Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn
    Puntland

    Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Ufeyn

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 5, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ufayn, 04 Sebteembar 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Ufayn. Kulanka ayaa ahaa mid is-xogwaraysi ah, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda guud ee degmada iyo deegaannada hoos yimaada, adkaynta nabadgelyada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

    Madaxweynaha ayaa bulshada ku bogaadiyey kaalinta ay dadka reer Ufayn ka qaateen Hawlgalka Calmiskaad ee ka bilowday deegaannada hoos yimaada degmada. Safarka Madaxweynaha ayaa ku suntan “Guusha Calmiskaad iyo Adkaynta Amniga Gobolka Bari.”

    Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha kala duwan ee Dowladda, maamulka Gobolka Bari, maamulka degmada Ufayn, saraakiil ciidan, la-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    October 25, 2026

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    October 24, 2026

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    October 24, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo mamnuucday in hub lagu dhex qaato magaalooyinka G. Mudug

    Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo

    XOG: Khilaaf soo kala dhexgalay mucaaradka Muqdisho, Rooble, Odawaa iyo Guuleed oo la saarayo

    Labo Tallaabo oo laga sugayo Madaxweyne Deni oo kusoo laabtay Garoowe

    Gollaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay hubinta Amniga Ajaanibta

    Liibaan Tahliil oo la wareegay Wiilkii loo xukumay

    Akhriso: Puntland waxay u baahan tahay Isla xisaabtan dhab ah

    WARBIXIN: Dhoofka Dahabka ee Puntland (Cadadka dahabka iyo deegaanada laga soo saaro).

    XOG: Waa kuwee Agaasimayaasha uu xilka ka qaadi doono Deni maalmaha soo socda?

    Ciidanka Laftagareen oo deeq Raashin ah ka qeybiyay Diinsoor










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.