Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»15 Ruux oo ku geeryooday Qarax caawa ka dhacay Muqdisho
    Somalia

    15 Ruux oo ku geeryooday Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 5, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryooday, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay fiidnimadii caawa albaabka hore ee xero Nacnaca, ee magaalada Muqdisho.

    Qaraxa oo uu fuliyay qof naftiis halige ah ayaa lala beegsaday tiro dhallinyaro ah oo qoranayay Ciidamnimo, kuwaas oo ku jiray safaf dhaadheer.

    Wararka ayaa sheegaya in dhallinyarada qaraxa lala beegsaday ay ahaayeen kuwo la diiwaangeliyay qeybna ka ahaa cutubyo kamid ah Ciidammo dhowaan la qoray, oo la qorsheynayay in loo qaado dalka Masar.

    Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara. Mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Dawladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay xero Nacnaca oo hada loo bixiyay “Gen. Dhagobadan”.

    Sidoo kale, Dhowr jug oo culus oo lagu sheegay inay yihiin Qaraxyo dheemis ah ayaa caawa laga maqlay xaafaddo kamid ah Muqdisho, taas oo cabsi galisay shacabka caasimadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    October 13, 2026

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    October 12, 2026

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    October 12, 2026
    Latest Posts

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro

    Nin Dil iyo dhaawac ka geystay Suuqa Garoowe oo gacanta lagu dhigay

    SANAAG: Puntland oo go’aano Amni kasoo saartay Badhan, kaddib baaqii Suldaan Siciid

    Sagal Cabdi-Wali oo loo doortay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka UK

    Gollaha Wasiirada Puntland oo 3 arrimood ka wada-hadlay

    XOG: Xassan Shiikh oo diyaariyay weerar ka dhan ah Shariif iyo Kheyre

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.