Author: Jibril Qoobey

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa uu si kulul uga hadlay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Dr. C/weli Gaas oo wareysi Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonaayo inay tixgaliso Hanaanka Dowlad Gobaleedyada ay ku shaqeeyaan. Waxaa uu sheegay in khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka Dowladda Federaalka, isagoona sheegay in Arrimaha Dastuurka ay baal maraan Madaxda Dowladda Federaalka. Ugu dambeyntii, Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlayay dadka aan iyaga oo ogeyn wax la isku hayo caytama ama dhaliilaya Puntland, ayaa sheegay in Dood furan oo laga daawanayo Telefishanada iyo Baraha Bulshada ay la galaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo arko cida khaldan. “Waxaan aad u dareemayaa dad fara badan oo dadka Madaxda ah meesha ay ku wada-hadlayaan aan Goobjoog aheyn in wixii la rabo loo sheego oo ay aqbalaan, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay wada-hadal furan oo shaashada laga daawanayo xitaa, doodeenana aan kusoo bandhigno si cida khaldan loo ogaado”ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland…

Read More

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador james Swan oo ka qeyb-galaya Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay Arrimo ay kamid yihiin xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo  khilaafka Dowladda & Jubbaland. Amb. James Swan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana  loo diyaar garoobo Wada hadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale. Sidoo kale, Amb. James ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafkaas lagana gudbo su’aalaha ka dhashay  Awood qaybsiga  dhinaca Dhaqaalaha. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay ka qyeb-galeyn Shirka Madasha Iskaashiga…

Read More

Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiga Soomaaliya Ambassador Donal Yamamoto ayaa sheegay in taageerada ay Maraykanka siinayaan Soomaaliya ay xilligaan tahay mid diyaarsan,hayeeshee Dowladda Federaalka looga baahan inay la timaado siyaasad loo dhanyahay. Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dadaalada dowladda ay wado oo ku aadan qorshaha deyn cafinta,waxaana uu sheegay in dayn cafinta aysan ahayn oo qura dhanka Maaliyadda balse ku jirto siyaasad Wanaagsan oo loo dhanyahay. Arrimaha khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayuu ka hadlay,isaga oo dhowr mar ku cel celiyay in dowladda ay muhiim tahay inay diyaariso siyaasad mideysan oo loo dhan yahay. Xubnaha Wakiilada Caalamka ee…

Read More

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda oo Askari kale ku dilay Magalada Muqdisho. Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli…

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay magaalada Boosaaso bulshada gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, nabadoono, siyaasiyiin iyo boqolaal ka mida shacabka gobolka Bari. Madaxweynaha ayaa khudbad tariikhiya u jeediyey shacabka gobolkaasi ee uu kulanka la qaatay, waxaa uu ka hadlay Madaxweynuhu waxqabadka Xukuumadda, hindisaha Dowladda ee horumarinta Puntland, muhiimadda shirkii maalgashi, mashariicda maalgashi ee ka bilaabanaaya Puntland, gaar ahaan Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah. “Waxaa sharaf weyn ii ah in aan caawa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay kulan caawa uu la yeeshay Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay Shirkan uga hartay kaddib markii la marin habaabiyay qorshihii loo qaban jiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya, isagoona xusay inaan laga tashan Shirkan ajandihiisa. Sidoo kale, Mr. Deni ayaa sheegay in aysan Puntland aqbalayn madal aan loogu hadlayn danta guud ee Soomaaliya, sidoo kalena aan la fulinay waxa kasoo baxa. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in Bulshada Puntland iyo kuwa…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal ka hadlayay munaasabad looga hadlayay hawlgalada bilic soo celinta Caasimadda iyo soo celinta hantida dawladda ayaa sheegqy in dhamaan hantidii Dawladda ee dadku daga yihiin la banaynayo oo gacanta dawladda lagu soo celinayo . Wasiirka ayaa hadalka ka jeediyay Shir balaaran oo ay Ku sugan yihiin Isimada,nabadoonada ,xildhibaanada,ganacsatada ,Saraakiisha ciidanka,maamulk gobolka iyo kan degmada iyo dadwayne kale.

Read More

Suldaan Garaase oo kamid ah Isimada Puntland ayaa ka hadlay hawlgalada bur burinta Dawladdu ka waddo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. “Aniga guri hanti badan ii taalay ayaa ka mid ahaa guryaha la dumiyay hadda , marka guryihii isimada ayaa danguud loo bur buriyaa ye ee shacabow baneeya hantida umadda dawladana kala shaqeeya” ayuu yiri Suldaan Garaase

Read More

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaas oo ka maqaam hooseeya Saddexdii Shir ee kan ka horeeyay. Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo ah mid si qoto dheer looga hadlo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha, ayaa waxaa haatan hareeyay khilaafyada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ayaa Shirkan qaadacay, taas oo sababtay in Beesha Caalamkuna hoos u dhigto maqaamka dadka uga qeyb-galaya, iyadoona ay hareeyeen walaacyada ku aadan inaan Shirkan daacad loo aheyn. Amb. Maxamed Caalim oo ah aqoonyahan, kana faalooda arrimaha…

Read More

Maanta waxaa magaalada muqdisho ka dhacey kulan ay isugu yimaadeen 10 kamid ah axzaabta ugu waaweyn dalka kulankaas oo lagaga arinsanayey xaalada siyaasadeed ee dalka xilli xukuumada hadda jirtaayi waqtigeedii sii dhamaanayo ilaa haddana aysan cadeyn jihada uu dalku u socdo. Madasha Xisbiyadda Qaranka ayaa waxaa kamid ah Xisbiyadda Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii DKMG aheyd Shariif Sheekh Axmed iyo Midowga Nabadda & Horumarka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, afhayeenka Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa loo magacaabey Xildhibaan Abdilatif Muse Nur (Sanyare).

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowlad Gobaleedka Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle, oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in aanay Jubbaland ka qeyb galeyn Shirkaas, waxaana uu ku tilmaamay in habka loogu martiqaaday shirkaas ay aheyd mid qaldan. “Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri C/rashiid Jirre. Wasiir Qalinle ayaa sheegay in aanay…

Read More

Waxaa hadda magaalada muqdisho ee caasimada dalka ka soconaya shir ay isugu yimaadeen axsaabta siyaasadeed ee ka aragtida duwan xukuumada hadda jirta. Shirkan ayaa lagu wadaa in lagaga dhawaaqo isbaheysi siyaasadeed oo cusub, kadib markii ay xukuumada hadda jirtaayi dhamaanba baalmartey nidaamkii dowliga ahaa ee 19kii sano ee ugu danbeeyeey dalka dowladnimadiisa lagusoo dhisayey.

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lagu dilay 10 ka mid ah Al-shabaab kaddib weerarkii shalay ka dhacay Balli Doogle. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab u ahaa kii ay Al-shabaab gelinkii hore ee shalay ku qaadeen Balli Doogle uu ka dhacay agagaarka Garoonka islamarkaana lagu dilay toban ka mid ah Al-shabaab. Weerarkaas oo ahaa laba weerar oo duqeyn dhinaca cirka ah ayey AFRICOM sheegtay in sidoo kale ku burburisay Gaari ay wateen dhaq dhaqaaqa Al-shabaab. Gen. William Gayler, oo ah agaasimaha howlgallada ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarkii Balli doogle ku fashilmeen…

Read More

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu saakay ka socdo dhaqdhaqaaq Xoogan oo ay sameynayaan Milataryga Mareykanka ee dagan Garoonka Balidoogle iyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya. Howlgalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Weerar Xoogan oo Shalay lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Amerikanka ay ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose. Sarkaal katirsan Ciidamada Danab gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga Mareykanka ee Balidoogle ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay in dhaqdhaqaaqa Ciidamada uu salka ku hayo Howlgal la doonayo in deegaanada Gobalka looga saaro Xoogaga Al Shabaab. Dhanka kale waxaa laga yaabaa Saakay inuu mar kale dagaal ka dhaco inta u…

Read More

Kamamia Murichu oo madax u ah midoowga ay leehiyiin kooxaha dawada keena Kenya ayaa sheegay in xaalad dawo yari oo halisteeda leh ay kenya qarka u saarantahay kadib markii ay isfahmi waayeen doowlada iyo kooxaha dawada dibada ka keena. Doowlada ayaa dooneysa in labo goor la baaro tayada daawada ka hor inta aan loo ogalaan in dalka gasho. Doowlada Kenya ayaa la sheegay in ay India ku celisay labo kunteenar oo dawo ah . Inkastoo Kenya ay ku yaalaan 35 shirkadood oo dawada soo saara hadana waxaa ay dadku aad ugu tiirsanyihiin dawada dibadda laga keeno iyadoo sanadkii la soo…

Read More

Isbaheysi cusub oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Wadajir, Ilays, Horu-socod iyo kuwa kale, ayaa Goor-dhow looga dhawaaqi doonaa Magaalada Muqdisho. Shirar Labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho Axsaabta Siyaasadda Soomaaliya, ayaa looga arrinsanayay xaalada siyaasadeed iyo amni ee dalka, waxaana la sheegayaa in bayaan wadajir ah ay soo saari doonaan. Wararka ayaa sheegaya in Kulamadan oo ahaa kuwo si xiriir ah ay u yeelanayeen siyaasiyiinta iyo Madaxdii hore la isku raacay in la sameeyo Isbaheysi ama Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada. Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnaha Xisbiyada oo ay…

Read More

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ayaa goor dhow ka furmay halka loo yaqaano Hangarka Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, iyadoo hareerihiisa ay fadhiyaan Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madiera. Shirkan ayaa heerkii la filayay aanan uga muuqan madasha, maadaama aysan shirka ka soo qeyb galin Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, sida Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay Shirkan.

Read More

Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Mareykanka waxaa ay ku eedeysay in duqeymaha uu inta badan ka fuliyo deegaano kamid ah Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan. War ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday in saddex qof oo rayid ah lagu diley weerarradii 18-kii Maarso ka dhacay Koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen kuwo aan dambi lahayn, inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay sheegeen in raggaasi ahaayeen xag-jiriin ka tirsan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa kor u qaaday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan…

Read More

Dowladda Puntland ayaa qaadacday Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, kaas oo horey loogu qaban jiray dalalka Yurub. Madaxda lagu casuumay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, hayeeshee uu qaadacay Shirka isla markaana uu ka baaqday inuu ka ka qeyb galo. Shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli aysan wanaagsanayn xiriirka ka dhaxeeya DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxa ayna u muuqataa in cadaadis xoog leh uu soo wajahay DFS. Sidoo kale, Baaqashada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.…

Read More

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) ayaa maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho, iyadoona uu fashilmay qorshihii shirka oo ahaa mid loogu tala-galay heer caalami. Shirka oo soconaya Labo Maalmood ayaa noqonaya wajiga labaad ee shir lagu qabtay Brussels sannadkii hore, waxaana looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya iyo Xaalada kasii dareysa ee ka jirta Koonfurta iyo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa ka baaqsaday Shirkan, taas oo sababtay in Beesha Caalamku ay hoos u dhigto maqaamka dadka ku matalaya Shirkan. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Iyo…

Read More

Ciidamada Ammaanka Dowladda Kenya oo kaalmo Sirdoon ka helayo Mareykanka ayaa gacanta caawo kusoo dhigay Cabdiwaaxid Khaliif Axmed oo ku magac-dheer Ciise Tarabuun oo Dowladda Kenya ay sheegtay inuu yahay xubin sare oo kamid ah Ururka Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Ciise Tarabuun oo ahaa Madaxii amniyaadka Goblka Banaadir ee Al-Shabaab gacanta ay ku dhigtay, hase yeeshee Dowladda ayaa mar kale sheegtay inuu soo dhameystay xukun Maxkamadeed oo dhan 2 sanno. Ciise Tarabuun oo Dowladda Kenya ay sheegtay inuu wadankeendo galay 24 bishaan, ayay lagu qabtay Gudaha Magaalada Nairobi, kaddib howlgallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa ka baaqsaday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somali Partnership Forum) oo berri ka furmaya Magaalada Muqdisho. Shirka oo soconaya Labo Maalmood ayaa noqonaya wajiga labaad ee shir lagu qabtay Brussels sannadkii hore, waxaana looga hadli doonaa Arrimaha Soomaaliya iyo Xaalada kasii dareysa ee ka jirta Koonfurta iyo Gobalada Dhexe ee Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu iska diiday Shirka, kaddib markii uu socon waayay dalabkiisii ku aadanaa in Shirka laga bedelo Magaalada Muqdisho oo ay hareeyeen Xaalada amni darro iyo inuu Shirka kasoo qeyb-galo…

Read More

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta sii deyn doonaan 350 maxaabiis oo ay ku jiraan saddex u dhashay dalka Sacuudiga, taasi oo qeyb ka ah hindise nabadeed oo ay waddo QM. Maxaabiis is-weydaarsiga u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa ahaa mid ka mid saddexda tiir ee heshiis bishii December lagu gaaray dalka Sweden. Si kastaba, maxaabiis is-weydaarsiga oo ay kormeere ka tahay QM, kuna lug leeyihiin 7,000 oo maxaabiis labada dhinac ah, ayaa hakaday sababo la xiriira dhinacyado oo isku raaci waayey qaabka heshiiska loo fulinayo. “Hindisaha aan wadno wuxuu caddeyn u yahay sida la isugu…

Read More

Wasiir Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa maanta daah-furay Shir u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Reer Puntland ee ku sugan Caasimadda. Shirka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ujeedadiisu aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeenta Wasaaradda Maaliyadda iyo Canshuur bixiyaasha waa weyn. Sidoo kale, Shirkan ayaa lagu daah-furay Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waawayn, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland ayaana xusay ahmiyadda ay lee dahay diiwaan galinta ganacsatada, waxaana uu ku dhiiri-geliyay ganacsatada galiyay inay qaataan lambarka Canshuur bixiyaasha. Ugu dambeyntii, Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa xusay in Xafiiska Canshuur bixiyayaasha Ganacsatada Waa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa kusoo wajahan Degaanada Puntland, iyadoona qaban-qaabada soo dhaweyntiisa ay socoto. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Cagjar uu maalinimada burrito ah kasoo degi doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Wafti horu-dhac u ah Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa maalin kahor soo gaaray Caasimadda Puntland ee Garoowe, iyagoona saacadihii lasoo dhaafay u gudbay Magaalada Boosaaso. Ujeedada socdaalka Madaxweynaha Dowlad Degaanka ee Puntland ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka Labada Degaan, iyadoona la filayo in Madaxweyne Cagjar uu socdaal ku maro…

Read More

Wararka ka imanaya degmada Hodon gaar ahaanna agagaarka Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax Miino ahaa. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada Talyaaniga lagu weeraray qaraxaasi, waxaana jira khasaare soo gaaray ciidanka. Sidoo kale qaraxaasi ayaa la sheegay inay wax ku noqdeen dad Shacab ah oo qaarkood saarnaa Mooto Bajaaj iyo Gaadiid kale oo midka daweynaha ah,waxaana dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay loo qaaday Isbitaallada Magalada muqdisho. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo hakiyay isku socodka…

Read More

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka uu kaga qayb-galay Kulanka 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa magaalada Washington waxaa uu xarigga kaga jaray dhismaha cusub ee loo iibiyay Safaaradda Soomaaliya ee…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo goor-dhoweyd ku qaaday Garoonka Balli-doogle ee duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo Mareykan ah, Ciidanka DANAB iyo Ciidan ka tirsan AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo waa weyn oo ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay laga maqlay dhanka Balli-doogle, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka Wanlaweyn. Al-Shabaab ayaa qoraal ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in weerar culus ay ku qaadeen Saldhigga, ayna dagaalyahanadooda la wareegeen qeyb ka mid ah Garoonka Balli-doogle. Garoonka Balli-doogle ayaa ah saldhig Milateri oo ay isticmaalaan Ciidamada…

Read More

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jamac Farah Xasan, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta Dawlada Puntland ayaa kormeer ku sameeyay xarunta caafimaadka Gambool ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Waxaa Kormeerka qayb ka ahaa Wafti ka socda Waasaarada Horumarinta Xiriirka Dhaqaalaha Germalka iyo Horumarinta Bankiga Germany oo Mashaariic ka waday Puntland, gaar ahaan Dhanka Caafimaadka ayaa booqday Xarunta Caafimaadka ee Gambool Garowe. Waftiga oo ay kamid ahaayeen xubno ka socda hay’adda UNICEF, ayaa u kuur-gal ku sameeyay qaybaha kala duwan ee MCH Gambool, waxaana ay mareen dhamaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay.…

Read More

In ka badan 100 qof ayaa ku dhintay daad ka dhashay roob badan oo ka da’ay Goboladda Uttar Pradesh iyo Bihar, sida ay Warbaahinta u sheegeen Masuuliyiinta Goboladda. Waxaa lasoo wariyay khasaare lixaad leh oo ay biyuhu deegaanka u geysteen gaar ahaan bur-burka wadooyinka iyo guryaha, Iyadoona ay istaageen Isu-socodkii Tareenadda, Gawaarida, adeegii caasimaadka, Iskuuladdii iyo adeeggii korontadda labada Gobolba. Dowladda Gobolka Uttar Pradhesh ayaa sheegtay in Gobolkaas ay ku dhinteen 93 qof tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay. Dad ka badan 15 qof ayaa ku dhintay gobolka Bihar, waxaana socda dadaaladda gurmadka ee lagu samatabixinayo dadka uu daadku khasaaraha gaarsiiyay.…

Read More

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya AMISOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), waxaana looga hadlayaa in la sameeyo qorshe-hawleed dhameystiran oo lagu hago howlaha iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga bilaabo 2019 illaa 2021 laguna hagaajiyo fikradihii hawleed ee dib loo eegay Qorshaha kalaguurka Soomaaliya (STP). Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, marka la filayo in AMISOM ay baxdo oo ay ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Amniga Soomaaliya.

Read More

Ciidanka Ammaanka Dowladda Puntland ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Puntland. Howlgalka ayaa ahaa mid lagu baarayay gadiidka iyo dadwaynaha qaybahooda kala duwan, waxaana Ciidanku ay Gaadiidka ka fiiqayeen bacaha Madow ee gadiidka ku xiran ee bensolka loo yaqaaano. Sidoo kale, Ciidanka ayaa Howlgalkooda dagalamayay dhalinyarada dadka mobilada ka qaata iyo maandoriyasha la isticmaalo. Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Xuseen Cali Maxamed, ayaa sheegay in howlgallo ay ka wadan Magaalada Boosaaso ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Boosaaso, waxaana Taliyuhu u mahad-celiyay dadka ku cawaynayay wadoyinka dhinacyadooda, isagoona…

Read More

Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka Alaale oo hoostaga Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida itoobiya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhinaca Canfarta iyaga oo gacan ka helaya jabhad ka jirta deegaankaasi ay weerar ku qaadeen Soomaalida, iyadoona soomaalida ay iska caabiyaan weerarkaasi. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay dad u badan Soomaali oo qeyb ka ahaa dagaalkaas.. Barkhad Diiriye oo ka mid ah dadka deegaannada lagu dagaalamay ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in dagaalkaas lagu dilay 14 Ruux oo Soomaali ah, halka 7 kalena lagu dhaawacay dagaalkaasi.…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay qaar kamid ah Ergo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ergada oo gaareysa 76 ruux ay ku jiraan qaar kamid ah kuwii soo doortay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Goobta lagu soo bandhigaayay Ergada ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyeyaasha Al-shabaab ee Gobalada Baay iyo Bakool, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sheekh Cabdulaahi Macalin Geeddow, Sheekh Cali Katiin iyo xubno kale. Dhawaan ayay ahayd markii Al-shabaab Degmada Bu’aalle ee Gobolka Dhexe ay kusoo bandhigtay 51 ergo oo ay sheegeen inay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta oo ay taariikhdu aheyd 29 sep 2019 waxa uu kala laabtay wasaarada arimaha gudaha ee Dowlada Federaalka waraaqdii wakiilashada aheed ee uu u wakiisha in ay ka shaqeyso wasaaradu arimaha dib u hishiisiinta wasaaraduna aysan u marin wadadii loo baahna Waxa uu waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay in ay ka tashtaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo dhanyahay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo dhowaan hadal ka jeediyay munaasabad uu xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu dhishay dhismaha Safaaradda uu yahay kii lagu ridi jiray Ra’iisulwasaarayaasha oo uu aruuriyay. Madaxweyne Farmaajo oo u muuqday inuu ku dhaga hadlayo madaxdii ka horeysay ee soo hoggaamisay waqtiyadda adag, soona gaarsiisay nidaamyada Dowliga ah ee yar, ayaa xusay in 2 Milyan ee lagu dhishay safaaradan ay tahay tii lagu ridi jiray Ra’iisulwasaarayaasha. Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa dood adag ka dhex abuuray Baraha Bulshada iyo Fagaarayaasha Bulshadu ku kulanto,…

Read More

Turaabi in uu yahay Qof udhashay Somaliya waa wax jira,balse in uu ahaa argagixiso waliba masuul sare oo hogaaminayay mid ka mid ah Maleeshiyada ugu khatarta badan kooxda Alshabaab,ayaa cad. Dowlada haysata aqoonsiga Qaramada midoobey ee fadhigeedu yahay Villa Somaliya saw kusoo noqon mahayo qoraalkan qirashada ah marka uu fuliyo Ciise Tarabuun Qaraxyo iyo dilal. Sidoo kale,waxaa iswaydiin mudan see loogu dhex siidaayay Bulshada shaqsi khatartiisu heerkaas gaarsiisan tahay oo waliba loogu ogolaaday in uu safro. Warka kasoo baxay Dowlada Villa Somaliya waxuu sii xoojinayaa tuhunkii horay ujiray ee sheegayay in laamaha amaanka ay saamayn xoog badan ku yeesheen kooxaha…

Read More

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa ku booqdeen Madaxweynihi hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed. Kulanka Madaxweyneyaasha ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda Guud ee xilligan uu  dalka marayo iyo xayiraadii la saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaasi oo ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, si uu kaga qeyb galo caleema saarka Madaxeynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe). Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Saddexdan Madaxweyne ay kasoo jeedaan Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa…

Read More

23/9/2019 laga soo bilaabo maalintii ay DFS soo saartay go,aan ay ku sheegtay in aysan jiri karin wax duulimaad ah oo tagi kara magaalada Kismaayo waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Hay’adaha DFS oo ay ugu horeyso Hay’adda duulista iyo hawada Soomaaliya oo beenisay in ay jiraan wax duulimaad ah oo laga hor istaagay magaalada Kismaayo. Xayiraadii diyaaradaha waxa kaliya ee ay dhibaatadu ka soo gaartay waa shacabka qaybahiisa kala duwan haba ugu darnaadaane bukaanno wax looga qaban waayay magaalada oo loo qaadi lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi waana sababta ay Hay’adda duulista iyo hawada DFS ay u beenisay warkaas.…

Read More

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP Ayaa Afar gaari maanta ku wareejisay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Axmed Maxamed “Dhooba-daareed”, oo la wareegay gaadiidkan ayaa u mahad-celiyay Hay’adda UNDP, isagoona sheegay in gaadiidkan ay u adeegsan doonan Shaqooyinka Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Read More

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya iyo Xeerilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ka qayb-galay kulan Garoowe ka dhacay oo looga hadlay sidii shruucda caalamiga loo waafajin lahaa war-qadda dhaawac muujinta ee loo yaqaan (Riferto). Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay warqada dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha booliiska inay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo. Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu sheegay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu geystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Rifeetooyinka, iyadoo ay masuul…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa bilaabay kormeerka kooxo ku howlan daawaynta xoolaha oo Wasaaraddu dhowaan u dirtay Gobollada kala duwan ee Puntland. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa kormeerkiisa haatan ku maraya Degaano katirsan Gobalada Bari, Heylan iyo Sanaag, isagoona booqday kooxaha talaalka xoolaha ka wada Degaanka Cowsane ee Degmada Xiingalool ee Gobalka Sanaag iyo Degmada Dhahar ee Gobalka Heyland, waxaana uu warbixin ka dhageystay xoolo dhaqatada iyo Dakhaatiirta ka shaqeynaysa Degaankaas. Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yihiin inay arkaan Shaqada Dakhaatiirtu u wadaan daaweynta xoolaha,…

Read More

Guddiga KMG ah doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa maanta shir kula qaatay xarunta PDRC qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka ah. ‪Kulankan oo qayb ka ah shirar wadatashi xiriir ah oo guddigu waday ayaa diirada lagu saaray qaabka lagu gaari karo hannaanka axsaabta badan, fahamka bulshada ee barnaamijkan iyo talooyinka ku aadan sidii looga gudbi lahaa caqabadihii hore. Shirkan intii uu socday waxaa la isku weydaarsaday afkaaro kala duwan, waxaana guddigu kasoo qaybgalayaasha shirka usoo bandhigay dedaalada ay wadaan iyo faaiidada hannaankan u leeyahay mujtamaca. Kulamada wadatashiga ah ayaa socon doonaa ilaa horaanta bisha soo socota.

Read More

Wafti heer sare ah oo ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida, ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Waftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud DDS C/fitaax Sheikh Biixi, ayaa waxaa kamid ah, Gudomiyaha Gobalka Doollo C/naasir Muxumed Cabdile iyo Hoggaanka Nabadgalyada DDS Cabdi Caadil, waxaana uu socdaalkoodu ahaa mid aan horey loo shaacin. Ujeedada socdaalka Waftigan ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa lagu sheegay xoojin xiriirka Labada dhinac, waxaana ay kulan la qaateen Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland iyo Taliyayaasha Ciidanka Daraawiish-ta iyo Booliska Dowladda Puntland. Waftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee DDS ayaa la filayaa inay…

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Juba iyo Wafti uu hoggaaminayo oo ka kooban Agaasimayaal iyo saraakiil kale oo Wasaaradda Ka tirsan ayaa waxay Safar shaqo ku yimaadeen Magaalada Bosaso. Masuuliyiinta ayaa waxay Shir kula yeesheen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ee Magaalada boosaaso Shaqaalaha iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ee xafiiska ku sugnaa, iyagoona warbixin ka dhegeystay Shaqaalahà Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xafiiska Bosaso. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Xafiiskeeda Bosaso ayaa waxaa ka socda Shaqooyin badan ay ka fulinayso Wasaaraddu . Waftiga uu Hoggaaminayo Agaasimaha…

Read More

Ammaanka Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar ayaa aad loo adkeeyay iyadoona wadooyinka waa wayn ee Magaalada la dhigay gaadiid gaashaman iyo ciidan Booliis ah oo tira badan. Dowladda Masar ayaa isku dayaysa sidii ay uga hortagi lahayd banaan baxyo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha Caasimadda Masar iyo Magaalooyin kale oo kamid ah dalkeeda. Dalka Masar ayaa u muuqda in uu ka bilowday kacdoon cusub oo looga soo horjeedo Madaxweyne Cabdulfitax Al-Sisi, kaddib markii ganacsade u dhashay dalkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cali uu ku eedeeyay Mr. Al-Sisi inuu sameeyay Musuq-maasuqii ugu weynaa ee ka dhaca Masar.

Read More

Madaxii ilaalada gaarka ah ee boqorka Saudi Arabia ayaa u dhintay rasaas ka dhalatay khilaaf shakhsiyadeed oo dhex maray isaga iyo saaxiibkiis sida lagu baahiyay Warbaahinta dowladda. Goor sii horeysay Booliiska Sacudi Arabia ayaa qiray dhimashada Gaashaanle Sare Abdul Aziz Al-Faghm oo caan ku ahaa u dhawaanshaha Boqor Salmaan madaxna ka ahaa ilaalada gaar ah ee boqorka. Dilka Jeneraalka waxaa geystay askari kamid ahaa ciidamadii uu taliyaha u ahaa balse warbaahinta dowladda ayaa dhacdadan ku tilmaamtay khilaaf shakhsiyadeed islamarkaana uusan ku lug laheyn wax siyaasad ah. Baraha Bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay dhimashada Generalka waxaana shaki weyn laga muujiyay…

Read More

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay ay ciidammada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegmada Awdheegle ay duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fiidnimadii hore ee xalay ay Duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab. Duqeyntaas ayey sheegeen saraakiishu in ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee degmada Awdheegle, kadib markii sida ay sheegeen saraakiishu ay ka war heleen in dagaalayahano ka tirsan Al-Shabaab ay isku uruursanayaan halkaas. Al-Shabaab ayaa la…

Read More

Qaar kamid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay dhawaan ku dhawaaqayaan kudlad ay ugu magac-dareen badbaadada Galmudug. Xubnahan oo sida la sheegay kor u dhaafayaan 30 xildhibaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Axada maanta ay ku dhawaaqi doonaan Gole badbaado oo ay sheegeen in ay ku badbaadinayaan Maamulka Galmudug. Xildhibaanada oo hadda ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya fara-galin ay sheegeen in maamulkaas dhismihiisa ay ku heyso Dowladda Federaaka Soomaaliya, oo adeegsaneysa xildhibaanada Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug. Xubanahan ayaa maalmaha fooda nagu soo haya dooranaya Guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana hadda…

Read More

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalkaasi uu galay Cabdiwaaxid Khaliif Axmed oo loo yaqaano Ciise tarabuun waxayna dadka ka dalbatay in ay booliiska kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan. Sawir lagu daabacay barta Twitter-ka Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in uu yahay Ciise Tarabuun oo ah muwaadin Soomaaliyeed kaasi oo la rumeysanyahay in uu Kenya tagay 24-kii Bishaan. “Si deg-deg ah ugu soo war geli Saldhigga Booliiska ee kuugu dhow” ayuu Booliisku u sheegay shacabka Kenya. Qaraalka uu Booliisku ku daabacay ciwankiisa twitter-ka kuma uusan sheegin sababta loo beegsanayo Ciise Tarabuun iyo in hadii uu ka tirsan yahay Al-shabaab. “Qofkii arka…

Read More

Dib u dhac ayaa ku yimid furitaankii Kalafadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo sida qorshuhu ahaa la filayay inuu furmo 27-dii bishan September, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ku aadan dib u dhaca ku yimid furitaanka Kalafadhiga. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeyay Xukuumadda Federaalka in ay hor-taagan tahay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka, iyadoo adeegsaneysa xubnaha Wasiirada ah ee katirsan Baarlamaanka. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris Ganey oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Ra’iisulwasaare Kheyre ay hor-taagan tahay Shaqadii Golaha Shacabka…

Read More

Dad Shacab ah ayaa ka barakacay duqeymaha Diyaaradaha Dowladda Kenya ay ka fulinayaan dhulka Miyiga ah ee ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay xoogeystay. Dadka oo isugu jira Caruur iyo Haween ayaa ka barakacay Degaanada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun, waxaana dadkaasi ay u barakaceen oo ay gaareen Magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250-KM halkii ay daganaayeen oo ay ka barakaceen. Barakacayaashan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed iyo duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo kamid ah gobolka Gedo,…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iany  fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo. Sidoo kale, sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya. Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah, waxaana…

Read More

Mudo hada laga joogo ku dhawaad laba Todobaad saq dhexe habeenimo Ciidan uu amray Muxyidiin oo xiligan ah Talyaha Booliska Puntland waxay kala baxeen Saldhiga Bartamaha Bosaso Nin lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Ninkaas waxay Ciidankii Muxyidiin geeyeen Xeebta Bosaso,halkaas oo ay jirdil ba”an oo markii danbe sababay geeri ugu gaysteen. Hadaba talaabadii lagu dilay Ninkaas waxay ka caray siisay Saraakiisha sirdoonka,gaar ahaan PSF. PSF waxay Ninka ku daba socdeen xogo muhiim ahaa oo fududayn karay in la fashiliyo qaraxyo ama la qabto xubno kale oo ka tirsan kooxda argagixisada Alshabaab. Sidoo kale jirdilka…

Read More