Maamulka degmada Qardho ayaa maanta daahfuray wejiga labaad ee Barnaamijka Maareynta Xogta Dowladaha hoose ee FMIS,kaasoo ay ka caawinayso Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kaashanaysa Bangiga Adduunka. Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid ayaa xusay in Barnaamijkan uu si weyn u anfacay wejigiisii hore oo ay ku isticmaali jireen bixinta kharashaadka, xareynta dakhliga iyo maareynta miisaaniyadda dowladda hoose. Barnaamijkan oo casharadiisa ay bixinayeen xubno ka socotay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa wejiga labaad waxa lagu baranayay in shacabka Qardho cashuurta ku bixiyaan hab fudud iyagoo adeegsanaya Mobile Payment sida cashuurta daaraha,cashuurta ganacsiga iyo cashuurta gaadiidka kala duwan. Barnaamijkan ayaa sidoo kale waxa lagu…
Author: Jibril Qoobey
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa sheegay in ka soo bixidda ciidanka dowladda ee gobolka Tigray aanan loo arkin calaamad muujineysa in dowladdu ay ku guuldareysatay dagaalka. Abiy Ahmed oo ka hadlayay baarlamaanka Ethiopia ayaa sheegay in dagaalka oo socday siddeed bilood uu wiiqay jabhadda Tigray. Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka dowladda ay weli leeyihiin awood dagaal, balse ay jirto baahi loo qabo nabadda si Ethiopia ay u horumarto. Idilnews
Askari kamid ah Ciidanka Booliska Somaliland ayaa bartamaha jaamacadda Camuud we magaalada Boorame ku toogtay Ibraahim Cabdishakuur Salaad, oo kamid ahaa Ardayda Jaamacadda, kana soo jeeday deegaanada Puntland. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Marxuumka, Goobjoogayaal ayaana sheegay in dilka Marxuumka uu yimid kaddib markii uu kusoo labistay dhar baluug ah oo ka turjumaya calanka Soomaaliya. Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa ka tacsiyeeyay dilka Marxuumka oo kamid ahaa Ardayda barata kuliyadda Injineerinka, Waxaana ay fasaxeen maalinimada berrito ah dhamaan ardayda. Idilnews
Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta waxa uu shir Guddoomiyay shirka Bilaha ah ee Golaha Hormarinta Gobolka Bari. Shirka ayaa waxa looga hadlay arrimaha horumarinta Gobolka oo ay ugu horeeyaan Amniga, Cafimaadka, dhisada daladda Dhalinyarada Gobolka Bari, u diyaar garowga Doorashooyinka, Iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda hormarineed ee ka socda Gobolka. waxa ka soo qeyb galay shirka Guddoomye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Isu-Duwayaasha wasaaradaha ka howgala Gobolka Bari, Saraakiisha laamaha Amaanka Gobolka Bari, waxa uuna kusoo dhammaaday shirku si guul ah waxaana la…
Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan Aqoonsaneyn Hay’adda Shidaalka Soomaaliya “Somali Petroleum Authority”. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa lagu sheegay in Puntland aysan sidoo kale aqoonsanay heshiisyada iyo shaqada Hay’adda (SPA), maadama DFS uu wakhtiga uga eekaa 8, February 2021. Wasiir Taaraan ayaa ugu baaqay Shirkadaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada Hydrocarbon-ka in ay sugaan inta dalku doorashada ka baxayo, oo ay dowladd cusub imanayso. Idilnews
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa maanta ka daah-furay magaalada Garoowe Shirka dib-u-eegista hanaanka qorista Ciidanka Booliiska Puntland ( review of Puntland Police recruitment guideline). Shirkan waxaa kasoo qabay galay qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha iyo Ciyaaraha, iyo Taliye Kuxigeenka Booliiska Dowladda Puntland iyo Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada Culus, Saraakiil Booliis ah iyo khuburo kale. Shirkaan dib u eegista oo socon doona shanta cisho ee soo socota, waxaana si weyn loogu gorfeyn doonaa…
Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo, Maxamuud Abdinuur Aadan ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay ‘’Sahanka’’ mashruuca dhismaha laamiga Gaalkacyo ilaa Faratooyo oo dhan 85-KM. Dhismaha laamiga oo la filayo in dhawaan la bilaabo ayaa waxaa maalgalinaya African Developmenta Banka iyo EAU, waxaana qayb ka ah Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland. Maamulka gobalka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa dadaal badan galinaya dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha gobalka oo mashaariic qaarkood indhaha lagu hayo ay ka socdaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho. Kulanka Labada dhinac ayaa looga hadlay horumarrada laga sameeyay Arrimaha doorashooyinka dalka, amniga doorashooyinka iyo teegeerada beesha caalamka ee dhaqaale iyo farsamo ee doorashooyinka.
Guddiga Doorashada Galmudug ee SIET, oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Maxamed Dahir Guled u doortay Guddoomiyaha Guddiga, waxaana uu helay 11 cod oo ahaa dhammaan xubnaha Guddiga, mana jirin cid la tartantay. Sidoo kale Guddig aya Guddoomiye Kuxigeen u doortay Saacid Aadan Jaamac oo isna helay 11 cod. Idilnews
Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xidhiidha soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+. Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka. Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka. “Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo…
Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Gobaleed ee matalaya Koonfur Galbeed ayaa ku doortay Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baffo oo heley Codad gaareya 10-cod halka Maxamed Cabdullahi isxaaq oo la tartameyey uu heley 1cod Sidoo kale, Gudoomiye Kuxigeen Guddiga ayaa loo doortay Nuurdiin Ibraahim Aadan oo heley Codad gaaraya 9 cod, halka Cabdullaahi Cabdi Mudalib uu helay 2-cod. Sidoo kale, Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guddoomiyeyaal iyo kuxigeenadooda ay doortaan Guddiyada doorashooyinka, Maamulada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo…
Booliska Dowladda Hoose ee degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa maanta soo bandhigay ku dhawaad 40 xabo oo Garanuug iyo sagaaro ah, taas oo ay soo dileen Rag ugaarsato ah. Maamulka degmadda Burtinle ayaa sheegay inay Talaabo ka qaadi doonaan kooxaha Ugaarsatada ah ee dila duurjoogta ay ku jirto Sagaarada oo kamid ah duur-joogta naadirka ah ee Soomaaliya ku haray. Idilnews
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha amniga heer Dowlad Goboleed. Shirkan ayaa diirada lagu saarayay xaaladahii u danbeeyay ee dhinaca amniga gaar ahaan sugida amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan. Idilnews
Degmada Bander-Bayla ee Gobalka Karkaar waxaa ka qabsoomtay Doorashada Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Bayla iyo Wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland. Ugu horeyn Xildhibaanadda Cusub ee Gollaha Deegaanka Degmada ayaa lagu dhaariyey Goobta Doorashada, intaas kadibna waxay xildhibaanada u dhaqaaqeyn Codeynta Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada. Doorashada Gudoomiyaha Ayaa waxaa ku tartamayey hal musharax oo lagu magacaabo Cabdirashiid Yuusuf Cali waxaana Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bayla si gacanta taag ah ugu doorteen Gudoomiyaha Degmada. Intaas kadib waxaa loo dhaqaaqay Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Deegaanka waxaana isku soo sharxay laba Musharax oo kale ah Saciid Faarax…
Al-Shabaab ayaa degaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buul- Burde ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kusoo bandhigeen 11 Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse isku dhiibay Al-Shabaab. Askartan ayaa Al-Shabaab sheegeen inay ka howlgeli jireen magaalloyinka, Beledwyene, Buulo-Burde, Muqdisho, Maxaas & degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka kala tirsanaa Milalteriga, Nabadsugida & Kuwa macaawiisleyda. Qaar kamid ah Askata ay Al-Shabaab soo bandhigeen oo hadlay ayaa sheegay inay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan uga qeyb qaataan dagaalo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana duruufo soo wajahay darteed ay isaga soo tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya.…
Barnaamijka Kulanka Siyaasiga ee Idil Television iyo Musharax Madaxweyne Cali Cadaawe. Idilnews
Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa suuq wanaagsan ka heshay deegaanada Puntland, tan iyo markii ay bilowday duulimaadyadeeda sanad kahor.
Shabakadihi Dhinaca Galmudug ee Galkacyo dilalka ka geysan jirey oo Garmaqalkoodi labaad ay u fariisatey Maxkamadda darajada 1aad ee ciidamada Puntland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 42 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa qeybinta Wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland, kaas oo la sameeyey 1999-kii. Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda oo lagu wareejiyey Guddiga iyo Shuruucda Cadaaladda si ay ugu soo sameeyaan akhrinta 2aad, waxaana Golaha la horkeeni doona maalinta sabtid ah oo taariikhdu ku beegan tahay 10.Luulyo.2021,…
Shirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaas oo ay ka qeybgalayaan Wasiirada Caafimaadka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada. Shirka oo looga hadlayo Arrimaha Caafimaadka Dalka, gaar ahaan dib-u-eegista xaalada Caafimaad, waxaana marti-galisay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Hon Jama Farah Hassan, ayaa sheegay in Shirka oo daba socda Shir ka dhacay magaalada Muqdisho Dec-2020, lagu gorfeyn doona marxalada Caafimaadka Dalka. Idilnews
Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Bander-Bayla ee Gobalka Karkaar ayaa si gacan taag ah ugu doortay Guddoomiyaha Degmada Cabdirashiid Yuusuf Cali. Cabdirashiid Yuusuf ayaan cidina kula tartamin Doorashada Guddoomiyaha, Waxaana uu xilka heyn doonaa muddo 5 sanno ah. Idilnews
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay xilli dambe gaaray Dalka Nigeria. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa casuumaad ka helay madax ka tirsan Dowladda Nigeria, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Jamaal Maxamed Barow ayaa sheegay in Madaxweyne laftagareen uu casuumaad rasmi ah la helay Guddoomiyaha ismaamulka Kaduna ee dalka Naigeria. Wararka ⁸ayaa sheegaya in Madaxweyne lafatagareen uu ka bilaabay dalka Nageria kulamo kala duwan, isaga Madaxda Ismaamulka Kaduna ay ka wada hadlayaan isdhaafsiga waaya aragnida…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay Liiska Xubanaha golaha deegaanka Degmada Bandar-Bayla Gobalka Karkaar, kuwaas oo ka kooban 23 xubnood. 4 kamid ah xubnaha Golaha deegaanka cusub ee degmadda Bayla ayaa ah Haween. Idilnews
Dagaalo culus ayaa ka socda magaalada Rama oo kutaal xadka Eritrea & Tigree, dhanka Eritrea, sida warbaahinta Eritrea sheegtay xoogaga TDFna qirteen waxaa weerarka qaaday ciidmada TDF ee Tigree. Dagaalkan ayaa ah midkii ugu cuslaa ee labada dhinac dhaxmara sida la sheegayo, waxuuna socdaa 3 maalmood oo xidhiidha ayadoo labada dhinac gurmadyo helayaan. Warbaahinta Eritrea ayaa sheegtay inay xasuuq u gaysteen xoogaga TDF ee isku dayey inay xadka kasoo talaaban, meeshana halaag ka dhacay. Xoogaga TDF ayaan wax wara kasoo saarin. Waxaa xusid mudan in afhayeenka TPLF sheegay maalmo kahor in ujeedkoodu yahay inay xukunka ka tuuran kaligii taliyaha Eritrea…
Doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo goor dhow la soo gabagabeeyay ayaa waxaa ku guuleystey guddoomiyaha doorashada guddiga FEIT Maxamed Xasan Cirro, kasdib markii uu wareegii ugu dambeeyay helay 14 cod halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu ka helay 10 cod. Sidoo kale, Mowliid Mataan ayaa ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga FIET, kaddib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayay. Dooroshadan oo ahayd mid aad u xamaasad sareysay ayaa waxaa ku tartamay shan musharax iyadoo wareegii labaad ay u gudbeen Cirro iyo Liibaan. Gudiga ayaa ka koobn 25 mudane waxaana dalka ka maqan xubin ka mid ah iyagoo 24 ta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Deni ayaa kulamo kula qaadan doono magaalada Nairibi Wakiilo kamid ah Beesha Caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo Siyaasiyiin. Madaxweynaha Puntland oo maalmo ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan. Idilnews
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawldada Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo uu weheliyo wasiirkuxigeenka wasaaradda agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa kusoo dhaweyay garoonka diyaaradaha Gen- Mohamed Abshir Muuse ku soo dhaweeyay wafti ka socda Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaliya iyo wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka. Wasiirka Jamac Farax Xasan oo soo dhawaynta kadib hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa yiri:- “Waxaan si kalgacal leh idinku soo dhaweynayaa Wasiir Foziya iyo wasiirkada caafimaadka dawlada xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaliya magaalada Garowe waxaana idinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalkiina shirka caafimaadka ee dalka oo maalmaha soo socda ka dhacaya Puntland.” Wasiir…
Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Amniga Gobolka Bari. Shirkan ayaa waxa looga hadlay xoojinta amniga guud ee gobalka, la dagaalkan kooxaha nabad diidka ah ee Shabaab Iyo Daacish, iyo sugida amniga Doorashooyinka. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada Dekedaha Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Iyo dhammaan guddiga nabad galyada Gobolka Bari.
Magaalada Qardho oo kamid ah degmooyinkii Gobal weynaha Bari, ayaa haatan xarun ah Gobalka Karkaar ee Puntland, waana magaalo ku suntan taariikh wanaagsan, sida inay tahay xarunta dhaqanka Soomaaliyeed. Halkaan Hoose ka Daawo Barnaamijka baro dalkaaga ee Idil Television oo Todobaadkan looga hadlay Taariikh-da Magaalada Qardho.
Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaga oo ka banaan-baxaya madaxweyne Maxamuud Cabaas, xilli ay jirto carro ka dhalato geerida nin dowladda dhaliili jiray oo xabsi ku dhintay isaga oo gacanta ugu jira ciidamada ammaanka. Nizar Banat oo aad u dhalleeceyn jiray maamulka Cabaas, islamarkaana u taagnaa doorashooyinka baarlamanka ee la rabay in la qabto bishii April, balse la baajiyey ayaa geeriyooday kadib markii ay xireen ciidamada ammaanka maamulka kadibna ay si xun u jir dileen. Ciidamada Maamulka Falastiiniyiinta iyo rag dharcad ah ayaa si rabshado leh u kala eryey…
Taliska Qeybta ilaalada Nabad-galyada Waddooyinka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa digniin u diray dadka kala iibsaday gaadiidka ee kunool magaalada Muqdisho.
Dhismaha Garoonka kubadda cagta Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo gaba-gabeeyay, Waxaana loo diyaariyay inuu noqdo garoonku mid si isku mid ah loogu ciyaari karo maalin iyo Habeen.
Maamulka Tigray’ ayaa Bayaan kaso saaray’ Xabad joojinta Halka dhinac ahaa ee Dawlada Ethiopia’ ku dhawaaqday’. 7 Todobo qodob ayay kaso saareen’ Xabad joojinta’ waxaana ugo muhiimsan Qodobaday’ Soo saareen TPLF.inay marka Hore Ciidamada Maamulka Axmaaradu ka baxaan’ guud ahaan Gobalka Tigray” waliba’ Gobalka Raya’ iyo wolkayit. inaa Dhamaan’ Adeegyadii aas’ aasiga ahaa’ loso celiyo’ Guud ahaan Gobalka’ Tigray’. Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Kooxda TPLF.
Burburka ku wajahan Ciidamada Itoobiya, waxaa ciidamada difaaca qaran baaqi ahaan ka soo hadhay waa 4 guuto oo keliya xagga ciidamada ku bahoobay Xoogagga Difaaca Tigree uu yahay 30 Guuto, laba arrimood ayaan laga fursan karayn mustaqbalka dhaw iyo kan fog; Mustaqbalka Dhaw: lasman Dr. Abiy ma sii xukumi karo Itoobiya. Kalsoonidii iyo taqwadii dawladnimo ayaa ka luntay. Xilli ay TDF dhul badan qabsadeen Jabhadaha Oromona ay ku dhawaaqeen dawlad ku meel gaadh ah, uma eka in Dr. Abyi dalkan sii xukumi doono. Waxa laga yaabaa in wada hadallo dawlad loo dhanyahay laga fikiro.Mustaqbalka Fog: waa in Itoobiya la kala…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa u qeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya Mohamed Ag Ayoya iyo Saraakiil la socotay. Kulanka ayaa looga hadlay howlaha UNICEF ee Soomaaliya iyo qorsheyaasheeda mustaqbalka. Idilnews
Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FIET), ayaa goordhow la filayaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, Waxaana xilka Guddoomiyaha ku tartamaya illaa 5 Musharax, halka Kuxigeenka ay ku tartamayaan 2 Musharax. Guddoomiye 1- Maxamed Xasan Cirro (Guddoomiyihii hore)2- Liibaan Axmed Xasan (Liban shuluq)3- Cabdi Xiis Aadan4- C/casiis Yuusuf5- Maxamed Muuse Kuxigeen 1- Mowlid Mataan2- Saciid Abshir Idilnews
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, sida ay u sheegeen Idilnews Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Jubbaland. Safarka ayaa ahaa mid qorsheysnaa kahor Shirkii labaad ee Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, Waxaana uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne H.E Ahmed Mohamed Islaam, Isimada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland. Idilnews
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, halkaas oo kulamo kula qaadan doono Wakiilo kamid ah Beesha Caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo Siyaasiyiin. Madaxweyne Deni oo maalmo ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa kulamo la qaatay Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan. Idilnews
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa goor-dhaweyd Ansixiyay wax ka bedelka xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo dhigaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ay xasaanada ku weyn karaan 44 cod, si kamid ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka. Go,aanka ay gaareen Baarlamaanka Puntland ayaa imaanaya xilli intii uu xilka hayay Madaxweyne Deni kursiga laga tuuray Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed. Idilnews
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabada daahfurka mashruuca IFIYE Foundation, oo si hordhac ah loogu bilaabayo dhismaha Xarunta Computer-Labka dugsiga sare ee Gambool. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdulaahi Maxamed Xassan, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen ahna madaxa Mashruuca waxbarashada ee Ifiye, Wasiiro katirsan Golaha Wakiillada, Wasiirro, qurbojoog iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay. Mashruucan oo la bilaabay bishii Maarso ee sanadkii hore 2020 ayaa waxaa ka faa’iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya…
Dadka reer Uganda ayaa wajahaya laba sano oo xarig ah hadii ay jebiyaan sharci cusub oo ay dowladda ka soo saartay xakameynta xanuunka COVID-19. Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkii ku tukada banaanka, qofkii aan xiran af-saab ama Mask, qofkii wax ku iibiya banaanka, ama badeeco jidadka ku wareejiya la xirayo laga bilaabo bishan July. Dowladda Uganda ayaa aaminsan in ficiladan ay yihiin kuwa faafinaya xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaasi laga diwaan geliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub. Muunado dadka laga uruuriyay horaantii bishii tagtay ee June ayaa muujinaya in nooca Corona ee Delta ee markii ugu horeysay lagu…
Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo maleeshiyo taabacsan General Xuud uu ka bilowday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Dagaalkan ayaa ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jebis kadib markii ay gudaha u soo galeen maleeshiyaadka taabacsan General Abuukar Xuud oo ka soo horjeeda maamulka Hirshabelle. Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka balse xaalada ayaa degen haatan. Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo diidmada ay diidan yihiin kooxda uu hoggaamiyo General Abuukar Xuud kulan maanta la qorsheeyay inay golaha wasiirada Hirshabelle ku yeesheen magaalada Beledweyne. Wixii kasoo kordha…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya. Safiirka Dowladda Soomaaliya ufadhiya Dalka Itoobiya Cabdulaahi Axmed Jaamac, ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Laftagareen Addis Ababa. Laftagareen ayaa u sii gudbi doona magaalada Abuuja ee Dalka Nigeria. Idilnews
Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Kismaayo. Kulanka oo galabta ka dhacay hoolka Shirarka Madaxtooyadda Jubbaland, ayaa ahaa is-xogwareysi Waxgaradka Jubbaland ayaana uga mahadceliyay Madaxweyne Deni doorkii uu ku lahaa in Jubbaland ka gudubto xaaladihii adkaa ee ka dhashay cunaqabateyntii ay saartay DFS. Idilnews
Sheekh Mukhtaar Roobow, oo u xiran sanadkii saddexaad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soomay cuntada, kaddib markii ay soo wajahan duruufo nolaleed. Yuusuf Xasan Mursal, oo kamid siyaasiyiinta Reer Koonfur Galbeed ayaa u sheegay laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC News Somali in tan iyo khamiistii uu diiday inuu wax cuno Roobow. Waxaa uu xusay inay arrintan ka dambeysay kaddib markii xaalada buuq iyo isla-hadal ah ay soo foodsaareen Mukhtaar Roobow oo DFS ugu xiran guri ku yaal agagaarka xarunta Hay’adda Nabad-sugida ee Maama Khadiija. Sheekh Mukhtaar Roobow, oo mar soo booqday kuxigeenka Hoggaamiyaha kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kaddibna…
Waxaa soo xoogeysanaya shakiga la xiriira ku lug lahaashiyaha ciidamo Somali ah oo ay dowladda Soomaaliya u dirtay Eritrea si ey tababar ugu soo qaataan ay ku lug leeyihiin colaadda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia. Qaramada Midoobay ayaa horey ugu eedeysay ciidamada Soomaalida ku lug lahaanshiyaha dagaalkaas, haatanna tuhunka iyo hadal heyntu waxay gaartay Mareykanka. Warbixinta kooban oo ay ka diyaarisay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Abuuja ee Caasimadda Dalka Nigeria. Laftagareen ayaa ka duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo uu galabta gaaray, lamana oga ujeedada socdaalkiisa Dalka Nigeria. Idilnews
Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Gen. Cabdi Xasan Xijaar, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha burcada ah ee dadka dhaca ugu geystay Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan ku yeeshay maanta xaruntooda magaalada Garoowe ayaa Ansixiyay Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadkii 2020. Hadabada Sidee loo isticmaalay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkii 2020 ?, Waxaa sharaxaya Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Wakiillada Puntland Xildhibaan Cawil Daad.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Cabdiweli Mire Xirsi oo uu Wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, DPL mudane Jubba Cali Nuur ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Bandar-Beyla iyo shaqaalaha Dawladda Hoose . Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa, Dardar gelinta Bixinta Canshuuraha, wada shaqeynta Dowladda dhexdeeda, isku xirka Bulshada iyo Dowlada, adkeynta amniga, iyo sidii Maamulka Degmada doorkiisa uga qeyb qaadan lahaa Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Bayla iyo wacyigalinta Hannaanka Geedi socodka Dimuqraadiyeynta. Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar, Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Cawil Bulle,…
Kooxda TPLF ayaa bartamaha magaalada Mekelle kusoo bandhigay kumanaan maxabiis ah oo ay ka qabteen Ciidammada Dowladda Federaalka Itoobiya, intii uu socda dagaalkii Gobalka Tigray. Kumanaan Shacab ah oo isugu soo baxay waddooyinka Mekelle ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Xukuumadda Abiy Ahmed iyo maxaabiista lasoo bandhigayay. Talaabada ay TPLF kusoo bandhigtay maaxaabiista Ciidanka Itoobiya ayaa imaanaysa xilli dhowaan Abiy Ahmed Ali, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo saxaafadda la hadlayay ayaa beeniyay in la jabiyay Ciidammadiisa.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab ayaa magacaabay Guddigga ku meel gaarka ah ee hurumarinta Afka Somaaliga kuwaasi oo wax ka qaban doona dhibaatooyinka heysta Afka Somaaliga iyo hurumarinta Akadeemiyadd Goboleedka Af-Soomaaliga. Liiska xubnaha la magacaabay hoos ka aqriso.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Furay kala fadhiga sedaxaad Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne Laftagareen oo khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda uu hoggaaminayo, isagoona fariin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta qabsoomay. Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 46 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020, taas oo Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladu ay kusoo sameeyeen akhriskii 2aad, iyagoo Golaha lawadaagay Warbixintooda. Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Mudane, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin dil iyo dhac ka geystay degaanka Jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho. Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa Dhac iyo Dil uu gaystay Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii March Sanadkan, Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira. Ciidamada deegaanka oo ku soo wareejiyay Eedeysanaha Hey’adda baarista Boliiska CID ayaa Iyana Baaritaan dheer kadib ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dabayaaqadii March. Isla xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in Eedeysane Abuukar Macalin Axmed Hilowle loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan, waxa ayna…
Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan. Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaadhay magaalada Mekelle , maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka. Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa kahor intaan meesha laga saarin. Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar ee sanadkii 2020.
Allaha u naxariistee waxaa saakay magaalada Muqdishu ku geeriyooday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo) oo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho, waxaana geeridiisa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Cabduqaadir Cali Diiriye (Gen. Subxaanyo). “Naxariistii Janno Allaha ka waraabiyo General Cabdulqadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ahaa ruug caddaa ciidan iyo waayo…
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu furtay safaaradeedii dalka Kenya kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xirnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya. Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in safaaraddu ay dib u bilowday adeegyadii ay bulshada u haysay ayaa sidoo kale sheegay wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba waddan oo uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aanan si fudud u kala go’i karin.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Ra’iisul Wasaare Rooble ”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Falkan waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda…
Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal 2020-2021 ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur. Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ee Heer Federaal ayaa…