Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo shir amniga looga hadlayey oo u dhaxeeyey Puntland iyo maaamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado. Shirkan oo ku saabsanaa arrimaha amniga ee Gobolka Mudug oo Gaalkacyo ka socday labadii cisho ee la soo dhaafay ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada gobolka ay uga wada qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo ka hortagidda waxkasta oo abuuri kara colaad. Shirka ayaa lagu wadaa in maanta laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan dhaqan galka waxyaabihii la isku raacay, iyadoo shirkan uu dabo sacdo heshiiski 22-kii June labada dhinac ay kala saxiixdeen…
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NIRoedSfJTA
Wasiirka Batroolka Fadaraalka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradfadaraalka ayaa maamilkii shalay ahaa fadhi ay iskugu yimaadeen ku ansixiyey sharcigaas. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala. Sharcigan ayaa ah mid xasaasiya oo u baahan taxadar xoog leh iyo in fiiro gaar ah oo loo yeesho,waana mid keeni kara khilaaf cusub ee dhexmara Dawlada Fadaraalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah. Si gaar ah Puntland sharcigan waxuu…
Warsaxaafadeed kasoo baxay dawlada puntland. Ka dib markii shir isugu yimaadeen maanta oo ay taariikhdu tahay 07/10/2017 Wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dawlada puntland, shirkaan waxaa lagu falaanqeyay diidmada lacagta Sh.som, kala gurideeda iyo sarifkeeda kala duwan, waxaana soo baxay warsaxafeedkan hoos ku qoran:- 1: lacagta shiling somaliga ah waa astaan qaran, dalkastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, puntland kama duwana, cidii ka hortimaadana waa qaran dumis. 2: Dawlada puntland lacagta Sh.som waxay ku qaada canshuurta, waxayna ku bixisaa mushaharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, Meel ay ku diidayna ma jirto. 3: Shacabka reer puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh.som…
Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ku kufsaday Haweenay Uur leh, kaddibna dilay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Haweeneyda, oo aan wali la helin magaceeda ayaa waxaa da’deeda lagu qiyaasay 25-jir, waxaana kooxdii kufsatay kaddibna dishay ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalladda marka. Magaalladda Marka oo ah meel kala qeybsan, ayaa ay adagtay sida lagu oggaan karo cida falkaasi foosha xun ka dambeysay. Dhanka kale ilaa iyo hadda ma jiraan dhaq-dhaqaaqyo lagu baadigoobayo kooxdii falkaasi ka dambeysay, Waa fal aad u fool xun oo aan la aqbali karin ,balse cid wax ka…
The United Nations, the African Union, the European Union, the Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States are closely following developments in HirShabelle following the announcement by the State Assembly that it had impeached President Ali Abdullahi Osoble on 14 August. While noting that Mr. Osoble disagreed with the impeachment process, Somalia’s international partners urge all parties to continue the efforts to address this important matter through the established constitutional and legal means and to refrain from any actions that could undermine the consolidation of the state building process. Considering the substantial political and…
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto. Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad…
07/Sep/2017- Wasaarada Waxabrashada iyo Tacliinta sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Gudiga Shaqaalaah Rayidka ah ee Dawlada Puntland oo saaka si wada jir ah imtixaan uga qaaday 26 arday oo ka tirsan shaqaalaha dawlada Puntland kuwaas oo fariistay imtixaanka lagu kala reebayo dadka loo qaadaanayo waxabrashada heerka labaad ee dawlada Ethiopia ugu deeqday dawlada Puntland. Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Dawlada Puntland Barni Ciise Axmed oo goobta ka hadashay waxay cadaysay in xulida shaqaalaha laga soo maray hawl badan ayna isla xuleen gudi ka kooban Wasaarada Waxbarasha iyo Tacliinta Sare, Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hay’ada…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay go’aankii Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loogu dhiibay dowladda Ethiopia. Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Waxa uu abaabulayey [Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax] falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab” Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale la horkeenay, sida qoraalka lagu sheegay “nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07-dii Juun 2015-kii, kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru…
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go’aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. ” Go’aanka Golaha Wasiirrada manta ka soo baxay Waa mid aad u cajiib badan khalad wayn oo ay galeen sidii loo daawayn lahaa in laga hadlo ayey ahayd” Ayuu yiri. Go’aanka dawladda Fadaralka waxaa kaloo lagu sheegay in Heshiiskan ay wada saxiixeen…
Sida lagu sheegay warka ka soobaxay dowladda, waxaa golaha la horgeeyay nuqulka heshiisyo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Ethiopia 7-dii June 2015-kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadaba waxaa arintaas ka jawaab bixiyay Mahad Salaad oo ahaa Wasiiru dawlihii hore ee Madaxtooyada Somaliya hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka,isagoo sheegay in uusan heshiiskaas markuu la galayay DDSI uusan matalayn Dawlada Fadaraalka,isla markaana uusan qusayn ee uu kaliya ku koobnaa xalinta colaad ka dhacday Gobolka Galgaduud iyo dhanka DDSI. Hoos ka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cGGbwyfxSFM
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa mid loo maray sharciga. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xiriir la lahaa ururka Al shabaab uuna ka tirsanaa ururuka Onlf. Shirkan jaraa’id ayaa dabo socday kulan aan caadi ahayn oo uu yeesheen gollaha wasiirrada ee Soomaaliya. War qoraal oo ka soo baxay dowladda ka dib kulankaasi ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhis ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda…
Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka dagaalama Kenya ayaa la sheegay in deegaanka Lamu ay ku Gowraceen ilaa Afar qof oo u dhashay Dalka Kenya sida ay shaaciyeen Ilo wareedyo ku sugan dalkaasi. Maydadka Afar qof oo la Gowracay ayaa laga helay Xaafad ku taala deegaanka Lamu ee dalka Kenya waxaana goobta lagu arkay gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska dalkaasi. Goob joogayaal ayaa sheegay in Mudooyoonikii danbe Muwaadiniinta Kenya ku nool gaar ahaan shacabka aan muslimka aheyn ee dagan Lamu ay qabeen walaac dhinaca Amniga kadib markii ay hanjabaadyo kala Kulmeen Al-shabaab. Al-shabaab ayaa dhowr jeer dad sidaan oo kale ku Gowracay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZpavgW-muEY
Ciyaartooy mataleysa Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya koobka Aduunka ee kubad cayaraha caalamka ee loo yaqaan (World Mini Football) oo sanadkaan lagu qaban doono dalka Tunizia. Ciyaartan oo caalamka ku cusub ayaa waxaana markii ugu horreysay lagu qabtay dalka Mareykanka sannadkii 2015-kii, waxaana xiga sannadkan oo uu ka dhacayo dalka Tunisia.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PUxk9LX5wVU
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/noZdsvow7pQ
Sh.Aadan Suni oo ah Culumada Hargaysa ayaa xalay waxaa xiray Ciidamada Somaliland, Hawlgalkan ayaa xalay ka dhacay xaafad ka mid ah xaafadaha Hargaysa oo shiikhu dagaan u ahayd,iyadoo xiligii la qabanayay uu iska hor imaad dhexmaray Maleeshiyo Shiikha Taageersan iyo Booliska Hargaysa. Sh.Aadan ayaa lagu eedeeyay in uu abaabulay maleeshiyo Culumo ah oo ka bilaabay tababar iyo hub urursi,isla markaana saldhig ka samaystay duleedka hargaysa. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawlgalkaas kadib shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan hawlgalkaas ku qabtay Hargaysa saakay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/VdYFUBe4epQ
Waxaa magaalada Gaalkacyo ka furmay shir sadex bari soconaya ,kaasoo looga xaajoonayo amaanka guud ee Gobolka Mudug. Shirkan ayaa waxa uu dhaxeeyaa Puntland iyo maamulka Cadaado,iyadoo ay kasoo qaybgaleen Madaxweyne xigeenka Puntland Camey iyo ku xigeenka Xaaf,sidoo kale waxaa kasoo qaybgalaya waxgaradka Gobolka ,culumaa’udiinka iyo guud ahaan qaybaha bulshada Gobolka Mudug ee labada dhinac,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cBMLRYkh56c
“Anaku Soomaaliweyn ma nihin Itoobiya ayaa nala yiraahdaA. walaalahayaga Soomaaliya waxan leeyahay hadaa wax taraysaan Shabaab iska celiya.. Arimahayaga boos idiinkama banaane..” Ayuu yidhi mid u hadlay Madax-dhaqameedka. Sidoo kale waxay eedayn u jeediyey Xildhibaan Sakariye oo kamid ah Kuwa sida adag uga soo Horjeeda Itoobiya, Iyagoo ku eedeeyay inuu yahay Xagjir.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/9tunx-Xf7O4
Shirkaddo ay leeyihiin Soomaali oo ka howlgalla gobalka Minnesota ayaa hadda laga jartey qandaraasyo ay ka heysteen shirkadaha Blue Cross Blue Shild iyo U care oo arrimaha caafimaadka ka shaqeeya. Shirkadaha Soomaalida ee qandaraasyada laga jarey waxaa ka mid ah kuwa ku shaqada leh dhinacyada caafimaadka, turjumidda, iyo gaadiidka dadka lagu geeyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada. Maamullayaasha shirkadaha Soomaalida ayaa tallaabada qandaraaska looga jartay walaac ka muujiyay waxaanna ay sheegeen ilaa hadda inaysan ogeyn sababaha shirkadaha ay uga jareen qandaraaskii ay ka heysteen. Arrintan si wax looga qabto mas’uuliyiinta Soomaalida ee shirkadaha ayaa la kulmay xildhibaanada aqalka hoose ee gobalka Minnesota qaarkood, kuwaasoo ay hor kaceysay Ilhaan Cumar,iyagoo marka…
Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa ku hanjabay inuusan ka qeyb geli doonin doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee bisha oktoobar dhici doonto. Wuxuu sheegay inuu u baahan yahay dammaanad qaad dhinaca dastuurka ah mana uusan ka bixinin sharraxaad arrintaasi. Isbuucii la soo dhaafay ayaa maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya waxay waxba kama jiraan ka soo qaaday codbixintii dhacday bishii Agosto o ay sheegtay in guddiga doorashooyinka ee IEBC aysan u qabanin doorashadaasi si waafaqsan dastuurka. Maxkamadda ayaa amartay in doorashadaasi la qabto ka hor 1-da bisha Nofeember. Go’aanka maxkamadda ayaa waxaa aad u…
Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Asli Cabdi Xayir ayaa ku geeriyootay halka wariye Axmed C/raxmaan Jaakat oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dagan Mareykanka uu ku dhaawacmay kadib marki baabuur ay la socdeen uu ku dhacay tareen gudaha magaalada Barron ee gobolka Wisconsin ee dalkaan Mareykanka Sabtidii. Booliska magaalada Barron ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku aadan sababaha keenay in baabuurka iyo tareenka ay isku dhacaan.hoos ka dhagayso codka Wariye Jaakad. Halkan ka dhagayso codka Jaakad
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay, isagoo xusay in arrintiisa ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya “C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi…
Laamaha amaanka dawlada Puntland ayaa gacanta ksuoo dhigay shaqsiyaadkii maleegay ama fuliyay Qaraxyadii Afurur. Warkan waxaa xaqiijiyay Talyaha ilaalada Madaxtooyada Dawlada Puntland Cabdirashiid Dixiin Kabtan,waxuuna barta uu ku leeyahay Fc-ga usoo dhigay Qoraal uu ku faahfaahinayo arintaas. “Waxaa Farxad weyn ah in Dawlada Puntland ay 30saac gudahood ay gacanta ku dhigtay shayaadiinti ka danbaysay falkii ka dhacay af-Urur maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay kii qarax meesha geliyay iyo qofkii Remote ka ku qarxiyay oo isugu jira Rag iyo Haweenba” ayuu yiri Taliye Kabtan, wuxuuna sii raaciyay “Shacab iyo dawlad isku duuban cidina kama qarsomi kadho weligaa ka…
Kooxahani dhakhaatiirta ah ee ay dirtay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dawlada Puntland,ayaa dawayn iyo tallaalid u samayn doonta malaayin xoolo ah oo ku dhaqan deegaanada Puntland, kuwaasoo laga dawayn doono cuduro kala duwan oo uu xanuunka jadeecadu ugu horeeyo. Agaasimaha Caafimaadka Xoolaha ee Puntland Dr C/rixman Maxamed Xaji {Xunbul} ayaa tilmaamay in talaalkan uu faa’ido badan u leeyahay xoolaha madaama ay jiraan xanuun xoolaha ku dhaca, kuawasoo looga dabiibayo tallaal iyo daawayn wada socda. Dr. Abshir Siciid Yusuf oo ka socday Hay’ada FOA oo iyada barnaamijkaan si gaar ah uga taageerta Puntland wuxuu sheegay in sanooyinkii ugu dambeeyay…
President Donald J. Trump The President of the United States of America The White House 1600 Pennsylvania Ave NW, Washington, DC 20500, USA Cc. Chief of Staff, The White House Cc. The U.S. State Department Cc. The U.S. Defence Department Cc. The Africa Command, Djiboutiville, Djibouti Cc. U. S. Embassy, Djiboutiville, Djibouti Cc. U.S. Embassy, Nairobi, Kenya Cc. U.S. Mission in Somalia, Nairobi, Kenya Cc. Ambassador Stephen M. Schwartz Subject: Condemnation of the Barire Massacre Date: 26 August 2017 Your Excellencies, We, the elders and intellectuals of the Habar Gidir clan of the Hawiye Somalis, with the…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ReXK7QDl4Xo
Cumar C/laahi Faraweyne Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in Shabaab ay bilaabeen in ay u hanjabaan ganacsatada Puntland iyagoo ka doonaya lacag uu ku tilmaamay Maalgilin Al-Shabaab. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay heleen Warbixino la xariira Hanjabaadyo ka imaanaya Dagaalayaasha Al-Shabaab taas oo toos ugu wajahan Ganacsatada Puntland balse aan loo dul qaadan doonin Hanjabaad Al-Shabaab. Faraweyne ayaa Sheegay in Ciidamada amaanka ay diyaar u yihiin in shacabka Puntland ay ka difaacaan Shabaab, oo uu sheegay in mar walba ay isku dayayaan in ay dhibaateeyaan dadka Rayidka ah sidoo kalane doonaya lacagta ay ka qaadaan…
Hoggaamiyaha kooxda Hezbollah ayaa sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Syria Bashar Assad, si uu ugala xaajoodo heshiis boqolaal ka tirsan maleeshiyada Daacish looga daadgureeyey xuduudda Syria iyo Lebanon horraantii toddobaadkan. Khudbad uu khamiistii jeediyey ayuu Hassan Nasrallah ku sheegay inuu Assad weydiistay inuu aqbalo heshiiska oo lagu beddeshay inay xubnaha Daacish bixiyaan akhbaar ku saabsan sagaal askari oo Lebanese ah oo la qabsaday sanaddii 2014. “Si shaqsi ah ayaan ugu tagay Assad, oo aan weydiistay inuu gacan ka gaysto sidii dagaalyahanada Daacish looga saari lahaa xuduudda” ayuu yiri Nasrallah. In ka badan 600 oo dagaalyahano Daacish ah iyo qoysaskooda ah…
Ciidamada booliska ee magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah ragga ugu waa weyn ee magafayaasha dhallinyarada ka tahriibiya Soomaaliya. Ninkan ayey boolisku sheegeen inuu shaqaaleysiiyay ilaa iyo 200 oo dhallinyaro ah oo ku qal-qaaliya dhalinyarada inay tahriibaan. Waxaa la sheegay in halkii qof ee ay dhallinyradaas u keenaan uu ku siin jiray lacaga gaareysa 200 oo dollar,hoos ka dhagayso codka Talye xigeenka Booliska Bari. Halkan ka dhagayso codka Talyaha
Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha Oktoobar la qaban doono doorashada madaxweynenimo ee Kenya kadib markii ay maxkamad amartay in markale lagu celiyo doorashada. War qoraal ah oo kasoo baxay IEBC ayaa lagu sheegay in musharixiinta kala ah Raila Odinga ee isbahaysiga NASA ee mucaaradka ah iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ee xisbiga Jubilee oo kaliya ay u tartami karaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go’aanka maxkamadda lagu saleeyay. Maalintii jimcaha ayay maxkamadda sare ee Kenya laashay natiijadii doorashadii dhacday 8-dii bishii Agoosto, taas oo guddiga shaaciyeen in uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta. Maxkamadda…
Wararka aan ka heleyno Duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacay qarax miino oo lala eegtay gaadiid dagaal ay la socdeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal ah oo marayay Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana qaraxan uu ahaa mid si xoogan looga maqlay Ceelasha Biyaha iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw. Sida aan Wararka ku helnay gaadiidkii lala eegtay qaraxa miino ayaa ka bad baaday, waxaana qaraxaasi waxeelo uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu…
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo mudooyinkna ugu maqnaa xaalad caafimaad dalka Imaaraadka Carabta ,ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargaysa. Siilaanyo oo qaliin ku galay dalkaas ayaa hada u muuqday mid xaaladiisa caafimaad ay ada u wanaagsan tahay,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsa. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ktCKJUM50QU
Kulankan oo ahaa mid hor udhac u ah shirka Beri dhexmari doona Puntland iyo maamulka Cadaado ayaa ahaa mid albaabada u xiran yihiin islamarkaana saxaafadu dibad joog ka ahayd. Kulankan ayaa looga xaajooday sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga gobolka mudug ee ukala qaybsan labada dhinac. Kulanka oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne xigeenka Puntland Camey iyo ku xigeenka Xaaf,Wasiiro,Xildhibaano iyo Maamulada labada dhinac ee Mudug. Markii kulanku soo idlaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay Madaxweyne Camey iyo ku xigeenka Xaaf,waxayna si wada jir ah u sheegeen in kulankan lagu soo qaaday…
Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi. Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka – wuxuuna uga digay in Mareykanku uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dal walba oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi. Shiinaha oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee ay leedahay Pyongyang, ayuu Trump ugu yeeray waqooyiga inay khatar ku tahay Beijing. Mar ay weriyeyaashu weydiiyeen haddii Mareykanku uu weerari doono Kuuriyada Waqooyi, ayuu Trump sheegay in…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/hDTTG0IGYnY
Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku dartay cambaareynta loo soo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi taas oo tijaabisay wax ay ku sheegtay hub nukliyeer ah oo si fiican loo horumariyay. Pyongyang ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay bam nukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaalada ridada dheer. Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaad hurinaya oo qatar ah” Kuuriyada Waqooyi ayaa iska dhegatirtay cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka ay ku sameynayso gantaallada ay suuragalka…
Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan bukaano lagu hayay isbitaallada magaalada Frankfurt ayaa waxaa laga daadgureeyey magaaladaasi, taas oo noqonaysa middii ugu ballaarneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Magaalada ayaa isu diyaarinaysa in la qarxiyo bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo durbadiiba ay tobannaan kun oo qof ay guryahooda faarujiyeen. Goobaha dadka laga daadgureeyay waxaa sidoo kale ka mid ah isbitaalada iyo dhismaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi Jarmalka oo ay yaalaan tobannaan bilyan oo doolar oo dahab ah. Dadka bukaanka ah ee ku jiray qeybaha xaaladda deg degga ee isbitaalada ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay…
Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo. Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay soo weerareen xeryaha milatariga ee Buulo Guduud iyaga oo adeegsanaya baabuur lasoo miidaamiyey. Ururka Al-Shabab ayaa iyagu sheegtay inay qabsadeen xeradaasi isla markaana ay dileen 26 askari. Af-hayeenka Maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa dagaalkaas uga warmaya Laanta Afka Somaliga ee VOA,hoos ka dhagayso codka. Halkan ka dhagayso codka Afhayeenka Jubaland
Dawlada Puntland ayaa Xabsiga dhexe ee Gobolka Mudug ku samaysay dayactir xoog leh,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/C2cMtI8Fas4
INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN WAXAA 1-9-2017 KU GEERIYOOTAY MAGAALADA GAARISSA MARXUUMAD FAADUMO CISMAAN JIRAC Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe Maxamad Cabdi Adar-Gows Maxamad Cabdi Xasan Eng.Maxamuud Beynax Barre Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi Cabdi Gaani Yuusuf Shugri Cumar Gaboose Dr. Cabdilxakiim…
Maalmahan waxaa baraha bulshada iyo guud ahaan Somaliya is qabsaday dhiibista Qalbidhagax. Hadaba Qalbidhagax muxuu ahaa :- Qalbidhagax waa mid ka mid ah Saraakiisha muhiimka ah ee Ururka ONLF. Waa duurgal ku dhibadan dagaalka,in badana la sheegay in la dilay,balse mar walba ay beenoobi jirtay. Waa sarkaal muhiim u ah ONLF xog badana ka haya maleeshiyadooda,goobaha ay ka hawlgalaan,saadka halka uu usoo maro iyo guud ahaan xogta rasmiga ah ee Ururkaas. Waa sarkaal ay dawlada itoobiya si weyn ugu raadjoogtay gacan ku dhigistiisuna ay u tahay guul muhiim ah. Kasoo qabashadiisa Gudaha Somaliyana waxay fariin cad u tahay cid walba…
Mawduuca: Wasiir Yuusuf Garaad oo Dalab Ciidamo Degdeg ah u Diray Safiirka Maraykanka, Stephen Schwartz (daabacaadii 2aad) Sida aan hiirtii hore la qaybsanay akhristayaasha iyo dhegaystayaasha Radio Daljir, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu matalayo Wasiir Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa biloowgii bishii la soo dhaafay ee Agoosto u qoray Safiir Stephen Schwartz, safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, warqad codsi caawino gacan milatari iyo mid sirdoon oo degdeg ah. Hadaba waxaa isa soo taraya falceliska nindoorka bulshada Soomaaliyeed ee warqadda Yuusuf Garaad. Wasiir Yuusuf Garaad ayaa warqadda ku muujiyey in Soomaaliya ay soo foodsaartay welwel iyo wacaal weyn…
Guud ahaan shucuubta Islaamka waxay bahda idilnews ugu hanbalyaynayaan munaasabada Ciida Carafo,waxaan leenahay ku ciida Nabad iyo Caano maalinkii labaad ee Ciida meel kasta oo ada kaga nooshihiin Caalamka oo idil.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Ujeedka socdaal Madaxweyne ku xigeenka,ayaa lagu sheegay dhameystirka wadahadalo horay u socday oo u dhaxeeyay Puntland iyo Maamulka Cadaado. Waxaa isna soo gaaray Gaalkacyo ku xigeenka Xaaf oo matalaya maamulka Cadaado. Labada dhic ayaa ka wada hadli doona arimo ku saabsan amaanka oo ay ugu horayso soo afjarida colaadaha ka jira qeybo ka mida gobolka kuwaas oo inta badan dhexmara dhaxmara dadka reer guuraaga ah ee ku wada dhaqan miyiga Gobolka Mudug.
Wafti wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Puntland ayaa booqday dadkii kusoo dhaawacmay Qaraxyadii labada ahaa ee shalay ka dhacay Af-urur. Dhaawacyadan oo lasoo gaarsiiyay Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa iskugu jira kuw aculus iyo kuwo fudud,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/2u8VMtxPHZg
Xukuumadda Soomaaliya iyo hay’ado raacsan laanta fulinta ayaa la soo baxay hab cusub oo ay u la dhaqmayaan warbaahinta, waxa ay xoogga saarayaan Warbaahinta bulshada sida Facebook, iyo xarumaha warbaahinta sida Raadiyahaiyo Telefeshinka. Shaqaale gaaraya 650; qof ayay xukuumadda iyo laamaha maamul ee raacsan sida gobolka Banaadir u shaaleeyeen baraha bulshada, shaqaalahaasi waxa ay kala joogaan dibadda iyo gudaha dalka. Tusaale ahaan, xafiiska Raisalwasaaraha ayaa waxa uu shaqaaleystay sida ay muujisay warbixin kooban oo aan helnay 200; oo qof oo shaqaale ah, kuwaas oo aan soo xaadiri doonin xafiiska raisalwasaaraha balse iyaga oo jooga goobahooda shaqada ama guryahooda…
Guddiga doorashada iyo xuduudaha Kenya ee (IEBC) waxaa ay shegeen inay diyaar u yihiin , kana go’antahay in muddo 2 bilood gudahood ah ay ku qabtaan doorasho , walow ay jirto walaac laga qabo in guddiga doorashada ay qaban karaan doorasho lagu kalsoonaan karo. Hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayaa dalbaday in xabsiga loo taxaabo qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada, taasi oo dib u dhac iyo halis galin karta guud ahaan geedi socodka doorasho cusub oo al qabto. Geedi socodka lagu soo xulanayo xubno cusub oo ah guddi doorasho ayaa qaadan karta bilooyiin, waxaana taasi ay Kenya u horseedi…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/AZeamtf9O5U
Dowlada Soomaaliya ayaa Mareykanka si deg deg ah uga codsatey in ay Soomaaliya usoo diraan ciidamo dhulka ka dagaalama iyo sirdoon, si looga gacan siiyo waxa ay ku tilmaameen qatar ku soo socota Mareykanka, Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka. Qoraalkan uu ku saxiixyahay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo ku socotay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa lagu faah faahiyey xiriir la sheegey inuu dhexmarey Al shabab-ISIS iyo Iran kaas oo salka ku haya macdanda Uraniumta ee laga farsameeyo hubka Nukliyeerka. Warqadan ayaa lagu sheegey in Al-shabaab ay la wareegeen dhul ay ku keydsan tahay Uranium…
Fahfaahino iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar culus, oo Maanta oo Jimco ah ka dhacay gudaha deegaanka Af Urur, ee gobolka Bari. Dad lagu qiyaasay afartameeyo qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa mid ka dhacay bal-balo ku taala tuulada oo inta badan ay askartu ay ka iibsadaan qaadka. Qarax labaad ayaa la sheegay in sidoo kale la maqlay ka dib markii ciidamada Puntland ay u soo gurmadeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii hore ,taasi oo keentay in khasaaraha uu ka sii bato intii hore. Dhaawacyada ayaa loola cararay Isbitaalo…
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu fikir ahaan ka soo horjeedo go’aanka maxkamada sare ee dalka ay ku baabi’isay guushii uu ka gaaray doorashadii Augusto, laakiin waxaa uu sheegay in uu ixtiraamayo una hogaasami doono. “Maxkamadda go’aan ay gaartay fikir ahaan ma taageersani , laakin waan xushmeynayaa ‘’ ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo jawaab celinayay go’aankii lagu laalay guushiisii doorashada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/x4J_wabbP7s
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxay dib u baabi’isay dib u doorashadii Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo waxba ka soo qaaday doorashadii dhacday 8 August ee bishii hore. Todobo xaakim oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Kenya ayaa isku raacay in Guddiga doorashada uu ku guuldareystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka. Bayaan ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu faah faahiyay sababta waxba kama jiraan looga soo qaaday doorashadii 8 August, iyagoo soo bandhigay qodobo iyo cadeymo kala duwan. “Doorashooyinku ma aha dhacdo ee waa geeddi socod. Ka dib markii aan ka baaraan degnay caddaymaha oo dhan, waxaan…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/23yXrsBz1cQ
Kulan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loogu caleemo saaray Cali Cabdullaahi Cosbole madaxweynaha maamul loogu magacaabo Hiiraan –Land oo dhawaan Beledweyne uga dhawaaqeen odayaasha gobolka. Dhinacyadii kala duwanaa ee ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in la bur buriyay nidaamka lagu dhistay maamulka Hirshabeelle, taa badalkeedana dhisteen maamulka Hiiraan –Land oo ka kooban labo gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Sare. Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow) oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in go’aankii ay qaateen xildhibannada Hirshabeelle uusan aheyn mid sharaci ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6unJfSGR7Dk
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/XOAnAwM902M
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/JFJBIMEkPMg
Madaxweyne Camey ayaa si qoto dheer uga hadlay lacagta shillin Soomaaliga, taas oo ay in muddo ah taagnayd hawsheedu, waxaana uu sheegay kusimaha Madaxweynuhu in aanay jirin dad reer Puntland ah oo ka cabanaya lacagta shillin Soomaaliga, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in lacagtani tahay mid ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka joojiyeen argagixisada Al-shacaab, isla mar ahaantaana waxa uu ugu baaqay dawladda Dhexe ee Soomaaliya iyo dawladdaha kale ee xunaha ka ah DFS ay ka gaadhaan arrintani xal lagu badbaadinayo lacagta shillin Soomaaliga laguna yaraynayo lacagta qalaad ee Dollar-ka. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa xaqiijiyey in isaga aanay ka iman…