Author: Jibril Qoobey

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Qarax Ismiidaamin ah uu goor-dhaweyd ka dhacay isgoyska Hotelkii hore ee Jubba ee Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa oo isku dhex qarxiyay goob maqaaxi ah oo ay dad badan ku sugnaayeen, Waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxa. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo in ilaa hada uusan meelna ku sheegin masiirka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday. Abdirahman Abdishakur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sidoo kale xusay in Guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble aan dib dambe loo maqal warkooda, Waxaana uu ugu baaqay Farmaajo iyo Roble inay waalidiinta Soomaaliyeed dib ugu soo celiyaan ilmahooda inta nool. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Abdirahman Abdishakur Warsame. Ilaa iyo haatan madaxweynaha xilkiisa idlaaday meelna kuma sheegin masiirka dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday. Guddigii uu…

Read More

Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay soo labo kacleynta TPLF oo dhawaan la wareegtay maagaalada muhiinka ee Makalle ka dib markii halkaasi ay ka baxeen ciidanka Itoobiya. Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa sheegay in maamulkooda uu tilaabo adag uu ka qaadi doono shaqsiyaadka taageerada u ah in TPLF ay dib ula wareegto talada dalka Itoobiya. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhammaan la adkeeyay Ammaanka magaalooyinka dowlad degaanka Soomaalida si looga hortaggo in ay ka dhacaan falal Amni daro inta ay socdaan howlgallada. “Marnaba uma dulqaadan doonno shakhsiyaadka u gacan-haadinaya ururkii 30-kii sanno ee…

Read More

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo kulan rasmi ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga u doortay Muuse Geele Yuusuf. Guddoomiyaha cusub ee KMG ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka Guddiga Qaran ee hagaya doorashada. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan (5) xubnood oo qabanaya doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021. Muuse Geele Yuusuf, oo kamid ah xubnaha ka socda Puntland ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Bari.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka. Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray. Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan…

Read More

Baarlaamaanka Carbeed ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo, isagoo intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka. Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka inay taageeraan Soomaaliya sidii ay u hirgeli lahaayeen yo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daahfuran.

Read More

Madaxwaynaha Dowlada Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa u magacaabey lataliyihiisa Arrimaha amniga iyo Siyaasadda, Gobolka Mudug, Cabdirizaq Mirre Xasan (Gawiido) Magaacibstaan uu Madaxwayne Dani uumagacaabey Cabdirisaaq Gawiido, ayaa kadhigan in Maamulka Dani xooga saarayo sidii lagu gaari laha xasilooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Mudug.

Read More

Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay. Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga. Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore, IRC…

Read More

Shir looga hadlayo dardar-gelinta Amniga Gobalka Nugaal, ayna ka qeybgaleen Saraakiisha Ciidammada Booliska ayaa lagu qabtay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Nugaal. Shirka oo uu guddoomiyey Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Maxamuud Aadan Jaamac, ayaa intii uu socda tirada lagu saaray la-dagaalanka Maandooriyaha khamrida iyo Xashiiska iyo falalka kale ee lidiga ku ah Amniga. G/Sare Maxamuud Aadan Jaamac, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal oo Shirka kaddib la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay waxyaabihii Shirka kasoo baxay, Waxaana uu digniin u diray dadka ka ganacsiga Maandooriyaha. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray koonfurta magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo masuuliyiin kale. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Madaxweyne Qoorqoor uu booqan doono deegaanka Wisil ee Gobalka Mudug oo ay dhowaan Kooxda Al-Shabaab ku qaaday weerar sababay dhimashada ilaa 40 Ruux oo isugu jira Askar iyo Shacab.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Waxaana si weyn ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qeybta kala duwan ee Bulshada Jubbaland.

Read More

Xoghayihii hore ee Gaashaandhiggga Mareykanka Donald Rumsfeld ayaa ku geeriyooday magaalada Taos ee gobolka New Mexico, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay qoyskiisa Arbacadii shalay aheyd. “Waa murugo aad u weyn inaan idin la wadaagno gerida halyey qaran” ayaa lagu yiri bayaankan oo aan lagu xusin xilliga uu geeriyooday. Donald Rumsfeld, oo ahaa xoghaye awood badan ayaa ahaa ninkii qorsheeyay dagaalkii Ciraaq uu Mareykanku ku qaaday, waxaana markii ciidamada Mareykanku ay meesha ka saareen maamulkii madaxweyne Saadaam Xuseen uu Rumesfeld ku fashilmay in uu soo celiliyo sharciga iyo kala dambeytii Ciraaq, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay Ciraaq gashay…

Read More

Hoggaamiyayaasha Ethiopia ayaa Arbacadii hoos u dhigay muhiimadda ka bixitaanka ciidanka federaalka ee magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, ayaga oo ku adkeystay inay xilli kasta oo ay doonaan ay dib uga qabsan karaan mucaaradka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in magaalada Mekelle, oo ciidamada dowladda ay qabsadeen bishii November balse dib loogala wareegay Isniintii, “ay lumisay muhiimaddeeda” intii uu socday dagaalka Tigray, muddo sideed bil ah. “Marka aan militari ahaan u eegno Mekelle, nooma xiiso gelineyso si la mid ah markii aan halkaas tageynay,” ayuu yiri Abiy oo hadallo uu jeediyey uu baahiyey xafiiskiisa, Arbacadii. Sidoo kale, Sarreeye…

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Waxaana si weyn ugu soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo qeybta kala duwan ee Bulshada Jubbaland. Madaxweyne Deni ayaa booqasho maalmo ah ku joogi doona magaalada Kismaayo, waxaana uu kulamo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doorashada uu la qaadan doonaa Madaxda Jubbaland, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada. Idilnews

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulan isbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta amaanka la qaatay Gudoomiyaasha maamula Qoxootiyada Yamaniyiinta iyo Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Bosaaso waxana goob joog ka ahaa saraakiisha Ciidamada inta uu kulankaan socday ayaa la isla qaatay in ay ka wada shaqeyaan amaanka iyo caqabadaha ku imaankara Qoxootiyada si ay ula soo wadagaan Lamaha Booliska Gobalka Bari kadibna ay wax uga qabtaan. Taliyaha Qeybta ayaa kula dardarmay in ay ku xirnadaan ciidamada Booliska si uu u dhexmaro wadashaqeeyn loogana hortago wax walba oo lidi ku ah amniga iyo xasiloonida Gobalka. Kulankaan…

Read More

Gudoomiyaha gobolka karkaar siciid mahamed faahiye ayaa xalay ka qayb galay munaasibada 1da luuliyo oo lagu qabtay Magaalada Qardho, taas oo ku beegan markii ay midoobeen Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya. Dhamaan masuuliyiintii iyo aqoon.yahankii ka so qab-galay Xuska 1da, luuliyo ayaa waxey halkaas ka soo jediyeen khubado ku sabsan midoowgii Gobolada Waqooyi iyo koonfurta soomaliya. Waxaa munasibada laga soo jediyey sugaan ka hadleysa muhimiyada malinta 1da, luuliyob

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan una macquulsan u soo gabagabeeyaan hannaanka doorashada Soomaaliya, maalin kaddib markii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen jadwalka hannaanka doorashada Soomaaliya. Antony Blinken ayaa soo saaray fariin ku aadan hambalyada maalinta xornimada ee 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay dhammaan Madaxda inay sii wadaan wada shaqeynta, si ay u suurta gasho soo gabagabeynta hannaan doorasho daah furan, nabad ah oo loo dhan yahay. Mareykanka ayaa si weyn u diidanaa muddo kordhintii labada sano ee Baarlamaanka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa…

Read More

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Cabdiweli Mire Xirsi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Bandar-Bayla ee Gobalka Gardaf Wafdiga uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda, Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Qardho.

Read More

Somaliland ayaa xayiraadii duulimaadyada ka qaaday Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubia, sida uu Warbaahinta u sheegay Cumar Sayid, Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland. Cumar Sayid ayaa sheegay inay soo buuxisay shuurudihii looga baahnaa oo ahaa in aysan ku shaqeyn karin amarka Soomaaliya, marka ay sugan tahay gudaha Somaliland. Waxaa uu xusay in dhammaan diyaaraddaha ka shaqeeya degaanada Somaliland kaliyah ay qaadan karaan Amarka Somaliland. Somaliland ayaa horay u xayirtay diyaaradda Fly Dubia kaddib markii ay sheegtay in ay jabisay amarka Somaliland. Maamulka Hawada Soomaaliya waxaa hadda laga maamulaa Muqdisho oo Somaliland horay cabasho badan uga muujisay.

Read More

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dowladda Mareykanka inay qaado cunaqabateynta saaran waddan Iran, ayna labada dal dib ugu laabtaan heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii. “Waxaan ka codsanayaa Mareykanka in uu qaado ama ka tanaasulo cunaqabateyntiisa,” ayuu ku yiri Guterres warbixin ay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka doodeen Arbacadii. Guterres ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaallada dhowaanahan socday ee diblomaasiyadeed ee ay labada dhinac dib ugu soo nooleynayaan heshiiskii Nukliyeerka, kaasi oo ku sigtay in uu bur-buro kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskaasi bishii May ee 2018-kii,…

Read More

Hawlgallo la xiriira xaqiijinta iyo dardar gelinta Amniga, ayaa ka bilowday magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Ciidanka Booliiska Puntland oo kaashanaya laamaha kale ee Amniga dowladda, ayaa hawlgallo ka bilaabay magaalooyinka ee Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo. Sidoo kale howlgalada ayaa ka socdo degmooyinka ka baxsan laamiga ee Gobalada Bari, Gardafuu, Sanaag iyo Mudug. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in hawlgalka lagu xoojinayo Amniga, islamarkaana lagu beegsanayo cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo xasiloonida Puntland. Hawlgalladan ayaa ku soo beegmay, iyadoo horraantii todobaadkan Puntland dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo.

Read More

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 61-aad guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed tasoo dhacday Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Munaasabadan oo aheyd mid balaarran,ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Guddoonka Barlamaanka,xubnaha golleyaasha dowlada, maamulka caasimadda, saraakiisha ciidamada, & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Read More

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ku wajahan maanta magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Madaxweyne Deni oo Arbacadii la filayay inuu gaari magaalada Baydhabo ayaa ka baaqsaday, kaddib markii uu imaanshihiisa uu ka cudur daartay Madaxweynaha Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen oo culeys kala kulmaya Madaxweynaha muddo-xileediiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo. Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, Waxgaradka iyo Siyasiyiinta. Idilnews

Read More

Munaasabado lagu xusayo 1-Luulyo oo ku beegan 61 sanno-guuradii kasoo wareegtay xorowgii Gobalada Koonfureed ee Soomaaliya iyo midowga Fobalada Waqooyi kuwa Koonfureed ayaa lagu qabtay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho, sida Villa Somalia, Hotel Elite iyo qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho. Villa Somalia Hotel Elite Xaafadaha Muqdisho. Idilnews

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo. Waxaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay Kowda Luulyo oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal bdan. “Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa Hadiyad dhaqameed ka ay caanka ku tahay Koonfur-galbeed ka gudoomay Suldaanka Beesha Digil iyo Mirifle Suldaan Ibraahim Suldaan Maxamed. Shan kamida Nabadoonada Beesha Digil iyo Mirifle iyo Suldaan Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudadii sanadka ahayd ee uu joogay Gobolka sida muuqata ee ay uga heleen garab istaaga iyo Taageerada Beesha Digil iyo mirifle ee ku nool Gobolka Mudug iyo sida wanaagsan ee ugu gartay Nabadoonadu in ay helaan Cararka Aqoonsiga Nabadoonimo ee heer Gobol. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa uga mahadceliyey Suldaanka iyo Nabadoonada Beesha Digil iyo Mirifle sida ay ugu…

Read More

Dowladda Jarmarka ayaa sheegatay inay kala baxeen ciidmadeedii dalka Afghanistan kaga jogay Nabad ilaalinta 20-kii sano ee la soo dhaafay. Bayaan kasoo baxay wasaaradda difaaca Jarmarka ayaa lagu yiri “ waxaa Afghanistan kasoo baxay qeybtii u danbeysay ciidmaddii Jarmarlka ee dalkaas u joogay Nabad ilaalinta.” Ciidmada Jarmarka ee joogay dalka Afghanistan ayaa gaarayay 1,100 Asgari, waana waddanka labaad ee ciidmada ug badan geeyay Afghanistan. Inta la ogyahay 59 asgari aya Jarmalka uga dhimatay gudaha Afghanistan 20-tankii sano ee ay u joogeen Nabad ilaalinta. Afghanistan ayaa noqotay dalkii ugu horreyay ee ciidanka Jarmalka ku galaan dagaal dhulka ah kadib dagaalkii labaad…

Read More

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF. Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo. Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga. “Ethiopia waxay u baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka,” ayuu yiri Redwan Hussein, ayada oo ay u muuqato inuu ula jeedo…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaalia Kristina Svensson ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku kacaya 445 Million oo dollar oo Bangiga aduunku ugu deeqay Soomaaliya si looga fuliyo mashaariic horumarineed. Wasiir Beyle ayaa sidoo kale kala hadlay Kristina Svensson maamulaha Bangiga Aduunka ee Soomaaliya dib u habeynta nidaamka Maaliyadda dalka.

Read More

Madaxtooyadda Puntland ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, inuu dhaqaale ku bixiyay Sawir uu maanta soo bandhigay farshaxameystaha Amiir Caamir, oo la isaga horkeenayay Puntland iyo dadka deegaanada Koonfur Galbeed. Sawirka oo ahaa mid lagu difaacayay Al-Shabaabkii ay dhowaan toogatay Puntland, ayaa lagu muujiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo xabad ku furaya Rag ku xir-xiran tiir, kuwaas oo ku hadlaya lahjada Mayga, dhahayana “ARIIROW SHABAAB MI IHI OO GARDARANTA”, taas oo la micno ah in Ragii dhowaan ay toogatay Puntland ay ahaayeen Dad Reer Koonfur Galbeed ah oo aan aheyn Al-Shabaab. Af-hayeenka Madaxtooyadda…

Read More

Waxaa maanta xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Dowladda ka qabsoomay shir kusaabsan xaalada ayaxa ee Soomaaliya kaas oo ay kasoo qaybgaleen madaxda ka socotay wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha Beeraha ee dawladaha Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubaland iyo Koonfur-galbeed kulanka ayaa kusaabsanaa midaynta iyo isku xirka howlaha xakamaynta Ayaxa ee guud ahaan Soomaaliya. Shirka waxaa furitaankiisii ka qaybgalay kusimaha wasiirka wasaaradda Deegaanka Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle, wasiir kuxigeenka wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL Marwo. Saynab Ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” iyo agaasimeyaal ka socday wasaaradaha beeraha ee heerka dawlada federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa shir gudoomiyey Shirka Amniga Gobolka Mudug, kaas oo todobaadkan looga hadlay xaaladihii udanbeeyey ee Gobolka Mudug iyo Deegaanadiisa, warbixinada Laamaha Amniga iyo adkaynta ladagaalanka Argagixisada . Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamud Cabdinuur, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdi shire.

Read More

Madaxweynihii hore ee DFS Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi, oo ku booqday hoyigiisa. Hassan Sheikh iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ka wada-hadlay xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweynihii hore ee DFS ayaana uga mahadceliyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Imaaraatka Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi oo hoygeyga igu soo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya. Labadeena dalba waxay…

Read More

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa ku wargalisay Ardayda Reer Puntland ee dhameysatay dugsiyadda Sare in loo hayo fursad la xariirta kamid noqoshada Ciidanka Booliska Puntland. Qoraal lagu baahisay barta Facebook Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale lagu shaaciyay shuruudaha looga baahan yahay Ardayda dalbanaysa kamid noqoshada Ciidanka Booliska Puntland. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Ogeysiis ….. Ogeysiis. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland waxa ay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda dhammaysatay dugsiyada sare ee Puntland in loo hayo fursad ka mid noqosho ciidanka booliiska Puntland. Shuruudaha looga baahanyahay qorista ciidanka booliska Puntland: 1- Waa in uu Puntlander…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Maamulka baahinta Puntland oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Puntland. Shirka maamul baahinta Puntland waxaa ka qeybgalay Wasiirada Bah-wadaagta ku ah mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG iyo daadejinta adeega Dowladdaha Hoose ee Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay qorshaha maamul baahinta ee Dowladda iyo mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland, iyadoo la hubinayo adeegyada Dowladdu u qabato Bulshada. Idilnews

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku Wajahan magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay olale la xariira doorashada Madaxweynaha, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Madaxda iyo Waxgaradka deegaanada Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Puntland ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu uga qeybgalay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo laga soo saaray heshiis cusub. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda tagi doono magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayey Dardargelinta Arimaha Doorashooyinka Dalka.

Read More

Dad tiro badan ayaa ku dhintey wadanka Canada, ka gadaal markii kuleyl aan la qiyaasi Karin uu ku kordhey heer kulka. Booliiska Vancouver ayaa sheegay iney jiraan dad si deg deg ah u dhintey, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 130 qof tan iyo jimcihii. Inta badan dadka dhintey waa kuwo waa yeello ah, ama cuduro xun qaba. Sidoo kale, kuleylka xad dhaafka ah ee jira, ayaa qeyb weyn ka ah dhimashada dadka tirada badan. Shaley ayuu dalka Canada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii uggu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey magaalada Lytton ee gobolka British Columbia. Toddobaadkii…

Read More

Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland ayaa ku dhawaaqday in la fasaxay shaqaalaha Dowladda berri oo khamiis ah, Munaasabadda xuska 1-Luulyo oo ku beegan xorowgii Gobalada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Midowgii Koonfurta iyo Waqooyiga awgeed. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa hambalyo u diray shaqaale weynaha Puntland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay jaratay qeyno kamid ah lacagihii ay ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda. Waxaa uu sheegay in xilli walba oo la gaaro waqti ay doorashada ka harsan tahay muddo lix bilood ah ay dhaqaalaha jartaan Beesha Caalamka, balse dib loo soo fasaxo markii Madaxweyne la doorto oo uu nidaam cusub yimaado. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlaha mashaariicda ah oo ay Beesha Caalamka ka wadeen Soomaaliya ay sidooda u socdaan, balse kaliya la joojiyay lacagihii lagu kabi jiray miisaaniyadda…

Read More

Taliska Booliska degmada Kaaraan iyo mas’uuliyiinta Maamulka degmada ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaas waxaa ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo dhac grysatay. Howlgalka ayaa wqxaa sigaar ahooga sameeyay xaafadaha Jamhuuriya iyo xaafadaha ku dhaw-dhaw sida masaajidka Turkiga, waxaana gacanta lagu soo dhigay Shan Nin oo hubeysan hubka Qoryaha AK47 ,Bustoolad iyo Tooreey, kuwaas oo dadka Shacabka ah dhac u geysanayay. Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in mamaulka degmada iyo laamaha Amniga aysan u dul qaadan doonin dadka dhaca mobeelada ka geysanaya Xaafadaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Waxaa uu ugu baaqay bulshada…

Read More

Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore iyo Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ka qayb galay shirka Dibu dajinta Barakacayaasha oo ka qabsoomay xafiiska Hay’ada UNHCR ee Magaalada Gaalkacyo. shirkan oo daba socday shirar isdaba jooga oo looga hadlay sidii Barnaamijka xalka waara loogu sii xoojin lahaa Barakacayaasha, sidoo kale kulanka ayaa ku saabsanaa isbarasho ah Xafiiska Maamulka Cusub ee Hay’ada UNHCR ee Magaalada Gaalkacyo.

Read More

Mareykanka ayaa soo dhoweeyay xabbad joojinta ay dowladda Itoobiya kaga dhawaaqday gobolka Tigreega, halka Jabhadda Xoreynta Tigre ay shegeen inay sii wadayaan dagaalada ay ku xoreynayaan gobalka, iyadoo ay jirto digniino la xiriira macaluul ba’an oo ka taagan gobalkan. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa arrinkan ku tilmaamtay tallaabo wanaagsan oo horseed u noqon doonto soo afjaridda colaadahii halkaas ka taagnaa, joojinta xasuuqyadii bani Aadanimo iyo oggolaanshaha marin u helidda gurmadka bani aadamnimo ee ku wajahan gobalka Tigre. Mareykanka ayaa ugu baaqayo dhammaan dhinacyada isku haya gobalka Tigre inay u hoggaansamaan xabad joojinta, si loo gaaro jawi wada hadal, oo horseed…

Read More

Dagaal u dhexeeya Ciidammada Amniga Puntland iyo maleeshiyaadka kooxda Daacish ayaa ka dhacay deegaanada buuraleyda ah ee hoostaga degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Wasiir Gallan oo wareysi siinayay Warbaahinta ka hadasha afka Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay khasaare baaxad leh gaarsiiyeen Kooxda Daacish, ayna ka dileen maleeshiyaad kamid ah Kooxda iyo saanad ay wateen. Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews

Read More

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland ee Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, ayaa kulan la qaatay Waxgaradka iyo Bulshada degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari. Kulanka ayaa looga hadlay xalada amni ee degmada iyo sidii looga qayb qaadan lahaa ka sifaynta argagaxisada ee buuraha Calmiskad. Wasiir Gallan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay fulinayso dhamaan baahiyaha bulshada degmadda Balli-dhidin ee Gobalka Bari, isagoona ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga ee howlgalada ka dhanka ah Argagixisada ka bilaabay degmada iyo deegaanada hoos-taga. Idilnews

Read More

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa maanta sagootisay 108 Arday oo deeq waxbarasho oo heerka labaad ah ka helay dalka Itoobiya, kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, ayaa kula dardaarmay Ardayda inay si wanaagsan uga faa’ideystaan deeqdan waxbarasho, si ay qeyb uga noqdaan Hormarka Puntland.

Read More