Author: Jibril Qoobey

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday inay saxiixdo xeer is dhexgal oo si wada jir ah ay u diyaariyeen waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, kaas oo la xariira isu socodka dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool goobaha ay xuduudaha ka leeyihiin dalalka Ururka. Shir ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda oo lagu saxiixayay heshiiskaas ayaa wakiilka ay u dirsatay dowladda Soomaaliya waxa uu diiday in uu in uu saxiixo heshiiskaas, isagoo sheegay in dowladda Soomaliya inta aysan saxiixin heshiiskaan ay u baahan tahay in fursad loo siiyo sidii la tashi ay ula soo sameyn lahayd…

Read More

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gabi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay guddoomiyaha golaha maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii 2011-kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md Rajab Dayib…

Read More

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa Qaaday dhismayaal si sharci daro ah Looga dhistay Afaafka hore ee Wakaaladda Biyaha ee Baasawayn. Maamulka Degmada Garoowe ayaa dhowaan ku war-geliyay Dadka ku hor-ganacsada Xarunta Wakaaladda Biyaha inay baneeyaan, waxaana dad ka hor-yimid kuwaas oo isku dayay inay hor istaagan. Ciidanka amniga ayaa saaka bilaabay howlgalkan oo ah mid sare loogu qaadayo bilicda Caasimadda, waxaana jira Koox rasaas ku furtay Ciidanka, iyadoona uu ku dhintay Askari katirsan Ciidanka Dowladda Hoose. Ciidanka amniga ayaa wada howlgallo lagu soo qab-qabanayo dadkii kahor yimid, iyagoona lasoo qabtay qaarkood.

Read More

Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa saaka magaalada Muqdisho ku dishay Haweeney ku ganacsaneysay Suuqa Bakaaraha, iyadoo isla goobta ugu geeriyootay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda. Haweeneyda la toogtay oo lagu magacaabi jiray Xadiyo waxa ay Shaah ku iibineysay laamiga labaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo xilli ay iska shaqeysaneysay saaka ay goobteeda ugu tageen Saddex dhalinyaro ah, kuwaasoo rasaas ku bilaabay. Dadkii Maqaaxida xilligaasi fadhiyay ayaa goobta ku kala cararay, iyagoo ka argagaxay toogashada loo geystay Haweeneydan oo caan ka eheyd Suuqa, taasoo heysatay Caruur fara badan oo ay u shaqeyneysay. Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa durba gaaray halka…

Read More

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada gaar ahaan Jubbaland uu ka codsanaayo in ay dhameeyaan khilaafka, maadaama uu dhibaato ku yahay dadka Soomaaliyeed. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Jabuuti ay ka qaadan doonto door muuqda sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka iyo Khilaafka Soomaaliya. Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay ka xun tahay Khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland loona baahan yahay tanaasul labadda dhinac. Dowladda Jabuuti ayaa tan iyo burburkii…

Read More

Shir looga hadlayay sidda looga faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka ay leedahay Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Shirkaan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya waxaana kasoo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway. Waxaa diiradda lagu saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana shidaalka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba…

Read More

Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in labada dowladood ay isku furaan diyaaradaha labada waddan,isl amarkaana la hormariyo duulimaadyada rayidka ee labada dowladood. Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa Magaaladda Monterial ee dalka Canada oo uu ka socdo shir ay ka qeyb galayaan 193-da Dal ee xubnaha ka ah ICAO waxaa uu kula kulmay dhigiisa dalka Cumaan, iyaga oo ka wada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen sidii la isugu furi lahaa diyaaradaha labada dal. “Shir laba geesood ah oo aan la yeelanay saldanadda Oman ayaan ku heshiinayin la isu…

Read More

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay tartanka ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aadan kursiga aan joogtada aheyn ee Qaramada Midoobey. Waxaa uu shegay in labada dowladood ee Jabuuti iyo Kenya ay yihiin walaalo xiriir wanaagsan leh,isla markaan aysan dooneyn inay meel xun isla gaaraan inta lagu jiro tartan kursiga QM. Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waaa uu Eedeyn kulul uu u jeediyay qaar ka mid ah wadamada Midowga Afrika oo u codeeyay in Kenya kursigaas ay ku metesho Midowga Afrika 21kii Bishii August ayaa xubnaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa loo diiday codsigiisii uu ku dalbaday Visa uu ku tago Washington. Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshaynayay in uu tago Washington DC, oo uu la kulmo Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madax kale oo katirsan Dowlada Maraykanka, iyadoona sidoo kale la qorsheynayay inuu xariga ka jaro Guri Cusub oo ay gadatay Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa diidmada Visa-ha kadib la filayaa in uu dib ugu soo laabto Dalka, maadama uu soo idlaaday Qorshihiisii kale ee uu ku joogay Magaalada New York ee aheyd inuu khudbad ka jiidiyo Meertada 74-aad ee Golaha Guud…

Read More

Maanta oo Jimca ah,waxaa qorshuhu yahay in xeriga laga jaro Guri cusub oo loo iibiyay Safaarada Somalida Washington DC ee cariga Maraykanka. Gurigan cusub waxuu ku yaalaa Massachusetts Ave NW oo u dhaw hoyga Madaxweyne xigeenka Maraykanka. Gurigan waxaa lagu iibshay lacag ka timid Dhul weyn oo Safaarada Somalida ku lahayd isla Washington oo horay loo gaday. Lacagta dhulkaa lagu gaday,ayaa dhamayd 8 Milyan oo dolar. Hadaba Macluumaad hoose oo aan ka helay diblomaasiyiin xogtooda laysku haleyn karo oo ku sugan New-York iyo Washington,waxay ii xaqiijiyeen in habka loo maray iibinta Gurigan danbe uu musuq maasuq xad dhaaf ku jiro.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay hadal ka jeediyay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda, dhaqaalaha, Kiiska Badda ee yaala Maxkamadda ICJ iyo arrimo kale. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor sheegay Qaramada Midoobey in wada hadaladii uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya ee uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa arrimaha muranka Badda aan uusan aheyn mid miro dhal ah. Sidoo kale, Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa sheegay inay doonayaan in Kiiskaas lagu xaliyo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ, isla markaana balan-qaaday in Soomaaliya ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Waxaa golahu uu dood ka yeeshay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golaha amniga heer Dowlad Goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca Cusub ee sugida nabadgalyada taas oo ay ku shaqaynayaan Hay’adaha amaanka Jubbaland. sidoo kale waxaa golahu uu ka dooday dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha Jubbaland ay ku bixinayso sidii looso gabagabayn lahaa dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday Jubbaland waxaana golahu uu ku amaanay Wasaarada sida ay ilaa hada u xalisay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso. Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale. Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynuhu uu maanta ku tegey xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso. ” Maanta oo ah maalin khamis ah madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kormeer rasmi ah ku tagey goobaha dowladda ee ku yaala magaalada Boosaso waxaana kormeerkaas madaxweynuhu ka bilaabay saldhigga bartamaha maadaama saldhigga dhawaan si casri ah loo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland waxaa Ankara kusoo dhoweeyey, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland Cadixamiid Shiikh Cabdisalaan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland Cali Nuur, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Axmed Kunle, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Puntland Maxamed Siciid Hoggaamo laroor iyo xildhibaano ka tirsan Golaha…

Read More

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27-aad ayaa Maanta waxaa ay soo geba-gabeysay kiiska dil qof Shacab ah loogu geystay duleedka Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,isla markaana kiiskaas uu heerar kala duwan soo maray. Dilka qofka Shacabka ah ayaa waxaa loo heystay Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda,waxaana Maxkamada Ciidamada ay Maanta xukun dil toogasho ah ku riday mid ka mid ah askarta oo lagu Magacaabo Maxamed Ibraahim Axmed, kaas oo la sheegay in dilkaasi uu ka dambeeyay. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame, Maxamed Cabdulle Aadan Amiin oo Warbaahinta u Akhriyay xukunka Maxkamada ayaa…

Read More

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska 14-ka Octoober ex Zoobe ee Magalada Muqdisho. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa Miino lagu dhejiyay Gaari nooca aan xabada Karin ee loo yaqaano Bilad Buruuf oo ay wateen sida la sheegay Saraakiil u dhashay alka turkiga. Laba qof ayaa la sheegay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen oo mid kamid ah uu yahay howlwadeen u dhashay alka turkiga,waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Hay’adaha Amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxa Maanta ka dhacay Magaalada…

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay fadhiga 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo hadal qaaday muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee dacwadeeda taal Maxkamadda Caalamiga ee ICJ. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii wadayo dadaalada uu ku bixinayo in dowladda Federaalka Soomaaliya in xal saaxibtinimo ka gaaraan muranka Badda. Waxaa uu soo dhoweeyay go’aanka 3-dii bishan September ka soo baxay Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee ahaa in labada dhinac wada hadlaan sida uu yiri. “Sida aan dhammaanteen ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa sheegay inuu kamid yahay martida lagu Casuumay Xafladda Caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, uuna Ka qeygali doono. Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay  Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana  baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Dowlad Goboleedyada . Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in awoodda Dowladda aysan ahayn Dukaan qof leeyahay oo uu siduu doono u maamusho, isla markaana lagula dagaalin ray’igiisa siyaasadeed.

Read More

Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna. “Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed…

Read More

Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Cambaaareeyay xayaraadii dhawaan dowladda Federaalka saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi la socday xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo si xun ula dhaqmay Sheekh Shariif,isla markaana u diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha aadan Cadde xili uu ku wajahanaa Kismaajo,isagoona doonayay inuu qeyb galo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta dib loo dhigay. Odayaasha oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sheekh…

Read More

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday dib u dhigista Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe). War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay wafuudii ka qeyb galeysay xaflada caleema saarka oo lagu waday inay dhacdo 26 bishan oo ku beegan berri in dib loo dhigay. Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku eedeysay Xukuumadda Federaalka inay si sharci darro ah u hor istaagtau wafuudii ka qeyb geli laheyd Xaflada Caleema saarka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashi hore ee dalka iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka. Lama sheegin…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Puntlland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isagu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato ayaa u ambabaxay Wadanka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qayb-gelayaan Shirka Maalgashiga dalka Turkiga ee Afrika. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey safarka ay ku aadayaa isaga iyo weftigiisu dalka Turkiga. “Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casuumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba”. “Wafdi baa ila…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad ka jeediyey shirka 74-aad oo golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xaaladaha cakiran ee dalalka Falastiin iyo Suuriya, isagoo soo bandhigay sawiro ka turjumaya khariidada saxda ah ee dhulka falastiin iyo sawiro ku saabsan qaxootiga suuriya ee dhibaataysan wuxuuna yiri ” Israa’iil weli ma qanacsana waxayna doonaysaa inay sii wado boobka dhulka Falastiin oo ah arrin daba socota qabsashadii Israa’iil ay qabsatay oo xaday qayb kamid ah dhulka Falastiin” Wuxuu waydiiyay Qaramada Midoobay iyo madaxda caalamka ee shirka fadhiyey “xaggee israa’iil xuduudkeedu yahay, haddii aan dib u tixraacano…

Read More

Feysal Rooble oo ah Aqoonyahan iyo falanqeeye Arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay abaal marintii Concordia ee shalay lagu guddoonsiiyay Magaalada New York Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay abaal marintaas mid hooseysa oo aan loo baahneyn in Madaxweynaha ka dhigin arrin weyn. Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu tilmaamay inay wanaagsan tahay in si daacadnimo ah runta loo sheego, isagoo ka warbixiyay waxa ay u taagan tahay Concordia. Runta Waa In Si Daacadnimo Ah Loo Sheego. Saaxiibkey ayaan ka arkay Xog-dhigaalkan. Waxaan filayaa in Danjiraha wanaagsan ay ahayd inuu ku sameeyo baaritaan waxa ay tahay Abaalmarinta Concordia. Aqoonsiga qofku waa…

Read More

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa xabsiga u taxaabay odayaal ka waday Magaalada Boosaaso abaabul ka dhan ah qorshaha Puntland dooneyso inay ugu wareejiso Shirkadda laga lee yahay Imaaraadka Carabta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Ciidanka ayaa odayaasha ugu galay xilli ay Hotel Geyre ee Magaalada Boosaaso ku lahaayeen kulan ay uga soo hor-jeedaan heshiiska Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda Imaaraadka Carabta oo Balaarin iyo Casriyayn ku bilaabaysa dhowaan. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka ammaanku ay Gudaha Hotel ugu galeen, iyadoona qaarkood ay isku dayeen inay ka baxsadan goobta, ayna gaareen dhaawacyo. Ciidanka ayaa la sheegay…

Read More

Xarunta Hay’adda PDRC ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay Dood cilmiyeed ku saabsan ‘Xiriirka daciifka ah ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo doorashada 2020/21’, waxaana marti ku ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xuseen Cabdi Xalane. Doodada oo aheyd mid Su,aalo lagu weydiinayay Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ku wehlinayay Fagaaraha, waxaana si qoto dheer looga Dooday in la helo xal rasmi ah oo Soomaalidu ku heshiin karto, kaas oo salka u dhigi karana Hanaan Dowladnimo rasmi ah oo Soomaaliya ka hanaqaaday…

Read More

Hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar maalmahaan soo baxayay oo sheegayay in ay Hay’Adda mudo Saddex Cisho ah ay joojisay duulimaadyada Magalada Kismaayo. Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin warqad rasmi ah oo lagu joojiyay duulimaayada aada Magaalada Kismaayo oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in kaliya Shirkadaha Diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay Hay’adda kusoo wargeliyaan 24 Saacadood ka hor,isla markaana Sharcigaas uu yahay mid Aduunka oo dhan looga dhaqmo. Ugu dambeyntii, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in…

Read More

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka. Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa tagaya dhowaan Magaalada Muqdisho, isagoona ka qeyb-galaya Shir ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, kaas oo horu-dhac u ah Shirka Belgium ee “Somali Partner”, kana dhacaya Xeradda Xalane. Shirkan oo dhacaya horaanta Bisha soo socota ee October, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galaya Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada Puntland, K/galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Shirkan ayaa ah mid looga arrinsanaya Xaalada Ammaan, Dhaqaale, Siyaasadeed iyo Doorashada 2020-ka la filayo inay dalka ka dhacdo, waxaana loogu gogal xaarayaa Shirka Belgium ee “Somali Partner”, kaas oo ah mid looga hadlayo…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntlland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, waxaana wafdiga hoggaaminaayey Wakiilka UNCHR ee Geeska Afrika Ambassador.Maxamed Cabdi Afey oo uu wahlinaayey Madaxda cusub ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Johann Siffonte. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyay markii kulanku uu soo dhammaaday. ” Safarkoodu waxa uu ku saabsanaa inay dowladda Puntland is arkaan oo ay ka wada hadlaan xaaladaha Qaxootiga iyo Barkacayaasha. Wafdiga waxaan shir kula qaadanay Wasaarada Arrimaha Gudaha, kadibna Madaxweyne Ku-xigeenka iyo…

Read More

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed xaalada uu dalka marayo, iyagoo soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran. Waxa ay caddeeyeen in Madaxweynuhu dayacay mas’uuliyaddii waajibaadkii masiiriga ahaa ee loo doortay, sida Ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda dalka. War saxaafadeedka ayaa waxay ugu baaqeen dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn…

Read More

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa Magaaladda Boosaaso kusoo dhaweeyay wafdi ka socday Dowladda isutagga Imaaraadka Carabta oo balaarin ku samayn doona garoonka diyaaradaha Boosaaso. Wasiir Gabiley ayaa sheegay in Wafdiga ay u yimaadeen sidii ay Balaarin iyo Casriyaynta ugu sameyn lahaayeen Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, ayaa tilmaamay in lagu darayo 1200 oo ranway ah, sidoo kalena laga dhisi doono Tarminal weyn, isagoona Wasiirku uu tilmaamay in Garoonka Caalimiga ah ee Boosaaso uu noqonayo dhowaan Mid kamid ah Garoomada ugu casriyaysan Africa.

Read More

Kumanaan shaqaale ah oo ku sugan dalka Qatar ayaan mushahar ka helin dadka ay u shaqeeyaan, waxaana lagu qasbaa inay ku noolaadaan xaalado aad u liita, sida ay ku warrantay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Inkasta oo ay sanaddii 2018 ballan-qaaday inay is-beddelo ku sameynayso sharciyada muhaajiriinta, ayaa Amnesty waxay sheegtay in dowladda Qatar ay ku guul-darreysatay inay fuliso siyaasadaheeda ku aadan mushaharaadka aan la bixin. Amnesty waxa kale oo ay sheegtay in nidaamka shaqaaleynta ee Kafala uu shirkadaha dalkaas siiyo awood ballaaran oo ka dhan ah shaqaalaha muhaajiriinta ah. Ayada oo Qatar lagu wado inay marti-geliso koobka kubadda…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxameed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Abaal marinta CONCORDIA kaas oo uu kaga hadlay Arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya. Halkaan ka akhriso khudbadda madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka. Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019. Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali…

Read More

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar Maax oo taageerayaashooda Magalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynayaasha Jubbaland ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay xayiraadii Socdaalka ee la saaray Sheekh Shariif iyo jawaabtii uu ka bixiyay. Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in Sheekh Shariif uusan ka hadlin saraakiil iyo Madax katirsan Dowladda ee laga celiyay Kismaayo, isaga oo ka dalbaday in uu jawaab ka bixiyo. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdirashiid xidig ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in sidii waajibka aheyd uga hadlin xaalka Jubbaland oo uu doonayay in uu ka qeyb galo xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe,…

Read More

Howl-wadeeno katirsan Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku xayiran Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu saameeyay Go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu joojiyay duulimaadyadii tegi jiray Kismaayo. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Aadan Ibraahiim Aw Xirsi, ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Wasaaradiisa ay Maalintii labaad ku kal xayiran yihiin Muqdisho iyo Kismaayo,kuwaas oo doonayay inay howlo Shaqo qaarkood u soo aadan Muqdisho qaarna uga baxaan oo ay dib ugu laabtaan Kismaayo. “Dhawr hawl-wadeen oo u shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland oo qaarna shaqo u joogey qaarna u soo aadi lahaa ayaa maalintii labaad…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magalada New York ee dalka Mareykanka  ayaa shir waxaa uu la yeeshay madaxda Caalamka ee ka qeyb galaya shirka sanadlaha ee golaha guud ee qaramada midoobe. Madaxda uu Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Estonia Marwo Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Mudane Leo Varadkar. Waxaa ayna ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi. Jamhuuriyadda Estonia waxay ku guuleysatay in ay sanadka cusub ku biirto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahantahay taageero diblomaasiyadeed iyo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Jayte. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in isaga oo tixgelinaya Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo uu u magacaabay Mr. Mukhtaar Jayte Agaasimaha Guud ee Hay’adda PISA. Mr. Jayte ayaa ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland, isagoona lagu tiriyo shaqsiyaadka u dhow Madaxweyne Deni, waxaana magacaabistiisu imaanaysa iyadoo dhowaan Shabakadda Idil News ay baahisay Magacyada isaga iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha Guud ee maalmahan uu magacaabayo Madaxweynaha Puntland. Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ayaa…

Read More

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa subaxnimadii hore ee saaka la beegsaday weerar qorshaysan Kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow. Qoraal lagu baahiyay Baraha Bulshada Ciidanka amniga Puntland ee PFS-ta, ayaa lagu sheegay in Ciidanku beegasadeen Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa buuraleyda Mariidle, ayna Ciidanku gaarsiiyeen Kooxda  khasaare dhimasho iyo dhaawac ba leh. Ciidanka amniga Puntland ee PSF-ta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish eek u dhuumaaleysanaya Buuraleyda Puntland, illaa inta laga adkaanayo.

Read More

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay inuu dib uu ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe). Munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishan lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarun KMG ah ee Jubbaland. Guddigii loo xilsaaray qaban qaabada xafladaas ayaa la sheegay inay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe. Dib u dhaca ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dambeysay kaddib Xiisado Siyaasadeed oo ka taagan…

Read More

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa ku baaqay in aan la dhayalsan hadalkii kululaa ee maanta ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, kaddib markii shalay diyaarad u qaadi laheyd Kismaayo lagu xanibay Muqdisho. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aan la sahashanin. “Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro, Ma ahan in la dheyelsado…

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in isbadalka cimilada ay tahay arin muhiim ah oo wajahaya dunida maanta,isla markaana loo baahan yahay in wadamada caalamka ay ku dhaqaaqaan sidii hoos loogu dhigi lahaa sare u kaca heerkulka ee saameeyay dadka dunida. Isaga oo ka hadlaya Shirweynaha Cimilada ee New York wuxuu u sheegay in xaaladda cilimada ay ka sii dareyso,isla markaana loo baahan yahay in hoggaamiyeyaashu ay qaataan go’aanno adag oo wax looga qabto dhibaatada. “Waan lumineynaa dadaalka aan ugu jirno xagga horumarka,” ayuu yidhi Guterres oo intaa raaciyay in Isbedelka cimilada uu si xawli ah u…

Read More

Muuqaalkan waa sawiro laga soo qaaday kooxda Daacish oo tababar ku qaadanaya Deegaanka Hoobato ee udhaxeeya Qandala iyo iskushuban ee Gobolka Bari Puntland. Maleeshiyaadka Deegaankan isku urursaday kana samaystay Saldhigyada,ayaa tiro ahaan gaaray ilaa 190-Nin. Xigihii ugu danbeeyay ee laga helayo Hoobato waxay tilmaamayaan in ay ku jiraan diyaar garow qorshe ay qaraxyo uga fulinayaan Bosaso,gaar ahaan xarumaha hay”adaha caalamiga ah. Todobaad ka hor askari ka tirsan Booliska ilaalada hay”adaha SPU oo Bosaso ku dilay askari kale oo isla Ciidankaas ka tirsan,ayaa baaris kadib la ogaaday in ay ku lug lahaayeen kooxda Daacish oo ay tashkiiliyiin Askariga dilka gaystay.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in loo baahan yahay in laga wada hadlo halka uu dalkaan ka socdo. “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa…

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay Xayiraadii shalay Garoonka Muqdisho loogu geystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. War uu saaray ayuu ku sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in maanta Xoriyada laga qaado Shariif oo dalka halgan dheer u soo galay in Al-Shabaab laga saaro. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay ku tumashada dastuurka dalka u yaalla, waxaana uu sheegay in Madaxda maanta kaligood aysan la aheyn dalka oo loo baahan yahay in la ilaaliyo dastuurka. Hoos ka Akhriso Warka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa  cambaareeyay  dhacdadii shalay loogu geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho  Madaxweynihii hore ee dalka  kaasoo lagu xanibay Garoonka xilli uu kusii jeeday Magaalada Kismaayo. Jubbaland ayaa sheegtay in  xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Sheekh Shariif ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah. Dhanka kale, Jubbaland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeysan in maalmihii ugu dambeeyay lagula ka kacay Mas’uuliyiinta iyo Shaqaallaha maamulka Jubbaland…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah furay Mashruuca daaweynta Xoolaha. Waxa uu kula dardaarmay ganacsatada iyo xoola dhaqatadaba inay ilaaliyaan badqabka iyo xanaanada Xoolaha. Si kor loogu qaado tirada iyo tayada Xoolaha waxaa muhiim ah in laga daweeyo cudurada kuwaas oo keeni kara hoos u dhaca wax soo saarka xoolaha sahlina karana in Xooluhu si fudud ku dhamaadaan.

Read More

Kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa haatan Magaalada Muqdisho uga socdaa Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga Ilays C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulankan ayaa daba socda dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee lagu xanibay diyaarad u qaadi laheyd Madaxweyne Sheekh Shariif Magaalada Kismaayo, isagoona lagu lafa-gurayo Talaabadaas iyo xaalada Guud ee Dalka oo haatan mareysa meel xasaasi ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeystay khilaaf Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah nidaamka Federaalka, laguna…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada ee Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamacdiid iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degaanka Dhumay ee Gobalka Sool. Waftiga Wasiirka oo ay kamid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Xilbaano katirsan Golaha Wakiilada Dawlada Puntland, ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyay Degaanka Dhumay Madaxda Dhaqanka. Ismaaciil Diiriye Gamaadiid, Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland ayaa sheegay in ay Dhumay uu ka bilaaban doonto dhawaan Mashruuc balaaran oo lagu jarayo Geedka Garanwaaga, kaas oo Dooxooyinkii Dhumayeed xiray . Sidoo kale, Waxaa la Qorshaynyaa in Dhumay laga dhiso Xarun caafimaad (MCH), taas oo dhismaheedu Bilaaban doono Dhawaan.…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya qaadeysay ee la xiriira awaamiirta dhanka maamulka Hawada ee maalmihii la soo dhaafay ay soo saartay. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda. “Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh ayaa kula taliyay dowladda Federaalka inay labo jeer ka fikirto, kana laabato dariiqa hadda wax loo wado. Hadalkan…

Read More

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daayay badmaaxe u dhashay dalka Iran, kaasoo muddo ka badan afar sano lagu haystay xeebaha Puntland. Mohammad Sharif Panahandeh oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayay, ayaa loo sii daayay sababo bini’aadannimo awgeed, ayaa lagu yidhi, war kasoo baxay kooxda Iskaashiga Taageerada La-haystayaasha (HSP). Kooxdaan ayaa wada xaajood toos ah la sameysay Burcad-badeedda . balse lama sheegin in wax madax furasho ah laga qaatay sii dayntiisa. Sii daynta Mr Sharif waxay la macno tahay in gacanta burcad-badeedda ay ku hartay 3 layste oo kale oo u dhashay Iran, kuwaas oo la afduubtay sanadkii 2015, bishii March. Tobankii sano…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey), oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland. Wasiir Sabareey ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradda Warfaafinta kahor 15-ka bisha soo socota ee October. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi kahor, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono. Waxaa uu sidoo kale  amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha Warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka…

Read More