Author: Jibril Qoobey

Mas’uuliyiinta dalka Chad waxay sheegeen in 22 qof ay dhinteen halka 18 ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal dhexmaray dad xoolo dhaqato iyo beeraley ku sugnaa gobolka galbeedka ku yaalla ee Hadjer-Lamis. Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Abdramane Koulamallah ayaa sheegay in ciidamo loo diray gobolka ay dhibataadan ka dhacday si xiisadda ay u dejiyaan. Colaadda ka dhex taagan dadka beeraleyda ah iyo carabta xoolo dhaqatada ah ayaa ah mid marar badan soo laba kacleysay oo ay dad badan ku dhinteen. Barasaabka gobolka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in dagaalka uu Sabtidii ka qarxay halkaas kaas…

Read More

Waxaa saacadaha soo aaddan la filayaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ay gaaraan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya. Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ay saaka u safrayaan Dowlad Gobaleedka Galmudug. Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee xubnaha kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusa-Mareeb. Idilnews Idilnews

Read More

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga hor yimid tallaabadii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku joojiyay in heshiisyo ay gasho Xukuumadda illaa doorashada ay ka dhamaanayso. Ridwaan Xirsi Maxamed oo xubin ka ah Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Midowga Musharaxiinta ay ku qiimeeyeen khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, howlaha doorashooyinka. Dhinaca kale, Midowga musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan ay xalay yeesheen waxa ay ku sheegeen in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi. https://www.facebook.com/watch/?ref=search&v=812062686137210&external_log_id=1d6e42c1-a1d0-49d8-a459-db142a05d25f&q=Midowga%20musharixiinta%20oo%20ka%20hadlay%20khilaafka%20soo%20kala%20dhexgalay%20Farmaajo%20iyo%20Rooble Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay in uu kulamo la qaato qaar kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, kuwaas oo aad u dhaliilsan siyaasadda Villa Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta, iyaga oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee dalka. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha ay iska wareysteen arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka. Kulankaan xalay dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf Cusub oo salka ku haayo…

Read More

Ilaa 40 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee SAS ayaa waxay ka dageen Garoonka Diyaaradaha ee Al Ghaydah airport ee magaallada Mahra ee Bariga Yemen. Ciiddankaasi waxaa la sheegay inay ugaarsanayaan Calooshood-U-shaqaystayaal ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta ee ka mas’uulka ahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Markabkii Booyadlaha ee dhawaan lagu weeraray meel ka baxsan Badda Oman. Ciiddanka Khaaska UK ee SAS waxaa ka mid ah kuwo ku takhasusay Qalabka Elektaroonikada si looga gun gaaro kuwa la baadigoobayo. Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka ee loo adeegsado duqeymaha masaafada dheer. Sirdoonka Maraykanka…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland AUN Marxuum Asad Xuseen Xaashi, oo ku geeryooday magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland. “Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.” “Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka…

Read More

Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland AUN Asad Xuseen Xaashi, oo saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Geerida Marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiir kuxigeenka Haweenka Puntland Sahra Kiin Cabdi Xirsi, kaddib qoraal ay ku shaacisay barteeda Facebook. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa xalay booqday xarunta dhexe ee urur siyaasadeedka KAAH waxaana uu kulan gaar ah oo ku saabsan isxogwareysi la qaatay guddiga fulinta ee Ururka KAAH. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay guddiga fulinta ee Ururka KAAH, waxaana ay la wadaageen horumarada laga gaaray diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn iyo qorsheyaashooda ku aadan u diyaar garowga doorashada xildhibaanada goleyaasha deegaanka ugu tartami doonaan Ururka KAAH.

Read More

Dowladda Puntland ayaa taageertay qoraalkii uu maanta soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo uu kaga jawaabayay wareegto uu xalay uu soo saaray Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu ku sheegay inuu joojiyay heshiisyada Hay’adaha DFS la galaan Dalalka shisheeye, Hay’adaha iyo Shirkadaha caalamiga ah. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa lagu boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamintiisa ku aadan xilliga kala guurka, Hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay Adduunka. “Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata. https://www.youtube.com/watch?v=jzonMLO2AmM

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen ayaa xil ka qaadis iyo isku shaandheyn ku sameeyay xubno katirsan Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Ibraahim Bandhawow, ayaa la wadaagay wareegtadan Warfaafinta. https://www.youtube.com/watch?v=FIIcRIyeUP8 Idilnews.

Read More

Hay’adda EUCAP oo tageerta Ciidanka Booliiska Puntland ayaa maanta Taliyaha Booliiska Puntland Sareeye Guuto Abdi Xassan ku wareejisay qalabka faraha oo ku shaqayn doonaa habka maamulka xogta ee casriga ( Police information management system) oo dhawaan Booliiska Puntland ay hirgalisay. Xafladda wareejinta qalabka waxaa ka qayb galay Taliyaha CID da Puntland, iyo saraakiil katirsan ciidanka Booliiska Puntland. Idilnews

Read More

Bajaajleyda ka shaqeysa magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta doortay Hoggaan cusub, kuwaas oo xilka heyn doona muddo hal sanno ah, kana shaqeyn doona hormarinta Bajaajleyda Garoowe. Ergo dhan 78 oo kamid ah mulkiilayaasha bajajta ka shaqeysa magaaladda Garoowe, ayaa ka qeyb-qaadatay doorashada oo aheyd mid gacan taag ah. Guddoomiyaha Bajaajleyda Garoowe ayaa loo doortay Maxamed Yuusuf Jaamac oo helay 46 cod, halka Gudoomiye kuxigeenka Bajaajleyda Garoowe loo doortay Cabdirashiid Muuse Maxamed oo helay 31-cod. https://www.facebook.com/Puntlandstatetv/videos/814789285887630

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Madaxa Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Ian Ridley oo ay weheliyaan ku xigeenka Gintare Eidimtaite iyo wakiilka hay’adaas ee Puntland Maxamed Xassan Gooni. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Idilnews

Read More

Sida ay lawada socdaan bulshada Soomaaliyeed, Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag oo dhammaan hay’adaha Dastuuriga ah uu ka dhamaaday muddo-xileedkoodii caadiga ah loona baahanyahay in si xilkasnimo leh looga gudbiyo dalka marxaladan kala guurka ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Xukuumaddiisu waxa ay xilka fulinta ee Dalka la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye. Ra’iisul Wasaarahu isaga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Qaran ee saaran waxa uu dadaal wayn ku bixiyay sidii dalka looga…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata. Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq, ayaa kulan la qaatay dhigiisa Dalka Kenya Raychelle Omamo, oo maanta soo gaartay magaaladda Muqdisho. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada Dalka, iyo sidii loo soo afmeeri lahaa khilaafka sanado jirsaday ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo saameyn ku yeeshay isku socodka labada dal, Siyaasadda iyo dhaqaalaha. Idilnews

Read More

Tartanka Ciyaaraaha Gobalada Puntland ayaa maanta dib uga bilaabanaya garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, kaddib markii uu hakad ku yimid sabtidii shalay aheyd, ayna cabasho muujiyeen xulalka Gobalada Cayn iyo Gardafuu, kuwaas oo kamid ah Group-ka (B). Xulalka Gobalada ku jira Group-ka (A), ayaa dheeli doona, waxaana ciyaarta kowaad isku arki doona xulalka Sanaag Vs Nugaal, halka ciyaarta labaad ay wada dheeli doonaan xulalka Gobalada Sool Vs Haylaan. (Si toos ah ugala soco Idilnews/IdilTv ciyaaraha). Idilnews

Read More

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Axmed Xuseen Macalin (Gurey), ayaa la wareegay 12,000 doses oo ah talaalka cudurka COVID-19, kaas oo ay Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska. Munaasabadda la wareegitaanka qeybtii 2-aad ee talaalka COVID-19 oo ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Madaxa Hay’adda UNICEF Maxamed Ayoya iyo Madaxa WHO Maxamed Nur Malik. Wasiir kuxigeenka Wasaaraddda Caafimaadka Axmed Xuseen Macalin (Gurey), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faransiiska deeqdan, isagoona ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka. Idilnews

Read More

Boqortooyada Sucuudiga ayaa oggolaatay sanad iyo bar kaddib in Muslimiinta caalamka ee qaatay tallaalka COVID19 inay mar kale imaan karaan Cumarada laga billaabo berri oo Isniin ah, sida ay qortay wakaaladda wararka dowladda ee SPA. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegay in xujeyda gudaha iyo dibaddaba ee loo oggolaaday gudashada Cumarada ay khasab tahay inay la yimaadan caddeynta qaadashada tallaalka COVID19. Laakiin Xujeyda tallaalan ee ka imaanaya dalalka uu ku badanyahay cudurka COVID-19 ee Sucuudigu ku daray liiska cas ayaa si gooni ah loo karantiili doono, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda Xajka iyo Cumrada. Sucuudiga ayaa Xajkii…

Read More

Ciidammada Amniga Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo Ammaanka ka wada magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoona Ciidammo Boolis ah lasoo dhigay isgoysyada magaaladda. Ciidammada ayaa baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha, iyadoona sidoo kale gaadiidka laga fiiqayo bacaha madow ee lagu xirto. Howlgaladan ayaa imanaya xilli caasimadda Puntland uu ka soconayo Tartanka ciyaaraha kubadda cagta Gobalada Puntland, kaas oo galay maalinkii 8-aad, waxaana magaaladda soo buux dhaafiyay taageerayaal la kala safan kooxaha sagaalka Gobal. Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu amniga badan Soomaaliya, waxaana ay marti-galisay shirar muhiim u ah Dowlad dhiska iyo Hormarka Soomaaliya, kuwaas oo…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaweyd soo gaartay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waaxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq. Wasiir Omamo ayaa kulan la qaadan doonta saacadaha ay ku sugan yahay Muqdisho dhigeeda Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ay u timid Muqdisho casuumaad at u wado Ra’iisul Wasaare Rooble, oo todobaadka soo socda booqasho ku tagaya Dalka Kenya. Idilnews

Read More

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mohamed Hussein Roble, kaas oo salka ku haya Arrimaha Doorashooyinka. Khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayaa soo shaac baxay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kaddib Labada dhinac ay isku mari waayeen qorshe uu watay Farmaajo oo ku aadan Gobalka Gedo iyo Arrimo ganacsi. Farmaajo ayaa xalay soo saaray wareegto uu ku sheegay in laga mamnuucay Hay’adaha DFS heshiisyada, Is afgaradyada iyo wada-hadalada taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo Amniga Dalka, xilliga doorashada. Go,aanka kasoo baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay mid uu…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Awuor Omamo, ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaarto magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoona kulan la qaadan doonta Wasiiria Arrimaha Dibedda DFS Maxamed Cabdirisaaq iyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Ujeedada socdaalka Raychelle Omamo ayaa la xariirta dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, Waxaana uu daba socdaa kulan ku dhexmaray magaalada London Ra’iisul Wasaaraha DFS Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan dib u soo celiyay xiriirkii dublaamisiyadeed ee labada dalka, kaddib muddo uu ka dhex jiray khilaaf xooggan oo dacalada ku haya Arrimaha muranka Badda. Idilnews

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan: 1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka…

Read More

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid. Khilaafkan ayaa salka ku haya kursiga Aqalka Sare ee ah saamiga Beesha Madaxweyne Kuxigeenka, Wararka ayaana sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu doonayo in xubinta Aqalka Sare ee Beesha Mareexaan uu u soo qoro qof Villa Somalia laga soo gudbiyay, halka Madaxweyne Kuxigeenka ku doonayo in lagala tashto kursiga uu taladiisa leeyahay. Wararka ayaa intaas ku daraya in khilaafka Qoorqoor iyo Ciid uu dib u dhigay ku dhawaaqista liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta Aqalka…

Read More

Qarax Miino ayaa lagula eegtay duleedka deegaanka Qeycad ee Koonfurta Gobalka Mudug kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, kuwaas oo ku sii jeedeen deegaanka Qeycad oo ay dhowaan la wareegeen ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka ee DFS. Qaraxan oo uu ka bad-baaday Gen. Biixi ayaa galaaftay nolasha labo kamid ah Ciidanka Dowladda, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ciidammada Xoogga Dalka iyo Daraawiish-ta Galmudug ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada koonfurta Gobalka Mudug, waxaana ay sheegeen inay dhowaan weerari doonaan degmadda Xarardheere…

Read More

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Srae ee Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa xarigga ka jaray Iskuul Casri ah oo ay ku baxday in ka badan 1 Million oo dollar, kaas oo laga hirgeliyay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Iskuulka ayaa lagu magaacabaa Rays Moder School waxaana mashruucaan waxbarasho oo dhismihiisu socday muddo ku dhow 2 sanno hirgeliyay dhalinyaro ganacsato ah, iyadoona Manhajka uu ku baxayo uu yahay midka dalka Ingiriiska, oo ay dhigi-doonaan Macalimiin ajnabi ah iyo kuwa Soomaalia ah oo kasoo laabtay Qurbaha. https://www.youtube.com/watch?v=p7vCv3aXuEQ Idilnews

Read More

Duqa magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile), ayaa maanta daah-furay xaafad cusub oo laga hirgaliyay magaaladda Boosaaso, taas oo lagu magacaabo Girible. Xaafadan cusub oo ka kooban 282 Guri ayaa waxaa dhismaheeda Puntland ka caawisay Hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, waxaana loogu talaglay dadka barakacayaasha ah iyo danyarta kunool magaaladda Boosaaso. https://www.youtube.com/watch?v=AXXZ47BcC_c Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta dawladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Taliyaha qaybta gobolka karkaar iyo maamulka degmada ayaa daah-furay mashruuc lagu diyaarinayo qaab-dhismeedka degmada Shaxda ee Gobolka Karkaar. Qorshaha ayaa ah in la diyaariyo dhulka danta guud ee degmada sidda goobaha caafimaadka, waxbarashada, saldhigyada iyo wadooyinka ay magaaladu yeelanayso. Idilnews

Read More

Hay’adda la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Puntland (PAC) ayaa magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ka daah-furtay kulan wacyi-galin ah, kaas oo looga hadlayo ka hortagga faquuqa dadka la nool cudurka. Kulanka oo ahaa Aqoon isweydaarsi ayaa waxaa ka qeybgalay Hay’adaha Dowladda ee heer Gobal iyo heer degmo, hoggaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Agaasimaha Hay’adda la-dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Puntland Cabdulqaadir Maxamed Axmed (Burburshe), ayaa sheegay in kulanka uu hordhac u yahay Barnaamij wacyi-galin ah oo Hay’adda PAC ka bilaabayso gudaha Puntland. https://www.youtube.com/watch?v=wSmvpnQlFr0 Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa shir looga hadlayo xaalada cudurka COVID-19 la qaatay Maamulka Gobalka Karkaar iyo kan degmadda Qardho. Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray goobaha loo diyaariyay in lagula tacaalo dadka cudurka COVID-19 uu soo ritay, halkaas oo ay ku sugan kooxaha caafimaadka, isagoona ugu baaqay Shacabka inay muujiyaan taxadar. https://www.youtube.com/watch?v=Du56y7rUCtw

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhex taagan fadeexad siyaasadeed kaddib markii uu taageero u muujiyay doorasho garabka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ee Guddiga Doorashooyinka xubnaha Somaliland ay ku qabsadeen Teendhada Afisyooni ee magaaladda Muqdisho. Rooble ayaa u diray doorashada inay qeyb ka noqdaan 3 xubnood ee uu isagu magacaabay, kuwaas oo ku biiray xubnaha garabka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Guuleed. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee guddiga halka dhinac qabteen, taas oo ay qaadaceen xubnaha garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha. Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, Iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada quraanka. https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/1706550659532281 Idilnews

Read More

Khadar Xariir Xuseen ayaa markii 3aad loo doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somaliland ee weli hannaankeeda uu muran ka taagan yahay, iyadoo ay maqan yihiin xubnaha garabka kale ee ka socday Cabdi Xaashi. Doorasho goordhow ka dhacday Afisyooni oo ay goobjoog ka ahaayeen 7 xubnood oo ay ku jireen saddexdii xubnood ee Ra’iisul Wasaaraha soo magacaabay ayay iska dhex doorteen Guddoomiye. Khadar waxaa uu ka mid ahaa xubnihii cabashada laga gudbiyay ee la sheegay inuu ka tirsanaa Hey’adda Qaxootiga Qaranka, inkastoo dib ugu soo laabtay. Idilnews

Read More

Prof. Xasan Sheekh Cali, ayaa ugu baaqay Ra’iidul Wasaare Rooble in uusan ku dhexmilmin damaca Farmaajo ee ku aadan boobka doorashada, gaar ahaan kuraasta Xildhibaanada Gobalada Waqooyi. “Saaxiibkay Raiisul Wasaare Rooble Ogow kursiga uguma fadhidid inaad tahay Nin dukaan u gada nin kale, waxaan kugula talinayaa bogga cad inaad doorato, waxaadna ogaataa Amniga qaranka Soomaaliya waxa uu ku xiranyahay guddoomiye Cabdi Xaashi” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali https://www.youtube.com/watch?v=KM0OXlcIDj0 Idilnews

Read More

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowladda Federaalka Xaniifa Maxamed Xaabsade ayaa ugu baaqday dowlad Goboleedyada in aysan baal marin heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Dowlad Goboleedyada ee ahaa in la ilaaliyo qoondada Haweenka. Xaniifa Xaabsade ayaa sheegtay in loo baahan yahay in saddexdii Musharax ay hal musharax haween noqoto, sidaas darteed ay ka codsanayaan qaar ka mid ah dowlad goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii Madaxda ay ku gaareen Muqdisho. Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabaan in sanadkan haweenka ay helaan qoondadooda 30% ee kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka. Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 27…

Read More

Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya oo sii fidaya ayaa wajahay halis cusub Jimcihii, iyadoo sarkaal ka tirsan gobolka Amxaarada uu sheegay in ciidamada Amxaarada ay Sabtida weerar ku qaadi doonaan ciidamada Tigreega ee la wareegay gacan ku heynta magaalada taariikhiga ah ee Lailibela. “Waxaa la joogaa xilligii dadka Amxaaradu ay cagta marin lahaayeen argagixisada, qof kasta waa inuu diyaar u noqdaa inuu is difaaco” ayuu yiri madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada Sema Tiruneh oo la hadlayay warbaahinta gobolkaas. Afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ka jawaabayay hadalka Sema Tiruneh ayaa u sheegay Associated Press “soo dhoweyn diirran ayaan…

Read More

Tartanka ciyaaraha Gobalada Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa hakad ku yimid, kaddib cabasho ay muujiyeen xulalka Gobalada Cayn iyo Gardafuu. Ciyaar dhexmari laheyd xulalka Mudug Vs Gardafuu iyo Karkaar Vs Cayn, oo ka wada mid ah Group-ka (B), ayaa dib loo dhigay ilaa 11 bishan August, kaddib xulalka Labada Gobal ee Cayn iyo Gardafuu ay sheegeen in aysan dheeli karin, ayna u naahan yihiin nasasho. Idilnews

Read More

Xarunta Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka Mudug ayaa ka dhacay Shir ay isugu yimaadeen Guddoonka Waxbarashada iyo Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo. Shirka oo looga hadlayey Tayeynta Waxbarashada ee Dugsiyada Sare, waxaa shir guddoomiyey Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo, Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Cali Sh C/sahal Xaaji, wuxuuna xusay in Waxbarashadu ay Tartan ku jirto loona baahan yahay in Dugsi kasta uu dadaalkiisa la yimaado. Dood dheer kadib oo ay yeesheen Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo waxaa Shirka kasoo baxay Qodobada soo socda: 1. In dhammaan Dugsiyada Sare ee Degmada Gaalkacyo Taabuurku uu bilowdo 7:00 Am (Subaxnimo),…

Read More

Waxaa socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan Hoggaanka Guddiga doorashada Somaliland oo ay isku hayaan labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi. Dadaalada la wado ayaa ka mid ah in labada dhinac ay kala qaataan Guddoomiye iyo Kuxigeen, inkastoo aan weli aqbalaad rasmi ah laga helin labada dhinac, inkastoo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku howlan yahay in arrinta la dhameeyo illaa maanta duhurkii. afar ka mid ah Guddiga doorashada Somaliland ee ka yimid dhinaca Cabdi Xaashi ayaa xalay diiday inay ka qeyb galaan doorshada Hoggaanka Guddiga oo maanta lagu waday inay ka dhacdo Afisyooni.

Read More

Dowladda Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku dartay horjoogeyaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo ISIS. Xoghayaha Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa magacaabay shan hoggaamiye oo ka kala tirsan ISIS-Mozambique, JNIM, iyo al-Shabaab, oo ah kooxo argagixiso ah oo xasuuq ka geystay Afrika. “Mareykanka waxaa ka go’an inuu joojiyo maalgelinta argagixisada, isagoo xaddidaya awooddooda inay ku fuliyaan weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah” ayuu yiri Antony Blinken xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka. Horjoogeyaasha Mareykanku ku daray Liiska madow waxaa ku jira Afayeenka kooxda Al-shabaab Cali Dheere iyo Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo magaciisa afgarashadu yahay Ikrama.

Read More

Xoghayaha arrimaha dibedda Antony J. Blinken ayaa maanta la hadlay ra’iisul wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk,waxayna kawada hadleen iska hor-imaadyada hubeysan ee Gobollada Axmaarada iyo Canfarta ee Itoobiya. Sidoo kale waxay kawada hadleen xaaladda bani’aadamnimo ee sii xumaanaysa ee Gobolka Tigray, iyo warbixinnada ciidamada Eritrea soo galitaanka Itoobiya. Xoghaye Blinken iyo RW Hamdok waxay ku heshiiyeen inay ku dhiirri -geliyaan dhammaan dhinacyada inay galaan wada -xaajoodyada ku aaddan xabbad -joojinta. Sudoo kale in ay galaan wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo ilaaliyo midnimada iyo wada -jirka Itoobiya, loona oggolaado in si buuxda bani’aadamnimo loo gaarsiiyo kuwa u baahan. Xoghayaha…

Read More

1..galbeedka Magaalada Kobo’ ayuu Dagaal adag ku dhaxmarayaa Xoogaga Tigray ee TPLf iyo Xulufada Dawlada dhexe.. 2….Dawlada Dhexe Ethiopia’ ayaa sheegtay inay Gacan adag ku qaban donto’ kuwa Raba inay Dalka Burburiyaan,… 3…magaalada Awru ee gobalka Canfarta’ ayuu Dagaalkii ugu cuslaa ka socdaa’ ilo wareedyo ayaana Ogaadenia media usheegay inu Khasaaruhu aad ubadan yahay” xaaalduna ay aad uxuntahay. 4…Ciidamada huwanta ah’ ee Dawlada dhexe iyo Ciidamada Tigray’ ayaa ku Dagalamaya’ galbeedka Gobalka Tigray’ halkaas oy Furintii Afraad ka bilaabatay. 5.. magaaloyinka gidan, angot, Gubalafto, oo katirsan’ Gobalka wollo’ ayay Dagaaladu halaakeyeen’ Xoogaga Tigray’ ayaana sheegay inay Hormar ka sameyeen’ agaas’…

Read More

aba ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa Talaadadi shalay sheegay in dowladda Itoobiya ay joojisay qeyb ka mid ah gabi’aanba howlihi bani’aadannimo ee ay ka wadeen gobollo ku yaalla Itoobiya oo ay ka mid yihiin gobollada Tigreega iyo Soomaalida. Hay’adaha kala ah Dhaqaatiirta Aan Xuduudda Laheyn iyo Golaha Qaxootiga Norway ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ku qasabtay in ay hakiyaan howlgallada ay ka wadaan Itoobiya 30-ki bishi July. Afhayeen u hadlay hay’adda Golaha Qaxootiga Norwary ee NRC ayaa sheegay in sababta shaqada looga joojiyay ay tahay, dowladda oo ku eedeysay in shaqaalaha ajnabiga ah ee hay’addan aysan…

Read More

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolkaas Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysnaa inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen. Madaxweynaha Mareykanka Jose Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska. Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog. Haddaba faahfaahinta eedaha guddoomiye Cuomo loo jeediyey iyo ciqaabta ka dhalan karta ayaa Maxamed Cabdi Sandhere ka wareystay Faysal Dari…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa $15,000 ugu deeqay Ayaan Xasan Ducaale iyo Munasar Xasan Ducaale oo labudaba araga naafo ka ah, si wax looga qabto xaaladooda Caafimaad. Talaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii uu daba dheeraaday dadaal la doonayay in xaalada Caafimaad loogu qaado Dalka Dibediisa carruurta naafada ka ah araga, sidoo kalena ay qaar kamid ah dhakhaatiirtu sheegaan inaan waxba laga qaban karin xaalada carruurtan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Kulan Qado Sharaf ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland Isimada Dhaqanka Puntland intooda hadda ku sugan caasimada Garoowe. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil , Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada. Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay…

Read More

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad. Fadhiga maanta ayaa waxaa Golaha Wakiillada DPL hor-yimi, Maxamuud Nuur, Xildhibaan Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo. Xil. Maxamuud Nuur ayaa khubad dheer oo uu u jeediyey Golaha Wakiillada DPL waxa uu ka hadlay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta Baarlamaanada Puntland iyo Minnesota, isaga oo xusay inay ka shaqeynayaan sidii qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Mareykanka maal-gashi…

Read More