Author: Jibril Qoobey.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm. Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigay dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Bosaso. Dhismaha wejiga 3-aad ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso waxaa la dhisidoonaa dhismayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin. 1.Qaybta Rakaabka Diyaaradaha (Terminal Passenger. 2.Qaybta Xamuulka (Terminal Cargo). 3.Dhismaha qaybta Dab-damiska. 4.Dhismaha Tower Cusub. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Boosaaso: 22 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta. Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu…

Read More

Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre Elba,ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hogaamiyayaasha siyaasada in ay taageero dheeri ah siiyaan Wadamada ugu saboolsan aduunka qaab maalgashi halkii ay ka caawin lahaayeen. Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay buurta loo dalxiis tago ee Davos ee Switzerland, ayaa Elbas labadaba lagu sharfay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, sugnaanta cuntada iyo isbeddelka cimilada. Lamaanahan oo ah safiirrada niyad-wanaagga u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta beeraha, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir-madaxeedka sannadlaha ah in si degdeg ah loo taageero Dadka ay saamaysay…

Read More

Actor Idris Elba and his wife Sabrina Dhowre Elba called on Monday for business and political leaders to provide more support to the world’s poorest countries in the form of investment rather than aid. At the opening ceremony of the World Economic Forum (WEF) annual meeting in the Swiss mountain resort of Davos, the Elbas were both honoured for their work on environmental conservation, food security and climate change. The couple, who are Goodwill Ambassadors for the United Nations’ International Fund for Agricultural Development, appealed to participants at the annual summit for fast financial support for people hit by food…

Read More

Over the last eight decades, Federalism as a viable system of governance for conflict-ridden societies has dominated debate in both the academic and political spheres. Comparative politics scholar, K. C. Wheare, is regarded as the “dean” of modern federalism. His 1946 book, Federal Government, is virtually canonical in the field and still cited frequently . Wheare defined federalism as “the method of dividing powers so that the general (central) and regional governments are each, within a sphere, coordinate and independent.” He argued that federalism requires “co-ordinate partners in the governmental process.” He believed that federalism is not an end in…

Read More

Ciidamada ammaanka Muqdisho,ayaa soo afjaray weerarkii ay maanta Al-sbabaab kusoo qaadday xarunta Gobolka Benaadir, ahna xafiiska duqa Muqdisho. Shan qof oo uu ku jiro agaasimihii waaxda dadka baahiyaha gaarka ah ee Gobolka ayaa ku dhintay weerarkan sida uu xaqiijiyay Saalax Dheere. Weeerarkan oo ku bilowday qarax,ayaa waxaa sheegtay masuuliyaddiisa ururka Al-Shabaab, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir.

Read More

Turkiga,ayaa joojiyey booqasha uu Wasiirka Gaashaandhigga Sweden uu ku imaan lahaa Ankara. Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga. Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga. Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta,ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan. Wasiirada Turkiga iyo Sweden,ayaa lagu waday in ay ka hadlaan diidmada Ankara ee ku aaddan in Sweden ay ku biirto…

Read More

Mareykanka,ayaa sheegay in dukheyn dhanka Cirka ah oo ay ka fuliyeen Somaliya ay ku dileen ku dhawaad ​​30-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka,ayaa ka dhacay meel u dhow Degmada Galcad oo qiyaastii 260km ama 162 mayl dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Maalmihii lasoo dhaafay,ayaa Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Al-Shabaab waxa ay ku dagaalameen Gacan ku heynta Degmadaasi. Sida uu sheegay Taliska Mareykanka ee Afrika,weerarkii Cirka ee Jimcihii ayaa ku soo aaday xilli Ciidamada ay soo weerareen in ka badan 100 dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.

Read More

Sagaal Qof,ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday Goob Ganacsi oo ku taal magaalada Monterey Park ee Gobolka California, sida ay Boolisku sheegeen. Dhacdadan,ayaa dhacday abaaro 22:20 wakhtiga maxaliga ah ee sabtida (06:20 GMT ee Axada). Kumanaan Dad ah,ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay magaalada Monterey Park ee dabbaaldegga sanadka cusub. Booliska,ayaan weli sheegin tirada dadka ku dhaawacmay toogashadaasi, iyo haddii ay dad u soo qab qabteen. Booliska degmada Los Angeles ayaa sheegtay in Qofka latuhunsanyahay uu yahay Nin. Magaaladan,ayaa ku taal qiyaastii Sideed Mayl ama 13km dhanka Bari ee Magaalada Los Angeles.

Read More

Qaraxyo iyo rasaas,ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdishu. Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdishu oo ah xafiiska duqa magaalada. Qaraxa ugu horreeyey ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadishu Mall. Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dawladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkan. Khasaare,ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.

Read More

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada, kaas oo ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada. Kulanka ayey Mudanayaashu iskaga xog waraysteen arrimaha ay ka mid yihiin… 1.Dimuqraadiyadda Puntland iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada Goleyaasha Deegaanka ee ka socota qaar ka mid ah Gobollada Puntland. 2.Xaaladda Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood iyo deegaannada hoos yimaada. 3.Siyaasadda Puntland iyo Dawladda Federaalka Somaliya.

Read More

Boosaaso: 22, Jaanayo, 2023Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee magaalada Boosaaso, Dekedda iyo xarunta Suuqa Kalluunka magaalaadaasi. Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha shaqooyinka hortebinta leh ee ay u hayaan shacabka. Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, laamaha amniga iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa kormeerka Madaxweynaha.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari. Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaso, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Bosaso. Socdaalka Madaxweynaha ee Bosaso,ayaa daaran dhawr arimood oo kala ah… 1.Xarig ka jarida wajiga koobaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso. 2.Dhagaxdhigida Wajiga Labaad ee dhismaha garoonka Diyaaradaha Bosaso. 3.Dhagaxdhiga balaarinta Dekeda Bosaso. 4.Kormeerka diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. 5.Ku dhawaaqista Laba Todobaad oo lagu daray mudada diiwaangelinta Cod bixiyayaasha. 6.Dhagax-dhiga dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaso.…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur. Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas” Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa. Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah. Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah. Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa ku celiyay dalabkii uu ku doonayay inuu ku dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine mar uu taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy Jimcihii, sida ay xaqiijisay madaxtooyada Turkigu. Erdogan ayaa hore u sheegay inuu diyaar u yahay inuu isku keeno Putin iyo Zelenskiy, isaga oo hore ugu caadiyay Ruushka xabbad-joojin hal dhinac ah. Turkiga ayaa sidoo kale sannadkii hore martigeliyay wahadalladii dhoofinta Qamadaiga oo ay sidoo kale qeyb ka aheyd Qaramada Midoobay. Sida ay sheegtay madaxtooyada Turkey, Erdogan ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ukraine Arbacadii. VOA.

Read More

Saraakiisha Midawga Yurub ayaa Jimcihii sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada. Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub inay “ballaadhiyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda” ee u dhashay Iran, kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Talaabadan ayaa la qaaday…

Read More

International partners* welcome efforts by Somalia’s leaders to advance priorities on peacebuilding and state-building, including through the regular meetings of the National Consultative Council. In particular, we welcome the renewed focus on the constitutional review process, federal resource-and power-sharing, and reconciliation, all of which are crucial to ensuring Somalia’s long-term stability. We call on all stakeholders to engage constructively in these efforts, and to resolve any differences through dialogue and consultation. We remain committed to supporting Somalia in achieving its state-building priorities; the foundation for an inclusive, prosperous and peaceful Somalia. *African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Belgium, Denmark,…

Read More

Beesha Caalamka,waxay soo saartay war dharbaaxo ku ah Madaxweyne Xasan iyo isbahaysigiisa. Waxay muujisay in ay taageersan tahay wadahadalada,waxayna ka aamustay khilaafkii. Beesha caalamku,waxay soo jeedisay oo dul istaagtay kuna talisay in xal laga gaaro Qodobadan… 1.In laysla fahmo sidii Awoodda loo qaybsan lahaa. 2.In laysla fahmo Khayraadka Dalka qaybsigiisa. 3.In Dhammaystirka Dastuurka uu noqdo mid la’isku waafaqsan yahay. 4.In wadahadalladu sii socdaan. Meesha ay istaagtay Beesha caalamku waa halkii ay Puntland taagnayd ee ahayd in loo baahan yahay wada xaajood dheeriya. Beesha caalamku waxay taageertay mowqifkii Puntland ee wada hadalka,waxayna dhabarka ujeedisay isla qumanaantii Villa Somaliya. Madaxweyne Xasan ayay…

Read More

Dagaalka Shabaab,waxuu umuuqdaa mid laab lakac ah oo caadifaysan salkiisuna yahay Qabiil. Ilaa iyo hada Ciidan Shabaab laga laayay oo la taaban karo majiraan markii laga reebo kuwa Diyaaradaha Maraykanku garaacaan. Xarardheere Hal Maleeshiyo loogama dilin Shabaab oo Ciidankoodii iyo Qalabkiiba waa kala baxeen. Waxay galeen Deegaamada Miyiga ah,iyagoo bilaabay dagaallo Guri la’ah,Qaraxyo ay la beegsanayaan Saraakiisha iyo hanjabaadyo Ganacsatada Dowlada la shaqaysa. Sida muuqata hadaan la helin qorshe Qaran oo laga baaraandagay lagama adkaan doono argagixisada Shabaab. Culayska ugu weyn,waxuu Dowlada kasoo fuulayaa Magaalooyinka ay ka baxaan Shabaab sidii loo sii hayn lahaa oo loogu heli lahaa Ciidan ku…

Read More

Axmed Madoobe waa baxayaa oo waa ka tagayaa Kismaayo ugu danbayn. Waa soo xalaalaystay jiscinkii iyo Deegaankii uu degi lahaa. Dekeda iyo Garoonka Kismaayo,waxaa lagu wareejiyay Shirkad Imaaraatiya si rasmi ah,waana jiscinkii uu raadinayay. Guri uu dejistay Qoyskiisa iyo amaana,waxaa siisay Dowlada Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Xasan Sanad uu ku anba baxo,ayuu uga badashay qayb ka mid ah Lacagta laga helay Dekeda iyo Garoonka Kismaayo. Somalida degta Deegaamada Jubaland,waa in ay udiyaar garoobaan ka talinta Aayahooda Axmed kadib. Puntland Shalay haday wakhti iyo dhaqaale gelisay dhismaha Nidaamka Jubaland hadana waa in ay dhamaystirtaa hadafkeedii oo door gelisaa Jubaland Dhul iyo Dad…

Read More

Maalinkii Afraad,ayuu Madaxweyne Xasan joogaa Baydhabo,isagoon weli xal uhelin khilaafka ka taagan. 25-kii Musharax ee Madaxweynaha KG u ordayay waa awoodi waayay in uu ku qanciyo utanaasulka Laftagareen. Sidoo kale Madaxweyne Xasan,waa ka keeni waayay Laftagareen Sadex arimood midkood… 1.Utanaasulid mucaarad. 2.U ansixin Sanad ku darsi ah. 3.Meel dhexe oo layskugu yimaado. Haldoorka KG waxay qabaan in Madaxweyne Xasan ku jirto hagrasho oo Deegaan aan Beesha uu kasoo jeeda ahayn uusan wakhti,dadaal iyo dhaqaale xal loogu helayo bixinayn. 70-jirkii loo igmaday hogaaminta Siyaasada Dalka in uu wax kala oran waayo reer KG ma’ahan wax caadiya. Waxaan sugnaaba waa ilaa Beri…

Read More

Muqdisho, Janaayo, 19 2023— Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedka dhawrista maal-gashadatada iyo maal-gashiga. Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale meel mariyey heshiiska is af-garad ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee dhawaan ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo qayb wayn ka qaadan doona dib u dhiska hay’adaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dhinaca kale wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, iyadoo tododbaadkan…

Read More

Waxaa lasoo gabogabeeyay xaraash lagu iibinayay boqollaal qalab ah oo yaallay xarunta Shirkadda Twitter ee Magaalada San Francisco. Taallada astaanta caanka ah ee Twitter-ka oo u sameysan sida shimbirta ayaa lagu iibiyay lacagtii ugu badneyd, iyadoo lagu qaatay $100,000 (£81,000). Dadka munaasabaddan ka daawanayay dhinaca online-ka ayaa gartay in qalabka la isticmaalay uusan qiimahooda gelin wax gorgortan ah, maadaama lagu iibinayay lacag ka badan tan tafaariiqda. Xaraashka ayaa la sameeyay xilli milkiilaha Twitter-ka Elon Musk uu jaray kharashkii ku bixi jiray shirkaddan wixii ka dmabeeyay markii uu lacag dhan $44bn ku iibsaday sanadkii lasoo dhaafay. Tan iyo markii uu Mr…

Read More

Garowe: 19 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah la yeeshay Guddiga diyaarinta Wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta dalka, oo uu Madaxweynuhu magacaabay 14-kii January 2023. Madaxweynaha ayaa Guddiga uga warbixiyey marxaladaha Dowlad dhiska Soomaaliya laga soo maray iyo Shirarkii ugu danbeeyay ee Puntland ka qeybgashay ee ay isugu yimaadeen Madaxda Soomaaliyeed heerarkooda kala duwan, isagoo la wadaagay Guddiga faahfaahinta qodobadda bud-dhiga u ah Arrimaha Hadda taagan. Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddiga in Alle u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Federaalaynta Dalka ayaa ka kooban…

Read More

Bosaso waa Magaalada ugu weyn Puntland ayna ku nool yihiin Dad ku dhow Hal Milyan oo Qof. Macquul ma’ahan lamana aqbali karo in ilaa iyo hada Dadkii Bosaso usoo bixi waayeen isdiiwaangelinta. Bulshada Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu waa udiyaar isdiiwaangelinta. Ururadii waa taageereen isdiiwaangelinta oo caqabad kuma noqon. Mideeye oo baqdinta ugu weyn ee ah in uu fawdo sameeyo laga baqayay,waa laga amaan helay si ilbaxnimo leh ayay udirireen oo aan jiriyayn ahayn. Siyaasiyiintii waa iska ururiyeen diiwaangelinta si aysan u eersan. Cid caqabad ku noqotay oo Maanta la eedayn karo majirto. Caqabadaha taagan,waa Dowlada iyo Gudiga Doorashada… 1.Wasiirka Arimaha…

Read More

Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa ka bixisay jawaab adag eedeyntii maamulka Somaliland usoo jeediyay. Somaliland,waxaa loo sheegay in ay qayb ka yihiin Somaliya oo aan loo aqoonsanayn Dal gaar ah. Sidoo kale Safiirka Maraykanka ee Somaliya,ayaa usharaxay waxa ay tahay Shaqadiisa Somaliya. “Somaliya,waxaan wakiil uga ahay Madaxweynaha Maraykanka,waxaana fuliyaa Siyaasadiisa,taasoo kala dhaxaysa Madaxweynaha Somaliya”Ayuu yiri Danjiruhu. “Somaliya,waxaan ujoognaa fulinta Sadex arimood oo kala ah,Amaanka Labada Dal,Bini’aadantinimada iyo horumarinta Dowladnimada curdanka ah ee Somaliya,waxaana marka hore kala xaajoonaa wax walba oo aan samaynayno Dowlada Dhexe kadibna DG iyo SL”Ayuu yiri markale Safiirku. Xaqiiqdii Somaliland,waxaa la siiyay jawaab Diblomaasi,Siyaasadeed iyo mid cad oo…

Read More

Aan labo u kala qaadno Shirka Baydhabo iyo damacii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe. Damacii Xasan iyo Aadan? Xasan iyo Aadan Madoobe waxaa la dhihi karaa waxay soo taabteen darbiga oo Labadoodu waxay la hareen ma jirin. Xooga dib ugu laabo xasuusta meeshay ka soo bilaabatay. Lafta gareen waxaa la galiyay go’doon Siyasadeed,iyadoo lagu abaabulay Shirar isdaba joog ah oo Xamar ka dhacayay. Sidoo kake,waxaa lagu aasaasay Madal xoogan oo waliba Hubaysan. Waxaa lagu furay Idaacadi Dowlada oo Habeen walba lagu qabanayay Barnaamijyo iyo doodo ka soo horjeeda Madaxweyne Lafragareen. Arimahaas waxaa abaabulkooda iyo Kharsh garayntooda…

Read More

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,ayaa Bulshada Bosaso ku booriyay in ay isdiiwaangeliyaan mudada kooban ee ka harsan diiwaangelinta Codbixiyaasha. “Waxaan ugu baaqayaa bulshada Bosaso in ay isdiiwaangeliyaan maxaa yeelay waa fursad mar la’arag ah”Ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin. Sidoo kale Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad,ayaa iska Diiwaan-geliyay seejayadda Deegaanka Xubabays ee Degmada Isku-shuban,wuxuuna Isimada dhaqanka iyo Bulshada ugu baaqay in ay isdiiwaan geshaan.

Read More

Ciidamada Dowladda Itoobiya,ayaa gudaha u galay magaalada Adigrat ee ku taalla waqooyiga halkaasoo ay heysan jireen Ciidamada Maamulka Tigray. Ciidamada,ayaa gudaha ugalay magaalada iyagoo lugeynaya halka qaarkoodna ay saarnaayeen Basas iyo Baabuurta Militeriga. Fitsum oo ah kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay. “Markii hore waxaan dareenay cabsi la xiriirta wixii hore halkan uga dhacay balse wax dhibaato ah ma dhicin”. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya ama mas’uuliyiinta Tigray oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaaladan. Ciidamada dowladda,ayaa lagu wadaa inay la wareegaan saldhigyada Militeriga iyo xarumaha kale ee amniga.…

Read More

Madaxweyne ku xigeenkii hore hadana ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto,ayaa sheegsy in laysku dayay in la afduubto isla markaana la dilo Guddoomiyaha Guddiga doorashada xilligii ay socotay doorashada Madaxweyne sanadkii lasoo dhaafay. Ruto,ayaa ku guuleystay doorashadaas la qabtay bishii August ee sanadkii 2022, wuxuu helay codad gaarayay boqolkiiba 50.5, muran iyo buuq ayaa xilliggaas hareeyay xaruntii lagu tirinayay Codadka. Xilliggaas Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu sheegay in shaqadiisa uu qabsanayay balse loo hanjabay. “Waxaan la soconnaa inay jireen isku dayo toos ahaa oo lagu afduuban rabay Chebukati si loo dilo, howsha guddigana loo curyaamiyo, hanjabaaduhu waxay ahaayeen kuwo…

Read More

Diyaarad Helicopter ah oo ku dhacday deegaanka Kyiv ayaa dishay 17 qof, oo ay ku jiraan wasiirkii arrimaha gudaha ee Ukraine iyo labo carruur ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine. Wasiirka arrimaha gudaha Denys Monastyrskyi, ku xigeenkiisa Yevhen Yenin iyo xoghayihii gobolka ee wasaaradda arrimaha gudaha Yurii Lubkovych ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay Ihor Klymenko, madaxa booliska qaranka ee Ukraine. Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa la socday diyaaradii helicopter-ka ee ku burburtay Brovary, oo ah xaafad bari ka xigta caasimadda Ukraine, sida uu sheegay Klymenko. Ilaa hadda ma jiro wax war ah…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta deegaanka ee ka aragtida duwan maamulka. Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka isaga oo xusuusiyay Madaxda ka qayb galeysa in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan,…

Read More

Garoowe: 17 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan. Madaxweynaha ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Argagixisada, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Dowladda Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Cadowga. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday…

Read More

Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Qof iyo Cod ee Puntland si habsami leh ayay usocotaa. Dadweynuhu maalinba maalinka ka danbaysa waa usoo baxayaan diiwaangelinta,waana isa soo tarayaan. Xaqiiqdii Shacabka Puntland waxay muujiyeen bisayl,Wadaniyad,Aragti fog iyo Ilbaxnimo,waxayna iska diideen baaqii Oday Nolol ka raadinaya Dhiigooda iyo Siyaasi ku Awr kacsanaya Qabiilka. Sadexda Gobol ee Bari,Gardafuu iyo Karkaar oo diiwaangelintu ay Wajiga koobaad ka bilaabatay wax lagu farxi doono,ayaa kasoo bixi doona,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Bulshada Deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari ayaa safaf dhaadheer ugu jira si ay u qaataan waraaqda cadaynta u ah is diiwaangalinta. Isdiiwaangintan,ayaa horseed unoqonaysa in Dadku ay uqaataan Kaarka Codbixinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. Qofkii aan isdiiwaangelin haatan way ku dheeraan doonta in uu helo fursad kale oo uu isku diiwaangeliyo,waxuuna luminayaa xaqiisa Dastuuriga ah oo ma Codayn karo. Diiwaangelintu ilaa iyo hada si habsami leh ayay uga socotaa Gobolada Bari,Karkaar iyo Gardafuu.

Read More

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka Labada Sano ka socday Gobolka Tigreega. Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayaan ku dhawaad ​​600,000 oo Qof. Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal hore ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boqollaal kun. Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan…

Read More

Hoos u dhac,ayaa ku yimid tirada bulshada Shiinaha markii ugu horreysay Muddo 60-sano ah. Diiwaanka Carruurta dhalaneysa,ayaa muujinaya heerkii ugu hoseeyay,iyadoo 1000-kii Qof ay dhalayaan 6.77 Carruur ah. Tirada Bulshada Shiinaha sanadkii hore waxay gaartay-1.4118 billion- tiradaas oo ka yar 850,000 qof tiradii la diiwaangeliyay sanadkii 2021-ka. In muddo ah waxaa uu hoos dhacayay tirada carruurta Shiinaha, arrintaas oo keentay in isbaddal lagu sameeyo siyaasaddii ilma dhalidda lagu yareyanayay. Markii ugu danbeysay uu hoos dhac ku yimaado tirada dadka Shiinaha waxay aheyd Lixdamaadkii markaas oo uu la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka dhashay macaluul.

Read More

Maamulka Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya,ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Deegaanada dariska ah ay xadka ka wadaan uu ku jiro damac dhul balaarsi ah gaar ahaan Oromada iyo Canfarta. Cali samriye Sigad, Wasiirka xafiiska arimaha deegaanada iyo xalinta isku dhacyada,ayaa sheegay in Dhul ballaarisga ay wadaan Oramada iyo Canfarata uu dhaliyay khasaare xooggan isla markaana hadda khalkhal laga dareemayo caasimadda Deegaanka ee Jigjiga. “Degmada Gurre-dhaamaalo maalmihii ugu dambeysay waxaa lagu soo qaaday dagaal la doonayay in shacabka lagu barakiciyo” “Degmada Ceelkari Shalay iyo Maanta oo u dambeysa dagaal,ayaa ka socda” “Magalaadii Diridhaba iyadna waxaa la doonayaaa…

Read More

Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Me’asa Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay. Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen. Me’asa Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka,ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay. Tan iyo dabayaaqadii 1980-kii waxay aheyd Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare ee Itoobiya,waxayna markii dambe sameysay Urur ay ku mideysan yihiin Haweenka Qareemada ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan Haweenka u baahan adeegyada sharciga ah. Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan…

Read More

Xafiiska la taliyaha sharciga ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay Isniintii inaanu jirin wax ku saabsan ‘diiwaanka martida’ oo yaalla guriga madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware. Arrintan ayaa daba socotay, ka dib markii uu mudane ka tirsan xisbiga Jamhuurigu uu codsaday in lala wadaago diiwaanka martida booqatay guriga Madaxweyne Joe Biden ee ku yaalla Delaware, halkaas oo laga helay waraaqo sir ahaa oo dawladdu lahayd. Axaddii ayaa xafiiska James Comer oo ah guddoomiyaha cusub ee guddida kormeerka ee Aqalka Wakiillada Maraykanku, wuxuu ka codsaday Ron Klain oo ah madaxa shaqaalaha…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka Deegaanka,ayaa maanta la wareegay Gacan ku haynta Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud oo sanado badan ay Gacanta ku hayeen Maleeshiyada Al-Shabaab. Qabashada Ceeldheer,ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiirka Gaashnaadhigga Somaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen Ciidamada. Waa magaaladii Saddexaad oo ka tirsan Deegaamada Maamul Goboleedka Galmudug oo ay Ciidanka Dowladda ka qabsadaan Al-Shabaab muddo Laba maalmood gudahood ah. VOA.

Read More

“1924:- Hobyo Sultanate soldiers stand infront of Sultan Ali Yusuf’s fort” “1924-kii ~ Ciidamo ka tirsan Saldanada Hobyo ayaa soo hor istaagay qalcadda Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid ee Hobyo” Waa taariikh in Maanta dib ugu soo dabaalida nidaam Dowladeed Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ay qayb ka yihiin Ciidamo kasoo jeeda Suldaankii 150-sano ka hor Dowladnimada ka hirgeliyay halkaas. Ciidamada PSF oo qayb ka ah hawlgalka sifaynta argagixisada ee socda,ayaa galay Xarardheere. Si gaar ah Ciidanka PSF,waxuu ula hawlgalayay taageerayaasha Maraykanka iyo Ciidamada kale ee Danab. Puntland taariikh bay ku leedahay la dagaallanka argagixisada. Xarardheere waa Saldhigii Labaad Alshabaab oo culays…

Read More

Goosan” Waa urur SYL ku dhex jirey oo dhallinyaro aqoon leh isku biirsadeen,waxaa ka mid ahaa Shaqadooda: Raggan ka muuqda masawirkan,gaar ahaan Yaasiin Cismaan iyo Xasan Cali Mire waxay ahaayeen dhallinyaro dibadda wax ku soo bartay Aqoon sare leh. Shaqadooda tacliinta guud oo ay wadeen waxaa uga weynaa, in ay Isha ku hayaan oo dadka uga digaan dhaqanka gumaysigu Waddankeena keenay. Cismaan Keenadiid waa Ninka horseeday, in Somalidu Afkeeda iyo Xuruuftiisa aaminto waxna ku qorati.. “AFKEENNA IYO FARTIISA WAA HAL KU DHEG”. Yuusuf Nuur wuxuu dib u Aasaasay Shaqadii Goosanka. Yuusuf,wuxuu hirgeliyey in Far Somaliga la qabad siiyo Aaladda casriga…

Read More

Qaybtii- 4aad ee sooyaalkii suubanaa ee saldanada Omar Maxamuud &Mudug . Islan Farah Islan Aden Waa aabihii Islan Abdille Wuxuu haystay saldanad xoog badan oo baaxad wayn ku fadhida xaga dhulka & ciidankaba. Islaanka waxaa loolan adag kala dhexeeyey dhinacyo badan , oo saladanadii Daraawiishta & tii hobyoodba lahayd. Waxaa ciidamada Islaanka amaanduulayaal marar kala duwan ka ahaa . Sayidku aakhirkii waxa uu ka doonay Islaanka walaalihii , gabadhii uu doonay Waa diiday oo waxay bah la’ahayd Mohamed Islan Aden .hayeeshee waxaa lasiiyey FADUMO Islan Aden . Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa…

Read More

Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Puntland hal Ceeb,ayaa dul hoganaysa,taasoo ah.. In Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Xubanaha shaqada diiwaangelinta wada ay isku khaldayaan Dadka iyo Degmooyinka. Tusaale” Degmada Qandala Qof iska diiwaangeliyay ayay ku qorayaan in uu iska diiwaangeliyay Degmada Isku-shuban. Khaladkan ma’ahan mid iska dhacay ee wa mid ay si ku talagal ah ay usamaynayaan Gudoomiyayaasha Degmooyinka qaarkood iyo Xubno Shaqaalaha Diiwaangelinta ka mid ah,sida aan xaqiijiyay. Ficilkan,waxuu keenayaa in diiwaangelinta fashil soo gaaro haduu sii socdo oo aan wax laga qaban. Shakiga jira waa in Ururada qaarkood ay ku lug leeyihiin arinkan. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed,ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Mas’uuliyiin ka kala socday Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha,ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo…

Read More

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Laamaha Amniga,ayaa ku geeriyooday Qarax saaka ka dhacay Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Dhamme Jamaal Axmed Jaamac,ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhashay Baabuur uu waday Qof is miidaamiye ah. Jamaal,ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Dowladda ee kaalinta ku leh kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan. Ururka al-Shabaab,ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxan, waxayna intaas ku dareen inuu fuliyey qof is-maadaamiyey oo kooxda ka tirsanaa. Kooxda,ayaa intaas ku dartay in weerarka uu ahaa “holwgal qorsheysan” oo ay la beegsadeen dagaalyahanada Macawiisleyda ee Gobolka ka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Read More

Fadaraalka iyo Xoogagga Deegaanka,ayaa goordhow la wareegay Gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr maalmood kahor ka baxday Degmadaas, kadib sanado badan oo ay Gacanta ku haysay. Sidoo kale Ciidamada iskaashanaya,ayaa la wareegay Gacan ku haynta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Galcad ayaa ku taal dhinaca Koonfureed ee Gobolka Galgaduud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho. Xarardheere waxay u ahayd argagixisada Saldhig muhiim ah iyo Xaruntooda Labaad marka Jilib laga soo tago.

Read More

Ka baaqashadii Deni ee Casuumadii Arooskii Gabadhiisa. Hoos udhigistii Deni hoos udhigay soo dhaweyntiisii Muqdisho. Abaabulkiisa Siyaasada ku dhisan Iririsimka ee Geeska Afrika. Dhaqan Siyaasadeedkiisii soo jireenka ahaa ee uu ku faquuqi jiray Siyaasiyiinta Daarood. Aragtidiisii ahayd Somaliya ka dhigo goob aad Lacag ka samayso oo ku ilaalsato Kursigaaga Jabuti kana dulaasho caalamka. Ismaaciil uyeeridiisa Axmed Madoobe ee igu sawirta wax lagu khaldayo ah waxba kama badali karto Ciyaarta Siyaasada Geeska. Uma leh Sicir Suuqa Siyaasada wax ka goyn kara kamana duwana Axmed Oday Somaliyed oo Ismaaciil soo salaamay. Axmed Awood Siyaasadeed maleh kamana duwana Gudoomiyaha Degmada Afmadow,waxaana masraxa ku…

Read More