Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil,ayaa magacaabay Guddiga soodhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Aadan Madoobe & Wefti uu hogaaminayo oo ku soo wajahan Puntland 3-da bishan. Halkan ka akhriso:-
Author: Jibril Qoobey.
Wasaaradda Lacagta ee dalkan Maraykanka ayaa cunaqabatayn saartay xubno ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin inay ku lug leeyihiin iibka hubka ee Bariga Afrika, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Maraykanka ayaa sannadkii 2018-da liiska ururrada argagixisada ku daray ururka Daacish ee Soomaaliya. Shaqsiyaadka cunaqabataynta la saaray waxaa ku jira Cabdirahman Maxamed Cumar, oo lagu eedeeyey inuu xubin ka yahay Daacishta Soomaaliya, iyo inuu yahay xubinta ugu firfircoon ee laga soo bilaabo 2020-kii hubka sharcidarada ah kasoo dejiya Puntland, sida ay qortay Reuters. Waxaa sidoo kale cunaqabatayn la saaray Ciise Mohamoud Yusuf,…
Sida uu qoray wargeyska The U.K.’s Guardian, Maamulka Somaliland,ayaa la ogaaday in ay hadyado iyo Deeqo su’aalo la iska waydiin karo uu siiyay Xubno ka tirsan Baarlamaanka UK. Sidoo kale maamulka Somaliland waxuu Lacag ku bixiyay Congress-ka Maraykanka in looga dhex olaleeyo Ictiraafdoonkiisa. Sharci,ayaa la horkeenay Aqalka Congress-ka Maraykanka, kaas oo dhigaya in Maraykanku u aqoonsado Somaliland dal madax-bannaan. Aqalka Odoyaasha Maraykanka,ayaa arinkaas diirada saaray kuna dadaalaya in uusan Sharcigaas kaabaya Aqoonsi helida Gobolka Waqooyi Galbeed ee Somaliya uusan abid meelmarin. Waa wax layska og yahay in Somaliland ku bixiso dhaqaale u olalaynta ictiraafdoonkeeda,waxaase hada cusub in la xaqiijin karo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan Qado ah la qaatay Isimada kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad. Isimada mid walba dan gaar ah,ayuu uyimid Muqdisho,waana mida keentay in ay Madaxweynaha ku kulmaan. Boqor Burhaan,wuu ku hakaday Muqdisho,isagoo socdaal ah. Beeldaajayaashuna waxay ukala yimaadeen Muqdisho arimo Guryo iyo Caafimaad. Waa kulankoodii ugu horeeyay Isimadu ay la kulmaan masuul Siyaasiya ah marka laga soo tago RW Xamse oo booqasho gaar ah ugu tagey Hotelka ay degan yihiin. 16-Nov,ayuu Madaxweyne Deni ku aadan yahay Bosaso hadii rabi…
Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan saakay in ay ku kulmaan Xamar ayay ubadan tahay. Kulanka,waxaa dalbaday Madaxweyne Deni oo ergo udiray Boqorka. Hotel Airport in uu ka dhaco kulankaas,aysy ubadan tahay. Sida muuqata Deni,waxuu qaatay talooyinkii ahaa is furfurid iyo dabacsanaan hogaamin in uu muujiyo.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa sheegay in ay faragelin weyn oo shisheeye lagu hayo wadahadalka socda ee u dhexeeya dowladda iyo maamulka Tigray. Wada hadalada,ayaa hakad galay kadib markii dhanka Dowlada ay ka timid diidmo. Balse Abiy,ayaa sheegay in uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro. Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN),Abiy ayaa sheegay in Itoobiyaanku ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. “Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,”Ayuu yiri Abiy. “Itoobiyaanku waa inay fahmaan inaan arrimaheena ku xallisan karno”…
Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed says there is “heavy foreign interference” in the continuing talks between the government and Tigray administration but remains hopeful a peace pact will be reached. Speaking to the China Global Television Network (CGTN), Mr Abiy said Ethiopians can solve their matters despite international pressure for a ceasefire. “Of course, if there are lots of interventions from left and right, it’s very difficult,” Mr Abiy said. “Ethiopians should understand we can solve our own issues by ourselves.” He also confirmed the federal army’s capture of the Tigray towns of Shire, Axum and Adwa last month from…
Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL, ayaa fadhigii 7-aad ee maanta oo ay goob-joog ahaayeen 54 mudane, ayaa waxay Ansixiyeen xubnaha Maxkamadda sare ee DPL. Waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 53 Xildhibaan, Diidmo majirin, waxaa ka Aamusay 1 Mudane. Xubniha magacownaa ee Maxkmadda sare oo ahaa 7-xubnood ayaa sidaa ku helay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada DPL, Waxaana lagu dhaariyey isla fadhigii maanta ee Golaha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa u socdaalay dalka Algeria, halkaas oo ay uga qeybgali doono shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta. Villa Somalia ayaa baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xalay kusii hakaday magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, isagoo kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Sudan oo ay ka wada-hadleen dagaalka argagixisada. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.” “Madaxweynaha Jamhuuriyadda…
Ruushka,ayaa sii xoojiyey weerarada dhinaca cirka ah ee uu ku bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka Ukraine, gaar ahaan isaga oo waxyeello ballaadhan soo gaadhsiiyey xarumaha korontada iyo biyaha ee caasimadda Kyiv iyo magaalooyin kale oo dalkaas ku yaalla. Weeraradan ugu dambeeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo Ruushku uu ku eedeeyey Ukraine inay weeraro ku qaaday maraakiibta Ruushka ee ku usgan badda madow. Duqa caasimadda Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay caasimaddu inay gooyeen korontadii iyo biyihii qaybo badan oo ka mida magaalada, taasoo keentay in 80% shacabka ku nool caasimaddu inaanay haatan haysan biyihii qasabadda.…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Somaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum. Madaxweynaha,ayaa Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo waftigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.
Muumin Cabdi Shire si maqaam sare leh,ayuu Caawa ula wareegay hogaaminta Booliska Puntland. Waa hogaamiye Ciidan oo daacad ah,Wadani ah,karti leh kana fog musuq iyo Eex Muumin Cabdi Shire. Xaflada Caawa xilka Booliska lagula kala wareegay,waxaa ka muuqatay in Booliska Puntland meel wanaagsan soo gaaray,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga ee kushirsanaa 3dii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa soo saaray. 1- Somaliland ayaa loogu baaqay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida. 2- Waxaa ganacsatada Puntland ayaa lagu bogaadiyey dhismaha dekeda Garacad & Iskudayga Dimuquraadiyadda. 3- In mudnaan gaar ah lasiiyo dhameystirka Dastuurka, gaar ahaana qodobada Siyaasiga ah, lagana wada hadlo oo dhinacyada siyaasaddu ka wada tashadaan. 4- Golaha ayaa isku raacay in la dhameystiro guddiyada Dawlad gobaleedyada si loo dhameystiro dhameystirka Dastuurka. 5- In dalka laga dhaqangaliyo Nidaamka asxaabta badan, Codbixiyaal diwaangashan, doorashooyin Dimuquraadi ah. 6- In dalka oo dhan laga hirgaliyo 2 doorasho, Mid heer Federaal…
Halkan ka daawo muuqaalka
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u yeeray xubnaha cusub ee dhowaan loo magacaabay Maxkamadda Sare ee Puntland, si loogu qaado codka kalsoonida ah. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo saaka yeeshay kulankoodii 6-aad ee Kalfadhigga 51-aad, ayaa cod galiyay soo jeedin ka timid Guddoonka Golaha Wakiillada, oo ahaa in berri cod loo qaado xubnaha magacaaban ee Maxkamadda Sare. Xildhibaano gaaraya 37 oo kamid ahaa 41 Xildhibaan oo xaadiray kulanka maanta, ayaa u codeeyay in berri ay yimaadaan xubnaha Maxkamadda Sare Baarlamaanka hortiisa. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan isbedel ku sameeyay Xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kaddib markii ay Baarlamaanka Puntland horey…
Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayey Madaxa mashuurca Horumarinta degmooyinka JPLG ee Soomaaliya, Paul Simkin oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socday UNJPLG . Waxaa Kulanka looga hadlay dar-dargelinta mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyada oo diiradda la saarayo fursadaha iyo caqabadaha jira iyo qorshaha looga gudbayo marka uu dhammaado wejiga hadda socda ee Mashruuca.
Ciidanka maamulka Somaliland ayaa maanta gudaha u galay degmada Boocame ee gobalka Sool, oo horey ay ugu sugnaayeen Ciidammo katirsan Booliska iyo kuwa Difaaca Puntland. Wararka ayaa sheegay in maleeshiyaad kasoo jeeda Sool, ee ka mushaar qaata Somaliland oo gudaha u galeen magaalada ayna ku sugnaayeen saacado kooban. Maleeshiyaadkii galay Boocame ayaa dib uga baxay magaalada, waxaana jira kulamo ay la yeesheen waxgaradka deegaanka oo ay isku beel yihiin. Boocame ayaa kamid ah degmooyinka Sool ee gacanta Puntland ku jiray. Xukuumadda ayaa dhowaan shaacisay inay ku jirto Boocame 37 degmo ee la qorsheynayo in horaanta sanadka 2023 laga qabto doorashooyinka…
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Dawladda Soomaaliya ayaa aroornimadii saaka xukun dil ah ku fulisay saddex kamid ah maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab. Xubnaha xukunka lagu fuliyay oo ahaa Rag, ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow. Raggan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay ku heshay inay qaraxyo ku dileen Shacab iyo Masuuliyiin kale, waxa ayna Fulin Sugayayaal ahaayeen ilaa 2019.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaariijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraabanaya. Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.Waxaa kale…
Si qurxoon leh maqaam sare oo nidaam Dowladeed ah,ayaa loola kala wareegay hogaaminta Booliska Mudug. Muumin meel hoose,ayuu kasoo qaaday Booliska Mudug,waxuuna keenay muuqaalka muuqda. Talyaha cusub,waxaa laga rabaa in uu halkaas kasii anba qaado. Muumin oo loo dalacsiiyay hogaaminta Booliska Guud ee Puntland,waxaa loo filayaa in uu ka sameeyo isbadalka uu ka muujiyay Mudug. Halkan ka daawo muuqaalka
Munaasabada Xilwareejinta Taliyaha Cusub ee Qeyta Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtey Magalada Galkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ,Duqa Degmada Galkacyo,Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida,Talyaha Ciidama Daraawiishta Gobolada Mudug,Cayn iyo saraakiil kale,ayaa maantay ka qaybgalay munaasabada xil wareejinta Talyaha cusub ee qaybta Booliska Gobolka Mudug . Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf Talyaha cusub,waxaa xilka ku wareejiyay Ayax Maxamuud Aadan oo ahaa ku-simaha Talyaha Qaybta Booliska Gobolka .
The two car bombs that exploded at Somalia’s education ministry, next to a busy market intersection, killed at least 100 people and wounded 300, President Hassan Sheikh Mohamud said on Sunday, warning the death toll could rise. Mogadishu’s K5 intersection is normally teeming with people buying and selling everything from food, clothing and water to foreign currency and khat, a mild narcotic leaf, but it was quiet on Sunday, when emergency workers were still cleaning blood from the streets and buildings. Saturday’s attack was the deadliest since a truck bomb exploded at the same intersection in October 2017, killing more…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5. Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan: Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka GuddoomiyeDr. Maxamed Axmed Sh…
Garoowe: 30,October,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 5-aad, Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta ayaa waxaa warbixino looga dhageystay 4 Guddi oo kala ah. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka.Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ee Golaha Wakiillada DPLGuddiga Howlaha guud, Gaadiidka, Ganacsiga & Kaabayaasha Dhaqaalaha.Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Arrimaha Qoyska $ Horumarinta Haweenka. Guddiyadda ayaa soo jeediyay warbixin la xiriirta dhammaan Kormeerada ay ku tageen Wasaaradaha, Hay’adaha Dawladda iyo socdaalkii U Kuur-gelida Gobolada…
Ugu yaraan 100-Qof,ayaa ku geeriyooday halka 300-Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen labadii qarax oo Baabuurta loo adeegsaday. Waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Madaxweynaha Fadaraalka Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha,ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u soo diraan Dhaqaatiir iyo Agab Caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada. Si la mid ah Madaxweynaha,ayaa ku booriyay shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan Dadkii ku dhaawacmay weerararadan. Xasan Shiikh,ayaa ballanqaaday in Waxbarasho lacag la’aan ah uu siin doono Carruurihii ay ka tageen Dadkii ku le’eday weerarradii Shalay iyo kuwii ka horeeyay ee Al-shabaab. Jibril Qoobey.
Muqdisho, Oktoobar 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee argagixisada Khawaarijta Al-shabaab ay maanta ku gumaadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas. Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadan argagixiso ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey. “Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta…
Si Qaran,ayaa loo xakameeyay wararkii been abuurka ubadnaa ee Baraha Bulshada yaaci jiray markii Qarax dhaco. Wararkaas waxay ukala qaybsanaayeen kuwo ay Sadex jiho kala maalgalinayeen… 1.Kuwo N&N haraadigeedii ay maalgelinayso. 2.Kuwo Argagixisadu maalgelinayso. 3.Kuwo lagu raadinayo daawasho ama akhris. Amaradii horay usoo baxay wax weyn ayay ka tareen xakamaynta Wararka wax yeeli jiray Amniga. Meel aan Somaliya ahayn oo Wararku faaf reeb aysan lahayn kama jirto caalamka. Saxaafada caalamku waa mid iyadu masuul ah,Wadaniya oo Dalka iyo Dadka udamqata ama mid laga masuul yahay oo la xakameeyo. Caasimadaha Caalamka marna Bulshada si sax ah loolama wadaago khasaaraha dhaca ee…
Kuuriyada Koonfureed isbuurashadii dabaaldega Halloween,waxaa ku dhintay 120-Qof,waxaana ku dhaawacmay 100-kale. Wadan sida Kuuriyada Koonfureed oo kale uhorumarsan in uu dabaaldeg nidaamin waayo dad badan kaga le’daan waa nasiibdarro. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka Wadamada Carabta ee ka furmay Aljeeriya. Maanta waxaa dhacay Shirkii Wasiirada Jaamacada Carabta. 31-ka,waxaa furmaya Shirka Madaxda Carabta oo ah mid ka duwan kuwii hore oo Indhaha lagu wada hayo. Somaliya,waxaa ku matalaya Wasiirka Arimaha dibada,iyadoo Beri uu gaarayo Madaxweyne Xasan.
Sida la filayo Qodobadan,ayaa qayb ka noqon doona Warmurtiyeedka kasoo baxaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. 1.Dhamaystirka Dastuurka oo hada meel gabo gabo ah maraya,ayaa laysla gartay in la dhamaystiro inta harsan. 2.Dagaalka Nabad diidka,ayaa lagu heshiiyay in guluf balaaran oo wada jir ah lagu qaado. 3.Qaybsiga khayraadka,ayaa Gudi in loo saaro lagu balamay lana dhamaystiro habraaca dhiman mudo kooban lagu dhameeyo. 4.Isku xirka Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,ayaa lagu heshiiyay. 5.Abaaraha,ayaa lagu heshiiyay in gurmad lawada gaarsiiyo Dadka Abaarahu saameeyeen,dakhliga iyo Raashinka lahayana loo jiheeyo meelaha Abaartu saamaysay. Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka…
Muqdisho, Oktoobar 29, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay shanti cisho ee la soo dhaafay si wada jir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka tarjumaysa dhibaatada iyo xanuunka khawaarijtu ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban. “Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab…
Madaxweyne Deni kama qayb galin kulanka ku darsashada Halka Sano,waxayna wararku sheegayaan in uu soo jeediyay in aan lag⁹u deg-degin arinkaas,Madaxweynaha Fadaraalkuna ayiday aragtida Puntland. Puntland raali kama ahan wax ku darsasho ah oo ka hirgala gudaha Puntland iyo Guud ahaan Somaliya”sidaa waxaa ii xaqiijiyay Xubin muhiim ah oo ka mid ah weftiga PL. Waxaa laysku raacay in aan lagu soo darin War murtiyeedka mudo kororsiga Madaxda DG qaarkood soo jeediyeen maadaama wakhtigan xaalad dagaal lagu jiro. Madaxweyne Deni Beri in uu kusoo laabanayo Puntland ayay wararku sheegayaan halka Madaxweynaha Fadaraalku udhoofayo Shirka Jaamacada Carabta ee Aljeeriya. Jibril Qoobey.
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta goobaha diiwaangalinta iyo Seejooyinka codbixinta Garowe,ayaa kulumo wacyigalin iyo kala warqaadasho ah la qaatay Guddoomiyaasha iyo masuuliyiinta Kaamamka Garowe. Halkan ka daawo muuqaalka
Shir jaraa’id oo gor dhawed uu ku qabtay magaalada Muqdisho afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, ayaa waxa uu faah-faahin kaga bixiyay qaraxyadii maanta ka kala dhacay agagaarka wasaaradda waxbarashada iyo isgooyska Soobe. Wuxuu sheegay in dad rayad u badan ay dhibaato soo gaartay hase-yeeshee ilaa iyo hadda waxaa socda tirakoobka khasaaraha dhimasho iyo kan dhaawac ee ka dhashay qaraxydaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Weerar loo adeegsaday laba Gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay,ayaa lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasaarada Waxbarashada,ayaa xarunteedu ku taallaa inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir. Goobjoogeyaal,ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Laba Qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado. Qaraxa,ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac, laakin lama oga khasaaraha rasmiga ah. Mas’uuliyiinta amniga aysan wali ka hadlin. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, laakin inta badan qaraxyadan ceynkan ah,ayaa waxaa geysta kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka Nabad diidka+Mansabka Nabadiidka iyo Abaal marintiisa Mustaqbalka??!! Axmed Madoobe iyo Rooboow oo haysta Mansab iyo Dhaqaale,iyagoo qoslaya oo Sacab loogu xoojinayana ay fadhiyaan Shir Hotel qurux badan lagu qabtay saw dhiirigelin uma noqon karto xagjirnimada iyo laynta Shacabka in lagu fuulo maqaam sare? “In aan laga qoomamayn waxii dhacay oo si fudud loo ilaawo lagana qaado farxad iyo qosol waa fariin si kale ah,waxay ahayd ugu yaraan in Axmed iyo Rooboow meel dhaqancelin ah oo gaarka ah lagu hayo”Ayay qabaan Dad badan. Mukhtaar Rooboow oo ahaa Afhayeenkii Argagixisada,ayaa ku tilmaamay Qaraxyo lala beegsaday Arday oo ay ku naf waayeen…
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada DPL. Ajanadaha kulanka oo ahaa dhageysiga warbixinnada Guddiyada, ayaa waxaa warbixinno ka jeediyey Golaha Guddiyada kala ah: 1) Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa. 2) Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka. 3)Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. Warbixinnada ayaa ku saabsanaa kormeerro iyo xog ururin ay Guddiyadu ku soo sameeyeen hay’addaha Dawliga ah ee ay korjoogtada ku leeyihiin. Halkan ka daawo muuqaalka DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta…
Donald Trump,ayaa si kulul u dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka, markii ay ka xirtay account-kii uu ku lahaa, iyadoo loo cuskadey arrimo ammaan. Ka dib rabshadihii ka dhacay Capitol Hill-ka, shirkadda Twitter-ka, ayaa sheegtay inay ka joojisay Donald Trump in farriimo galiyo bartooda, taasoo loogga gol leeyahay “sababo loogga hortagayo khatarta hurin colaadeed”. Trump,ayaa dacweeyay Twitter-ka, isagoo ku tilmaamay waxa ay kula kaceen wax ka baxsan ” faafreeb”. Si kastaba ha ahaatee, ka joojinta “joogta ah” ee Trump dhanka shirkadda Twitter-ka, ayaa haatan waxay u eg tahay mid aan la hubin. Elon Musk, ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray inuu soo bandhigi doono…
Waxay ubadan in is afgarad laga gaaro Qodobka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah oo qayb ka ah Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda. Puntland oo Udub dhexaad u ah dooda qaybsiga khayraadka,ayay ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan in ay Dowlada Dhexe umuujisay dabac doodeeda. Arimaha ku Aadan Shidaalka ee Puntland looga dabcay,waxaa ka mid ah… 1.In dib U Eegis lagu sameeyo Qodobo ka mid ah heshiiskii Baydhabo. 2.In Puntland keensato Shirkada samaynaysa Xogta Shidaal ee Xeebaheeda,iyadoo heshiiska la marsiinayo nidaamka Fadaraaliga ah. 3.In Xubin loogu daro Gudiga Shidaalka Qaranka. Maalmaha soo socda ayay Wasiirada Shidaalku fariisan doonaan soona saari…
Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amniga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid “ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka “axmaqnimada” ah ee uu ka wado dalka Ukraine. “Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu waa dalka keliya ee tartan xooggan kula jira Maraykanka, marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaabeeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo”Ayuu yiri xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka. Sarkaal sare oo…
Ninka Caalamka ugu Taajirsan Elon Musk,ayaa twitter-ka ku iibsaday $44 Bilyan oo dolar,isla markiiba,waxuu shaqadii ka eryay masuuliyiintii ugu saraysay,isagoo isku magacaabay Agaasimaha Twitter.
Qodobka Amniga waxay ubadan tahay in laysku raaco oo uu kasoo baxo heshiis,sida noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya. Arimaha la filayo in laysku raaci,ayaa waxaa ka mid ah…. 1.Joojinta hawlgalka Macawisleyda. 2.Hawlgelinta Ciidamo isku dhaf ah. 3.In laysku keeno Ciidan 6000 oo Askari ah. 4.In Taariikh isku mar ah guud ahaan Dalka laga bilaabo hawlgalka la dagaalanka argagixisada. Hawlkaas,waxaa taageeri doona dhaqaalaha ku baxaya Beesha caalamka,gaar ahaan Maraykanka. Hubka la isticmaali doono,waxaa Dowlada Fadaraalka loo fasaxay in ay toos uga soo iibsan karto Itoobiya. Puntland hawlgalka” 1000-Askari,ayay ku daraysaa Ciidamada 6000 ah ee bilaabi doona hawlgalkaas. Waxay qaybteeda…
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee mudadiisii shaqo ee Somaliya ay soo idlaatay,ayaa Madaxweyne Deni sagootiyay saakay. Swan,wuxuu ku soo beegmay xiligiisii shaqo wakhti adag. Xaqiiqdii,wuxuu sameeyay isku miisaamid Xukuumaaddii dhibka badnayd iyo Mucaaradkii hubaysnaa. Mararka qaarkood waxaa lagu eedeeyay in uusan si adag uga hortegin damacii Farmaajo. Balse,wuxuu maalulayey safaarado kala aragti duwan oo dhib badan iskuna khilaafsan arrimaha Somaliya. Waxaase laysla qirsanaa in uu ahaa Diblomaasi adag oo khibrad weyn lahaa. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo usoo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha bani’aadantinimo…
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee qiimaynta goobaha diiwaangalinta iyo Seejooyinka Degmada Bander-Bayla ee Gobolka Karkaar,ayaa Kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo masuuliyiinta Degmada. Guddiga ayaa masuuliyiinta Degmada iyo Bulshada uga warbixiyey Safar kooda shaqo iyo guud ahaan Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland. Qaybaha kala duwan ee Bulshada Bandar-Bayla,ayaa aad usoo dhoweeyey Doorashooyinka Qof iyo codka ah ee Golayaasha Deegaanka Puntland. Jibril Qoobey.
Qiimaynta Goobaha diiwaangelinta iyo Seejooyinka Cod bixiyayaasha oo Garowe si habsami leh uga socda. Halkan ka daawo muuqaalka
Waxgaradka Deegaanka Reemeti oo canbaareeyay falkii halkaas ka dhacay iskana fogeeyay in ay qayb ka ahaayeen. “Reemati waxay diyaar u tahay Doorasho Qof iyo Cod ah” Ayay yiraahdeen Waxgaradka hadlay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Si gaar ah ayay isku arkeen Madaxweyne Deni iyo Ra’isalwasaare Xamse Xalay. Majirto wax farqiya oo udhaxeeya ama khilaaf ah xiligan. Dhawaana,waxa uu imaandoonaa Puntland Ra’isalwasaare Xamse. Khilaafka muuqda ee dhexyaal Labada Madaxweyne ee Axmed iyo Deni saamayn kuma laha Bulshada PL iyo JL. Siyaasiyan ayay si gaar ah isku qaniineen iskagana baxeen balamo kaligood isla ogaayeen. Waa muhiim Gaashaanbuurta Siyaasadeed Puntland iyo Jubaland.
Islaan Ciise waa diiday qorshihii Aaran-jaan+Faroole. Islaanku,waxuu ku yiri si cad”Doorashada Golayaasha Deegaanku ha qabsoonto kadibna aan aragno waxii ka danbeeya”. Islaan Ciise intaas markuu usheegay waa kasoo tagey Eyl iyo Shirkii Aaran +Faroole. Horay,waxaa udiiday Shirka Eyl Suldaan Garaase. Sida muuqata Labada Isin ee Gobolka Nugaal ugu miisaanka culus waa ka hor yimaadeen qorshaha Aaran+Faroole ee fashilinta Dimuqraadiyaynta. Jibril Qoobey.
Abwaan Jibriil Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ma waxuu qayb ka yahay Xubnaha xagal daacinaya Dimuqraadiyaynta? Ma’ahan wax iska caadiya in Ajandaha Kal-fadhigan ee Golaha lagu soo daro uyeerida Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Tpec. Waxaa jira Xildhibaano Lacag lagu siiyay in ay abaabulaan Mooshin ka dhan ah W.Arimaha Gudaha iyo Gudiga Doorashada. Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland waxay si weyn ugu xiran yihiin ama usoo dhaqaalaystay Maxamuud Shido,sida ay xaqiijinayaan Xildhibaano ka gaabsaday in ay toos uhadlaan. “Waa muhiim in Abwaan Jibril mawqifkiisa Dimuqraadiyaynta ay cadahay,isla markaana ay meesha ka baxdo wal-walka uu ka qabo Kursigiisa mustaqbalka hadii Cod…
Bayaan dhawaan kasoo baxay Mareykanka, oo lasoo dhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Washington,ayaa lagu shaaciyay Magacyada Rag mas’uuliyiin sarsare ka ah Al-Shabaab oo lagu daray Liiska argagixisada. “Dowladda Mareyknaku waxay si adag ugu taagan tahay waddada ay ku caawineyso dadaallada dalalka Bariga Afrika iyo Midoga Afrika hoggaaminayaan ee la dagaallanka khatarta Al-Shabaab, oo ka mid ah ururrada ugu halista badan ee hoos taga Al-Qaacida, oo dilay kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareyakan ah oo lagu laayay Soomaaliya iyo Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ragga magacyadooda la xusay ee lagu daray liiska argagixisada ayaa u muuqda…
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi, halka laba qof oo kale oo mayd laga soo saaray badda. Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Talaadadii ka timid khadka isgaariinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta. Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin…
Kooxda Aaran iyo Faroole,waxay iskugu tageen Eyl kadib markii Garowe uu buuq uga furmay. Yaa tagey Eyl? Eyl,waxaa Hotel ka dhistay Faroole,waxaana lagu gabaday xarig jarka Hotelkaas,waxaana iskugu tagey Raga kala ah… 1.Faroole2.Maxamud Shido.3.Xasan Shire.4.Cabdi Yare.5.Aadan Dolar6.A.Caydiid.7.Jaamac Dhaga-dheere. Waxay uyeerteen Islaan Ciise si loo heshiisiiyo Faroole oo xurguf kala dhaxaysay qaybna looga galiyo qorshahooda. Suldaan Garaase waa ka cudurdaartay utagistooda,waxaana saamayn ku yeeshay Siyaasiyiinta kale. Hadafkoodu muxuu yahay? Waxay diyaarinayaan qorshe balaaran oo ay uga hor tagayaan 15-Nov Diiwaangelinta la filayo in ay dhacayso. 1.Faroole 10-Gaari oo Tiknika ah. 2.Xasan Shire 10-Gaari oo Tikniko ah. 3.Cabdi Yare 10-Gaari Tikniko ah.…
Shirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,Gobolka Banaadir iyo Dowlada Dhexe,waxaa furay Madaxweynaha Fadaraalka ah Xasan Shiikh Maxamuud. Qodobada looga hadlayo,waxaa ka mid ah… Amniga DalkaDagaal Shabaab ka dhan ka ah. Ajandaha Shirka weli lama ansixin si rasmi ah. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka,waxaa ka soo qeyb galay.. 1.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. 2.Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac. 3.Madaxweyneyaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. 4.Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed. 5.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. 6.Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseyn. 7.Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. 8.Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseyn Jimcaale.
Dowlada Koonfur Afrika,ayaa hoos u dhigtay digniinta safaaradda Mareykanka ee ku aaddan khatarta suurtagalka ah ee weerar argagixisanimo in uu ka dhaco Todobaadkan dhamaadkiisa Johannesburg. Safaaradda Mareykanka ayaa arbacadii kula talisay shaqaalaheeda in ay ka fogaadaan isku imaatinka Dadka faraha badan Aagga weyn ee Sandton Johannesburg. Madaxtooyada Koonfur Afrika oo ka jawaabaysa digniinta Maraykanka,ayaa tiri.. “Waa xiriir caadiya oo Dowlada Maraykanku ay la leedahay Muwaadiniinteeda kuna siiso xogaha amni ee markaa laga baqsan yahay”. Madaxtooyadu waxay si xoog badan ucadaysay in Ciidamada amaanka ee Koonfur Afrika mas’uuliyad ka saaran tahay ciidamada sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka iyo badbaadada dhammaan…
South Africa has appeared to downplay a warning by the US embassy of a possible threat of a terrorist attack over the weekend in the commercial hub, Johannesburg. The US embassy on Wednesday advised its staff to “avoid crowds of people and other large public gatherings in the greater Sandton area of Johannesburg”. In response, the South African presidency noted the US’s “terror alert” was part of “the US government’s standard communication to its citizens”. The presidency said it was the responsibility of the South African security forces to ensure security and safety for all people in the country. It said law…
Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhigga 51-aad ee Golaha, kaas oo ay shalay ansixiyeen Xildhibaanadu. Ajandaha oo ka kooban 13 qodob ayaa uu Goluhu ku shaqeyn doonaa inta uu socdo Kalfadhigga 51-aad, waxaana kamid ah u yeerida Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa, si wax looga weydiiyo soohdimaha degmooyinka ee dhowaan ay shaacisay Wasaaraddu.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
MADAXWEYNAHA JFS OO MAGACAABAY LATALIYAHA SARE EE ARRIMAHA DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOWLAD-WANAAGGA Muqdisho, Oktoobar 26, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdirisaaq Cismaan Xasan “Juurile” in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si…
Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf. Xaqiiqdii waa Nin Dhalinyaro oo firfurcoon kuna soo jiray Ciidanka ilaa hanqaadkiisii. Waxuu ahaa hada Talyaha Rugta Ilaalada Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Garowe ilaa Dowladii Gaas. Waxaa dhalay Talyihii Qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseyn oo hada ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Mudug waa Gobol muhiim u ah Amniga Puntland oo hada lasoo dhisay Laamihiisa Amaanka. Inkastoo Muumin laga soo kaxeeyay hadana in hogaanka Booliska Puntland loo dhiibo waa fursad weli Mudug ilaalinaysa. Muumin,waxaa looga fadhiyaa in uu si gaar ah Isha ugu hayo Mudug oo ah taariikhdiisii…