Author: Jibril Qoobey

Daladda ururada bulshada rayidka ee Puntland iyo Gudigga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa Magaalada Qardho ku qabtay kulan loogu magac-daray hawl-gelinta haweenka cod-bixiyayaasha ah. Ujeedada barnaamijkaan ayaa looga gol-leeyahay awood siinta haweenka ee ka qayb-galka Siyaasada iyo sidii ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen cod-bixinta doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee dhawaan qabsoomi doonta. Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir, Gudoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka daladda Punsa Mustafe Cabdilaahi, Gudoomiyaha Gudigga KMG ee doorashooyinka Puntland ee Gobolka Karkaar Maxamuud Ismaaciil, Gudoomiyaha ururada haweenka Qardho Faaiso saciid Cali, Gudoomiye ku xigeenka dallada dhalinyarada…

Read More

Hay’adda Maareynta Macluumaadka Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland oo kaashanaysa Wasaaradaha Deegaanka iyo Xanaanada xoolaha Dowladda Puntland ayaa tababaro kala duwan u qabatay xoola-dhaqatada iyo beeralayda ku dhaqan Deegaanka Kubo oo ka tirsan degmada Qardho. Tababaradan ayaa ku saabsan Maamulka iyo qaab-dhismeedka iskaashatooyinka waxaa sido kale lagu tababaray meereynta iyo ka faa’idaysiga daaqa. Idilnews

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo qabatay kulan uu Machadka Dowladda Hoose Puntland kusoo bandhigayay Manhajka lagu toobabari Doono Hawlwadeenadda Dowladda Hoose. Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Adeega Bixiya, Bahwadaagta Wasaaradda UNJPLG, Saraakil ka Socotay Madaxtooyada, iyo qaar kamid ah shaqaalaha Dowladdaha Hoose Puntland, shaqaalaha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL. Inta uu socday Kulanka ayaa looga Dooday dardargalinta manhajka Machadka Dowladaha Hoose Ee Puntland waxana lagu soo bandhigay Qorshaha iyo Mustaqbalka fog ee yeelan doono Machadka Dowladdaha Hoose Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse, Madaxweynaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xaalada dadka qoxootiga ah ee dib ugu soo laabanaya deeganada Jubaland iyo sidii loo garab istaagi lahaa isla markana loogu diyaarin lahaa waxyaabaha aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin. Idilnews

Read More

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukun ku ridday Maxamed Cabdi Dhoore oo lagu helay in Kufsi iyo afduub uu u geystay Gabadh 6 sanno jir ah. Maxkamadda ayaa ku xukuntay Maxamed Dhoore, 5 sanno oo xabsi ah, iyo bixin Labo halaad oo la siinayay dhibanaha, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Galgaduud Axmed Salaad Kulane. Idilnews

Read More

Banaanbax lagu taageerayo gulufka dagaalka ee Ciidanka DFS iyo Daraawiishta Galmudug ka wadaan deegaano katirsan Gobalka Mudug oo ay Al-Shabaab maamusho, ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqaya erayo ay ku dhiiragalinayaan Ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab, iyagoona sheegay inay garab taagan yihiin. Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug ayaa saaka la joojiyay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, waxaana shacabka loogu baaqay inay kasoo qeybgalaan banaanabaxan. Idilnews

Read More

Maalintii labaad ayaa saakay lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo bandhigo cilmi-baaris laga sameeyay nolosha Soomaaliya, sida dhaqaalaha, caafimaadka, warbarashada iyo sharciga. Cilmi baaristan waxaa soo bandhigaya aqoonyahanno Soomaaliyeed oo kaashanaya jaamacad ku taalla magaaalada Muqdisho. Waxyaabaha sida aadka ah looga hadlayo waxaa kamid ah saameynta xanuunka Covid19 uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo guud ahaan dalka, iyadoo sidoo kale aqoonyahanku ay bixinayaan talooyin ku aaddan sida xalka ay u arkaan. Idilnews

Read More

Goobaha ganacsiga koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta xiran, kaddib amar xalay ku baxay laamaha Amniga Galmudug. Waxaa si rasmi ah u dhaqan galey awaamiirtii kasoo baxay laamaha Amniga Galmudug, kaas oo ahaa in la xiro maanta goobaha ganacsiga, sidoo kalena dadka ay kasoo qeyb galaan banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab Wadooyinka waaweyn ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la dhigay Ciidamo Boolis ah, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee banaanbaxa lagu dhiirigelinayo Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab. Degaannada Galmudug ayaa waxaa xilligaan ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Koonfurta Gobolka Mudug. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 24-kii Bishaan Agoosto duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degaanka Camaara ee Gobolka Mudug halkaas oo shalay weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen Al-Shabaab. ” Isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada…

Read More

Eng Maxamuud Khaliif Jabiye, Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Sinaan iyo Cadaalad ee Puntland ayaa sheegay in hada uu gacanta ku hayno mashruuc aad u wayn oo lagu dhisaayo Hospital (Referral Hospital ) kaas oo fulinaya qaliimada waaweyn ee loogu safro dalka dibadiisa. Mashruucaan ayuu sheegay in uu kacayo qiima dhan $10Milyan oo dollar, waxaana laga hirgelin doonaa Magaalada Qradho ee xarunta gobolka Karkaar. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Facebook soo dhigay Eng. Jabiye. Waxaan ugu bishaaraynayaa bulshada reer Puntland si gaar ah shacabka Qardho in hada aanu gacanta ku hayno mashruuc aad u wayn oo lagu dhisaayo Hospital (Referral Hospital…

Read More

Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland, kuwaas oo lagu eedeeyay inay lunsadeen Hanti dadweyne. Xubnaha shaqo joojinta lagu sameeyay oo ah 4 ayaa Hanti-dhowrka Puntland sheegay inay natiijada hordhaca ah ee baaris lagu sameeyay ay muujinayso lunsasho hantiyeed oo ay sameeyeen masuuliyiintan oo kala ah; 1: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax. 2: Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mahad Colaad Maxamed 3: Xisaabiyaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Jaamac Geelle. 4: Madaxa Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdullaahi Axmed. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray xulka Gobalka Haylaan oo galabta ku guuleystay Tartanka 8-aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii ay ka adkaadeen dhigooda Gobalka Nugaal. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Madaxweynaha Puntland soo dhigay bartiisa Facebook. Waxaan hambalyeenaya Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Haylaan oo ku guuleystay Galabta Tartankii Kubadda Cagta ee Gobollada Puntland, sidoo kale Xulka Kubadda Cagta ee Nugaal iyagana kaalinta labaad galay waxaan lee ahay hambalyo waa dadaasheen . Ciyaaruhu waa isdhexgal Bulsho, oo kor u qaadaya Wacyiga dhallinyarada, runtii intey socdeena siweyn ayaa looga dareemay Puntland sida ay…

Read More

Xulka kubadda cagta Gobalka Haylaan ayaa ku guuleystay Tartanka 8-aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii 3-4 gool ku laad ah uga adkaadeen dhigooda Gobalka Nugaal. Ciyaartan oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90 daqiiqo ee caadiga aheyd kusoo dhamaatay 2-2, waxaana loo gudbay Gool ku laad, iyadoona 5-tii ku gool ku laad ee Labada xul, 2 kamid ah laga qabtay xulka Gobalka Nugaal, halka Haylaan ay cuntay 1 gool ku laad. Idilnews

Read More

Ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa howlgal Gaadiidka lagu baarayay oo ay ka sameeyeen Magaalo qaran ayaa waxaa ay ku qabteen hub iyo rasaas farabadan, kuwaas oo la doonayay in lasoo galiyo deegaanka. Gashaanle Cabdi yare Cabdi Mahad oo ah madaxa Maamulka ee ciidanka Madaxatooyada iyo Xidigle deeq cali biixi oo kamid ah xooga ciidanka gaarka ah ee kahowlgala kantaroolka magaalo qaran ayaa sheegay in inay sidoo kale wabteen darawalkii waday gaarigii hubku saarnaa iyo waliba ninkii watay hubkan sharci darada ah. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aysan ahayn markii koobaad ee ay hub sharcidaro ah oo…

Read More

Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyeso kumanaanka qof. Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray. Hase yeeshee ayada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August. Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso. Afhayeenka…

Read More

Golaha siyaasiyiinta kaso jeeda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay ka horyimaadeen habraaca doorashada Aqalka Hoose oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran. Qoraal ay Golaha soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in aysan rali ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland, balse ay soo dhaweeynayaan in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi la waafajiyay habraacyadii sanadkii 2016-kii. Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen Saddex qidib oo ay sheegeen inay muhiim u tahay in xal…

Read More

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban saaka la wareegeenb Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka degaanka. Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka. Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay. Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna VOA u sheegay in dhinca cirka…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa kulan kula qaatay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya Gen. Birhanu Jula. Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay dadaalka Soomaaliya sidii ay militeri ahaan isugu filaan lahayd, sida ku warantay Warbaahinta Dowladda Ethiopia EPA. Socdaalka uu Addis Ababa ku tagay Gen. Odawaa ayaa kusoo aadaya xilli Itoobiya ay dhex dabaalaneyso mowjado dagaal, uuna dalku galay dagaal sokeeye, sidoo kale Ciidammada Soomaaliya la sheegay inay ka qeybgaleen colaada Itoobiya. Idilnews

Read More

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta duqeymo diyaaradeed ay ka dhacay duleedka degaanka Cammaara, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Gaadiid dagaal oo Al-Shabaab saaka ku qabsadeen weerarkii ay ku qaadeen degaanka Cammaara, iyaga oo u waday degaannada kale oo ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug. War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Xubno badan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay aheyd mid looga jawaabayay weerarkii Al-Shabaab ee degaanka Cammaara.…

Read More

Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la leh Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho. Kulanka oo ah mid balaaran ayaa looga hadlayaa Arrimaha Geedi socodka Doorashooyinka ee Dalka, gaar ahaan dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka oo laga sugayay inteeda badan Beesha Caalamka. Idilnews

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa shaacisay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad sanad dugsiyeedkii 2020/2021 oo ay u fariisteen 12,035 Arday oo kala ahaa 7049 wiil iyo 4986 gabdhood. Tirada guud ee ardayda gudubtey waa 11, 571, waxaana ku dhacay 364 arday, halka 100 kamid ah ardaydu aysan imtixaanka u fariisan, wqxaana Kaalinta 1aad waxaa gashay Nawaal Mahad Siciid Daaruraxma Boosaaso, sida uu ku dhawaaqay Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland Bashiir Jaamac Maxamed. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/830692430983474 Idilnews

Read More

Booliska Gobalka Nugaal ayaa howlgallo ka wada magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo lagu xoojinaya Amniga. Howlgaladan ayaa imaanaya xilli la filayo in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, ayna magaalada soo buux dhaafiyeen boqolaal shacab ah oo kayimid deegaanada kale ee Puntland. Ciidammada ayaana baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha, iyagoona sidoo kale su’aalo weydiinaya shacabka. Sidoo kale, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Nugaal ayaa uga digay taageerayaasha xulalka Gobalada Nugaal iyo Haylaan oo maanta ciyaaraya Finalka ciyaaraha Puntland inay dabaal-degyo ku sameeyaan shaaricyada magaalada, sida barxada Garoowe iyo inay fowdo ka sameeyaan garoonka. Idilnews

Read More

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ka wada buuraleyda Calmiskaad ee Gobalka Bari. Howlgaladan ayaa si gaar ah uga socda agagaarka degmadda Balli-dhidin iyo deegaanada hoostaga, waxaana ay dabada socdaan weerar kooxda Daacish ay dhowaan ku qaaday Balli-dhidin, kaas oo lagu khaarajiyay Guddoomiyihii degmadda. Wararka ayaa sheegaya in howlgaladan lagu burburiyay saldhigyo cusub oo kooxda Daacish ka sameysatay dhulka buuraleyda, sidoo kalena la gaarsiiyay khasaare. Ma jirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay Hay’adaha Amniga Puntland, kaas oo ku saabsan howlgalada maalmahan ka soconaya buuraleyda Gobalka Bari. Idilnews

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 105 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 64 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (60), gobalka Banaadir (38), Somaliland (5), iyo Galmudug (2) qof ah, 51 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 16,892 waxaa bogsootay 8,141 Ruux.…

Read More

Wararka laga helayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka Waaberigii ay Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku leeyihiin degaanka Cammaara. Dadka degaanka ayaa ku waramay in dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay degaanka Camaara , kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac iyo Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21 ayaa sheegay inay qasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaabkii kusoo duulay magaalada camaara ayna soo bandhigi doonaan. Dhinaca Al-Shabaab ayaa warar ay ku qireen Baraha ay ku leegihiin Inteenetka waxaa…

Read More

Xulalka Gobalada Nugaal iyo Haylaan ayaa maanta ciyaari doona Finalka Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaas oo soo bilowday 1-dii bishan August. Ciyaartan oo ah mid xiiso badan ayaa u diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayaa Caasimadda Puntland ee Garoowe, kumanaan qof oo ka kala yimid gudaha Caasimadda iyo deegaanada kale Puntland ayaana jartay Tagidyada garoonka Mire Awaare, si ay u daawadaan ciyaartan. Sidoo kale, Masuuliyiin ka socda Wasaaradaha iyo xiriirada kubadda cagta DFS, iyo Dowlad Gobaleedyada kale ee Dalka ayaa ka qeybgalaya daawashada ciyaartan, oo uu goobjoog noqon doono Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Idilnews

Read More

Wasiir-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland ayaa maanta Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafti waxbarasho oo ka socday dalka Sweden. Wasiir-dawlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdullaahi Xasan Rooble, Agaasima-waaxeedyada qaarkood iyo lataliyayaasha Wasaaradda ayaa shir muhiim ah la qaatay waftiga ka socday dalka Iswiidhan. Ujeeddada shirkaan ayaa looga hadlay guud ahaan sidii wax looga qaban lahaa loona horumarin lahaa waxbarashada carruurta baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaa laga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa waxbarashada carruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo in ay helaan iskuullo ku haboon, agab waxbarasho oo iyaga u gaar ah, manhaj ka turjumaya awooddooda…

Read More

Golaha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa caawa yeeshay kulan xasaasi ah. Kulanka oo ahaa casho ayaa waxaa lagu gorfeeyay marxalada siyaasadeed ee dalka, iyo Arrimaha Doorashooyinka, si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii loo xalin lahaa tabashada midowga Musharixiinta ee Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS. Idilnews

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka Gaashaandhigga Eritrea oo lala xiriiriyay xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada oo Ciidamada Eritrea ka geysteen Gobolka Tigray ee Itoobiya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayuu ku yiri “Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hoggaamiyaha Ciidamada Difaaca Eritrea oo la xiriira xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Itoobiya.” Sidoo kale, Mareykanka ayaa ugu baaqay Eratrea inay Ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya. “Waxaan ku boorinaynaa Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya iyo in dhammaan dhinacyada isku haya ay u hoggaansamaan xabbad -joojin wada…

Read More

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland ahna sii hayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi, ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ay hoggaaminayso madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson. Kristina Svensson ujeedada socdaalkeeda ayaa ahaa sidii ay wax badan uga ogaan laheyd shaqooyinka ka socda Puntland gaar ahaan mashaariicda Bangiga adduunku ka Fuliyo Puntland. Wafdiga, ayaa sidoo kale booqdey Bangiga Dowladda Puntland iyo Hantidhowrka oo ay warbixino ka dhageysteen masuuliyiinta ay kula kulmeen xarumahan. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland iyo wafdiga Bangiga Adduunka ayaa kormeerkooda kaddib shir ku yeeshay xarunta Wasaaradda…

Read More

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa ay haatan kulan la leeyihiin Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Hoyga ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa waxaa looga hadlaya arrimaha Doorashadda, waxaana uu kusoo aadaya saacado kooban kaddib markii Midowga Musharixiinta ay ka horyimaadeen Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo baxay Shirka Golah Wada-tashiga Qaran. Idilnews

Read More

Taalibaan ayaa maanta sheegtay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyada muqaawamada ah ee ku sugan Dooxada Panjshir, balse ay doonayaan wada-hadal, intii ay dagaal la gali lahaayeen. Tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, koox muqaawamo ah oo ka tirsanaa askarta dowladdii hore ayaa isku urursanayey Panjshir, oo waqooyi kaga beegan Kabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Taalibaan diidka. “Dagaal-yahanada waxay saldhigteen agagaarka Panjshir,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujaahid, oo intaas ku daray inay saddex dhinac ka hareereeyen. “Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri.…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay madaxa Hay’adda WFP ee Gobolka Geeska Afrika Mr Michael Dunford iyo Wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Madaxda WFP ee Soomaaliya iyo xafiiska WFP ee Puntland, waxaana looga hadlay arrimaha bani’aadantinimo ee ka jira Puntland. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/406672380887669 Idilnews

Read More

Ururka Midowga Afrika [AU] iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka heshiiyay mustaqbalka Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika [AMISOM] ee ku sugan Soomaaliya, wax ka yar afar bilood ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedkooda. Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen AU iyo DFS Axaddii ayaa lagu sheegay in arrimo dhowr ah la xaliyay; tallaabadan ayaa sii dheereyn doonta joogitaanka ciidamada ee Soomaaliya ilaa xasilooni laga helo. Qaraar la ansixiyay bishii June ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya illaa December 2021,markaas kaddibna ay u ambabixi doonaan dalalkooda balse hada waxaa muuqanaya in jadwalka isbadal…

Read More

Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalada kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland, xilli ay bilaabanayso dhowaan doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS. Waraaq kasoo baxday Wasiir Dhuumaal ayaa lagu sheegay in hubka lala dhexmaro Kismaayo loo ogolyahay Laamaha Amniga Jubbaland, ilaalada Madaxda iyo Masuuliyiinta. Idilnews

Read More

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa ka horyimid Habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee kasoo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee axadii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho. Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in habraacan uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May, iyagoona dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada. Ugu dambeyntii, Midowga Musharaxiinta ayaa ka digay boob doorasho iyo colaad sokeeye inay dalka ka dhacdo, iyagoo tusaale u soo qaatay dalaalka dariska ah. https://www.facebook.com/AAbdishakur/videos/275679717279133 Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari. Shirka ayaa waxa looga hadlay Todobaadkan xoojinta amniga guud ee Gobolka, la dagaalka kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish, u diyaar garowga dadka kusoo noqonaya Magaalada Bosaaso iyadoo uu dhammaaday xiligii xagaagga, Iyo isku xirka lamaaha amaanka Gobolka Bari. Waxaa ka soo qeyb galay shirka wasiir ku-xigeenka wasaarada Dekadaha Dowladda Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, Guddoomiyaha Iyo ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Taliyeyaasha Dekadda, Iyo Jeelka weyn ee Magaalada Bosaaso.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka. Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland. Gabagabadii weftiga ka socda Bangiga adduunka ayaa kulan la qaatay xafiiska Mashruuca Tayeynta iyo Kobcinta Hay’addaha Dowladda (CIP) waxaana ay warbixin kaga dhegaysteen masuuliyiinta xafiiska CIP ee Puntland. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/386469559549855 Idilnews

Read More

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Karkaar Iyo Maamulka degmada Qardho ayaa ku guuleystay in ay gubbaan hoggo dhuxul ah, kuwaas oo lagu shidayay godad laga sameeyay buuraha ku hareeraysan Magaalada Qardho. Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar G/Sare Faarax Nuur Maxamed yaa sheegay in lagu daba-jiro ragii dhuxushaan gubayay, waxa uu ciidamada iyo bulshada reer guuragaaga uga mahad-naqay dadaalka ay sameeyeen ee la xiriirta ka hortaga xaalufka deegaanka. Taliyr Faarax waxa uu tilmaamey in sidaan oo kale ay hawl-galo hore oo ay sameeyeen ay ugu gubeen hogo kale oo isla dhulka xoolo daaqeenka ah ee degmada Qardho laga shidayay, ugi danbaysa waxa uu…

Read More

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale oo loo haystaa kamid ahaanshiyaha kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008 ayaa maanta lagu riday xukun xabsi ah. Fadhiya kala duwan kadib maanta ayay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah. Idilnews

Read More

Roobabka deyrta ayaa ka curtay deegaano kamid ah Gobalka Bari, kuwaas oo ay ku diirsadeen shacabka kunool degmada Ufeyn iyo deegaanada hoostaga. Roobabkan oo ah kuwo mahiigaan ah ayaa da’ayay ilaa xalay, mana jirto wax khasaare ah oo lasoo wariyay inay ka dhasheen. Maamulka Gobalka Bari oo qoraal soo saaray Axadii ayaa ka digay in 48 saac ee nagu soo fooda leh ay ka da’ayaan Gobalkaas roobab xooggan oo dabeylo wata, waxaana loogu baaqay shacabka kunool dhulka godan, togaga iyo deegaanada xeebaha dhaca ee Gobalkaas inay muujiyaan feejignaan, sidoo kale kalluumeysatada iyo laashashka ku safra badda ayaa loogu baaqay inay…

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka falceliyay warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga qaranka ee lagu jaangooyay habraaca doorashada Golaha Shacabka BFS ayaa ku tilmaamay go’aan kicin kara rabshado cusub. Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu hoggaamiyaasha Gobolladu ku sifeeyay in ay ku guuleysteen xoojinta awoodda ay ku leeyihin Doorashooyinka marka la eego kaalinta ay ku leeyihiin soo xulista Odoyaasha & galaangalka Ergada wax dooraneysa. Cumar Cabdirashiid waxa uu ku baaqay in dib u eegis degedeg ah lagu sameeyo si looga fogaado dib u dhac ku…

Read More

Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa si weyn u kacsan maanta kaddib markii ay xalay la wareegeen Ciidammo la magac baxay Badbaadada Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hirshabelle ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Xuseen Guudlaawe. Ciidammada ayaa xalay qabsaday inta badan xaafadaha magaalada Beledweyne, waxaana ka dhacay magaalada dagaalo goos goos ah oo dhexmaray Ciidanka DFS iyo kuwa Badbaadada Hiiraan, sidoo kale Beledweyne ayaa xalay marti galisay banaanbaxyo ka dhan ah Maamulka Hirshabelle. Wararka ayaa sheegaya in qabsashada magaalada Beledweyne ee Ciidammada diidan Maamul Hirshabelle ay soo dad’dajisay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu maanta…

Read More

Ciidanka la magac baxay Badbaadada Gobalka Hiiraan ayaa caawa la wareegay qeybo badan oo kamid ah magaalada Beledweyne. Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminaya Sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Barre oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 27-aad. Ciidanka ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan in Madaxweynaha Hirshabelle Ali Gudlawe Hussein uu tago magaalada Beledweyne, xilli ay soo baaqayaan warar sheegaya in Guudlaawe uu berri ku wajahan yahay magaaladaas. Idilnews

Read More

Sanad ka hor ayay aheyd markii maal qabeenka Elon Musk, uu hadal jeedin dheer ka sameeyay mawduuca goobaha waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha. Waxa uu u arkayay in ay yihiin goobo qofka caqligiisa lagu liido oo qofka la baro waajibaad shaqo oo laga doonayay in uu isaga sameeyo. Inkastoo Elon Musk uu dhameystay jaamacad, hadana jaamacadaha waxa uu u arkaa meel dadka lagu mashquuliyo oo lagu madadaaliyo. Elon, waxa uu caddeeyay in shaqaalaha shirkaddiisa Tesla Motors aan lagu qaadan doonin shahaadooyinka uu qofka sito, ee lagu qaadan doono qofka waxa uu yaqaano iyo kartidiisa. Shirkadda Google, IBM iyo Apple ayaa kamid…

Read More

Dowladda Puntland ayaa uga digtay shacabka kunool Gobalka Bari roobab xoogleh oo 48 saac ee soo socda di’i doona Gobalkaas, sida ay muujinayso saadaasha cimiladu. Qoraal uu baahiyay uu baahiyay Maamulka Gobalka Bari, ayaa loogu baaqay Shacabka inay isaga baxaan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta, si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada. Sidoo kale, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobalkaas ayaa la faray in 48 saac ee soo socda ay wax gaadiid ah u bixi karin Badda. Ugu dambeyn, Qoraalka Maamulka Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in roobabkan xooggan ay…

Read More

Waxaa goor-dhaweyd soo gaba-gaboobay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. War murtiyeedka lasoo saaray ayaa qeyb ka ah habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, sidoo kale waxaa ka mid ah habraaca doorashada Golaha Shacabka oo aan wax is bedel ah ku imaan ergada 101 iyo mida labada deegaan Doorasho. Idilnews

Read More

Xulka Gobalka Haylaan ayaa iska xaadiriyay Finalka Tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii ay Rigoole 4-5 ah uga adkaadeen dhigooda Gobalka Mudug, ciyaar ka dhacday galabta garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe. Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa 90+ daqiiqo ee loogu talagalay kusoo dhamaatay ismari waa 1 iyo 1 ah, iyadoona intaas kaddib loo gudbay Gool ku’laad, waxaana Haylaan ay xaqiijisay inay shabaqa ku hubsato 5 kubadood ee Ciyaaryahanadoodu laa’deen, halka Mudug ay laga qabtay laadkii ugu dambeeyay ee 5-aad. Xulka Gobalka Haylaan ayaa ciyaarta Finalka ay isku arki doonaan Gobalka Nugaal oo isagu shalay iska xaadiriyay Finalka.…

Read More

Wasiirka wasaraadda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farax Xasan ayaa maanta kormeeray warshad cusub oo soo saaraysa Oxygenta oo ay ka hirgalisay shirkadda maxaliga ah ee dawooyinka keenta ee shaafici. Warshadan ayaa noqonaysa middii ugu horaysay ee laga hirgaliyo Garowe taas oo soo saaraysa Oxygenta loogu talagalay in laga iibiyo dadka baahida oxygen ubaahan iyadoo lagu jiro waqtiga Covid19. Wasiirka ayaa kormeerkiisa ugu talagalay inuu dhiirigaliyo ganacsatadda keenay warshadan waqtigii ugu baahi badnayd taas oo meesha ka saari doonta yaraantii Oxygen ee ka jirtay Puntland. Wasiirka ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta shirkadda Shaafici inay ka shaqeeyaan sidii dadka looga iibin lahaa…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa waxaa la filayaa in magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galo Shirka Toddobaadka Tamarta Afrika. Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in shirkaasi Soomaaliya uu fursad u yahay , isla markaana lagu casuumay shirkado waawayn oo danaynaya in ay Soomaaliya la galaan wadaxaajood ku saabsan fursadaha sahaminta tamarta dalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shirka todobaadka tamarta Afrika ee Magaalada Cape Town uu kor u qaadayo fursadaha ay soomaliya u heli karto in laga sameysto malgashi la xiriira Khayraadka iyo Macdanta Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Bartoolka Xukuumadda xilgaarsiinta…

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Sharmaake Xasan Cali ayaa Saaka Shir la yeeshay madax sare oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah GIZ, oo kala ahaa Dr. Purmina Doris oo ah Madaxa Mashruuca iyo Isabelle Datz oo ah Lataliye Hoose oo ka tirsan Mashruuca ka -qaybgalka bulshada iyo dhaqaalaha ee muddada dheer iyada oo loo marayo habka qalin –jabinta . Inta uu shirku socday ayaa waxa laga wada hadley sidii mashruuca degdeg ugu hirgeli lahaa loogana wada shaqeyn lahaa fulinta mashruuca. Idilnews

Read More

Munaasabad lagu weynaynayo xuska 1-da August oo ku beegan aasaaskii Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Hyderabad ee Dalka Hindiya, waxaana ka qeybgalay Guddoomiye kuxigeenka Gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud, Wakiilka Dowladda Puntland ee Hindiya Maxamed Cabdi Saciid ‘Sagac’, Ganacsato, Guddoomiyaha Ardayda wax ka barata Hindiya, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Dalka Hindiya, iyo marti-sharaf kale. Munaasabaddan oo aheyd mid weyn ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska Wakiillka Dowladda Puntland ee Dalka Hindiya. Idilnews

Read More

Saraakiisha Uganda ayaa xaqiijiyay in dalkoodu uu maanta oo Axad ah qaabilayo 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dalka Afghanistan, waxaana wadahadal maalmo qaatay kadib, Uganda ay oggolaatay marti-galinta qaxootiga Afghanistan. Arrintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii si kumeel gaar ah loo hakiyay daadgureynta Kabul, sababo la xiriira xarunta qaabbilaadda dadka qaxaya ee ee dalka Qatar oo buux dhaaftay. Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxootiga, ayaa VOA u sheegtay in hay’adda Laanqeybta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee iskaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii maanta dalka…

Read More

Dalka Kenya waxaa ka bilowday qorsho ay dowladda dalkaasi dalka Ingiriiska ugu dirayso shaqaalaha daryeelka caafimaadka ah ee shaqa la’aanta ku ah gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ka faa’idaysanaya mashruuc cusub oo ay dhamaadkii bishii July kala saxiixdeen labada dowladood ee Ingiriiska iyo Kenya. Mashruucan ayaa lagu caawinayaa dadka Kenyanka ah ee caafimaadka bartay ee shaqa la’aanta ah. Qorista dufcaddii ugu horraysay ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka oo loogu talagalay shaqo qorista sida waafaqsan heshiiska, oo u badan kalkaaliyayaal caafimaad ayaa ka billabatay dalka Kenya. Idilnews

Read More

Wasiirkii hore Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo muddo xileedkooda dhamaaday Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xaalada Maamulka Hir-Shabeelle iyo kulamada xal raadinta ah ee ka socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiir hore Goodax Barre oo la hadlay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in wada-hadalladii xal raadinta ahaa ee ka socday Beledweyne ay fashilmeen, kadib sida uu sheegay markii Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannadii tegay Beledweyne ay qorsho kale la yimaadeen. https://www.youtube.com/watch?v=4jMHD0-6aso Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Siyaasiyiinta & Xildhibaannada ay qabaan in si awood ah Cali Guudlaawe lagu keeno Magaalada Beledweyne…

Read More

Waxaa maalintii labaad ka soconaya Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Shirkan oo soconaya sida qorshuhu yahay ilaa Arbacada ayaa qodobada ugu waa weyn ee looga hadlayo yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada oo inteeda badan ay ku maqan tahay Beesha Caalamka. Sidoo kale, Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa Isla soo qaaday dhameystirka doorashada Golaha Aqalka Sare, kaas oo aysan weli si buuxda u soo saarin xubnihii matali…

Read More

Ciidanka xooga Gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa kantaroolka Magaalo-qaran oo kamid ah degaannada Dowlad degaanka ku qabtay hub sharci darro ah. Hubka ayaa saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlad deganka ay sheegeen in lagu waday gaari, waxaana la socda rasaas farabadan oo jawaano lagu shubay, kuwaas oo la doonayay in la geliyo halka lagu Magacaabo Magaalo-qaran Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowlad degaanka waxaa ay sheegeen inay Ciidamada markasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amniga. Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada dowlad degaanka ay sidaan oo kale gacanta ugu dhigeen hub farabadan, kaas oo ay…

Read More

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qirtay in Ciidamo ka tirsan Uganda ee AMISOM ay dad shacab ahaa ku dileen degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib weerar qorsheysan oo ay Ciidamada la kulmeen. War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM ay ka go’aan tahay baaritaanka kiiskaas, kaas oo la soo geba-gabeyn doono lixda BISHA September ee soo socota, ayna baaritaanka kala Shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. War-Saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM oo aad u dheera ayaa waxaa sidoo kale lagu yiri” Anagoo daba socona Bayaankii ay AMISOM sooo saartay Ogosto 11, 2021, ee ku saabsanaa…

Read More