Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Somaliya oo canbaaraysay Dowlada Sweden
    Somalia

    Dowlada Somaliya oo canbaaraysay Dowlada Sweden

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mid kitaabka qur’aanka kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay magaalada Stockholm.

    Dibadbaxa, oo Sabtidii ka dhacay banaanka safaaradda Turkey ee caasimadda Sweden, ayaa waxaa hoggaaminayey Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark balse sidoo kale haysta dhalashada Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxay si xooggan u cambaareyneysaa in mas’uuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkey ee magaalada Stockholm, Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.”

    Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaado ku yahay xurmada iyo qiyamka Islaamka, islamarkaana aan la aqbali karin.

    “Waa kaliya dhaqan dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, islamarkaana sare u qaadaya nacaybka, una adeegaya ajende xagjirinimo iyo argagixisanimo,” ayey tiri wasaaradda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wadahadalka, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo rabshadaha.

    “Waxay Soomaaliya dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, iyo in laga fogaado hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xurmada iyo caadooyinka Islaamka”Ayey tiri.

    Wasaaradda ayaa ugu dambeyn sheegtay in Soomaaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka qaado naceybka sare usii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.