Warbaahinta caanka ku ah baarista ee Drop Site News oo fadhigeedu yahay USA- Washington ayaa faahfaahin ka qortay Heshiis ku saabsan Iskaashi militari iyo hirgelinta saldhig ciidan oo dhawaan dhex maray Maraykanka iyo Puntland.
The Drop Site News oo xiganaysa ilo sirdoon ayaa sheegtay in Heshiiska dhexmaray Puntland iyo Maraykanka aysan waxba ka ogayn dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana USA sidii dowlad madax-bannaan ula dhaqantay Puntland.
Nuxurka Heshiiskan oo warbixintu ku tilmaantay iskaashi militari ayaa ka kooban hirgelinta saldhig ciidan (Boosaaso), dhisidda iyo qalabaynta ciidamo cusub oo PL ah, keenista agab militari oo casri ah iyo farsamooyinka Tiknoolijiga ku dhisan.
Drop Site News ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale Heshiiskan uu muhiimad gaar ah siinayo La-dagaallanka Argagixisa iyadoo durba Maraykanku mawjado duqeymo ah ka bilaabay Calmiskaad 3 Sep 2026.
Hoos ka akhriso warbixinta oo dhan
