Ufayn, 04 Sebteembar 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Ufayn. Kulanka ayaa ahaa mid is-xogwaraysi ah, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada, adkaynta nabadgelyada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Madaxweynaha ayaa bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay dadka reer Ufayn ka qaateen Hawlgalka Calmiskaad ee ka bilowday deegaannada hoos yimaada degmada. Safarka Madaxweynaha ayaa ku suntan “Guusha Calmiskaad iyo Adkaynta Amniga Gobolka Bari.”
Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Dowladda, maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Ufayn, saraakiil ciidan, la-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland.
–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
