Author: Jibril Qoobey

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu shaaaciyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti ay Axaddii shalay ansaxisay xeer qabyo ah oo ku saabsan in shirkadda isgaadhsiinta ee dalkaasi ee Jabuuti Telecom oo ay dowladdu leedahay , qayb yar oo ka mid ah saamigeeda laga iibiyo maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay ee shirkadaha gaarka loo leeyahay. Wa-rsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qodobkan lagu gorfeeyay shir ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee Jabuuti oo uu shir guddoominayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Tallaabadan ayaa ah mid ay xukuumadda Jabuuti ku tilmaantay tallaabo Taariikhi ah oo suurtagalinaysa in la furfuro lana horumariyo dhaqaalaha dalkaasi oo ay…

Read More

Maxkamad amni oo ku taalla dalka Jordan ayaa maanta laba sarkaal oo hore ku xukuntay min 15 sano oo xabsi ah, sababo la xiriir shirqool la tuhunsan yahay in lagu afgambin lahaa Boqor Cabdallaha Labaad, kaasi oo uu ku lug lahaa walaalkiis. Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaan jiray boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada ayaa lagu helay eedeymo la xiriira qiyaameyn qaran iyo rabshad hurin. Waxaa la tuhunsan yahay in ayaga iyo Amiir Hamzah, oo ah boqorka walaakiis ay raadiyeen kaalmada gacmo shisheeye. Labadaba waa ay…

Read More

Guddiga doorashada ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa goordhow doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen, waxaana Guddoomiyaha loo doortay Axmed Xasan Diini oo wareegtadii sanadkii hore ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Guddoomiye loogu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada. Doorasho saaka ka dhacday Hotel ku yaalla gudaha Air Porka ayaa Axmed Xasan Diini waxaa uu ku helay 10 cod, sidoo kale waxaa Kuxigeen loo doortay Xaliima Maxamed Cismaan oo heshay 11 cod, iyadoo aanay jirin cid la tartantay. Doorashada Guddoonkan ayaa hakad u galay arrimo Farsamo iyo sidoo kale in lala sugayay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo safar ugu maqnaa…

Read More

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 34 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa qaybinta Hindise-Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland, kaasoo Madaxweynaha Dawladda Puntland u soo gudbiyey Golaha Wakiillada, waxaana lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka,Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada si ay ugu soo sameeyaan akhrinta labaad,waxaana Golaha la horkeeni doonaa maalinta sabtida ah oo ku beegan 17…

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland iyo PDRC ayaa daahfuray ‘Barnaamijka Taageerista Hirgelinta Doorashooyinka Puntland’ oo ay si wada jir ah u fulinayaan PDRC iyo TPEC. Barnaamijkan ay maalgelisey Switzerland ayaa door muhiima ka ciyaaridoona abaabulka iyo firfircoonida Ururada siyaasadda iyo in Ururrada siyaasadda ay helaan taageero warbaahineed iyo dukumiintiyo isku dubaridan oo muhiim u ah ololaha doorashada soo socota. Gudoomiye ku xigeenka TPEC Jaamac Xirsi Faar⁹ax oo furay barnaamijkan ayaa sheegay inay ku dadaaleen juhdina ku bixin doonaan taageerada Ururada Siyaasadda iyo uqareemida inay helaan taageero dhaqaale. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar ku tagay Dalka Nigeria ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Laftagareen ayaa safarkiisii Nigeria, si gaar ah ugu tagay Ismaamulka Kaduna, oo ay wada saxiixdeen heshiisyo ay yagleelayaan xariir iyo iskaashi dhexmara Labada dhinac. Idilnews

Read More

Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, una dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaanka Bohol-garab oo hoostagta degmadda Doolow ee Gobalka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo salka ku haya isku qabsi dhul ku yaalla deegaanka, ay ku geeryoodeen shan Ruux, halka tonan ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in ka Jubbaland ahaan ay aad uga xun yihiin dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed. Wasiirka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamay inay colaada joojiyaan, waxaana uu sidoo kale Ciidamada dowladda uu ka codsaday inay kala dhexgalaan maleeshiyaadka…

Read More

Dowladda Puntland ayaa xukun isugu jira xabsi iyo ganaax ku riday 4 Nin oo dhowaan Ciidanka Booliska Puntland ay ku qabteen magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal, xilli ay wateen ku dhowaad 40 xabo oo Sagaaro iyo Goronyo ah, kuwaas oo ay soo dileen si ay uga ganacsadaan. Xeer-ilaaliyaha guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Ow-cismaan ayaa faah-faahin ka bixiyey xukun iyo ganaax lagu riday rag dhawaan duur-joog dabargoon ku sameenayey.

Read More

Dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1968 iyadoo goolhaye Gianluigi Donnarumma uu badbaadiyey labo rigoore oo England ah waxayna ku badiyeen 3-2. Labada dhinacba waxay ku dhamaatay ciyaarta daqiiqadihii loogu talogalay barbaro 1-1 waqtiga dheeriga ah ciyaarta oo ka dhacday Wembley. Goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma ayaa ka qabtay rigoorayaasha b Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ka dib markii Marcus Rashford uu birta garaacay, iyadoo Federico Bernardeschi, Leonardo Bonucci iyo Domenico Berardi ay dhamaantood goolal u dhaliyeen xulka Talyaaniga. Luke Shaw ayaa u dhaliyay gool qurux badan xulkiisa ciyaarta oo socotay labo daqiiqo…

Read More

Jahwareer siyaasadeed ayaa soo foodsaaray Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, kaddib ansixintii Wax-ka-bedelka xeer hoosaadka Golaha ay ku sameeyeen 4 bishan July. Wax-ka-bedelka Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland ayaa Awood dheeraad ah siinaya Guddoonka iyo xubnaha Golaha, sida in xasaanada ay ka qaadi karaan, 44 Mudane, si lamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland. Talaabadan ayaa ka careysiisay Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo wadaygiisa siyaasadda, iyagoo bilaabay Olale ka dhan ah Wax-ka-bedelka xeer hoosaadka Golaha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Waxaana safar uu ku joogay Dalka Sweden soo gaabiyay Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo…

Read More

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool ayaa waxaa maalmo ka taagan xiisad u dhexeysa Bulshada deegaanka iyo Maamulka Somaliland. Xiisadan ayaa salka ku heysa xarig uu Booliska Somaliland u geystay qaar kamid ah Shacabka iyo Waxgaradka Laascaanood, kuwaas oo loo dhaadhiciyay xabsiyo ku yaalla deegaanada kale ee Somaliland. Dadka la xiray ayaa loo heystaa inay calanka Baluuga ah ee Soomaaliya ay ku dhex qaateen gudaha magaalada Laascaanood maalmihii xoriyadda ee 26-June iyo 1-Luulyo. Talaabada lagu xiray dadkan ayaana waxaa ka carooday bulshada deegaanka oo ay ugu horeeyaan Isimada iyo Waxgaradka deegaanka, kuwaas oo qaarkood horey ugu janjeereen Somaliland. Waxgaradka iyo…

Read More

Waxaa weli rabshado xoogan ay ka socdaan magaalooyin iyo degaano ka tirsan dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ay hormuud u yihiin taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaas oo dhawaan 15 Bilood oo Xabsi ah lagu xukumay. Saacadihii la soo dhaafay waxaa rabshado xoogan iyo boob loo geystay Dukaamo ay leeyihiin Soomaali ay ka dhaceen Magaalada Johannesburg, sidoo kale la gubay Gaadiid ay leeyihiin Soomaali, Itoobiyaan iyo dad u dhashay dalka Koonfur Afrika. Cumar Cabdullaahi oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Johannesburg ayaa sheegay Hanti farabadan oo Soomaali leeyihiin la dhacay, isla markaana weli rabshadaha ay socdaan. Waxaa uu…

Read More

Madaxweynaha muddo-xileedkiisa uu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed guusha uu xisbigiisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dalkaas ka dhacay. Xisbiga haya talada Itoobiya ee Prosperity ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kursaasta baarlamaanka dalkaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya. Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay baarlamaanka Federaalka. Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay waxqabadka Wasaaradda ee lixdii bilood ee ugu dambeysay sannadkan. Shirkan ayaa nuxurkiisu ahaa in la iska-wareysto waxqabaka lixdii bilood ee lasoo dhaafay, jihada Wasaaradda,shaqada la qabtay, xisaab xirkii loo gudbiyay Golaha Wakiiladda Puntland taasoo warbixin laga siiyay Wasiirka. Kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Puntland Cali Jaamac Gaashaan, ayaa sheegay in shirka looga hadlay wixii u qabsoomay Wasaaradda Maaliyadda Puntland lixidii bilood ee u dambeysay. “ Shirka nuxurkiisu wuxuu ahaa maadaama lixdii bilood dhammaatay bal in la iska wareysto, jihada wasaaradda, waxay qabatay, sida xaalkeedu yahay iyo…

Read More

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furtay dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Dayactirka ayaa ka koobnaan doona hagaajinta 2-KM oo kamid ah dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyo silig lagu wareejin doono 10-KM Square oo ah dhulka Garoonka. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, oo daah-furay dayactirka garoonka Qardho ayaa sheegay inay Wasaaradda ka go’an tahay hagaajinta iyo hormarinta garoomada diyaaradaha Puntland, si loo xoojiyo ku xirnaanta Puntland ee Caalamka.

Read More

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed oo lagu beerayo Deegaanada Puntland. Daah-furka ololaha oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya waxa kasoo qayb galay qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro iyo wakiilo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo dhoweeyey Iskaashiga ololaha dhiraynta iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtu muhiim u tahay Deegaanka iyo nolosha bini’aadamka. Ugu…

Read More

Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday madaxtooyada Jubbaland. Madaxwayne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa goob joog ka ahaa munaasabad dhaarin iyo xil wareejin isugu jirtay oo uu xilka kula wareegayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland mudane Cabdirashiid Jire Qalinle. Markii ay dhacday xil wareejintu waxaa munaasabadda kalmad ka jeediyay wasiiru dowlihii hore mudane Xirsi Jaamac Gaani oo ugu horreyn soo dhaweeyay wasiirka cusub sheegayna in uu ku kalsoonyahay aqoonta, khibradda iyo waayo aragnimada wasiirka cusub ee madaxtooyada. Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa sheegay in uu u gudan doono…

Read More

Shir looga hadlayo dib-u-eegista waxyaabihii u qabsoomay mashruuca Biyoole ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Kulanka ayaa intii uu socday lagu soo bandhigay kala hormarinta mudnaanta waxqabadyada horyaala mashruuca sida biyaha, beeraha, deegaanka iyo xoolaha. Shirka ayaa waxaa ka oo qaybgalay Wasaaradda Qorsheynta ee Federaalka iyo Wasaaradaha Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha , Tamarta iyo Macdanta Biyaha iyo Deegaanka ee Dowladda Puntland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Badhan. Wasiirka iyo waftigiisa ayaa waxaa duleedka Degmada Badhan kusoo dhoweeyey boqolaal kamida shacabka degmada kuwaaso kaga hor yimi duleedka Magaalada, Soo dhowaynta ayaa waxaa ka qayb ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Sanaag, Duqa degmada Badhan, Taliyaha Booliska, Nobadoona, Cuqaalka, Ganacsato, Haween iyo Qaybaha kala duwan ee dhallinyada Degmada Badhan. Wasiirka iyo waftigiisa Ayaa u yimi hawlo shaqo wuxuuna kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay kaddib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland. Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.

Read More

Banaanbaxyo waa weyn oo rabshado wata ayaa ka bilaawday qeybo badan oo kamid ah xaafadaha Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Wararka la helayo ayaa sheegaya in banaanbaxyada ay daba socdaan boob loo geysanayo Goobaha Ganacsi oo ay Ajaanibta leeyihiin, waxaana banaanbaxayaasha oo ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ay wadooyinka ku gubayaan Taayaro iyo Agab kale. Meelaha uu boobka sida weyn uga socdo ayaa waxaa kamid ah xaafadaha, Jeeps Town, Hillbrow, High Way, Iyo Qeybo kamida ah Xaafadda Alexander Township, sida ay sheegeen Ganacsatada Soomaalida. Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa…

Read More

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland oo Goluhu ka doodayey maalintii labaad, ka dib markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland. Ugu dambeyn Golaha Wakiillada…

Read More

Taliyaha xabsiga dhexe ee Gobolka Mudug ee Puntland Gashaanle Sare Aadan Nuur Qaal, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay howlgallada la-dagaallanka Al-Shabaab ee ka socanaya Gobolka Mudug. G/Sare Aadan Nuur-Qaal ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay doorkooda ka qaataan olalaha balaaran ee la dagaallanka Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay bilbeen adeegsiga qorshayaal cusub.

Read More

Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Prosperity ee uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badneyd ee kursaasta Baarlamaanka dalkaas, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya. Guddiga doorashooyinka ayaa sabtidii ku dhawaaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay Baarlamaanka Federaalka. Idilnews

Read More

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ku qaaday qoys Reer miyi ah oo degan agagaarka deegaanka Saax-qurun oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa Aano-qabiil ayaa sababay dhimashada Aabbe iyo Labo carruur ah oo uu dhacay, sidoo kale weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay Wiil yar oo 8 sanno jir ah. Idilnews

Read More

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur-yare, ayaa si adag uga jawaabay dad saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho oo u doodayay 8 kamid ah Amniyaadka kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. “Dambiile shabaab ah inta qabano qabiil usiidayn mayno, Luuqadaha Argagixisaday kamid tahay in ay dadka adeegsadan fariimaha ay rabaana dhex marsadaan, cid kasta oo ay Maxkamadu xukuntana waa fulin” Ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Read More

Kadib markay la xumaatay wax ka badalkii xeer hoosaadka Baarlamaanka Abwaan Jibril waxuu hada olalaynayaa Mooshin lagu laalayo wax ka badalkaas oo Xildhibaanadu keenaan.. Sida aan xogta ku helay fariin adag oo uga timid Madaxweynaha Abwaan Jibril waxay ku keentay hurdo la’aan. Dhoobo 34-Cod laguma ridin ee 49-Cod baa lagu tuuray,sidoo kale hadii loo baahdo 54-Cod waa la heli karaa. Dastuurku wuxuu u ogol yahay 3-hay’adood oo kaliya in ay 44-ku waayi karaan Xasaanadooda,kuwaasoo kala.. Madaxweynaha. M-xigeenka Xafiiska difaacaha Xuquuqul insaanka. Abwaan Jibril waxuu ka carooday Seneter uu wato oo Madaxweynuhu utixgelin waayay,sida ilo muhiim ah xaqiijinayaan. Si kastaba ha…

Read More

Ciidammada Booliska Gobalka Mudug ayaa ku gubay maanta fagaare khamri gaaraysa 100 dhalo iyo xashiis, ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo. Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdi-siciid Xuseen Jaamac (Koomaad), oo saxaafadda kula hadlay fagaaraha lagu gubay khamrida iyo xashiiska, ayaa digniin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha, isagoona sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Read More

Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baaraan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay. Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah. Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed…

Read More

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa iska doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga Doorashada FIET. Khadar Xariir Xuseen ayaa loo doortay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Kuxigeen.Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhank Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed. Sida…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Garoowe Wafti ka socda Wasaaradaha Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir. Waftiga ayaa ka qeybgalaya Shir looga hadlayo Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya, kaas oo ay martigalineyso Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Idilnews

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa furay Kala fadhiga kolaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug. Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, Xildhibaano Golaha Deegaanka Degmada Xarfo, Ganacsato, Nabadoono, Odoyaal dhaqameed, Ururada Dhalinyarada, bahda Waxbarashada iyo shacab kale. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” waxaan ei toosa idin kugu furmay Kalafdhiga Golaha Deegaanka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, intaad ku jirtaan kala fadhiga waxaan idin kula dardaarmayaa waxaan ku rajawaynahay waxbadan oo bulshada Deegaankan wax tar u ah inaad soo saari doontaan kala fadhigu waa isla xisaabtan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland. Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa…

Read More

Ciidammada Amniga Puntland ayaa weli ka wada buuraleyda Calmiskaad ee Gobalka Bari howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay dhulka buuraleyda dagaalo u dhexeeya labada dhinac. Taliyaha Ciidammada PMPF Dowladda Puntland G/Sare Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed, ayaa Warbaahinta BBC News Somali warbixin ka siiyey hawlgallada Ciidamada Dowladda Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad, kuwaasi oo lagu soo af-meerayo firxadka Argagixisada. G/Sare Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed, ayaa sheegay in dagaalo dhexmaray Ciidamamda iyo Daacish, lagu dilay maleeshiyo kooxda katirsan, sidoo kalena lagu qabtay maxaabiis,iyo saanad ay laheyd kooxda Daacisho, waxaana uu intaas ku daray in Ciidammada Puntland…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa uga mahad-celiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble socdaalka maalmaha qaatay ee uu ku tagay Kismaayo. Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam ayaa sheegay in wada-shaqeyn iyo xiriir dhow oo dhexmara DFS iyo Dowlad Gobaleedyada uu guulo u horseedi karo Dalka. “Hadii Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada mar walba xiriirkooda iyo wada socodkoodu bato waxaa la gaaraya guulo badan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam.

Read More

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga maanta waxaa soo xaariday 36 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud oo Goluhu ku samaynayey akhriska saddexaad ka dib markii Guddiga Shuruucda, Caddaaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurku ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta wax-ka-bedelka xeerka. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, si waafaqsan Dastuurka…

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyay khasaaraha dhimasho dhimasho midka dhaawac iyi midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa Gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan (Duudishe) oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Taliyaha qaraxa lagu weeraray xilli uu karayay wadada ka leexatay Isgoyska Banaadir ee aada dhinaca Isbitaalka Banaasir, isla markaana uu ka badbaaday. Waxaa uu sheegay in qaraxa ay ka dam eeyeen Al-Shabaab ayna doonayeen inay ku dilaan Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, balse uu ka badbaaday,…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan socdaalkiisa Jubbaland iyo kulamadii uu kula qaatay Kismaayo Madaxda, Waxgaradka iyo Bulshada Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Jubbaland uu mas’uul ka yahay doorashada ka dhaceyso Kismaayo iyo Garbahaarey, isagana uu ku kormeerayo kulana xisaabtamayo hirgelinta arrimaha doorashada. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu safaro ku tagayo dhammaan deegaanada ay ka dhaceyso doorashooyinka, sida, Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne.

Read More

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerar is miidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, oo lagu qaaday Kolonyo uu la socday Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole. Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyaha, balse uu khasaaro ku reebay dhismayaasha ku yaal Isgoyska Banaadir. “Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud, Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu ku reebay…

Read More

Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siinayay Goobjoog TV ayaa sheegay in 4 sanno ee uu Dalka ka talinayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhacay Musuq-maasuq ugu badnaa Abid. “Farmaajo afartii sanno uu dalka hogaaminayay Musuq-Maasuqa wuxuu gaaray heerkii ugu badnaa abid ee taariikhd Dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Read More

Kooxda Taliban ayaa qabsatay marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iran iyo Turkmenistan kadib howlgalo balaaran oo ay ka wadeen waqooyiga Afghanistan, sida ay saraakiishu sheegeen. Taliban waxay sheegeen inay qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo kala ah Islam Qala oo u dhaw Iran, iyo Torghundi oo ku taalla xuduud xudduuda Afqanistaan Turkmenistan. Saraakiisha Afghanistan waxay qireen in lagala wareegay Islam Qala iyo Torghundi, oo labaduba ku yaal gobolka Herat. Ciidamada Afghanistan ayaa isku dayaya inay dib uqabsadaan labada magaalo ee xuduuda ku yaalla, sida uu sheegay afhayeen uhadlay dowlada. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay tagaan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo. Shalay degmada Garbahaareey waxaa gaaray wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ugi sii diyaariyaan soo dhaweynta iyo Odayaal dhaqan iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxda Jubbaland, saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo siyaasiyiinta Jubbaland ee kasoo jeeda Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa dhagax dhigay Dhismaha Cusub ee ay yeelanayso Jaamacada Deegaanka Bacaadwayn ee Degmada Gaalkacyo. Munaasibadan ayaa waxaa Goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Deegaanka Bacaadwayn, Ganacsato iyo Waxgarad. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay ayaa soodhaweeyey Dhismaha Cusub ee Jaamacada, isagoona balanqaaday 100-kiish ee ugu horeeyo oo shamiitada ab si ay ubilaabato horayna ugu socoto isku tashiga Bulsho ee dhismaha Jaamacadan lagu hirgalinayo.

Read More

Madaxweyne Deni safarkiisii Imaaraadka in uu usoo najaxay ayay warar sheegayaan. Shalay in uu kasoo baxay oo Jabuti soo aaday warkale,ayaa sheegaya mase xaqiijin karno maadaama aad loo qariyo xogtiisa. Soo laabashadiisa kadib,waxuu warqad kasoo saari doonaa xeer hoosaadkii Baarlamaanka ee Xildhibaanadu wax ka badalka ay ku sameeyeen,sida ilo muhiim ah ii xaqiijiyeen. Sidoo kale Maxkamada sare,ayaa laali doonta waxka badalka Xildhibaanada ee Xeer hoosaadka Baarlamaanka. Lama filayo in wax iska caabin siyaasadeed ah ay sameeyaan Gudoonka Baarlamaanku. Jibril Qoobey.

Read More

Maxkamadda Sare ee dowladda Finland ayaa xukuntay in Laanta Socdaalka ee dalkeeda ay masaafurin karto nin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, sababo la xiriira dambi uu galay awgeed. Go’aankeeda, maxkamadda ayaa sheegtay inay jiraan sababo adag oo ku saabsan diidmada iyo masaafurinta ninka. Shakhsigu wuxuu leeyahay rikoodh dambiyeed baaxad leh, markii lagu xukumay 11 dhac, xatooyo daran, gacan ka hadal, iyo jujuub inta udhaxeysa sanadihii 2010 iyo 2017, isagoo ku xukumay xabsiyo badan oo ay kujirto 18-bilood oo xabsi ah. Sidaas darteed, Maxkamadda Sare waxay xukuntay in sii joogitaankiisa Finland ay ka dhigan tahay khatar “bulshada iyo amniga” waxayna…

Read More

Socdaalka Rooble wax weyn masoo kordhin,inkastoo Jubaland si maqaam sare leh umaamuustay. Wasaarado iyo Wadooyin horay ay udiyaarsanaayeen Mashaariicdooda,ayaa lagu karaameeyay dhagaxdhigooda. Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiislaha ahaana waa Shir Gudoomiyay. Galabta ama Beri subax,ayuu ka anba baxayaa Jubaland. Waxaa jira qorshe ah in uu sii maro Gedo,balse Jubaland,ayaa diidan wayna ku kala aragti duwan yihiin Madaxda JL iyo Rooble. Jibril Qoobey.

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cadiladiif Muuse Nuur ayaa Jaaliyada Minnesota ee Gobolka Mudug kala wareegay gaari Cusub oo ay ugu talagaleen in uu qayb ka qaato sugida Amniga Gobolka Mudug sidoo kale Gudoomiyaha ayaa isla munaasibada gaarigii ugu wareejiyey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug. Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Saraakiil iyo saraakiil Xigoono iyo Taliyayaal. Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey dhamaan jaaliyadaha Gobolka Mudug taakulada iyo garab istaaga sugida Amniga si gaara Gudoomiyaha ayaa ugu Mahadceliyey Jaaliyada Minnesota ee Gobolka Mudug Gaarigan Cusub ee ay ugu talagaleen in uu qayb…

Read More

Ciidamada PSF iyo Daraawiishta Puntland oo iskaashanaya,ayaa Weeraro aan kala joogsi lahayn ku ekeeyay kooxda Daacish Maalmihii lasoo dhaafay. Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno Aaga dagaaladu ka socdaan,ayaa sheegaya in argagixisada laga sifeeyay Deegaamo badan oo ay ka mid yihiin,Dhabancado,Balishilin iyo Ceel Dhadhable. Ciise Yulux oo ka barbar dagaalamayay kooxda argagixisada ah ee Daacish,ayaa faro cidi leh kaga baxsaday Ciidamada Puntland. Ciise oo horay caan ugu ahaa Ganacsiga Suuqa Madow,ayaa guuray Deegaanka Xunbeys,waxayna warar sirdoon ii xaqiijiyeen i uu wato 8-Gaari iyo Ciidan gaaraya 60-Nin,waxuuna horay usii ka xeeyay hogaamiyaha Daacish iyo 3-Qof Ajaanib ah. Dowlada,ayaa jartay isgaarsiinta…

Read More

Taliyaha ciidanka Booliska ee qaybta gobolka Jubbada hoose Gashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maal mahii lasoo dhaafay ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage ay ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo doonayay in ay magaalada soo geliyaan hub sharci darro ah kaas oo la doonayey in lagu dhibaateeyo nabadda iyo kala dambeynta ka jirta Jubbaland. Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidammadu ka war heleen in Cabdi Cali Raage uu kasoo kicitimay magaalada Muqdishu isaga oo isticmaalaya magac aan kiisa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa hambalyo u diray Ardeyda Dugsiyada Sarre ee Puntland, gaar ahaan Tobanka Ardey ee sanadkan Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad. “Waxaan u hambalyeenaya Ardeyda Dugsiyada Sarre ee Puntland, gaar ahaan 10-ka Ardey ee sanadka Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.” “Waxaan dhammaantood u rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo inay ka mirro dhaliyaan aqoonta la baray iyo dadaalka waalidiinta iyo macalimiintoodu ku bixiyeen.” “Waxbarashadu waxay noogu jirtaa waxyaabaha ay Dowladdu masuuliyadda dheeriga ah iska saarto, maadaama Ardeyda maanta ay yihiin mustaqbalkii dalkeena, iyadoo adduunka uu ka jiro COVID-19 waxaa inoo suuragashay in…

Read More

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furtay dayactir iyo casriyeyn lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug, Iyadoo dayactir lagu sameyn doono 2-KM oo kamid ah dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Sidoo kale, Qeybaha la dhigo Taxi-da iyo Aprone-ka Garoonka ayaa loo dhisi doonaa si casri ah, Waxaana garoonka laga dhigi doona mid ay kusoo dagi doonaan diyaaradaha Jet-ka ah. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, oo daah-furay dayac-tirka Garoonka ayaa sheegay in garoonka loo diyaarin doono si casri ah, si ay u caga dhigtaan…

Read More