Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Baydhabo waa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilka Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed
    Somalia

    Shirka Baydhabo waa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilka Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aan labo u kala qaadno Shirka Baydhabo iyo damacii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe.

    Damacii Xasan iyo Aadan?

    Xasan iyo Aadan Madoobe waxaa la dhihi karaa waxay soo taabteen darbiga oo Labadoodu waxay la hareen ma jirin.

    Xooga dib ugu laabo xasuusta meeshay ka soo bilaabatay.

    Lafta gareen waxaa la galiyay go’doon Siyasadeed,iyadoo lagu abaabulay Shirar isdaba joog ah oo Xamar ka dhacayay.

    Sidoo kake,waxaa lagu aasaasay Madal xoogan oo waliba Hubaysan.

    Waxaa lagu furay Idaacadi Dowlada oo Habeen walba lagu qabanayay Barnaamijyo iyo doodo ka soo horjeeda Madaxweyne Lafragareen.

    Arimahaas waxaa abaabulkooda iyo Kharsh garayntooda bixinaysay Villa Somaliya.

    Laftagareen iyo isdifaaciisii?

    Madaxweyne Lafta gareen markuu nafta u yaabay,ayuu soo saaray Amaro culus oo ay ka mid ahaayeen in cid aan fasax ka haysan maamulka aysan Diyaaraduhu soo qaadi karin.

    tilaabadii xigtay waa tii barigaas xasan iyo itoobiya xooga la isku xumaa boqashadiisii masar.

    Madaxweyne Lafta-gareen,waxuu ka faa’idaystay fursad Siyaasadeed oo ka dhalatay madmadow soo kala dhexgalay Itoobiya iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya.

    Laftagareen,waxuu uduulay Itoobiya,isagoo soo samaystay Dhufays adag iyadoi Ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Baydhabo amar lagu siiyay inay ka amar qaataan isaga.

    Ugu danbayn Lafta-gareen wuxuu fashiliyay Kacdoonkii hubaysnaa,waxuuna Baydhabo ka dhex muuniyay awood.

    Madaxweyne Deni iyo doorkiisii xaalada KG?

    Madaxweyne Xasan,waxuu ka dalbaday Madaxweyne Deni xiligaas in Madaxweyne Lafta-gareen hoos loola hadlo oo uu wax walba waa ogol yahay.

    Markaas Madaxwayne Deni,ayaa Madaxweyne Lafta-gareen Garowe ku casumay hawshiina dhameeyay boqashadiisii Garowe ka dib,ayaa Aadan Madoobe shirkan ku dhawaaqay.

    Shirka dibuheshiisiinta ee Baydhabo?

    Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Aadan
    Madoobe darbiga ayay soo taabteen,wax walba oo ay Madaxweyne Lafta gareen meesha uga saari karaana ma reeban.

    Shirkan,waxaa lagu tilmaami karaa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilkii
    Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed.

    Shirku Haduu amaan leeyahay
    waxaa leh Madaxweyne Lafta gareen oo aqbalay isagoo guulaystay in uu hor fariisto kooxdii kale una ogolaaday in ay Baydhabo yimaadaan.

    Madaxweyne Xasan,wuxuu ku amaanan yahay markuu arkay in uu fashilmay damaciisii guracanaa ee lidka ku ahaa Lafta gareen in uusan khaladkiisii ku sii adkaysan ee uu ka soo laabtay.

    Gunaanad”

    Baydhabo xiligan waa lagu kala adkaaday ee laguma hishiin,waana lays gaadayaa markale.

    Oday Somaliyed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.