Author: Jibril Qoobey

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in dhowaan la bilaabayo dhismaha wadada xariirisa Gaalkacyo iyo Garoowe, kaddib hakad ku yimid sanadkii 2017, oo ay joojisay Hay’adda GIZ oo bixinaysa inta badan dhaqaalaha lagu dhisayo wadadan oo dhismaheeda uu hareeyay musuq-maasuq. Wasiir Cirro ayaa sheegay in la dhameystiray wax kasta oo ay baahneyd Wadadan si loo bilaabo, lana rajeynayo in maalmaha soo socda ay Puntland soo gaarto Hay’adda UNOPS oo gacanta ku heysa dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Wadada, uuna dhagax dhigi doono Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. https://www.facebook.com/SaciidNadara/videos/514051836364783 Idilnews

Read More

Waxaa maanta xafiiska wasiirka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland ka dhacay shir ay wada qaateen madaxda wasaaradda Deegaanka iyo qunsulka Ethiopia ee Puntland, iyadoo shirkaan lagu qorshaynayey barnaamijka cagaarinta Puntland oo ay qayb ka qaadanayso dawlada Ethiopia. Shirkaan waxaa shirgudoominayey kusimaha wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Qunsulka dawlada Ethiopia ee Puntland Mr. Degnachew Yitbarek, agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” iyo masuuliyiin kale. Shirka ayaa looga hadlay qorshaynta qaybtii ugu horaysay oo kamid Afarmilyan oo geed oo dawlada Ethiopia Puntland ugu deeqday kuwaas…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali ayaa waxaa Maanta Barqadii booqasho Rasmrasmi ah uga bilaabatay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, isaga oo Casuumaad ka helay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan. Ra’iisul Wasaare abiy Axmed ayaa wada-hadallo waxaa uu la yeelan doonaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan, iyaga oo ka wad hadli doona arrimo ku saabsan xiriirka labada dal, dagaalada ka socda Itoobiya & xaaladda wadamada Afrika. Booqashada Abiy Ahmed oo noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Turkiga ku tago, waxaana ay ku soo beegantay xilli ay ku faruuran yihiin Mowjado Gudaha iyo Dibedda ah, oo ay si gaar ah walaac…

Read More

Maraykanka, Uganda iyo Waqooyiga Mesedooniya ayaa sheegay inay qaabili doonaan Kumanaan Qaxooti ka soo baxsanaya Qalaalasaha ka taagan dalkooda. Milliteriga Maraykanka waxay diyaarinayaan Hoyga 22,000 oo Qaxooti Reer Afganistan ah, kuwaasi oo la dejin doono Saldhigyo Milliteri. Dhinaca kale, Uganda ayaa oggolaatay Codsi uu Maraykanka kaga dalbaday inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan 2,000 oo Qaxooti u dhashay Afganistan. Wasiirada Samafalka, U diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Esther Anyakun Daviniya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Museveni oggolaaday Codsiga qaabilaada Qaxootigaasi. Waxay kaloo sheegtay in Dufcadii u horeysay ee Qaxootigaasi oo tiradoodu dhan tahay 500 oo qof uu qorshuhu ahaa inay…

Read More

Ugu yaraan 47 Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku geeriyootay Dooni ku cilladowday Badweynta Atlantic, gaar ahaan meel ku dhow Xeebaha dalka Mauritania. Saraakiil ka tirsan Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegay inay Muhaajiriinta saarnaayeen Dooni Badda sabaynaysay muddo 2 isbuuc ah. Wargeyska El Paso ayaa qoray in 7 Muhaajiriin oo ka badbaaday Doonida laga helay Xeebaha dalka Mauritania, kuwaasi oo kala ah 6 Haween iyo hal Nin iyadoo 4 ka mid ahna ay xaalladooda aad u liidato. Muhaajiriinta la socotay Doonidaasi waxay ka soo kala jeedaan dalalka Mali, Senegal, Mauritania, Ivory Coast iyo Gini. Waxaa la rumeysan yahay inay…

Read More

Dowladda Puntland ayaa shaacisay inay dhowaan dib u bilaabayso magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Maxkamadeynta xubno katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo ku jira gacanta laamaha Amniga Puntland. Taliye kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), oo saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay dhowaan bilaabanayso dhageysiga kiisaska maleeshiyo kamid ah Al-Shabaab, kaddib hakad ku yimid dacwad qaadista Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland, isagoona intaas ku daray inay kasoo muuqan xubno muddo ku jiray gacanta Ciidanka Gobalka Mudug. Puntland ayaa horey xukun dil ah ugu fulisay 18 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa sheegtay in la soo geba-gabeeyay sixitaanka Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka. War ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa lagu sheegay in la dhammaystiray sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana todobaadka soo socda la shaacin doono natiijadiisa. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay sababaha keenay, in uu markii hore dib u dhac ku yimaado sixidda Imtixaanka, xilli uu bilowday sannad-dugsiyeedka cusub iskuulada Waxbarashada. “Saxidda Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Puntland ayaa dib u dhac ku yimid markii ugu horraysay, iyada oo ay sababtay duruufo kale duwan oo ka mid yahay xannuunka COVID-19.” Ayay tiri wasaaraddu.…

Read More

Wafdi ka socda Golaha Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, waxaana soo dhaweeyay Wasiiru dowladaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Xubno kale. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay Magaalada Muqdisho ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyaga oo kala hadlaya xaaladda Amni ee Soomaaliya. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye, ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen in Hay’addaha amniga Somaliya ay diyaar u yihiin in AMISOM kala wareegaan amniga guud ee dalka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maanta…

Read More

Asaaskii Taliban Kooxdu waxay soo ifabaxday markii ugu horaysay 1996 , waxaana hogaan iyo ciidan u ahaa dhalinyaro iyo culumo ku abtirsada madrasada fiqhiga ee Diyuubandi oo asal ahaan ah Magaalo aqoonta diinta lagu barto oo dhanka Hindiya ku taal , gaar ahaan qaybta xarunta ee Daarul Culuum. Waxaana macnuhu yahay in markii Ingiriisku ku wiiqay Muslimiinta dhanka Hindiya in aqoontii Diyubandi usoo wareegtay dhanka Affghanistaan , gaar ahaan dhulka ay degaan dadka Bashtuunka oo Taliban ku abtirsadaan. Xaruntu waxay fiqhi ahaan ku dhisantahay madhabka Xanafiga , caqiido ahaana madarasada Maatruudiyada oo u dhaw Ashacariyada oo ka mid ah madaariista…

Read More

Taliye kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug G/dhexe Cabdi Siciid Xuseen (Koomaad), ayaa ka warbixiyay xaalada Ammaan ee Gobalka, Howlgallo Ciidammada Boolisku sameeyeen iyo kala wareejinta geel ay kala dheceen Beelo kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug. G/dhexe Koomaad ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen kooxo moobilada ka furan jiray xaafadaha magaaladda Gaalkacyo, kuwaas oo dhibaateyn jiray shacabka, kaddib howlgallo laga sameeyay xaafadaha magaaladda. https://www.youtube.com/watch?v=FJDkEcfHWU8 Idilnews

Read More

Guddiga doorashada heer Federaal ee Soomaaliya ayaa kahor qaadacay Habraacii maanta ay shaaciyeen xubno ka mid ah guddiga doorashada heer Federaal, kaas oo lagu sheegay habraaca doorashada Golaha Shacabka BJFS. Warsaxaafadeed kasoo baxay goordhawayd xubno kamid ah guddiga doorashada ayaa lagu caddeeyay in uusan ahayn wadar ogal, guddigu ay isla ogol-yihiin habraacii maanta kasoo baxay xubno ka mid ah guddiga oo jooga Muqdisho. Idilnews

Read More

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS Cabdiraxmaan Maxamed Jaabiri, ayaa sheegay in wixii ka dhacay Afghanistaan ay tusaale u noqon karto halka Soomaaliya ay ku socoto, loona baahan yahay inaan la isku haleyn taageerada dalalka caalamka iyo Ciidanka Ajnabiga ah. Wasiir Jaabiri ayaa sheegay in wixii ka dhacay Afghanistaan ay macquul tahay inay ka dhacdo Soomaaliya, ayna dalka la wareegto Al-Shabaab. https://www.youtube.com/watch?v=vghjHPd6IKc Idilnews

Read More

Taalibaan waxay horey u xukumeen Afghanistan 1996-kii ilaa 2001, ayaga oo dalka kusoo rogay nooc ka mid ah shareecada Islaamka oo aad u adag. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa fikradaha kooxda iyo taariikhdeeda. Sidee loo aas-aasay Taalibaan? Taalibaan waxa ay aheyd mid ka mid ah kooxihii ka dagaalamayey dagaalkii sokeeye ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, kadib markii ay dalkaas ka baxeen ciidamadii Midowga Soviet. Kooxdan ayaa 1994-kii kasoo baxday magaalada Koonfureed ee Kandahar. Aas-aasaheeda wuxuu ahaa Mullah Mohammad Omar, oo imaam ka ahaa magaalada, kaasi oo hoggaaminayey kooxda illaa dhimashadiisa 2013-kii. Xiriirka Mareykanka Taalibaan waxay markii hore xubnaheeda ka heshay…

Read More

Waxaa garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland galabka ka dhacay labo ciyaarood oo xiiso badan, kuwaas oo katirsanaa Group-ka (A) ee Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland. Ciyaarta kowaad ayaa u dhexeysa xulalka Gobalada Nugaal iyo Sanaag, waxaana 3-2 ku adkaaday xulka Gobalka Nugaal oo dhigooda Sanaag ka reebay tareenka Tartanka ciyaaraha Gobalada Puntland, iyadoona Nugaal ay iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Tartanka. Sidoo kale, Ciyaarta labaad ayaa dhexmartay xulalka Gobalada Bari iyo Sool, xulka Gobalka Bari ayaana 4-3 uga adkaaday dhigooda Gobalka Sool. Xulalka Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa horey ugu soo gudbay wareega afar dhamaadka…

Read More

Ciidammada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay duleedka deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay Al-Shabaab weerar ku soo qaaday fariisin ay Ciidamada Galmudug ku lahaayeen duleedka Shabeelow. Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa sababay khasaare xoogan oo kala gaaray labada dhinac, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa ciidamo ku dhintey dagaalka ka mid noqday Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug. Ciidammada Daraawiishta Galmudug iyo Ciidanka Xoogga Dalka,…

Read More

Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka. “Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid. Zabihullah Mujahid wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doonin xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqaan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.” Zabihullah Mujahid ayaa yiri inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u…

Read More

Danjiraha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas. Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal. https://www.youtube.com/watch?v=NFhcv4hzSwA Idilnews

Read More

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho Maxamed Abuukar Afrax ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa. Alle ha u Naxariistee Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay inuu marayay xilliga qaraxa lala beegsaday gariga uu saarnaa inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow. https://www.youtube.com/watch?v=dd6wAttjyCE Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd. Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay. Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashooyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay dad kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose, kadib dabeylo xoogan oo ka kacay Xeebaha Gobolkaas. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Jubbaland Cabaas Cali ibraahim, ayaa sheegay in dabeeylaha kacay ay sababeen inay qalibmaay 11 doomood, isla markaana ay ku dhinteen 5 Ruux oo kalluumeysato ahaa. Wasiir Cabaas ayaa intaas ku daray in ay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaal Xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro ah ka dhalan. Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyraadka Badda Jubbaland Cabaas Cali ibraahim, ayaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaa. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Alsiisi. Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar inta uu joogo Qaahira. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/826003914191316/posts/3260384490753234/ Idilnews

Read More

Xisaabiyaha guud ee Dowladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray tababar ku saabsan habka iibsashada iyo lacag bixinta, oo muddo laba cisho ah ka socon doona Garoowe. Kulankan waxaa ka soo qayb galay Xiriiyaha Mashruuca PFM, Agaasimaha waxaada Tababarada iyo Masuuliyiin kale. Mudane Cumar Saalax, oo ugu horrayn ka hadlay furitaanka tababarka ayaa u mahadceliyey mashruuca PFM oo soo agaasimey tababarkaan lagu baranayo hannaanka iibsiga iyo lacag bixinta Puntland. Xisaabiyaha ayaa sheegay in tababarkaani uu ku aadan yahay sidii loogu guuri lahaa hannaan casri ah isla markaana loo casriyeyn lahaa habsami u socodka shaqada wasaaradda.…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland. Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay Dowladda Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-June 2021. https://youtu.be/ixO4Sbk4mhs Idilnews

Read More

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Amar cusub, kaas oo lagu wargaliyay Hay’adaha Dowladda Puntland iyo kuwa caalamiga ah inay faraan shaqaalahooda inay qaataan tallaalka cudurka COVID-19. Sidoo kale, Labada Wasaaradood ayaa ku wargaliyay shaqaalaha in 21 cisho gudahood ay ku qaataan tallaalka, taas oo ka bilaabanaysa maanta oo Isniin ah, iyagoona sheegay in qof aan wadan waraaqda cadeynta qaadashada tallaalka uusan ka howlgalli doonin xarumaha shaqada, ayna sameyn doonaan kormeer. Idilnews

Read More

Hibatullaah Akhundzaada waa 60 jir ku dhashay degmada Banjwaayi oo ku taal gobolka Qandahaar ee dhaca Koofurta Afqaanistaan. Waa Bashtuun reer Nuurzaay ah. Aabbihii Mullah Muxamammad Akhund waxa uu ahaa hoggaamiye diineed caan ah oo imaamna ka ah masjidka jaamica ah ee Banjwaayi. Hibatullaah Akhundzaada aabbihii ayuu billowgii cilmiga diinta ka qaatay. Hilaadda bilowgii 1980maadkii ayay qoyskoodu u qaxeen magaalada Quetta oo Baakistaan ku taalla ka dib markii ay Midowgii Soofiyeetku Afqaanistaan xoogga ku galeen. Halkaa ayuu Hibatullaah ka sii watay barashadii cilmiga iyo axkaamta diinta Islaamka. Dagaalkii Midowga Soofiyeetka looga baxshay Afqaanistaan ayuu qayb askarinnimo ah ka qaatay. Markiise…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda dalka Masar. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirada iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar, iyo jaaliyadda Soomaliyeed inta uu joogo Magaalada Qaahira. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo socota oo ku beegan 19ka bishan Ogoosto, kaas oo diiradda lagu saari doono u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka , raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroon iyo sidii horey loogu socon lahaa. Ra’iisul Wasaare…

Read More

Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku kala wareejiyay deegaanka Godod ee bariga ee Gobalka Mudug 13 Neef oo geel ah oo ay Kala haysteen xoolo dhaqato kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland. Munaasabadda kala wareejinta Geela ayaa waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobalada Mudug iyo Cayn G/Sare Sharmaake Sheekh Doon, Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug, Duqa degmadda Gaalkacyo ee Puntland iyo duqa degmadda Gaalkacyo ee Galmudug. Masuuliyiinta labada dhinac iyo Saraakiisha Amniga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabada iyo wada noolaanshiyaha dadka Gobalka Mudug ee oodwadaagta ah, waxayna dadka xoolo dhaqatadaa ugu baaqeen in ay nabada…

Read More

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey kor u qaadista shaqo wanaaga Hanti dhawrka Gudaha (Enternal Audit). Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Khabiirka Wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeya Hanti dhawarka Gudaha (Enternal Audit) Abdalla Amiir iyo dhammaan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda. Khabiirka ayaa soo bandhigay 4-buug oo ku saabsan Hanti dhawarka Gudaha (Enternal Audit) Waxaa uu khabiirku ku booriyey Wasaaradda maaliyadda in la hirgaliyo dhammaan xogaha uu soo bandhigay si loo hagaajiyo shaqada hanti dhawarka gudaha. Sidoo kale khabiirku Waxaa uu soo bandhigay caqabadaha jira hada oo ku saabsan…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta doortay 3 Senator oo cusub, kuwaas dhameystir u noqonaya 8 Senator ee KGS ku leedahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Saddexda Senator ee cusub ee la doortay ayaa kala ah; 1. Senator Xasan Xuseen Xaaji 2. Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade 3. Senator Cali Shiikh Maxamuud Gacal Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa ka duulay magaaladda Kabul, isagoona kusii jeeda Dalka Tajikistan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan. Warbaahinta Al-Carabiya ayaa sheegtay in Madaxweyne Ashraf Ghani uu is-casilayo, sidoo kalena uu xukunka ku wareejinayo Ururka Taliban. Dagaalyahanada Taliban ayaa la wareegay guud ahaan magaalada Kabul, waxaana bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay is dajiyaan dadka Afghanistan. Idilnews

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha Afghanistan Abdul Sattar Mirzakwal ayaa maanta sheegay in “xukunka si nabad ah loogu wareejin doono” dowlad ku-meel gaar ah kadib markii Taliban ay amartay dagaal-yahanadeeda inay u sugaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul. “Shacabka Afghanistan yeysan walaacin, ma jiri doono weerar lagu soo qaado magaalada, waxaa jiri doona in xukunka si nabdoon loogu wareejiyo dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri. Ali Ahmed Jalali, oo ah aqoonyahan fadhigiisu yahay Mareykanka, horeyna u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayey u badan tahay inuu hoggaamiyo maamulka ku-meel gaarka ah, sida ay ilo-wareedyo diblomaasi u sheegeen Reuters. Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen…

Read More

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax Xildhibaan oo u taagan kursiga sumadiisu tahay “HOP116”,oo deegaan doorashadiisa tahay magaaladda Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo. Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, uuna degmo kasoo guuray, degmo kalena u guuray, waxaana uu intaas ku daray inuu degenaa xarun dowladeed, gaar ahaan guri ku dhow Taliska Nabadsugida. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib martiqaad uu ka helay dowladda Masar, isagoo la kulmaya Madaxweynaha dalkaas Abdelfatah Al-Sisi. Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska, inta uu xukunka hayay Madaxweyne Farmaajo. Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo…

Read More

Degmada Burtinle ee gobalka Nugaal ayaa saaka laga dhagax dhigay dhismaha wadada “BBG“ oo lagu dhisayo “Hab Isku Tashi Ah“, wadadaan ayaa isku xiri doonta Burtinle, Buubi iyo Garacad. Dhagax dhiga ayaa waxaa ka qayb galay Fiqi Cabdinaasir Maxamuud, Wasirka howlaha, Axmed Bashiir, Xildhibaan Cawil Xassan Daad, Xildhinaan Fu`aad Abshir Adeer, Agaasimaha duulista hawada, Cismaan Cali Yuusuf, Xildhibaan hore Shaacuur, Siyaasi Cali Xaaji Warsame, Duqa degmada Burtinle, Sayid Maxamuud Xirsi, guddi horumarinta degmada Burtinle, xubno ka socday golaha deegaanka Jariiban, Shirkadda Kebarco iyo qaybaha bulshadda. Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhisay wadadaan, Shirkadda ayaa mar walba qayb wayn ka…

Read More

Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Gaashaandhigga DFS ayaa Senator kamid ah Aqalka Sare ee BJFS loogu doortay magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed, kaddib doorasho goor-dhaweyd qabsoomtay. Xasan Xuseen ayaa helay 71 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 11 cod, waxaana xumaaday 3 cod. Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horeeyay ee kamid ah XFS oo loo doorto xubin kamid ah Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guled Salah, ayaa ku kala saxiixday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ‘Is-afgarad’ la xiriira ilaalinta badqabka codbixiyaasha, hawlwadeenada Guddiga, ururada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah xilliga doorashada golayaasha deegaanka ee soo socota. Is afgaradkaan ayaa ka kooban 4 qodob, kuwaas oo kala ah: 1. Diyaarinta habraaca ka hortagga Covid19 xilliga doorashada. 2. Helista agabka ka hortagga Covid19. 3. Bixinta tababar ku saabsan badqabka caafimaadka shaqaalaha Guddiga, hawl-wadeenada iyo codbixiyayaasha xilliga doorashada. 4. Sarkaal ka socda Wasaaradda Caafimaadka ayaa Guddiga kala shaqaynaya fulinta heshiiskaan. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa kulan la qaatay Maamulka xulalka kubadda cagta ee Gobalada Puntland. kulankan oo ay ka qayb galeen Maamulka Xulalka goboladda Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Haylaan, Mudug iyo Cayn, waxaana intii uu socday looga hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa tartanka 8-aad ee ciyaaraha kubadda cagta Goboladda Puntland, iyadoona si gaar ah loogu gorfeeyey. Wasiir Jaamac ayaa kulanka ka sheegay inay muhiimad ay leedahay in la dhamaystiro tartankan. Kulanka ayaana imaanaya Xilli ay is-casileen dhamaan Xiriirkii kubadda cagta Puntland, kuwaas oo ku eedeeyay Wasaaradda inay ka wadi waayeen shaqada. Tartanka…

Read More

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in dagaalyahanada Ururka Talibaan ay la wareegeen qeybo kamid ah magaalada Kabul ee caasimadda dalkaas. Ururka Taalibaan ayaa horay u qarka u saaranaa inuu dib ula wareego gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan, xilli magaalada caasimadda ah ee Kabul ay haatan tahay magaalada kaliya ee wayn ee ay dowladdu maamusho. Qabshada Jalalabad iyadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin ayaa waxa ay magaalada caasimadda ah ee Kabul ka dhigaysaa magaalada kaliya ee wayn ee ay weli dowladdu gacanta ku hayso. Waxa ay daba socotay markii Sabtidii ay ciidammada dowladda kala wareegeen magaalada waqooyiga ku…

Read More

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howlgalo Lagu Xaqiijinaayo amniga ka sameeyay Xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada, waxaana intii uu socday Ciidammadu ay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Huteelada iyo guryaha. Ciidammada ayaa dad ay ku tuhmayeen falal ammaan darro u gudbiyay saldhigyada magaaladda, si loogu sameeyo baaritaan. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Boosaaso inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga. Idilnews

Read More

Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho Shirka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa hannaanka ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka ee Xildhibaanada BJFS, waxaana Musharixiintu ay wada-hadal la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiillada Beesha Caalamka. Gaba-gabada Shirka oo ah maalinka berri ah ayaa Midowga Musharixiinta waxaa ay soo saari doonaan War-murtiyeed, ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay doodahooda. Idilnews

Read More

Saraakiisha dalka Cameroon ayaa sheegay in boqolaal qof ay ka qaxeen xuduudda waqooyi ee ay la wadaagaan dalka Chad, kaddib markii dagaal ka dhashay biyaha webiga uu dhexmaray xoolaleyda iyo kalluumeysato, kaas oo ay ku dhinteen 18 qof 70 kalena ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaallada ku yaal Kousseri, oo ah magaalo ku taal xadka Cameroon iyo caasimadda dalka Chad ee Ndjamena. Mouhamadou Evele, oo ah 54-jir kalluumeysato ah, ayaa sheegay inuu dhibbane u yahay dagaalka u dhexeeya xoolaleyda iyo kalluumeysatada ee magaalooyinka Logone iyo Chari ee Cameroon. Waxa uu sheegay in saddex nin oo ku hubaysan qaansooyin,…

Read More

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin sida ay ku bilaawdeen doorashooyinka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku noqon doonto dowladda soo socota. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sida ay u dhaceen doorashooyinka Aqalka sare ay yihiin kuwo billow u ah musuq maasuq baahsan oo ay wajihi doonto dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in Madaxda dowlad Goboledyada ee gacanta ku haaya doorashooyinka inay dareemaan waxa ay musuq maasuqayaan ay yihiin wax ay la Shaqeyn doonaan Afarta…

Read More

Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan), Wasiirkii hore ee Jubbaland ayaa ka guuray hoygii uu ka degnaa magaaladda Muqdisho kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Cabdirashiid Janan oo bilo kahor heshiis la gaaray DFS, uu haatan ka baxsady gacanta Fahad iyo Farmaajo, iyadoona aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo khilaafkooda. Lama oga halka uu u guuray Cabdirashiid Janan, waxaana jira warar sheegaya in la isku hayo kaddib markii Villa Soomaaliya ay ka baxday heshiis dhaqaale oo horey loola galay Janan. Idilnews

Read More

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa magaalada Muqdisho waxaa uga furmay shir socon doona muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga hadlayo xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa hannaanka Doorashooyinka Dalka ka bilowday ee Xildhibaanada BJFS, waxaana Musharixiintu ay wada-hadal la yeelan doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Wakiillada Beesha Caalamka. Madaxweynayaashii hore ee Dalka, Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, iyo xubno kale oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa ka qeybgalaya shirkan, waxaana laga gaba-gabadiisa laga soo saari doonaa War-murtiyeed. Idilnews

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda oo mudooyinkii ugu danbeeyey olole Balaaran wacyigelin ah kawaday gobolada kaladuwan ee Puntland ayaa shirar wacyigelin ah ku qabatay Magaalooyinka Badhan iyo Buraan oo ka kalatirsan gobolada Sanaag iyo Haylan. Shirarkan ayaa waxaa ka qaybgalay maamulada heer degmo iyo Heer gobol, Waxgaradka, Aqoonyahanka, qaybaha kaladuwan ee bulshada iyo Dadka u taagan ilaalinta Deegaanka, La dagaalanka dhuxusha iyo hormarinta dhul daaqsimeedka iyadoo aydhinacyadii ka qaybgalayna isku afgarteen sii xoojinta dhamaan howlaha la xiriira ilaalinta Deegaanka. Ololahan wacyigelinta ah ayaa kusaabsanaa samaynta taban ee dhuxusha ay kuleedahay Deegaanka iyo Nolosha bulshada ayaa ay wasaaraddu kusoo…

Read More

Xiriirka kubadda cagta Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dhamaantood is-casileen. Xubnaha xiriirka kubadda cagta ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland in ay ka wadi waayeen shaqada. Is-casilaadooda ayaa imaanaysa daqiiqado kaddib markii Guddi loo saaray khilaafkii ciyaartii xulalka Gobalada Nugaal iyo Sanaag ay sheegeen in khalad lagu waayay ciyaaryahanadii labada xul oo ciyaarta dib loogu laabanayo. Idilnews

Read More

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan. “Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay. Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa sheegay in doorashadii dhawaan ka dhacday Galmudug ee Aqalka Sare ay jireen dad reer Galmudug oo u soo jeediyay dhaliilo kala duwan. Madaxweyne Qoorqoor uu xusay in doorasada ay aheyd mid dadban , islamarkaana ay ku socoto sidii dad baneyd, loona baahan yahay in loo dulqaato. “Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aan u socono.” Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor…

Read More

Mucaaradka waddanka Turkiga ayaa ka soo horjeestay kaalmada lacageed oo ay dowladda Erdogan u ballan qaaday Soomaaliya, taas oo gaareysa 30 Milyan oo dollar. Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Turkiga Wasaaradaha Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis 30 Milyan oo kaalmo lacageed ah lagu siinayo Soomaaliya, waxaana ay intaas ku dartay in 2.5 Milyan oo dollar Mareykanka ah uu Turkigu bil kasta ku shubi doono Akoonada DFS. Mucaaradka Turkiga sheegay in dalkoodu aanu awoodin lacagtaas, maadaama uu dhaqaalahooda saameeyay COVI19. Af-hayeenka Xisbiga Shacabka Jamhuuriga ah ee Turkiga ayaa hayaan uu soo saaray ku yiri “Dal aan heli karin…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur, Guddoomiyihii Guddiga xallinta khilaafaadka Doorashooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, “Alle ha u naxariisto oo janadii hageeyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday Muqdisho.” “Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynaya dhammaan ummada Soomaaliyeed, xubnaha guddiga xallinta Khilaafaadka Doorashadda, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.” Idilnews

Read More

Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya,James Swan ayaa Sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya. Halkan ka daawo muuqaalka https://www.facebook.com/826003914191316/posts/3251199191671764/ Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa booqday safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo mar dhow ay dib u dhis ku sameysay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa halkaas kula hadlay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi ,waxana uu kula dardaarmay in ay ixtiraam kula noolaadaan dadka reer Kenya ee soo dhaweeyay, ugana shaqeystaan. Idilnews

Read More

Xulka kubadda cagta Gobalka Mudug ayaa u gudbay wareega 4 dhamaadka ee Tartanka 8’aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland ee ka soconaya garoonka Caasimadda Puntland ee Mire Awaare. Xulka Gobalka Mudug oo ciyaartii ugu dambeysay ee Groupyada galabta la dheelay dhigooda Gobalka Gardafuu, waxaana ay kusoo dhamaatay 1-1, iyadoona xulka Mudug uu 7 dhibcood uga soo gudbeen Group-ka (B). Sidoo kale, Xulka Gobalka Cayn ayaa kasoo gudbiyay galabta Is reeb-reebka Group-ka (B), kaddib markii uu 4-2 uga adkaaday xulka Gobalka Karkaar. Xulalka Gobalada Karkaar iyo Gardafuu oo kamid ah Group-ka (B), ayaa isaga huleelay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ay dib…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya qaar ka mid safiirada Beesha Caalamka. Safiirada & Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble aya uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka taageerada ay siiyan Soomaaliya iyo dadaalkooda ku aadan dib u dhiska Soomaliya. Ra’iisul Wasaare rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa in uu halkaasi ka sii wado kulada kala duwan, isla markaana uu dib ugu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa u hambalyeeyay lixda xubnood ee maanta Golaha Baarlamaanka Galmudug u doorteen inay ka mid noqdaan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo ay Galmudug ku matalaan. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa u mahad celiyay Guddoonka iyo golaha Baarlamaanka Galmudug iyo guddiyada doorashada heerarka kala duwan sida habsamida leh ay u qabteen doorashada maanta. Sidoo kale Xildhibaannada Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb waxaa u hambalyeeyay qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta. Idilnews

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday Soomaaliya 302,400 oo does oo ah talaalka Johnson Johnson ee cudurka COVID-19, kaas oo maanta lasoo gaarsiiyay magaaladda Muqdisho. Munaasabad ay kula wareegayso tallaalka Wasaaradda Caafimaadka DFS ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana goobjoog ahaa Saraakiil kamid ah Qaramada Midoobay iyo Hay’adda WHO oo lasoo marsiiyay tallaalkan. Imaatinka qaybtaan koowaad ee tallaalka Johnson & Johnson ee COVID-19 waxay ku soo aaday iyadoo lagu guda jiro waqti xasaasi ah oo uu caabuqa COVID-19 soo laabtay markii 3aad. Wasaaraddda Caafimaadka DFS ayaana uga mahadcelisay Dowladda Mareykanka deeqdan, iyadoona ugu baaqday dhammaan Shacabka…

Read More