Author: Jibril Qoobey.

Madaxweynaha Jubbaland oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Madaxda Soomaalida uga furmaya Muqdisho.   Kismaayo, 28, Oct, 2017,idilnews… Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho.   Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa iyo Masuuliyiin kale.   Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Safarkan ay kaga jawaabayaan casuumadii uu madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah u sameeyay Madaxweyne Farmaajo isla markaana uu rajaynayo in wax wanaagsan…

Read More

The US government has released 2,800 previously classified files related to the assassination of President John F Kennedy in November 1963.   As readers, historians and journalists comb through the thousands of pages of documents, here is what we have found so far.   FBI warned Dallas police of threat to kill Oswald The FBI warned Dallas police of a death threat to Lee Harvey Oswald, according to a memo by director J Edgar Hoover, but the police failed to protect him.   “Last night we received a call in our Dallas office from a man talking in a calm…

Read More

Reysulwasaraha soomaaliya mudane xasan cali kherye oo boqosho ramiga ku jooga wadanka turkiga ayaa maanta kulan laqaatay dhigiisa turkiga buni cali yatrima   Soo dhaweyn hab maa muuskeenadu aad headed to ayaa loo sameyay reysulwasaraha jamhuuriyada isagoona salaan sharaf ka qaatay ciidanka baanbayda waxaana goobta lagu xardhay calamada labada ee soomaliaya iyo turkiga   Dawlada turkiga ayaa waxa ay sheegtay xili walba iyo waliba sacad walba ay diyaar utahay inay isgarab taagto soomaaliya soomaliay iyo turkigu waa walalo sidaasi waxaa yidhi reysulwasaraha turkiga. Isagoona shacabka soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay qaraxii 14kii bishaan ka dhacay magalada muqdisho   Reysulwasaraha soomaaliya xasan kheyre…

Read More

Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii shalay dalkaas ka dhacday. Waxaa jiray mudaaharaadyo iyo rabshado mucaaradka ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha doorashada. Ugu yaraan laba qof ayaa toogasho lagu dilay markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliska. Doorashadan ayaa ahayd isku daygii labaad oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku doonayo in dib loogu doorto. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday doorashadii dhacday sideeddii August ee uu Kenyatta ku guuleystay kadib markii ay sheetay in qaladaad ay ka dhaceen.…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno ka mid ahLabada Gole ee Maamulkaas,ayaa Galabta ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan C/lle Cismaan Aadan Cadde.   Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed,ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka iyo madaxda Dowlada dhexe oo maalinka Berri foog ah ka furmi doona Muqdisho.

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 26 October 2017 Garoowe kusoo xidhay shirweynaha kalluumaysiga Soomaaliya oo  24 -26 bishan October  2017 ka soconayey Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland. Shirweynahan oo ay kasoo qayb galen Masuuliyiin ka kalayimi DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS iyo ganacsatada reer Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey xidhitaankan shirkani Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland  iyo hay’addaha shaqo wadaaga la ah Wasaaradda Kalluumaysiga. Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo dhoweeyey wufuudda ka kala…

Read More

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce iyo afar siyaasi oo kale ayaa si khalad ah loo doortay maadaama oo ay haysteen labo dhalasho, sida ay go’aamisay maxkamadda sare.   Go’aanka maxkamadda sare ee Australia ayaa ka dhigan in saddex siyaasi oo uu ku jiro Joyce xilalkii ay hayeen uu khaldanaa. Kuwa kale bishii Luulyo ayay is casileen. Shaqo ka tagitaanka Joyce ayaa liicliicinaysa dawladda aqlabiyadda halka kursi ah haysatay, waxaase laga yaabaa in uu ku soo laabto doorasho ku celis ah.   Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa ka tanaasulay dhalashadiisa New Zealand bishii Agoosto wuxuuna sheegay in uu dib isugu soo…

Read More

Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in 6.5 milyan oo qof, ama saddex meelood meel dadka u diiwaan gashan inay codeeyaan, ay codkooda ka dhiibteen doorashadii shalay dalkaas ka dhacday. Waxaa jiray mudaaharaadyo iyo rabshado mucaaradka ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha doorashada. Ugu yaraan laba qof ayaa toogasho lagu dilay markii ay isku dhaceen dibadbaxayaal iyo booliska. Doorashadan ayaa ahayd isku daygii labaad oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku doonayo in dib loogu doorto. Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa nasakhday doorashadii dhacday sideeddii August ee uu Kenyatta ku guuleystay kadib markii ay sheetay in qaladaad ay ka dhaceen.…

Read More

Gurayahaani Ayaa Waxaa Dhistay Hay’ada NRC ,waxaana Dadka Logu Talaga Ayaa Gaarayo Iyo 550 Qoys Cabdullhi Cumar Kaynaan Mareeyaha Hay’ada NRC Ayaa Waxaa Uu Sharaxaad Kabixiyay Guryhaasi.   Agasimaha Wasaarada Armaha Gudaha Jubaland Cabdirxmaan Cabdi Axmed Ayaa Sheegay In Ay Horumar Lagaaray Ay Tahay In Dadka soomaaliyeed ee qaxootiga ka soo laabanaya deegaan loo sameyo.   Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Yuusuf Timo Jilc Ayaa Sheegay In ay Balanqaadkii Dowlad Ay Kadhabeysay Oo Ay Dadka Danyarta Ah U Dhistay siisay dhulkii looga dhisi laha guryo hanti ah oo ay leeyihiin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Ye68oLsoF4U

Read More

Qaar kamida odayaaasha dhaqanka iyo nabadoono ku dhaqan magalada kismaayo ayaa waxa tababar uqabatay wasaarada arimaha gudaha ee dawlad goboleedka soomaliyeed ee jubba land.   Waxa uu kusaabsana tababrkaan lana baraye odayashaa dhaqanka nabada iyo isdhexgalka bulshada iyo sidoo kale xalinta khilaafyada.   Tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland,Gudoomiyaha Degmada Kismaayo,Agaasimaha arimaha bulshada ee Gobolka iyo odayaal dhaqameed.   Tababarkan ayaa lagu barayey Odayaasha dhaqanka iyo Nabadoonada nabada,isdhex galka bulshada,iyo xalinta khilaafyada waxuuna socon doonaa mudo 3-cisho ah.   Gudomaiyaha Degmada Kismaayo iyo Agaasimaha arimaha bulshada ee Gobolka oo tababarkan furay ayaa ka warbixiyay muhiimada…

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo kuhadlaya Magaciisa, dhammaan Magaca goleyaasha Dawladda iyo Shacab weynaha Puntland Tacsi u diray dhammaan Qoyska iyo Eheladii Allaah ha u naxariistee Marxuun General Maxamed Abshir Muuse oo ahaa Taliyihii ugu horeeyey Ciidanka Booliska Soomaaliya, oo ku geeriyoodey Dalka Maraykanka. Marxuun Maxamed Abshir Muuse ayaa sidoo kale ka mid ahaa Asaasayaashii Puntland iyoTaliyihii SSDF intii u dhaxaysay 1991-1998 Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sigaar ah ugu Tacsiyeeyay shacabka Puntland iyo ReerAbshir Muuse, wuxuuna Allaah uga baryey Inuu kawaraab iyo Jannadii Fardawso Marxuun. General Maxamed Abshir darisna uga dhigo Suubbanihii Rasuulkeennii CSW

Read More

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Saldhiga Ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Buulo-Guduud amarro ku bixiyay in Ciidamadu ay u diyaar garoobaan Hawlgal xoog leh oo Al-Shabaab lagu cirib tirayo.   Kismaayo, 26, Oct, 2017 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo. Madaxweynahu wuxuu halkaas kula hadlay Ciidamada oo u diyaar garoobaya hawlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybaha ay wali kaga dhuumalaysanayaan Jubbada Hoose.   Dhamaan Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayuu ku amray in ay diyaar garoobaan…

Read More

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.   Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka…

Read More

Guddoomiyaha degmada Wadajir Sheekh Cumar C/laahi Xasan oo Warbaahinta kulahadlay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa amaro cusub dul dhigay ganacsatada yar yar ee ku ganacsata hareeraha  Isgoyska Soobe oo 14 bishan uu qarax ka dhacay Isgooskaas.   Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ayaa waxaa uu sheegay in Shidaal lagu iibin karin hareeraha laamiga Zoobe, islamarkaana  Qaadka lagu iibin karin hareeraha  laamiga Isgoska Zoobe.   Waxaa uu sheegay gudoomiyaha degmada wadajir inay muhiim tahay in ganacsatada ay u hogaansamaan Amarka uu soo saaray Maamulka degmada,isagoona Sheegay in Cidii u hogaasami weyso amarka ay soo saareen maamulka degmada wadajir ay Tilaabo Adag…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 25 october 2017 sagootiyey 204 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalalka Ethiopia iyo Suudaan, waxaana ay ardaydani isugu jirtaa ardayda sanadkani kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda Puntland iyo arday shaqaalaha dawladda ah oo deeqdaasi ku guulaystey imtixaan kadib. Sagootintani ardayda oo ka qabsoontay jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waalidiin, waxgarad, aqoon yahano iyo…

Read More

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka ayaa wuxuu ka hadlay geerida Wariye Jacfar Cali Daacad, kaasi oo ka tirsanaa Raadiyaha Dayax oo ku yaalla degmada Afgooye.   Wariye Jacfar Cali Daacad, ayaa ka mid noqday Toban ruux oo rayid ah oo ku dhintay weerarkii shalay ay Shabaabku ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, xilli ay marayeen agagaarka Carbiska, Rayidka dhintay waxaa ku jiray Arday.   Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah Xoghayaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay…

Read More

Ammaanka Saldhiga Turkiga ee Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kadib Qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, kaasi oo galaaftay nolosha dad gaaraya boqolaal qof.   Idaacadda Risaala ayaa ogaatay in Ciidamo kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyay sugidda amniga saldhiga Turkiga ee Muqdisho, kadib Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo inala hadlay.   Saldhiga ayaa lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.   Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka uu sheegay Qaraxii Zoobe in loola…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Ankara, waxaana uu tilmaamay in madaxda Turkiga uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.   “Waxaan uga mahad celinayaa Dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga sidii diirranayd ee ay iigu soo dhaweeyeen magaalada…

Read More

Guri ku yaalla Xaafadda Buurka-Diikow Ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay waxaa ka dhacay Qarax Sababay Dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Dadkii Diyaarinayay.   Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Ninkii Diyaarinayay iyo Gabar yar oo uu dhalay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Xaaska Ninka uu ku Qarxay Qaraxa uu diyaarinayay.   Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ka hadlay dhacdadan,ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ,waxaana uu intaas ku daray in Ninka isqarxiyay uu dhawaan ka yimid Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellada Hoose.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowlada Fadaraalaka Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay Safiirada illaa 8 dal oo bishii hore loogu yeeray inay dalka ku yimaadaan muddo 30 cisho ah, si isbedel loogu sameeyo.   Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is bedelo la doonayo in lagu sameeyo Safiiro muddo xil heyntooda ay dheeraatay, waxaana wajiga hore la bedelay illaa 8 Safiir oo kala ah, Jabuuti, China, Uganda, Sudan, Kuwait, Qatar, Abu Dhabi iyo Zambia.   8 Safiir ayaa lagu bedelay illaa 8 Diblomaasi oo si hayeyaal ah oo midkood uu yahay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si KMG u…

Read More

Dadka reer Kenya ayaa maanta soo dooran doono madaxweyne cusub xilli laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhashaan natiijada kasoo bixi doonto doorashadan oo uu muran badani ka jiro.   Maxkamada Sare ee dalka Kenya ayaa ku guuldarreysatay shalay in ay dhageysato dacwad ay soo gudbiyeen mucaaradka, taasoo ay ku dalbadeen in dib loo dhigo doorashada.   Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga, oo horraantii bishaan isaga baxay tartanka doorashada ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay qaaddacaan doorasahada maanta,hoos ka dhagayso codka.   Ammaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas…

Read More

Koox Bastoolado wadatay ayaa Xalay Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan ku dishay Haweeney ka mid aheyd Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Lagu Magacaabo Kaaho Jaamac Cilmi.   Dableeyda Dilka geysatay ayaa la sheegay in Dukaan ay ku laheyd Xaafadda Seybiyaano Marxuumada la dilay ay Gudaha ugu galeen islamarkaana ay ku dhex dileen.   Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Xalay illaa Saakay Baaritaano ka wada Qeybo kamida Degmada Hodan,kuwaas oo baadigoob ugu jira Dableeydii Dilka geysatay.   Magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer ka dhacay Dilal Qorsheysan oo loo geysto Ciidan iyo Dad Shacab ah intaba.

Read More

Alla ha u naxarariistee, waxaa shalay magaalada Minneapolis ee dalkan Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Abshir Muse oo loo yaqaanay Haamaan, kana mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, Maxamed Abshir wuxuu dhashay sanadkii 1926, wuxuuna tababarkiisa ciidan kusoo qaatey dalka Taliyaaniga, isagoo dhalinyaro ah kahor inta uusan ku biirin ciidamada difaaca (Somali Defence forces). 1960 Allah ha u naxariistee Abshir Muuse waxuu noqday Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya oo 9 sano uu ahaa, kahor inta uusan Jeneraal Maxamed Siyaad Barre afgenbiga kula wareegin talada dalka. Abshir Muuse oo darajada Jeneraalka ka gaarey Ciidamada ayaa iska-casilay xilka Taliyaha Booliska…

Read More

Madaxweynaha ayaa waxaa Furitaanka kalfadhiga  40-aad ee Golaha Wakiilada dawadda Puntland kala qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane. Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabullaahi, Ku-xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, , xubno ka socdey beesha caalamka, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Isimo, nabadoono waxgarad, siyaasiyiin iyo martisharaf kale. Madaxweynaha dawladda Puntland oo khubadiisa dastuuriga ahka jeediyey furitaanka kalfadhiga 40-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland   ayaa waxa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka…

Read More

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 October 2017 qado sharaf u sameeyey guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Guddoonka wehelinayseyba. Munaasibadda qado sharafta oo ka dhacday Hido Raac Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Guddomiyaha Golaha Wakiillada dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku-xigeenadiisa,  masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha dawladda Puntland oo kahadlay munaasibaddaasi ayaa sheegay in dawladda Puntland sharaf iyo wanaag u tahay soo dhoweynta iyo qado sharafta ay u sameeyeen guddoonka Baarlamaanka DFS…

Read More

Hal kilomiter ayaa la saaray Laamiga Wadada ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Diyaaradaha Garowe.   Parking ama goobaha Baabuurta la dhigan doono ee garoonka Diyaaradaha Garowe dhismhiisii waa socdaa waxaana laga dhigayaa Laami.   Waxaa lawadaa dhismihiisa Terminalka garoonka diyaaradaha garowe kaasoo la fidinayo lagu darayo Hool weyn oo 40m×20m ah,sidoo kale Terminalka hada jira waa la qalabaynayaa oo la qurxinayaa.   Garoonka Diyaaradaha Garowe oo noqonaya kii labaad oo ay Puntland yeelan doonto oo heer caalamiya ,ayaa la xariga laga jari doonaa afarta November ee sanadkan.  

Read More

Iska hor imaad khasaare geystay ayaa galabta ka dhacay xaafada Seben seben oo ka tirsan degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada. Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu yimid ka dib markii la isku qabsaday dhul dowladeed oo halkaas ku yaalla kaasoo keenay in ciidamadu ay rasaas isku furaan. Ugu yaraan labo ruux oo kala ahaa haweeney iyo wiil yar ayaa ku dhintay halka qof kalena uu ku dhaawacmay kuwaasoo dhamaantood ka dhawaa goobta uu iska horimaadku ka dhacay. Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada iyo saraakiil ayaa goobta ka gaaray kuwaasoo kala dhex…

Read More

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada ayaa maanta u amba-baxay magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.   Ra’iisal Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta Shaqaale ka tirsan Xafiiskiisa waxaana la filayaa in uu kulamo la soo qaato Madaxda Wadankaasi.   Ra’iisal wasaare Kheyrre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.

Read More

Ciidamadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa guulo ka gaaray dagaal goor dhaweyd ka dhacay Deegaanka Wirkoy ee Duleedka Magaalada Kismaayo .   Ciidamadda Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa weeraray goob fariisin u ah Kooxda Nabaddiidka ah ee Al shabaab waxayna goobtaas ku dileen ku 5-ka mid ah maleeshiyaadka Al Shabaab,sidoo kale waxay Alshabaab uga gubeen hal Gaari oo nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Tiknikada. Weerarkan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamadda Daraawishta Jubaland iyo ciidamadda Xoogga Dalka Soomaayiya Qeybta 43-aad ee Jubbaland.     Wixii ka soo kordha Goor dhow dagaalkaas kala soco wararkayaga danbe.

Read More

Da’yarta qoysaskoodu ay yihiin danayrta ayaa ah kuwo ka shaqeeya duruufo adag waxaana ugu badan shaqooyinka ay qabtaan Caseeyayasha kabaha iyo Dhaqaida Gawaarida,shaqooyinkaas oo ay kasoo saaraan nolo maalmeedka qoysaskooda   Da’yartan ayaa dayaca haysta waxaa qayb ka ah waxbarasho la’aan   Warbaahinta idilnews,ayaa waxaa usuurta gashay in ay booqato qaar ka mid ah ilmaha Caseeyayaasha ah waalidintooda,kuwaasoo noo sheegey in ay san awoodin ubadkooda in ay waxbarasho galiyaan,   Hadaba Maamulka iyo bulshada Jubaland ayaa looga fadhiyaa in ay door muuqda ka qaataan sidii ay waxbarasho ku heli lahaayeen Ubadkaas soo koraya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka…

Read More

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Armaha Diinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda ayaa booqday Madarasada Salsabiil oo ah Madaraso ay dhigtaan Araday gaareeyso ku dhawad 800 Waxaan Madarasad Lagu Bartaa Qura’aanka Kariimka Iyo Maadooyinka Tarbiyada Islaamiga ah.   Markii ay Madarasada Tageen Masuuliyiinta ayaa Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulaka madarsada Salsabiil Cabdirxamaan Cusmaan Jeemis Waxaa uuna maamulaha ka war bixiyay maadooyinka ay Caruurta siiyaan Isagoona maamulaha sheegay in ay ardayda Machadka dhigato ay kaalinta Koobaad aa galaan Tartamada Quraanka Kariimka waxaa una maamulaha ka codasaday Wasaarada In ay ka caawiyaan tabobarka Maclimiinta.   Xogahaya Jogatada Ee…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa gaaray magaalaa Addis Ababa.   Madaxweynuhu ayaa halkaas kula kulmay Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Haile Mariam Desaglen oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada amniga ee wadamada gobolka iyo la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab.   Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Desaglen dadaalka ay dowladdiisu ku bixineyso nabadeynta Soomaaliya oo ciidamada Itoobiya ay qeyb ka yihiin hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.   “Mudane Raiisul Wasaare, waxaan si wayn u wada ogsoonahy in…

Read More

Ujeedada ugu balaaran ee ay kooxaha ka soo horjeeda Nabadda iyo Daganaanshaha Puntland qaraxyada iyo weerarada ugu geysanayaan Boosaaso ayaa lagu sifeeyaa ujeedooyin kala duwan, laakiin dhamaantood ah kuwa guracan.   Boosaaso ayaa ah hoyga kulmisay Ummadda Soomaaliyeed iyo kuwa wadamada jaarka ah oo aan waxba la weydiinin si wanaagsan ay ugu ganacsadaan, haddana marar badan ayay ka dhacaan falal Argagixiso.   Qaraxyadii ugu dambeeyey iyo shabakadihii Argagixiso ee ay fashiliyeen ciidamada Difaaca Puntland, waxay muujinaysaa in ay Boosaaso badbaadintii ay badbaadisay Ummadda Soomaaliyeed ay ugu abaal-gudeen qaarkood u soo xawilida qaraxyo iyo falal Argagixiso.   Shacabka Puntland ayaa garowsan…

Read More

MAXAA KA SOCDA VILLA SOOMAALIYA?..     Dadka aadka u yaqaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay ku wada xaqiijinayaan inuu yahay shaqsi dabeecad fiican, niyad wanaagsan, jecel dabacsanaan iyo ixtiraam badan inuu u muujiyo dadka oo idil laakiinse arrintaas kama dhigna inuu yahay ninka ugu habboon hoggaaminta dal sida Soomaaliya u burburay noqdayna fagaare adduun wayne oo dhan ku hardamayaan, hoggaanka wadanka noocaas oo kale ah wuxuu u baahanyahay nin aragti fog culaysyada faraha badanna dusha u ridan kara, isagoo isla markaasna leh awood adkaysi iyo xeeladaysi uu ku dhaafi karo isrogroga mowjadaha iyo duufaanta siyaasadeed ee ku gadaaman wadankaan…

Read More

Wasiirka Waasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa agab isboorti kuwareejiyay Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn.   Goobta lagu wareejinayay Agabka,ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.   Gudoomiyaha Deegaanka Goobweyn,iyo qaar kamid ah masuuliyiinta kooxaha isboortiga deegaankaasayaa Agabkan kala wareegay,Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Jubbaland mudane Cabdiwaaxid Axmed Yare.   Goobta lagu wareejinayay Agabka waxaa kaloo goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaradda isboortiga xiriirka ciyaaraha fudud ee Jubbaland.   Agabkan oo ka koobnaa Dharka lagu ciyaaro ee maaliyadaha kooxaha iyo 10-xabo kubadda cagta ah,ayaa loogu tala galay 2-da kooxood ee kadhisan Deegaanka Goobweyn,  …

Read More

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta tababar ku saabsan badbaadinta qoyska ka furtay Magalada Kismaayo.   Tabarkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arimmaha Diinta Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,   Dhanka Jubaland ayaa waxaa kasooq aybagalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbland.   Wasaarada Awqaafta ayaa tababaradan oo kale horay oga soo qabatay meelo kaal duwan oo dalka ka mid ah,iyadoo looga gol leeyahay kor uqaadida wacyiga Bulshada iyo Culumada e dhibaatoyinka Furiinka iyo Gudniinka fircooniga ah. Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Awqaafta iyo Arimmaha Diinta…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo garowe dib ugu soo laabtay kadib ka qaybgalkisii caleema saarka Madaxweyne Waare,ayaa kusoo dhaweeyay Qariga Madaxtooyada Waftigii ay hogaaminayeen labada hogaamiye ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya. Madaxweyne Gaas oo ka hadlayay soo dhaweyntii labada gudoomiye ayaa dhanka kale sheegay in dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka ah ay aqbaleen casuumaadii uga timdi Madaxweynaha fadaraalka mudane Farmaajo. ”Waxaan aqbalnay anigoo ku hadlaya afka dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka casuumadii Madaxweyne Farmaajo ee bishan 28-keeda”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Dhanka kale labada Gudoomiye oo ka hadlay imaanshahooda Puntland iyo soo dhaweyntii aadka usaraysay ee loo…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasumadda Jamhuuriyadda Jabuuti.   Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.   Saacadaha soo socda waxaa kulan gaar ah yeelandoona Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay si qoto dheer uga hadli doonaan xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.   Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safark qaatay muddo…

Read More

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Guud ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaa ka hooray Roob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, waxaana ilaa hada ka da’ayaa Muqdisho iyo meelo kale.   Sidoo kale Roobka ayaa ka da’aya qaar ka mid ah Gobalada Dalka, sida Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud waxa uuna Roobka ku soo beegmaya xili Dadka iyo duunyada ku nool deegaanada Gobolkaasi ay baahi-weyn u qabeen iyadoo ay Gobolka Galguduud uu ka mid ahaa deegaanada ay saamaynta xun ku yeelatay abaarta ka jirta inta badan Dalka.   Maalmihii lasoo dhaafay deegaano badan oo ka tirsan…

Read More

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada garoowe ayaa waxa goor dhoweyd si weyn loogu soo dhaweeyey Guddoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo halkaasi gaaray.   Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi Waxaa ku wehliyay xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.   Waxaa ku soo dhaweyeey halkaasi madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,iyadoo amaanka magaalada Garoowe siweyn loo adkeeyey.   Wefdigan waxaa uu ka qeybgali doonaa kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlada Puntland.

Read More

Qarax ayaa waxaa fuliyay nin naftiisa halige ah,iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof oo rayid ah iyo ninkii qaraxa fuliyay oo ku geeriyooday.   Qaraxa waxaa uu ka dhacay dhanka bidix ee saldhiga bartamaha Bosaaso, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa ku ganacsanayay goob qaadka lagu iibiyo oo dhanka bidix ka xiga saldhigga Bartamaha Bosaaso.   Qaraxa ayaa naftii haliguhu waxuu ku waday Gaari gacan,kaasoo ku qarxay intii uusan gaarin goobtii qorshuhu ahaa in uu ku qarxiyo,iyadoo la filayo in uu bartilmaameedsanayay saldhiga Bartamaha Booliska Bosaso..   Laamaha amaanka Bosaso ayaa waday waayahan danbe hawlgalo ay ku adkaynayaan amaanka,waxaana qaraxan noqonayaa…

Read More

Waxaa maanta kusoo wajahan caasimada Puntland ee Garowe Gudoomiyaha Golaha Shacabka FadaraalkaMohamed Osman Jawaari.   Booqashada Gudoomiye Jawaari uu ku tagayo Puntand ayaa timid ka gadaal markii uu casuumad ka helay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.   Labada dhinac,ayaa ka wada hadli doona arimaha labada Baarlamaan.     La soco wararkayaga danbe .

Read More

#TURKEY Waxaa dhawaan laga furay Muqdisho saldhig milatari oo dowladda Turkiga ku yeelanayso saldhigii ugu horeyay noociisa oo laga furo burburkii ka dib Somalia !. Sababaha sahlay inuu saldhig noocaan ah dal shisheeye ku yeesho Soomaaliya waxaa ugu weyn burburka dalka ka jira iyo tuhunka laga qabo dhaqanka waxa Beesha Caalamka loogu yeero, Haddaba ma kula tahay inay ka faa.iideysatey Dowladda Turkey cabsida ka jirta Dalka?. Turkigu wuxuu tusay Soomaaliya taageero hiil sokeeye leh,marka loo eego gurmadka iyo taageerada uu la daba joogo VILLA SOMALIA laga soo bilaabo ilaa abaartii baahsanayd xilligii Shiikh Shariif Axmed, balse hadda u muuqda inay…

Read More

Madadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar ee caasimadda maamul goboleedka Hir-shabeelle.   Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdixamiid Shiikh Abdisalaan, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.   Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jawhar kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Hir-shabeelle Dr.…

Read More

Taliyayaasha milatariga ee AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ka shiray qorshayaasha milatari ee la sheegay inay socdaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Kulankan ayaa yimid toddobaad kadib qaraxii Zoobe ee shacabka badan lagu laayey, waxaana socda dadaallo dowladda ku dooneyso inay dagaal ku qaaddo kooxda Al-Shabaab. Gabagabadii shirkaasi ayaa taliyayaashu ay la hadleen saxaafadda,hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/BjpcjWRkNL0

Read More

Labada Madaxweyne waxa ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal, amniga gobolka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.   Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.   Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan Soomaaliya.   Madaxweyneyaasha labada dal, wax ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayay qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, Waxaana si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada AddiAbba Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya iyo Masuuliyiin Kale.   Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ayaa lakulmi doona Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalen,iyagoo la filayo in ay kawada Hadli doonaan sidii loo dardar galinlahaa ladagaalanka Alshabaab. Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Soomaliya ,ayaa lugtiisan uu ku marayo wadamada dariska ah ee ay Somaliya ka joogaan Ciidamadu waxuu ksuoo gabagabayn doonaa sida ana ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo Dalka…

Read More

Hay’ada Saado oo ka Shaqeeysa horumarinta bulshadda ayaa maanta Magaaladda Kismaayo 50. Dhalinyaro ah oo laga soo xulay 5-ta xaafad ee Magaaladda tababar ku Saabsan mamulka iyo Maareynta oga furtay Hotel Kismaayo ee Magaaladda Kismaayo. iyadoona furitaanka tababarkaan ay ka soo qeyb Galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Xilibaano ka tirsan Dowlad Goboledka Soomaaliyeed ee Jubbaland iyo Masuliyiinta Ururka Dhalinyarada.   Cali Cabdi Bootan oo ka mid ah masuliyiinta Hay’ada Saado oo ugu horeytii gobta ka hadlay ayaa Shegay inay ku dadaali doonan dhiiri gelinta dhalinyaradda iyo sidii loogu abuuri lahaa fursado shaqo.   Xildhibaan Cali Cabdi Waaxid Cali Xoog oo furitanka…

Read More

Digreeto Kasoo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Lr. 126 , soona baxday shalay oo taariikhdu ahayd 22 October 2017 , ayaa lagu sheegay in shaqadii looga joojiyey xabsi gurina lagu xukumay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Digreeto kale oo ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa e G/Sare Cabdullaahi Shire Dool si kumeel gaar ah loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.   Shaqo-joojinta taliyaha ayaa la xiriirta ismaandhaaf iyo gacan-ka-hadal labo habeen ka hor ku dhexmaray Hotelka Jubba ee Garoowe taliyaha booliiska Gen Ereg iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farweyne. Ismadhaafkan ayaa sababay in rasaas uu…

Read More

Wasiirka Wasarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo tagnoolajiyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan oo la hadlayey Warbaahinta waxa uu sheegay wararka ah in uu is casilay inay yihiin been aan sal iyo raad midna lahayn. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay  in baraha bulshada  lagu faafiyo warar aan jirin labada Wasaarad ee Gadiidka iyo Wasaarada Warfaafinta in  lakala qaaday warqadihii been abuurkana timbaraha saarnaa  uu ahaa kii wasaradda Gaadiidka. Wasiir Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa ku tilmaamay qoraladii la soo galiyay baraha bulshada kuwo looga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka jubbaland. Wasiirka Wasarada Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray Magaalada jowhar ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle halkaas oo uu kaga qayb galayo munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle. Safarka Maaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah labada gole ee dowlad goboleedka soomaaliyeed ee jubbaland.

Read More

Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ka bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka sare, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano, Senataro. Xaflada oo ka socota Hoolka shirarka Xarunta Farjano ayaa waxaa socota khudbadaha bilowga ee furitaanka Xaflada caleema saarka, iyadoo lagu wado inay khudbado ka jeediyaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZbaBd4YNXlI

Read More

Wafti uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar iyagoo ka qaybgalaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.   Waftiga uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada,Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.   Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.   Markii ay soo gaareen magaalada Jowhar ayaa madaxda dowlad goboleedyada waxa ay yeesheen shir uu albaabada u xiran yahay balse ma jiro wax war…

Read More