Mudaharaadyada Dowladda looga soo horjeedo,ayaa kusii fidiya guud ahaan Dalka Iran,waxuuna hada gaaray Magaalada Oshnavieh oo ku taalla Xadka Dalka Ciraaq. Mas’uuliyiinti Dowladda Iran oo halkaasi ku sugnaa,ayaa iskaga cararay magaalada,isla markaana Ciidamada ammaanku dib ayay ugurteen. Boolisku waxay sheegeen tani iyo marki ay billowdeen dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Iran ay xireen dad gaaraya 700 oo qof oo 60 haween ah ay ku jiraan. Dibadbaxyada rabshadaha wata oo ka soconaya dalka Iran,ayaa ka dhashay Haweeney gacanta Booliska ku jirtay oo dhimatay. Warbaahinta Dowladda Iran waxay sheegtay in ay 35-Qof ay ku dhinteen dibadbaxyada muddo ka badan toddobaad…
Author: Jibril Qoobey.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac,ayaa sheegay ine ay soo dhaweeynayaan go’aanka Guddiga ee ah 9-bilood kaddib in doorashada la qabto go’aankaasina labada Xisbi ee mucaaradka ay ka mideysan yihiin. “Guddoomiyaha Xisbiga UCID qudhiisa warsaxaafadeed buu sii daayey oo wuu soo dhaweynayaa isaga qudhiisu, isaga oo nala qaba in doorashadi 13-ka November dhici lahayd laakiin madaxweynuhu arrintaa geed hoose iyo geed saraba u koray si uu ubaajiyo doorashadaasi iney wajhtigeeda dhacdo. Isku mowqif baanu nahay iskumeel baanu ka wada taagannahay iminkana haddii la yiri doorashadi June baa la qabanayaa diyaar baanu u nahay” ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani.…
In ka badan 700 oo Arday,ayaa ka qalinjabisay Jaamacadda Jigjiga oo ku taalla Magaalada Jigjiga. Ardaydan maanta qalinjabisay oo culuun kala duwan ku takhasustay ayaa ah dufcaddii 14-aad oo Jaamacadda Jigjiga ka qalinjabisa tan iyo marki Jaamacadda la aasaasay. 704-ta arday oo maanta Jaamacadda Jigjiga ka qalin jabisay 428 ka mid ah waxay barteen culuunta caafimaadka oo heerka shahaadada koobaad ah. Halka ardayda soo hartayna ay shahaadada labaad ku qaateen culuunta maamulka iyo maareynta waxbarashada, maareynta iyo xisaabaadka.
Xukuumada Abiy,ayaa eedayn xoog leh usoo jeedisay Madaxa hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO. Tedros Adhenu ayay Dowlada Abiy sheegtsy in uu Shirweynihii Qaramada midoobey ka dhex wadey Olole TPLF loogu raadinayo taageerada Beesha caalamka,isagoo umuujinayey in ay yihiin dhibanayaal. Tedros oo kasoo jeeda Qowmiyada Tigreega,ayaa horay usoo noqday Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya. In badan ayay Dowlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy usoo jeedisay dhaleecayn ku aadan in uu la shaqeeyo Tplf. Jibril Qoobey.
Xukuumada Abiy,ayaa eedayn xoog leh usoo jeedisay Madaxa hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO. Tedros Adhenu ayay Dowlada Abiy sheegtsy in uu Shirweynihii Qaramada midoobey ka dhex wadey Olole TPLF loogu raadinayo taageerada Beesha caalamka,isagoo umuujinayey in ay yihiin dhibanayaal. Tedros oo kasoo jeeda Qowmiyada Tigreega,ayaa horay usoo noqday Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya. In badan ayay Dowlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy usoo jeedisay dhaleecayn ku aadan in uu la shaqeeyo Tplf. Jibril Qoobey.
Jabhada Onag Shene,ayaa in ka badan 12-saac ka dagaalamaysay Degmada Jarto-Walge ee Gobolka Hora-Guldha ee Deegaanka Oromiyaa. 20-Qof ayay ku dileen,waxayna ku dhaawaceen 37-Qof,iyagoona la wareegay Gacan ku heynta Magaaladaas. Qayb ka mid ah Ciidamadii Booliska ee meesha joogay,ayaa ku biiray Jamhada. Gobalkan Hora Guldha,ayaa noqonaya Gobolkii 6-aad ee ka tirsan Deegaanka Oromada oo ay gacanta ku hayaan Jamhada Onag Shene. Haatan Jamahadaas waxay maamushaa Dhulka Deegaanka Oromiyaa 29% ka mid ah. Jamhada Onag,ayaa umuuqata in ay Dhul badan gacanta ku dhigeyso waxayna yagoona ka faa’ideysanayaan fursadaha ah in awoodii Ciidamada Qaranka layskugu geeyay dagaalka Tigreega. Jibril Qoobey.
Fitzun Sigaye Wariyihi Tplf ee goobaha dagaalka,ayay qabteen Ciidamada huwanta ah. Tv-ga Dowlada,ayuu kasoo muuqday,iyagoo u isticmaalaya dacaayad ahaan. Wariyahan,ayaa Maalinkii 3-aad laga qabtay furimaha dagaalka ee dhanka Hurmara. Waa mid ka mid ah Wariyayaasha qiyamka Tigreega utaagan. Jibril Qoobey.
Hogaamiyaha Tplf Debresion Gebre Micheal,ayaa marki ugu horeysay ka hadlay dagaalka Waqooyi. “Waxaan udagaalameynaa sharafta iyo jiritaanka isirkeena waana naqaanaa sida loo difaacdo hadii wada hadalka la bilaabana waxaan unahay diyaar haduu dagaalku socdana waa naqaanaa sida loo dagaalamo,Shacabweynaha Tigreegana Hub iyo Dadba waa buuxaan”Ayuu yiri Debresion. Tigreega,ayaa umuuqda in ay furimaha dagaalka ka gaarayaan guulo waa weyn oo ay iska caabiyeen gulufkii 1-ka Milyan. Jibril Qoobey.
Ciidamada Tplf,ayaa qabsaday Magaalada Wadsinba iyo nawaxigeeda oo ka tirsan Deegaanka Canfarta,halkaas oo ay 2-dii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socday dagaal culus. Tplf,ayaa soo bandhigtay Ciidamo Eretereyaan ah oo ay ku qabteen dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay. Tv-ga Tigreega,ayaa soo daayay Ciidamadan muuqaalkooda,waxayna soo bandhigeen halka ay ka yimaadeen iyo Horinta ay ka tirsanaayeen. Ciidamada Eretereta ee la qabtay,ayaa Tv-ga Tigreega ka sheegay in lasoo khalday oo lagu yiri Tplf way jabtay ee kaalaya soo rarta Agabkooda.
WAA KUMA WASIIRKA QORSHEYNTA PUNTLAND Dr Mohamed Siciid Faroole oo ah Aqoonyahan aqoontiisu aad u sareyso wuxuu Afar shahaado oo caalami ah ka haystaa waxbarashada heerka 1aad iyo heerka 2aad. WAXBARASHADA 1.Heerka kowaad (Becholar Medical Sceince) wuxuu ka qaatay sanadkii 1996-1999 Jaamacada La Trobe University Melbourne Australia. 2.Heerka labaad waxbarashada Jaamacadda (Master of Public Health) caafimaadka cuddurada guud wuxuu ka qaatay Jaamacadda Monash University Melbourne Australia sanadkii 2001-2003. 3.Wuxuu kaloo ka haystaa heerka labaad waxbarashada cilmiga horumarinta caalamiga (Master of International and Community Development) oo uu ku diyaariyay Jaamacada Deakin University of Australia. 4.Wuxuu haystaa Diploma of Public health oo…
Garoowe: 23 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA). Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
Garoowe: 23 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 59 ee 23da Sibteembar 2022 kuna magacaabid Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad. Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: B Bedel Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda T) Magacaabid Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka…
Saakay waxaa la xiray Dhalinyaradii Beesha Jidwaaq ee taageertay go’aankii lagu diidanaa Mustafe eeTodobaadkii hore ay soo saareen Odoyaasha Jidwaaq. Kacdoonka Bulshada Deegaanka ee looga soo horjeedo hogaaminta Mustafe,waa sii laba kaclaynayaa,waxaana Maanta kusoo biiray Beesha Wayteen Absame. Odoyaal ku qabtay Shir Magaalada Jig-jiga oo kasoo jeeda Wayteen,ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin Saami qaybsiga oo ay ku dulman yihiin Maamulka Deegaanka iyo kan Jig-jiga. Waxaan oo dhan waxay dhacayaan,iyadoo uu socdo qabanqaabada Shirka Wadatashiga ee Mustafe ku dhawaaqay. Jibril Qoobey.
Saakay Xarunta Xisbiga FEB ee Jig-jiga,ayaa la xiray lagana qaatay Computer iyo Dukumintiyadii yaalay. Ciidanka galay Xaafiiska FEB,waxaa soo diray Madaxweyne Mustafe. Todobaad ka hor ayay ahayd markii uu fashilmay qorshe lagu kala jabinayay Xisbiga FEB ee uu hogaamiyo Ibraahim Dheere. Waxaa muuqata in Mustafe xamali waayay cadaadiska Mucaaradka. Jibril Qoobey.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland oo ka hortimid go’aan sharci darro ah oo kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Somaliya. Halkan ka akhriso:-
Hadafka Madaxweyne Xasan ka leeyahay dib ukicinta Qabyaalada waa fashilin Fadaraal oo cusub. Waa dib u abuuris hogaamiye kooxeedyo Beeleed. Maxaa diidaya in la adeegsado oo la abaabulo lana siiyo Qalab iyo Saad Ciidamada Maamulada? Maxaa sababi kara Beelaha toos loo magac dhabayo in Maamulada ay dhisteen loogu yeero? Halka laga leeyahay Beesha Xawaadle Macawisleydeeda,ayaa Shabaab la dagaashay?, miyaan loo badali karin ama aysanba ahayn in la yiraahdo DG Hir-shabelle Ciidankiisa,ayaa guulo ka gaaray la dagaalanka argagixisada? Ujeedku saw uma muuqanayo in la rabo dib unoqosho iyo fashilin nidaamyadii dhismay? Saw loo fududayn mahayo Dowladaha aan rabin dib usoo kabashada…
Wasiirka Maaliyada Axmed Shide ayaa qaabilay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee dalka Koonfurta Sudan Taaban Dengi. Ujeedka wada hadalada labada dhinac ayaa ah sidii wada jir loogu wada adeegsan lahaa kaabayasha horumarineed ee labada dal. Waasida ay leeyihiin balse ujeedka ugu weyn aya ah iney xukumada abiyu hesho deris ay sudanta kale umarto sida ay iyadabu Tplf ugarabsiisay Waftiga Madaxweyne kuxigeenka oo shalay Addisababa booqasho rasmi ah ku yimid ayaa waxaa ku weheliya wasiirrada jidadka,gaadiidka, maaliyada, warfaafinta iyo xubno gaadhaya 30 oo ay kujiraan saraakil sarsare oo ciidanka sudan ka tirsan.
Jubaland waxay dhistay Gudiyo Dowladeed oo wajaha dagaalka Alshabaab. Gudiyada Jubaland waxay ka sareeyaan sida layskugu dhafay loona diyaariyay kuwa Xukuumada Fadaraalku Maanta sii dayssy. Gudiyada Jubaland dhistay,ayaa kala ah. Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland. Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya. Qorshe…
Dowladda Imaaraadka Carabta,ayaa safiir cusub u soo magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee loo yaqaano WAM. Ahmad Juma Al Rumaithi, oo bedeli doona Mohamed Ahmed Al-Othman, ayaa lagu hor dhaariyay Madaxweyne Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan. Al Rumaithi waxa uu ka mid yahay tiro safiirro cusub oo Imaaraadka ah oo loo magacaabay Wadamo saaxiib dhow la ah. Somaliya iyo Imaaraadka,ayaa xiriirkoodii dib usoo kabtay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Shiikh oo la fahansanaa in uu taageero kaga helay hanashada Kursiga Villa Somaliya Dowlada Imaaraadka. Madaxweynihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa ka…
The United Arab Emirates appointed a new ambassador to Federal Republic of Somalia, according to Emirates News Agency known as WAM. Ahmad Juma Al Rumaithi, who will replace Mohamed Ahmed Al-Othman, was sworn before President His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan. Al Rumaithi is among a number of new UAE ambassadors named to “friendly countries,” Somalia and the United Arab Emirates have restored their relationship since the election of President Hassan Sheikh, who is understood to have received support from the United Arab Emirates government to win the seat of Villa Somalia. The former President of Somalia, Mohamed Abdullahi…
Tplf waxay soo bandhigay Ciidan ay ka qabteen Guutada 23-aad ee Mileteriga Itoobiya. Ciidankan laguma qaban dagaal ee waxaa lagu hareereeyay Saldhigoodii,iyagoo isku diyaarinaya hawlgal. Tplf waxay helaysaa taagero dhanka Satalaydka ah oo lagu hagayo. Ilaa iyo intii dagaalka dib ubilowday waxay soo bandhigeen Boqolaal Kun oo Ciidan ah oo ay qabteen. 14-kii Cisho ee uu qabsaday RW Abiy waxba kama harin walina Tplf in ay Dhul hor leh qabsato maahane lama jabin. Inkastoo dukheymaha dhanka Cirka ay Shacabka Tigreega iyo Ciidankoodu khasaare ugeysteen hadana dagaalka dhulka iyaga,ayaa ku awood sareeya. Jibril Qoobey.
Donald Trump iyo Saddex Carruur ah oo uu dhalay,ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay Shirkadda qoyskooda – Ururka Trump. Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha Guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar. Dacwad oogayaasha,ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021. Mr Trump,ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay “arrin kale oo loo soo maleegay”. Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala…
Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka. Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka. “aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal…
Ciidamada Mareykanka ayaa 18-kii September ku dilay 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab weerar cirka ah xilli ay dagaal kula jireen ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay militariga Mareykanka Arbacadii. Duqeyntan ayaa laga fuliyay deegaan ku dhow degmada Buulo-burde, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay wadeen howlgal lagu beegsanayo ciidamada maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika. “Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in weerarka lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo waxyeello kasoo…
Gaalkacyo Saldhigan wax weyn,ayuu ugu fadhiyaa dib udhiskiisa. Amniga Mudug wax la taaban karo,ayaa laga qabtay. Mudug amnigeeda sida wax looga qabtay waxay tusaale unoqon kartaa Somaliyada kale. Halkan ka daawo muuqaalka
Itoobiya waxay joojisay dhamaan heshiisyadii Shidaal ee ay kula jirtay Shiinaha. Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya Eng.Tikulu Umma,ayaa sheegay in ay joojiyeen heshiishyadii baarista shidaalka ee kala dhaxeeyay Shirkada Poly-GC oo laga lahaa Dalka Shiinaha. Abiy wuxuu aqbalay cadaadiskii reer Galbeedka,waxuuna isku dhiibay Maraykanka sida muuqata. Jibril Qoobey.
Magacyada illaa 47qof oo Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay dacwad culusSeptember 21, 2022 Minneapolis Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.ayaa soo bandhigtay magacyada dadka ku jira lix liis dacwadeed oo kala duwan, waxaana loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta. Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn. Kuwa badan oo ka…
Wasiir Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kulan kula qaatay Taliyaha Booliiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNPOL) Mr. Ralf Schroeder. Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland ayaa waxaa looga wada hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ah ogala shaqayn lahayeen Puntland hormarinta Booliiska si loo adkeeyo nabada iyo xasiloonida Puntland ka jirta. Sidoo kale Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay qorshaha UNPOL ee Puntland iyo sidii looga wada shaqayn lahaa hawlaha horutabinta leh ee Wasaaradda Amniga. -DHAMMAD-Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-galinta Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland.
Maanta waxaan si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Degmada Garowe,waxaan u mahadcelinaya Guddoomiyihii hore iyo Dadkii lasoo shaqeeyay, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Masuuliyiinta Gobolka, Laamaha Amniga, Isimada, Waxgaradka, Hay’adaha taageera Degmada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe. Mudenayaal iyo Marwooyin waxaan ka shaqeyn doonaa Sidii aan Caasimadda Garowe ugasii horumarin lahaa maanta meesha ay joogto, waxaan ka wada shaqeyn doonnaa Garowe cagaaran, bilicdeeduna sareyso horumarsan isla markaana shacabkeedu ay soo doortaan Golaheeda Deegaanka. Shacabka qeybihihiisa kala duwan waxaa inoo ballan ah wadashaqeyn ku dhisan danta Guud iyo in Qof walba isi saaro masuuliyad, si inagoo gacmaha is haysana…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in hoggaamiyaha Ruushka uu raadinayo sidii uu kusoo afjari lahaa dagaalka Ukraine, arrintaas “oo ah tallaabo saameyn leh ahna” mid la hirgelin doono. Waxa uu sheegay Erdogan in kulankii wadahadalka ahaa ee uu dhawaan la yeeshay Vladimir Putin uu wajigiisa ka dareemay inuu rabay “inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan u joojiyo dagaalka”. Ukraine ayaa bishan dib u qabsatay qeybo badan oo dhulkeeda ah oo ay horay ula wareegeen ciidanka Ruushka. Hoggaamiyaha Turkiga ayaa bidhaamiyay waxyaabao “dhib ku noqday” Ruushka. Erdogan ayaa sheegay in uu “wadahadal aad u…
Waxaa jira warar xoog badan oo sheegaya in Xeebaha Xarardheere ay taagan yihiin Doonyo Maleeshiyada Alshabaab ay qorshaynayaan in ay kaga baxaan halkaas. Deegaamada la tuhmayo in ay ku wajahan yihiin,waxaa ka mid ah Buuraha Bari ee Puntland. Sidoo kale waxaa dhici karta in ay qorshaynayaan weerar ay ku qaadaan Xeebaha Mudug ee Puntland. Dhanka Dhulka,waxaa jira Maleeshiyaad isku ekaysiinaya Dad Rakaab ah kuna soo dhuumanaya Gaadiidka ka gudbaya Gaalkacyo. Dagaalka Macawisleyda ee ay Dowlada Fadaraalku la gashay Shabaab,waxuu meesha ka saaray qorshihii Amniga Qaranka. Waxuu kaloo khatar Amni ku yahay Deegaanadii xasiloonaa,iyadoo argagixisadu ufirxanayso. Jibril Qoobey.
Wasiirku dadaalkiisa ismuujinta si xowli ah,ayuu uwadaa,balse Dalka uu matalayo,ayaan lahayn awood Diblomaasiyadeed. Majirto ilaa iyo hada Dal codsaday in uu la kulmo Somalida. Sidoo kale dhamaan Barsadaha lagu kulmay waa kuwa Dalalkaas ay qabsadeen kamana muuqdo Calanka Somaliya. Markaad eegto Bogaga Wasaaradaha Arimaha dibada ee Wadamada uu la kulmay Wasiirku qaarkood ma xusin is afgarad iyo kulamo toona. Waxa ugu weyn ee kasoo baxaya dadaalkaas Wasiirku wado waa in uu isagu ku shaqo barto kuna helo CV. Jibril Qoobey.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in dowlada Maraykanku ay ka warhayso Ciidamada Eritrea ee ka gudbay xuduudka Itoobiya una talaabay dhinaca Gobolka Tigray. Mike Hammer,ayaa cambaareyay talaabada ay Ciidanka Eritrea ku dhaqaaqeen. Maraykanku,wuxuu ugu baaqay in la ixtiraamaan madax banaanida Dhuleed ee Itoobiya lagans kana fogaado wax kasta oo sii hurinaya colaada ka aloosan Waqooyiga Itoobiya.
Buuraha istiraatiijiga ah ee Deegaanka Canfarta gaar ahaan Soonka-4,waxaa ka dhacay dagaal xoog leh Galabtay. Dagaalka,ayaa udhaxeeyay Ciidamada TPLF iyo Ciidamada huwanta ah. Ciidamada TPLF,ayaa dagaalkaas Galabtay guulo ka gaaray waxayna la wareegeen qaybo ka mid ah Buuraha lagu dagaalamay. Ilaa hada Tplf is la jabiyo iskadaayee waxaa laga hor istaagi la’a yahay in ay furimaha dagaalka horumar ka sameeyaan. Jibril Qoobey.
Ururka onlf oo qaadacay shirkii wada tashiga ahaa ee Madaxweyne Musrafe ku dhawaaqay. Onlf waxay sheegtay in laga leexiyay jihadii loogu talagalay Shirkaas,isla markaana qabanqaabadiisa la afduubtay. Sidoo kale dhalinyarada Beesha Jidwaa kulan ay yeesheen ayay kasoo saareen baaq adag oo ay ku diidan yihiin Madaxweyne Mustafe iyo Xukuumadiisa. Waxaa muuqata in Madaxweyne Mustafe Kacdoonku kusii laba kacayo. Jibril Qoobey.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday dacwad ciqaabeed heer Federaali ah oo ka dhan ah 47 eedaysane oo u badan Somali. Eedaysanayaashaas,ayaa loo haystaa in ay musuq-maasuqeen $250 milyan oo ahayd lacag loogu talogalay daryeelka Carruurta Mareykanka xilligii Corona-ha. Eedaysanayaasha Somalida u badan waxa waaxda Caddaaladdu sheegtay in ay hanti maguurta ah ku leeyihiin gudaha Maraykanka iyo Dalal ay ka mid yihiin Turki iyo Kenya. Hantidaas oo ay ka iibsadeen Lacagtaas loo haysto,ayaa iskugu jirta sida… Guryo,Baabuur,Hub iyo Agab kale oo qaali ah.
The Department of Justice announced today federal criminal charges against 47 defendants for their alleged roles in a $250 million fraud scheme that exploited a federally-funded child nutrition program during the COVID-19 pandemic. “These indictments, alleging the largest pandemic relief fraud scheme charged to date, underscore the Department of Justice’s sustained commitment to combating pandemic fraud and holding accountable those who perpetrate it,” said Attorney General Merrick B. Garland. “In partnership with agencies across government, the Justice Department will continue to bring to justice those who have exploited the pandemic for personal gain and stolen from American taxpayers.” “Today’s indictments…
Shirkada United Capital Group ayaa sheegtay inay doonayso inkaqaybgasho hawlaha sahaminta iyo horumarinta gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya. Maareeyaha guud ee Shirkada United Capital Group oo ah shirkada laga leeyahay dalka Jordan ayaa sheegay in Shirkadoodu danayso inay kaqayb qaadato hawlaha sahaminta iyo horumarinta gaaska dabiiciga ah ee Itoobiya Dhankiisa Wasiirka wasaarada Macdanta ee JDFi, Injineer Takale Uma, ayaa sheegay in uu Hawlaha maalgashiga gaaska dabiiciga ah uu kala xaajooday wafti kasocda Shirkada United Capital Group oo uu hoggaaminayo dhaxal sugaha dalka Jordan Amiir Cabbaas Bini Ali Bini Naa’if. Wasiirka ayaa Fariin uu ku qoray Bartiisa warbaahinta bulshada ku sheegay…
Waqooyiga Gonder ayay Ciidamada TPLF gudaha ugaleen Magaalada Adi-arki ee Deegaanka axmaarada Dagaal xoogan,ayaa hada ka socda nawaaxiga Magaalada Adi-arki sida sheegayaan Dadka Deegaanka. Ciidamada TPLF,ayaa ku sugan qayba ka mid ah Deegaanka Amxaarada. Waxaa muuqata in Tplf la dhaqaajin waayay,iyadoo lagu weeraray Ciidamo gaaraya Hal Milyan oo iskugu jira Mileteriga Itoobiya,Eretereya iyo Maleeshiyaadka Faano. Dagaalka oo socda ku dhawaad 10-cisho oo xiriir ah majirto guul la taaban karo ay gaareen Ciidamada huwanta ah. Jibril Qoobey.
Pelosi ayaa dhammaadkii toddobaadkii tegay booqatay Armenia, taasi oo lagu qeexay taageero aan horey loo arag oo Mareykanka uu u muujiyey Armenia oo dagaal sanado badan soo jiray uu kala dhaxeeyo Azerbaijan. Pelosi,ayaa cambaaraysay Azerbiajan oo ay ku eedeysay inay “Armenia ku qaaday weeraro sharci-darro ah oo dhimasho keenay.”. Madaxweyne ku-xigeenka Turkey Fuat Oktay ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi oo ku saabsanaa dagaalka dhexmaray dalalka Armenia iyo Azerbaijan. Fuat Oktay ayaa hadalladaas ku qeexay “kuwo dhinac u janjeera oo carqaladeynaya dadaallada diblomaasiyadda,” Wuxuuna sheegay inay yihiin kuwa aan la aqbali karin. Oktay oo…
Wararka ka imaanaya Goboka Hiiraan,ayaa sheegaya in ciidamada dawladda oo kaalmo ka helaya kuwa Deegaanka ay qabsadeen Tuulada Booco oo ilaa 50-km dhinaca Koonfur Bari ka xigta magaalada Beledweyne maanta. Qabashadan,ayaa daba socota hawlgallo ay maalmahan Deegaanka ka wadeen Ciidamada Dowadda Federaalka iyo Dadka Deegaanka oo is abaabulay. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa iyaguna sheegaya in Ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay qabsadeen Deegaanka Sinadhaqo oo u dhow Magaalada. Qabsashada kadib,ayaa la sheegay inuu degaanka ka dhacay qarax loo adeegsaday Miinada la dhigo Waddada dhinaceeda. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare.
The Taliban Monday freed Mark Frerichs, the only American hostage remaining in Afghanistan, in exchange for a Taliban drug lord, Bashir Noorzai, who was serving a life sentence in a U.S. prison. Taliban Foreign Minister Amir Khan Muttaqi told reporters in Kabul the prisoner swap between his government and a U.S. delegation took place at the Afghan capital’s airport. Frerichs, the nearly 60-year-old American engineer and Navy veteran, was abducted in Kabul in early 2020 when the U.S. and NATO troops were battling the then-Taliban insurgency in support of the Western-backed Afghan government. In a statement, President Joe Biden said…
Guddoonka Golaha Wakiillada DPL Oo Maanta kulan gaar ah la Qaatay Guddiyadii Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo Natiijada La Xisaabtankii Xukuuumadda. Garoowe, September 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Guddiyadii gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo natiijadii La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad. Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan,wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa maanta furay tababarada shaqaalaha Dowladda wejigiisa koowaad oo loo qabanayo 100 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda ee kala duwan. Waana markii ugu horeysay Somaliya oo Shaqaale intaasi leeg lagu tababarayo xarumo Dowli ah oo Gudaha dalka laga hirgeliyay. Tababarka waxaa iska kaashanaya Macadka tababarada Shaqaalaha Dowladda Puntland iyo Machadka tababarada Shaqaalaha ee dalka Kenya, waxaana qorshan oo xarumaha ay khuseyso ay kala soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland uu ka mid yahay ballan qaadkii Madaxweynaha ee tayeynta Shaqaalaha. Halkan ka daawo muuqaalka
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salman ayaan la fileyn inuu xaadiro aaska Boqorad Elizabeth maanta oo Isniin ah, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay qof la shaqeeya xafiiska arrimaha dibadda ee Britain. Horay waxaa loo filayay inuu halkaas tagi doono kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay boqortooyada UK. Sacuudi Carabiya waxaa matali doona Amiir Turki al-Faisal, sida ay wakaaladdu ka soo xigatay il-wareedka. Amiir Turki waa wasiirka arrimaha dibadda, wuxuuna xubin ka ahaa Golaha Wasiiradda tan iyo 2018. Waxaa awoowe u ahaa Boqor Fahad, wuxuuna ka mid yahay jiil cusub oo uu xukunka ku…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay dhacdo in China ay ku duusho. Waa hadalladii ugu xasaasinaa ee Biden uu kaga hadlo arrintan, waxayna dhaliyeen jawaab caro leh oo kasoo baxday China oo sheegtay inay baaq khaldan u dirayaan kuwa raadinaya Taiwan madax-banaan. Biden oo lagu wareystay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ayaa la weydiiyey in ciidamada Mareykanka ay difaaci doonaan jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho, wuxuuna ka jawaabay “Haa, haddii dhab ahaantii uu dhaco weerar aan horey loo arag.” Mar la weydiiyey inuu kala caddeeyo haddii si ka duwan Ukraine,…
Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo,ayaa u anba baxaya Maraykanka. Casuumad rasmi ah,ayuu ka helay Wasaarada Arimaha dibada iyo Jaaliyada Maraykanka Madaxweynaha Dowlada Puntland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliyed sida ilo xog ogaal ah ay noo xaqiijeen. “Waa booqasho muhiim u ah dib udhiska Dowladnimada Somaliya”Ayuu yiri mid ka mid Saraakiisha Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni,waxuu kula kulmi doonaa Maraykanka… 1.Wasaarada Arimaha Dibada 2.Gaashaandhiga. 3.Kongereska. 4.Jaaliyada Somalida. Socdaalka Madaxweynaha,ayaa la filayaa in uu noqdo Bartamaha Bisha soo socota ee October.
Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa goor dhawayd ansixiyay in isku mar la qabto Doorashooyinka Madaxwaynaha Iyo kuwa ay ku soo baxayaan asxaabta cusub ee Siyaasadu. Arintan ayay dhawaan ku taliyeen qaar ka mid ah ganacsatada waawayn oo dhexdhexaadin ka galay khilaafaadka xooga leh ee u dhexeeya dawlada Somaliland Iyo axsaabta mucaaradka ahi Go’aankan ay gaadheen golaha wakiiladu ayaa waxaa la hubaa in ay soo dhawaynayaan axsaabta mucaaradka ahi, laakiin weli dawladu wax jawaab ah kamay bixinin. Dawladu waxaa ay doonaysay in la hor qabto doorashooyinka lagu kala reebayo ururada siyaasada, halka ay mucaaradkuna doonayeen in ay soo horeeyaan doorashoyinka Madaxwaynenimadu.
Maxay tahay ujeedada uu ka leeyahay Madaxweyne Xasan dhismaha qarsoodiga ah Garoon Mileteri oo ay yeelato Cadalle? Waa su’aal Dad yar oo xog ogaal unoqday qorshe uu wado Xasan Shiikh ay iswaydiinayaan. Ma cada ujeedka rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan uu ka leeyahay dhisme Garoon Mileteri oo laga dhiso Cadalle. Garoonka,waxaa dhisaysa Shirkad lagu magacaabo Docol oo Madaxweyne Guudlaawe inteeda badan leeyahay. Maalgalinta dhismaha garoonka Mileteri ee Cadalle,waxaa bixinaya Rugta Ganacsiga ee Muqdisho ee uu hogaamiyo Gabayre. Lacagta lagu bixinayo dhismahan waa midii ay iska urursheen Ganacsatada Muqdisho looguna talagalay dayactirka Wadooyinka Magaalada. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ee MuqdishoMaxamuud Cabdi Gabayre…
Ciiddanka Cirka ee Itoobiya,ayaa soo bandhigay warbixin saacado soconaysa oo ay kaga hadlayeen guullaha laga gaaray dhinaca Cirka. Ciiddamadu waxay soo bandhigeen diyaarado casriya oo lasoo iibiyay,kuwa la dayactiray iyo kuwo ay sheegeen in dalka gudihiisa lagu xir-xiray. Sannadkan dhamaaday kaliya ayay sheegeen in ay diyaaradahan ku baxeen lacag 200-Milyan oo Yuro ah. Taliyaha Ciiddamada Cirka Itoobiya,ayaa sheegay in aad loo Qalabeeyay Ciiddamada Cirka,arrintaas ayuu sheegay in ay sababtay guullo laga gaaray dagaallada socda. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Axadda maanta ah ku sugan magaalada London, halkaas oo uu uga qeyb galayo aaska qaran ee Queen Elizabeth II, xilli dadka caadiga ah ee u baroordiiqaya ee safafka dhaadheer ugu jira si ay u arkaan naxashka uu ku jiro maydkeeda loo sheegay in waqtigu kasii dhamaanayo. Biden, boqorka Japan Naruhito iyo madaxda kale ee dunida ayaa tagay goobta baroordiiqda oo ah hool ku yaalla xarunta Westminister ee Baarlamaanka waxaana ay markaa ka dib lagu wadaa inay ka qaybgalaan soo dhawaynta ninka taajka boqortooyada kala wareegay boqorada geeriyooday ee boqor Charles III. Biden, oo u dhoofay…
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, waxa uu sheegey in dowladda Soomaaliya aysan cadaadis diblumaasiyadeed saareyn Somaliland marka ay timaddo arrimaha horrumarinta. Balse, waxa uu sheegey inaanay marnaba taageeri doonin gooni isu taageeda. Haddaba, Nadaxweynaha Somaliland,ayaa ka jawaabtay hadalkaas,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirweynaha Wada-tashiga Shacabka Deegaanka Somalida oo Toddobaad kadib la qorsheeyay in uu ka qabsoomo jigjiga. Wakhtiga la qabanayo Shirka,ayaa ah.. 24 – 25 September, 2022 T.c (14 – 15 Meskerem, 2015)T.I oo ku Aadan Sabtida iyo Axada soo socota,waxaana lagu qabanayaa Madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan. Ujeedka Shirkan uu ka leeyahay Madaxweyne Mustafe,ayaa ah in uu ku qabooni kacdoon Shacab oo gudaha Deegaanka kaga bilowday. Sidaanoo kale Madaxweyne Cabdi Iley Afar beri ka hor intuusan Xilka banayn,waxuu qabtay Shirweyne. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha cusub ee Kenya Ruto,ayaa Uhuru kenyatta umagacaabay Ergayga gaar Ka ah ee u xilsaaran xalinta dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya. Dalalka reer Galbeedka,ayaa bogaadiyay xilka Uhuru loo magacaabay. Waxaa xusid mudan in Uhuru uu yahay Sxb dhow oo xiriir Wanaagsan la leh TPLF. Magacaabista Uhuru waxay kusoo aadaysaa,iyadoo ra’isalwasaare Abiy amray dagaal uu ku tilmaamay kii kala baxa. Abiy,waxuu dalbaday in dib loogu dhigo wada xaajoodka laba Todobaad,isagoo hadafkiisu yahay in gulufka uu qaaday Tplf lagu soo afjaro. Ciidamo gaaraya 1-Milyan oo iskugu jira Mileteriga Itoobiya,Eretereya iyo Maleeshiyda Amxaarada ee Fana,ayaa weerarka lagu qaaday Tigreega qaybka ah. Ciidamada Ismaamulada…
Assistant to the President for National Security Affairs Jake Sullivan hosted President Hassan Sheikh Mohamud for a meeting at the White House today to reinforce the strong partnership between the United States and Somalia. Mr. Sullivan, joined by Assistant to the President for Homeland Security Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, praised Somalia’s leadership in its work to build a national consensus and counter the al-Shabaab terrorist threat. President Hassan Sheikh thanked the United States for the ongoing military and civilian partnership to build a stronger, more stable, and more peaceful Somalia. Mr. Sullivan and President Hassan Sheikh discussed the importance of political reconciliation in Somalia, particularly the renewed coordination between the Federal Government of Somalia and…
Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkan Mareykanka,ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo Victoria Nuland oo ah ku xigeenka xoghayaha. “Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Somaliyed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Waxa uu Blinken sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada. Kulankan iyo kulamadii ka horeeysyba,waxaan goob joog ka ahayn Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ee dhigiisa ahaa Blinkken. Dad badan,ayaa Xasan ku…
Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka. Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv ay ib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin. “Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir…
Dowlada Somaliya ayaa sheegtay inay dishay ugu yaraan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada militarigu ka fuliyeen deegaanka Aboorrey oo 25-kiilo mitir dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka, shan askri oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhaawacyo kasoo gaareen dagaalkan. “Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka…
Wararka ka imaanaya nawaaxiga Deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan,ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lagu laayay Odayaal Nabaddoono ah. Qarax oo ahaa nooca miinada dhulka la geliyo,ayaa sida wararku sheegayaan lala beegsadya Gaari ay wateen nabaddoonada oo ku sii jeeday Deegaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in nabaddoonada qarax lagu laayay ay ku jiraan Nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax,Nabaddoon Xasan Xuseyn Lugayare iyo Nabaddoon Mukhtaar. Sidoo kale waxa qaraxaas ku geeriyooday wiil uu dhalay nabaddoon Yuusuf Fiidow Faarax oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf Fiidow halka ay ku dhaawacmeen Nabaddoono kale sida…
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA BANGIGA ADDUUNKA Washington, Sebteebar 16, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka Mudane David Malpass ayaa kala hadlay dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo in mashaariicda hormarineed ee deeq-bixiyeyaasha caalamka lagu saleeyo baahida dalka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeenna, waxa uuna la wadaagay Bangiga Adduunka, qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo…