Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-RW Khayre oo daahfuray Kuliyada Saxaafada ee Jaamacada Umada
    Somalia

    Video:-RW Khayre oo daahfuray Kuliyada Saxaafada ee Jaamacada Umada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan.

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta.

    “Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa cid walba oo ka shaqeysay dib-u-soo nooleynta Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda, Ardayda nasiibka u heshay kuliyaddan waxay astaan u yihiin soo celinta sharafkii iyo karaamadii qaranka”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran shaqeynaya , taasoo kobcisa garaadka iyo fikirka bulshada fayow.

    “ Saxaafaddu waxay dhiirrigelisaa horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, tayeynta maamulka wanaagsan iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna soo saartaa bulsho isku xiran oo leh hal hadaf oo mideysan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

    Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shaxaraad ka bixiyey ahmiyadda uu warbaahinta iyo suxufiga Soomaaliyeed u leedahay Kuliyaddan oo ah mid ay baahi weyn u qabaan Saxafiyiinta.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
    Muqdisho, Somalia

     

     

    Hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/-on8FNHmCOs

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    September 21, 2026

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    September 20, 2026

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    September 20, 2026
    Latest Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    UPDATE: Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo lagu daabulay Calmadow

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.