Author: Jibril Qoobey

Saraakiisha Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa AMISOM, oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo saareen Go’ano la xiriira amniga gaar ahaan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka Sare. Kulanka oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga soo saaray Go’aano dhanka Amniga ah oo badankood la faray Saraakiisha kala duwan iyo Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland. Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal ayaa faray laamaha Amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan amniga doorashooyinka, isla markaana dib u habeyn lagu sameeyo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in…

Read More

Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu weheliyo Wasiirka Waxbarshada ayaa kulan la qaatay Alice Albright Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada. Labada dhinac ayaa kawada hadlay hormumarinta mashaariicda waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.

Read More

Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo weerarada Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya. Kadib kulan ay magaalada London wasiirada gaashaandhigga ee labada dal, Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga. Waxaana heshiiska kamid ah sidii la isaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaas oo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya. Kumanaan ciidamo Britain ah ayaa sanad kasta waxay tababar siiyaan ciidamada Kenya, kuwaas oo qaarkood dagaal kula jira Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab…

Read More

Hantidhawraha Guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Faderaalka ah in la hakiyo lacag la siin jirey Bangiga Horumarinta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Hantidhowraha Guud ayaa lagu sheegay in tallaabadaan uu Xafiiska Hantidhawrku qaaday ay tahay mid lagu beekhaaminayo hantida dowladda iyo in la hubiyo in qarashka haatan ku jira gacanta dowladda loo isticmaalo adeegyada muhimka u ah muwaadiniinta iyo kobcinta awoodda dowladda.

Read More

Madasha Isku xirka Haweenka katirsan xisbiyada Siyaasadda Puntland oo muddo labo maalmood ah ka soconaysay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay. Madashan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland ayaa lagu gorfeynayay sidii ay u xoojin lahaayeen Isku xirnaanta Haweenka kamid ah Xisbiyadda Siyaasadda.

Read More

Dhowr ka mid ah kooxaha awoodda badan ee Iraq ee Iran ay taageerto ayaa soo dhoweeyey go’aan kasoo baxay Washington oo lagu sheegay in Mareykanka uu soo geba-gebeynayo howlgallada dagaal ee Iraq dhammaadka sanadkan, taasi oo ah arrin ay muddo dalbanayeen. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Isniintii yiri “Dhammaadka sanadkan kuma jiri doonno howlgal dagaal,” xilli uu marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhemi oo wada-hadallo u yimid Aqalka Cad. Ciidamada Mareykanka ayaa sii wadi doono inay tababaro iyo kalamooyin siiyaan militariga Iraq, oo ay qeyb ka tahay iskaashi dhanka sirdoonka ah, taasi oo aan buuxineyn dalabkii kooxaha Iran ee taageerto…

Read More

owladda Mareykanka ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday gargaar bani’aadannimo oo cusub oo ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah dalalka deriska. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in Dowladda Mareykanka ay ku biirineyso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar, kaalmada bani’aadannimo ee ay sannadkaan ugu deeqday shacabka Soomaaliya siisay. Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta…

Read More

Dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa maraya meel gabo-gabo ah, iyadoo saaka la bilaabay xiritaanka dheegii Maraakiibtu isku tiirin lahaayeen, sidoo kale ka ilaalinaya maraakiibta waa weyn kusoo xiranaya dekedda. Talaabadan ayaa ka dhigan in la joogo heer u dhaweynaya Dekedda in dhismaheedu dhammaad yahay, ayna tahay waxa kaliya ee la sugaa xilliga maraakiibta iyo doomaha ay ku soo xiran doonaan.

Read More

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleed ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafadka doorashooyinka ee heer federaal Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur. Guddiga ayaa kulamo looga hadlayo doorashooyinka la yeelan doona Guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Federaalka iyo Jubbaland iyo Madaxda Jubbaland.

Read More

Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa u magacaabay Cabaas Yacquub Madaxa Shaqaalaha NISA, kaasoo ahaa xilkii todobaadkii hore laga qaaday C/llaahi Kulane. Cabaas Yacquub ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha Hey’adda NISA, marka uu xilka xilka banneeyo Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu doonan rabo kursi Xildhibaan, si uu Xasaanad ugu helo.

Read More

Waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe shir ku saabsan xoojinta iyo wada shaqeynta hay’adda Booliska, Wasaaradda Maaliyadda iyo howlaha Guud. Shirkan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka , Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Taliyaha Ciidamada Booliska, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee dakhaliga, masuuliyiin ka tirsan Dakhliga iyo Saraakiisha Ciidamada Turbataariyada. Agaasime Guud ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abshir Maxamed Abshir ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid muhiimad weyn xambaarsanaa, iyadoo ujeedku ahaa sidii looga qayb qaadan lahaa dardar galinta iyo xoojinta wada shaqeenta hayadaha fulinta. “ Shirkan wuxu ku saabsanaa…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada london ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Arrimaha waxbarashada iyo dhalinyarada iyo sidoo kale sidii horay loogu socon lahaa maadaama Cudurka Coronavirus uu saameeyay waxbarashada Adduunka. Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaalada waxbarashada Soomaaliya, mid doorashooyinka iyo baahiyaha Guud ee xilligan kajira Soomaaliya. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada london…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay soo gudbinta Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada. Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in doorashada bilabatay, isla markaana dowlad Goboleedyada kale looga baahan yahay in ay dedejiyaan qabashada doorashada. Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in uu noqdo Maamulkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo maamulada kale ee dalka aysan xilligaan u muuqan kuwo doorasho bilaabi kara. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland. Madaxweyne Deni wuxuu bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha ka gaartay. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnso, iyo Madax kale. Idilnews

Read More

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Genaraal Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa u magacaabay Sedax Sarkaal oo ka kala Socdo Xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska & Nabad-Sugidda Baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June Sanadkan. Xeer Ilaaliyaha ayaa Faray Taliska NISA in ay ula shaqeeyaan Saraakiisha magacaaban Wadda kasta oo lagu Gaari karo Danta Cadaaladda. Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbalay furashada Gal-Dacwadeed ay u soo gudbisteen Ehelka Maqanad Ikraan Tahliil.

Read More

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa ku dhawaaqaya goor-dhow xubnaha ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Qoraal lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga ayaa lagu yiri “Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa goor dhow shaacin doono magacayada xubnaha u tartamaya kuraasta aqalk sare ee dalka.” Jubbaland ayaa noqonaysa Dowlad Gobaleedkii ugu horeeyay ee bilaaba doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS. Idilnews

Read More

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharmaake Xasan Cali ayaa saaka shir guddoomiyeey shir ay iskugu yimaadeen Agaasimayaasha guud ee 22 ka mid ah hay’adaha Dowladda. Shirkaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorshaynta shirka oo looga hadlayey samaynta qorshaha jihaynta Hay’adaha Dawladda iyo dib-u-eegis ta iyo wax ka badalka qorshayaashi hore. Dhanka kale shirka ayaa diirada lagu saarayey dardar galinta howlaha shaqo ee hay’adaha dowlada iyadoo sidoo kale wax layska waydiiyeey guulihii la gaadhay 2020-2021 iyo dajinta qorshaha cusub ee 2022-2025.

Read More

Waxaa xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland ka dhacay shir wada jir ah oo ay yeesheen Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada, Agaasinka arimaha Deegaanka u qaabilsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan Deegaanka (UNEP) waxaana shirkaas looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa wadaa shaqaynta dhinacaya kaladuwan ee la xiriirta arimaha ilaalinta iyo daryeelida Deegaanka iyo mashaariic cusub oo deegaanka la xiriirta looga fulin lahaa Puntland. Shirkan oo ay shirgudoominaysay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Marwo. Seynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye) waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee…

Read More

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad. Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 41 Xildhibaan, Furitaanka ka dib Guddoomiyaha ayaa la wadaagay mudanayaasha in wakhtiga Kalfadhiga oo ahaa 45 cisho ay ka hartay maalmo kooban loona baahan yahay maalmo dheeraad ah oo ku eg Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban Goluhu galo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta lagu wadaa inuu daah-furo Shirkii ugu waynaa abid oo looga hadlayo arrimaha Waxbarashada Puntland 23 sano kaddib. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa looga hadlayaa Hormarinta Waxbarashada Puntland, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira, waxaana ka qeybgalaya Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Madaxda Iskuulada iyo Jaamacadaha Puntland, khuburo dhanka Waxbarashada, Saraakiil ka socota Hay’adaha taageerada dhaqaale siiya Puntland iyo Marti-sharaf kale. Idilnews

Read More

Dowlad deegaanka Canfarta ayaa ugu baaqday dadka deegaanka inay la dagaalamaan falaagada Tigreega, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Qof walba oo Canfar ah waa in uu difaacaa dhulkiisa sida ugu macquulsan, haddii uu ku difaci lahaa xabbad, ulo ama dhagxaan,” ayuu yiri madaxweynaha Canfarta Awal Arba, sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP. “Ma jiro wax hub ah oo na wiiqi kara. Waxaan ku guuleysan doonnaa dagaalkan” ayuu intaa ku daray. Xukuumadda gobolka Axmaarada ayaa baaq kan la mid ah horey u dirtay. Waxay wararku sheegayaan in falaagada TPLF ay weeraro ka bilaabeen meel u dhaw xadka Tigray…

Read More

Dabley hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe dad shacab ah ku dilay miyiga deegaanka Xero-jaalle ee degmadda Goldogob ee Gobalka Mudug. Dad weerarka lagu dilay oo ah 2 Ruux, ayaa ahaa xoolo dhaqato, waxaana kooxda dilka geysatay ay kasoo jeedaan Koonfurta Gobalka Mudug ee Galmudug. Weerarka oo salka ku haya aanooyin qabiil, ayaa la rumeysan yahay inay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab, si ay isaga dajiso culeyska gulufka dagaal ee ka dhanka ah, kaas oo ay wadaan Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland caawa Casho Sharaf ugu sameeyay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ka socda Safaarada Finland ee Soomaaliya. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Read More

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Guddiga hirgalinta doorashada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland, isagoo ka dhagaystay duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hada shaqadu u socoto. Madaxweynaha ayaa sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo in shaqada Guddiga ay u dhacdo si hufan oo daah furan sida ugu dhakhsiyaha badan. Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayuu ku amaanay Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam shaqada adag ee ay hayeen Guddiga maalmihii lasoo dhaafay.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta daah-furay Dugsiyada sare ee Farsamada gacanta Puntlnad. Munaasabadda daah-furka dugsiyaddan oo ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ka qaybgalay maamulayaasha iskuulada iyo masuuliyiin kale. Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Puntland ay dooneyso hirgalinta dugsiyo farsamo gacan oo tayo leh, si dhalinyarada Puntland ay u helaan shaqo abuurka, marka bartaan xirfado kala duwan. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo UK waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnso, iyo Madax kale. Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Wafti ka socda Safaaradda Filand ee Dalalkaa Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka ayaa looga hadlay Dib-u-habeynta Amniga Puntland, Arrimaha Bulshada, Dimuquraadiyeynta iyo Wax ka qabashada qul qulka muhaajiriinta. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Waftiga Finland ayaa ka wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo Dib-u-heshiisiinta Dalka. Wasiir Dhabancad ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Read More

Shirweynaha u qareemida haweenka Puntland ee u sharaxan Baarlamaanka labada aqal DFS oo Garowe ku soo xirmay ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin; In haweenku Musharaxiinta ku laabtaan deegaaan doorashadoodii islamarkaana odayaasha dhaqanka ku qanciyaan barnaamijka iyo qorshahooda sidoo kalena dardar dheeri ah galiyaan muujinta ka gonaanshahooda musharaxnimo. Wasiir Aamina Cismaan xaaji oo shirka soo xirtay ayaa gabdhaha musharaxiinta ee labada aqal ee baarlamaanka u sheegtay in la joogii waqtigii gabdhuhu matalaadoodo ay dhacsan la haayeen. Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanahay in gabdhuhu dedaal badan wadaan, loona baahannahay in qorshayaal samaysanno oo isbeddel…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay Hoggaaminayso Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo Saraakiisha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka DFS iyo xoojinta wada shaqeynta Golaha Wakiilladda Puntland iyo Qaramada midoobay.

Read More

Magaalada Tokyo ee dalka Japan waxaa ka dhacday Ciyaarta tartanka feerka, taas oo u dhaxeesay Ramli Cali oo Soomaaliya ku mataleysay tartanka iyo Maria Claudia oo ka socotay iyadana dalka Romania. Ramlo cali ayaa loogu adkaaday tartanka ciyaaraha feerka, kaas oo ka socday dalka Jaban, iyadoo ay ay ku guuleesatay gabadhii la tartameesay ee dalka Romania Maria Claudia. Markale ayee Ramla Cali rajo ka qabtay iney taariikh u sameyso dalkeeda soomaaliya, maadama ay hore u noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada. Sidookale Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku…

Read More

Cabdi Cali Raage oo ka mid ah La Taliyeyaasha Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, kaddib markii todobaad ka hor hawada laga celiyay diyaarad uu la socday, xilli uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sugnaa magaalada Kismaayo. Tagitaanka Cabdi Cali Raage ee Kismaayo ayaa ka dambeysay markii Ra’iisul Wasaaraha uu amar ku bixiyay in aan safarada laga xayiri karin musharaxiinta, iyadoo wada hadal habeen hore khadka Zoomka ku dhex maray Golaha Wadatashiga Qaran looga hadlay in aan Musharaxiinta safarada laga celin iyo cid kasta oo safreysa. Cabdi Cali Raage ayaa ka mid ahaa ragga ugu saameynta badnaa Jubbaland intii u dhaxeysay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland, waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in Aqalka Sare ay dhowaan bilowmaan.

Read More

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Sharmaake xasan cali ayaa saaka kulan la qaatay mr. Chris oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan hay’adda UNEP xaga degaanka. Kulanka ayaa diirada lagu saarey caqabadaha sii kordhaya ee deegaanka sida xaalufinta dhirta, is badalka cimilada, sameynta marin biyoodka iyo dhireynta badda. Sidoo kale, Agaasimaha iyo Masuuliyiinta UNEP ayaa waxa ay isla soo qaadeen ka faa’ideysiga biyaha oo la dhiso biyo qabatino si ay uga qeyb qataan u adkeysiga abaaraha soo noq noqda. Agaasimaha ayaa uga mahad celiyey hay’adda caalamiga ah ee UNEP hawlaha ay ka wado Puntland.

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa baraha bulshada ka difaacay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Cabdirisaaq, kaas dhaliilo xooggan oo ay u jeedinayaan Shacabka Puntland kala kulmayay baraha bulshada. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Cabdweli Gaas. Waxaan baraha bulshada ku arkayey dad badan oo reer Puntland ah oo aflagaadaynaya wasiirka arrimaha dibeda Somalia, Mohamed Abdirisak Mohamud Abubakar, qaarkoodna ay aflagaadaynayaan aabihiis oo 30 sano ka hor dhintay. Marxuum dhintay in la aflagaadeeyo waa wax diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalinimadaba ku xun. Waxaan ku talinayaa in…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta Xafiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee DPL ahna Senatar ka tirsan Aqalka sare DFS Md.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xoghayaha guud ee Golaha.

Read More

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay welinayeen kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen degaanka Bacaadweyne, waxaana ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Shabeelow, Camaara & Magalada Bacaadweyne. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay guulo waaweyn ka gaareen, isla markaana ay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan Koonfurta gobolka Mudug, isla markaana u dhow…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Safaaradda Mareeykanka ee magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada, Safaaradda Mareeykanka Wendy Stancer. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiinkale oo katirsan Safaaradda ayaa looga hadlay arimaha amniga doorashooyinka iyo mashaariicda ay islawadaan Safaaradda Mareeykanka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Madaxa Siyaasadda iyo Nabadgelyada, Safaaradda Mareeykanka ee Soomaaliya Wendy Stancer ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dardar gelinta howlaha doorashooyinka oo uu amniga ugu weyn yahay. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa dhankiisa dowladda Mareykanka uga mahad celiyay…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa u soo jeediyay in Ganacsatada Puntland aysan Al-Shabaab siinin lacago baad ah oo uu sheegay in dadkooda lagu dhibateeynayo. Guddoomiye Sanyare ayaa xusay in Ganacsatada, iyaga oo doonaya inay naftooda badbaadiyaan ay Al-Shabaab siiyaan lacag, balse dadkoodii lagu dilay ayna kamid yihiin dadka wax dilaayo maadaama ay lacag siiyaan Al-Shabaab, waxana uu ugu baqay inay diidaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab. “Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaas, waa in Ganacsatada ay si deg deg ah u diidaan lacagtaas oo ay shiraan una…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane: Jaamac Faarax Muuse ayaa soo xiray shirka wadatashiga siyaasada qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka socday Garowe. Shirkan ayaa looga hadlaaayey sidii dib u habayn loogu samayn lahaa siyaasada dhallinyarada Soomaaliyeed oo hore loogu diyaariyey 2017 Puntland taas oo ay Wasaaradda qayb ka ahayd dejinteeda shirkan ayaa muhiimadiisa tahay in horumarin lagu sameeyo taas oo ay ka shaqaynayaan khubaro aqoon u leh arimaha dhallinyarada iyadoo latashi lala samaynaayo dhallinyarada qaybaheeda kala duwan. Shirka wada tashiga qaran ee siyaasada Soomaaliyaa ayaa afartii sanaba halmar dib u habayn lagu sameeyaa iyadoo lala…

Read More

Talye ku xigeenka Booliska Puntland S/Guuto Caydiid Axmed Nuur ayaa xilalkii u kala wareejiyay Talyihii hore ee Qaybta Gobolka Sool Gaashaanle sare Cismaan Cabdi Yuusuf iyo Talyaha Cusub ee Qaybta Gobolka Sool Gaashaanle sare Aadam Maxamed Cabdi. Masuuliyiin uu kamid yahay Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida ee Gobolada Nugaal iyo Sool iyo Hogaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa madasha xil wareejinta Goob joog ahaa. Idilnews

Read More

Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo gudanaysa waajibaadka ka saaran gaaritaanka adeegga caafimaadka dhamaan degmooyinka iyo gobolada Puntland gaar ahaan deegaanada fogfog ee laamiga ka baxsan ayaa maanta ka daahfurtay qaybta qaliinka ee Isbitaalka cisbitaalka Degmada Bandar Bayla.. Waxaa ka qaybgalay furitaanka gudoomiye kuxigeenka Gobolka Karkaar, Duqa degmada agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka iyo iskuduwaha caafimaadka gobolka karkaar, madaxa caafimaadka ee hay’adda Save the Children. Dhamaan masuuliyiinta ayaa ka mahadceliyay in maanta laga daahfuro degmada bandar Bayla. Agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka Dr Mohamed Mohamuud Xidig oo furitaanka ka hadlaya ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan ka daahfuro aniga…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari. Shirka ayaa waxa lagu marti qaaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, oo maalmahan Magaalada Bosaaso howla shaqo u joogay waxaana ka soo qeyb galay dhammaan guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari. Intii uu socday shirku ayaa waxa looga hadlay xoojinta amniga Iyo Xasiloonidda Gobolka iskaashiga labadda Gobol ee Mudug Iyo Bari, la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish. Idilnews

Read More

Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Ceel biyoodka deegaanka Dogob ee degmada Gal-xamur, munaasabad ay ka qeybgaleen Fiqi Cabdinaasir iyo Imaam Cabdiwahaab , maamulka degmada, ganacsato, mas’uuliyiinta shirkadda Kebarco iyo qeybaha bulshada. Dhismaha Ceelka wuxuu ka dambeyay cabasho biyo la’aan oo muddo deegaannadaa ka taagneyd ,iyadoo dad muxsiniin ah oo ka jawaabay baahida deegaanka ay wakiisheen hay’adda maxalliga ah ee FIQI FOUNDATIONS, waxaana dhismaha Ceel biyoodka lagu guuleystay fuliyay shirkadda Kebarco Drilling Company. Idilnews

Read More

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa si hoose u baahisay waraaq ka dhan ah Madaxii shaqaalaha Guud ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaas oo dhowaan uu xilkii ka qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Waraaqdan ayaa muujinaysa in Kulane Jiis oo Ehel dhow ay yihiin Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu lahaa Amarkii bishii November-2019, lagu joojiyay safar ay magaalada Beledweyne ay ku tegi lahaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Idilnews

Read More

Guddiga Doorashooyinka Qaran ee heer Federaalka (FEIT) ayaa ku sugan magaaladda Kismaayo oo ay shaley gaareen, halkaasi oo la filayo inay ka billaabato doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ku matalaya Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Waxaa guddiga oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Guddiga doorashada ay u joogaan magaaladda Kismaayo inay ka gudbiyaan maamulka Jubaland Xubnaha uga qeybgalayo Aqalka Sare ee BJFS.Guddiga ayaa la filayaa in maanta ay la kulmaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 48-aad. Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 38 xildhibaan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu mudanayaasha ku wargeliyey in uu soo gabagaboobay Ajandihii Kalfadhiga 48-aad marka laga reebo qodobka 5-aad ee ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka Sare Puntland ku metelaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha la wadaagay in maalmaha soo socda la qabanayo doorashadaas, Goluhuna u diyaar garoobo. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa u amba-baxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa la xariira Tababar uu u soo xirayo cutubyo kamid ah Ciidammada PMPF Puntland, kuwaas oo tababar ugu soo dhamaaday xerada Ciidanka ee duleedka magaalada Boosaaso. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulan looga hadlayo dardar gelinta doorashooyinka, arrinta Somaliland, Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada xalay ku yeeshay khadka ZOOM-ka. Ilo ku dhow dhow Shirka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay aad ugu kala aragti duwan yihiin arrinta Somaliland, ayna sida muuqata xiriiro lakala leeyihiin labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. Idilnews

Read More

Dib-u-dhac ayaa ku yimid doorashada Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta oo ah 25-July-2021, la filayay inay ka bilaabato Dowlad Gobaleedyada Dalka. Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbland, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa wali soo magacaabin guddiyadii qaban lahaa doorashada Aqalka sare, inkastoo maamulka Jubbland lafilayo in maanta ay magacowdo. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa soo gudbin Liiska xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto degaannadooda. Idilnews

Read More