Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar ayaa waxaa la sheegay inay khadka telefoonka uga wada hadleen arrimo dhowr ah. Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Arrimaha gobalka iyo caalamka intaba. Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana la sheegaa inay si gaar ah u maalgeliso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Saaxiibadiisa siyaasadda. Idilnews
Author: Jibril Qoobey
Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen kadib soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug. Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa leh “hadii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale. Qodobka ayaa lagu qeexay mid fursado dhaqaale ay ku sameysanayaan Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxaana go’aanka uu horseedi doonaa in musharixiinta Aqalka Sare ee Galmudug ay laaluush siiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa galay fasax, kaddib markii ay dhamaadeen kulamadii Kalfadhigga 48-aad ee Golaha, kaas oo soo bilowday 15 bishii June ee sanadkan. Xildhibaanada ayaa kulan ay maanta yeesheen ku doortay 11 Sanetor ee Puntland ku matali doona Aqalka Sare ee BJFS 4 sanno ee soo socota. Idilnews
Wasiirka Maaliyadda DFS Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Ankara ee dalka Turkiga Wasiirka Maaliyadda Dowaladda Turkiga H.E. Lütfi Elvan. Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay arimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo isbadalka Maaliyadda Soomaaliya. Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay dhigiisa Turkiga doorka Dowladda Turkigu ka ciyaarayso arrimaha dalkeena. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya . Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan. Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal. Idilnews
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar, oo ka mid ahaa wafdigii PM Roble oo Shir Jaraa’id galabta ku qabtay Sarena Hotel, ayaa shaaca ka qaaday inay ka wada hadleen dawladda Kenya sii xoojinta xiriirka labada dhinaca ee arrimaha Diplomaasiyadda, Ganacsiga, Socdaalka, Amniga & Deris-Wanaagga. Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal ku saabsanayd in Murankii Badda lagu soo qaaday wada hadalladaas, ayaa sheegay inaan marnaba arrintaas kulanka lagu soo qaadin. Idilnews
Ciidammada Booliska degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanka Meygaagle oo ah xadka degmaddu la wadaagto Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kusoo qabtay khamri gaaraya 24 kartoon oo ay ku jiraan 576 dhalo oo khamri ah. Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 3 gaari oo khamrida lagu siday, iyo 4 Nin oo khamrida watay, kuwaas oo mid kamid ah uu ku dhaawacmay Is rasaaseyn dhexmartay Ciidanka iyo Ragan. Taliyaha Booliska degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal Maxamuud Miig, Duqa degmadda Burtinle Sayid Maxamuud Xirsi, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Maxkamadda horkeeni doonaan khamridan iyo…
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta doortay 11 Senator ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kuwaas oo kuraasta ku fadhin doona 4 sanno ee soo socota. Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha DFS ayaa soo dhaweeyay doorashada, iyagoo sidoo kale hambalyo u diray Senatorada Golaha Aqalka. Hoos ka Akhriso Qoraalada barahooda Facebook ay kusoo qoreen Musharixiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Daahir Maxamuud Geelle. Idilnews
Magaalada Garowe waxaa maanta ka qabsoomay Kulanka Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha ee xubanaha ka ah Dawladda Federaalka soomaaliya. Kulanka Xoojinta Xiriirka wada shaqeynta iyo Dib u heshiisiinta Heer Qaran waxaa kasoo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federalka soomaaliya, agaasimeyaasha Guud Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka. Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada heer (heer Fedraal iyo heer dawlada Goboleed) Arrimaha dib u heshiisiinta, xoojinya shaqooyinka ay wadaagaan Wasaaradduhu, iyo ka doodista mideynta Siyaasada dib u heshiisiinta Dalka. Kulanka ayaa socon doona…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Maxamed Dhabancad ayaa kulan laqaatay madax ka socotay Ha’yadda WFP. Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Xoojinta wadashaqaynta hay’adaha Dowladda iyo WFP, wax ka qabashada cabashooyin wasaaradda ka soo gaaray qaar ka mid ah dadka la gaarsiiyo deeqda ay bixiso WFP xafiiskeeda Puntland. Wasaaradda iyo hay’adda WFP ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo sidii taageero loo gaar siin lahaa deegaanada uusan ka da’in roobkii Guga. Waxaana sidoo kale hoosta laga xariiqay sidii looga hortagi lahaa musuq maasuqa iyo tacadiyada kale ee ka dhaca markii la qaybinayo gargaarka bini’aadanimo. Kulanka waxaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hambalyo u diray 11 Senator ee cusub ee ay doorteen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, kuwaas oo Puntland ku matali doona 4 sanno ee soo socota Golaha Aqalka Sare ee BJFS. “Waxaan u hambalyeenaya dhammaan 11-ka xubnood ee maanta loo doortay in ay Puntland ku metelaan Aqalka Sare ee DFS. Waxaan alle uga baryaya inuu u fududeeyo masuuliyada loo doortay.” “Waxaan bogaadinaya sida wanaagsan ee ay u qabsoomtay Doorashada Aqalka Sare, waana u mahadcelinaya cidkasta oo ka qeyb qaadatay sida guddiyada Doorashada Heer Puntland iyo heer Federaal, Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ciidamada amniga…
Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee DFS, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare. wuxuu sidoo kale hambalyo u diray xildhibaanada la doortay. “Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato. “Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.” “Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is…
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta doortay 11 Senator ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kuwaas oo kuraasta ku fadhin doona 4 sanno ee soo socota. Hadaba halkaan hoose waxay Idilnews kuugu soo gudbinaysaa Magacyada iyo Beelaha 11 Senator ee la doortay. 1. Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa kasoo jeeda Beesha Majeerteen – Maxamuud Saleebaan – Ciise Maxamuud 2. Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, ayaa kasoo jeeda Beesha Majeerteen – Maxamuud Saleebaan –Cumar Maxamuud 3. Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa kasoo jeeda Beesha Dashiisle 4. Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa kasoo jeeda Beesha…
Sareedo Maxamed Xasan, ayaa loo doortay Senatorka 10-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii ay u tanaasushay Fartuun Yuusuf Jaamac oo aheyd musharixii la tartamayay. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay xubinimada Sareedo Jeyte, waxaana codka kalsoonida ah ay siiyeen 64 Xildhibaan. Senator Sareedo Jeyte ayaa la dhalatay Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Puntland e PISA Mukhtaar Maxamed Jeyte. Idilnews
Samiira Maxamed Xaaji Cawad, ayaa loo doortay Senatorka 10-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii ay u tanaasushay Naciima Axmed Bakar oo aheyd musharixii la tartamayay. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay xubinimada Samiira Cawad, waxaana codka kalsoonida ah ay siiyeen 64 Xildhibaan. Idilnews
Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa loo doortay Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib doorasho ka dhacday xarunta Golaha Wakiillada Puntland. Cabdiqani Geelle ayaa helay 52 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 cod. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Idilnews
Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa loo doortay Senatorka 8-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii ay u tanaasushay Aamina Jaamac Ibraahim. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay xubinimada Senator Seynab, waxaana codka kalsoonida siiyay 65 Xildhibaan. Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa aheyd Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Deegaanka Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni. Idilnews
Farxaan Cali Xuseen, ayaa loo doortay Senatorka 7-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasulay Hodan Isxaaq Maxamed. Intaas kaddib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod taag ah galiyay xubinimada Farxaan Cali ee Aqalka Sare, waxaana Codka kalsoonida siiyay 65 Mudane. Idilnews
Daahir Ayaanle Siciid, ayaa loo doortay Senatorka 6-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasulay Maxamed Cumar Maxamed. Intaas kaddib Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod taag ah galiyay xubinimada Daahir Ayaanle ee Aqalka Sare, waxaana Codka kalsoonida siiyay 64 Mudane. Idilnews
Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), ayaa loo doortay Senatorka 5-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasulay Ismaaciil Mire Muumin oo ahaa musharaxa la tartamayay. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay, waxaana codka kalsoonida ah siiyeen 64 Xildhibaan. Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), ayaa ahaa Guddoomiyihii Gobalka Bari ee Dowladda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Idilnews
Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa loo doortay Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Xaashi oo ahaa musharaxii la tartamayay. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay, waxaana Codka kalsoonida ah siiyay 65 Xildhibaan. Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa ah Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Idilnews
Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa loo doortay kursi kamid ah Golaha Aqalka Sare BJFS ee matalaya Puntland, kaddib markii uu u tanaasulay Maxamed Geedi Maxamuud oo ahaa musharaxa la tartamayay. Xildhibaanada ayaa intaas kaddib galiyay cod gacan taag ah, waxaana Codka kalsoonida ah siiyay 65 Xildhibaan. Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni. Idilnews
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, ayaa loo doortay Senator kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee matalaya Puntland, kaddib markii ay u tanaasushay Kowsar Cabdullaahi Xirsi, oo kamid aheyd musharixiinta Aqalka Sare. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa cod gacan taag ah galiyay xubinimada Aqalka Sare ee Gaagaab, waxaana u codeysay 65 Xildhibaan. Idilnews
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa markii labaad loo doortay xubinimada Golaha Aqalka Sare ee Puntland, kaddib doorasho la dhacday xarunta Golaha Wakiillada Puntland ee Garoowe. Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharaxa la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan Colaad uu helay 11 cod. Idilnews
Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda Paris St Germain ee waddanka Faransiiska Talaadadii shalay aheyd, kaddib markii uu ka tagay kooxda Barcelona oo ah kooxdii uu ka bilaabay cayaaraha oo la filayay inuu xirfadiisa ku soo gabagabeeyo. Messi, oo lix jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda Yurub, ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay heshiis labo sano ah, kaas oo sidoo kale ikhtiyaar u siinaya in loo kordhin karo sannad kale oo saddexaad, sida ay kooxdu ku sheegtay bayaan ay ku soo daabacday website-keeda. Ku soo biirista xiddiga reer Argentine, oo ka mid ah cayaartoyda ugu…
Ciidammada AMISOM ayaa lagu eedeeyay inay ku dileed deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose Talaadadi shalay aheyd ku dileen ilaa Todobo qof oo rayid ah oo ay ku jireen beeraleey caan ka ahaa deegaanka. https://www.youtube.com/watch?v=8zwrwiSyXe4 Idilnews
Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee Puntland ayaa ka bilaabatay hoolka Golaha Wakiillada Puntland, waxaana musharixiintu ay jeedinayaan khudbadaha la xariira Taariikh nolaleedkooda. Kuraasta Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ee BJFS ayaa ah 11 Kursi, waxaana ku loolamaya 22 musharax. https://www.facebook.com/ParliamentofPL/videos/542376173480030 Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaarie (Qoorqoor), ayaa soo saaray Liiska musharixiinta u tartamaya 6 kamid ah kuraasta Golaha Aqalka Sare BJFS ee Galmudug, kuwaas oo ah 8 kursi. Madaxweyne Qoorqoor ayaa dib ugu soo celiyay tartanka doorashada qaar kamid ah senatoradii horey ugu fadhiyay kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug, isagoona dib u dhigay magacaabista tartamayaasha kursiga uu ku fadhiyay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo uu ku heysto kursiga Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Halkaan hoose ka Akhriso xubnaha ku tartamaya lixda kursiga ee uu shaaciyay Qoorqoor. 1: Cabdi Axmed dhuxulow Nuur Xasan Guutaale 2: Yuusuf…
Doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee Puntland ayaa maanta ka bilaabanaysa hoolka Golaha Wakiillada Puntland ee magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland, Musharixiinta ayaana ugu horeyn jeedin doona khudbado la xariira Taariikh nolaleedkooda. Kuraasta Puntland ku matala Aqalka Sare oo ah 11 kursi, ayaa waxaa ku tartami doona 22 Musharax, sida ku cad wareegto Habeen kahoor kasoo baxday Madaxweynaha Puntland. Xubnaha tartamayaasha doorashada ayaa waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Wasiiro kamid ah Xukuumadda Puntland iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho. Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas…
Saacadaha dhow ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor uu ku dhawaaqo liiska xubnaha ku tartamaya Aqalka Sare. Wararka ayaa sheegaya in liiskaan aanan lagu soo dari doonin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” isla markaana kursiga Beeshiisa loo xiray Cabdi Qaybdiid oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in liiska aanan lagu soo dari doonin Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Buqaari, isla markaana kursigiisa loo badalay Aqalka Golaha Shacabka. Wararku waxay intaa ku darayaan inaysan dood badan ka taagnayn kuraasta kale, waxaana la saadaalinayaa…
Ra’iisul Wasaaraha DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa kulan kula qaatay magaalada Mombasa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo ay ka wada-hadleen xiriirka Labada dal ee dariska ah. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho 3 maalmood ah uga bilaabatay Dalka Kenya, isagoona kulamo dheeraad ah la yeelan doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxda kale ee Dalkaas. Idilnews
Dhismaha Dekedda deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug ayaa maraya meel wanaagsan, iyadoona haatan la diyaariyay mid kamid ah jambiyadda Dekedda ee ay kusoo xiranayaan Maraakiibta waa weyn, sidoo kale dhismaha dekedda ayaa la filayaa in bilaha soo socda lasoo gaba-gabeeyo. https://www.youtube.com/watch?v=srkvtpp8vCE Idilnews
Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad gobleed ee Puntland ayaa shaaciyay inay bilaabeen diwaangalinta Musharixiinta Aqalka sare BJFS ee Puntland, iyagoo soo bandhigay shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha Golaha Aqalka Sare. Halkaan hoose ka Akhriso shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta oo ah 5 qodob. 1: Inuu yimaado Xafiiska Guddiga Maamulka doorashada Puntland ee Garoowe, kana qaato foomka diiwaan-gelinta musharax Aqalka Sare 2: Inuu la yimaado warqadda taariikh nolaleedkiisa oo cadeynaysa waxbarashada iyo khibradiisa shaqo 3: Nuqul kamid ah shahaadad dugsiga Sare, Jaamacadda heerka 1-aad, heerka 2-aad, heera 3-aad 4: Warqadda dambi la,aanta ee Hay’adda dambi baarista ee CID ee kasoo baxday…
Maareeye kuxigeenka Wakaallada Hormarinta Biyaha Dowladda Puntland Bashiir Macalin Daahir, ayaa kula la qaatay Madax ka socotay Hay’adda ICRC. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta lahaa wada shaqeynta Wakaaladda iyo ICRC, iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta khayraadka biyaha Puntland. Idilnews
Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Liiska Tartamayaasha kuraasta xubnaha ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Kuraastan oo ah 11, ayaa waxa xubnaha loo magacaabay inay ku tartamaan, waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo horey ugu mid ahaa Aqalka Sare, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiiro katirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari. Hadaba maxaa ay Puntland uga dhigan tahay soo saarista Liiska tartamayaasha Aqalka Sare ? Magacaabista xubnaha ayaa horseedaysa inay meesha ka baxaan dhowr arrimood, oo dhibaato ku ahaa Puntland,…
Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya, waxaana ujeedka safarkiisa uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in uu galabta kulan la qaato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo madax kale oo waddankaas Ka tirsan. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya…
Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka xalay ka yeesheen Khatarta Burcad-baddeeda iyo sidii ay Caalamka isaga kaashan lahaayeen Xal-u-helinta Arrintaasi. Kulankaasi oo ku dhacay Qaabka Fogaan Aragga ee Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) waxaaa guddoominayey Ra’isul-wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, iyadoo ay Hindiya Guddoomiye u tahay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ee bishan August. Madaxweynaha Raashiya waxa uu ku booriyey Golaha Ammaanka ee QM in la sameeyo Qaab-dhismeedka cusub ee La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha, iyadoo la waafijinayo Cahdiga QM u degsan, kaasi oo si toos ah lagula macaaltimi doono La-dagaalanka Dembiyadda…
Ra’iisul Wasaaraaha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Kenya. Ujeedada Socdaalka shaqo ee Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiirka Arimaha Dibadda ee DFS Maxamed C/risaaq Abuubakar wax yar ka hor inta aaney ambabixin. https://www.youtube.com/watch?v=ggKke-GJp-A Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sii jeeda dalka Kenya ayaa qeybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kulan kula qaatay Laamaha Amniga, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Kuxigeenkiisa, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa furay laamaha amniga adkeynta Amniga Caasimadda, isagoo kula dardaarmay inay waajib gaar iska saaraan sugidda Amniga doorashooyinka ka bilowday dalka. Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee Puntland, kuwaas oo ka kooban 5 xubnood. 1: Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle (Guddoomiye) 2: Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi (Xubin) 3: Xildhibaan Cabdiraxmaaan Jaabiri Samatar (Xubin) 4: Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal (Xubin) 5: Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax (Xubin) Dhanka kale: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoorqoor, ayaa xaafiiskiisa ku qaabilay xubna ka socday labada guddi ee kala ah; Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaas oo shalay booqasho ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Guddigan oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa kala hadlay Madaxweyne Qoorqoor sidii loo dar-dar galin lahaa hannaanka doorashada xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug, weli ma shaacin musharraxiinta xubnaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer oo hore guddigan uu ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiintaas. Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay…
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka oo ka furmay caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan. Shirweynahan oo sanadkii hore u baaqday cudurka coronavirus awgiis, waxaa looga hadlayaa arrimo badan oo khuseeya Boostada Adduunka, waxaana ugu weyn doorashada Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka iyo guddiyada ugu sarreeya Midowga, kuwaas oo howgali doona afarta sano ee soo socota. Furitaanka kadib, Wasiirku wuxuu shir-doceed la yeeshay Agaasimaha xilka wareejinaya ee UPU, Bishaar Xuseen oo ururka madax ka ahaa sagaalkii sano ee la soo dhaafay, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maalinida berrito ah ku wajahan magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magaaladda Nairobi ku joogi doona booqasho labo maalmood ah, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Kenya, sida Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa wada shaqeyntii labada dowladood ee dhinacyada, Amniga, Ganacsiga iyo Isku socodka labada shacab. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa tan iyo markii uu xafiiska…
Magacyada, Beelaha iyo dadkii lagu badalay musharraxiinta u tartami doona Aqalka sare ee Puntland halkaan ka akhriso. 1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole) Horrey ayuu xilkaan ugu fadhiyay waa Ciise Maxamuud Muuse Ciise, Waxaana la tartamaaya Maxamed Cismaan Colaad 2. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waa Cumar Maxamuud reer Mahad waxaana la tartamaysa Kowsar Cabdullaahi Xirsi, Waxaana horrey ugu fadhiday kursiga Shugri Aaden Camey 3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) waa Dashiishe waxaana la tartamaay Maxamed Geedi Maxamuud, waxaana horrey kursiga ugu fadhiyay Cabdirisaaq Cismaan Jurile 4. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Waa Dhulbahante Jaamac Siyaad waa wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland waxaana la…
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ku dhawaaqay Liiska Tartamayaasha kuraasta xubnaha ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Kuraastan oo ah 11, ayaa waxa xubnaha loo magacaabay inay ku tartamaan, waxaa kamid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo horey ugu mid ahaa Aqalka Sare, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Wasiiro katirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Gobalka Bari. Idilnews
Maalinta berri Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa socdaal rasmi ah ku tagaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay u wada hadlaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa labadii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii hore Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya kaddib markii ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha, waxaase xiriirka diblomaasiyadeed la soo celiyay laba bil ka hor markii ay dhexdhexaadisay dowladda Qadar. Dowladda Soomaaliya waxa ay hakisay qaadkii ka imaan jiray Kenya, sidoo kale labada dal ayaa adkeeyay dal ku galka ay muwaadiniinta labada dal ugu safraan Muqdisho iyo Nairobi,…
Waxaa qabuuraha Islaan Maxamed ee duleedka magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Marxuum Asad Xuseen Xaashi, Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland oo xalay ku geeryooday magaaladda Garoowe. Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Culimo-awdiin iyo Eheladiisa ayaa ka qeybgalay Aaska Marxuumka, waxaana madasha Aaska hadalo tacsi ah ka jeediyay Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Dowladda Puntland, kuwaas oo alle uga baryay inuu qabriga waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay. https://www.youtube.com/watch?v=xsKcjZxlIJ0 Idilnews
Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Haweenka ee Dowladda Puntland ayaa kulan wadajir ah kula qaatay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland Madaxa Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Ian Ridley oo ay weheliyaan ku xigeenka Gintare Eidimtaite iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska hay’adaas ee Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha bini’aadantinimada, sida Ayaxa, fatahaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda iyo sidii la isugu dubba -ridi lahaa deeqaha caalamiga ah ee la xiriira arrimaha bini’aadanimada ee UN-ka. Sidoo kale, Wasiirada Puntland iyo Madaxda Hay’adda UNOCHA ayaa intii uu socda shirkooda isla soo qaaday mashaariicaha horumarineed iyo sidii looga gudbi…
Xulka kubadda cagta Gobalka Mudug ayaa Ciida Afka u daray xulka Gobalka Karkaar, kaddib markii 3 iyo 0 ay uga adkaadeen kulan kamid ah Tartanka 8-aad ciyaaraha Gobalada Puntland oo ay galabta ku yeesheen garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe. Xulka Gobalka Mudug ayaa 3-dii daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta 2 Gool ku hubsaday shabaqa xulka Gobalka Karkaar, waxaana daqiiqadihii sideetamaadkii ay la yimaadeen Gool 3-aad. Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa garoonka soo buux dhaafiyay masuuliyiin dowladeed iyo kumanaan taageerayaal ah oo qaarkood ay kasoo safreen deegaano kamid ah Labada Gobal, sida Gaalkacyo iyo Qardho. Xulka Gobalka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankan ayaa ahaa mid is xogwareysi ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu si kala gaar gaar ah ula yeelanayay Musharaxiinta. Dhinaca kale, Madaxweynayaashii hore ayaa is garab taag u muujiyay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadanaa mas’uuliyaddiisa dhanka hagida maamulka dowladnimo ee marxalada kala guurka ah.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha XFS waxa uu maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 Milyan oo dollar (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyada doorashooyinka dalka. Yaboohan ayaa fudueyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday.
Waxaa ka soconaya garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ciyaar xiiso badan oo u dhexeysa xulalka Gobalada Mudug iyo Karkaar. https://www.youtube.com/watch?v=8yLxXQHT3hY
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maalinida berrito ah ku wajahan magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magaaladda Nairobi ku joogi doona booqasho labo maalmood ah, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Kenya, sida Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka dublamaasiyadeed ee labada dal, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa wada shaqeyntii labada dowladood ee dhinacyada, Amniga, Ganacsiga iyo Isku socodka labada shacab. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xumaa tan iyo markii uu xafiiska…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray maanta dhismaha cusub ee safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, una badan wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda Muqdisho. Safaarada Kenya oo muddo lix bilood ah xirneyd ayaa timid kadib markii ay wasiirada arrimaha dibada labada dal ay wadahadalo ka yeesheen sidii caadi looga dhigi lahaa xiriirka labada wadan. Idilnews
Tartanka 8-aad ee ciyaaraha xulalka Gobalada Puntland ayaa weli ka soconaya garoonka Mire ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana maanta jirta ciyaar xiiso badan, taas oo ay isku arki doonaan xulalka Gobalada Mudug iyo Karkaar. Labadan xul oo ka wada tirsan Groupka (B) ee tartanka ciyaaraha Puntland, iyadoona xiisaha ciyaartan iyo loolanka taageerayaasha labada xul, si weyn looga dareemay saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada. Sidoo kale, Labada xul ee Astaamaha u yihiin ‘Mudug (Wan) iyo Karkaar (Koofiyadda Boqortooyadda), ayaa taageerayaashoodu kasoo kala safreen caasimadda iyo deegaanada labada Gobal, si ay u daawadaan ciyaartan. Hadaba si toos ah Ciyaartan uga…
Duqa magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Cabdiqani Axmed Ismaciil (Deera-dile), ayaa ku dhawaaqay go’aan la xariira ka hortagga cudurka COVID-19, oo mowjadiisii saddexaad ay soo gaartay deegaanada Puntland. Duqa Boosaaso oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay olalaha wacyi-gelinta bulshada Boosaaso ee cudurka COVID-19, ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka inay qaataan agabyada muhiimka u ah ka hortagga cudurka, sida Af-xirka. Sidoo kale, Mudane Cabdiqani Deera-dile darawada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya gudaha Boosaaso iyo kuwa kale ee Gobalada ka yimaada ayuu ku amray in aysan qaadi karin qof aan xirneyn Af-saab, isagoona intaas ku daray in cidii u…
Wafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad Goboleedka Galmudug. Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay gudoomiye kuxigeenka gudigga xalinta khilaafaadka maxamed Ibrahim barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga. Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb. Idilnews
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarda iyo Cayaaraha Dowladda Puntland ayaa Guddi anshax u saartay khilaafkii ka dhashay cayaartii shalay dhexmari lahayd Sanaag iyo Nugaal, kaddib kulan ay xarunta Wasaaradda ku yeesheen masuuliyiinta sare ee Wasaaradda. Guddiga ayaa kala ah: 1. Axmed Daahir Ahmed (gudoomiye) 2. Cabdulqaadir Cabdullaahi Xassan (Gudoomiye k/X) 3. Maxamed Yuusuf Maxamuud 4. Axmed Cali Ibrahim 5. Maxamed Cabdullaahi Cali 6. Cabdirisaaq Aadan Warsame 7. Mohamed Aadan Xirsi. Wasaaradddu waxa ay sheegtey in; 1. In Gobolka Sanaag uu soo gudbiyo qoraal uu ku cadaynayo cabashadooda 2. In Xidhiidhka Puntland uu soo gudbbiyo warbixin ku saabsan ciyaartii Sanaag iyo Nigaal.…
Booliska Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka, kaas oo loo qabtay Booliska Jubbaland. Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeybgalay 15 sarkaal oo ka tirsan Booliska Jubbaland,kuwaasi oo iyaguna sii tababari doona ciidanka . Tababarkan muddadii uu socday waxaa lagu qaatay duruus la xariirta maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta, qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dad weynaha iyo xakamaynta dadka. Idilnews