Somaliland ayaa xabsiga ka sii deysay Cabdi-jamaal Cismaan, oo horey xilal isugu jira Wasiir iyo Xildhibaan uga soo noqday Puntland. Cabdijamaal ayaa khamiistii ay ku qabteen magaalada Hargeysa Ciidammada Somaliland, xilli uu safar uga soo laabtay Dalka Itoobiya. Qaar kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Warsangeli ayaa ku eedeeyay xariga Cabdijamaal Sirdoonka Puntland, wallow aysan Puntland ka hadlin xariga Somaliland u geysatay Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Amniga iyo Xanaanada xoolaha Puntland. Idilnews
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka iyo Dowladda Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo ku geeriyooday dalka Maraykanka. “Waxaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Bahda Aqoontaba, uga tacsiyeeynaya geerida alle ha u naxariistee Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland. Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada xiliyadii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee fara ku tiris-ka ahaa ee dalka laga yaqaanay. Aniga geeridiisu si gaar ah ayeey ii taabanaysaa oo wuxuu ii…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan xasuuqii Amisom ay u geysatay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Golweyn. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ku dhacay dadkaa isla markaana uu uga tacsiyeynayo eheladooda, caddaaladdana lala tiigsan doono askartii falkaas geysatay. “Xaqiiqdii waa arrin fool-xun oo aan aad iyo aad uga damqanay, waxaa halkaan igu soo booqday Safiirka Uganda & taliyaha qaybta iyaga oo tacsida iigu yimid, waan u sheegay in aan marnaba raalli ka…
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfuray ololaha tallaalka Covid-19 ee Shaqaalaha Dawladda Muqdisho, 21, Agoosto, 2021- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta daahfuray ololaha tallaalka COVID-19 ee Shaqaalaha Dawladda. Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , oo ay goobjoog u ahaayeen Guddoomiyaha guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil kale ayuu Wasiirka Shaqada ku qaatay tallaalka. “Tallaalka wuxuu door ka qaadanayaa hortagga faafida COVID-19 ee goobaha Shaqada.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo dhammaan Shaqaalaha Dawladda ku…
Xulka Gobalka Nugaal ayaa iska xaadirayay Finalka Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii 4-2 ay galabta uga adkaadeen dhigooda Gobalka Cayn. Ciyaartan oo xiiso badan laheyd ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, xulka Gobalka Nugaal ayaana wareegii hore ee ciyaarta xaqiijiyay 2 Gool, oo ay ku hoggaaminayeen ciyaarta oo aheyd tii ugu horeysay ee wareega afar-dhamaadka Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa abuurtay rajo beel iyo rajo is xigay, kaddib markii xulka Gobalka Nugaal oo la yimid Goolkii 3, uu 2 Gool ka daba keenay ciyaaryahanka Khaalid Lion ee Gobalka Cayn. Si kastaba xulka Gobalka Nugaal oo horey…
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Ee Puntland AUN Prof. Abshir Yuusuf Aw-Ciise, ayaa cudurka COVID-19 ugu geeryooday Dalka Mareykanka. AUN Prof. Abshir Yuusuf ayaa kamid ahaa Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, waxaana xilka loo dhaariyay 28-June-2015, kaddib markii xilka laga qaaday Wasiir Cali Xaji Warsame. Idilnews
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Shirkan oo socon doona maalmo ayaa looga hadlaya dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday. Madaxda ayaa mid mid uga doodi doona qodobada Shirka, iyagoo gaba-gabada soo saari doona War-murtiyeed ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay doodahoodii. Idilnews
Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Madaxda sare ee hay’ada WFP. Intii uu socday kulanku ayaa waxa ay ka wada hadleen shaqooyinka hay’adu ay ka wado Gobolka Bari, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka WFP Iyo Maamulka Gobolka, hormarada iyo mashaariicda socda sidii loo xoojin lahaa, Guddoomiyaha ayaa kusoo dhoweeyay Xafiiska waxa uuna uga mahadceliyey kulankan isagoona uga warbixiyay xalaada guud ee Gobolka iyo baahiyaha jira.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa magaalada Garowe Ku qabatay shirka isku xirka Xoojinta Xiriirka Gobaladda, Degmooyinka,Haayaddaha Dowladda, iyo Bahwadaagta Dowladda Puntland. Shirkaan waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland, shaqaalaha Dowladda Hoose, Madax ka socotay Ha’yaddaha Dowladda Puntland iyo Bahwadaagta Dowladda Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Jubba Cali Nuur ayaa Shirka Daah furay wuxuu ka qayb galayaasha kula Dardaarmay inay si hufan uga Doodaan ujeedooyinka Shirkaan.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Doorashooyinka ayaa goor-dhaweyd ka furmay Teendhada Afisyoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo qodobo ay kamid yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin. Shirkan oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Banaadir maalmaha soo socda socon doona, iyadoona gaba-gabadiisa laga soo saari doono War-murtiyeed. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd gaaray magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyeed. Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo katirsan DFS ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Madaxweyne Deni ayaa uga qeybgalaya Muqdisho Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta ka furmaya Teendhada Afisyoon, loogana hadlayo arrimo ay kamid yihiin Habraaca Doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka oo weli ku maqan Beesha Caalamka. Idilnews
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab, ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan in ay Albaabada u laaban qaar kamid ah jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo oo aan buuxin shuruudaha wasaaradda waxbarashada. Wasiir Carab ayaa sheegay in dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin jaamacado tayo leh, maadaama ay dhiibayaan lacag sidaas darteeda lasoo reebi doono kaliyaha kuwo tayada wanaagsan. Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diwaangaliyeen dhammaan jaamacaddaha ku yaalla Dalka, haddana ay waddaan qiimeynta heerka tayada waxbarashada, isagoona intaas ku daray inay qorsheynayaan in ay xiraan ka hor doorashada kuwo liita ee aan buuxin shuruudihii looga…
Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi. Warbaahinta bulshada ee taabacsan Taalibaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Taliban ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawacmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan. Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay…
Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari ay la socdeen muwaadiniin Shiinees ah oo ka dhacay Gwadar oo ku taalla gobolka Balochistan ee koonfur -galbeed Pakistan ayaa lagu dilay laba carruur ah, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska. Ma jirin sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Jimcihii. Liaquat Shahwani, oo ah afhayeenka xukuumadda gobolka Balochistan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters “Laba carruur ah ayaa ku dhimatay weerarka, saddexna way ku dhaawacmeen. Qaraxa ismiidaaminta ayaa ka dhacay wadada East Bay ee magaalada dekedda leh ee Gwadar abaare 7 -da fiidnimo (14:00 GMT). Muwaadiniinta Shiinaha ayaa waxaa soo…
Wasaarada amniga Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa digniin ka soo saartay Jid-gooyooyin loo dhigto baabuurta Ganacsiga deegaanada Hoos yimaado Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda. Wasaarada amniga ayaa laamaha amniga Fartay In Talaabo sharciga waafarsan Laga Qaado kuwa dhigto jidgooyooyinka Ee Dhibaataynaayo Ganacsiga Bulshada. Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aan la aqbalin doonin dadka shacabka ah lagu dhibaateeyo wadooyinka ku yaalla agagaarka degmada Caabudwaaq. Ciidanka Ammaanka mamulka Galmudug ayaa dhawaan howlgal ka fuliyay degaanada ay yaallaan isbaarooyinka, waxaana ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah kooxihii dhigtay oo dadka shacabka ah ka qaadayay lacag baad ah. Idilnews
Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bilaabay dadaalo uu doonayo inuu kulan kula yeesho Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Farmaajo uu ka codsaday Xildhibaano, Wasiiro iyo saaxiibada Labada Madaxweyne inay la kulan siiyaan. Siciid Deni oo maanta tagaya Muqdisho iyo Axmed Madoobe ayaa horey dhowr mar oo ay tageen Muqdisho u diiday la kulanka Farmaajo, sidoo kale labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii hore ee Golaha Wada-tashiga Qaran iska diiday inay ka qeybgalaan casho-sharaf uu Farmaajo ku casuumay Madaxda Golaha.…
Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir. Shirkan ayaa looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin diyaar-garowga doorashooyinka Golaha Shacabka BJFS, iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana maanta la filayaa inay gaaraan Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Puntland. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland 1.1. Waxaa Faysal Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland. 1.2. Waxaa Cabdulqaadir Cali Suleymaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaarada Amniga Dowladda Puntland. 1.3. Waxaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasimayaal Guud. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Jaamac Xasan Cabdule loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland. 2. Waxaa Maxamed Imaan Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland. * Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo,…
Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim Soomaali ah oo ka mid noqda Xildhibaannada Baarlamanka Gobolka Nova Scotia ee Canada. Mr. Ducaale oo kasoo baxay xisbiga Liberal-ka ee hoggaamiya Canada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha uu gaaray. Idilnews
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa booqday Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo haatan wajigeedii kowaad uu marayo gabagabo. Xildhibaanada ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Shirkadda Wadaagsin ee gacanta ku heysa dhismaha Dekedda, kuwaas oo uga warbixiyay sida ay u socoto shaqada dhismaha Dekedda iyo xilliga la doonayo in lasoo gaba-gabeeyo. Dekedda Garacad ayaa dhismaheedu mareya meel wanaagsan, waxaana soo gaba-gaboobay dhismaha jambiga kowaad ee Maraakiibtu kusoo xiran doonto, oo dhan 100-Mitir, kaas oo xariga laga jari doono, waxaana bilaaban doona dhismaha jambiga labaad oo ka kooban 170-Mitir, sida ay sheegeen Injineerada gacanta ku haya dhismaha Dekedda. Idilnews
Lataliyaha Amniga Qaranka Wadanka Imaaratka Carabta ayaa gaarey wadanka Turkiga asagoo Madaxtooyada Turkiga kula kulmey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan. Turkiga ayaa ku eedeyey Imaaratka Carabta iney wax ka maleegtey Afgambigii dhicisoobey ee Wadanka Turkiga ka dhacay sanadii 2016, balse Imaaratka Carabta ayaa beeniyey Eedeymahas. Dalalkan ayaa isku qilaafey arrimo dhowr ah loolanka ugu adag ee ka dhaxeeyo ayaa ah Sareynta Saameynta Caalamka ee dalalkan iyo Cida wax laga weydiinayo Dunida Muslimka, Turkiga hada wuxuu isku arkaa inuu yahay wadanka ugu awooda badan dalalka Muslimiinta. Idilnews
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmahaan si been abuur ah dadka looga dhaadhiciyay, kaas oo ah in dadka ka soo xagaa noqonaayo magaalooyinka oo imaanaya magalada Bosaaso in kantaroolka lacag looga qadaayo si ay iskaga baraan xanuunka karoonaha. Taliye Xuseen ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin Umadana lagu jaahwareerinayo qofkii lagu qabtana talaabo cad ay ka qaadi doonan ciidamada Boolisku.
Madaxweynaha Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo lagu wado in uu berri ka furmo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta iyaguna tagi doona magaalada Muqdisho. Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo ay kamid yihiin Habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee doorashada, oo laga sugayay Beesha Caalamka. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa iyagu shalay gaaray Muqdisho, sidoo kale waxaa caasimadda kusoo laabtay Ra’iisul…
Ciidanka Somaliland ayaa ku xiray magaaladda Hargeysa Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Amniga iyo Xanaanada Xoolaha Puntland ahna Xildhibaan hore Cabdi Jamaal Cismaan. Xariga Cabdi Jamaal ayaa yimid xilli uu kasoo laabtay Dalka Itoobiya, waxaana Ciidanka Somaliland ay ka qabteen guri uu ka degay magaalada Hargeysa. Cabdiraxmaan Dhoore, oo horey uga mid ahaa Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay xariga Cabdi Jamaal ay u geysteen Ciidammada Somaliland, Sirdoonka Puntland. “Af duubka lagula kacay Xildhibaan Cabdi Jamaal Waa sharci daro iyo xadgudub loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed oo safar ku jira waxaana ka danbeeya sirdoonka Puntland oo kaashayanaya ka Somaliland XildhIbaan Cabdi Jamaal waa…
Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku geeryootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad ku taalla Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, taas oo ku dhow xarunta Hay’adda Nabad-sugida ee Maama Khadiija. Maqaayadan oo uu beegsaday qof naftiis hire ah ayaa waxaa fariisan jiray Ciidammada NISA iyo dad shacab ah. Hay’adaha Amniga DFS ayaan weli ka hadlin Qaraxan. Idilnews
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Todobaadkii mar isugu yimaadaan Saraakiisha Qaybta Gobolka Nugaal. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/1567668196909575 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho qaadatay 3 maalood oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugnaa magaaladda Qaahira kulamo la qaatay Madaxda Dalka Masar, kuwaas oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa si guul ah ku soo dhamaatay. Idilnews
Duqa degmadda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Maxamuud Cabdinuur Aadan, ayaa wareysi uu siiyay IdilTv kaga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay maamulkiisa tan iyo magacaabistiisa. https://www.youtube.com/watch?v=p0gdj6xXSig Idilnews
Xulka kubadda cagta Gobalka Haylaan ayaa guul ka gaaray dhigooda Gobalka Sanaag, kaddib kulan ciyaareed ka dhacay galabta garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe, kaas oo ahaa kii ugu dambeeyay ciyaaraha Group-yada. Xulka Gobalka Haylaan ayaa xaqiijiyay inuu kamid noqoshada xulalka u gudbay wareega afar dhamaadka ee Tartanka 8-aad ee Gobalada Puntland, oo ay horey u joogeen Gobalada Mudug, Cayn, iyo Nugaal. https://www.youtube.com/watch?v=vPv8xv_WZys Idilnews
Ururka Taalibaan ayaa sii wada xoojinta awooddooda dalka Afghanistaan oo ay la wareegeen Axaddii, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegaya rabrashado iyo dibad-baxyo, gaar ahaan dhinaca galbeed ee dalkaas. Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan dowlad cusub, balse weli ma cadda nooca ay noqon doonta dowladdaas, inkasta oo ay ballan-qaadeen dowlad loo dhan yahay. Dhinaca kale, ciidamada Mareykanka oo ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul ayaa sii wada daad-gureynta shacabka iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeyn jiray. Idilnews
Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa sabtida ka furmaya Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirkan oo uu shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho, si ay uga qeybgalaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, sidoo kale Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Gobaleedyada ayaa iyaguna berri tagi doona Muqdisho. Idilnews
Qarax xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho,ayaa goor-dhaweyd ka dhacay Muqdisho, waxaana fuliyey qof Naftiis hallige ku sugnaa maqaayad ku taalla Isgoyka Juba ee Muqdisho. Maqaayadda la Qarxiyey waxaa fariisan jiray Askar iyo dad kale oo dowladda u shaqeeya. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews
Wasaaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Shirkadda Isxiliqaan ayaa kala saxiixdey Heshiis ku aadan in Wasaaradda Maaliyaddu bixiso kharashkii wadada horay uga galay shirkada inta u dhexaysa wadada Xarfo iyo Jalam. Kulan lagu qabtey Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Ciro, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir , Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cumar Saalax Aadan iyo Masuuliyiinta Shirkadda isxilqaan Kulan horay u dhexmaray Dowladda Puntland iyo shirkadda ayaa lagu heshiiyay in Isxilqaan Company la siiyo lacag dhan $1,800,000, marka hore na la siiyo $750.000,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Wakiilka cusub ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR usoo magacowday Soomaaliya Magatte Guisse iyo Wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka oo ahaa isbarasho iyo is xogwarwysi ayaa looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo weheliyo Agaasimaha Guud ayaa maantay xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda hay’adda UNHCR oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya Soomaaliya Mr Magatte Guisse. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay qodobo ay mid yihiin 1. Xal u helidda qul qulka Muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia 2. Sidii loo la tacaali lahaa xaaladda Qaxootiga ka imaada Dalka Yemen 3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland 4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan…
Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland lagu qabtay xuska maalinta caalamiga ah ee bini-aadantinimada aduunka iyadoo sanadkaan maalintan caalamiga ah aduunka loo asteeyey la dagaalanka isbedelka cimilada iyo dhibaatooyinka ka dhasha. Xaflad lagu maamuusayey xuska maalintan iyo socod lagu xusayo maalinta oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen wasaaraddq Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladq Dawlada Puntland, hay’adda dawlada Puntland u qaabilsan maaraynta waxyeeladq musiibooyinka “HADMA” iyo bahwadaagtooda waxaa lasobandhigey Waxyalaha sababa isbadelka cimilada Oo ay ugu horeyso dhirjarista,saameynta isbadelka cimilada ku leedahay deeganka nolosha dadka,dhaqalaha iyo kabaha dhaqalaha iyo guud ahaanba nolosha bulshada iyo sida ugu wanaagsan…
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii uu ku soo dumay dhismaha masaajid ay dhisayeen oo ku yaalla magalaada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan. Dadaal lagu baadi goobayo dad kale oo laga cabsi qabo inay ku hoos jiran dhismaha ayaa ka socda qeybta soo duntay ee dhismaha masaajidka. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha dekedda Garacad ee Gobalka Mudug. https://www.youtube.com/watch?v=Kp0dh8r3B-I Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland. Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Tallaalka Covid19, Wax ka bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo qodobo kale. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa Degmooyinka Burtinle, iyo Bander-Bayla oo ka kala tirsan Gobalada Nugaal iyo Karkaar u magacaabay xoghayahaasha Dowladda Hoose. 1. Faraax Maxamed Cigaal, ayuu u magacaabay xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal. 2.Maxamed Axmed Siciid (Jeex), ayuu u magacaabay xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Banderbayla ee Gobolka Karkaar. Wasiir Dhabancad ayaa faray Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka xoghayayaasha cusub loo magacaabay in ay fuliyaan dhaqan gelinta magacaabidda xoghayaasha cusub, lana shaqeeyaan masuuliyiinta. Idilnews
Sariflayaasha deegaanada Puntland ayaa wajahaya shaqo la,aan baahsan, kaddib markii ay istaagtay lacagtii shilinka Soomaaliga ah, waxaana IdilTv la hadlay qaar kamid ah sariflayaashii magaaladda Garoowe, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladooda shaqo. https://www.youtube.com/watch?v=BczMElaUaqc Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa waxaa la sheegay inay dhawaan safar ku tegi doonaan dalka sacuudiga Carabiya. Wararka la helay ayaa sheegaya in Dowladda Sacuudiga ay casuumaad u fidisay Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, waxaana qaabili doona Boqortooyada Sacuudi Carabiya. In kastoo an sirasmi ah loo helin waxyaabaha dowladda Sacduuiga ay kala hadli doono Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa hadana waxaa ay u badan tahay inay kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka. Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha saameynta…
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu shaaciyey inuu taageero dhexdhexaadin ka geyaanayo sidii loo soo af-jari lahaa Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia. Erdogan waxa uu arrinkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ku qabteen magaalladda Ankara, kadib, markii ay yeesheen Kulan Khaas ah. Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Nabadda iyo Isdhexgalka muhiim tahay, isagoo dhanka kale ka digay haddii ay xaallada Gobalka Tigrayga sii darto inay waxyeellada saamayn doonto dhamaan dalalka deriska. “Ka Turki ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan samayno qaaraan kasta oo lagu xalinayo Mashaakilka Gobalka Tigrayga, oo ay…
Hay’adda USAID ayaa $ 20 milyan oo dheeraad ah ugu deeqday Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) ee Soomaaliya si looga caawiyo la-dagaallanka cudurka faafa ee COVID-19. Kaalmadani cusub waxay keenaysaa maalgelinta USAID ee UNICEF Soomaaliya in ay gaartay $ 34.7 milyan sannadka 2021. Waxay kaalin mug leh ka qaadan doontaa taageeridda ururka iyo la-hawlgalayaasheeda si kor loogu qaado awoodda maxalliga ah loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka iyo nidaamyada wax-ka-qabashada COVID-19 masiibada iyo dhibaatooyinka kale ee dalka horyaalla. Hay’adda USIAD waxay sheegtay in maaliyaddan cusub aysan kaliya gacan ka geysaneyn yareynta saameynta masiibada Covid19, laakiin waxay sidoo kale xoojin doontaa ilaalinta…
Waxaa bilaabatay qaban-qaabada munaasabadda xarig ka jarka wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas o haatan la dhameystiray jambiga kowaad ee ay kusoo xiranayaan Maraakiibta imaanaysa dekedda, oo dhan Boqol Mitir. Kulan dhexmaray 12 bishan August, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Guddiga dhismaha ee Dekadda Garacad, ayaa lagu wargaliyay Madaxweyne Deni inuu dhowaan si rasmi ah diyaar noqonayo wajiga kowaad ee dhismaha dekedda Garacad, iyadoona intaas kaddib uu Deni u diray dekedda Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad, si ay u soo qiimeeyaan howlaha socda, loona bilaabo diyaarinta xarig ka jarka…
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa ka hadlay fadeexadaha hareeyay Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaas oo ka soconaya garoonka mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland. Wasiir Jaamac oo wareysi siinayay SBC TV, ayaa si gaar ah uga hadlay eedeymo loo jeediyay oo la xariiray inuu qabyaaladeeyay Tartanka, kaddib markii uu cabasho muujiyay xulka Gobalka Cayn, oo ah Gobalka uu Wasiirku kasoo jeedo. “Anigu waxaa ka imid Buuhoodle,Xulkii cabanayayna waxay ka yimaadeen Cayn,sidaas darteed waxaa horay loo yiri walaalka u hiili,haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardaran yahay” ayuu yiri…
Kuma Weeye Kuma? (Who Is Who?) Kumuu Xirsi Cali “Magan” Ciise [1935-2008] ahaa? Gabyaa, qoraa, afyaqaan (linguist), xeeldheere (expert) afka iyo farta Soomaaliga, caalin xagga diinta Islaamka (Islamic scholar), aqoonyahan cilmiga aadanaha (anthropologist), halgamaa (champion of a cause), dagaalyahan (warrior), aftahan (orator). Xirsi, Eebbe haw naxariistee, nin mabda’ leh, run-sheege ah oo qaneecaad badan buu ahaa. Qof wuxuu ahaa leh dhaqan diimeed iyo mid fekredeed – maaddi iyo diiniba – oo xaqiiqda ku saleeysan. Nin waddani ah oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel buu ahaa. Qof wuxuu ahaa neceb keligitaliyennimada iyo amarkutaagleeynta. Ruux runta sheega oo aan been lagu aqoonnin buu…
Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoo ku adeegsanaya Dhalinyarada iyo kooxaha falalka ammaan darro ka geysta magaaladda. Howlgaladan oo ah kuwo si joogta ah u socday todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa lagu qabqabtay dhalinyaro qeyb ka ahaa falalka Amniga lidiga ku ah, sida furashada moobilada. 6 kamid ah dhalinyarada Ciidammadu qabteen ayaa shalay lasoo taagay Maxkamadda darajada kowaad ee degmadda Gaalkacyo, waxaana lagu riday xukun isugu jira xabsi iyo ganaax. Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), ayaa ugu digay dhalinyarada inay qeyb ka ahaadaan dhibaateynta bulshada, isagoona…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar galinkii dambe ee Arbacadii ay kooxda Daacish ku qaaday degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadda AUN Maxamed Axmed Muumin. Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa maleeshiyaadka Daacish ku beegsadeen Guddoomiyihii degmadda Balli-dhidin, oo ku sugnaa duleedka deegaanka, iyagoona intaas kaddib isaga baxsaday goobta. Ciidammada Puntland oo saldhig ku leh agaagarka degmadda ayaa gaaray Balli-dhidin iyagoona howlgallo ka wada degmadda. Idilnews
Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani oo Warbaahinta la hadlay caawa ayaa iska fogeeyay in uu dhaqaale la baxsaday, waxaana uu tilmaamay in sidii Mullah Maxamed Cumar 20-sano kahor uu dalka isaga baxay isaga oo gacmo maran. Ghani waxa uu sheegay in Mustaqbalka dhaw uu dib ugu laabanayo dalka Afghanistan inkasta oo uu magangalyo uu ka helay Isu tagga Imaaraatka Carabta. https://youtu.be/nn56RgezeX0 Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Jubba ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Ha’yadda Qaramada Midowbay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR xafiiskeeda Puntland. Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta wadashaqaynta hay’adda UNHCR iyo Dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa xakameynta qul qulka qqxootiga Yemeniinta iyo Tahriibayaasha ka yimaada Dalka Ethiopia, iyo xal u helista xaaladda barakacayaasha. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey masuuliyiinta ka socotay Ha’yadda UNHCR halka ay marayaan howlaha shaqa ee arrimaha bani’aadantinimo ee…
Kooxda Daacish ayaa goor-dhaweyd qabsatay degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari, iyagoona dilay Guddoomiyihii degmadda. Ciidanka Puntland oo saldhig kulahaa degmadda ayaa isaga soo baxay, waxaana jira dagaal goos goos ah oo ka soconaya degmadda iyo nawaaxigeeda. Idilnews
Maxkamda Darajada 1-aad ee degmada Galkaacyo ayaa xukuno isugu jira xabsi iyo garaax ku riday 6 Nin oo ay xeer ilaalintu ku eedaysay burcad dhac ka gaysatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Maxkamadda ayaa sheegtay inuu 30 berri racfaan ka furan yahay cidii aan ku qanacsaneyn xukunka. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/4695703133797816 Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safiirka iyo howl wadeennada safaaradda ku dhiirigelyay xoojinta howsha ay qaranka u hayaan, isagoona xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay. Idilnews
Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnest international ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaala nidaamka daryeelka caafimaadka Soomaaliya. Cilmi-baaristu waxay ogaatay in helitaanka tasiilaadka caafimaad ee bukaannada Covid-19 ay aad u xaddidan tahay iyadoo hal isbitaal oo ku yaal Muqdisho laga maamulo dhammaan kiisaska la xiriira Covid-19 ee ku baahsan dhammaan gobollada koonfurta iyo bartamaha intii lagu jiray mawjaddii ugu horreysay cudurka. “Jawaabta dowladda Soomaaliya ee masiibada waxay ahayd mid aan…
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan aan horey loo shaacin la qaatay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya magaaladda Muqdisho, Maxamed Axmed Alcuthman. Kulanka oo sabtidii dhacay ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo siyaabaha lagu hormarin karo, sida lagu sheegay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka saafaradda Imaaraadka. Xariirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaa tan iyo markii uu Villa Soomaaliya fadhiistay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS, waxaana Imaaraadku ay joojiyeen kaalmooyinkii ay siin jireen DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ee dhinacyada Amniga iyo Hormarka. Idilnews
Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kulan xog waran ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xaalada cudurka COVID-19 la qaadatay Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland qaarkood. Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasima waaxeedyada Wasaaradda iyo Madaxda iyo wakiilo ka socday hay’addaha caalami ah. Wasaaradda ayaana la wadaagtay xogtii ugu danbeysay ee xanuunka COVID-19, taas oo ay ka muuqato sara-ukac uu sameeyay xanuunka bishii hore iyo bishan. Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha caalamiga ah ayaa intaas kaddib isla falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii la iska kaashan lahaa xanuunka. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa maanta ka qeybgalay Shirweynaha arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Galmudug, oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka,Isbedelka Cimilada, iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug. Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno katirsan goleyaasha dowladda, guddoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Galmudug, Maamulka Caasimada, Rugta Ganacsiga iyo Hay’adaha kale ee arrimaha bii’ada. https://www.facebook.com/826003914191316/videos/401283581667355 Shirka ayaa diiradda lagu saaray badbaadinta deegaanka, iyadoona lagu soo bandhigay siyaasadda ilaalinta deegaanka iyo sidii loo hirgelin galin lahaa sharciga maareynta deegaanka. Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ilaalinta deegaanka isagoona bulshada ku dhiirigeliyey iney dhowraan kuna dhaqmaan sharciga deegaanka. Idilnews
Madaxweynaha dalka Ugaandha Uweri musafani ayaa qiray in ciidamada Uganda ee ka mid ah howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dhawaan gobalka Shabeelada hoose ku dileen dad rayad ah. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in falkaan dilka ah ay ciidamadu gaysteen xili sida uus heegay ay caraysnaayeen Isaga intaa raaciyay in xubnaha dilka gaystay la xiray dacwadana lagu soo oogi doono Yoweri Musavani ayaa sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadada dalkiisu dilka u gaysteen. “Dhowaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay…