Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo xubnaha ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Saree e BJFS ku matali doona Puntland. Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Deni uu diyaariyay magacaabista tartamayaasha Aqalka Sare, balse dib loogu dhigay Munaasabadaha xuska 1-da August oo ka soconaya deegaanada Puntland. Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed ee Puntland ayaa ugu baaqay Isniintii Madaxweynaha inuu soo gudbiyo tartamayaasha Aqalka Sare, si loo dadajiyo doorashada. Baarlamaanka Puntland oo fasax ku jira ayaa la filayaa inuu maanta dib u bilaabo kulamadiisa, iyadoona Madaxweynuhu uu…
Author: Jibril Qoobey
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee waqtigooda dhamaaday kuna matala Gobolada Waqooyi ee Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in wax natiijo ah aan lagu gaarin kulamadii Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi. Wasiir hore Maareeye oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook aya ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare rooble in halkii laga rabay in uu dhexdhexaadiyo labada garab uu la yimid in uu doonayo in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada 57 kursi oo ay leeyihiin dir Waqooyi. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiir hore Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Waxaan u…
Guddiga Maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warqadda ay guddiga u direen Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidan.
Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa saaka yeelan doona kulankii ugu horeeyay tan iyo doorashadoodii. Xildhibaanada Somaliland ayaa kulankooda maanta lagu dhaarin doonaa, iyagoona sidoo kale dooran doona Guddoonka Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland. Xisbiyadda siyaasadda Somaliland ayaa dadaal ugu jira ku guuleysiga kuraasta Golaha Wakiillada, waxaana dhowaan Isbaheysi ku dhawaaqay Xisbiyadda macaaradka ah ee Wadani iyo Ucid, wallow xisbi xakimka oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ee Kulmiye uu garda duub ugu jiro ku guuleysiga xisbigiisa hoggaanka Baarlamaanka Somaliland. Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo iyo farxad la wadaagay Bulshada reer Puntland Xafladda sanad-guurada 23-aad ee aasaaska Puntland. “Waxaan ugu hambalyeenaya Shacabweynaha Puntland Munaasabadda 1-da August oo aynu u dabaaldegayno 23-guuradii kasoo wareegatay marku aynu Puntland dhisnay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo…
Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BJFS ku matalaya Koonfur Galbeed ayaa ka bilaabatay magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulkaas. Musharixiinta u taagan doorashada ayaa haatan wada jeedinta khudbadaha, waxaana munaasabadda hadal-jeedinta goobjoog ah Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo iyagu wax dooran doona. Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maanta ay soo geba-gabeen doonaan doorashada 5 kamid ah kuraasta Aqalka Sare oo degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Idilnews
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in mararka qaar ay dhici karto in Shacabka ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada, balse taasi laga gudbayo. Taliyaha oo hadal ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan Ciidamada si looga digtoonaado dhibaatooyinka ka dhaca Gobolka oo qaarkood gaara Bulshada. Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud sidoo kale waxaa uu sheegay in Maxkamadaha ay kaalin weyn ku leeyihiin ka hortaga dhibaatoyinka ay geeysanayaan Ciidamada, isla markaana dhawaan qabteen askar rasaas ku furay dad Shacab…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay Xafladda sanad-guurada 23-aad ee Puntland. Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed.
Waxaa goor-dhow bilowday ciyaarta furitaanka tartanka kubadda cagta Gobalada Puntland, kaas oo lagu furay xulalka Bari iyo Nugaal.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland . Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange. Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah: Juurile- Boosaaso Qardho – Garoowe Garoowe- Brita dheer Garoowe-Falaryaale. Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga Dowladda Puntland. Bangiga waxaa dhistay Dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay Madaxweyne Deni 3-dii March 2020, waxaana lagu fuliyey dhismaha xaruntan kharashaadka lagu helay beekhaaminta dakhliga Dowladda. Dhismaha xarumaha Dowladdu waxay qeyb ka tahay tayeynta iyo horumarinta adeegyada loo hayo Shacabweynaha Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie (Qoorqoor), ayaa laga codsaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare. Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtiga doorashada, sidaas darteedna ay ka codsanayaan Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, ayaa soo saaray amar looga hortagayo Xanuunka Covid-19 oo si xawli ah Qardho ugu faafaya.
Munaasabad loogu dabaal-degayo xuska 1-da August oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay deegaanka Garacad ee degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug.
Munaasabad loogu dabaal-degayo xuska 1-da August oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland ayaa xalay lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Boqalaal Shacab, Waxgarad, Maamulka degmaadda Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, Maamulka Gobalka Mudug iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay Munaasabaddan.
Dabley hubeysan ayaa caawaku dilay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee Sool AUN Cabdullaahi Laba-go’le. Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta dilku ka dhacay, waxaana gaaray Ciidammadda Somaliland oo wada baaritaano. Magaaladda Laascaanood ayaa ah magaalada kali ah ee ay maamusho Somaliland oo ay ka dhacaan dilalka qorsheysan. Idilnews
Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa si weyn looga dareemaya qaban-qaabada xuska 1-da August oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland.
Shacabka magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da August u diray guud ahaan Shacabka Puntland iyo Madaxda, iyagoona sidoo kale cabiray dareenkooda ku aadan maalintan.
Taariikhda Deegaanka Magacley ee Gobalka Nugaal oo ah Degaan Boqolaal Sano Kahor la,aas aasay ayaan Lahayn Adeegyada Nolosha.
Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarada & Ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday inay fasax yihiin shaqaalaha Puntland maalinimada berrito oo Axad ah, kuna beegan 1-da August, oo ah markii la Aas-aasay Dowladda Puntland.
Fanaanada Soomaaliyeed ee Farxiyo Fiska, oo ka qeybgalaysa xuska 1-da August oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Puntland ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska Tartamiyaasha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in labo toddobaad oo dheeri ah lagu daray Furitaankii ama Fasaxii dugsiyada degmada Qardho. Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa guud ahaanba bulshada deegaanka Puntland kula dardaarmaya in cudurka safmarka ah ee COVID-19 si fiican looga taxaddaro, islamarkaana ay waxbarashadu sidii loogu talagalay u socoto laga bilaabo xilligii horay jadwalka ugu qornayd marka laga reebo degmada Qardho, iyada oo la raacayo awaamiirta guud ee caafimaadka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Garoowe ayaa ka warbixiyay xaalada cudurka COVID-19 oo dib uga soo cusboonaatay Gobalka Karkaar. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay inay wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadku isla qaateen in dib loo dhigo furitaanka Iskuulada Gobalka Karkaar, oo furmi lahaa 3-da bishan August. Ugu dambeyntii, Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay isticmaalaan agabka ka hortaga cudurka COVID-19, sidoo kalena ay qaataan tallaalka cudurka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maxamuud Nuur, Xildhibaanka Aqalka Baarlamaanka ee Gobolka Minnesota ee dalka Marayoanka iyo wafdi uu hoggaaminayo. Wafdiga Maraykanka ee uu hoggaaminayo xildhibaan Maxamuud Nuur ayaa Puntland kala qeybgalaya dabaaldega mubaasabadda 1-da August, sanad-guurada 23-aad ee kasoo wareegatay markii Puntland la’asaasay. Idilnews
Wafti Wasiiro ah oo ka socda DFS ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana kamid ah ah Wasiirada Kalluumeysiga iyo Shaqada. Wufuudan ayaa kamid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan 23 sano-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii dawladda Puntland. Idilnews
Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Gen. Stephen Townsend, ayaa dhowaan soo gaaray magaaladda Muqdisho. Gen. Stephen Townsend oo uu wehlinayo Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Gen. Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Khamiistii booqday xarunta Taliska Ciiddanka AMISOM ee magaalladda Muqdisho, iyagoona kulan looga hadlayo Amniga iyo la-dagaalanka Argagixisada la yeeshay taliyeyaasha Millateriga AMISOM, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay barta Facebook AMISOM. Idilnews
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku wargeliyay Shaqaalaha iyo Ciidammada Dowladda Puntland ee doonaya inay kamid noqdaan musharixiinta Ururada siyaasadda ee doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn inay iska soo casilaan shaqada Dowladda, ayna guddiga u soo gudbiyaan nuqul kamid ruqsadooda. “Sida ku cad qodobka 5aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka, waxaa reeban in aysoo galaan liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada dawladda haddii aysan iska soo casilin shaqada ay hayaan 60 casho ka hor doorashada.”
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareyay qaraxii la beegsatay dhallinyaro ciyaartooyda ahaa. Rooble ayaa ku baaqay in si deg deg ah Caddaalada loo horkeeno kooxdii ka dambeysay falkaasi uu sheegay in ay halis ku yihiin nolosha shacabka. “Waxaan tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland,kuwa dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan” ayuu yiri Rooble. Waxaa uu intaasi kusii daray “Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay”. Jubbaland…
Amniga deegaanadda Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, xilli maalinimada berrito ah ay guud ahaan deegaanada Puntland ka bilaabanayaan dabaal-degyada iyo xuska 1-da August. Boqolaal kamid ah noocyada kala duwan ee Ciidammada Puntland ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Qardho, Badhan iyo deegaano kale, kuwaas oo baaris ku sameynaya gaadiidka dadweynaha. Sidoo kale, Ciidammada ayaa wareysanaya dadka shacabka ah, kuwaas oo ay ku dhiiri-galinayaan inay kala shaqeeyaan sugida amniga maalmaha ay socoto xuska 1-Augusto Deegaanada Puntland ayaa waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada xuska 1-da August, Puntland oo la aas-aasay sanadkii 1998-dii…
Wafti heer Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland. Xubnaha ayaa kamid ah Wafuuda ka qeybgalaysa Munaasabadda xuska 1-da August, 2021, oo ku began 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Dowladda Puntland, taas oo berri ka bilaabanaysa Garoowe iyo deegaanada kale ee Puntland. Sidoo kale, Wafuud kale oo heer sare ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garoowe, waxaana kamid ah xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka. Deegaanada Puntland ayaa waxaa si weyn uga socota qaban-qaabada xuska 1-da August, Puntland oo la aas-aasay sanadkii…
Sida ay muujinayaan xogo ay heshay Idilnews, Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa dadaal ugu jira inuu Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka dhigo xubno katirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo, iyo qaar kamid ah saaxiibadiisa dhow. H.E Said Abdullahi Deni oo loo badanayo inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu la wadaagay xubnaha Sare ee Puntland iyo Isimo inuu doonayo inay Xildhibaano noqdaan, kuna matalaan Puntland Labada Aqal ee BJFS Dad uu ku kalsoon yahay. Liiska xubnaha ku tartamaya Golaha Aqalka Sare oo dhowaan uu shaacin doono Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay kasoo…
Deegaanada Puntland ayaa si weyn looga dareemaya u diyaar-garowga dabaal-dega xuska 1-da August, oo ku beegan 23 sanno-guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Puntland. Calamada Puntland ayaa laga lulay waddooyinka waa weyn ee magaalooyinka waa weyn iyo deegaanada kale Puntland, iyadoona ay socota qaban-qaabada munaasabadda dabaal-dega oo ka dhacaysa guud ahaan deegaanada Puntland, dhulka kale ee Soomaalida iyo caalamkaba. Sidoo kale, Wafuud fara-badan oo ka qeybgalaysa munaasabadda xuska 1-da August oo ah berri, ayaa kusoo qulqulaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo intooda badan maanta imaanaya Garoowe. Dhanka kale, 1-da August waxaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ka bilaabanaya Tartanka…
Dab xooggan ayaa qabsaday Warshada Isbuunyada Tabaarak ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, taas oo ku taalla bartamaha magaalada. Gaadiidka Dab-damiska ayaa wada dadaalo lagu daminayo Warshada, waxaana Ciidammada Booliska ay xireen waddooyinka soo gala Warshada. Idilnews
WARBIXIN: 23 sanno kadib Aas-aaskii Puntland, Waa sidee Tayada Ciidammada kala duwan ee Puntland iyo Amniga guud ee Deegaanka ?
Booliska Degmadda Bursaalax ee Gobalka Mudug ayaa la wareegay gaari Brobox ah, kaas oo Boolisku u adeegsan doonaan howlgaladooda, waxaana ugu deeqay Ururka Badbaado Development Fondution. Sidoo kale, Ururka Badbaado Development ayaa ballanqaaday inay bixinayaan mushaarka 5 Askari oo cusub, kuwaas oo lagu xoojin doono Booliska Degmadda Bursaalax.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa war kasoo saaray Qaraxii shalay galab lala beegsaday kooxda JCCI ee magaalada Kismaayo xilli ay kusii jeeday garoon ay ka socotay Ciyaar ka mid ah horyaalka Jubbaland. Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Jubbaland, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxa. War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa: Waxaan cambaaraynayaa qaraxa argagaxa leh ee magaalada Kismaayo maanta lagula beegsaday ciyaartooyda kooxda JCC1. Alle ha u naxariisto dhallinyarada shuhaddada ah ee qaraxaas ku baxday, kuwa dhaawaca ahna…
Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweeyeen horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqeen DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo. Waxaa beesha Caalamka ay bogaadisay in Jubbaland ay noqotay halkii ugu horreeyay ee si toos ah looga bilaabay doorashada Aqalka Sare. “ Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo…
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa si kulul uga hadlay qarax gelinkii dambe ee jimcihii lala beegsaday ciyaartooy Kubadda cagta ah oo ka mid ah ciyaartoyda magaalada Kismaayo. Axmed madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa u tacsiyeeyay dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland, gaar ahaan kooxda kubada Cagta JCCI oo qaraxa laal beegsaday. Qoraal ka soo baxay Madaxtoyada Jubbaland ayaa u qornaa sidan; Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen. Waxaan Alle uga baryayaa in uu…
Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex, isaga oo taliye Cusub u Magacaabay saldhiga. Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska . Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.
Wasiirka Waxaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa caawa soo saaray go’aamo cusub, kuwaas oo lagu joojiyay Deegaameynta Dhul Daaqsimeedka Saax-maygaag iyo Sango-jabiye, oo maalmo kahor ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Aqalka martida casho sharaf ugu sameeyay Gudiyada hirgalinta Doorashooyinka ee kala duwan gudoonka Baarlamaanka Jubaland iyo Xildhibaanada Aqalka Sare ee maanta la doortay. Madaxweynaha ayaa dhamaan dhinacyadan uga mahad celiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay qabteen maalmahii lasoo dhaafay isagoo ku booriyay in waxyaabaha dhiman iyo shaqooyinka loo baahan yahay inay sii laba jibaaran si arimaha Doorashooyinka ay ugu dhacaan qaab Wanaagsan.
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland mudane Jaamac Faarax Muuse aya qalabka ciyaaraha oo dhamays tiran ka gudoomay Ganacsade Cabdilaahi Shiikh qalabkan oo uu ugu tala galay xulalka Sagaalka gobol ee ka qayb gelaaya Tartanka 8aad ee Ciyaaraha Dowladda Puntland oo Garowe ka furmaya 1.Ogosto.2021. Ganacsade Cabdilaahi Shiikh ahna gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa ayaa sheegay markuu arkay culayska saaran Xulalka gobolada iyo baahida ay u qabaan in laga caawiyo ayaa si shakhsi ah ugu deeqay qalabkan dhamayska tiran xulalka Gobolada Puntland, sidoo kale wuxuu sheegay in go’aanka uu ku raacay gudoomiyaha xiriirka kuubada cagta Soomaaliyaa…
Xiriirka Kubbada cagta Puntland ayaa soo saaray Jadwalka Isku aadka Guud ee Tartanka 8-aad ee kooxaha kubadda cagta Gobalada Puntland.
Af-hayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland G/Dhexe Jaamac Axmed Xasan, ayaa ayaa ugu baaqay Shacabka inay kala shaqeeyaan Ciidammada sugida Amniga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, Amniga, gargaarka, arrimaha gobolka iyo iskaashiga Shirkan ayaa ka mid ahaa shir doceedyada Ra’iisul Wasaaraha Britain la yeelanayay Madaxda ka qeyb galeysa shirka caalamiga ee waxbarashada ee ka furmay London.
Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Baarlamaanka 11-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo Jubbaland ku matali doona Golaha Aqalka Sare.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo xiray Shirweynaha horumarinta Waxbarashada Puntland oo muddo saddex maalmood ah ka socday Garoowe. Madaxweynaha ayaa saddexdii maalmood ee Shirku socday si joogta ah uga qeybgalay, wuxuuna goobjoog u ahaa doodihii la xiriiray sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada Puntland iyo War-murtiyeedka kasoo baxay Shirweynaha. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay Shirka iyo sida uu u qabsoomay, doodaha iyo aragtiyaha Waxbarashada lagu horumarinayo ee lasoo bandhigay taasi oo lagu soo ururiyay War-murtiyeedka Shirka kasoo baxay, sida in magacii Wasaaradda loo bedelo Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Carruurta iyo soojeedimaha kale ee dhaxalgalka ah. Wuxuu…
Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Gobalka Mudug Maxamed Xasan Xuseen, ayaa ka warbixiyay xaalada Amni ee Gobalka Mudug, isagoona ugu baaqay Shacabka inay ka qeyb qaataan sugida Amniga.
Ra’isul Waaaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain ,Dominic Raab kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,arimaha amniga,xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka aragagaxisada . Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook ayaa guul ku tilmaamay doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu dalku si rasmi ah u aaday doorasho. Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Axmed Madoobe. Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saab sanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray. Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Colaada Saax-maygaag, Xuska 1-da August, Ciyaaraha Gobollada Puntland iyo Kastam Tuurdibi. Shirka Golaha Wasiirada ayaa diirada lagu saaray Colaada deegaanka Saax-maygaag iyo Sanjabshe, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland uu guddi heer Wasiir ah u saaray xallinta Colaadaasi. Idilnews
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa mar kale loo doortay Senatarnimada Aqalka Sare, isagoo ku guuleystay 71 cod, iyadoo Musharaxii la tartamayay uu tanaasulay. Waa Sanatarkii labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad oo maanta lagu doortay magaaladda Kismaayo. Idilnews
Senator Ilyas Bedel Gaboose, ayaa noqday Senator kii ugu horeeyey ee kusoo baxay doorashada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee 202, kaddib markii uu ku guuleystay kursi kamid ah kuraasta xubnaha Golaha Aqalka ku matalaya Jubbaland. Ilyas Bedel Gaboose ayaa helay 55 Cod, halka musharixii la tartamayay oo ahaa Mohamed Ahmed Sayid uu helay 17 Cod. Idilnews
Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa ka bixiyay Lacag deyn ah oo lagu yeeshay intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusman Nuur Xaaji Macallimuu. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Macalimuu oo todobaadkii hore ka duulay Muqdisho uu lacag ku yeeshay Hoteelkii ay dajisay Villa Soomaaliya, taas oo dhan 30 kun oo dollar. NISA ayaa muddo ku xanibtay Cusmaan Macalimuu magaalada Muqdisho, waxaana uu dhowaan u amba-baxay Gobalka Gedo kaddib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu dartiis xilka uga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha ee Hay’adda NISA ahaana gacanyaraha Farmaajo ee Gedo. Farmaajo ayaa…
Dhagaysiga Khudbadaha xubnaha u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Jubbalnd oo haatan si toos ah u bilowday.
Dowladda Puntland ayaa Ciidammo kala dhex dhigtay Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay deegaanka Sanjabshe ee degmadda Boocame ee Gobalka Sool. Dagaalkan dhexmaray Maleeshiyo beeleedka ayaa ayaa sababay dhimashada illaa 8 Ruux, iyo dhaawaca tiro kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Deperani, ayaa ugu baaqay beelaha dagaalamay, isagoona sidoo kale fariin u diray Waxgaradka. “Waxaan Baaq-Nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Sanjabshe ee Boocame. Waxgaradka iyo Cuqaasha ha laga shaqeeyo nabadgelyada, dagaal qof ayaa ku dhinta ee qof kuma dhasho, wadajir uga shaqeeya Nabadda.” Ayuu yiri Af-hayeen Jaamac Deperani. Idilnews
Waxaa goor-dhow bilaaban doona hadal jeedinta musharaxiinta u tartamaya kuraasta xubnaha Aqalka sare ee dalka kuwaa oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland, iyadoo isla maanta la qabanayo doorashada afar kursi. Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Abdirisaq Maxamed Cismaan ayaa ku tartamaya kursiga ugu horeeya ee la dooran doono maanta, iyadoo Jubbaland ay noqoneyso goobta ugu horeeysa ee lagu doorto Barlamaanka 2-aad Aqalka sare ee dalka. Idilnews
Waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shirweynaha Hormarinta Waxbarashada Puntland, kaas oo muddo saddex maalmood ah ka socday Garoowe. Shirweynaha oo Talaadadii uu furay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa diirada lagu saarayay Hormarinta Waxbarashada Puntland iyo caqabadaha jira, waxaana ka qeybgalaya Madaxda Iskuulada, Jaamacadaha, Khuburo dhanka Waxbarashada ah, Hay’adaha Puntland ka taageera Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida oo uu wehlinayo Madaxweyne Ku xigeenkiisa iyo Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ayaa kulan warbixin iyo wadatashi ahaa la qaatay Golaha Nabada iyo Midnimada ee Deegaanka. Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixiyay Xaalada dalka iyo tan deegaanka isagoo ku booriyay Golaha in uu qaato kaalinta ka hortaga iyo xallinta iskudhacyada qabaailka iyo middeeynta shacabka. Madaxweynaha iyo Madaxdii kale ee la socotay ayaa sidoo kale warbixin ku saabsan xaaladda Galbeedka Sitii siiyay Golaha iyagoo sheegay in dareenka isu danqashada ee shacabka Soomaaliyeed muujiyeen uu yahay mid ididiilo ku abuuraya hanaqaadka waddaniyad Soomaaliyeed oo tabihii qaybi oo xukunta…