1-Saalax Xabiib Jaamac– Wasiirka Cadaalada arrimaha diinta iyo dhaqangelinta. 2-Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha 3-Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad- Wasiirka Amniga iyo DDR-ta 4-Cabdulaahi Saciid Caarshe – Wasiirka Maaliyadda 5-Shire Xaaji Faarax – Wasiirka Qorsheynta iyo Xirirka Caalamiga ah 6-Cabdifataax siciid ceynab- Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka 7-Abshir Awyuusuf Ciise- Wasiirka Waxbarashada 8-Dr Cabdinaasir Cismaan Cuuke- Wasiirka Caafimaadka 9-Cabdiraxmaan Barkhad Warsame- Wasiirka Howlaha guud iyo Guryenta 10-Saciid Maxamed Raage- Wasiirka Dekaddaha gaadiidka iyo amniga badaha Puntland 11-Axmed Cilmi Karaash – Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada 12-Maryan Axmed Cali – Wasiirka Haweenka iyo horumarinta Qoyska 13-Cabdi Xirsi Cali Qarjab-…
Author: Jibril Qoobey.
Liiska Wasiirada Cusub ee Puntland: 1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta 2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose 3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR 4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada 5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah 6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka 7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta 8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka 9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta 10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland 11. Axmed Cilmi Cismaan…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/TtvsW8k8e7M
Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/6QW3CdCWTN4 Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/20o6wifiqoY
Xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ayaa maanta u sheegay in uu geeriyooday maxbuus ka tirsanaa mucaaradka jabhadda FRUD oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray. Maxamad Axmed Jabha ayaa wararku sheegayaan in uu dhintay maalintii Talaadada balse maanta uun la shaaciyay. Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayey ayaa sheegayey in uu ku dhintay Xabsiga inkastoo maanta Guddoomiyaha Guddiga dawladda Jabuuti ee xuquuqda aadanaha Saleebaan Cumar Cudin ayaa sheegay in uu Isbitaalka ku geeriyooday. Saleebaan Cumar Cudin ayaa waraysi uu siiyey laanta Afka Somaliga ee VOA ayaa ka hadlay geerida Xubinta Mucaaradka jabuti,hoos ka…
Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ay uga digayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka intaba in warar daacayad ah laga faafiyo sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada Qaranka. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali doonin in meel looga dhaco sharafta iyo xasaannada xildhibaannada Qaranka iyo guddoonka gollaha shacabka intaba. ‘’Wixii hadda ka danbeeya waa lala xisaabtami doonaa cid kasta oo warar been abuur ah ama daacyad ka faafisa xildhibaannada Qaranka’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka. Prof Jawaari ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka gudanayaan waajibaadkooda Qaran ee Dastuuriga ah, balse aysan jirin wasiir iyo xukuumad ay duulaan ku yihiin.…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda Qaranka ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala…
Golaha Wasiirada Puntland oo laga sugayo in Madaxweyne Gaas magacaabo maalmaha soo socda ayaa Ilo muhiim ah waxay shegayaan in inta badan golihii hore ee Wasiirada ay dib u soo laaban doonaan,halka kuwa kooban xilka waayi doonaan ama Wasaaradahooda laysku badali doono. Waxaa adag in la ogaado magacyada saxda ah ee wasiirada cusub madaama liiska golaha cusub madaxweynahu gacanta ku hayo si joogta ah isu badalayo taasna waxaa keenaya culeysyada kaga imaanaya madaxda qabaa’ilada iyo xildhibaanada. Hadaba Liis hor dhac ah oo aan rasmi ahayn oo ay heshay idilnews ayaa uqoran sidatan:- 1.Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Maxamed Faarax…
Hay’adda danbi-baarista Mareykanka ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan ku saabsan qarrax aroornimadi hore ee shalay (Sabti) lala beegsaday masaajidka Darul-Faruq ee magaalada Bloominton ee gobolka Minnesota. Muslimiinta iyo dadka heysta diimaha kale ee dagan magaalada Bloomington ayaa shalay isugu yimid banaanka masaajidka, halkaas oo ay si wada jir ah ugu cambaareeyeen qaraxi loo geystay masjidka. Weerarada salka ku haya islaam naceybka ayaa ku sii kordhayey dalka maraykanka tan iyo markii xilka Madaxweynaha dalkaas loo doortay Donald Trump oo intii uu ku jiray oloihiisa doorashada sameeyey balan-qaadyo ka dhan ah muslimiinta.
Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliyaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2017. Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Fadaraalka ayaa dib u eegis ku sameynayay Miisaaniyadda sanadkan, iyadoo lixdii bilood u horeysay Miisaaniyadda ay dhamaatay. Miisaaniyadda loo soo gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku qotontay dhameystirka lixda bilood ee sanadkan ka hartay. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka keenay qodobo ka mid ah miisaaniyadda iyo qaabka lagu saleeyay, Miisaaniyadda sanadkan ayaa gaareysa lacag dhan 260 milyan oo dollar.
Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa maanta doortay gudoomiyaha cusub ee golahaasi.Kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada oo hore iskaga casilay Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu tartan xoogani ku dhex maray Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, iyaga oo mudanayaasha golahana ka hor jeediyey khudbado la xidhiidha qaabka ay u hogaamin doonaan golaha. Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyey in Baashe Maxamed Faarax uu noqdo gudoomiyaha golaha wakiilada iyada oo ay u codeeyeen 39 xildhibaan, halka xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ay u codeeyeen 38 xildhibaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/DHX6ee0ReLs
Ciidamo Boolis ah oo isku dhaf ayaa dhismahoodu ka socdaa magaalada Galkacyo,Ciidamadan oo laga kala keenay labada dhinac ee waqooyiga iyo Koonfurta Mudug ayaa waxaa tababar uwada saraakiil ka socota Qaramada Midoobey. Talaabadan ayaa ah mid ay aad usoo dhaweeyeen shacabka Gobolka iyo Maamulkaba,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Shirkadaha Waaweyn ee Soomaaliya Dhaqaalaha Soomaaliya waxa saldhig u ah dhoofinta xoolaha, beeraha, iyo xawaaladaha. Xeerarka Soomaalida ee soo-jireenka ah ayaa fududeeyay in ganacsatadu amni helaan, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland. Nabaddoonnada iyo baarlamaannada gobolladaasi ama deegaannadaasi ayaa gacan ka geeystey, halkii ay ka ahayd in dawladda dhexe sugto amniga ganacsatada iyo muwaadinnada dalka. Soomaaliya waxa soo gaaray burbur baaxad ballaaran oo dhan kasta ah (dhaqaale, siyaasad, bulsho, ammaan, iwm). Dagaalladii sokeeye kaddib dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu galay marxalad soo kabasho. Hayeeshee halkii ay ahayd in dawladdu bixiso adeegyadii siday ahaan jirtey waagii hore ama burburka ka hor,…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 August 2017 xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee dhinaca amniga UNSOM Soomaliya. Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in dawladda Puntland hermuud u ahayd dhaqqjinta fekerka isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii…
Halkan ka daawomuuqaalka https://youtu.be/uevMsISa-dI
Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa xaflad ka dhacday magaalada Tehran waxaa loogu dhaariyay xilka madaxtinimada markiisii labaad. Tobannaan marti sharaf ah oo ka kala timid caalamka ay xafladdaasi joogtay waxaa ka mid ah madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, taas oo muujinaysa in la dabciyay go’doomintii lagu hayay Iiraan kaddib markii ay 2015 heshiis la gashay quwadaha caalamka. Mr Ruuxaani ayaa bishii May ku guulaystay doorasho ay kula tartamayeen koox mayal adag oo mucaarad ah. Madaxweyne Rouhani wuxuu rajeynayaa in uu riixo qorshihiisa isbadalka iyo casriyeynta isagoo isku dayaya in uu fuliyo rajooyinka ay qabaan ku dhawaad 24…
Taageerayaasha Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa bilaabay inay dabaaldegaan kaddib markii lagu dhawaaqay inuu mar saddexaad si weyn ugu guulaystay inuu xilka sii hayo. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii uu Mr Kagame ku guulaystay boqolkiiba 98 cododkii la dhiibtay, taas oo ay kula tartamayeen laba qof oo aanan sidaa loo aqoon. Kagame ayaa xilka hayay 17-kii sano ee la soo dhaafay. Taageerayaashuna waxa ay ku amaaneen in dalka uu ku soo dabaalay xasilooni, dhaqaalahana uu horumariyay kaddib xasuuqii 1994-kii. Hasayeeshee dadka ka soo horjeeda oo intooda badan ku nool dalka dibaddiisa ayaa…
05/Agosto/2017- Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee puntland ayaa qabatay munaasabad balaaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan masuuliyiinta wasaarada waxbarahsada iyo Tacliinta sare oo uu ugu horeeyo wasiirka wasarada Prof, Abshir Yuusuf Aw-ciise, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dr, Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Waaxda imtixaamaadka ee Wasaarada Axmed Maxamud Warasame iyo dhamaan Bahada Waxbarashada Puntland.. Ujeedada Munasabadan ayaa ahayd in la shaaciyo imtixaankii Fasalka 8aad Dugsiyadda Dhaxe ee Puntland. Axmed Maxamuud Warsame agaasimaha waaxda imtixaaamaadka oo ka hadlay marxaladihii uu soo maray imtixaanka maanta la shaaciyey wuxuu sheegay in sixitaanka imtixaankaan uu qaatay mudo bil ah loona xilsaaray…
Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna Wasiirka raali galin ka siiyay Xildhibaanada hadaladii uu ku qoray Barta uu Twitterka ku leeyahay. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hortagay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadal uu u jeediyay kaga dalbaday in ay raali ka noqdaan ayna cafiyaan, waxa uuna Baarlamaanka u sheegay in uu ka xun yahay qoraalkii uu soo bandhigay bartiisa Twitterka. Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali galinta Wasiirka kadib waxa ay sheegeen in ay ka aqbaleyn, waxaana Wasiirka loo sheegay in uu u fasaxan yahay in shaqadiisa uu qabsado lana soo…
Maamulka Gobolka Nugaal kan Degmada Garowe iyo Ganacsatada oo kulan ku yeeshay xarunta Gobolka ayaa isla gaaray go’aamo looga gudbayo cabasho maalmahan ka taagnayd qaadashada lacagta shilin Somaliga ah. Go’aamada soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa qodob oranaya in ay waajib tahay qaadashada Shilin Somaliga nooc walba uu yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/_5fSJsFdGps
Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada. Warar horu dhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador. Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loo maleynayo in banaanka maqaayada la hor dhigay. Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo waxyeelo kala duwan ay soo gaartay Gawaari wadada mareysay,hoos ka daawo muuqalka. Halkan ka daawo…
Dab wayn ayaa qabsaday dhismo aad u dheer oo ku yaalla magaalada Dubay ee Isutagga Imaaraadka Carabta, waana markii labaad mudo labo sano gudahood ah. Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dabka oo ku faafaya dhismaha Torch Tower iyo burbur holcaya oo ka soo daadanaya. Xukuumadda ayaa markii dambe sheegtay in shaqaalaha gurmadku “ay ku guulaysteen in ay dadka ka daad gureeyaan dhismaha” dabkii ayaana la xakameeyay. Ma cadda wixii sababay dabka ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha ugu dheer dunida. Lama soo sheegin wax dhaawac ah oo dad ka soo gaaray dabkan…
Dadweynaha reer Rwanda ayaa saaka oo Jimce ah u dareeraya codbixinta doorashada madaxtooyada, iyada oo si weyn loo hadal hayo in uu ku guulaysan doono madaxweyne Paul Kagame. Philippe Mpayimana oo ah musharax madax banaan iyo Habineza oo ka tirsan xisbiga Democratic Green Party, ayaa iyaguna ka qayb galaya tartanka. Laakiin midkood na lama filayo in uu tartan adag la geli doono Kagame oo talada dalka hayey ilaa sannadkii 2000. Madaxweyne Kagame ayaa dalalka dibaddu aragtiyo kala duwan ka qabaan, laakiin taageerada ballaadhan ee uu ka hayso gudaha ayaa suurto gelin karta inuu doorashooyinka guul wayn ka gaadho. Mar baabu…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ciA2LFtE7aw
Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi. Wasiirka difaaca dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ku hadlayay magaca dowladda Jabuuti ayaa ka tacsiaydeeyey geerida askartaasi. “Anigoo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaca Xukuumadda’ waxaan halkani tacsiyo ugu dirayaa shacabka Jabuuti oo ay ugu tacsiyadeynayno geeridii naxdinta lahayd eek u timid Ibraahim C/llaahi Geele, Hodan Max’ed Yuusuf iyo Ilhaan Max’ed, runtii waa tacsi Qaran, waxay ahaayeen dad naftooda u huray in ay qarankoodi…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cmnz8f32Ns4
Magaalada Boosaaso kulan ay maanta ku yeesheen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa waxa ay go’aan kaga gaareen Isticmaalka lacagta Shilling Soomaaliga. Kulanka oo socday saacado ayaa lagu go’aamiyey arrimo badan oo ay ka mid yihiin lacagta la qaadan karo,sarifka lacagaha qalaad iyo arrimo kale oo isla lacagta ku saabsan. Dawlada iyo Ganacsatada kulanka yeeshay ayaa isku afgartay qodobo ay ka mid yihiin:- A.In dowlada ay qaadan doonto lacagaha Shilling Soomaaliga gaar ahaana kuwa cusub, lagana tagayo kuwa go go’an iyo sidoo kale kuwa duugga ah. B.In halkii dollar aan laga badin karin…
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa guriga martida ee magaalada Kismaayo maanta kulan gaar ah kula qaatay madaxa howlgalka ciidamada Mareeykanka ee Afrika (AFRICOM) Gen. David J.Fumess. Kulanka oo diiradda lagu saarayay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo la filayo in dhawaan ay ka biloowdaan gobollada Jubooyinka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxa ciidamada badda Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socday howlgalka AMISOM. Gobollada Jubooyinka iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka waxaa ku sugan Ciidamo Mareeykan ah oo ay wehliyaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ay iyagu tababarteen, kuwaa oo howlgallo…
Dowlada Soomaaliya ayaa ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shirkaddo gaar loo leeyahay oo wada shaqeyn la leh heyadaha iyo ciidamada dowlada. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle 29-kii bishii hore oo loo diray dhamaan heyadaha dowladda Somalia, laguna wargeliyey Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka ah loo leeyahay laga bilaabo 31 July oo ah bishii dhamaatay. Halkan hoose ka akhriso:-
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ZApQDDXFf3U
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada. Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda. Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada. Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada. Xubnaha kale ee…
Kulanka guddiga joogtada ah ee labada aqal Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa furay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo jeediyey khudbad uu uga hadlayo hannaanka ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqeyn karaan guddiyada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, kulanka ayaana ka qabsoomay xarunta golaha aqalka sare. Furitaanka kulanka ayeey Wadajir u guddoomiyeen guddoomiyeyaasha labada aqal, waxaana doodaha guddiyada diiradda lagu saaray sidii loo jiheyn lahaa qaabka ay u wada shaqeyn karaan labada aqal iyo guddiyadooda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in uu soo jeedinayo sameynta xeer u gaar ah labada aqal kaas…
Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) ayaa loo magacaabey Hanti Dhowraha Guud ee Dowladda Fadaraalka Soomaaliya 3-di Agoosto, 2017. Maxamed ayaa ah aqoon yahan leh in ka badan shan iyo toban sano oo khibrad maamul dowladeed iyo ganacsiba, kana soo shaqeeyey maamulka dhanka xisaabaadka, hantidhowrka, qorsheynta qaranka, maamulidda qandaraasyada. Maxamed wuxuu jagooyin sare ka soo qabtey dowladda hoose ee Washington, D.C. ee dalka Mareykanka. Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan isgaarsiinta isagoo door ka ciyaarey isku biiridda labo shirkadood oo waaweyn oo lahaa hanti lagu qiimeeyey $70 Billion. Dr. Maxamed wuxuu kaloo aasaase iyo madax u ahaa…
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka. Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee,…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/pDNk6lFDf3Y
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ugu horayn hambalyo u diray dhammaan shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland darteed ayaa sidoo kale xasuusiyey shacabka Puntland in asaaskii Puntland ay jiraan muwaadiniin usoo halgamay, ujeed kooduna ahaa sidii Puntland u dhismi lahayd uguna talaabsan lahayd horumar, isla markaana u keeni lahayd qaranimo Soomaaliyeed oo Mid ah. “Waa Sanadguuradii 19-aad ee asaaskii Puntland, waxaan rabaa in aan xasuusnaano inaan leenahay dad asaasayaal ah, waxaan ilaahay ka baryayaa intii dhimatay inuu u naxariisto oo janadii ka waraabiyo inta noolna aan u duceyno inay wanaag ay ku noolaadaan, sidoo kale Puntland jiritaankeeda…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maaanta 02 August 2017 xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno. Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoona Madaxweynuhu digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn . ‘’ In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/q9CYKXhCrjk
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qLgu-RcOmo0
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Rfiszg80ANM
Xoogaa dad ah oo ubadan barakacayaasha Koonfurta Somaliya ka yimid,gaar ahaan kuwa miisaska loo yaqaan waratada wax ku iibsada iyo Baalashlayaal qiyaastiina gaaraya ilaa Kontomeeyo qof oo lasoo abaabulay ayaa si nabad ah ku maray mid ka mid ah wadooyinka dhexmara suuqa Bosaso,iyagoo ku qaylinaya erayo lid ku ah sicir bararka iyo diidmada shilin Somaliga. ”Dolar maaha lacagteenu, dooni meyno dhiig miirad iyo erayo kale”ayaa ka mid ahaa erayada ay ku dhawaaqayeen dadka tirada yar ee banaanka usoo baxay. Waxaa goor dhaw la filayaa in uu Bosaso gaaro Madaxweyne Gaas,isagoo kula kulmi doona halkaas wafti ka socda DP…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu ku began tahay 01 August 2017 ugu Hambalyeeyey Shacabka Puntland Xuska Sanad Guurada 19-aad ee Asaaskii Dawladda Puntland 1-dii August 1998. Xafladda lagu xusayey maalintani taariikhiga ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland, saraakiilka tirsan Madaxtooyada Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka, masuuliyiin ka socdey urruradda…
DAMIIRKII TAHRIIBAY Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib Waxaa xanuun joogta ah ku haya garaad dheerta somaaliyeed iyo inta dareemaysa xanuunka tahriibta dhalinta soomaaliyeed ee sanadkasta iyo bil kasta ku halaagsamaya kuna qaraqmaya badaha si ay u tagaan yurub oo loogu warbixiyey in ay halkaas barwaaqo ka buuxdo, laakiin waxaa iyana xanuun dheeraad ah leh oo mudan in inbadan xooga la saaro inta kale ee damiirkii, dadnimadii, soomaalinimadii iyo wadaninimadiiba ay ka duushay oo ku sifoobay damiir laawe Maxaan ula jeedaa damiirkii tarhiibay? Hadba falcelinta bulsho ee shay ama ficil…
Dawladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in hawlgal lagu dilay madaxii ururka Al-Shabab uqaabilsanaa magaalada Muqdisho Cali Maxamed Xuseen. Afhayeen u hadlay gaashaandhigga Maraykanka ayaa idaacadda VOA u xaqiijiyey in weerarkaasi oo dhacay Axaddii lagu dilay Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan Cali Jabal. Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgalkaas,hoos ka dhagayso codka wasiirka. Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta. “Waxaan halkaan uga…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ouajy9iCk9Q
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/LmN7zJ8QVYk
Madaxwaynaha dawlada Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garowe ka dhagax dhigay Xarunta Akadimiyada Afka Soomaaliga taas oo horay madaxwayne Gaas ugu balan qaaday in Puntland laga hirgalin doono. Dhagax Dhiga Xarunta ayaa waxaa kala qayb galay Madaxwaynaha xubno kamid ah golaha wasiirada,xildhibaano iyo maamulka gobolka kan degmada Garowe iyo marti sharaf kale iyagoo dhamaan halkaasi ka sheegay sida ay waxtar ugu leedahay Bulshada Puntland. Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay xarunta noqonayso meel lagu ilaaliyo Afka Soomaaliga iyo Buugaagta Qoralka ee lagu qorayo Afka Hooyo. Gaas…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda dawlada Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay dawlada Puntland sanadkii 1998-dii. Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen. “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka…
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeele mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya. Wareegtadaan ayaa lagu shaaciyay Munaasabad kooban oo uu ka qeyb galay Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynaha Hir-shabeele taasoo ka dhacday magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan. Munaasabadda lagu magacaabay degmooyinkaan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan maamulka Hir-shabeele,kan Gobolka hiiraan,qeybhaha bulshada, Saraalkiil ka socotay UN-ka. Degmooyinka la magacaabay ayaa kala ah Halgan, Ceel-cali iyo Far-libaax seddexdaan degmo ee maanta uu magacaabay Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka dhigaya degmooyinka Gobolka Hiiraan Siddeed degmo.…
Warar goor dhow naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dawlada jubaland,ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay meel maqaayada ah oo dadku ay ku qaxweeyaan. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo qasaare xoog leh ayaa ka dhashay qaraxa,balse ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo. Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo. Ciidama ammaanka iyo mas’uuliyiin katirsan Jubbaland ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray. Laosoco wararkayaga danbe iyo waxii war ah…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirada Dowladaha Ireland iyo Czech Republic ay u soo magacaabeen Soomaaliya. Safiiradan cusub oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Czech Republic u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj. Jamhuuriyadda Czech ayaa muddo dheer wax safiir ah u joogin Soomaaliya, waxaana Safiirkan uu noqonayaa kii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawdo muddo 30 sano. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay…
Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar. Kulammo ay wafdiga la yeesheen madaxda India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran. Kulamada labada dhinac socday ayaa ugu danbayntii waxay labada Wasiir ku kala Saxiixeen heshiis,kaasoo gogol xaar u noqonaya in maxaabiista Somalida ee ku xiran xabsiyada dalka india marka…
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa shaaciyay in maalinka beri foog ah uu iska casili doona Afhayeenka Golaha. Warkan ayaa waxaa saxaafada ka hor sheegay Xoghayaha xaafiiska Gudoonka Baarlamaanka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/D0QslK2c_Yk
Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo. Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale. Madaxweyanaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka, isagoona Madaxweynuhu dul istaagay qiimeeyeyna meel kasta oo shaqo ka socotey garoonka dhexdiisa, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay shaqaalaha ka shaqaynaayey dhismaha garoonka sida ay shaqadu u socoto. Sidoo kale Madaxweynaha…
Muxuu daaran yahay Cabaadka Feysal Cali Waraabe ?? Feysal oo aynu ku naqaano shaqsi maangaab ah oo aan laheyn garasho fog ayna madax martay caadhifad qabiil ayaa waayadan dambe ku mashquulay wax ka sheega Maamulkeena suuban,isagoo iloowsan waxa uu hadal hayo inuu yahay dal kale oo horrumar ku tallaabsaday,halka ay S.N.M.ku fashilantay iney maareeyso shacabkeeda. Kolka aan u soo noqono cabaadkiisa iyo waxa uu ku andacoonayo waa waxba kama jiraan (False accusation), oo waa laga dhex-hadlayaa,waxaana ka dhex hadlaya dhagarqabayaashii S.N.M. ee uu madaxda uu yahay odaygan asaasaqay ee Siilaanyo, oo xusuustii iyo garashadiiba ka tagtay ee aan labo…
Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay dagaalkii shalay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka AMISOM, gaar ahaan qeybta Uganda ku dhexmaray Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo khasaare kala duwan geystay. Dagaalkan ayaa ka dhacay meel ku dhow Degaanka Golweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Shalambood iyo Buulo Mareer, kadib markii ay Shabaabku wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka yimid Degaanka Danow, kuna wajahnaa Buulo Mareer. Wasaaradda Difaaca dalka Uganda ayaa sheegtay in weerarkaasi looga dilay 12 Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda…
Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka. Kulanka oo ka soconaya Xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Baashi C/llahi Cabdi wariyaha Warbaahinta Qaranaka u qaabilsan Madaxtooyada Soomaaliya uu soo sheegayo in uu kulanku yahay mid looga Arinsanaayo Amaanka Dalka. Ujeedad kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda Ammaanka guud ee Dalka gaar ahaan Caasimadda iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa ku amray Mareykanka inay 755 ka dhimaan shaqaalahooda diblomaasiyeed, isaga oo uga jawaabaya cunaqabateenta Mareykanka uu saaray Ruushka, sababo la xiriira faro-gelintii ay ku sameeyeen doorashadii madaxweyne ee Mareykanka. Putin ayaa taleefishin laga leeyahay Ruushka u sheegay in dowladdiisa ay qaadi karto tallaabooyin dheeri ah oo ay uga aargudaneyso Mareykanka, balse “taasi uu kasoo horjeedo illaa iyo hadda”. Waaxda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa amarka Putin ku qeexday “mid laga shallaayo, oo aan loo qiil dayin”, waxaana ay sheegtay inay qiimeyneyso sidi ay uga jawaabi lahayd. Congress-ka Mareykanka ayaa khamiistii ansixiyey cunaqabateenta cusub ee Ruushka la…
Qadar ayaa ku gacan seyrtay dalabka waddamada carbeed ee horey xiriirka ugu jaray dalkaasi. Waddamadan ayaa doonaya in Qadar ay marka hore shuruudo ka soo baxda ka hor inta aysan wax wada xaajood ah la yeelan waddamadani. Wasiirka arrimaha dibadda Qadar, Maxamede bin Cabdulraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in xayiraadaha saaran dalkiisa ay lid ku yihiin shuruucda caalamiga ah, waddamada xayiraadahaasi soo rogayna ay diidan yihiin in ay arrintaasi qiraan. Sucuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ayaa waxa ay doonaya in Qadar ay u hoggaansanto dhammaan dalabaadkii loo soo jeediyay ka hor inta aysan wax wada hadal ah la furin waddamadani.