Xasan Shiikh,wuxuu Somaliya dhex istaajiyay loolan quwado Goboleed dhexyaala….
Turki iyo Israa’iil.
Itoobiya iyo Masar.
Sacuudi iyo Israa’iil.
Turki iyo Imaaraad.
Qatar iyo Imaaraad.
Loolanka,wuxuu kusoo aadayaa,iyadoo Somaliya aysan lahayn Dowlad oo aysan jirin siyaasad midaysa iyo dano Qaran oo ka dhaxeeya.
Quwadahan,waxaa ufudud in ay qaybaha Somalida lakala macmiilaan oo danahooda kala xaajoodaan.
Hadii Xamar soo raacday Masaari,waxaa iyaguna soo dhawayanaya Itoobiya PL iyo SL.
Puntland?
Waa u fursad imaanshaha Masaarida,waxaana sii xoogoobaya xiriirka ay la leedahay Itoobiya.
Si la mid faa’idada ay ka heshay Puntland soo gelida Turkiga ee Koonfurta.
