criticized to the government finance institutions for the involvement…

Read More

Talyaha qaybta booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlay dilkii duhurnimadii maanta kadhacay magaalada Bosaaso ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ragii ka dambeeyey dilkaasi.   Waxaa uu sheegay soo qabashada inay gacan ka gaysteen odayaasha dhaqanka , ayna hayaan cadaymo ku filan raga lasoo qabtay inay falkaan gaysteen.     Khalar Ismaaciil oo horay usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Bari ayaa maanta lagu dilay Bosaaso iyadoona marxuumka uu horay uga soo shaqeeyey arimaha amaanka gobolka Bari,hoos ka dhagayso codka Talyaha. Halkan ka dhagayso codka Talyaha

Read More

Waxaa Maanta gelinkii danbe 07 August 2017 lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno oo kamid ah golihii Wasiirada Dawladda Puntland ee maanta  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay. Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay dhammaan Wasiiradda Cusub, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo…

Read More

Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya AVV. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga, wacyigelinta dadweynaha, iyo La-tashiyada dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka.  Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay wasaaradaha dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan ururada bulshada rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha. “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu…

Read More

mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ahaana  kii ugu naxariista darnaa,isla markaana ahaa xasuuqe caanka ku ahaa xasuuqa shacabka Somaliyed Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka.   Qeybdiid ayaa doorasho la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxayna guddiga doorashada ay sheegeen in Qeybdiid uu ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraallka Soomaaliya.   Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6-cod halka Madaxweyne faroole uu ka helay 4-cod.   Waa arin waji gabax ku ah Madaxweyne faroole markii laga eego dhinacyo badan.   Dhanka…

Read More

1-Saalax Xabiib Jaamac– Wasiirka Cadaalada arrimaha diinta iyo dhaqangelinta. 2-Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha 3-Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad- Wasiirka Amniga iyo DDR-ta 4-Cabdulaahi Saciid Caarshe – Wasiirka Maaliyadda 5-Shire Xaaji Faarax – Wasiirka Qorsheynta iyo Xirirka Caalamiga ah 6-Cabdifataax siciid ceynab- Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka 7-Abshir Awyuusuf Ciise- Wasiirka Waxbarashada 8-Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke- Wasiirka Caafimaadka 9-Cabdiraxmaan Barkhad Warsame- Wasiirka Howlaha guud iyo Guryenta 10-Saciid Maxamed Raage- Wasiirka Dekaddaha gaadiidka iyo amniga badaha Puntland 11-Axmed Cilmi Karaash – Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada 12-Maryan Axmed Cali – Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska 13-Cabdi Xirsi Cali Qarjab-…

Read More

Liiska Wasiirada Cusub ee Puntland: 1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta 2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose 3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR 4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada 5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah 6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka 7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta 8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka 9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta 10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland 11. Axmed Cilmi Cismaan…

Read More

Xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ayaa maanta u sheegay in uu geeriyooday maxbuus ka tirsanaa mucaaradka jabhadda FRUD oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray.   Maxamad Axmed Jabha ayaa wararku sheegayaan in uu dhintay maalintii Talaadada balse maanta uun la shaaciyay.   Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in uu ku dhintay Xabsiga inkastoo maanta Guddoomiyaha Guddiga dawladda Jabuuti ee xuquuqda aadanaha Saleebaan Cumar Cudin ayaa sheegay in uu Isbitaalka ku geeriyooday.   Saleebaan Cumar Cudin ayaa waraysi uu siiyey laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa ka hadlay geerida Xubinta Mucaaradka jabuti,hoos ka…

Read More

Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay uga digayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka intaba in warar daacayad ah laga faafiyo sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada Qaranka. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in meel looga dhaco sharafta iyo xasaannada xildhibaannada Qaranka iyo guddoonka gollaha shacabka intaba. ‘’Wixii hadda ka danbeeya waa lala xisaabtami doonaa cid kasta oo warar been abuur ah ama daacyad ka faafisa xildhibaannada Qaranka’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka. Prof Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka gudanayaan waajibaadkooda Qaran ee Dastuuriga ah, balse aysan jirin wasiir iyo xukuumad ay duulaan ku yihiin.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda Qaranka ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala…

Read More

Golaha Wasiirada Puntland oo laga sugayo in Madaxweyne Gaas magacaabo maalmaha soo socda ayaa Ilo muhiim ah waxay shegayaan in inta badan golihii hore ee Wasiirada ay dib u soo laaban doonaan,halka kuwa kooban xilka waayi doonaan ama Wasaaradahooda laysku badali doono.   Waxaa adag in la ogaado magacyada saxda ah ee wasiirada cusub madaama liiska golaha cusub madaxweynahu gacanta ku hayo si joogta ah isu badalayo taasna waxaa keenaya culeysyada kaga imaanaya madaxda qabaa’ilada iyo xildhibaanada.   Hadaba Liis hor dhac ah oo aan rasmi ahayn oo ay heshay idilnews ayaa uqoran sidatan:-   1.Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Maxamed Faarax…

Read More

Hay’adda danbi-baarista Mareykanka ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan ku saabsan qarrax aroornimadi hore ee shalay (Sabti) lala beegsaday masaajidka Darul-Faruq ee magaalada Bloominton ee gobolka Minnesota.   Muslimiinta iyo dadka heysta diimaha kale ee dagan magaalada Bloomington ayaa shalay isugu yimid banaanka masaajidka, halkaas oo ay si wada jir ah ugu cambaareeyeen qaraxi loo geystay masjidka.   Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump oo intii uu ku jiray oloihiisa doorashada sameeyey balan-qaadyo ka dhan ah muslimiinta.

Read More

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliyaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2017.   Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Fadaraalka ayaa dib u eegis ku sameynayay Miisaaniyadda sanadkan, iyadoo lixdii bilood u horeysay Miisaaniyadda ay dhamaatay.   Miisaaniyadda loo soo gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku qotontay dhameystirka lixda bilood ee sanadkan ka hartay.   Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka keenay qodobo ka mid ah miisaaniyadda iyo qaabka lagu saleeyay,   Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaareysa lacag dhan 260 milyan oo dollar.

Read More

Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta doortay gudoomiyaha cusub ee golahaasi.Kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada oo hore iskaga casilay Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu tartan xoogani ku dhex maray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyaga oo mudanayaasha golahana ka hor jeediyey khudbado la xidhiidha qaabka ay u hogaamin doonaan golaha.   Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey in Baashe Maxamed Faarax uu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xildhibaan, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/DHX6ee0ReLs

Read More

Ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ayaa dhismahoodu ka socdaa magaalada Galkacyo,Ciidamadan oo laga kala keenay labada dhinac ee waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ayaa waxaa tababar uwada saraakiil ka socota Qaramada Midoobey. Talaabadan ayaa ah mid ay aad usoo dhaweeyeen shacabka Gobolka iyo Maamulkaba,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Shirkadaha Waaweyn ee Soomaaliya   Dhaqaalaha Soomaaliya waxa saldhig u ah dhoofinta xoolaha, beeraha, iyo xawaaladaha. Xeerarka Soomaalida ee soo-jireenka ah ayaa fududeeyay in ganacsatadu amni helaan, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland. Nabaddoonnada iyo baarlamaannada gobolladaasi ama deegaannadaasi ayaa gacan ka geeystey, halkii ay ka ahayd in dawladda dhexe sugto amniga ganacsatada iyo muwaadinnada dalka.   Soomaaliya waxa soo gaaray burbur baaxad ballaaran oo dhan kasta ah (dhaqaale, siyaasad, bulsho, ammaan, iwm). Dagaalladii sokeeye kaddib dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu galay marxalad soo kabasho. Hayeeshee halkii ay ahayd in dawladdu bixiso adeegyadii siday ahaan jirtey waagii hore ama burburka ka hor,…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 August 2017 xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya. Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in dawladda Puntland hermuud u ahayd dhaqqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii…

Read More

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa xaflad ka dhacday magaalada Tehran waxaa loogu dhaariyay xilka madaxtinimada markiisii labaad. Tobannaan marti sharaf ah oo ka kala timid caalamka ay xafladdaasi joogtay waxaa ka mid ah madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, taas oo muujinaysa in la dabciyay go’doomintii lagu hayay Iiraan kaddib markii ay 2015 heshiis la gashay quwadaha caalamka. Mr Ruuxaani ayaa bishii May ku guulaystay doorasho ay kula tartamayeen koox mayal adag oo mucaarad ah. Madaxweyne Rouhani wuxuu rajeynayaa in uu riixo qorshihiisa isbadalka iyo casriyeynta isagoo isku dayaya in uu fuliyo rajooyinka ay qabaan ku dhawaad 24…

Read More

Taageerayaasha Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay inay dabaaldegaan kaddib markii lagu dhawaaqay inuu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay inuu xilka sii hayo. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon. Kagame ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay. Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kaddib xasuuqii 1994-kii. Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa…

Read More

05/Agosto/2017- Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee puntland ayaa qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta wasaarada waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo wasiirka wasarada Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dr, Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka ee Wasaarada Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada Puntland..   Ujeedada Munasabadan ayaa ahayd in la shaaciyo imtixaankii Fasalka 8aad Dugsiyadda Dhaxe ee Puntland. Axmed Maxamuud Warsame agaasimaha waaxda imtixaaamaadka  oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray…

Read More

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay.   C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna cafiyaan, waxa uuna Baarlamaanka u sheegay in uu ka xun yahay qoraalkii uu soo bandhigay bartiisa Twitterka.   Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali galinta Wasiirka kadib waxa ay sheegeen in ay ka aqbaleyn, waxaana Wasiirka loo sheegay in uu u fasaxan yahay in shaqadiisa uu qabsado lana soo…

Read More

Maamulka Gobolka Nugaal kan Degmada Garowe iyo Ganacsatada oo kulan ku yeeshay xarunta Gobolka ayaa isla gaaray go’aamo looga gudbayo cabasho maalmahan ka taagnayd qaadashada lacagta shilin Somaliga ah.   Go’aamada soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa qodob oranaya in ay waajib tahay qaadashada Shilin Somaliga nooc walba uu yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_5fSJsFdGps

Read More

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada. Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador. Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka maqaayada la hor dhigay. Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo waxyeelo kala duwan ay soo gaartay Gawaari wadada mareysay,hoos ka daawo muuqalka. Halkan ka daawo…

Read More

Dab wayn ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalada Dubay ee Isutagga Imaaraadka Carabta, waana markii labaad mudo labo sano gudahood ah.   Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabka oo ku faafaya dhismaha Torch Tower iyo burbur holcaya oo ka soo daadanaya.   Xukuumadda ayaa markii dambe sheegtay in shaqaalaha gurmadku “ay ku guulaysteen in ay dadka ka daad gureeyaan dhismaha” dabkii ayaana la xakameeyay.   Ma cadda wixii sababay dabka ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer dunida.   Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo dad ka soo gaaray dabkan…

Read More

Dadweynaha reer Rwanda ayaa saaka oo Jimce ah u dareeraya codbixinta doorashada madaxtooyada, iyada oo si weyn loo hadal hayo in uu ku guulaysan doono madaxweyne Paul Kagame. Philippe Mpayimana oo ah musharax madax banaan iyo Habineza oo ka tirsan xisbiga Democratic Green Party, ayaa iyaguna ka qayb galaya tartanka. Laakiin midkood na lama filayo in uu tartan adag la geli doono Kagame oo talada dalka hayey ilaa sannadkii 2000. Madaxweyne Kagame ayaa dalalka dibaddu aragtiyo kala duwan ka qabaan, laakiin taageerada ballaadhan ee uu ka hayso gudaha ayaa suurto gelin karta inuu doorashooyinka guul wayn ka gaadho. Mar baabu…

Read More

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi.    Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi.   “Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi…

Read More

Magaalada Boosaaso kulan ay maanta ku yeesheen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga.   Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan.   Dawlada iyo Ganacsatada kulanka yeeshay ayaa isku afgartay qodobo ay ka mid yihiin:- A.In dowlada ay qaadan doonto lacagaha Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwa cusub, lagana tagayo kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah. B.In halkii dollar aan laga badin karin…

Read More

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa guriga martida ee magaalada Kismaayo maanta kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka ciidamada Mareeykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. David J.Fumess.   Kulanka oo diiradda lagu saarayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxa ciidamada badda Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday howlgalka AMISOM.   Gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka waxaa ku sugan Ciidamo Mareeykan ah oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay iyagu tababarteen, kuwaa oo howlgallo…

Read More

Dowlada Soomaaliya ayaa ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shirkaddo gaar loo leeyahay oo wada shaqeyn la leh heyadaha iyo ciidamada dowlada. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle 29-kii bishii hore oo loo diray dhamaan heyadaha dowladda Somalia, laguna wargeliyey Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka ah loo leeyahay laga bilaabo 31 July oo ah bishii dhamaatay. Halkan hoose ka akhriso:-

Read More

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.  Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda. Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada. Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada. Xubnaha kale ee…

Read More

Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare.  Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas…

Read More

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya 3-di Agoosto, 2017.   Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada.   Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa…

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.   Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee,…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu horayn hambalyo u diray dhammaan shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland darteed ayaa sidoo kale xasuusiyey shacabka Puntland in asaaskii Puntland ay jiraan muwaadiniin usoo halgamay, ujeed kooduna ahaa sidii Puntland u dhismi lahayd uguna talaabsan lahayd horumar, isla markaana u keeni lahayd qaranimo Soomaaliyeed oo Mid ah. “Waa Sanadguuradii 19-aad ee asaaskii Puntland, waxaan rabaa in aan xasuusnaano inaan leenahay dad asaasayaal ah, waxaan ilaahay ka baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto oo janadii ka waraabiyo inta noolna aan u duceyno inay wanaag ay ku noolaadaan, sidoo kale Puntland jiritaankeeda…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maaanta 02 August 2017 xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoona Madaxweynuhu digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn . ‘’ In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa…

Read More

Xoogaa dad ah oo ubadan barakacayaasha Koonfurta Somaliya ka yimid,gaar ahaan kuwa miisaska loo yaqaan waratada wax ku iibsada iyo Baalashlayaal qiyaastiina gaaraya ilaa Kontomeeyo qof oo lasoo abaabulay ayaa si nabad ah ku maray mid ka mid ah wadooyinka dhexmara suuqa Bosaso,iyagoo ku qaylinaya erayo lid ku ah sicir bararka iyo diidmada shilin Somaliga.   ”Dolar maaha lacagteenu, dooni meyno dhiig miirad iyo erayo kale”ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka tirada yar ee banaanka usoo baxay.   Waxaa goor dhaw la filayaa in uu Bosaso gaaro Madaxweyne Gaas,isagoo kula kulmi doona halkaas wafti ka socda DP…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu ku began tahay 01 August 2017 ugu Hambalyeeyey Shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland 1-dii August 1998. Xafladda lagu xusayey maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, saraakiilka tirsan Madaxtooyada Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, masuuliyiin ka socdey urruradda…

Read More

DAMIIRKII TAHRIIBAY Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib Waxaa xanuun joogta ah ku haya garaad dheerta  somaaliyeed iyo inta dareemaysa xanuunka tahriibta dhalinta soomaaliyeed ee sanadkasta iyo bil kasta ku halaagsamaya kuna qaraqmaya badaha si ay u tagaan yurub oo loogu warbixiyey in ay halkaas barwaaqo ka buuxdo, laakiin waxaa iyana xanuun dheeraad ah leh oo mudan in inbadan xooga la saaro inta kale ee damiirkii, dadnimadii, soomaalinimadii iyo wadaninimadiiba ay ka duushay oo ku sifoobay damiir laawe Maxaan ula jeedaa damiirkii tarhiibay? Hadba falcelinta bulsho ee shay ama ficil…

Read More

Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in hawlgal lagu dilay madaxii ururka Al-Shabab uqaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen. Afhayeen u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in weerarkaasi oo dhacay Axaddii lagu dilay Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Cali Jabal. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalkaas,hoos ka dhagayso codka wasiirka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta. “Waxaan halkaan uga…

Read More