Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas. Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas. “Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka…
Author: Jibril Qoobey.
Habka loo qoray,ayaa umuuqda mid balaaqadiisu gaaban tahay ee si caadiya markii loo eego wax Diinta iyo dhaqanka ka hor imaanayaa kuma jiraan Hindise Sharciyeedkan. “Qof walba oo kufsada Qof kale,ciqaabtiisu waa 10-sano ilaa 25-sano oo Xabsi ah” Muhiimada Sharcigu qeexayo waa intaas ceebna ma’ahan,waabase loo baahnaa in xeer adag kufsiga laga soo dajiyo. Kufsigu,waxuu ku dhici karaa Gabar ama Wiil sidaan aragnay in badan. In Wiil la kufsado ma’ahan wax lala yaabo oo fajaciso ka ah Somaliya ee waa wax soo dhacay,hada dhacay oo dhici doona oo ay tahay in Xeer laga samaysto. Mida kale ee muhiimka ah oo…
Madaxweynaha Dowlada Puntland,waxuu beri kasoo degayaa Caasimada Garowe. Kadib,ayuu ugudbayaa Bosaso oo kusoo dhawayn doonaa Madaxweynaha Fadaraalka. Bosaso,waxaa gaaray wefti hordhaca oo ka socda Dowlada Federaalka Somaliya oo uu hogaaminaya Wasiirka Arimahada dibada. Sidoo kale,waxaa Garowe ka baxaya wefti ka socda Madaxtooyada iyo qayb ka mida Golaha Wasiirada. Labadan wefti waxay hordhac uyihiin safarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Dowlada federaalka. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa isbadal ku sameeyay maamulka Gobolka Jubada Hoose,Tsliska Daraawiishta iyo Gudiga Qaxootiyada. Waxuu Gudoomiyaha Gobolka Jubada hoose iyo ku xigeenkiisa umagacaabay… 1.Xasan Cabdi Guure-Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose 2.Muuse Maxamed Shiikh- Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka J. Hoose Halkan ka akhriso:- Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam,ayaa Magacaabay Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Guddiga Qoxootiga iyo Barakacayaasha Jubaland. Halkan ka akhriso:- Waxuu kaloo Madaxweyne Axmed Maxmed Islaam, umagacaabay S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane Taliyaha guud ee Ciidamada Darawiishta Jubaland. Halkan ka akhriso:- Madaxweynaha,ayaa sidoo kale Magacaabay Gudoomiye ku xigeenada Degmada Kismaayo ee Maamulka iyo Maaliyada, arimaha Dowlada…
Talyaha Booliska Dowlada Jubaland,waxaa laga dhigay Nin kasoo jeeda Beesha Reer Bicidyahan Majeerteenka Harti JL,waana awood qaybsigii la sugayay. Sidoo kale,waxaa dhawaan la magacaabi doonaa Wasiiru-dowle cusub oo markii ugu horaysay la siinayo Beesha Warsangeli ee Harti-ga JL. Waxaa la buuxin doonaa Booskii Darwiish oo la siinayo markan Wasiir “A”Beesha Maxamuud Saleebaan Majeerteenka Hartiga JL. Waxaa kale oo la magacaabayaa Wasiir “B” ah oo a siinayo Beesha reer Maxamuud ee Majeerteenka Hartiga JL. Waxaa iyadana la sugayaa 9-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka JL ee kor loo hayo in la siiyo 5-ka mid ah Beesha Harti oo saluugsan qoondada ay ku leeyihiin…
Booliska Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay Ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen meleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey. Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari. Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa xusay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga. Madaxweynaha,ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas,…
Garoowe: 28 Nofeember 2022: Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Dalladda Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSAA Mudane Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan. Ku-simaha Madaxweynaha oo garowsan muhiimadda ay Dalladu u leedahay bulshada Rayidka ah ayaa bogaadiyey maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Faysal Qaran, waxa uuna hogaanka cusub kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan shaqada loo hayey bulshada, isaga oo xusay in dowladdu si dhow ula shaqayn doonto masuuliyiinta la doortay si loo xoojiyo horumarka bulshada loona gaadho guulo badan. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Guddiga doorashada, Ergada ka qayb…
Bosaaso, November 28, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayey dardargelinta arrimaha Dimuqraadiyeynta, Nabadgelyada iyo horumarka Gobolka Bari. Musabaddaan oo ka dhacday magaalada Bosaaso ayaa ujeedkeedu in Dowladdu shacabka la wadaagto Amniga horumarka balaaran ee Gobolka ka socda iyo arrimaha dardargelinta Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo u aadan u diyaar garowga Doorashooyinka iyo ka go’naanshaha Dowladda. Sidoo kale, masuuliyiinta Dowladda ayaa shacabka uga jawaabay…
Shirweynaha Haweenka Puntland ee ka qayb galka doorashooyinka dowladaha hoose oo Garowe ka furmay. Muddo Sadex Cisho ah oo uu socon-doono waxaa looga arrinsan-doonaa sida Haweenku ay kaalin muuqata ugu yeelan lahaayeen Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Rasaas Goos goos ah,ayaa wali laga maqlayaa Hotelka Villa Rose. Kooxdii weerarka soo qaaday,ayaa wali gudaha Hotelka ku jirta. Mas’uuliyiini iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka boodey daaqadaha iyo darbiyada Hotelka. Wasiirkii Amniga Somaliya,ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta darbiyada ka booday,ka jabay Lugta Bidix,iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer. Ilaa iyo hada,waxaa la xaqiijiyay geerida dhawr Qof oo ay ku jiraan Dad qurbaha ka yimid. Hotelka caawa la weeraray,ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Villa Somaliya iyo Godka Jilacow. Ciidamada amaanka,ayaa weli ku guda jira hawlgalkooda soo afjarida weerarka oo saacado badan ku qaatay. Weerarkan oo ku bilowday Qarax,waxaa…
Booliiska Somaliya,ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen hotel ganacsi oo ku yaal bartamaha Muqdisho. War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox Khawaarij ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu. Booliiska,ayaa intaas ku daray in Ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka. Booliiska,ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka. Weerarka,ayaa ku bilowday Qarax, kadibna Maleeshiyaad,ayaa weeraray Hotelka. Qaraxa hore,ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm waqtiga Muqdishu. Al-Shababa,ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdishu. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha…
Gudoomiye kuxigeenka -aad Ee Golaha Shacabka Somaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,ayaa kulan ka dhacay Muqdisho waxay si cad usheegtay inaysan ogolaan doonin kufsi loo geysto Gabdhaha. “Waxaan la kulmay hanjabaado joogto ah oo iiga imaanaya Dad ku sugan Qurbaha,waxaana la kori doonaa maxkamad Dadkaas”Ayuu yiri Sacdiyo Salaad Sacdiya oo u ololoneysa sharcigan,ayaa sheegtay in Haweenku aysan Diinta ku xadgudbeyn balse ay xaquuq raadis yihiin. Kooxaha Wahaabiyada,ayaa Sharcigan si khaldan ugu turjumay Bulshada kana dhigay mid xuquuqsiinaya Dadka isku Jinsiga ah ee isku Galmooda. Halkan ka daawo muuqaalka
Mudaaharaadyada looga soo horjeedo xannibaadaha Cudurka safmarka Covid19 ee dalka Shiinaha, ayaa u muuqda inay sii kordheen, kadib markii Dab kacay, ay ku dhinteen 10-Qof Guri Dabakh ah oo ku yaalla Urumqi. Kumanaan Qof,ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Shanghai, si ay u xusaandhibanayaasha, oo ay uga soo horjeedaan xannibaadaha. Dad badan,ayaa la maqlayey,iyagoo dalbanaya Madaxweyne Xi Jinping in uu iscasilo. Ugu yaraan Saddex Qof ayay Booliiska Shiinuhu xireen in kasta oo mas’uuliyiinta ay beeniyeen. Waxay ballan-qaadeen in ay soo celinayaan nidaamka,iyagoo meesha ka saaraya xannibaadaha. Shiinaha,ayaa markale,waxaa sare ukacay Virus-ka Corona.
Ganacsatada iyo Shacabka Somalida ee u kala safra dalalka Somaliya iyo Kenya,ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya. Arrintan,ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dadka ku safra Baasaboorka Somaliya ee u socdaalaya Dalkan Kenya. Kuwani,ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caafimaad, wax-barasho, dalxiis iyo siyaabo kale. Somaliya iyo Kenya,ayaa ah labo Dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.
Dadka usharaxan hogaaminta Punsaa,waxaa Da’ahaan iyo khibrad ahaanba ugu culus Nuur Maxamed Nuur. Nuur oo Da’ahaan lagu tilmaamo 60-dan meeyo in uu ku jiro,ayaa kasoo jeeda Gobolka Karkaar. Aqoontiisa waa darajada Labaad ee Shahaadada Master Degree,waxuuna leeyahay khivrad bakaaran oo gaaraysa 40-sano,isagoo horay usoo hogaamiyay PUNSAA. Khibradiisa?? Gudoomiyahii Hore ee PUNSAA 2012-2015. 11-Sano oo uu soo maamulay Isbitaalka Qardho. Khabiir dalka Emirates kaga soo shaqeeyey Food Quality Control, sidoo kale ka soo shaqeeyey dalka Australia. Xubin Gudiga Doorashooyinka heer federaal ah. Dadka Sharaxan,ayuu ugu miisaan culus yahay Nuur M.Nuur. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland,ayaa maanta magaaladda Garowe ku qabtay tababar iyo Aqoon isweydaarsi ku aadan xaquuqda Haweenka ee Diinta islaamka. tababarkan,ayaa waxaa ka soo qayb galay Ururka Haweenka, Culimado iyo Gabdhaha aqoon yahaynka ee Puntland. Tababarkan oo socon doona mudo Labo maalin ah ah,waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Cabdulqaadir Yuusuf Daahir.
Hay’adda Wadooyinka PHA,ayaa soo bandhigtay samaynta Khariirada Wadooyinka Puntland. Khariidada Wadooyinka Puntland waxaa sameeyay Dhalinyaro reer Puntland oo Deeq Waxbarasho ay horay ugu dirtay Dowlada Puntland. Mudo Lix bilood ah ayay ku qaadatay hay’ada Wadooyinka Puntland samaynta khariiradan. Waa talaabo loo baahnaa oo mudan in la bogaadiyo PHA iyo Gudoomiyaheeda Cabdifitaax Sugulle. Khariidadan,ayaa lagu xirayaa Google Maps. Waxaa hada waxii ka danbeeya la yaqaan Wado walba oo gasha Degmo iyo Deegaan kasta oo Puntland ka mid ah. Jibril Qoobey.
Guddiga Arrimaha, Bulshada, Dhaqanka Warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL maanta Aqalka Wakiillada kula yeesheen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dawladda Puntland.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in goolkiisa u danbeeya uu yahay in uu yeesho awoodda ugu badan ee hubka nukliyeerka, isaga oo dallacsiiyay toboneeyo sarkaal oo militari ah, kuwaasi oo ku lug leh tijaabooyinkii dhowaan ee gantaallaha qaaradaha isaga gudba. Ku dhawaaqistani ayaa yimid kadib markii uu Kim oo kormeeray tijaabada gantaalka cusub ee Hwasong-17 oo ah kuwa qaaradaha isaga gudba ee ICBM, waxaana uu ballanqaaday in uu iska cabbin doono hanjabaadda nukliyeerka ee ka imanaysa Mareykanka oo uu kaga jawaabi doono hub nukliyeer ah. “Dhisidda awoodda nukliyeerka ayaa ah mid ilaalineysa sharafta iyo madax banaanida dowladda…
Ururada Bulshada Rayidka ah waa umuhiim nidaamka,horumarka iyo Geedi socodka Dowladnimo ee Puntland. Faysal Qaran oo soo hogaaminayay 5-tii sano ee lasoo dhaafay,waxuu muujiyay masuuliyad macno leh. Nin wax og,ayuu ahaa oo leh deganaan iyo bisayl hogaamineed. Puntlandernimadu Nin ay macno ulahayd mar walba ilaaliya danaheeda qiyam,ayuu ahaa. Nin og buu ahaa sida Bulshada rayidka ah loogu dhibaatayn karo danaha Puntland hadii si xun loo adeegsado. Dowlada,waxuu ula shaqeeyay si dhow,si gaar ahna Barnaamijka Dimuqraadiyaynta door fiican buu ku lahaa,waana taageeray hirgalintiisa. Bulshada Rayidka ah ee Puntland,waxay saamayn ku leedahay mida guud ee Somaliya go’aamada kasoo baxa iyo kuwa ay…
Warsaxaafadeed: 26 November 2022: Shaacinta Xilliga Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Puntland: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo ka duulaya sida uu qoraayo xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyaha (qodobka 9aad, Fargadiisa 1-aad) ee ah in Guddigu 15 maalmood ka hor wareegtoku soo saaro taariikhda diwaangelintu ay bilaabanayso Waxaa uu shaacinayaa in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Puntland ay bilaabanayso 13/12/2022 socona doonto muddo afartan ¡yo shan maalmood (45) ah o ku eg 27/1/2023. Halkan ka daawo muuqaalka War saxaafadeedka Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo faahsan goor dhowna la soco isaga oo uu soo jeedinayo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed. Halkan ka akhriso:- DHAMAAD. codkaaguwaaxaqaaga codkaaguwaamustaqbalkaaga
Xaqiiqdii Bosaso waa Magaalo dareen gaar ah ku leh Qof walba oo dareen muwaadinimo ku jiro. Maamuladii iskaga danbeeyay Puntland midba waxbuu kudaray horumarkeeda haba ugu fiicnaado maamulka Deni hogaaminayo. Inkastoo uu ku suntan yahay Bosaso maamulkii uquuray Xabad ee muujiyay masuuliyad darida taariikhda gashay. Weli ma aysan helin Duq Magaalo oo leh aragti horumarineed kana hagaajiya Wadooyinka iyo Bilicda. Dhaqaale ugu filan kor uqaadida Nadaafadeeda ayay heshaa Dowlada hoose ee Bosaso. Bosaso Maanta,waxaa ka socda dhawr Mashruuc oo la taaban karo….. 1.Garoonkii Diyaaradaha oo si weyn loo caalamiyaynayo. 2.Dekedii oo loo balaarinayo. 3.Biyihii Macaanaa. 4.Korontadii Solarka. Guryaha Kiradu aadbay…
Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka ururka. Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.…
Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulraxmaan Yuusuf Al Cadaala,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in xalay weerar la qorsheeyey ay ku dileen dagaal yahano katirsan Alshabaab. Weerarka,ayaa sida uu wasiirku sheegay waxaa lagu beeg sadey goob ay ku sugnaayeen in ka badan laba boqol oo xubnood oo Alshabaab ah, iyo madax gaareysa illaa iyo 12 hoggaamiye. Wasiirka, oo sii wata hadalkiisa,ayaa waxa uu sheegay in lagu dilay weerarkan ugu yaraan boqol xubnood oo katirsan Alshabaab. Al Cadaala,ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in weerarka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, hey’adda Nabad Sugidda, dadka deegaanka, iyo…
Garoowe, November 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad. Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus…
Garoowe: 26 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Dallada Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSAA. Shirweynaha Bulshada rayidka ah,ayaa soconaya Mudo Labo Maalmood ah. Sida qorshuhu yahay,waxaa lagu dooran doonaa Gudoon cusub oo ay yeeshaan Bulshada rayidka ah ee Puntland. Gudoomiyihii hore ee soo hogaaminayay Bulshada rayidka ah Sanadihii udanbeeyay,ayaan dib usharaxnayn. Bulshada rayid waxay door ku leedahay Siyaasada,horumarka iyo midnimada Bulshada haday si sax ah ushaqayso.
Cadale, Nofeembar 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda. Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada…
Ukraine,ayaa Jimcihi soo celisay qeyb ka mid ah awooddeeda tamarta, hase yeeshee wali waxa ay koronto la’aan heysaa malaayiin ruux oo wajahaya mugdi iyo qaboow aad u daran, kaddib marki ay ciidanka Ruushka dukheymo cirka ah ku burburiyeen Warshadaha Korontada. Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku boorriyay dadka reer Ukraine, inay korontada beekhaamiyaan oo aysan wax walba u adeegsan, haddiiba ay koronto helaan. Wuxuu sheegay in 6-milyan oo ruux ay wali koronto la’aan yihiin. Madaxda Gobollada ugu daran ee ay saameysay koronto la’aanta ayaa dadka ugu baaqay in ay dalka ka baxaan, si aysan ugu dhiman gaajo iyo qabowga barafka xilliga…
Baahida ugu weyn ee xiligan ka jirta Puntland si la mid ah guud ahaan Somaliya waa Shaqo abuur. Madaxweynayaashii kala danbeeyay ee soo maray Puntland majirin mid ka mid ah oo qorshe gaar ah ka lahaa shaqo abuurka. Sidoo kale Ganacsiga Dalka ka jira waa mid Qoys oo kooban mana jiraan Warshado waa weyn oo Shaqaale furan qaadan kara. Boqolkiiba Todobaatan Bulshada,waxaa ka ah Dhalinyarada,waxaana Sanad walba qalanjabiya Kumanaan ka mid ah. Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Puntland waa ku dhawaad 3000,waana la awoodaa in la kordhiyo si Shaqo abuur looga helo. Sidoo kale Dhalinyarada waxbaratay,waxaa lagu hawlgelin karaa tababar…
Somaliya waayo soo kabasho,ayaa usoo muuqda. Baanka Aduunka,waxaa uqorshaysan in uu geliyo Somaliya 4-ta sano ee soo socota 800-Milyan oo dolar. Lacagtaas,waxay toos u aadaysaa Mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha oo Dalku baahi weyn uqabo. Sidoo kale Sacuudiga iyo Kuweyt waxay aqbaleen dalab Dowlada Somaliya si wadajir ah uga yimid oo ay ku codsanayso in loo qabto Shirweyne qaaraan dib udhis ah loogu ururinayo. Shirkaas,waxaa la sadaalinayaa in Somaliya loogu deeqo ku dhawaad Hal-Bilyan oo Dolar. Labada Dal,ayaa wada diyaarinta gogasha Shirkaas,iyagoo durba aqbal ka helay Dowlado dhawr ah oo muhiim ah. Caalamku,waxuu wax ka bartay Dowladii…
Wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac,ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Wasiiru-dowlaha Ganacsiga Shariif Cabdisalaan oo horayna uga qaybgalay Shirkii Wasiirada ee lagu diyaarinayay go’aamada Qalinka lagu duugay haatan,ayaa qayb ka ahaa weftiga Ra’isalwasaare xigeenku hogaaminayo. Madaxda shirka kasoo qeyb gashay,ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale,isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo Warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga. Shirkan oo qorshuhu ahaa in uu ka qaybgalo Madaxweyne Xasan…
Saraakiisha Caafimaadka Shiinaha ayaa Sabtida maanta ah sheegay, in Jimcihi shalay la diiwaangeliyay ilaa 35,183 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19, diiwaankaasi oo noqday kii ugu badnaa saddexdi maalin ee lasoo dhaafay. Ma jirto wax dhimasho ah oo ay Waaxda Caafimaadku shaacisay, hase yeeshee magaalooyinka waaweeyn ayaa la daalaa dhacaya tiro aad u badan oo uu soo ridanayo cudur-sidaha keena xanuunka COVID-19.Meelaha ugu badan ee kiisaskan cusub laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah magaalada koofureed ee Guangzhou iyo magaalada koofurgalbeed dhacda ee Chongqing. Cudurka COVID-19 ayaa markiisii hore kasoo biloowday magaalada Wuahan ee bartamaha Shiinaha, dhamaadki sannadki 2019-ki,…
Kadib markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo ay ka horreeyeen todobaadyo uu ciidamadiisa geynayay xuduudda labada dal, ayaa dad badan waxa ay ugu baaqeeyn Merkel iyo hogaamiyayaasha kale ee Yurub in ay go’aan adag ka qaataan Kremlin-ka. Xildhibaan Roderich Kiesewetter oo ka tirsan xisbiga Christian Democrat (CDU) ee ay ka tirsan tahay Angela Merkel ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha hore inay ogeyd damaca Putin u uku wiiqayay Yurub, balse ay go’aansatay in lagu wajaho qaab diblomaasiyadeysan. Waraysiga ay siisay wargeyska Spiegel ee ka soo baxa Jarmalka ayaa Merkel waxa ay ku sheegtay in dedaalkeedii ku aaddaanaa wadahadallada…
flagship iPhone plant in China is set to see a further reduction in November shipments after the latest bout of worker unrest this week, a source with direct knowledge of the matter said on Friday, as thousands of employees quit. The world’s largest Apple (AAPL.O) iPhone factory has been grappling with strict COVID-19 restrictions that have fuelled discontent among workers and disrupted production ahead of Christmas and January’s Lunar New Year holiday, as many workers were either put into isolation or fled the plant. Following Wednesday’s escalation that saw workers clash with security personnel, Foxconn could now see more than…
Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee guud ahaan Ingiriiska,ayaa qaban doona shaqo-joojintii ugu horreysay ee ururkooda mudo 106-sano. Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee England, Wales iyo Waqooyiga Ireland oo aysan ku jirin Scotland,ayaa banaanbaxa samayn doona Disembar 15 iyo 20, ll-keeda. Ururka Royal College ee Kalkaaliyeyaasha,ayaa sheegay in dowladdu diiday dalab wadahadal oo ka dalbadeen. Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ee Ingiriiska,ayaa banaanbaxoodu,waxuu qayb ka yahay Shaqaale fara badan oo ka shaqeeya Warshadaha oo sidaan oo kale u dalbanaya in Mushahaarka loo kordhiyo. Agaasimaha RCN ee Ingiriiska Patricia Marquis ayaa raali galin udiray bukaanada udiyaarsanaa qaliinka ama Dawaynta kale. Sanadkii tagey 25000 kun oo iskugu jira Umulusooyin iyo…
Nurses across most of Britain will hold the first strikes in their union’s 106-year history next month, joining a host of other workers taking industrial action over pay. Staff in England, Wales and Northern Ireland — but not Scotland — will walk out on December 15 and 20, after the Royal College of Nursing (RCN) union said the government had turned down an offer of negotiations. It will be the latest industrial action in Britain, where decades-high inflation and a cost-of-living crisis have prompted staff in various sectors to demand pay rises to keep up with spiralling prices. RCN England…
Turkey iyo Qatar,ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sanadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah. Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso. Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi…
Dhaqaalaha ugu badan,waxuu uga baxaa Dowlada Puntland Amniga,sidaas oo ay tahay weli way dhismi la’a yihiin hay’ado amni oo dhamaystiran. Dadku Sharciga Gacanta ayay ku qaadanayaan,waana ku qanci la’a yihiin ku kala baxa Cadaalada. 25-sano kadib,waxay Dadku Garsoor uraadsanayaan Odoyaasha Dhaqanka iyo Xeer beegtidii 200-sano ka hor ka jiray Miyiga. Khatarta ugu weyn ee ay xiligan wajahayso waa Hubka ku jira Gacanta Shacabka. Sidoo kale Puntland arimaha amni xumada sababa ee lala dagaalamo way leedahay. Waxaa ka hawlgala kooxaha danbiilayaasha ah ee caalamku lawada diriro… 1.Argagixisada2.Tahriibta3.Ganacsiga Hubka4.Isku dhacyada Beelaha5.Xanuunada faafa6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka. Arimahan waxaa Puntland usoo jiiday meesha ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dardargelinaya dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Alshabaab ayaa gaaray deegaanka Nuur-dugle ee Hirshabelle oo ka mid ah goobaha ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka xoreeyeen Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa Ciidamada Xoogga dalka iyo shacabka ku nool Hirshabelle, gaar ahaan Nuur-dugle iyo deegaanada ku xeeran ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta, waxa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan halgankooda naf-hurnimo inta Soomaaliya oo dhan laga tirtirayo argagixisada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sidoo kale warbixin laga siiyay xaaladaha bulsho ee ka jira guud ahaan Gobolka Shabeelaha…
Dadka reer Afgaanistaan ,ayaa siinaya Caruurtooda gaajaysan Dawooyin ay ku sarqaamiyaan- kuwa kale waxay iibiyeen Gabdhahooda iyo xubnahooda si ay u noolaadaan. Jiilaalkii Labaad tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen dalkaas, dhaqaalihii dibaddana laga goostay, malaayiin qof ayaa qarka u saran macluul. “Carruurteenna way ooyaan, mana seexdaan, ma haysanno cunto,”Ayuu yiri Cabdul Wahaab. “Sidaa darteed waxaan aadnaa farmashiyaha, waxaana kasoo qaadannaa kaniini aan siinno caruurteenna si ay hurdo u dareemaan.”. Ninkan waxa uu ku nool yahay meel ka baxsan magaalada Herat, oo ah Magaalada Saddexaad ee ugu weyn dalka,waxaana deggan Kumannaan Qof oo ku nool Guryo dhoobo ah,waxaana halkaas…
Waxaa markii ugu horreysay la filayey in uu xilka qabto dhammaadkii Sagaashamaadkii, kadib markii uu Wasiirka Maaliyadda usoo noqday ra’iisul wasaare Mahathir Maxamad. Hase yeeshee Labadooda ayaa isugu dhacay sidii loo maareyn lahaa xasaraddii dhaqaale ee Asia 1997-1998. Abwar,ayaa xilkii Wasiirka Maaliyada laga qaaday,waxaana laga cayriyey Xisbigii UMNO. Sidoo kale,waxaa lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo Galmada Qoomo-Luudka eedeymahaas oo Anwar uu sheegay in ay ahaayeen kuwo siyaasadeysan. Anwar,ayaa 1999 waxaa Lix sano oo Xabsi ah loogu xukumay musuq-maasuq iyo Sagaal Sano oo kake oo loogu xukumay eedeymaha Galmada, sanadkii xigay. Maxkamadda Sare ee Malaysiya,ayaa 2004 baabi’isay xukunkii Galmada ee lagu riday…
Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysiya Anwar Ibraahim,ayaa maanta Boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay Shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah. Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur,ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysiya. Doorashadan Xisbi-na ma uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957. Isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan,ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82-kursi,wuxuuse aad uga hoos maray tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112. Boqorka Dalkaas,ayaa kadib kulan gaar ah la…
Bishan dhamaadkeeda,ayuu kusoo aadan yahay Puntland Madaxweyne Xasan Shiikh. Madaxtooyada Puntland,ayaa laga sugayaa jadwalka soo dhaweynta iyo booqashada Madaxweynaha Fadaraalka. 1.Dekeda Bosaso balaarinteeda. 2.Garoonka Diyaaradaha Bosaso xarigjarkiisa qaybta 1-aad iyo dhagax-dhiga qaybta 2-aad. 3.Kuliyada Booliska Carmo oo la saxiixayo ku tababarida Ciidamada Booliska Fadaraalka. Waxaa si weyn layskula Afgartay in dhamaan mashaariicdii heer federaal ee Farmaajo xanimay loosoo fasaxo Puntland. Is faham,ayaa laga gaaray wada shaqaynta Dowlada Puntland iyo Dowlada Federaalka.
Xoolo dhaqato la rumaysan yahay inay ka soo jeedaan Waqooyi Bari Kenya,ayaa kha-khal geliyay goob uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Kithure Kindiki, ka dib markii ay rasaas ku fureen meel u dhaw deegaanka Ngomeni oo ka tirsan Magaalada Kitui. Todobaadkii lasoo dhaafay,ayaa Labo weerar oo kala duwan lagu dilay Labo Qof,Wasiirka ayaana halkaas u tagay si uu ugu soo tacsiyeeyo Qoysaska laga dhintay. Xiisadda u dhexaysa Xoolo dhaqatada ka soo hayaamay abaarta ka taagan Waqooyi Bari iyo Beeraleyda Deegaanka Kitui,ayaa taagneyd bilihii la soo dhaafay, waxaana jiray dedaallo ay wadaan Siyaasiyiinta Labada dhinac oo lagu dejinayo xaaladda.…
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS Waxbarasho lacag la’aan ah (Free Engineering Courses) Machadka Sare Farsamada Gacanta ee Garoowe-Garowe Polytechnical Institute (GPI) oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland iyo Hay’adda GIZ waxa uu ogeysiinayaa bulshada Jecel Barashada Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta in Machadku bixinayo waxbarasho lacag la’aan ah, taasoo loo qaadanayo arday cusub oo baran doonta qeybaha kala duwan ee Engineering-ka kuna qaadan doonta heerka dibloomada. Wuxuuna Mac’hadku u qaadan doonaa Arday Cusub Dibloomooyin Injineerin ah sida:1) Diploma in Agricultural and Animal husbandry-Dibloomada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.2) Diploma in Interior Design and Decoration–Dibloomada Nakhshadeynta & Qurxinta dhismaha.3) Diploma in Renewable Energy-Dibloomada…
Duullaanka cusub ee ka dhanka ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya,ayaa weeraro Cirka ah oo qayb ka ah duullaanka waxay ka dhaceen meel ku dhow fariisinka Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya. Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900-Askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa xaqiijiyay weerarkan. Taliska,ayaa sheegay in Talaadadii uu dhacay weerarkan,ayna ku sugnayn Saldhigga xiligaas. Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka,ayaa laga soo xigtay in ciidamada Mareykanka ay ku jireen meel udhow Saldhiga oo 300 mitir u jirtay. Saldhigga,ayaa ku yaalla…
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed, Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Khawaarijta iyo soo jeedinta magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe. Kulan,ayaa Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaannada cusub ee laga xoreynayo Khawaarijta, kuwaasi oo isugu jira; Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, Isu socodka, xakamaynta xad-gudubyada ciidamada iyo denbi-falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo fullinta sharciga. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay meelmariyeen soo…
Kulan ujeedadiisu ay ahayd in dib loogu eego qorshayaashii Waxbarasho ee 2022 iyo diyaarinta qorshayaasha hortabinta leh ee sannadkan 2023 oo ay yeelanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo hay’adda UNICEF,ayaa ka furmay Garowe. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan oo furay kulankaas,ayaa ku ammaanay shaqaalaha shaqada ay soo qabteen sannadkii la soo dhaafay ayna waax waliba ka mira dhalisay kaalinteedii. “Nidaam waxbarasho oo horseed u ah wadajir bulsho, waddaniyad, caddaalad, nabad iyo hormar waara ayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland waxa ay ku saleysay dejinta qorshe lagu hagayo shuruuc kuna qotoma adeeg waxbarasho oo…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah. Shirka,ayaa Todobaadkan looga hadlay arimo ay ka mid yihiin… 1. Amniga 2.Dardargelinta Doorashooyinka. 3.Dhacdooyinka . 4. Waxqabadka todobaadka 5.Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ee Ku saabsan xummadda kusoo badanaysa deegaannada Puntland.
Muuse Biixi Cabdi,ayaa sameeyay Magacaabis heer Wasiira ah,iyadoo muran ka taagan yahay mudo xileedkiisa dhamaaday. 13-kii Nov,waxaa ku ekaa mudo xileedkii sharciga ahaa ee loo doortay Muuse Biixi hogaaminta Somaliland. 2-sano,waxaa ugu daray Golaha Guurtida oo laftigoodu 5-sano ku darsadsy mudo xiloodkooda. Labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo Ucid,ayaa si adag udiiday mudo kororsigaas,waxayna si cad usheegeen in aysan Muuse iyo Xukuumadiisa u aqoonsanayn Dowlad sharciyad haysata. Mudaaharaadyo looga soo horjeedo mudo kororsigaas laguna dalbanayo Doorasho Madaxweyne,ayaa dhacay,kuwaasoo weliba Dad ku naf waayeen. Sida muuqata diidmadii Mucaaradku ma hor istaagin hankii Muuse,waxaana si caadiya ufulaya qorshayaashii uu dajiyay. Kala saaridii…
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyi Tacliinta sare ee Puntland,ayaa magaalada Gaalkacyo ka qayb galay kulan lagu dhiirigalinayey Ardayda Dugsiga Masaarida ee Gaalkacyo. kulanka waxaa jooga Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiyaha Waxbarashada G Mudug, Duqa Deg Gaalkacyo, Iskuduwaha Wasaarada Ganacsiga G.Mudug,Madax hore,Siyaasiyeen, aqoon yahano,Waaridiin. Wasiirka,ayaa xusay in macaliniinta Masaarida la geeyey Gaalkacyo, Jariiban, Heema, Burtinle, Baran iyo Eyl. Sidoo kale,wuxuu ku dhiirigaliyey Deegaanada kale inay buuxiyaan shuruudaha lagu furo Dugsiyada Masaarida. Dhamaan ka soo qayb galayaasha,ayaa umahadnaqay macalimiinta,Safaarada Masar ee Somaliya iyo Dowlada Masar.
Guddiga Maaliyadda, dhaqaalaha & xisaabaadka Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland,ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Guddiga oo akhriskii 2-aad ku sameynayey Miisaaniyadda 2023 ee Golaha hortaala,ayaa su’aalo ka waydiiyey Wasiirka, Xisaabiyaha guud iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda si ay u helaan xog-dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda Dawladda ee 2023. Miisaaniyadda sannadkaan 2023,ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar). Kororka Miisaaniyadda ee sanadkan,ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore. Ilaa iyo hada majiraan xogo loosoo bandhigay Saxaafada iyo Bulshada oo ku…
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken ayaa shalay kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dadaallada loogu jiro sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa Waqooyiga Itoobiya, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Xoghaye Blinken ayaa qiray dadaalka ay dowlada Itoobiya sii wado ee ay kaga shaqaynayso gargaarka bini’aadantinimo ee aan la hagardaameyn iyo soo celinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Tigray iyo sidoo kale gobolada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada. Blinken ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si deg deg ah loo dhaqan galiyo heshiiskii xabbad-jooginta ahaa oo ay ku…
Maxkamadda Sare ee Mareykanka,ayaa Talaadadi shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada. Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada,ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa. Trump,ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump. Go’aanka Maxkamadda Sare ee shalay,ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii…
Itoobiya,ayaa shaacisay in ay iibinayso siddeed Warshadood oo ay Dowladu lahayd. Warashadahan,ayaa laga iibinayas Shaqsiyaad gaar ah oo maalqabeena ah. Waxaa ka mid ah Warshadaha la iibin doono Warshada Sonkorta. Qaybo kamid ah saamiga Shirkada isgaarsiinta ee Ethio-Telecom,ayay Dowladu horay ushaacisay in ay iibinayso. Ra’isalwasaare Abiy,ayaa la yimid qorshayaal furfurid dhaqaale markii uu talada dalkaas qabtay,inkastoo aysan wax badan ka dhaqaaqin. Itoobiya,waxay gashay Laba Sano oo colaad sokeeye ah,waxaana burburay dhaqaalihii,iyadoo sicirbararku marayo halkii ugu sareeyay Abid taariikhda Itoobiya. Reer Galbeedka oo si weyn ukabi jiray Miisaaniyada Dalkaas,ayaa hakiyay kabidoodii kadib dagaalka Tigreega,inkastoo dhawaan uu dhacay heshiis. Dadka dhaleeceeya hogaaminta…
When Republican House leader Kevin McCarthy mentioned the name of Muslim-American Congresswoman Ilhan Omar at a Republican Jewish Coalition conference at the weekend, boos erupted from the crowd. “That’s a rightful boo,” the congressman responded, before promising to remove Omar from the House Foreign Affairs Committee because of her criticism of Israel. porters of Palestinian rights on Capitol Hill. As a member of the House Foreign Affairs Committee, which helps push forward legislation and undertakes oversight of members of the US executive branch, she also has been a rare voice calling for diplomacy and against hawkish policies. Omar has previously…
Ugu yaraan 268-Qof,ayaa ku dhintay Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.6 oo ku dhuftay galbeedka Java ee dalka Indoniisiya. Isbitaalada Gobolka waxaa buux dhaafiyay Caruur ku dhaawacantay Dhulgariirkaas.
Xildhibaanad Ilhaan Cumar,ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay in ay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka. McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer. “Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,”Ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda. “Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka…
Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Somaliya,ayaa sheegtay in ay ka jawaabi doonto warbixinta uu soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka. “Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan xisaab-xirka 2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay,iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon”Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda. Hanti-dhowraha guud,ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee Dowladda Somaliya. Hanti-dhowraha,ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda ay…