Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey.
Somaliya ma qaadi karto masuuliyada Ciidan Mileteri oo si weyn loo qalabeeyay. Ciidan kooban oo haysta Qalab xadidan kuna filan sugida Amniga gudaha iyo Xuduudaha ka badan uma baahna Somaliya. Markii la qiimeeyo sida aan ufakarno,xagjirnimadeena,fahankeena Diinta,Wadaniyada iyo Dowladnimada ma nihin Bulsho awood Gacanta loo gelin karo. Waxaa khatar isku ah Anaga dhexdeena,isla markaana,waxaan khatar ku nahay Gobolka iyo Caalamka. Dhalinyarada Eretereya waxay ku fiican tahay in kala bar loo abuuro Shaqooyin gaar ah oo Ciidanimada dib looga celiyo. Cunaqabataynta Hubka waa badbaadada ugu weyn ee Somaliya ay haysato si aan ukala badbaadno Aduunkana nooga badbaado. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas, dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda dhismaha ciidanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno ka…
Maamulka Taliban,ayaa ka mamnuucday haweenka inay tagaan dhammaan jardiinooyinka ama xadiiqooyinka ku yaalla magaalada Kabul, iyadoo ay muuqato inuu maamulku kahor tagayo in qeyb ka noqdaan haweenka nolosha guud ee dalka Afgaanistaan. Afhayeen u hadlay wasiir ku-xigeenka iyo wanaag farista, ayaa sheegay kuwa maamulaya seeraha ama goobaha la isugu yimaado ee caasimadda in loo sheegay inaysan u ogolaanin haweenka. Kooxdu waxay ku andacoonaysaa in aan lagu dhaqmin sharciyada Islaamka ee jardiinooyinka. Xuquuqda iyo xoriyada haweenka, ayaa si weyn loo xaddiday, tan iyo markii ururka u janjeera dhanka Islaamka ee Taliban uu la wareegay awoodda dalkani bishii Ogosto ee sanadkii 2021-kii.…
Dowladda Qatar ay oggolaatay in duulimaadyo toos ah gaar ah uga imaan karaan Israel, kuwaas oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida ayuu sheegay xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA Khamiistii. Laakiin heshiiska,ayaa bixiyay faahfaahin yar oo ku saabsan sidii ay hal diyaar ugu safri lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta oo tobannaan sano dagaal ka dhexeeyay, kuwaas oo hadda uga safraya koobkii ugu horreeyay ee lagu qabto dal Carbeed. “Ku dhawaaqidda taariikhiga ah ee maanta ayaa bixisay gogol lagu hagaajinayo xiriirka bariga dhexe oo dhan,” ayuu yiri Gianni Infantino, guddoomiyaya xiriirka K/cagta ee FIFA. “Heshiiskan,…
Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo wakiillada gobolka Tigray ayaa wakhti dheeri ah lagu daray, iyadoo taliyayaasha ciidamada ay ka shaqeynayaan tafaasiil ku saabsan hub ka dhigista ciidamada Tigrayga kadib laba sano oo colaad ah. Sarkaal la socda wadahadalladan oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aan loo oggoleyn inuu ka hadlo arrinkan, ayaa xaqiijiyay wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray socoshada shirkan Khamiistii. Wadahadalladii Isniintii ka furmay Kenya ayaa lagu waday in la soo afjaro Arbacadii. Wadahadallada uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa daba socda saxiixii todobaadkii hore ee “xabbad-joogtinta rasmiga ah” ee colaadda…
Lusaka : 11 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Inta uu ku suganyahay Dalka Zambia wuxuu Madaxweynuhu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi, Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku sugan yihiin kumanaan askari oo Soomaali ah. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in madaxweynaha uu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay goor sii horreysay soo saartay ku tiri “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.” Sida ay sheegtay Villa Somalia, Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Eritrea Isias Afwerki la…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Maalinka Berri foog ah Sadex Saac Subaxnimo,ayuu ku Aadan yahay Zambia. Sabtida,waxuu kulan la qaadanayaa Waxgaradka,Ganacsatada iyo haldoorka Bulshada Somalida Zambia. Axada,waxaa loo qabanayaa Xaflad balaaran oo uu kula hadlayo Jaaliyada Somalida. Isniinta,ayuu ka anba baxayaa ugu danbayn Zambia. Soo dhaweyn maqaamkeedu sareeyo ayay udiyaarisay Jaaliyada Qaniga ah ee Zambia.
MADAXWEYNAHA JFS OO DIB U HABAYN KU SAMEEYAY GOLAHA DHAQAALAHA QARANKA. Muqdisho, Nofeembar 10, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62. Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer: 1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo…
Dowlada Imaaraadka Saldhigeeda rasmiga ah ee ay ku yeelanayso Somaliya,waxuu noqday Bosaso. Xaruntii Ciidamada Badda Puntland,ayay si weyn u balaarsadeen kana dhigteen fariisinkooda. Qalabkii horay ay uga rarteen Muqdisho xiligii Dowladii Farmaajo oo ay udaabuleen Berbera ayay dib ugu soo daabuleen Bosaso. Waxay kaloo kusoo siyaadiyeen Qalab kale oo casri ah oo qaybna ay soo gaartay Bosaso qaybna soo socoto. Qunsuliyada” Saldhigan,waxaa qayb ka noqonaya Qunsuliyad ay degi doonaan dhamaan qaybaha kale ee Safaarada Imaaraadka marka Safiirka oo Xamar fadhiyi doona laga reebo. Qaybta Visa bixinta,Arimaha Ciidamada iyo Wardoonka,ayaa ka mid noqonaya qaybaha Qunsiliyada Bosaso fadhiyi doona Ciidanka Badda PL?…
Meta, oo iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa ku dhawaaqday inay dhimayso 13% shaqaalaheeda. Shaqo ka eryiddaan oo ah tii ugu horreysay ee taariikhda shirkadda ayaa keeni doont in 11,000 oo shaqaale ah, oo ka soo jeeda tirada guud ee adduunka oo dhan 87,000, ay waayaan shaqooyinkoodii. Madaxa fulinta ee Meta ayaa mar uu ka hadlayay shaqaale dhimistan waxaa uu yiri ” waa isbeddelkii ugu adkaa ee aan sameynay taariikhda Meta”. Arrintaan ayaa daba socota, tallaabooyin shaqo joojin ah oo waaweyn oo ka dhacay shirkadda Twitter-ka, iyadoo shaqada laga eryay kala bar shaqaalaheeda, iyo shirkadaha kale eoo dhanka teknolojiyadda…
Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay Arbacadii in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars. “Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto,” ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sirdoonka ee Iran. “Haddii Iran ay go’aansato inay ka aargoosato oo ay ciqaabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa dumi doona, dalalkani ma heli doonaan xasillooni dambe.” ayuu yiri Khatiib. Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay ‘cadaw…
Moscow,ayaa amar ku bixisay in ciidamadeedu ka baxaan meel u dhow magaalada istaraatiijiga ah ee koofurta Ukraine ee Kherson, taasoo ku timid guuldarro soo gaartay, iyadoo Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka uu ku qiyaasay in khasaaraha Ruushka ee dhimasho iyo dhaawac uu ka badan yahay 100,000 oo tan iyo markii uu deriskooda weeraray bishii Febraayo. Wasiirka difaaca Sergei Shoigu ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamada Ruushku ay ka baxayaan daanta galbeed ee wabiga Dnipro ee u dhow Kherson taas oo noqon karta goob dagaal. Ukraine ayaa si taxadar leh uga jawaabtay ka bixitaanka ciidanka Ruushka, iyadoo xustay in qaar ka…
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Shariif Cabdisalam Sharif Xuseyn, iyo wefti uu hoggaaminayey,ayaa Magaalada Niamey ee Dalka Niger kaga qeyb-galay shirka Wasiirada Wasaaradaha Warshadaha iyo Dhaqaalaha ee dalalka Afrika. Shirkaas oo uu soo qaban-qaabiyey Midowga Afrika,ayaa looga hadlayey horumarinta iyo sare u qaadidda Warshadeynta Qaaradda iyo weli ba kor u qaadista hal-abuurka. Wasiirka,ayaa muddadii uu shirku socday, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha dalka Niger Mudane Ouhoumoudou Mahamadou iyo Wasiirka Warshadaha iyo dhallinyarada Salamatou Gourouza ee dalkaas. Inkastoo Somaliya ay tahay Dal soo kabanaya oo aan…
Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgarde. Kulanka waxaa looga hadlay taageerada Dowladda Sweden ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Puntland, iyadoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Dowladda Sweden garab istaaga Hay’adaha ku shaqo leh Dimuqraadiyadda oo ay ugu horeyso Guddiga Doorashooyinka Puntland ee TPEC iyo dhiirrigelinta hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland oo rajo u ah Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa Mashaariicda Sweden ka taageerto Puntland, waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha…
Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC Mudane Cabdirisaaq Axmed Sacid, Afhayeenka Guddiga Cabdinur Shiikh iyo qaar ka mida ah xubnaha Guddiga,ayaa maanta Xarunta dhexe ee Guddiga ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Somaliya Jocelyn Mason iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulanka ayay uga wada hadleen xoojinta wadashaqaynta ka dhexaysa Guddiga iyo Hay’adda UNDP, Hay’adda UNDP,ayaa ka mid ah Hay’addaha Qaramada Midoobey ee Guddiga kala shaqeeya hirgalinta Doorashooyinka Golayaaasha Deegaanka Puntland. Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan. ====DHAMMAAD====XAFIISKA WARFAAFINTA GUDDIGA KMG DOORASHOOYINKA PUNTLAND. #codkaaguwaaxaqaaga #codkaaguwaamustaqbalkaaga
Ilhan Cumar,ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in mar Saddexaad ay xilka ku guuleysato. “Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan,”Ayay tiri Ilhaan. Ilhaan,ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal. “Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto,” ayay intaa ku dartay. Ilhaan Cumar,ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga…
Taliyaha ciidanka booliska DPL S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo maanta gudoomiyay shir looga hadlayo xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garowe. Shirka,waxaa ka qaybgalay Taliye ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska,qaar ka mid ah hogaanada Ciidanka Booliska,Talyaha qeybta Gobolka Nugaal,kuxigeenkiisa,Taliyaasha Saldhigyada. Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Caasumada, Howlgalinta Saldhigyada iyo Sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.
Garowe: 09 November 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland ka qaybgalka Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka,ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah. Dimuqraadiga,ayaa muujiyay awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa. Awoodda Dimuqraadiga,ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay in sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo heerka hoose ee ansixinta shacabka ee shaqada Madaxweyne Joe Biden ay la degi doonaan Xisbiga. Warkii ugu wanaagsanaa ee Dimuqraadiga usoo yeeray,ayaa ahaa in John Fetterman uu ku guuleystay kursi Senate oo horey ay ugu fadhiyeen Jamhuuriga, kaasi oo muhiim u ah rajada xisbiga ee ah inuu sii haysto maamulka Aqalka Senate-ka. Waxaan…
Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Netherlands/Holland ee Soomaaliya Amb. Maarten Brouwer oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Safaarada Netherlands. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Isbedelka Cimilada, Dimuqraadiyadda Puntland, Abaaraha iyo Maalgashiga . Waxaa Kulanka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali . DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Bulshada Somaliyed ee ku nool Dalka Kenya uga warbixiyey shaqooyinka Puntland ka socda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Nairobi : 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland. Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Nairobi : 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali iyo Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Mr. Sascha Andreas Kienzle ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland, Iyadoo Dowladda Germany sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada…
Nairobi : 09 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Denmark usoo magacowday Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen iyo Madaxa Howlgalka Denmark ee Soomaaliya Gertrud Kummel Birk. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya sida Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda iyo Mashaariicda horumarin. Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali . DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Sepp Blatter, oo ahaa Guddoomiyihi hore ee FIFA markii Qadar la guddoonsiiyay xuquuqda martigelinta Koobka Adduunka 2022 sanadkii 2010, ayaa u sheegay wargeyska Swiss Tages Anzeiger “in si khalad ah Qadar loogu amaal mariyay koobkan, isagoo raaciyay in “Doorashaadsi aheyd mid aan habbooneyn” Go’aanka Qatar,ayaa tan iyo markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay waxaa hareeyay khilaafyo ay ka mid yihiin musuq maasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Blatter oo FIFA hogaaminayay muddo 17-sano ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay musuq maasuq intii uu xilka hayay. Waxaase lagu waayay wax isdabamarin ah maxkamad ku taal Switzerland bishii June.…
Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Somali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, Gobol iyo Federaal ah. Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah; Ilhaan Cumar oo markii Saddexaad ku guuleysatay doorashada kuriga Degmada Shanaad ee Gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka. Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseyn,ayaa loo doortay wakiillo ka tirsan Aqalka hoose ee Gobolka Minnesota. Zayban Maxamed,ayaa iyana noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Somali iyo Madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka…
Khudbaddii Madaxweyne Xassan uu ka jeediyey shirka cimilada ee Sharma Shiikh raad ayey u diyaarsanayd oo si caaqibo leh,ayuu ugu taagtaagsaday bayaaminta Aafada isbeddelka cimiladu ay ku reebtay Dunida oo idil, gaar ahaan Somaliya. Halkan ka daawo muuqaalka
Garoowe: 08 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta Laba Xubnood oo kamid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC). Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey inay si cadaalad ah oo hufan u gutaan masuuliyada saaran. Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cali Dhagacade iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Garoowe: 08 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Somaliya Jocelyn Mason iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulanka,ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayneed ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland iyo qodobo kale. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Waa loo baahnaa kulanka Bulshada Nayrobi iyo Madaxweynaha. Dareenka Dadku kusoo dhaweeyeen hadalkiisii xalay waa sareeyay. “Nin isku kalsoon oo si weyn ufaraxsan,ayuu umuuqday Madaxweynuhu Xalay”,Sidaa waxaa igu yiri haldoorkii ka qaybgalay mid ka mid ah. “Walaahi si cajiib ah,ayuu noola hadlay oo balaaqo leh kana muuqato rabitaan xoog leh oo ah in uu Bulshada la kulmo”,Siyaasiyiinta mid ka mid ah oo ka qaybgalay Xaflada,ayaa igu yiri. Madaxweyne Deni,waxuu ka hadlay xaalada guud ee Puntland dhanka Amniga,Dhaqaalaha iyo Dimuqraadiyada. “Guud ahaan Somaliya Dowladnimada aan haysano waa liidataa marka Dimuqraadiyadaas,ayaan hirgelinaynaa”Ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Sanadka noo haray,waxaan qabano waad arki doontaan,waana…
Hami xoog badan ayay Bulshada Puntland ka qabaan in Deni ku dhiirado Dimuqraadiyada. Wal-walka Bulshadu qabto waa in uu gadaal uga maagto Deni hirgelinta Dimuqraadiyada Laba arimood midkood… 1.Dhaqaalaha ku baxaya oo badan.2.In ay Gacantiisa ka baxdo oo uu maamuli waayo. Balse hadii uu sii wado dhiiranaantii uu muujiyay kuna adkaysto go’aankiisa hirgelinta Dimuqraadiyada,waxuu gaarayaa… B.Taariikh macno leh oo uu ka tago.T.Fursad uu kusoo laabto. Hadaba si aan Shacabka hamuunta uqaba Dimuqraadiyada loo mihin,waa in Madaxweynuhu dhaqaajiyaa… B.Dhaqaalaha loogu talagalay socodsiinta Shaqada. T.Awood siinta Wasiirada qaabilsan Barnaamijka Dimuqraadiyaynta. J.Guud ahaan Golaha Wasiirada oo lagu amro door ka qaadashada hirgelinta Dimuqraadiyada.…
Nairobi: 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay xaflad isugu jirta soo dhoweyn iyo taageerida hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland, taasi oo ay soo qaban qaabiyeen Soomaalida ku nool Dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa Bulshadii isugu timi Kulanka uga mahadceliyay soo dhoweynta iyo Munaasabadda, wuxuuna la wadaagay shaqooyinka Dalka ka socda, sida horumarada laga sameeyay Amniga, Dhismaha Ciidamada, Hufnaanta Maaliyadda, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha , Dekadaha iyo dardargelinta wejiga labaad ee Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin isugu jirta Dowladda Soomaaliya iyo…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka. Halkan ka daawo muuqaalka
Kulankii Maanta ee Gudiga Doorashada iyo Ururada isfahan,ayuu kusoo idlaaday marka laga reebo Maxamed Faroole oo Horseed matalayay oo caytamay. “Tpec ha doorato Gudoomiye adigu doorasho kuma imaan iyo Erayo kale oo aan munaasab ahaun,waxuu ku yiri Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka PL”. Sidoo kale Wasiir Lugatoor,ayuu ku yiri”Halkee doorasho ka qabanaysaa Degmadadii waa la qabsaday,waase iska dhiciyay Lugatoor”. Axmed Saahid oo matalayay Mustaqbal,ayaa ka daba hadlay Ina Faroole kuna yiri… “Dalka doorasho way ka dhacaysaa,waana rabaan Bulshadu,Adiga iyo Lugatoor waa usiman tihiin Garowe oo Reemeti,ayaad ka timid isaguna Boocame.”. Kulankaas oo Ina Faroole lagu ilhaameeyay,waxuu kusoo idlaaday guul. Jibril Qoobey.
Ilhaan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota Xisbiga Republican-ka. Ilhaan bishii Ogosto waxay la soo tartantay Afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa Golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta Labaad hadana Ilhaan ayay guusha raacday. Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran. Qiimaynta hada sida hoose lee helayo waxay muujinayaan in ay haysato aqlabiyada Bulshada. Mushaarka sannadlaha…
Cicely Davis waxay ka tirsan tahay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, waxaana loo arkaa haweeneyda sida weyn loollanka ugu jirta inay ku guuleysato doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka, gaar ahaan kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota. Waxay la tartami doontaa Ilhaan Cumar oo haatan ku fadhida kursigan kana tirsan golaha Wakiillada Mareykanka. Waxay qoyskeeda kasoo jeedaan deegaanka Rochester ee New York, waxayna kusoo barbaartay Minnesota. Davis waxa ay dooneysaa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar. Waxay kamid aheyd dadkii ka hadlay dhibaatadii dabka ee saameeyay suuqa Waaheen ee Hargeysa isla markaana waxay ka qeyb gashay munaasabad gurmad loogu fidinayay…
Dadka Mareykanka waxay mar kale goobaha cod bixinta u dareerayaan xilliga dhexe oo ku beegan 8-da bishan Nofeembar oo berri oo Talaado ah ku aaddan. Waa doorasho khaas ah oo ay Dadku u codeynayaan siyaasiyiinta ka howl gasha qeyb ka mid ah dowladda oo lagu magacaabo Aqalka Kongress-ka, kaasoo ah aqalka sharci dejinta. Waxaa sidoo kale jira xilal loo dooranayo barasaabyada gobollada iyo xilal kale oo xafiisyada gobollada ka tirsan. Doorashooyinka xilliga dhexe waxay dhacaan markii uu kala bar noqdo xilliga uu madaxweynaha xilka haynayo.
Xiliga ay bilaabanayso diiwaangelinta Cod bixiyayaasha,ayaa loo gudbiyay dhamaan Ururada tartamaya ee Siyaasadeed. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland,ayaa la yeeshay kulan gaar ah Ururada Siyaasadda Maanta. Si buuxda,ayaa loogu fasaxay Lacagtii Olalaha Ururada Siyaasada oo gaaraysa 90-kun oo dolar Maanta. 25-ka Bisha,waxaa bilaabanaysa diiwaanginta Codbixiyayaasha,waxayna soconaysaa 45-cisho. Sidoo kale Ururada,waxaa lala wadaagay xogta qiimayntii goobaha Codbixinta iyo Seejooyinka ee Gudiga kmg Doorashooyinku soo sameeyeen. Dhamaan Ururada Siyaasada waa kasoo qaybgaleen kulankan oo waxaa ka joogay masuuliyiin matalayay. Waa talaabo horay loogu qaaday dardargelinta Shaqada hirgelinta Dimuqraadiyaynta inkastoo gaabis xoog leh ka muuqdo. Jibril Qoobey.
Garoowe, 07,November,2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 8-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa waxaa lagu dhaariyey xildhibaan cusub Axmed Bashiir Askar Xuseen oo badalay xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen oo geeriyooday bishii 2-aad ee Sanadkan, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada kadib soo jeedinta Guddiga Arrimaha Golaha & Anshaxa, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare. Dhinaca kale, Mudaneyaasha Golaha Wakiillada DPL…
Garoowe: 07 November 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xilka ukala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Puntland Mudane Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare Mudane Xasan Yuusuf Nuur. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta Maxkamada sare inay si caadaalad ah ugu adeegaan bulshada, kana hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara masuuliyada ay hayaan. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Axmed Madoobe kama faa’idin xaqiiqdii Laba Wajiilayntii uu Deni ku sameeyay. Xamar,waxaa ka qabsaday ilhaamo weyn iyo bahdil,waxuuna durba dareemay garabgalkii Puntland. Lacagtii Shidaalka oo Jubaland ay ku lahayd Hal Milyan iyo Labo Boqol oo kun,waxaa looga ogolaaday Laba Boqol uu qura. Xasan si cad,ayuu ugu sheegay in JL uu ka joogo Kismaayo Dhulkii intii kale maqan yahay Dowlada Fadaraalkana xilku saaran yahay. Sidoo kale Axmed Madoobe,isagoo Xamar jooga oo raba in uu la kulmo Xasan,ayuu ka dhoofay una reebay fariin ah “Soo laabadkayga ha isugu”. Maqaamkii iyo qadarintii lagula dhaqmi jiray hoos baa loo dhigay,waxaana la dareensiiyay in uusan…
Sida ay xaqiijinayaan Ilo xog ogaal ah Sacdiyo waxay Garowe utimid la kulanka Madaxweyne Deni oo ay filaysay in uu imaan doono,balse ma suurtagelin. “Deni waa diiday in aan is afgarano oo Xasana waa iga raacay” Ayaa Sacdiyo laga hayaa. Dad xog ogaal ah,ayaa ii sheegay in Xasan laftigiisu uusan ku faraxsanayn hogaaminta Sacdiyo oo ay bartanka u istaajisay isku dhacyo Siyaasadeed oo aan loo baahnayn. “Sacdiyo lama sii shaqayn karno,waana in ay Gudoonka ka degtaa si aan Umaddan iskugu wadno oo horay ugu socono”Ayuu ku yiri Madaxweyne Xasan Xubin sare oo Siyaasiyiinta Somalida ka mid ah. “Sacdiyo Salaad Samatar…
Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wefti kooban oo la socda,ayaa ku aadan Zambia. Maalinka Khamiista ah,ayaa la filayaa in uu gaaro Zambia,sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo. Socdaalkan haduu hirgalo,waxuu noqonayaa markii ugu horaysay oo uu ubaxo safar la og yahay kulana kulmo Bulshada qurba-joogta ah. Madaxweyne Deni,waxaa lagu dhaliilaa in uu aad ugu liito xiriirka dibada iyo qurbajoogta. Madaxdii ka horaysay waxay si weyn uga faa’idaysan jireen awooda iyo saamaynta qurbajoogta reer Puntland. Zambia waa mid ka mid ah Wadamada Ganacsatada reer Puntland ay maalgashatay,waxayna ku leeyihiin Ganacsi ku fadhiya Malaayiin Dolar. Puntland waxay leedahay Qurba-joogta ugu wanaagsan uguna…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka,ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar. Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27,ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Somaliyed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa kulan aan caadi aheyn isugu yeeray Golaha Amniga Puntland, oo dhowaan uu dhisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo ka qabsoomay hoyga Madaxweyne kuxigeenka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Amniga Puntland, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Puntland. “Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Puntland oo looga hadlay Amniga guud ee Puntland iyo warbixino laga dhegaystay xubnaha guddiga.” Shirka oo ay joogeen dhamaan xubnaha Golaha Amniga, oo ay ugu muhiimsanaayeen Wasiirka Amniga iyo…
Muqdisho, Nofeembar 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khawaarijta Al-shabaab. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 2016-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’ado…
Shirka Wasaaraddaha Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobaleedyada ayaa maanta ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Shirka oo ay Shir-guddoomisay Wasiirka Duuliska Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa soconaya, iyadoo looga hadli doono xoojinta iskaashiga, horumarinta qorshayaasha hortabinta leh iyo siddii loo mideyn lahaa siyaasadaha iyo shuruucda gaadiidka iyo duulista Hawada dalka. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Puntland ku matalaya shirka oo 5 sano kaddib qabsoomay. Wasiir Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa sheegtay in qabsoomida shirkan ay muhiim u tahay dalka, inta uu socdana diirada lagu saari doono hormarinta Duulista Hawada Dalka. Gaba-gabada Shirka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan qaar kamida wafdigiisa ayaa ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah ay u sameeyeen wafdiga Guddoomiyaha ayaa odayaasha dhaqanka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka ku nool magaalada Garoowe ee ka soo jeeda deegaannadda Koonfur Galbeed. Ganacsatada iyo Odayaasha dhaqanka ee ku nool deegaannada Puntland kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha ka codsaday in si wadajir loogu wada shaqeeyo horumarka dalka gaar ahaan deeggaannada ay ku nool yihiin iyo kuwa ay ka soo jeedaan. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo boggaadiyay bulshada reer Koonfur…
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ahayd codsi ka yimid ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan meel ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka dambeysay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Mareykanka waxaa uu sheegay in duqeynta oo dhacday 3-dii Bishaan November ay kudileen 15 dagaalame oo katirsan ururka Al-Shabaab, balse aysan jirin dad rayid…
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed. waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan. Socdaalkan ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladaha kajira deegaan kaas.
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryooday, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay fiidnimadii caawa albaabka hore ee xero Nacnaca, ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo uu fuliyay qof naftiis halige ah ayaa lala beegsaday tiro dhallinyaro ah oo qoranayay Ciidamnimo, kuwaas oo ku jiray safaf dhaadheer. Wararka ayaa sheegaya in dhallinyarada qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo la diiwaangeliyay qeybna ka ahaa cutubyo kamid ah Ciidammo dhowaan la qoray, oo la qorsheynayay in loo qaado dalka Masar. Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara. Mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dawladda…
Hindiya,ayaa tijaabisay Gantaal nooca Gantaalada kale ka hortagi kara ah oo awood u leh inuu burburiyo Gantaalada Nukliyeerka iyo Diyaaradaha dagaalka ee hawada ku jira. Gantaalkan difaaca waxaa sameeyay Shirkad fadhigeedu yahay Hindiya. Tijaabadan,ayaa laga soo ganay shaybaarka Gantaalaha oo ku yaalla jasiirad Badda Orissa waxayna saraakiishu ku tilmaameen tijaabo lagu guul guuleystay. Gantaalkan,ayaa loo bixiyay magaca ‘AD-1’. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysatay tijaabinta gantaalaha AD-1 ee Gantaalada kale ka hortagay. Gantaalkan ayaa waxaa wada matoor adag oo laba qeyb ah, waxaana lagu rakibay nidaam kontorool oo horumarsan oo ay samaysay Hindiya,…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Muddane Faysal Sheikh Cali ayaa shir gudoomiyey shirka Gudiga Amniga Gobolka Mudug. Shirkan oo ay goob joog ahaayeen Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo iyo Masuuliyiin kale. Shirka ayaa looga hadlay Ladagaalanka Argagixisada iyo Amniga guud ee Gobolka Mudug, shirka oo mudo saacadaa socday ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim u ah Amniga gobolka iyo Is-dhexgalka Bulshada Gobolka.
Taliska Maraykanka ee Afrika,ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar dhanka Cirka ah oo ay ku qaadeen argagixisada Shabaab. “Iyadoo lagu taageerayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa weerar is-difaacid ah oo wadajir ah ku qaaday argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed meel u dhow Cadale, Soomaaliya, November 3, 2022.”Ayaa lagu yiri Warbixinta. Qiimeynta hordhaca ah oo taliska sameeyay,ayaa lagu sheegay in weerarka ay codsadeen Ciidamada Somaliya. Weerarka,ayaa lagu dilay 15-ka mid ah argagixisada Al-Shabaab ah,sida warbixinta lagu sheegay. Sidoo kale majirin Dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku…
In support of the Federal Government of Somalia’s ongoing operations against al-Shabaab, U.S. Africa Command conducted a collective self-defense strike against al-Shabaab terrorists who were attacking Somali National Army forces near Cadale, Somalia, on Nov. 3, 2022. The command’s initial assessment is that the Somalia National Army-requested strike killed 15 attacking al-Shabaab terrorists and that no civilians were injured or killed. U.S. Africa Command takes great measures to prevent civilian casualties. Protecting civilians remains a vital part of the command’s operations to promote a more secure and stable Africa. Al-Shabaab is the largest and most kinetically active al-Qaeda network in…
Dekeda Garacad waa la joojiyay ka iibsashadii Saamiga 1-aad. Waa go’aan muujinaya in ay isku filnaatay oo Maalgashigeedii gaaray heerkii loo baahnaa. Halkan ka akhriso:-
Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan,ayaa khudbadiisii ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi. Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” . “Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku…