Author: Jibril Qoobey

Muniiro Axmed oo ah Gabar Soomaaliyeed, lana la’aa Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga helay Meydkeeda webiga Mississippi ee hoos mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee Dalka Mareykanka. Ciidanka gargaarka deg-dega ah iyo booliiska magaallada Minneapolis ayaa meydka Munira ka soo saaray webiga Mississippi, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkeeda ama inay iyada Webiga ku dhacday. Qaar kamid ah Qoyska Alle ha u Naxariistee Muniira ayaa dhankooda sheegay inay u maleeynayaan in Gabadhooda Webiga lagu riday, hayeeehee ay jawaab deg deg ah ka sugayaan Ciidamada…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydadka Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay Dagaalkii ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanada Ciidanka howlgalada kawadaan ee Gobolka Mudug. Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay  inay la wareegeen Fariisimo ay Al-Shabaab kunsugnaayeen, welina ay Ciidamada howlgallada wadaan. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da August 2021, kuwaasi oo kala ah: Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin) DHAMMAAD

Read More

Agaasimaha guud Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane: Axmed Cabdalla Tigaana ayaa daah furay shirka wadatashiga siyaasada qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Shirkan ayaa looga hadlaaayey sidii dib u habayn loogu samayn lahaa siyaasada dhallinyarada Soomaaliyeed oo hore loogu diyaariyey 2017 Puntland taas oo ay Wasaaradda qayb ka ahayd dejinteeda shirkan ayaa muhiimadiisa tahay in horumarin lagu sameeyo taas oo ay ka shaqaynayaan khubaro aqoon u leh arimaha dhallinyarada iyadoo latashi lala samaynaayo dhallinyarada qaybaheeda kala duwan. Shirka wada tashiga qaran ee siyaasada Soomaaliyaa ayaa afartii sanaba halmar dib u habayn lagu sameeyaa iyadoo lala tashanaayo dhallinyarada Soomaaliyeed…

Read More

Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa maalintii afaraad isku haya habraacyada guddi hoosaadka, awoodaha iyo mas’uuliyadda Xogheynta, iyadoo Guddigan uu illaa hadda leeyahay Guddoomiye iyo Kuxigeen. Ilo ku dhow dhow xubnaha Guddiga ayaa sheegay inay jirto faragelin bannaanka ah oo ku saabsan meel marinta awood xad dhaaf ah oo loo sameynayo Xogheynta Guddiga oo aan weli la magacaabin, afar jeer oo Guddiga kulmay la isku fahmi waayay mas’uuliyadda Xogheynta, isla markaana la wareego awoodda Guddoomiyaha. Arrinta ugu weyn ee ka dhex taagan Guddiga ee uu qarka u saaran yahay inuu La Guddoomiyeyaal yeesho ayaa sabab u noqon karta…

Read More

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto. Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin. “Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka ee laga soo doorto Jubbaland. Jadwalka doorasho ee Aqalka sare ayaa loo muddeeyay inay bilaabato maalinta berri oo Axad ah kuna beegan 25 July, sida qorshuhu yahay Jubbaland ayaa noqon doona Maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare. Idilnews

Read More

Wafti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka Jubbaland. Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa maanta si diirran garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo ugu dhaweeyay guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed ( Cirro) iyo waftigii uu hoggaaminayay. Waftiga FEIT ayaa Kismaayo u yimid arrimo la xiriira dardargalinta qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ku wajahan magaalada London ee Dalka UK, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shir caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Waxbarashada. Shirkan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Madax kala duwan oo Afrika ka socda, sida  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London waxaa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda Shirka ka qeybgalaysa Shirka. Idilnews

Read More

Saraakiil ka tirsan ciidammada Booliska Nabad illaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta booqday goobta loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya si ay u qiimeyn iyo indho-indheyn ugu sameeyaan. Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland Mudane Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan qabashada doorashada aqalka sare Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed.

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa warbixin Goluhu kaga dhegaystay guddiga gaar ah oo uu 22.07.2021 guddoomiyuhu u magacaabay soo ururinta talo-soojeedinihii guddiyada Golaha ee kalfadhiga 48-aad. Ugu dambayntii, Golaha Wakiilladu isagoo ka duulaya Qodobka 64-aad (6) ee Dastuurka oo sheegaya “ Ka doodista, kormeeridda, dhaliilidda iyo talo-ku-biirinta siyaasadda iyo barnaamijka wax-qabadka xukuumadda” wuxuu cod aqlabiyad ah ku meelmariyey qaraar baarlamaani ah oo ku aaddan talo- soojeedinta guud ee kalfadhiga…

Read More

Inta la xaqiijiyay 6 Ruux ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay Ciidammo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidamada dagaalamay ay isku qabteen lacago laga qaado Gaadiidka laga raro Ex-kontorool Afgooye, Dadka dhintay ayaana 2 kamid ah ay tahay Ciidankii dagaalamay, halka 4 kalena ay yihiin Shacab. Sidoo kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray dad shacab ah, oo ka dhashay dagaalkan, oo sidoo kale sababay inuu istaago isku socodka dadka iyo Gaadiidka, iyo goobihii ganacsi ee goobta ka ag dhawaa, oo markii…

Read More

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kAl-Shabaab. Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington. Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan…

Read More

Wafti ka socda Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland. Ujeedada socdaalka Waftiga Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dardargalinta qabsoomidda doorashada Baarlamaanka, gaar ahaan Aqalka sare oo dhawaan la filaayo in ay ka bilaabato Jubbaland. Xubnaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa ka kooban 3 xubnood, sida baahisay warbaahinta ku hadasha afka Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bilaabay kulamo ku aadan soo xulista Senatorada Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kuwaas oo Puntland matali doona 4 sanno ee soo socota. Xubnaha oo ah 11 Senator ayaa laga sugayaa Madaxweynaha Puntland inuu ku dhawaaqo 24 saac ee soo socota, maadama ay doorashadoodu bilaabanayso ’25 bishan July’, oo ku beegan maalinimada berrito ah. Madaxweyne Deni ayaa shalay ilaa xalay kulamo la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, isagoona kala tashanayay sidii la isugu dheeli-tiri lahaa saami qeybsiga beelaha. Sidoo kale, Siciid Deni oo la rumeysan yahay inuu kamid…

Read More

Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka. Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin. Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka. Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno…

Read More

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka hadleen Arimaha Doorashooyinka dalka iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku sameeyay Agaasimihii Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka in lanilaaliyo Dastuurka dalka lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac iyo khilaaf keeni kara. ” Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in talaabada Ra’iisal Wasaaraha ee lagaga hortagayo xayiraadaha…

Read More

Guddiga doorasha dowlad goboleed Jubbaland ayaa u gudbiyay codsi qoraal ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam kaas oo ay kaga codsanayaan inuu guddiga usoo gudbiyo liiska magacyada tartamayaasha aqalka sare. Waxaa la fillayaa maalmaha soo socda in Jubbaland ay ka bilaabanto doorashada Aqalka Sare, iyadoo lagu salaynayo Jadwalkii dhawaan Soo baxay. Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee shaaciya inay bilaabi doonaan, iyaga oo waqtiga ilaalinaya doorashada Aqalka sare, balse ay jiraan weli caqabado horyaalla doorashada. Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ayaa dhanooda waxaa ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada, iyada oo Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed lagu…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse, ayaa maanta daah-furey mashruuca dhismaha wadada isku xiridoonta Kastamka Tuurdibi iyo degmadda Galdogob ee Gobalka Mudug. Munaasabadda dhagax dhiga Wadada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Ganacsiga Puntland, Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Wadooyinka, Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Gobolka Mudug, Gudoomiye kuxigeenka Degmada Galdogob, Waxgarad,bNabadoono Haween iyo dhalinyaro. Idilnews

Read More

Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, ayaa taageeray go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu xilka uga qaaday Madaxii Shaqaalaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdullaahi Kulane. “Mas’uuliyadda qabashada doorasho nabdoon, hab-raaceeda & natiijadeedaba lagu wada qanacsan yahay waxay u baahantahay go’aanno adag, sharciga ku saleysan oo aan soo daahin. Ra’iisul Wasaare Rooble oo mas’uuliyaddaas culus qaaday waa in aan ku taageernaa, kuna garab istaagnaa.” Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday C/llaahi Kulane oo ahaa Madaxa Shaqaalaha NISA iyo Taliyaha Nabadsugida ee Garoonka Aadan Cadde C/wahaab Sheekh Cali, kaddib markii maanta ay jabiyeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in aan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu xayiri karin Muwaadiniinta Soomaaliyeed. C/llaahi Kulane ayaa ahaa nin Awood badan ku lahaa NISA, isagoona ahaa u xil saaranaha Farmaajo ee Gobalka Gedo, waxaana xil ka qaadistiisu ay meesha ka saari doontaa tuhunkii laga qabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa “in uusan u Madax bananeyn go’aanadiisa”.

Read More

Diyaarado dagaal ayaa goor dhow duqeymo ka fuliyay degaano ku yaalla gobolka Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaallameyeen ciidanka Galmudug iyo Ururka Al-Shabaab. Sidda ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Galmudug duqeynta ayaa ka dhacday Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay qaadeen laamaha Amniga “Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga. Wasiirka Amniga Galmudug iyo masuuliyiin uu hoggaaminaayo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federal isagoo kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi. Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal. Sidoo kale, Waxaa ay sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Read More

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay shaacisay natiijada guud ee imtixaanka dugsiyada sare ee dalka. Sidoo kale wasaarada waxarashada hiddaha iyo taclinta sare ayaa shaacisay 10-ka arday ee ku guuleystay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ka lagay kalimaha hore,iyadoo ay ka qeyb galeen 34908 Ardey. Hoos Ka Akhriso Natiijada Imtixaanka iyo Ardaya Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka.

Read More

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Abdulahi Abdisalan, ayaa maanta dhagax dhigay Saldhig cusub oo laga dhisidoono Xaafada Israac ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Saldhigan ayaa ah mid si casri ah loo dhisidoono ayaa loogu adeegi doonaa Bulshada degan xaafada Israac. Munaasabadda dhagax dhiga saldhigan ayaana waxaa ka qeybgalay Wasiirada Howlaha Guud, Ganacsiga, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta, Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug, iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Galkacyo. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Muumin Cabdi Axmed oo ka hadlay Munaasabadda dhagax dhiga ayaa sheegay in saldhigan uu wax badan…

Read More

Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay. Safarka Madaxdii hore oo ahaa safar dhulka ah ayaa waxaa saaka ambabaxeen Muqdisho, iyagoo sii maray Degmada Warsheekh iyo deegaano kale, waxaana degmada Cadale ay joogi doonaan dhowr cisho ah, wadatashiyo iyo kulamo ayay la yeean doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada deegaanka.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame. Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Iyadoona uu kulanka kusoo aaday xilli uu dhowaan soo kala dhexgalay Madaxtooyadda iyo Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland khilaaf ka dhashay Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa laga sugaya inuu soo magacaabo Maamulka cusub ee degmadda Garbahaarey ee Gobalka Gedo, kaddib soo jeedinta Guddiga Dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee arrimaha Doorashooyinka. Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gedo ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland xubno ay soo xuleenka Isimada, Waxgaradka iyo Bulshada degmadda Garbahaarey, si labo kamid ah loogu soo magacaabo Maamulka Degmadda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in xubnaha la gudbiyay loo gudbiyay Madaxweynaha Jubbaland ay qeyb ka yihiin 4 xubnood oo iyaguna ay gudbiyeen IIsimada iyo Masuuliyiinta kasoo jeeda Magaalada Kismaayo, kuwaas oo taageersan Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee uu…

Read More

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay Arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed. Kulanka oo ku qabsoomay jawi degan ayaa wada-tashi kaddib lagu go’aamiyay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa 10,000 oo dollar ugu deeqay Wadada Garoowe iyo Godobjiiraan, kaddib codsi ay u gudbiyeen Baarlamaanka Mudanayaasha laga soo doortay Gobalka Nugaal. Xildhibaanada ku matala Golaha Wakiillada Gobalka Nugaal ayaa ka codsaday Baarlamaanka in laga qayb-qaato qaaraan uruurinta dhammesytirka waddada u dhaxeysa magaaloyinka Garoowe iyo Godobjiiraan, iyadoona Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka cod aqlabiyad ah ku taageeray codsigan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil.

Read More

uddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya (IEBC) Wanyonyi Chebukati, waxay ka wada hadleen sidii iskaashi u dhexmari lahaa labada hay’adood. Shirka ka dib waxaa la isku raacay in Independent Electoral and Boundaries Commission(IEBC) ay TPEC ka caawiso dhinacyada tababarada iyo aqoon/khibrad kororsiga iyada oo dhowaan ay bilaabandoonaan tababaro la siinayo shaqaalaha TPEC.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo uu socdaal ku joogay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, iyo magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro, Taliyayaasha Ciidanka iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa intaas kaddib loo soo galbiyay Madaxtooyadda Puntland, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlamaanka. Idilnews

Read More

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee dalka Madagascar ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, islamarkaana ay xireen dhowr tuhmane oo “Ajaaniib iyo Malagasi ah.” Laba qof oo Faransiis ah ayaa ka mid ah dhowr qof oo Talaadadii lagu xiray jasiiraddan ku taalla Badweynte India, “taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan waxyeeleynta amniga dalka,” sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed. “Dhowr qof oo ah ajaaniib iyo kuwa u dashay Madagascar, ayaa la xiray Talaadadii July 20, taasi oo qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayey weerar ka dhan ah amniga qaranka,” waxaa sidaas bayaan ay xalay soo…

Read More

Qiyaasaha muujinaya in Taalibaan ay si deg deg ah ula wareegeyso dhulka Afghanistan oo dhan maahan dhalanteed, sida uu sheegayo sarkaalka ugu sareeya milatariga Mareykanka oo qiraya in bilaha soo socda ay “tijaabo u noqon doonto rabitaanka iyo hoggaaminta” dowladda Afghanistan. General Mark Milley oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa sheegay Arbacadii in ilaa 212 ka mid ah xarumaha degmooyinka Afghanistan oo ah qiyaastii kala bar ay hada ku jiraan gacanta Taaliban iyo in ciidamada Taaliban ay ku sii siqayaan duleedka 17 ka mid ah 34 magaalo madaxyada gobolada dalka. “Awoodda istiraatiijiyadeed waxay u muuqtaa…

Read More

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerari doonaan ergooyinka soo xulaya xildhibaannada doorashada baarlamanka ee bilaabaneysa todobaadka soo socda.Kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka soo socda ee madaxweynaha iyo baarlamaanka ee ka dhacaya Soomaaliya.Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, Axmed Abu Cubeyda, ayaa sheegay Talaadadii inay kasoo horjeedaan hannaanka codbixinta, wuxuuna u hanjabay ergooyinka doorashada.Wuxuu sheegay in ergadu aysan ku kadsoomin waxa uu ugu yeeray balanqaadyada aan la fulin doonin, sida kuwa dhaqaale iyo codbixinta qarsoodiga ah, ayna dib u eegaan halka ay ku dambeeyeen ergadii iyaga ka horreeyay ee ka qeybgashay doorashadii 2017,…

Read More

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib socdaal muddo uu qaaday oo uu ku tagay, Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Soo laabashada Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaysa Xilli xiisad siyaasadeed ay dhowaanahan ka dhex jirtay Madaxtooyadda Puntland iyo Baarlamaanka, taas oo salka ku heysa Wax-ka-bedelka Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland. Idilnews

Read More

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dhamaan eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhibaateeyeen ubax ibraahim Cabdullaahi. Ubax Ibraahim Cabdullaahi oo 15 sano jir ah waxay la dhultaallaa dhibaatooyin loogu geystay Gobolka Gedo, kuwaas oo isugu jira jirdil, gubis iyo in labada gacmood looga xiray sil sillad sida ay Warbaahinta u sheegeen dhaqaatiirta gacanta ku haysa kiiskeeda ee Isbitaalka Madiina ka howlgala. Warka kasoo baxay booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Eedeysaneyaasha dhawaan ay la wadaagi doonaan dadka Soomaliyeed faahfaahin la xariirta sida wax u dhaceen. Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa…

Read More

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya. Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya. Hadalkan oo uu jeediyay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa. “Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay soo afjareeyso khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, kaas oo la xiriira Arrimaha doorashooyinka. Rooble waxaa uu sheegay in xalinta khilaafka siyaasiyiinta, isaga loo xilsaaray, isla markaana wadatashiyo la xiriira sidii loo soo afjari lahaa ay uu la leeyahay guddoomiye Cabdi Xaashi & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi guuleed. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in haatan qorshaha xalinta Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ay meel wanaagsan u marayaan.

Read More

Mareykanka ayaa duqeyntii ugu horeysay ka fuliyay gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Joe Biden. Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug maalintii shalay. Afayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cindi King ayaa sheegtay in Mareykanku uu taageerayo ciidamada Soomaaliya oo ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al shabaab.

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Deegaanada Sino-dhaqo iyo Labidulle uu ka socda Dagaal xoogan kadib Weerar Ciidamada Dowladu halkaasi ku qaadeen Saaakay gaar ahaan Meelo Alshabaab Fariisimo ku lahaayeen. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka uu yahay mid xooggan , islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada Alshabaab Weerarka Saaka ku qaaday ayaa ah Guutada 15aad ee Qaybta 21aad. Wali lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dagaalka hogaaminaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Idilnews

Read More

Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa hanjabaad adag u diray kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, isagoona sheegay inay soo afjareen shabakadihii Al-Shabaab uga howlgali jiray magaalada Gaalkacyo, kuwaas muddo dheer leynayay haldoorka Gobalka Mudug. Guddoomiye Sanyare oo Salaada Ciida Shacabka Magaalada Gaalkacyo kula tukaday Garoonka kubada cagtaa ee Cawaale, ayaa sidoo kale digniin u diray waalidiinta Reer Puntland. Idilnews

Read More

Weerar gantaallo ah ayaa lala beegsaday xarunta madaxtooyada Afghanistan intii lagu guda jiray tukashada salaadda Ciidda, laakiin Madaxweyne Ashraf Ghani iyo dadkii kula tukanayay barxadda Madaxtooyda ayaa si degan u sii watay tukashada, sida ay muujinayeen muuqallo laga baahiyay TV-ga. Afhayeenka waasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanekzai ayaa xaqiijiyay in saddex gantaal ay ku soo dhaceen bannaanka qasriga madaxtooyda. Kooxda Taalibaan ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday qasriga aadka loo ilaaliyo, waxaana afhayeenkooda Zabihullah Mujahid uu farriin cod ah ugu sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dagaalyahannadoodu ay ku jiraan “xaalad difaac” inta lagu guda jiro debbaldegyada ciida.…

Read More

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee sharciga aan ku lahayn Maraykanka 18 bilood lagu kordhiyey waqtiga ay sii joogi karaan waddankan. Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inuu yahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay. Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS). Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabanaya bisha soo socota ee September 18-keeda 2021, waxayna ku egtay bisha March 17-keeda sannadkan 2023. Waxa uu sheegay xoghayuhu in tallaabadan cusub ay dawladda…

Read More

Waxaa maanta oo talaado ah siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Isniin aheyd dadka Muslimiinta ah badi ay Soomanaayeen Maalinta Sagaalaad ee Bisha Carafo. Caasimadda Dalka ee Muqdisho iyo deegaanada kale dalka ayaa siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukadeen Salaada Ciida Carafo. Mas’uuliyiinta sar sare ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo oo Maanta loo dabaal degayo.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadd Ciidul Adxa oo beri ku beegan. “Dhamaan shacuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtaan waxaan rabaa inaan halkan idinkaga hambalyeeyo ciida barakeysan ee ciidul Adxa, waxaan idin leeyahay ciid wanaagsan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay gacan isa siiyaan oo ay u kaalmeeyaan dadkooda tabaaleysan. “Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo aad joogtiin waxaan idinka codsanayaa inaad gacan isa siisaan, waxaad tihiin shacab wanaagsan kiina hantida leh waxaan rabaa in…

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaa hambalyo ku aaadan muanasabadda ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed. Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhammaan Soomaalida u rajaynayaan “Ciid Wanaagsan.” “Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Waxaan dadka Soomaaliyeed kala qayb qaadanaynaa xuska maalintan iyo rajadooda ku aadan dib u heshiisiinta, naxariista, midnimada iyo nabadda. “Ciid Wanaagsan”

Read More

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan. Wuxuu madaxwaynuhu ALLE uga baryay ummadda in dambigooda dhaafo, waxaana uu kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto. Madaxwayne Axmed ayaa hambalyo u diray masuuliyiinta Dowladda ee labada golle, shaqaalaha iyo howlwadeenada Dowladdada, ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ee had iyo jeer u taagan difaaca amniga ummadda, Xaasaska iyo carruurta ciidammada qalabka sida, iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan. Madaxwaynaha ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dadka…

Read More

Duqa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile), ayaa kulan la qaatay Wafti ka socday Ururka Samafalka ee ‘Kizilay Turk’ oo fadhigiisu yahay Dalka Turkiga, qeybna ka ah Urur weynaha Bisha Cas. Masuuliyiinta Ururka Kizilay Turk’ ayaa ku wareejiyay duqa degmadda Boosaaso 300 oo Neef oo ari ah, kuwaas oo loogu talagalay dadka Barakacayaasha ah iyo danyarta kunool magaalada Boosaaso, munaasabadda ciidul-adxaa awgeed. Idilnews

Read More