Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa ku dhawaaqday Tobanka Arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiyada sare ee Puntland 2020-2021. Yacquubka Mursal Yuusuf oo dhiganayay Iskuulka Boosaaso Public ayaa noqday ardayga kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka.
Author: Jibril Qoobey
Ciidamada booliska degmada Kaaran oo kaashanaya Maamulka degmada ayaa howlgal amniga lagu xajiininayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay waaxda jamhuuriya ee degmadaasi Kaaraan. Howlgalka ayaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada waxaa ay sheegen inay kusoo qabteenb Burcad Hubeysan oo dhac u geysanaayen Bulshada Degmada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xaday Magalada Jowhar. Ragga burcadda ah ayaa watay Mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah, waxaana dadka Shacabka ah ay ka dhacayeen Mobeelada, taas oo keentay inay cabasho u gudbiyaan Maamulka degmada. War kasoo baxay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa loogu baaqay Bulshada k nool degmadaas inay la Shaqeeyaan Ciidamada…
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise.Golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka danbeeyay falkaas. Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso . Dhinaca kale,ciidamada ammaanka ee dalka Heyti ayaa dilay afar ruux oo looga shakisam yahay in ay lug ku leeyihiin dilkii madaxweynihii dalkaasi,waxaana gacanta lagu dhigay laba kale,halka la tilmaamay in qaar kale oo baxsad ah ay ku dhuumaaleysanayaan magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince. Taliyaha…
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta ka celiyay inuu ka dego magaalada Kismaayo Cabdi Cali Raage, oo kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, sida ay Idilnews u sheegeen Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Jubbaland. Diyaarad uu saarnaa Cabdi Cali Raage, oo ka kasoo kacday magaalada Muqdisho ayaa lagu amray in aysan kasoo degi karin garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed ee magaalada Kismaayo, dibna ay ugu laabato Muqdisho. Cabdi Cali Raage, oo la hadlay BBC News Somali ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, in dartiis uu diyaarad sida dad shacab ah uga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo. Talaabada…
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ahmed E. Osman Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wariirada Puntland. Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Maamul Wanaaga, Xaalada Degmooyinka iyo Dhismaha goleyaasha deegaanka ee Puntland iyo qodobo kale. Madaxweyne Karaash ayaana faray Golaha Wasiirada inay dardar-geliyaan shaqooyinka Dowladda. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xil-gaarsiinta DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Dowlada Jubaland. Shirkan waxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah iyo Jubaland.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Dowladda Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejinay bilowga Taakulada Dowladda Puntland uga qayb qaadanayso la Dagaalkanka Argagixisada Deeganada Bacaadwayne iyo Wisil ee Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada Galmudug ay ka wadaan. Munaasibadan ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Anagoo ka wakiil ah Dowladda Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin kuwareejinay…
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta ku dhawaaqaysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dawladda Puntland 2020-2021. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo khamiis ah, taariikduna tahay 8da bisha Julay 2021, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland, saacaddu marka ay tahay 14:00 pm ama labada duhurnimo.” Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhamaan ardayda inay is-dajiyaan, ayna si degan ula…
Khilaafka iyo xiisada udhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo muddo dheer xulufo ku ahaa arrimaha gobolka Khaliijka, ayaa dhowaan soo shaac baxay.Halka xiisaddu ka bilaabatay ayaa ahayd shirkii OPEC ee toddobaadkan oo uu qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda. Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka. Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaa uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ku noqonayso caddaalad darro”. Si kastaba ha noqotee, khubarada…
Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isu dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quursiga Maxkamadda. Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa oo ku yaal gobolka KwaZulu-Natal goor dambe oo Arbacadii ah, sida ay sheegtay hay’addiisu. Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xiraan 79 jirkaan haddii uusan isa soo dhiibin isla maalintaas. Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baaritaan musuqmaasuq. Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan horay loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kula kulmay magaalada Kismaayo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo. Kulanka ayaa looga hadlayay sidii Cal looga gaari lahaa khilaafaadka Gobalka Gedo iyo colaada Gobalkaas uu ka abuuray Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulanka ayaana qeyb ka ah dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee dib u heshiinta Gedo. Idilnews
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada Casho Sharaf ugu sameeyay Wasiirada Caafimaadka ee Heer Federaal iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo maalmahan Shir uga socday Garoowe. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Caafimaadka DFS, Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudiga sare ee warbaahinta Puntland ayaa maanta yeeshay shirkoodii ugu horeeyey kaas oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka ee dawlada Puntland Mudane, Cabdullahi Xirsi Timacade. Shirka ayaa maanta lagu doortay Gudoomiyaha gudiga sare ee warbaahinta Puntland oo loo doortay Fartuun Cali Liig oo ka socotay dallada Punsa waxaana gudoomiye kuxigeen loodoortay Maxamed Ciise Cismaan agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland. Sidoo kale, Xoghayaha Guddiga ayaa loo doortay Abdikani Hayir oo kasocday ururka warbaahinta Puntland ee MAP. shaqada ururka sare ee warbaahinta Puntland ayaa la filayaa in ay dhawaan si degdeg ah u bilaabato.
Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.
Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shirweynaha Hormarinta Tacliinta sare ee Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland. Shirweynahan oo socday muddo saddex berri ah ayaa si weyn loogu gorfeyay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada jaamacadaha Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Mudane C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay hormarinta tayada waxbarasho ee Jaamacadaha Puntland.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa si weyn loogu dhaweeyay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne ku-xigeenada, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed.
Madaxtooyadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay qoraal uu Twitter-kiisa ku qoray Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu yahay musharax is qarinaya. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Deperani ka jawaabayay hadalkii Maanta ee Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa yiri”Wasiirka Jamaal Qoraalkaaga kama duwana kuwii hore ee aad u adeegsan jirtay hurinta colaado iyo isku dhacyo ka dhaca Puntland”. “Puntland waa dowlad jirta 23 sano, horey u qabatay doorashooyin heer gobol & heer federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday” “23 sano kadib oo biseyl iyo qaangaarnimo ka Muuqato…
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse ayaa ka qayb galay Munaasibad Dhagax Dhiga Bangiga Cusub ee Dowladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo. Agaasimaha Guud ee Bangiyada Puntland, Xildhibaano iyo Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ka qayb galay dhagax dhiga Bangiga Puntland ee Magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa uga mahadceliyey Madaxwayne Siciid Cabsulaahi Deni dhismaha Xarumaha Dowlada iyo Tayeynta Adeegyada Bulshada oo uu saldhig uyahay isagoona Bulshada Gobolka la wadaag dhismaha Xarunta Xarunta Cusub ee Bankiga Dowladda Puntland ee Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynihii waddanka Haiti Jovenel Moïse ayaa waxaa lagu dhex dilay gurigiisa, waxaa sidaas goordhow war-saxaafadeed ku sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah dalkaas Claude Joseph. Ra’iisul Wasaare Jospeh ayaa sheegay in koox aan la aqoonsan ay soo weerareen guri gaar ah oo uu deganaa madaxweynaha, kadibna ay dileen. “Madaxweynaha waxaa gurigiisa ku dilay ajaaniib ku hadleysay English iyo Spanish, wuxuuna dalka dhacay 1:00 AM,” waxaa sidaas yiri Joseph. Xaaska madaxweynaha, Marwada Koowaad Martine Moïse, ayaa sidoo kale la dhaawacay, waxaana la dhigay Isbital, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah, Claude Joseph. Joesph ayaa cambaareeyey wax uu…
Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, in uu dib u dhigayo murashaxnimadiisa uuna doonaya in uu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha Puntland. Wasiir Jamaal oo ah xildhibaan katirsan Golaha Shacabka BJFS ee waqtigiisu dhamaaday, lagana soo doorto deegaanada Puntland ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ku yiri “Iyadoo Saed Abdulahi Deni uu daahiyay ku dhawaaqida musharaxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho una xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya puntland, odayaasha beelaha, wakiilada iyo musharaxiinta baarlamaanka ayaa dhamaantood muujiyay walaac aad u weyn oo ku saabsan heerka…
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya, shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa soconayay saddex maalmood waxana intii uu socday dib loogu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona hormarin lahaa caafimaadka dalka. Shirka waxaa maanta ku soo biiray hay’addaha caalamiga ah kuwa wadaniga ah iyo qaar kamid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qaybgalay qaar kamid ah wakiilada wadamada taageera caafimaadka Soomaliya. Shirka ayaa ku bilawday presentations ku saabsan qaabka diyaarinta Qorshaha iyo…
Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cawaale (Dr. Xabeeb), oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu welwel ka qaaday Maalinta Wacyi galinta xanuunka dhimirka ee 10-ka October in loo asteeyey maalinta doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya. “Waa wax laga xumaado in leysku soo aadiyo Doorashada Madaxweynaha iyo Maalinta Dhimirka Caalamka u asteeyay, waxaan codsanayaa Doorashada Soomaaliya in laga wareejiyo 10-ka October, madama ay tahay maalin loo astayey maalinta dhimirka Aduunka, taasna sababi karto nin waalan in la doorto” ayuu yiri Dr. Xabeeb. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta booqday dekadda Kismaayo. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kormeeray habsami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.
Maxkamadda Sare ee Ciidammada qalabka sida ee Gobalada Mudug iyo Cayn ayaa xukun dil ah ku riday 8 kamid ah Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka howlgali jiray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay ka arimiso Galmudug. Kooxdan ayaa aheyd Shabakad ka geysata Koonfurta Gaalkacyo dilalka madax jabinta iyo qaraxyada. Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta hoygiisa ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamid ah Isimada dhaqanka Puntland. Labada masuul ayaa yeeshay kulan salaan iyo is-xogwareysi ah. Idilnews
Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS ahna Musharax Madaxweyne Hassan Ali Khaire, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kale oo kamid ah Guddiga. Labada dhinac ayaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdiqafar Hange oo wuu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaarada qorshayntu SharmaNaleye ayaa saaka kulan la yeeshay madaxa EUCAP Mudane Machael Bjerring kulankaas oo daaranaa dar-dar galinta Qorshayaasha dowladda Puntland ee amniga iyo cadaalada . Wasiir Xaange iyo Machael ayaa ka wada hadlay sidii loo hormarin lahaa mashaariicda ay ka taageerto EUCAP dowlada Puntland sida Amniga iyo Cadaalada.
Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan sameyn doonin wax tallaabo ah oo ay ku soo qabanayaan madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma, oo dhowaan lagu xukumay 15 bil oo xabsi ah, islamarkaana ay sugayaan inta uu si buuxda uga dhammaanayo dagaalka dhanka sharciga ah ee uu ku jiro. Zuma ayaa qaaday laba tallaabo oo uu ku doonayo in uu kaga fogaado inuu xabsi galo kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaasi oo ah tan ugu sarreeya ee leh maamulka caddaaladda ay toddobaadkii hore xukun xabsi ah ku ridday. Waxaa loo sheegay in uu si iskiis ah u yimaado…
Kooxda dab-demiska degmada Galdogob ayaa gurmad ay sameeyeen ku guulaystay iney demiyaan gubato ama dab ka kacay dhul daaq-simeed balaaran oo ku yaalla miyiga deegaanno hoos taga dowlad- deegaanka, xoolo dhaqato ka wal walsanaa in dabku dhul badan baabi`iyo ayaa qaylo dhaan soo gaar siiyay kooxda dab demiska degmada Galdogob ee gobalka Mudug. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaaray magaalada Kismaay ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Rooble ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed ee magaalada Kismaayo, waxaana soo dhaweeyntiisa ka qeybgalay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah furay VISA Card cusub oo soo kordhiyay bangiga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka ganacsi ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dadaallada ganacsatada Soomaaliyeed ee ku qotoma hal abuur ganacsi oo lagu saleynayo baahiyaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed. Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Kismaayo ayaa ujeedkiisa yahay sii xoojinta dadaalada doorashooyinka dalka, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira gobolka Gedo. Idilnews
Hay’dda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa uga digtay dowladaha caalamka in ay fududeeyaan xayiraadihii saarnaa Covid19, iyaga oo sheegay in dalalka gaara go’aanadaas uu u keeni doono cawaaqib xumo ay adkaan doonto in si fudud looga soo kabto. Xeeldheeraha xaaladaha deg dega ah ee ururka caafimaadka Qaramada Midoobey Mike Ryan oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ayaa sheegay in uu xanuunku soo laba kacleeyaa in aanay fogeyn meelo badan oo adduunka ka mid ah. Tan ayaa imaaneysa iyada oo dalal Britain ay ka mid tahay dhowaan lawada qaadayo xayiraadihii harsanaa. Idilnews
Taliyaha xooggaga Tigray ee dhawaan la wareegay magaalada Mekelle, Jeneraal Tsadkan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-joojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda gobolkaas. Waxa uu u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haatanna la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad-joojin buuxda. “Waxaan isu xakameyneynaa si xal siyaasadeed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxaan jeclahay in Beesha Caalamka ay fahanto xaaladda taagan,” ayuu yiri Jen. Tsadkan. “Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sameyneyno ayaa ah in aan arinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu…
Maxamed Xasan Cirro, Waa ninka loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kaddib doorasho ka dhacday Isniintii Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. Waxaa dalka keenay oo Tigidka iyo Hotelka ka bixiyay Fahad Yaasiin markii danbana ka dhigay Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee laga hor yimid. Balse gadaal ayay uga gurteen kooxda Fahad oo waxay u arkeen Nin aad ujilicsan oo aan waxba socod siin karin. Dadaal waxay ugaleen in ay helaan Qof ay ku badashaan waase waayeen cid ay ku qancaan oo leh astaamihii ay rabeen. Kadib waxay go’aansadeen in sy isaga sii wataan oo taageeraan musharaxnimadiisa markale iyo…
Waxaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Garoowe ee Caasimadda Shirka Wada-tashiga Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo socda muddo saddex berri ah. Shirka oo ay ka qeybgalayaan Wasiirka Caafimaadka DFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur iyo Wasiirada Caafimaadka Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, ayaa looga tashanayay xaalada Caafimaad ee Dalka, gaar ahaan guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo sidii Dalka looga samata-bixin lahaa cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Shirkan ayaa qabsooma 6 bilood kasta waxaana lagu qabtaa magaalo madaxyada dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaaliya. Idilnews
Taliska Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland ayaa ka hadashay Xukumane dil ka geystay Gobolka Sool oo ka baxsadey xabsiga weyn ee Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar. Afhayeenka Ciidamada Asluubta Puntland Gashanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi “Xarago” oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo dil togasho ah ku xukumanaya uu ka baxsadey xabsiga weyn ee Magaalada Qardho, kadib markii loo qaadey isbitaal si lagu soo dabiibo. Xukumane Axmed Cabdi ayaa horey waxaa uu nin ugu diley Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool kaas oo ay shaqo wadaag ahayeen, Maxkamadaha Puntland ayaa dil togasho ah ku xukumay. Afhayeenka Cabdirisaaq ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble, ayaa lagu wadaa inuu maalinimada berrito ah gaaro magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doona Madaxda Sare ee Jubbaland, Isimada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland. Qaban-qaabada soo dhaweeynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota Kismaayo, Waxaana maanta gaaray magaalada Wafti horudhac u ah socdaalkiisa. Idilnews
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril Cawl ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Alle ha’u naxariistee Xildhibaan hore Axmed Xirsi Carab oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland 1998dii illa 2013kii kaas oo ku geeriyooday magaalada Nayroobi.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee dawlada Puntland Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa si rasmi ah degmada Qardho ugu wareejiyay maamulka xarumaha waxbarashada ee degmada Qardho, iyadoo hadda ka dib gudoonka waxbarashada degmada Qardho iyo Maamulka dawlada hoose ay wada-shaqayn doonaan. Qorshahaan ayaa qayb ka ah barnaamij tijaabo ah oo wasaarada waxbarashada dawlada Puntland ay hormuud u tahay kaas oo lagu samaynayo maamul daadejin la xiriirta in degmo kasta ay maamusho adeegyada aasaasiga ah. Wasaarada Waxbarashada ayaana yeelan doonta dawrka Maamulka Manhajka, Imtixaanaadka guud iyo Kormeerada, waxaana hadda si hordhac ah barnaamijkaan loogu bilaabay dhawr degmo oo…
Hoggaamiyaha maleeshiyo Iraqi ah oo ay Iran taageerto ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono dilkii ay Mareykanka ugu geysteen afar ka mid ah ciidankiisa duqeyn ka dhacday xuduudda Iraq iyo Syria, bishii tagtay. Abu Alaa al-Walae, hoggaamiyaha kooxda Kataib Sayyid al-Shuhada, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey wakaaladda wararka AP ku sheegay inuu jiri doono howlgal militari oo qof walba uu ka sheekeyn doono. Waxa uu sidoo kale sheegay in guusha Ebrahim Raisi, oo ah hoggaamiye mayal-adag uu ka gaaray doorashadii Iran, ay xoojin doonto kooxaha mintidiinta ah ee Bariga Dhexe, afarta sano ee soo socota. Abu…
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaliya Dr Foosiyo Abikar Nuur oo ay weheliyaan wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaliyaa ayaa booqasho ku yimid xarunka dhexe ee wasaaradda caafimaadka Puntland. Wasiiradda ayaa waxaa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyay wasiirka wasaaradda iyo wasiirkuxigeenka iyo wasiirudawlaha wasaaradda agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha wasaaaradda, waxay kormeereen qaybaha qaboojiyaasha, dawooyinka iyo qaybta ka jawaabta wicitaanka Covid19 ee wasaaradda. Wasiiradda aya ku amaantay waxa ay ku aragtay wasaaradda iyo shaqada ka socota wayna uga mahadcelisay masuuliyiinta wasaaradda hawsha ay wadaan. Booqashada wasiiradda ayaa ku soo aadaysa iyadoo Garowe maalintii labaad shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka…
Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaldda iyo wararka la xiriira dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loogu diray dalka Eritrea. War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay “in lasoo sheegay in ciidamadaas ay qeyb ka ahaayeen” dagaaladii sokeeye ee Ethiopia oo ka dhacayey gobloka Tigray. Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn sheegay inay ugu baaqayaan madaxweyne Farmaajo iska casilo xilka, umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale, ayaga oo sababtana ku sheegay “inuu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka,” sida war-saxaafadeedka lagu yiri.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo Agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaaga ayaa kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Bari. Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlaayey Qabashada Dallada Dhallinyarada Gobolka Bari oo ka dhacaysa Magaalada Bosaaso, Agaasimaha waaxda Dhallinyarada Deeqa jaamac ayaa la wadaagtay Ururada Dhallinyarada shuruudaha musharaxiinta Gudoomiyaha iyo ku xigeenadooda laga rabo iyo xubnaha ka qayn gelaaya codaynta Hogaanka Dhallinyarada Gobolka Bari.
Horjoogihi ugu sareeyey Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug Marxuun Maxamed Xaashi Muumin (Abuu Dayib), oo kamid ahaa xubnihii dhowaan ay toogatay Puntland oo lagu wareysanayay Barnaamijka AF MEER ayaa si qoto dheer uga sheekeeyay muddo 13 sanno ah oo la shaqeynayay Al-Shabaab, uuna amray dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ayaa laga dareemayaa saxmad aad u sareyso, waxaana dekedda xilligii habeenkii ah ka soconaya dhoofka xoolaha loo iibgeynaayo wadamada khaliijka, xilli wakhti kooban ka harsan tahay ciidda Carafo. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo xalay kormeeray dekedda ayaa bogaadiyay Maamulka Dekedda, isagoona sheegay in xoolo gaaraya 50 kun oo neef laga dhoofiyay xalay oo kali ah.
Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Cabdikariin Muuse Maxamed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland waxaana uu helay codadka 11 Xubnood ee Guddiga. Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka Guddiga ayaa loo doortay Caynaanshe yuusuf Xuseen. Idilnews
Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in 25 bisha October-2021, la qaban doono doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, oo ka kala tirsan Gobalada Karkaar, Bari iyo Nugaal. Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guddiga ee Garoowe ayaa ugu baaqay Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, inay u diyaar-garoobaan soo doorashada dadka ku matalaya Maamulka degmooyinkooda. Guddiga ayaa dhowaan shaaciyay in 46,187 ay isku diiwaan-galiyeen doorashada qof iyo codka ah ee ka dhacay saddexda degmo, kuwaas oo dhowaan loo qeybin doono kaararka codeynta. Idilnews
Ciidamada Xoogga dalka ayaa dib ula wareegay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug iyadoo aan wax dagaal ka dhicin. Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskood isaga baxeen deegaankaas kadib markii ah bilihii la soo dhaafay halkaas maamulayeen. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka Xoogga Dalka ee qabsaday Bacaadweyne ayaa howlgalkooda oo ka bilawday Deegaanka Wisil in ay ku tageen deegaanno kale oo dhaca Koofurta Gobolka Mudug. Ciidamada Xoogga dalka ayaa bilaabay howlgallo isugu jiro Miino baaris iyokuwo ay ku raadinayaan xubno katirsan Al-Shabaab iyo dadka ay ku tuhmayaan ee ku sugan Deegaanka Bacaadweyne. Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la wareegay maamulka deegaanka Bacaadweyne 17-kii…
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa uu kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma. Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada amni ee dalalka Geeska Afrika gar ahaan Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay Ciidamo farabadan ka joogan meelo kamid ah Soomaaliya. Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitterka ayaa sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ay is dhaafsadeen qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka. Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorayooyinka & jadwalka doorashada ee dhawaan la soo saaray. Cumar Cabdirashiid oo Wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay in jadwalka doorasho ee Golaha wadatashiga ay soo saareen uu yahay mid ay muhiim tahay in sidiisa loogu dhaqmo oo la dhaqan geliyo. Waxa uu sheegay in dalkaan uu soo maray caqabado farabadan oo dhanka doorashada ah, balse haatan laga gudbay waxa kaliya la sugayo ay tahay inay howlaha doorashooyinka bilaawday. Ra’iisul Wasaare Sharmaake ayaa uga digay…
Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad. Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar.Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda. Suudaan, oo ah wadan kale oo arrintaan…
Ugu yaraan labaatan qof ayaa lagu diley dagaal qabiil oo uu sababey dhul beereed, kaasoo u dhaw El Geneina, gobolka galbeedka caasimadda Sudan, sidaasi waxaa qorey wargeyska gaarka loo leeyahay ee al-Hamish. Warbixinta ayaa intaa ku dareysa in tuulooyin dhawr ah lagubay, iyadoo dad gaaraya boqolaalna ay ku barakaceen dagaalkan. Lama sheegin magacyada qabiilada dagaalkan ku lugta leh. Si kastaba ha ahaatee, isku dhacyada qabaa’ilada Carabta iyo kuwa aan carabta aheyn, ayaa ka noqdey wax inta badan ka dhaca gobolka. Isku dhacyada qabaa’ilada ayaa kasii darey gobolka Darfur markii uu ka bilawdey dagaal illaa iyo bishii December ee sanadkii 2002-dii.…
Taliye kuxigeenka qaybta Booliska Gobolka Mudug Koomaad Xussein Dhiidhico, ayaa xilkii u kala wareejiyey taliyihii hore saldhiga degmada jariiban Carays Yuusuf Warsame iyo Taliyaha cusub ee saldhiga degmadda Axmed Maxamed Afrax ( Taraafiko). Taliyaha cusub ee saldhiga degmadda Axmed Maxamed Afrax ( Taraafiko), ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Booliska degmadda. Idilnews
Reliable news source has relayed to this blog,WDM, a tragic story on Puntland election corruption in 2018. The story narrates that a titled elder at the time approached a man to request for lending a car on the eve of Puntland Presidential Election. The elder didn’t want to use his car for fear of being identified. The elder took four newly elected Puntland MPs in the loaned car and visited every presidential candidate that night. When he failed to return the car to the owner for the following next four days with his phone unreachable, the owner started searching for…
The chronic Madax-Ka-Nool (lone head of the state show) political situation in Puntland State doesn’t expect challenges from the State’s dysfunctional House of Representatives. It was a rare move on the part of MPs to issue some independent resolutions the other day. Is it self-perservation, having witnessed some members of their colleagues easily impeached and expelled from their ranks or a meaningful attempt to re-assert their constitutional powers? Many observers believe that the new attempt to grab power by Puntland Parliament is limited to enhancing their positions as unassailable branch of the government rather than insuring checks and balance of…
Madaxtooyadda Puntland ayaa ka hadashay dil galinkii dambe ee shalay uu Askari kamid ah Ciidanka Booliska Somaliland ugu geystay gudaha Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame Ibraahim Salaad Ibraahim, oo kamid ahaa Ardayda dhigata Jaamacadda ee kasoo jeeda deegaanada Puntland. Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jama Deperani, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay Somaliland inay cadaaladda horkeento Askarigii ka dambeeyay dilka Marxuum Ibraahim. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland. Alle ha u naxariisto Ibraahim Salaad Ibraahim oo lagu dilay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, wuxuu ahaa ardey Soomaaliyeed oo wax ku baranayey magaalo Soomaaliyeed. Soomaaliya meel walbo waxaa…
Shirka wadatashiga ee Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kass oo looga hadlayo Hormarinta Tacliinta Sare ee Puntland. Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa socon doona muddo safar maalmood ah, waxaana ka qeybgalaya Masuuliyiinta Wasaaradda, xubno ka socda Jaamacadaha Puntland iyo Aqoonyahano ka kala yimid gudaha Puntland iyo dalka dibediisa. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa sheegay in maalmaha uu socdo Shirka looga hadli doono Hormarinta Tacliinta Sare ee Puntland iyo jiheynta Ardayda ka baxda dugsiyadda sare.
Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho. War-saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen. Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada.”“Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim…
Shirka Wada-tashiga Caafimaadka Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, Waxaana Shirka ka qeybgalaya Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada Dalka. Shirka oo ay martigalineyso Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa qorshuhu yahay inuu socdo muddo saddex berri ah, waxaana diirada lagu saaraya waxa ka qabsoomay nidaamka Caafimaad ee Dalka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa Hormarinta Caafimaadka Dalka. Wasiirka Caafimaadka DFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur, oo la hadlaysay furitaanka Shirka ee Isniintii ayaa sheegtay in Shirka lagu gorfeyn doono marxalada Caafimaad ee Dalka. “Waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay…