Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si ku meel gaar ah hakad la geliyo dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowaldda Islaamka ee magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, si dadka rayidka ah loogu oggolaado inay halkaasi isaga cararaan. Waxaa la rumeysan yahay in qiyaastii 25,000 oo qof oo shacab ah ay wali ku go’doonsan yihiin magaalada Raqqa. Isbahaysiga uu mareykanka taageero ee ka kooban carabta iyo kurdiyiinta ayaa isku dayaya in ay magaaladaasi kala wareegaan dagaalyahannada kooxdaasi dowladda Islaamka. Madaxa gargaarka Qaramada Midoobey u qaabilsan Suuriya, Yan Egeland, ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in magaaladani Raqa ay tahay…
Author: Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/grcnTpbFFoY
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NcQuIg3HOzA
Wasiirka Dastuurka Fadaraalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,ayaa sheegay in Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay xaq u leeyihiin in ay soo faragliyaan siyaasada Arimaha Dibada ee Dalka markii ay jirto arin si mugweyn u saamaynaysa iyaga. Xoosh Jibril oo waraysi siinayay Tv-ga Somali Caple ayaa hadalkiisa kusii daray in si guud siyaasada Arimaha Dibada ay masuul uga tahay Dawlada Fadaraalka,balse Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ay tahay in lakal tahsto arimaha iyaga sida xooga leh usaamaynaya Inkastoo Xoosh Jibril uusan si toos ah afka ugu dhufan arinta muranka weyn dhalisay ee khilaafka Carabta hadana hadalkiisa ayaa u muuqda mid…
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa ansixinta Sharciga Istaatistikada, laguna qeybiyey shuruucda Dambiyada Jinsiga iyo kan Ururada Aan Dowliga Aheyn, isla markaasna looga hadlay arrimaha Amniga, Dastuurka, Maaliyada iyo waxqabadka dowladda iyo arrimo kale. Warbixinta amniga ayaa lagu xusay in qorsheyaasha howlgalka ciidamada uu meel fiican marayo, isla markaasna la baacsanayo kooxaha argagaxisada ah oo dhowaan lagala wareegay deegaanka Bariirie oo 3 maleeshiyada Al-Shabaab lagu qabtay. Shacabka ayaa looga degay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu…
Maamulka Gobolka Mudug oo sheegay in uu maalmahan ku mashquulsanaa dib u habaynta Bilicda Degmada Bursaalax oo dhawaan uu Madaxweyne Gaas ka dhigay Degma Buuxda ,isla markaana Baarlamaanku ansixiyay,ayaa maanta soo bandhigay waxqabadkoodii Degmadaas. Inkastoo maamulka Gobolka Mudug uu sheegtay in uu waxqabtay Bursaalax hadana wax weyn kama muuqdaan muuqaalka waxqabadka ays oo abndhigeen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-zGIXKmf7wQ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa kulan sharfeed la qaatay Ku xigeenka Xoghayaha guud ee arimaha siyaasada Jeffrey D. Feltman oo Muqdisho soo gaaray, Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka ah Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Madaxa qeybta Siyaasadda ee Qaramada Midoobey Jeffrey D. Feltman. Kulanka R/Wasaaraha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda dawladda ee 2020, amniga, dhaqaalaha, dastuurka, xiriirka dawlad gobolleedyada iyo Dawladda dhexe. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaana uga mahad celiyay taageerada ay mar walba Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka la garab taagan yihiin Soomaaliya. …
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Maxjarka Xanaanada Xoolaha ee Jubba kaasoo laga hirgaliyay duleedka Magaalada Kismaayo. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Jubbaland Maxamed Nuur Buule maamulka maxjarka Odayaal dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kasoo qayb galay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Maxjarka. Madaxweynahu wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu Maxjarkan oo ah kan ugu weyn Soomaaliya uguna tayada sareeya ka kooban yahay. Si gaar ah Madaxweynahu wuxuu booqday qaybta baarista Caafimaadka isagoo la sheekaystay wax badana ka dhagaystay dhamaan dhakhatiirta qaybtan ka shaqeeya. …
Xiriirka Mareykanka iyo Masar, oo horumaray kadib doorashadii madaxweyne Donald Trump, ayaa arabacdii u muuqday inuu dib u xumaaday, kadib markii dowladda Mareykanka ay jartay qeybo ka mid ah gargaarkii Masar la siin jiray, sababo la xiriira xadgudubyo dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Dowladda Mareykanka ayaa boqol milyan oo dollar ka dhintay gargaarkii dhaqaale iyo midka milatari, ayada oo sidoo kale dib u dhigtay 200 oo milyan oo kale, oo la siin jiray dalka Masar oo ka mid ah dalalka deeqda ugu badan ka hela Mareykanka. Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa arrintan u sababeeyey in Masar ay ku guul-darreysatay inay…
Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir. Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa dilkan ka waraystay Ayaan Cabdulaahi Macalin oo ku sugan magaalada Bristol, qaraabo dhowna ay yihiin marxuumad Aasiya Cumariyo odaygeedii Aden Daahir,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka, kulanka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka iyo Hay’adaha uu la kulmay Safiiradooda. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW. Xasan Cali Khayre oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday wax yaabihii u qabsoomay Xukuumadda dhowrkii bilood ee laga soo gudbay, gaar ahaan dhinacyada Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa iyo sidii bulshada Soomaaliyeed…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/NKwtdNr5vOM
Waxaa dib usoo kabanaya caasimadii hore ee Somaliya hadana ah xarunta hay’adaha Dawlada Fadaraalka ah Muqdisho. Dib usoo kabashadan ayaa waxaa laga dareemayaa qaybaha goobihii taariikhiga ahaa oo dib loo dayactiray xarigana laga jaray. Ilaa iyo hada maamulka Gobolka Banaadir waxuu dib u dayactiray oo xariga ka jaray,Taalooyinka kala ah…. SYL.Dhagaxtuur ,Xaawo Taako iyo hada oo uu dib u dayactiray Taaladii Axmed Gurey,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Q46YVkdkzHw
Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso Bisha Dul-Hijjah. Rasuulka SCW wuxuu yiri:- ” Qofkii Sooma maalmahaas wuxuu ilaahey ku karaameyn doonaa 10-kaan Waxyaabood: 1) In Loo siyaadiyo Cimriga. 2) In loo siyaadiyo Maalka. 3) in loo ilaaliyo Awlaada. 4) In loo dhaafo dambiyada. 5) In loo laba jibaaro Xasanaadka. 6) In loo fududeeyo Sakaraatul Moodka. 7) In loo iftiimiyo Qabriga. 8) In loo cusleeyo Miisaanka Maalinta Qiyaamo. 9) In laga badbaadiyo Guryaha Naarta. 10) In sare loogu qaado darajooyinka Janadda. Sidoo kale Saxaabiga Ibnu Cabaas RC ayaa yiri:- 1) Maalinta 1-aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/c-R1JEPCS1c
Ciidamo ka tirsan maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado,ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay ay gudaha u galeen deegaanka Mareergur ee gobolka Galguduud, Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada la wareegay deegaanka Mareergur oo 30km u jirta degmada Dhuusa-mareeb ay ka soo yimaadeen dhanka Degmada Cadaado. Ka hor inta aysan la wareegin gacan ku heynta deegaanka ayaa la sheegay in la maqlay rasaas culus oo ay isweydaarsadeen maleeshiyada maamulka Cadaado iyo Ciidamada Ahlu Sunna oo markii danbe isaga baxay. Dhaqdhaaqyadan ee ciidan ee u dhaxeeya maamulka Cadaado iyo Ahlu Sunna ayaa waxay imaanayaan…
Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay. Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan. Haseyeeshee madaxweyne Dos Santos ayaa wali sii maamuli doono xisbiga MPLA, waxaana xubnaha qoyskiisa ay hayaan xilal aad muhiim u ah. Lourenco ayaa beeniyay in uu noqonayo madaxweyne maqaar saar ah haddii uu xilkaasi ku guuleysto. Shaqo la’aanta ka jirta dalka ayaa ka mid ah…
Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa booqday goobaha laga ilaaliyo xuduudda ee gobolka Arizona, oo xuduud la wadaaga dalka Mexico. Safarka uu Madaxweyne Trump ku tegey gobolka Arizona shalay Salaasadii ayuu doonayaa inuu culays ku saaro inuu ogolaansho uga helo aqalka Congresska, lacag uu ku dhiso gidaarkii ama derbigii uu wakhtiga dheer ballanqaadayey, kaas oo haatan qayb ahaan ka jira xuduudda Maraykanka ee dhinaca Koonfur Galbeed. Intii uu ku sugnaa magaalada Yuma, wuxuu Madaxweyne Trumo soo booqday xarunta Kastamada iyo ilaalada xuduudda si uu u soo arko qalabka ay u isticmaalaan ilaalinta xuduudda iyo dadka ka soo gudbaya, wuxuuna shaqaalaha…
Madaxweyne Farmaajo oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kadib markii uu kasoo laabtay booqasho uu ku gaaray dalka Masar. Madaxweynaha ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha. Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah…
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka. Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay xilkaan Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka. Xilkaan ayaa banaanaa in mudaa ka dib markii la dilay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska Cabaas Sheekh Siraaji. Halkan hoose ka akhriso Wareegtada:-
Xildhibaanada Aaqlka sare ayaa maanta ka dooday xilka qaadistii Baarlamaanka Hir-Shabelle Madaxweyne Cosoble. Golaha oo ay fadhiyeen 34-Senatar ayaa dood dheer ka yeeshay arintaas dhinacyo badana ka eegay,ugu danbayntiina waxaa la galiyay cod,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cGxPsRLsieE
Ciidamada booliiska dalka Denmark ayaa helay meydka qof dumar ah oo uu madaxa ka maqanyahay iyaga oo raadinaya haweenay saxafiyad ah oo la waayay kadib markii ay safar xagga badda la gashay nin ay barnaamij ka diyaarineysay. Gabadha maqan oo lagu magacaabo Kim Wall oo u dhalatay dalka Sweden ayaa markii dad ugu war dambeysey waxa ay la socotey nin injineer ah oo sameeya gaadiidka badda quusa oo lagu magacaabo Peter Madsen oo u dhashay dalka Denmark taariikhda markii ay ahayd 10-kii Agoosto. Ninkan ayaa markii la weeydiiyay waxa ku dhacay gabadhii la socotay ayaa wuxuu sheegay in…
Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay toddoba kalena way ku dhaawacmeen dagaallo mar kale maanta ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud. Dagaalladan ayaa u dhexeeya maleeshiyo degaanka ah iyo kuwo kale oo ka tirsan ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca. Wararka aanu ka helayno degaanka ayaa tilmaamaya in dagaalku uu ku lug leeyahay siyaasad. La soco wararkayaga danbe iyo xaalka dagaalkaas.
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/1lhxM0bEXBc
Bakaylayaasha iyo Rahaha Bakaylayaasha, sidaynnu la wada soconno, xayawaan weeye aad u xishood badan. Sharqanta ugu yar oo uu maqlo baa cabsi gelisa, wuxuuna u farandulleeyaa burkuu ku dhuunto kolkuu nafta u yaabo. Waxay maalin maalmaha ka mid ah go’aansadeen in gunnimaday ku jiraan ay geeriyi dhaanto. Hayeeshee, iyagoo wali arrinkii rogrogaya oo ka doodaya habka ugu wacan oo ay isu gunaanadi lahaayeen oo geeri isugu diyaarin lahaayeen, ayay cod maqleen oo durbadiiba burarkoodii ku baqacarareen. Waxay intii ay marimmadoodii hayeen sii agmareen Rahah fara badan oo dul dhooban cawska qasabka geddiga balliga ka baxa. Durbadiiba Rahahii sas bay qaadeen,…
Waxgaradka rasmiga ah ee matala Beesha Obokor Ciise Maxamuud oo iska fogeeyay Nimankii shalay ka qayliyay Guri garowe ku yaal. Nabadoonada Beesha Obokor Ciise Maxamuud ee maanta hadlay ayaa ku tilmaamay hadalka Ragaas shalay kasoo yeeray in uu laaxin mudan in laga yaqyaqsado oo foolxumo iyo ilhaamo ku ah Beesha Obokor Ciise Maxamuud,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/c5baK0U4o8U
Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Axmed Madoobe ayey dadka qaar u aaminsan yihiin in uu yahay hoggaamiye siyaasadda ku fashilmay oo keliya yaqaanna sida loola hadlo marasta iyo dadka aan wax badan hoos u ogayn ama hiyi kaca lagu khaldo.. Uma Baahnin in aan ku dheeraanno shakhsiyadda Axmed Madoobe, balse wuxuu leeyahay dabeecado sida ay sheegayaan dadka naqdiya siyaasaddiisa aad u liita oo ay kamid tahay in uu hadalka u dhaho “iska dheh” iyo in uu sameeyo hadal soo jiidasho marka la joogo goobaha madaxdu ay iskugu timaaddo. Tusaalle wuxuu horaan u yiri madaxda Somalida oo shirsan“Af English-ka joojiya” Waxa ay ahayd…
Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku qaaday Degaanka Gaamba ee Ka tirsan Gobalka Taanariifa,waxaana Shabaabku ay Weerarkaasi la beegsadeen Xarumo Dowladda Kenya ku leedahay Degaaka Gaamba. Khasaaraha ka dhashay Weerarkaas ayaan la ogeyn,waxaana maqan Isgaarsiinta Degaanka Gaamba. Weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Degaanka Gaamba ayaa imaanaya Xilli Ciidamada Kenya ay Duqeyn ka bilaabeen Keymaha Lamu oo Al-shabaab ay ku Xoogan yihiin.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo loo heystay inay dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Suldaan Hilowle Xeefow Xuseen, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka. ” Ujeedo:- Xukun Maxkamadeed. Taariikhdu markay Ahayd 21/08/2017, Maxkamadda Darajada 1’aad Ciidamada Qalabka Sida waxay u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaasha kala ah :- 1) Xasan Cali Xasan Keeroow 23 jir ah ina edebo xasan ibraahin ku dhashay Bakool. 2) C/raxmaan Ciise cali fiidoow 20 jir ah ina Shukri sheekh siyaad ku dhashay Xamar degan Dayniile , Kuwaas oo Xafiiska Xeer…
Booliska Spain ayaa toogasho ku dilay nin la rumeysanyahay inuu ahaa darawalki waday baabuur caasi ahaa oo Khamiistii la jiirsiiyey dad ku sugnaa magaalada Barcelona. Weerar u muuqday mid lagu soo gaba gabeyayey kooxihi weerarkaasi ka danbeeyey ayey boolisku sheegeen in ay ku dileen Younes Abouyaaqoub kadib marki la xaqiijiyey Isniinti in lagu arkay tuulo 45 km dhinaca galbeed kaga beegan Barcelona. Saraakiisha ayaa sheegay in ay toogteen nin baxsad ah kadib marki uu qabsaday wax u muuqday suunmanka qarxa oo marki danbe la ogaaday inay aheyd qalab bam loo ekeysiiyey. Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Catalonia Joaquim Forn ayaa…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu xalay u jeediyey Shacabka Mareykanka uga hadlay istaraatiijiyadiisa cusub ee Afganstan iyo Koofurta Asia. Trump ayaa sheegay in kabixitaan dhaqso ah oo ay ka baxaan dalka Afganstan ay abuuri karto marnaasho sababta in ay si dhaqso ah wadanka u qabsadaan kooxaha argagixisada. Wuxuu tilmaamay in khatarta ka imaneysa Afghanstan iyo dhamaan dalalka dhaca Koofurta Asia ay tahay mid aad u ballaaran. Istaatiijiyadiisa cusub ayuu ku sheegay in ay qeyb ka tahay inuu wanaajiyo xiriirka Mareykanka la leeyahay qaar ka mid ah dalalka Koofurta Asia oo ay ku jirto India, halka uu meel adag…
Madaxweynaha maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa goor dhow ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 22 -Wasiir 22-Wasiir ku xigeen iyo 8 Wasiiru Dowlayaal. 1.Cabdi Maxamed Cabdi Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Mudane Maxamed Xayir Nuur-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha Hoose. 2.Saciid Siyaad Shirwac-Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha. 3.Cismaan Ciise Nuur “Taar-dhuleed” Wasiirka Amniga. 4.Mursal Cabdiraxamaan Axmed Wasiirak Awqaafta iyo Diinta Mudane Xasan Maxamed Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. 5.Daahir Xasan Xuseen Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryenta. 6.Cabdiqaadir Cabdullaahi Warsame Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.. 7.Maxamuud…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qfktu9l7tKQ
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Dowlada Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4accPe5eVyw
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Mv5jxAECB6c
Baadigoobka darawalkii 13ka ruux ku dilay magaalada Barcelona toddobaadkii hore ayaa hadda lagu baahiyay qaaradda Yurub oo dhan, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Catalan ee dalka Spain. Saraakiishu waxay sheegeen in ay xaqiijiyeen aqoonsiga darawalka uuna yahay wiil 22 jir ah oo reer Marooko ah oo la dhoho Younes Abouyaaqoub. Saraakiishu waxay sheegeen in aysan meesha ka saaraynin macquulnimada in uu ka gudbay xadka ay Faransiiska la wadaagaan. Muuqaal cusub oo la duubay maalintii uu dhibku dhacay oo laga helay kaameerooyinka ammaanka ayaa muujinaya isaga oo cagahiisa kaga baxsanaya goobtii uu dadka ku laayay. Saddex sawir…
Miltariga dalka Kenya ayaa axaddii shalay ku amray dadka ku nool hareeraha keynta Boni ee ku teedsan xeebaha Kenya inay ka fogaadaan halkaas muddo 48 saacadood ah. Amarkan ka soo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay inay duqeyn xooggan ku qaadi doonaan deegaanka, si ey uga sifeeyaan maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysta, weerarana kaga qaada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Hadaba Maxey tahay keyntan Booni ee ay Al-Shabaab ku dhuumaaleystaan, su’aashaa iyo kuwo kale ayaa wariyaha laanta Aafka Somaliga ee VOA Sahra Cabdi Axmed ayaa ka waraysatay Professor. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ka faallooda…
Gudoomiyaha Aqalka-sare CabdiXaashi Cabdulaahi ayaa cadeeyay in uu soo gaaray Mooshin ka dhan ah RwKhayre. Mooshinkan ayaa waxaa Golaha soo gaarsiiyay Senetar Muuse Suudi Yalaxow,waxuuna ku saabsan yahay go’aanka Dawlada Fadaraalku ka qaadatay Maamulka Hir-shabelle xilka qaadisti Golihiisa Baarlamaanku ku sameeyeen Madaxweyne Cosoble. Maalmo ka hor ayay Golaha Aqalka-Sare waxay u yeereen Wasiiradii tagay Jowhar si ay su’aalo uwyadiiyaan. Lama oga xiliga uu hor tagi doono RW kahyre Aaqlka-sare si uu uwajaho Mooshinak ka yaal. Aqalka-sare ayaa sharci ahaan u taagan ilaalinta danaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen Buundada yar iyo xaafadaha ku dhow dhow. Al-Shabaab ayaa weerar ka soo qaaday dhanka wabiga, waxaana si lama filaan ah ay gudaha u soo galeen degmada Afgooye. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, waxaana saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay baaritaan ka wadaan xaafadaha qaar ee xalay iska hor imaadka ka dhacay. Weerarka Al-Shabaab xalay ku soo qaaday Afgooye ayaa jawaab u ah howl galada ciidamada xoogga…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Dowlada Xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, gaar ahaan in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo. Dhinaca…
Madaxweynaha Soomaliya ayaa 2 bilood kadib go’aansaday in uu dib u eegis ku sameeyo go’aankii Dowladda Federaalka ay hore ugu taageertay Waddanka Qatar. Kadib markuu arkay:- 1. Cadaadis badan oo uga yimid Ganacsatada Soomaliyeed gaar ahaan Xawaaladaha oo sanadkii dalka soo geliya lacag dhan $2 billion oo Dollar. Dhaqaalahaas oo boqolkiiba 90% soo mara dalka Imaaraadka. 2. Markuu arkay in Dowlad Goboleedyada ay ka horyimaadeen go’aanka ay wateen Fahad iyo Xarakada la socota. 3. Markuu arkay mashaariicda balaaran ee imaaraadku ka wado dalka gudihiisa. 4. Markuu arkay dhoofka xoolo dhan 5 million oo neef oo u socda dalka Sacuudiga. Wuxuu…
Dawlada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay xayiraadii ka qaaday Xoolihii Soomaaliya ee loo dhoofin jiray dalkaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/37s5TrXmE-g
Xubnaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga Isgaarsiinta,kaasooo dhowaan Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada hor geysay golahaas kaddib markuu uu ka soo gudbay golaha shacabka. 39 mudane oo ka tirsan golaha Aqalka-sare ayaa meel mariyey sharciga isgaarsiinta. Sharcigan ayaa waxaa dhawaan meel mariyay Xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo Wasiirka Boostada uu Sabtidii u gudbiyay Aqalka sare ee dalka, kuwaasoo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay. Sharcigan ayaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu u saxiixo oo ay u noqoto mid dhaqan gala. Dhanka…
Kumaad Rumeeysanaysaa? Waxaa kadinka deyrka Wadaad Nasruddiin yimid nin ay jaar ahaayeen. Dibedda ayuu ugu soo baxay oo ninkii la kulmay. “Wax miyaad, Shiikhow, ka qabi lahayd,” jaarkii ayaa weyddiiyey, “in aad maanta dameerkaaga i amaahiso? Degmada inagu dhow ayaan alaabo yar ku geeysan lahaa.” Hayeeshee, Wadaadku arrinta sinnaba uguma jajabnayn, gaar ahaan in uu neefkiisa ninkan amaahiyo. Haddaba, si aanu ugu anshax-xumaannin ayuu ku yidhi: “Waan ka xumahay, horey baan nin kale u amaahiyey.” Durbadiiba dameerkii ayaa dambeedka gidaarka deyrka guriga ci’ dheer oo la wada maqli karo ku dhuftay. “Hase ahaatee, Shiikhow,”…
Wasiirka Arrimaha dastuurka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen agaasimaha guud iyo la-taliyayaal ka tirsan wasaaradda ayaa maanta la kulmay guddiga baarlamaanka ee La-socodka dib-u-eegista dastuurka. Wasiir Cabdi Xoosh ayaa guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado. “Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan ololaha dib-u-eegista dastuurka ee dalka ka bilaami doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale, AVV…
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaiya ayaa sheegtay in xil ka qaadista madaxweynaha maamulka Hirshabeela ay sharci tahay. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri: Go’aankii baarlamaanka ee dwlad goboleedka Hirshabeele ee August 14, 2017, markay dowladda Federaalka ah guddii wasiirro ah oo xaqiiqo raadis ah u dirtay magaalada Jowhar, August 17, 2017, oo ay dhageysatay dhamaan dhinacyada kala duwan ee khilaafka. Markaan qiimeynay cawaaqib xumada ka dhalan karta is jiid jiidka siyaasadeed oo dhaba dheeraada iyo khatarta kaga imaan karta dowlad goboleedka curdunka ah ee Hirshabeele. Markaan eegnay baahida loo qabo amniga, kala…
Puntland ayaa ka hadashay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday tuulooyin hoostaga Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Dagaalkan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdi xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in dagaaladaas aysan aheyn kuwo siyasadeed balse ay yihiin kuwa ay wada dagaalamaayan Beelo. War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay dagaalkaas, waxaana uu u qornaa sidatan:- Hoos ka daawo muuqaalka shirak jaraa’id ee Madaxweyne Camey. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6cxAdkQEAZQ
Isagoo ka hadlayay mooshinka ay xilka ugaga qaadeen Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay inuusan ahayn mid sharci ah isagoo sheegay inuusan aqbalayn. “24 saac in mooshin lagu keeno laguna qaado xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharci ah,”ayuu yiri Cali Cabdulaahi Cosoble. Cali Cabdulaahi Cosoble oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu xalay la kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayna ka wadahadleen xaalada Hirshabelle uuna Madaxweynaha u sheegay in arrintan laga hadli doono marka uu ka soo laabto safar uu ku tegayo dalka Masar. Cali Cabdulaahi oo la weydiiyay waxa uu sameynayo ayuu ugu jawaabay…
Madaxweynaha jamhuuriyadda fadaraalka Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha ee magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Abdel Fattah El Sisi. Labada madaxweyne ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda kulan yeeshaan isla markaana ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee Afrika Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka,hoos ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PqNgnsWglMM
Madaxweynaha Soomaliya ayaa 2 bilood kadib go’aansaday in uu dib u eegis ku sameeyo go’aankii Dowladda Federaalka ay hore ugu taageertay Waddanka Qatar. Kadib markuu arkay:- 1. Cadaadis badan oo uga yimid Ganacsatada Soomaliyeed gaar ahaan Xawaaladaha oo sanadkii dalka soo geliya lacag dhan $2 billion oo Dollar. Dhaqaalahaas oo boqolkiiba 90% soo mara dalka Imaaraadka. 2. Markuu arkay in Dowlad Goboleedyada ay ka horyimaadeen go’aanka ay wateen Fahad iyo Xarakada la socota. 3. Markuu arkay mashaariicda balaaran ee imaaraadku ka wado dalka gudihiisa. 4. Markuu arkay dhoofka xoolo dhan 5 million oo neef oo u socda dalka Sacuudiga. Wuxuu…
Iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay colaad u dhaxaysa beelaha Cali Geri iyo Reer Hagar ay ka taagnayd magaalada Buuhoodle ,ayaa colaadaas waxaa ka hadlay oo baaqyo kasoo saaray Waxgaradka Puntland ee Gudaha Dalka iyo Dibadiisa. Hadaba waxaa baaq ku aadan dajinta Colaadaas soo gaarsiiyay Warbaahinta idilnews Jaaliyada Soomaaliyed ee Malaysiy. Baaqa ayaa uqornaa sidatan:- Anigoo ah Cabdixakiin Kowsarad(Cali Dhoof) Nabadoonka jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Malaysiya kuna hadlaya Afkooda waxaan baaq Nabadeeed udirayaa Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Puntland. Waxaan leenahay xabada waa in la joojiyaa shuruud la’aan,dhiiga…
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo looga hadlay xaaladda ka tagan wadamada gacanka Carabta ayaa lagu sheegay in Puntland ay taageersantahay xulufada Sucuudigu hoggaaminayo ee kasoo horjeeda dowladda Qadar. Ujeedka war-mirtiyeedka ayaa ah in Puntland xiriir dhaw la leedahay wadamada Sacuudiga iyo Imaaratka Carabta ayna ilaalsanayao danaha ka dhexeeya dalalkaas . Imaaraatku wuxuu Puntland ka caawiyaa dhanka la dagalanka argagaxisada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha taas oo ka dhigan in Puntland xiriir diblomaasiyadeed oo wanagsan la leedahay Imaaratka. Dhanka kale Dowladda Puntland waxay tixgalinaysaa xiriirka taarikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaliya iyo Sacuudiga, Boqortooyada…
Qaybtii Labaad : Maxaa sababay in Soomaliya dhex-dhexaad ka noqoto khilaafka Diblomaasiyadeed ee Dalalka Carabta? _____________________________________________ Sucuudiga oo hoggaaminaya dalalka xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray Qadar waa dal Soomaliya la leh xiriir ganacsi oo aad u weyn, waa dalkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Farmaajo ku tago booqasho dalka dibadiisa ah maalmo yar kadib doorashadiisii. Horay Waxaa u jirtay in Sucuudiga iyo Soomaliya isku aragti ka ahaan jireen xaaladaha Carabta, January 2016 sucuudigu wuxuu xiriirka u jaray Iran , isla saacado yar kadib Soomaliya waxay shaacisay inay la aragti tahay Sacuudiga xiriirkana u jartay Iran, sidoo kale Soomaliya waxay si buuxda u…
Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii afartii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Jowhar. Sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo hoose,Madaxweyne Cosoble ayaa Muqdisho u yimid la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Fadaraalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro. ”Madaxweyne Cosoble ayaa Caawa Maqribkii yimid Muqdisho waxaana ka mid ah arimaha xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle”,ayuu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada Hir-shabelle. Xaaladda Siyaasadeed ee ka taagan Jowhar, ayaa waxaa…
Dallada Dhalinyarada Puntland PYAN oo kaashanaysah Hay,ada Care ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu samaysay garoowe wasiiradda cusub ee ku jira xukuumada Puntland,gaar ahaan kuwa dhalinyarada ah. Kulanka oo u jeedadiisu tahay dardaaran iyo dhiiragalin ayaa waxaa kasoo qayb-galay Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye,inta badan wasiiradda dhalinyarada ah ee ku jira xukuumada iyo qaybaha kala duwan ee dhalinyarada. Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland Uweys Axmed Sardheeye oo ka hadlay munaasabada ayaa wasiiradda ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo magacaabay isagoo u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland oo door fiican dhalinyarada ka siiyey xukuumadiisa. Aweys ayaa sheegay…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Maanta ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa ku dhintay in kabadan Shan qof ,halka ku dhawaad 10 qofna ay ku dhaawacmeen. Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay labo garab oo kala taageersan Maamulada Khaatumo iyo Somaliland Wararka ayaa sheegaya in Dagaalku Goor dhawayd Joogsaday inkastoo wali xabado goos goos ah laga maqlayo Xaafadaha Magaalada Buuhoodle. Kooxihii dagaallamay ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda kula sugan yihiin labada dhinac ee Magaalada. Waxgaradka Deegaanka ayaa wadda dadaallo kala…
Alle ha u naxariistee waxaa maanta Magaaladda Galkacayo lagu aasay marxuum dr Maxamed Jaamac Salaad, oo ahaa dhakhtar ku takhakhusya cudurada neerfaha, muddo dheerna ka shaqaynayay dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Aaska dhakhtarka waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, dowladda Puntland, siyaasiyiin, maamulka gobolka mudug, dhakhaatiir Soomaaliyeed iyo kuwa u dhashay dalka Talyaaniga, Isimo iyo shacab ka kala yimid deegaanada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/wFSUzmla6pg
Wasiirka cusub ee Maaliyada Puntland ayaa maalin ka hor waxuu booqasho ku gaaray Ciidamada Difaaca fadhigooda Gobolka Sool,hoos ka daawo muuqaalka booqashadaas oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PIymvIZ9qsI
Ciidamo isugu jira Cadaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen. Deegaanka Bariire, ayaa waxaa uu dhacaa duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo wehlinaya ciidamo kale oo Cadaan ah. Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay dagaal kooban, kadib ciidamada inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Bariire, kadib markii halkaasi ay isaga baxeen ciidankii Shabaab ee ku sugnaa. Deegaanka Bariire ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay gacanta ku hayay xarakadda Al…