Wasiirka Amniga dawladda Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey dagaal dhimasho iyo dhaawac loogu geystay kooxaha argagixisada ee ku dhuumaleysanaya buuraha Calmiskaad iyo Caalmadow.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen. Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu uga mahadceliyay Safiirka taageerada Norway la garab taagan tahay Soomaaliya.
La-taliyaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Daahir Muuse Cali, ayaa digniin cusub kasoo saaray cudurka safmareenka ah ee COVID-19, kaas oo weli dunida ka jira. Dr. Daahir Muuse Cali, ayaa sheegay inay Puntland halis ugu jirto inuu soo gaaro nooca cusub ee cudurka ee Dalta, kaas oo ka dilaacay dalka Hindiya, maadama Dad Hindi ah ay ka shaqeystaan deegaanada Puntland, kuwaas oo dalkooda aada, sidoo kalena ka yimaada. Idilnews
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Mudane Jaamac Faarax Muuse, ayaa ka qeybgalay Doorashada Hoggaanka Dallada dhalinyarada Gobalka Sanaag. Doorashada ayaa waxaa ka qeybgalay 12 Urur oo ay lee yihiin dhalinyarada Gobalka Sanaag, Waxaana Guddoomiyaha dallada dhalinyarada Gobalka Sanaag Cabdirisaaq Siciid Faarax, halka Guddoomiye kuxigeenka loo doortay Faadumo Axmed Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dad badan ay is weeydiiayaan in Maxkamadda Sare ay awood u leedahay dacwadaha ka dhasha arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay Shirka Madasha Garsoorka gobolka Banaadir ayaa sheegay in go’aan kasta oo ay gaaraan Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, isla markaana dacwadda ka timaada ay qaadi karto kaliya Maxkamadda Sare ee dalka. “ Maxkamadda Sare waxaa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kasta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrintaasi ku baraarugsanaado…
Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia saaka tababar uga furmay wafti kasocda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Ururada Siyaasada iyo Ururada Bulshada Rayidka ah. Tababarkan oo ah aqoon kororsi ku saabsan Korjoogtaynta Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Puntland ayaa waxaa bixinayay khubaro uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Kenya Axmed Isaaq, khabiir Abdijalil Aw Daahir oo mudo ka shaqeynayay arimaha doorashooyinka iyo xubno ka socday dallada SONSAF.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha gollaha Wasiirada,.kaas oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Todobaadkan ayaa shirka waxaa looga hadlay Arimaha Amniga, Dhaqaalaha,iyo u diyaar garoowga Doorashooyinka oo dhawaan bilaaban doona. Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa Warbixino kala duwan oo la xiriirta Shaqadooda ay siiyeen Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen, iyaga oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay iyo Shaqooyinka kale ee horyaalla. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa faray dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada inay dardar geliyaan howlaha Shaqo oo ay u hayaan Bulshada, isla markaana ay si…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Ali Gudlawe Hussein, ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed. Madaxweyne Ali Gudlawe iyo Sharif Sheikh Ahmed ayaa ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda Guud ee Hirshabelle. Sharif ayaa sheegay inuu u ballanqaaday Madaxweynaha Hirshabelle inuu la garab taagannahay taageero si loo xaqiijiyo Hormarinta Hirshabelle iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.
Maamulka degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu ayaa deeq uu ugu talagalay dhismaha saldhigga dhex ee degmadaasi ku wareejiyey mas’uuliyiinta gacanta ku haya. Idilnews
Maamulka Israa’iil ayaa safaarad rasmi ah ka furtay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta, kaddib heshiis bilo kahor dhexmaray Talaabiib iyo Dubia. Idilnews
Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa ku xiray magaalada Beledweyne Haweenay la aaminsan yahay in ninkeeda oo macalin dugsi ahaa ay sun ku dishay, kaddib markii uu guursaday Haweeney kale. Ninka la sheegay inuu u dhintey sun la siiyay ayaa ahaa macalin dugsi quraan oo caan ka ahaa magaalada Beledweyne, waxaana la oran jirey Macalinka Cumar Macalin Muxumed. Allaha u naxariistee Macalinka ayaa xalay cunay cunto lagu daray sunta lagula dagaalamo cayayaanka beeraha, taasoo uu u dhintey.. Idilnews
Diyaaradaha dagaalka Ciidanka Kenya ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Duqeynta ayaa lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo ku sugnaa saldhig ay leeyihiin, Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa sheegay duqeyntan ay khasaare xoog-leh gaarsiisey dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab. “Waxaan duqeyntan ku dilnay illaa 11 dagaalamayaasha Alshabaab ka tirsan waana sii wadaynaa weerarada aan la beegsanayno argagaxisada,”ayuu yiri David Goldman. Majiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo la xiriira weeraradan duqeynta ah oo ay ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee khamiislaha ah. Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, horumarinta Garoomada diyaaradaha, Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo qodobo kale.
Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Soomaaliya, gaar ahan Booliska & Nabadsugida ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dad badan lagu qabtay. Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ka sameeyeen dhamaan Xaafadaha degmada Hodan, waxaana Ciidamada ay joojinayeen dadka wadooyinka maraya, iyaga oo qaarkood xiray, sidoo kale howlgalka uu ahaa mid guri guri ah. Taliyaha Booliska degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga cid kasta oo liddi ku ah amniga, sida Al-Shabaab iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta. Sidoo kale, Taliye Bashiir ayaa…
Weerar madaafiic ah ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Dadka kunool degaanka Halgan ayaa waxaa y sheegeen in madaafiic dhowr ah ku dhaceen xerada Ciidamada Itoobiya & agagaarkeeda, hayeeshe aysan xaqiiin karin khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay dhankooda madaafiic dhowr ah uga jaawaabeen weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee kaga yimid dhinaca Al-Shabaab. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegay inay ku dhaceen Hoobiyeyaasha Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen, in kastoo aysan jirn warar…
Wasiirada Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir oo Shir looga hadlayay Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya uu maalmo uga socday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa kala saxiixday Is-afgarad l, kaas oo ka kooban 4 qofob. 1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha wxbarashada. 2. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework). 3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud. 4. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.
Taliyaha Ciidamadda Booliska Dowladda Puntland S/guuto Cabdi Xasan Xuseen ayaa ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayo sugidda Amniga Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho. Shirka oo ay sidoo kale ka qeybgalayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyaha Booliska AMISOM, Saraakiil Boolis ah iyo khuburo dhanka Amniga ah oo ka socota Beesha Caalamka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaraya sidii looga wada shaqeyn lahaa sugida Amniga Doorashooyinka. Idilnews
Wafti ka socda Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, Ururada Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya. Xubnaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Addis Ababa qaadan doona Tababar ku saabsan Korjoogtaynta Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Puntland. Idilnews
Madaxweynaha Dalka Koonfurta Sudan Salva Kiir, ayaa waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya Eng. Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey, kaas oo ay magacowday DFS. Danjire Cabdixakiim Xaaji Cumad Camey, ayaa guddoonsiiyay Madaxweynaha Koonfurta Sudan, dhambaal salaan ah oo uu ka siday Madaxweynaha JFS ee muddo-xileedkiisa dhamaaday, isagoona uga mahadceliyay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Dalka Koonfurta Sudan. Eng. Camey ayaa horey u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, waxaana lagu bedelay Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir). Idilnews
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy, oo kamid ahaa Isimada dhaqanka deegaanada Galmudug. Qoraal lagu daabacay barta Facebook Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa lagu yiri “guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda dhaqanka, qoyskii uu ka baxay iyo Bulshada ree Galmudug waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy.” “Ilaahay naxariis Jano ha siiyee Ugaas Taakooy oo kamid ah hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed oo mar walba door muhiim ah ka qaata howlaha dib-u-heshiisiinta, shacabka Soomaaliyeed waxaa uu kamid ahaa duubabka…
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta ka bilowday deegaanada Puntland Olalaha Talaalka Dabaysha, kaas oo ay Wasaaradda ka gacan siinayso Hay’adda Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO. Munaasabad lagu daah-furayay Tallaalka ayaa ka dhacday dhamaan xarumaha Gobalada Puntland, iyadoona kooxo caafimaad oo wada tallaalka ay ka howlgaleen dhamaan deegaanada sagaalka Gobal ee Puntland. Maxamed Jamac Qorile, Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee gobolka Nugaal oo labadii dhibcood ee talaalka siiyey ilmihii ugu horeeyey ee talaalka qaata maanta, ayaa waalidiinta kula dardaarmay inay carruurta Talaalaan, maadama labo dhibcood oo talaalka dabaysha ah caruurtooda ka badbaadin karto Curyaanimada uu sababo Cudurka dabaysha.
Wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa fartay dhammaan ganacsatada Jubbaland inay u hoggaansamaan shuruucda wasaaradda islamarkaana ay qaataan ruqsadda ay wasaaraddu bixiso.
Wargeyska Azania oo daabaca cilmi-baarista hore iyo aathaarta taariikhiga ah ayaa dhowaan daabacday warbixin ka hadlaysa magaalooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya qaarkood, kuwaasi oo burburay qarniyaal kahor. Cilmi-baaristan ayaa si faah-faahsan uga hadlaysa saddex magaalo oo laga helay dooxada Nugaal, waxaana sameeyey Siciid Shidaad Xuseen oo la shaqeeya hay’adda cilmi-baarista Puntland Development and Research Center (PDRC) una qaabilsan qaybta cilmi-baarista culuunta bulshada sare.
Wafti Wasiiro oo ka socda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa maanta gaaray magaalada Garbaharrey ee xarunta Gobalka Gedo. Wasiirada ayaa ah Guddi uu Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble u magacaabay Dib-heshiisiinta Gobalka Gedo, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Maamul Gobalka, waxaana ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka, Isimada, Waxgaradka iyo Bulshada Gobalka Gedo. Guddiga Wasiirada ah ayaa isla maanta kulan la qaatay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi, kaas oo ay kala hadleen sidii xal deg-deg ah loogu heli lahaa khilaafka Gobalka Gedo. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay, isagoo u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.
Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay walaac ka muujisay rabshadaha iyo bililiqada ka socota Koonfur Afrika gaar ahaan dilka ay burcad hubeysan ugu geysteen afar qof oo Soomaali ah, kuna dhaawaceen kuwa kale. Buracadda ayaa sidoo kale boobay goobo ganacsi oo ay Somaali leeyihiin. Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa in Dowladda Koonfur Afrika ay ku dadaasho ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo loo geeysano falalka arxan darrada, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda. Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda South Africa in ay xoogga saarto sida ugu habboon ee ay kooxaha burcadda iyo tuugada uga ilaalin laheyd…
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay in 4 sanno ee lasoo dhaafay aysan Puntland helin mashaariicdii hormarineed ee ay xaqa u laheyd, kaddib markii ay is hortaag ku sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir Xaange oo ka hadlayay Munaasanad lagu daah-furayay ‘5 Mashruuc oo ka mid ah Barnaamijka ILED’ ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay si gaar ah u bartilmaameedsatay Puntland, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, Wasiirka Qorsheynta Puntland ayaa xusay in deeqaha caalamka qeybtooda soo marta…
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Wasaaraddaha uu kormeeray iyo waaxyaha kala duwan ee xarumahaasi, wuxuuna bogaadiyay shaqada socota, isagoo faray inay muhimtahay marwalbo in lasii dardargeliyo adeega bulshada loo hayo.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa maanta daah-furay Shirka wada-tashiga bah-wadaagta Biyaha iyo Tamarta Puntland. Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo horumarin lahaa Biyaha iyo Tamarta Puntland, iyadoona si gaar ah loogu gorfayn doono caqabadaha jira iyo guulaha laga gaaray dhanka Horumarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland. Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Hormarinta Biyaha iyo Tamarta Puntland, isagoona kula dardaarmay ka qeybgalayaasha inay si wanaagsan uga doodaan sidii loo hormarin…
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in dowladdu ay ka shaqeyneyso sidii loo soo afjari lahaa rabshadaha iyo bililiqada, taasoo ku faaftay gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal ilaa Johannesburg, oo ah magaalada ugu weyn dalka, iyo gobolka ku xeeran ee Gauteng. Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay goor dambe oo Talaadada ah in dad gaaraya 72 qof ay naftooda ku waayeen, halka in ka badan kun iyo laba boqol loo qabtay mudaaharaadyada u xuubsiibtay bililiqo iyo gubid loo geysanayo goobo ganacsi. Dibadbaxyadaan ayaa ka dambeeyay xarigga usbuucii la soo dhaafay loo geystay madaxweynihii hore Zuma iyo caro badan oo ku…
Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa saaka xarunta dhexe ee TPEC kusoo dhaweeyay xubno ka socda Guddiga korjoogtayta doorashada Soomaaliya ee bulshada rayidka ah oo dhawaan Guddigu tababar uga daahfuray caasumada Puntland ee Garowe. Af-hayeenka TPEC Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayaa uga warbixiyay sooyaalka, shaqada Guddiga iyo hawlaha ay wadaan. Ugu danbeyn xubnaha Guddiga korjoogtayta ayaa ugu mahadceliyay xubnaha TPEC soo dhawaynta ay u sameeyeen iyo warbixinada muhiimka ah ee ay siiyeen waxayna isla qaateen in ay xiriir joogtaa yeeshaan.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in lala arko xasuuq uu sheegay inay wadaan ciidamada TPLF, iyo askareynta carruurta. Abiy Ahmed oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyay Hay’adaha caalamiga iyo dalalka Reer Galbeed, inay weli Dowladdiisa u jeedinayaan eedeymo, aysana ka hadleyn falal ka dhanka ah Binni’aadnimada oo ay wado TPLF. “Beesha calamka oo gargaarka iyo macluusha horay uga hadlaysay,hadda markii kooxda Tplf caruurta soo safeen waxay door bideen inay ka aamusaan.Hadda oo ay wadoyinkii gargaarku mari lahaa kooxdan TPLF furimo dagaal ka dhigeen,hay’addaha gargaarku wali waxay eedaynayaan Dawladda.Iyadoo arrimahaas oo dhan cindiga lagu…
Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha, iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa ka daah-furtay magaalada Garoowe 5 Mashruuc oo waa weyn, kuwaas oo laga hirgalinayo deegaanada Puntland.
Khubaro Farsamo oo ka kala socday Dowladaha Afrikaanka ee Ciiddankooda qeybta ka yihiin Hawlgalka AMISOM ayaa waxay Kulan Wada-Tashi ku yeesheen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Shirkaasi waxay uga wada xaajoodeen Qorshaha Guud ee Hawlgalka AMISOM iyo sidii ay Ciiddankooda ugala bixi lahaayeen Somalia dabayaaqada sanadkan 2021-ka. Kulankaasi waxaa la isku afgartay inay dalalkaasi Mowqif Guud ka istagaan, marka ay Ciiddamada Isku-dhafka ka bixi doonaan Somalia dhamaadka sanadkan 2021-ka. Go’aankaasi ayaa la gaaray muddadii uu Shirkaasi ka socday Kenya, halkaasi oo looga xaajooday Hawl-gelinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM kadib sanadka 2021-ka. Ciiddamadda Nabad-Ilaalinta ee AMISOM waxaa la rajeynayaa inay…
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland mudane Maxamed Cali Nuur Jubba oo ay Wehlinayaan Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalada Gaalkacayo isagoona kormeeray xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacayo. Ujeedka kormeerka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa salka ku hayey u kuur galida Shaqooyinka ka socda xarunta Dowladdaha Hoose Gaalkacayo, xoojinta wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, iyo dardargalinta shaqooyinka horyaala Maamulka Degmada Iyo Arrimaha Hormarinta Degmada Gaalkacayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland mudane Jubba Cali Nuur ayaa sidoo kale kulan isxog waraysi shaqo la qaatay Maamulka…
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa galay fasax muddo saddex bari ah, kaddib si ay u soo akhriyaan hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah ee Puntland, kaas oo loo qaybiyay Isniintii. Hindise-sharciyeedkan oo uu Baarlamanka u soo gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, waxa lagu wareejiyay guddiga Arrimaha bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamanka, si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad. Fadhiga Baarlamanka ayaa sida qorshaysan la isu’gu soo laaban doona maalinta Sabtida ah oo ku beegan July 17, 2021, iyadoo golaha la hor-keeni doono hindise-sharciyeedka dhawrista goobaha taariikhiga ah. Fasaxan maalmaha ah ee Baarlamaanka untland ayaa kusoo aadaya xilli xiisad siyaasadeed…
Ciidammada Booliska Galmudug ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Howlgalada ayaa intii ay socdeen waxaa baaritaano lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka Magaalada, waxaana Ciidanka ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayeen dadka saaran gaadiidka. Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobolka Mudug u qaabilsan Galmudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, isla markaana looga hortegayay falalka amni darro iyo maandooriyaha Khamriga. Idilnews
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay sinabad ah Ciidamadooda kula wareegeen deegaanka Dhag-haye oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Qoraal lagu daabacay Baraha Internet-ka ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in degaanka ay la wareegeen ee gobolka Mudug ay isaga baxeen Ciidamada dowladda oo ku sugnaa, sidaasina ay kula wareegeen. Warkan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli toodbaadyadii la soo dhaafay meelo kamid ah Koonfurta Gobolka Mudug ay ka dhacayeen dagaalo u dahxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidamada dowladda gaar ahaan qeybta 21aad weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Al-Shabaab…
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya & dowlad Goboleedyada ay ku heshiiyeen in la boobo kuraasta Gobolada waqooyi ee Soomaliland. Maareeya ayaa si cad u sheegay in shirkii heshiiska looga garay arrimaha doorashoyinka ay aheyd inay ka qeyb galaan siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi balse loo diiday, taasina ay keentay in siyaasiyiin qaarkood ay dib ugu laabtaan degaannada Somaliland. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxaa uu sheegay in sida hadda wax lagu wado ay buuq u keeni karto doorashada.
Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in maxkamadda Magaalada London ay go’aamisay in dowladda Jabuuti ay jabisay heshiis wadajir ah oo ay wada galeen oo ku saabsan horumarinta dekadda Jabuuti, isla markaana ay isku dayeen inay soo afjaraan. DP World, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn adduunka ee ka shaqeeya dekedda, iyo Jabuuti ayaa muran ka taagnaa tan iyo sanadkii 2012 oo ku saabsan ogolaanshaha shirkadda DP World inay maamusho Terminalka dekadda Doraleh, iyada oo la marayo waddooyinka ganacsiga ee istiraatiijiga ah marinka koonfureed ee laga galo Badda Cas. Jabuuti ayaa sheegtay in 2018…
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee DFS Xamsa Saciid Xamsa, ayaa sheegay Wasaaradda marki uu la wareegayey aysan lahayn xafiis lagu shaqeeyo. Wasiir Xamsa wuxuu sheegay wasaaradda marka uu tagay shaqaalaha wasaaradda sanad iyo bar ilaa iyo laba sano iney fasax ku maqnaanyeen mushaarna qaadanayeen. Marki aan weydiiyey halka lagu shaqeeyana waxaa la ii sheegay ayuu yiri iney wasaaraddu lahayn xaruun ay ku shaqeyso shirarkana lagu qabto huteellada iyo xaafadaha. “Muddo seddex bilood waxayigu qaadatay wasaarada inaan dejiyo, xafiis u raadiyo, shaqalaha howlgeliyo si wasaaraddu shaqadeeda ay u qabsato” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DFS. Wasiir Xamza ayaa…
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Abuukar Carab, oo ka hadlayay Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya ee ka socda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa sheegay in khilaafyada dhanka waxbarashada ee dalka ka jira iyo kuwa kelaba ay salka ku hayaan dhaqaalaha Besha caalamku ay siiso Soomaalida, si loogu adeego bulshada. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM. Kulanka ayaa looga hadlay sugida Amniga Doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa in si Amman ah ay ku qabsoonto doorashadu.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane CabdullaahiMaxamed Xasan, ayaa sheegay in uu dhamaaday khilaafkii mudada jiray ee u dhexeeyay Wasaaradaha Waxbarashada DFS iyo Puntland, kaas oo ku aadanaa shahaadada dugsiga Sare ee heer Federaal. Idilnews
Maareeyaha Guud ee Wakaallada Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda Islamic Relief ee Soomaaliya ugu saraysa. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda wada-shaqayneed iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarinta khayraadka biyaha Puntland.
Muranka ka taagan wax-ka-beddelkii lagu sameeyey Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland ayaa sii kordhaya iyada oo ay ku kala qaybsameen xildhibaannada Baarlamanka. Xildhibaan Axmed Kuluc oo kamid ah Golaha Wakiillada, isku deegaannada laga soo doorto Guddoomiyaha Baarlamanka oo u hadlay xildhibaannada qaadacay wax-ka-beddelka Xeer-hoosasd ayaa BBC u sheegey: “Sida wax u dheceen waa sharci-darro, sharcina looma marin wax-ka-beddelka;qodobka ah in aan ku dhacayno 44 cod, wuxuu toos uga hor imanayaa Dastuurka waxkasta oo dastuurka ka horyimaaddana waa waxba kama jiraan”. Xildhibaanka ayaa intaas ku daray “Waddanku maxkamad ayuu leeyahay iyadaana lagu kala baxayaa sidii dhawaanba dhacday”.
Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ka dib wadahadal saddex maalmood qaatay, sida ay sheegtay warbaahinta Fana News. Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.” Heshiiska ayaa sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta, difaaca, iyo awooda farsamada ciidamada difaaca. Siyaasada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa dhawaan u wareegtay dhanka Ruushka iyo Shiinaha taas oo ka dhalatay cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka dawlada Maraykanka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka…
Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay. Waxaa la sheegay sababta ay u geeriyoodeen in ay tahay caawinaad la’aan maadaama dalka Uganda uu ku jiro xayiraad ka dhan ah fayraska Covid19. Khalis Muhammad oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Uganda oo la hadlay wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u dhinteen viruska. “Ma gaari karno kuwa u baahan sababo la xiriira xirida COVID-19. Qaxootiga…
Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay duleedka degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka auaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Jubbaland kana soo baxay degaanka Jasiirada Kudhaa ay wadada u galeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan. Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay dib ugu laabteen degaanka Jasiirada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka…
Taliska Qaybta Booliiska Gobalka Mudug ayaa soo bandhigay taleefoon Golis ah ”0905500000” kaasoo ay sheegeen iney u fureen dadweynaha, xilli walbana ay ka soo wici karaan. Qoraal lagu daabacay “Hadaad la kulantid kiis culus ama xog dadka iyo deegaanka halis ku ah nala soo xariir, waxaana heegan u nahay inaan ka hortagno”.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen. Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana sigaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu mobeelada u iibgeyn jiray. Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida…
Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka furmay galinkii dambe Isniintii, Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya, oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Shirka oo ay martigalineyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa lagu gorfeyn doonaa maalmaha uu socdo Hormarinta Waxbarashada Dalka iyo caqabadaha jira. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji, oo Shirka furay ayaa sheegay in Shirkan uu muhiim u yahay bahda Waxbarashada dalka, si la iskula sii meel dhigo Hormarinta Waxbarashada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta Wasaaradaha Waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleedyada.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka digay inuu sii socdo xasuuqa lagu hayo dadka Gobalka Tigreega, kaas oo salka ku haya aargoosi. “”Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerar kasta oo aargudasho ah oo lala beegsaday ama laga yaabo in lala beegsado dadka rayidka ah ee gobolka Tigreega, ha ahaato mid abaabulan oo militari ama xoogag amni ama kuwa anshax xumada leh.” Waa hadalkii labaad ee caawa kasoo baxa beesha caalamka, Midawga Yurub ayaa asna caawa Hanjabaad cunaqabateyn usoo direy dowlada Ethiopia.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Jubbaland ayaa caawa kulan la qaatay wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya. Guddiga ayaa kulan isbarasho iyo casho sharaf ah u sameeyay wasiir Xasan Ashkir, Waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaan wasiirka madaxtooyada Jubbaland mudane Cabdirashiid Jire Qalinle. Wasiir Xasan Ashkir ayaa kula dardaarmay guddiga in ay hirgaliyaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay dhammaan muwaadiniintu si wada siman uga wada qeyb qataan.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland. Kulanka ayaa looga hadlay doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madacweyne Axmed Madoobe ayaana ku booriyay Guddiga in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.
Taliyaha Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee ‘Daraawiish-ta’ S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay howlgallo ka dhan ah Argagixisada oo ka socda Buuraleyda Gobalka Bari. Idilnews
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya. “Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya”. Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sheegay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara. Somaliland ayaa dhowr jeer degaannadeeda waxaa ay ku xirxirtay dad xirnaa dhar laga sameeyay Calanka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ku jira xabsiyada, markii la xiray…
Ugu yaraan 11 qof ayay biriq ku dishay waqooyiga Hindiya halka dad badan uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaas. Xilliggii ay biriqda dhaceysay dadkan waxay sawirro isaga qaadayay goob caan ah oo loo dalxiis tego oo ku taalla gobolka Jaipur. Ilaa 27 qof ayaa ku sugnaa goobta oo sawirro isaga qaadayay halkaas. Biriqda waxay sanad kasta Hindiya ku dishaa ku dhawaad 2,000 oo qof. Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay lacag dhan $6,700 doolar oo magdhaw ahaan loo siinayo qoysaska dadka ay waxyeellada kasoo gaartay masiibadan.
Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku dhawaaqday inay kordhisay xayiraada dhinaca socdaalka ah oo ay kal hore kusoo rogtay dalal ay kujirto Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfured ayaa lagu shaaciyay in la kordhiyay xayiraada dhinaca socdaalka sababo la xiriira dhanka amniga, kuwaas oo kala ah, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Soomaaliya, Afgaanistaan iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibiin – Zamboanga Peninsula, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi. Wasaaradda ayaa sheegtay in Go’aankan uu dhaqan galayo laga bilaabo Agoosto 1 ilaa Janaayo 31, 2022, isla markaana dalalkan ay yihiin kuwo daashaday halista joogtada ah ee…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wasiir Cabdullaahi Xaaji ayaa ka qeybgalaya Shirka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya Wasaaradaha Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, ayna marti-galinayso Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland. Shirka ayaa galabka ka furmaya magaalada Garoowe, waxaana uu socon doonaa maalmo. Idilnews