Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa maanta safaaradda Swedan ee Nairobi kula kulmay Petra Smitmanis Dry Madaxa xiriirka iyo horumarinta Sweden Xafiiska Somalia. Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay mashaariicda caafimaad ee ka socda Puntland ee dhaqaalaheeda ay bixiso dawlada Swedan. Sidoo kale waxa uu la wadaagay qorshayaasha wasaaradda ee sanadka iyo caqabadaha ka jira ee loo bahanyahay in si wadajir ah looga wada shaqeeeyo sidii loo xalin lahaa. Wasiirka oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa inuu la kulmo inta uu joogo wadamada ka shaqeeya caafimaadka Soomaliya lana wadaago horumarinada wasaaraddu wado iyo qorshayaasha la…
Author: Jibril Qoobey
Markab laga leeyahay dalka Turkiga, oo ku guda jiray waajibaadkiisa kormeerka meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, ayaa soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii. Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean. Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof…
Saxmad aad u sateysa ayaa laga dareemaya Suuqa xoolaha degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal, Xilli dunida muslimiinta si weyn uga socoto u diyaar-garowga Ciidul Carafa. Boqalaal Neef oo Ari ah oo laga kala keenay in ka badan 40 deegaan iyo miyiga hoostaga degmadda Burtinle ayaa lasoo dhooban Suuqa xoolaha Burtinle, dadka ayaana iibsanaya xoolahan, maadama berri ay tahay maalinka kowaad ee Ciidul Carafa.
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta Ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka 2014-ka T.I (Tirsiga Itoobiya). Kororka miisaaniyaddan ayaa 31% ka badan miisaaniyaddii sannadkii 2013-ka T.I, sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Maaliyadda Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDS, Mudane Mubashir Dubbad Raage. Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay inay dawladdu si siman (caddaalad ah) oo lagu xisaabtamayo qawaaniin iyo daraasaad sax ah lagu gaadhsiin doono miisaaniyadda goob walba oo Deegaanka ka mid ah.
Dhaq-dhaqaaq aad u Sareeya ayaa laga dareemayaa saylada Xoolaha ee Magaalada Galkacyo gaar,ahaan kan lagu iibiyo ariga, madaama ay beri tahay ciidul adxaa sida ay inoo shegeen ganacsada xoolaha galkacyo. Sidoo kale qaar kamid ah dilaaleyda suuqa Ariga ee Galkacyo ayaa Aritaasi ka hadlay, iyagoo tilmaamay in iidka xoolaha uu aad uga hooseeyo sidii lagu yaqaanay cidiihii hore islamarkaasna qiimaha Ariga ayaa Gacanta hore ah $ 95-Halka gacan danbe uu yahay $75-dolar. Ciidan ayaa ah ciidul Adxaa oo dadka xujayda ah ku sugan Xaramka Makka oo gudanaya waajibaadkaas mooyee islaamka intiisa kale waxaa suno Ku ah inay gooyracayaan ruuxii awooda…
Ciidammada Booliska Dowladda Puntland oo howlgallo ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay khamri farabadan, taas oo lagu qarinayay guri ku yaalla magaalada. Taliska Qeybta Booliska Gobalka Sanaag ayaa sheegay inay sidoo kale qabteen dadkii doonayay inay ka ganacsadaan Maandooriyaha khamrida, kuwaas oo ku sugnaa Guriga, isla markaana dhawaan Maxkamad la horgeyn doono. Sidoo kale, Taliska Qaybta Booliiska ayaa sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogto ah looga fuliyo degaannada Gobolka si loo xaqiijiyo Ammaanka. Idilnews
Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5-aad, Guutada 16aad ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano Xubno ka tirsan Al-Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalka ayaa sheegay inay Ciidanka Kumaandooska DANAB waxay ku bur buriyeen fariisimo Al-Shabaab ku sugnaayeen ,islamarkaana ka abaabuli jireen weerarada qorsheysan oo ay ku qaadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay Warbaahinta dowladda u sheegeen in howlgalka lagu dilay in kabadan 15 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa degaannada howlgallada laga fuliyay. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay…
The Somali government has raised a new rift with troop contributing countries to a peacekeeping mission on its territory after it rejected proposals to modify the forces for an expanded role. In a sweeping statement on Saturday, Somalia Government Spokesman Mohamed Moalimuu said Mogadishu had rejected in totality a report from the African Union (AU) which proposed four ways in which the African Union Mission in Somalia (Amisom) could be modified. Moalimuu was referring to a report of the Independent Assessment Team on the African Union’s Engagement in and with Somalia post-2021 which came as Amisom nears the end of…
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen, ayaa sheegay in Booliska Puntland ay diyaariyeen qorshe lagu sugayo Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Gole ee BJFS. S/Guuto Cabdi Yare oo Axadii saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha Garoowe Xilli uu kasoo laabtay Muqdisho, ayaa sheegay in Qorshaha Amni ee ay diyaariyeen ay u gudbiyeen Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka. Sidoo kale, Taliyaha ayaa ka warbixiyay Shir looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo uu uga qeybgalay magaalad Muqdisho, waxaana uu intaas ku daray in Ciidamada Booliska Puntland ay awood u leeyihiin xaqiijinta Amniga goobaha Doorashooyinka, maadama ay horey uga…
Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo, ayaa caawa kulan la qaatay salaadiinta, Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ee kaso jeeda gobolka Gedo ee ku sugan magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyay odayaasha dhaqanka safarkooda ay ku yimaadeen magaalada Kismaayo iyaga oo sido kale odayaasha uga warbixiyay waxyaabihii ay kuso arkeen magaalada Garbahaarrey. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda guddiga uga waray xaaladda guud ee Jubbaland gaar ahaana xaaladda gobolka Gedo, Waxayna guddiga siyeen xogta iyo xaqiiqada rasmiga ah ee ay ka hayaan gobolka Gedo iyaga oo xusay in odayaashu intooda badan aysan tegi karin gobolka sababo amni la xiriirta. Ugaas…
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa digniin u diray dad uu sheegay inay diidan yihiin bixinta canshuuraha ku waajibay mushaaraadkooda, kuwaas oo kamid ah shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgalla deegaanada Puntland. Wasiir Xasan Abgaal oo ka hadlayay Shir looga hadlay dardar-gelinta canshuuraha ayaa sheegay inay Jordan dad kamid ah shaqaalaha QM iyo kuwa kale oo diiday inay bixiyaan canshuurta, isagoona sheegay inay ka qaadi doonaan talaabo adag.
Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay. Midowga musharaxiinta ayaa sheegay in xaalada dalka ay marayso xaalad hubanti la,aan ah. Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Getachew Reda, Afayeenka kooxda TPLF oo la hadlay Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay iney ciidamadoodu ay howlgal gaara ka fuliyeen gudaha Deegaanka Canfarta, howlgalkaas oo ay ku bartilmaameedsadeen Ciidamada Gaarka ah ee Oromada. Afayeenka TPLF wuxuu sheegay in talabaadaas ay u qaadeen si ciidanka Oromada dib loo riixo looguna celiyo Deegaankoodii, “waana ku guuleysanay inaan taas sameyno” ayuu hadalkiisii sii raaciyay. “Talaabadeenu waxay ahayd mid aad u kooban oo aan ku kala dirnay Maleeshiyooyinkii beeraleyda ahaa ee ka soo jeeday Oromada” ayuu yidhi. Maamulka Canfarta ayaa shalay ku eedeeyay in kooxda TPLF ay kasoo talaabeen xuduudka Isla markaana ay…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kulan kula magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Turkiga Mehmet Yilmaz. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay dhaqaalaha dalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda. Wasiir Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay Danjire Yilmaz doorka wanaagsan ee uu ka cayaarayo horumar Soomaaliya.
Warbaahinta Idilnews ayaa Xalay booqday suuqa weystigeed ee magaalada gaalkacyo halkaasi oo ay kula kulmeen kooxo ka mid ah ganacsatada suuqaas, iyagoona faahfaahin ka bixiyay iibka ganacsiga suuqa.Sidoo ka waxaan wax ka waydiinay mid kamid ah caruurta u soo aaday suuqa in ay ka iibsadaan labiskii ciida carafo, madaama ay inaga xigaan maalmo kooban, wiilkaas yar oo aan la hadalnay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay gadashada dharkii uu ka qayb-qaadan lahaa farxada ciida carafo. Mid kamid ah Ganacsatada Suuqa galkacyo ayaa tilmaamay in Ciidan ay ka duwan tahay Cidii hore sababo uu ku sheegay Sicir barar baahsan iyo…
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar, ayaa maanta sagootiyay Ciidammo uu u diray dagaalka Gobalka Tigray, kaddib dalab ka yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali. Ciidammada Dowladda Federaalka Itoobiya, iyo maleeshiyaadka Amxaarada ayaa lagu soo jabiyay dagaalka Gobalka Tigray, waxaana inta badan deegaanka dib u qabsaday dagaalyahanada TPLF. Talaabada uu Ciidammada Soomaalida ugu diray Gobalka Tigray Mustafe Cagjar ayaa waxaa si adag u dhaliilay, Bulshada Soomaalida, maadama aysan jirin sabab Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dilo dagaalka u dhexeeya Tigreega oo dhinac ah iyo Amxaarada iyo Abiy oo dhinac ah. Idilnews
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu waramay in lagu wareejiyay magacyada musharaxiinta Maamulka Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gado.
Wasiirada wasaaradaha maaliyadda iyo qorshaynta dowladda Puntland ayaa ka qaybgalay kulan uu soo qaban qaabiyey xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Dawladda Puntland laguna dhiirigelinayey mas’uuliyiin katirsan labada wasaaradood. Labada wasaaradood ayaa si wadajir ah ugu mashquulsanaa dardar gelinta dakhliga cashuuraha mushaarka shaqaalaha ka hawl gala hay’adaha Qaramada Midoobay ee haysta heshiiska qandaraaska ku meel gaarka ah (Service employment Contract). Shahaado sharaftaan la gudoonsiiyay ayaa guddigu ku mutaysteen kartitooda, hufnaan iyo waxqabad dhab ah oo ay ka sameeyeen soo xaraynta cashuurtaas oo muddo si dhab ah u soo xaroon. Maxamed Xareed Faarax, xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee dowladda Puntland ayaa xusay…
Waxaa Galbeedka Magaalada Qardho, laga dhagax-dhigay Saldhig ay yeelan doonto Magaalada Qardho kaas oo dhismihiisa ay iska-kashanayaa dawlada Puntland iyo Hay’adaha deeq bixiyayaaasha ah. Saldhigaan ayaaa ka qayb-qaadanaya sugida amniga iyo fudaydaynta adeegyada bulshada maadaama saldhiga keli ah ee magaaladaa ku yaal uu noqday mid aan qaadayn eedaysanayaasha lagu soo xiro. Xildhibaan Raage Saalax oo ka tirsan baarlamaanka dawlada Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga Mohamed Eman Gudoonka Gobolka iyo kan degmada, Taliyaha qaybta Gobolka Kaarkaar iyo Masuuliyiin kale ayaa dhagax-dhiga saldhigaaan cusub ka qayb-gallay.
Ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Lr.60, July 18, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliska Booliiska Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool. Wuxuu u magacaabay:- G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo goonni goonni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirada Midowga Yurub iyo Norway ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta dhagax dhigay saldhig cusub oo laga hirgalinayo Kaamka Jilab ee degmadda Garoowe ee caasimadda Puntland. Saldhigan oo si casri ah loo dhisayo ayaa loogu adeegi doonaa bulshada degan Kaamka Jilib. Munaasabadda dhagax dhiga saldhigan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal, Duqa degmadda Garoowe, Xoghayaha degmadda Garoowe iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’adda UNOPS oo Wasaaradda Amniga ka gacan siinaysa dhismaha saldhigan. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa sheegay in dhismaha…
Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha gobolka Gedo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland. Guddiga oo ka kooban wasiiro ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle ayaa yimid magaalada Kismaayo si ay ula kulmaan masuuliyiinta iyo madaxda Jubbaland, Odayaasha dhaqanka, iyo siyaasiyiinta iyo wax garadka kaso jeeda Gobolka Gedo ee ku sugan Kismaayo. Guddiga ayaa markii ay kaso dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, kaddib loo gudbiyay madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden. Kulanka ayaa isugu…
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland ayaa kulan la qaatay guddiga Golaha Wakiilada Jubbaland u qaabilsan doorashooyinka Aqalka Sare ee uu shalay guddoonka Baarlamaanka Jubbaland magacaabay.Labada guddi ayaa kawada hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah taas oo ku dhacda wakhtigii saxda ahaa ee loo asteeyay.
Midowga Africa ayaa warbixin uu ka soo saaray dalka Soomaaliya waxa uu kaga hadlay xaaladda amniga, siyaasadda iyo doorashada, iyagoo sdoo kale talooyin u soo jeediyay Soomaalida. Xuseen Macallin, la-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ugu waaweyn ee ku xusan warbxintan.
Guddiga dib u heshiisiinta ee loo magacaabay arrinta gobolka Gedo, kadib shirkii golaha wada-tashiga qaran ayaa shaaciyey inay soo gabagabeeyeen dadaalladii ay ka wadeen degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Guddiga ayaa waxa uu shaaciyey inay guuleysteen dadaalladii ay wadeen ee dib u heshiisinta gobolka Gedo si xal loo gaaro, ka hor doorashada ka dhaceysa gobolkaasi. Guddoomiyaha guddigan, ahna wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay heleen garab istaag dhab ah, isla-markaana ay ka miro-dhaliyeen dadaalladii dib u heshiista ee degmada Garbahaarey. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Gedo inay…
Webiga dhexmara magaalada Baledweyne waxaa saaka laga lehay maydka laba wili oo walaalo ahaa, kuwaas oo shalay ku dhacaya Webiga Shabelle, sida ay xaqiijiyeen ehelada wiilashadan. Labadan wiil magacagyadoodu kala ahaayeen Khaalid Nuur Caddow iyo Faysal Nuur Caddow, ayaa meydkooda laga helay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Baladweyne. Meelaha looga dabaasho webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne oo ay waxyeello u geysteen fatahaadihii iyo dadadkii sanadihii ugu dambeeyay, Isla markaana aan helin dayactir, aysanna joogin ilaalo gooni ah ayaa sababa dhimashada dhallinyaro badan oo webigan u dabaal taga, kuwaas oo maalmo kaddib uu dibadda u soo tufo meydkooda.
Xiisad siyaasadeed ayaa todobaadyadii tagay ka taagneyd Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland, kaddib markii ay Xildhibaanadu meel-mariyeen Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Puntland. Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha ee cusub ayaa dhigaya in cod isku mid ah (44 xubnood), ay xasaanada ku weyn karaan Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland. Talaabadan ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa si adag u naqdiyay Madaxtooyadda Puntland, oo kaashanaysa xubno kamid ah Baarlamaanka, waxaana jiray is qab-qabsi ka dhex curtay Golaha. Maxaa ka cusub haatan khilaafka ? Khilaafka ka dhashay Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka ayaa haatan u muuqda in laga gaaray heshiis, kaas oo dhexmaray Madaxtooyadda…
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garbahaarey ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay guul ugu soo dhamaadeen kulamada looga hadlayay u gogol xaarka u jiheyn Doorashooyinka Dalka.
Booliska Itoobiya ayaa sheegay inay xireen in ka badan 300 qof oo lagu tuhunsan yahay inay taageerayeen jabhadda ka dagaallanta gobolka ku yaalla waqooyiga dalkaas ee Tigray. Dadkan waxaa laga qabtay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Taliyaha booliska Getu Argaw ayaa sheegay in albaabada laisugu dhuftay goobo ganacsi oo laga shakiyay inay lahaayeen dadkan la qabtay. Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkan la xiray la garaacay isla markaana loo kaxeystay meel ka baxsan magaalada Addis Ababa. Mas’uuliyiinta waxay beeniyeen in la beegsanayo qowmiyadaha qaar. Ciidamo dhowr ah oo ka kala socda gobollada Itoobiya…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada Galmudug ee ku ganacsata Kenya. Ganacsatada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey shaqada wanaagsan ee uu ka qabtay Gobolka Mudug, gaar ahaan amniga iyo horumarka.
Hoggaanka TPLF ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia ayaa sheegay in ay sii daayeen ilaa kun askari oo ay ku qabsadeen dagaalkii gobolka. Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha TPLF ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii u sheegay Reuters in kun askari oo ah kuwa ay darajadoodu hooseyso ay sii daayeen. “In ka badan 5,000 oo askari ayaan wali haynaa, waanna sii hayn doonaa saraakiisha sarsare si loo maxkamadeeyo,” ayuu yiri. Waxa uu sheegay in ciidanka la sii daayay loo kexeeyay dhinaca xuduudda koonfureed ee gobolka Tigray uu la leeyahay gobolka Amhara Jimcihii, laakin ma uusan xusin cidda la wareegtay askarta iyo…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka & Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Hon. Mohamed A. Dhabancad oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Gedo ee arrimaha doorashooyinka oo ay weheliyaan xubnaha kale ee guddiga ayaa maantay Magaalada Garbaharey ku soo gabagabeeyey hawlihii wadatashiga bulshada Deegaanka ay la lahaayeen maalmihii la soo dhaafay oo ay u joogeen Gobolka Gedo. Kulamada ayaa ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa jawiga qabsoomidda doorashada Federalka ee kuraasta loo asteeyey magaalada Garbahaarey ee Jubbaland .Kulan oo ay soo qaybgaleen maamulka, odayaasha deegaanka, haweenka, dhalinyarada, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta guddiga…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir gudoomiyey Shirka Dardar galinta Ciidanka Booliska Isku-dhafkaa ee Gobolka Mudug .Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaan Cabdiweli indhaceel, Lataliye sare Amniga iyo Siyaasada ee UNOPS ilhaan Cali Gassa, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Puntland, Taliyayaasha Saldhigyada Degmada Gaalkacyo Galmudug, iyo Saraakiil. Gabagabadii shirka ayaa waxaa loo saaray Gudi ka kooban shan qof sidii loo dar-dar galin lahaa Ciidanka Booliska Isku-dhafka Gobolka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa maanta dhagax dhigay Saldhig cusub oo laga hirgaliyey galbeedka Magaalada Bosaaso, kaas oo noqonaya saldhigan loo dhisayo si casri ah, iyadoo ay dhismaha saldhiga ay Puntland ka taageerayso Hay’adda UNOPS. Wasiirka Amniga Puntland oo khudbad ka jeediyay munaasabadda dhagax dhiga Saldhigan ayaa sheegay in saldhigan uu qeyb ka qaadanayo xoojinta Amniga magaalada Boosaaso. Munaasabadda dhagax dhigan saldhiga ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka wasaarada Tamarta biyaha Iyo Macdanta, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, iyo Duqa Degmada Boosaaso. Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda…
Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyada in ay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda. Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaasi oo lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee saliidda. “Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee dalkaasi. Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gon leeyahay in laga fogaado…
Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo dhammaan labada gole ee Dowladda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna qoyskii iyo ehelkii uu ka geeriyooday Prof. Cabdicasiis Sheekh Maxamuud ( Maaliguur) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Maanta waxaa magaalada Muqdishu ka socota qaban qaabada aaska Alle ha u naxariistii Prof. Cabdicasiis oo maalmo kahor geeriyooday. Marxuumku wuxuu ahaa bare wax ka dhiga Jamaacadaha dalka wuxuuna dalka ugu soo laabtay si uu aqoontiisa, khibradiisa iyo waayo-aragnimadiisa uga faa’iideeyo ardayda Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashada. Idilnews
Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi/Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha uu dhinac u xaglinayo, iyagoo ugu baaqay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo balanqaadyadi uu sameeyay iyo gudashada mas’uuliyadii lagu aaminay habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran. War-saxaafadeedka kasoo baxay garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay wixii ka qabsoomay kulamo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo dhinacyo kale tan iyo markii heshiiska doorashada la saxiixay 27 May 2021.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa magacaabay Guddiga Baarlamaanka qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland, kuwaas oo ka kooban 9 Xildhibaan. Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland, kaas oo ahaa in Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada ay magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL, waxaana fadhiga soo xaadiray 40 Mudane. Fadhiga maanta waxaa Golaha warbixin la xiriirta hindise xeereedka Dhowrista Goobaha Taariikhiga ah ka hor jeediyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta oo gacan ku hayey Hindise xeereedkan, iyagoo kulamo wada tashi ah kala yeeshay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Dawladda Puntland, waxayna Golaha u soo jeediyeen in dib loo celiyo…
Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku qabtay deegaanka Kalabeyr ee Gobalka Nugaal khamri fara-badan oo laga keenay Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo la rabay in la galiyo Caasimadda Puntland ee Garoowe.Khamrida oo gaaraya 19 kartoon, oo ay ku jiraan 465 oo dhalo. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan jaamac ayaa digniin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha. Idilnews
Ciidammada Puntland ayaa todobaadkii saddexaad howlgallo culus oo ka dhan ah Argagixisada ka wada Buuraleyda cal-miskaad ee Gobalka Bari, kaas oo lagu beegsanayo goobo saldhig u ah Daacish. Howlgalkan oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Amniga Puntland iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiishta, ayaa loogu magacdaray NAB, oo loo soo gaabiyay ‘Nadiifinta Agagaarka Boosaaso’. Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu khaarijiyay xubno katirsan Daacish, iyadoona lagu qabtay maxaabiis, sidoo kalena lagu burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland. Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Boosaaso, ayaa sidoo kale sheegay…
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulamo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulamadooda la yeelanaya Wakiilo ka socda qaar kamid ah dalalka Reer Galbeedka iyo khaliijka, kuwaas oo si weyn u daneynaya inay saameyn ku yeeshaan halganka loogu jiro soo xulashada hoggaamiyaha afarta sanno ee soo socota xukumaya Soomaaliya. Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la kulmay siyaasiyiin kamid ah kuwa Soomaalida ee ka qeybta ah Dowladda Kenya, ganacsato iyo xubno kale. Waxaana sidoo kale jira kulamo labadan Madaxweyne ay…
Maxkmada ku taal Jazeerada Seychelles ayaa sii daysay Shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay fal burcad badeednimo, kadib markii maxkamada sare ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan eedaha loo haystay ragaan. Makamadaynta ragaan ayaa bilaabatay bishii 9aad ee sandkii hore. Qareenka difaacayay shanta nin ayaa yiri ”Hadda raggaas waa la siidaayay. UNDOC sameyn doonta qabanqaabada lagama maarmaanka u ah sidii dalkooda dib loogu celin lahaa maadaama ay waddanka ku joogaan xaalad Muhaajirnimo oo la Mamnuucay,”
Taliyaha booliska Haiti ayaa shaaca ka qaaday magaca qof uu sheegay inuu amray dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise. Sarkaal horay uga tirsanaa wasaaradda cadaalada Haiti oo la yirahdo oseph Felix Badio ayaa la sheegay in calooshood u shaqeystayaasha Colombia uu ku amaray inay khaarajiyaan madaxweynaha ka dib markii uu ugu caga jugleeyay inuu xirayo. Janaraal Jorge Luis Vargas ayaa sheegay Joseph Felix Badio uu markii hore u sheegay laba ka mid ah askartii hore ee Colombia oo mas’uul ka ahaa calooshood u shaqeystaasha Colombia inay soo xiraan madaxweyne ovenel Moise. Hase yeeshee maalmo ka hor howlgalka ayuu Joseph Felix Badio…
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab ka fuliye tuulooyin hoostaga degaanka Janaale ee gobolka Shabellada Hoose, gar ahaan tuulooyinka, tuulooyin Busleey Ugunji. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 7 Xubnoodoo ka tirsan Al-shabaab Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka oo saacado badan qaatay hub iyo Saanad ciidan looga furtay Al-shabaab oo ku sugnaa degaannada howlgalalda laga fuliyay. Dhinaca kale Ciidanka Kumandooska Xoogga Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan kasameeyay Tuulada Caliyoow Baroow oo hoostagta degmada Walanweyn ee gobolka shabeelaha…
Nairobi: 16 July 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sidiid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan Qado Sharaf ah oo ay ku casumeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Puntland ee dalka Kenya. Kulanka ayaa Madaxweynaha looga mahadceliyay shaqadii wanaagsan ee uu ka qabtay Puntland gaar ahaan Amniga Gobolka Mudug, sidoo kale waxay masuuliyiinta munaasabadda ka qeybgalay ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen siyaasada uu ku hoggaamiyay Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo doorkiisii uu dalku kaga gudbay marxaladii kala guurka aheyd Doorashona ugu jiheystay. Ugu danbeyna Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya la wadaagay masuuliyiinta iyo marti…
Guddiga doorashada heer Federaal ee FIET ayaa soo saaray jadwalka guud ee doorashada Baarlamaanka labada Aqal, waxaana jadwalka cusub uu yahay habraacyada doorashada Xildhibaannada labada Aqal iyo dhaarintooda. Sida ka muuqata Jadwalka ayaa taariikhda meelo qaar uga duwan jadwalkii ay dhowaan soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana uu jadwalkan uu dhigayaa in 7 October la dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal, halka jadwalkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran uu dhigayay in 10 October la dooranayo Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyay in muddadii loo qorsheeyay ee aheyd 25 July 2021 ku qabanayaan doorashada Aqalka Sare. War saxaafadedk ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo saari doonaan jadwalka fulinta doorashada Aqalk Sare.
Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Governor-ka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Mudane Cali Bunow Qorane. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Puntland iyo Ismaamulka Gaarisa.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Deegaanka Soomaaliyeed ciidamo u dirayo dagaalka ka socda deegaanka Amxaarada, si looga hor tago kooxda TPLF.
Ra’isul Wasaarihii Lubnaan Saad Hariri ayaa iska casilay xilkiisii, kaddib markii sida uu sheegay uu ku fashilmay dadaalladii uu ku soo dhisi lahaa xukuumad lagu wada qanacsanyahay ee badbadisa dalkaas. Hariri ayaa ku dhawaaqay go’aankiisa kaddib markii uu la kulmay madaxweyne Michel Aoun, isagoo sheegay in ay caddahay in aysan heshiin karin, isla markaana hoosta ka xarriiqay isqabqabsiga siyaasadeed ee hor istaagay dhismaha golaha wasiirada, xilli Lubnaan ay ku sii dhaceyso qalelaase baaxad leh. Hariri, oo saddex goor oo hore Ra’isul Wasaare ka soo noqday Lubnaan ayaa ah siyaasi Sunni ah oo hogaamiya Sunniyiinta Lubnaan, waxaana xilka loo magacaabay bishii…
Ciidammada PSF-ta Dowladda Puntland ayaa baahiyay muuqaalka Qarax Miino oo kooxda Daacish, ay ku aastay buuraleyda Gobalka Bari, kaas oo lala beegsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka. Sidoo kale, Muuqaalka ay baahisay PSF ayaa muujinaya toogashada Ciidanku ay u geysteen Miinaystaal iyo Muuqaal Duubayaal katirsan Daacish. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wada-hadal khadka telefoonka la yeeshay dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa ayaa ka wada-hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sida lagu sheegay Qoraal uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Idilnews
Rooble oo uu gadaal ka riixayo Farmaajo sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan,ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha kasoo xarooda Musharaxiinta Doorashooyinka lagu soo xareeyo khasnada Dowlada Dhexe ee Fadaraalka. Soo jeedintaas waxaa aqbalay 3-da Maamul ee kala ah Hir-shabelle,Koonfur-galbeed iyo Galmudug,waxaase iska diiday Puntland iyo Jubbaland, sida la ii xaqiijiyay. “Ma jirin nidaam Maaliyadeed oo aan kuwada shaqaynaynay ama aan ku midaysnayn,marka sabab aan Xamar lacag ugu rarno magaranayno”Ayuu igu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Puntland. Beesha Caalamku waxay ufasaxday oo dhawaan gaari doona Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah Lacag dhan 7-Milyan oo Dolar. Sida lawada ogsoon…
Shirka golaha wasiiradda Dowlad Jubbaland oo todobaad walba la qabto ayaa waxaa maanta shir guddoomiyey Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan. Waxaana shirka maanta looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen baaq nabadeed oo ay goluhu u direen golaha beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan gobolka Gedo. Sidoo kale golaha wasiiradda ayaa waxay walaac ka muujiyeen mashaariic horumarineed oo lagu fulin lahaa gobolka Gedo in laga fulin waayay kadib markii ay faragelin ciidan ku samaysay Dowlad Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka golaha wasiiradda Jubbaland ayaa waxaa…
Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobalka Gedo ee Arrimaha Doorashooyinka ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo qaybaha bulshada ee Magaalada, gaar ahaan odayaasha Nabadoonada, haweenka iyo dhalinyarada. Kulanka ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Gobalka Gedo, iyo sidii loo abuuri lahaa jawiga qabsoomidda doorashada ee kuraasta loo asteeyey magaalada Garbahaarey. Guddigan oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka kooban 4 Wasiir, oo ka kala socda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana ay la tashiyada kaddib soo jeedin doonaan dadka loo magacaabayo Maamulka degmadda Garbahaarey, kuwaas oo intaas kaddib uu magacaabo doono…
Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shirka Wada-tashiga Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland, kaas oo muddo labo maalmood ah soconayay. Shirka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Biyaha iyo Tamarta deegaanada Puntland. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Maxamed Siciid Qoloombi, oo soo xiray Shirka ayaana kula dardaarmay Bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland inay ka shaqeeyaan sidii Bulshada Reer Puntland u heli lahaayeen Biyo iyo Tamar ku filan. Idilnews
Wasiirada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir oo Shir looga hadlayay Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya uu maalmo uga socday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa kala saxiixday Is-afgarad, kaas oo ka kooban 4 qodob. Maxamed Caabi Xasan, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay Is-afgaradka Wasaaradaha Waxbarashada dalka. Idilnews
Dowladda Hoose ee degmadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa ka bilowday deegaanka Bacaadweyn Olalaha naqshadeynta waddooyinka deegaanka, kaas oo lagu baneynayo waddooyinka muhiimka ah ee deegaanka, laguna burburinayo dhismayaasha sida khaldan looga dhistay jidadka.