Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mileteriga Itoobiya oo gudaha ugalay Magaalada Adigrat Ee Gobolka Tigreega
    Somalia

    Mileteriga Itoobiya oo gudaha ugalay Magaalada Adigrat Ee Gobolka Tigreega

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Dowladda Itoobiya,ayaa gudaha u galay magaalada Adigrat ee ku taalla waqooyiga halkaasoo ay heysan jireen Ciidamada Maamulka Tigray.

    Ciidamada,ayaa gudaha ugalay magaalada iyagoo lugeynaya halka qaarkoodna ay saarnaayeen Basas iyo Baabuurta Militeriga.

    Fitsum oo ah kamid dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay deggan tahay.

    “Markii hore waxaan dareenay cabsi la xiriirta wixii hore halkan uga dhacay balse wax dhibaato ah ma dhicin”.

    Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Itoobiya ama mas’uuliyiinta Tigray oo ku aadan ciidamada gudaha u galay magaaladan.

    Ciidamada dowladda,ayaa lagu wadaa inay la wareegaan saldhigyada Militeriga iyo xarumaha kale ee amniga.

    Qeybo kamid ah Tigray waxaa dib loogu soo celiyay adeegyadii korontada, isgaarsiinta iyo bangiyada kadib heshiiskii dhexmaray dowladda iyo Tigray kasoo lagu soo afjaray colaadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.