Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamo cusub
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamo cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 17, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 17 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan.

    Madaxweynaha ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Argagixisada, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Dowladda Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Cadowga.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday qodobadda Dastuuriga ee ay Puntland ku diiday in ay saxiixdo Heshiiskii Muqdisho, oo ay ugu horeyso Guddiga loo saaray si ay u diyaariyaan wada xaajoodka Arrimaha Federaalaynta Dalka.

    Maadaama ay ka socoto Gobollada Bari, Gardafuu iyo Karkaar, isdiiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha Deegaanka, Madaxweynuhu wuxuu boggaadiyay Shaqada Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Ciidanka Amniga , Ururada Siyaasadda iyo ka qeybgalka diiwaangelinta ee Bulshada saddexdaasi Gobol, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobollada kale ee Puntland in ay iyana isu diyaariyaan Isdiiwaangelinta.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Iran oo ay ubadan tahay in heshiiyaan

    April 16, 2026

    Maraykanka oo xayiray Saliidii Iran Ee Shiinaha aadaysay

    April 16, 2026

    Faallo:-Saamaynta Shiinaha Ee Soomaaliya

    April 16, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Iran oo ay ubadan tahay in heshiiyaan

    Maraykanka oo xayiray Saliidii Iran Ee Shiinaha aadaysay

    Faallo:-Saamaynta Shiinaha Ee Soomaaliya

    In ka badan Boqol Xildhibaan iyo Seneter Oo soo saaray Baaq

    Puntland oo Xasan Shiikh ugu baaqday in uu qabto Shir Deg-deg ah

    Trump oo Xabad joojin dhexdhigay Israa’iil iyo Lumnaan

    Somaliland rejects Somalia’s claims over its diplomatic engagement with Israel

    Dowlada Israa’iil oo Safiir usoo dirsatay Somaliland

    Beesha caalamka oo udigtay Maamulka Xasan Shiikh

    Maraykanka oo xiray Marinka Hurmus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.