Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo la kulmay waxgaradka Gobolka Bari
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo la kulmay waxgaradka Gobolka Bari

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 22, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 22 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

    Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta.

    Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu siinayso Boosaaso oo u ah Puntland xudunta dhaqaalaha, isagoo xusay in Safarka uu ku yimi shaqooyinka qeybta ka ah ay ku jiraan Mashaariic waa weyn oo xariga laga jarayo iyo dhagax dhiga kuwo cusub.

    Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Waxgaradka ka hadlay Kulanka , ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey Shaqooyinka taariikhiga ah ee uu hayo, oo ay ugu horeyso Doorashooyinka hal qof iyo hal cod iyo mashaariicda horumarin ee Degmada Bosaso.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    September 5, 2026

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    September 5, 2026

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    September 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Puntland iyo USA oo iskaashi militari u bilowday siday qortay warbaahinta Maraykanka

    DEGDEG: Ciidanka Laftagareen oo la wareegay qeybo kamid ah Baydhabo

    Maraykanka oo garaacis ku ekeeyay Xeebaha Iran

    Wada shaqaynta Booliska iyo hay’adaha kale Ee Dowlada oo laga Shiray

    Faallo:-Xasan Shiikh oo Somaliya usoo raray loolanka Quwadaha

    Putin oo ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukrain jpojiyo

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.